HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPAPAER EE MAANTA OO AH SABTI 20-KA AGOOSTO 2022-KA

0
Saturday August 20, 2022 - 08:00:20 in Wararka by
  • Visits: 470
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPAPAER EE MAANTA OO AH SABTI 20-KA AGOOSTO 2022-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

MW Xasan Sheekh Oo Magacaabay Guddiga Maamulka Hay’adda Maareynta Masiibooyinka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federa alka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ti xraacaya soo jeedinta Ra’iisul Wasaaraha Xuk uumadda Xamse Cabdi Barre ayaa wareegto Mad axweyne ku soo saaray Xubnaha Guddiga Maa mulka Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soom aaliyeed (SODMA).

Madaxweynaha ayaa tilma amay mudnaanta ay dowladdu siinayso howlaha gurmadka iyo samata-bixinta dadkeenna dhi baateysan, waxa uuna Golaha Xukuumadda ku bogaadiyey ansixinta iyo soo gudbinta Xubnaha Guddiga Ma amulka Hay’adda Maareynta Masiibooyinka oo Goluhu cod buuxa ku ansixiyay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ka duulaya codsiga Xukuumadda, gaar ahaan Wasiirka Arri maha Gudaha, Federaalka iyo Dib-U-Heshiisiinta Md. Axmed Macallim Fiqi ayaa wareegto Madaxw eyne ku soo saaray Guddiga Maamulka Hay’adda Maareynta Masiibooyinka oo kala ah;

1- Maxamuud Macallin Cabdullaahi- Gudom iye

2- Dr. Axmed Cabdi Aadan.Guddoomiye Ku-Xigeen

3- Cabdirashiid Maxamuud Xasan Agaasime

4- Marwo Luul Axmed Coloow Agaasime

5- Cabdirisaaq Axmed Cali Agaasime

Madaxweynaha ayaa u rajaynaya Guddigan in Alle uu u fududeeyo gudashada masuuliyadda Qa ran ee loo xilsaaray, isagoo kula dardaarmaya in ay si daacad ah oo hufan ay ugu adeegaan dad kooda Soomaaliyeed iyo dalkooda.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya iyo er ga yga Q/Midoobey oo ka wada hadlay dadaal lada bani'aadamnimada

Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac, ayaa Muqdisho ku qaabilay Ku-xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobay u qa abilsan Soomaaliya, Anita Kiki Gbeho, waxayna kawada hadleen doorka Q/Midoobay ee dadaa llada bini'aadantinimo.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa wasiirka arrimaha dibadda iyo ergayga UNka ay isku we ydaarsadeen aragtiyo dhowr ah oo ay ka mid yihiin fududeynta isu socodka dadka dhibaat eysan iyo sidoo kale xaaladaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha dibadda ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay aad u dane yneyso in gargaar la gaarsiiyo dadka tabaaleysan ee ku nool deegaannada ay abaaruhu saameey een ee laga deyrinayo xaalkooda

Raysal wasaare Xamse ayaa dhawaan shee gay in xukuumadiisa ay xoogga saarayso ka jaw aabidda gurmadka abaaraha ka jira dalka, isagoo golihiisa wasiiradda ku amray inay kaalin weyn ka geystaan sidii loo badbaadin lahaa dadka abaaruhu saameeyeen.

Madaxweynaha Somaliya oo qaabilay Madaxa Hay’adda WFP

Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Ma xamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabil ay wafdi uu hoggaaminayo Madaxa hay’adda Cu nnada Adduunka ee WFP, David Beasley.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay David Be asley da daalada ay dowladdu ku bixi neyso wax ka qabashada xaaladaha deg dega ah ee ku sa aban arrimaha gurmadka abaaraha iyo kaalinta lo oga baahan yahay hay’adaha Caala miga ah ee ay ka mid tahay WFP, iyadoo mudnaanta la siina yo qorsheyaasha Soomaaliya looga gacansiinayo in ay ka guurto marxaladda ku-tiirsanaanta garga arka bini’aadannimo si loogu gudbo horumar wa ara iyo xaqiijinta isku filnaansho buuxda oo uu ga aro dalkeenna.

"Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed wax aa ka go’an xaqiijinta in dalkeennu uu gaaro hor umar dhaqaale, amni iyo bulsho dhan kasta isaga filan, hannaanka kaliya ee lagu miro-dhalin karo waa in aan soo afjarno ku tiirsanaanta gargaarka, taas beddelkeeda aan xoogga saarno dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha iyo wax-soosaarka dalkeenna.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyay Hay’adda WFP taageerada iyo gar ab istaagga joogtada ah ee ay siiyaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, isagoo ku adkeeyay xoojinta iyo sii wadista barnaamijyada maalgashi ga, horumarinta wax soosaarka gudaha dalka, kor u qaadidda qorsheyaasha kobcinta iyo hubinta tay ada cunnada dalka.

Madaxa Hay’adda WFP ayaa dhankiisa ballan qaadday in Dowladda Somaliya ay ka taageeri doonaan wax ka qabashada abaaraha, caqabada ha ka dhashay is bedelka cimilada, cunna yarida iyo horumarinta adeegyada muhiimka u ah dadka Soomaaliyeed.

Guddoomiye Aadan Madoobe Oo Dib U Dhig ay Kulankii Lagu Dhaarin Lahaa Farmaajo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaan ka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Max amed Nuur Madoobe ayaa dib u dhigay kulankii berrito oo sabti ah ay yeelan lahaay een Xildhibaanada Golaha Shacab ka Baarlamaanka.

La-taliyaha gaarka ah ee Guddoo miyaha Golaha Shacabka Maxamed Xasan Idiris oo Qoraal kooban soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay in Guddoomiye Aadan Ma doobe uu dib u dhigay kulankii berrito ee Golaha Shacabka, sababo jiro awgood.

"Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa shirkii berri ee Golaha Shacabka BJFS dib u dhigey Sa bab jira awgeed!” ayuu yiri Maxamed Xasan Idiris oo faah faahin intaas ka badan ka bixin sababta keentay dib u dhigista kulankii Xildhibaanada.

Ajendaha koowaad ee kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa uu ahaa dhaarinta Madaxweynihii hore ee dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo noqonaya Xildhibaan Abadiya.

Sidoo kale kulanka Golaha ayaa lagu waday in dhaariyo Dahir – Xubin Guddiga Madaxa bana an ee hirgalinta Dastuurka iyo Doorashada Gudd oonka Guddiyadda Golaha Shacabka.

Dib u dhigista kulankii lagu dhaarin lahaa Madax weynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdull aahi Farmaajo ayaa kusoo aadaya, iyada oo Xalay Al-shabaab weerar ku bilowday qaraxyo ku qaadeen Hotelka Xayaat oo weli ay ka dhex-dagaalamayaan.

Soomaaliya oo ku guulaystay guddoo miyaha gu ddiga Bariga Afrika ee ka hor tagga cudurada Afrika

Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu guulaysatey gudoomiyaha gudd iga bariga afrika ee ka hortagga cudurada Afrika ee loosoo gaa biyo CDC.

Wasaaradda caafimaadka Soom aaliya ayaa sheegtay inay guush aan door weyn ka qaateen wasiir ku xigeenka wasaaradda caa fimaadka Soomaaliya Dr. Maxamed Xasan Max amed (Buraale) iyo guddi la socda oo dalka Tan zania uga qeyb galay shirka guddiga ha gida Afr ica ee CDC. Wasiir ku xigeenka iyo wafdigiisa oo Soomaal iya u matalayay kulanka ayaa si weyn ugu olole eyay in Soomaaliya ay ku guuleysato guddoomiya ha guddigan Afrika ee CDC, taasoo ugu dambayn ay ku guulaysteen.

CDC, waa hay'ad farsamo oo ka tirsan Midow ga Afrika oo loogu talagalay inay ka caawiso wad damada xubnaha ka ah dadaallada ay ku aqoon sanayaan, qorsheynayaan, ugana jawaabayaan khataraha caafimaadka bulshada iyagoo isticmaal aya sayniska, xogta, iyo siyaasadda.

Xarumaha Xakamaynta iyo Kahortagga Cudur rada Afrika (Africa CDC) waxaa loo aasaasay inay ta geerto dadaallada caafimaadka dadweynaha ee Dawladaha xubnaha ka ah iyo xoojinta awood da hay'adahooda caafimaadka ee dadweynaha, si ay u xakameeyaan oo uga jawaabaan si degdeg ah oo waxtar leh khataraha cudurka.

Waxaa lagu aasaasay Jannaayo 2016 shirka golaha midwoga Afrika, iyadoo si rasmi ah loo daahfuray Janaayo 2017.

Dowladda Somalia Iyo Ingiriiska Oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga 2-da Dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Soomaaliya Ab shir Cumar Jaamac, ayaa ku qaabilay Muqdisho, Safiiradda Boqortooyada Midowday (UK) u qaab ilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaali ya, Marwo Kate Foster OBE.Safiiradda Britain ayaa ugu hambalyaysay Wa siir ka cusub ee Arrimaha Dibadda xilka loo ma gacaabay, iyada oo u rajaysay inuu ku guulays to howlaha loo igmaday, waxa ayna ku nuux-nuux satay kaalinta UK ee ah saa xiib, isbahaysi, garab iyo taageere ee dowladda iyo dadka Soomaal iyeed.

Intii kulanka lagu guda-jiray ayaa waxaa la Is kula eegay xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo UK iyo siyaabaha lagu xoojin karo, laguna horumarin karo dhinac waliba oo ay ku jirto dano wadaagga.

Dhinaca kale Wasiirka ayaa la kulmay ku-xig eenka Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ah na Sarkaalka mas’uulka ka ah Howlgalka Kaalma ynta Qaramada Midoobey ee Soomaaliya (UNS OM), Marwo Anita Kiki Gbeho,

Kulanka ayaa waxaa la isku dhaafsaday arag tiyo dhowr ah oo ay ka mid yihiin fududeynta gurm adka aadannimo ee la gaarsiinayo dadka ta baal aysan, sidoo kale waxaa la isla fallanqeeyay horu marka xaaladaha siyaasadeed iyo kuwa a mni.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caa lamiga ayaa sheegay in Dowladda Federaalka So omaaliya ay aad ugu dadaalayso sidii gargaarka ay u gaarsiin lahayd dadka u baahan ee ku nool deegaannada ay abaaruhu saameey een.

Hoobiyeyaal Khasaare gaystay oo ku soo dhacay degmada Xamar Jajab

Wararka naga soo gaaraya degmada Xamar jaj ab ayaa waxa ay sheegayaan in Tiro hoobiyeyaal ah ay ku soo dhaceen nawaaxiga iskool Pol uusiya Xaafddaha ku yaalla.

Dadka kunool Xaafaddaha Hoobiyeyaasha ay ku soo dha ceen ayaa waxa ay sheegeen in Shan madfac ay soo dhac een kuwaasi oo siyaabo kala duwan ugu dha cay goobahaasi.

dad isku qoys ahaa ayaa ka mid ah dadka wax yeelada ay soo gaartay, maadaama hoobiyaha uu ku dhacay gurigooda sida dadka degaanka ay xa qiijiyeen.Ku dhawaad 10 ruux ayaa ku dhaawacm ay, waxaana dadkaasi dhaawacyadooda daadgur

eeyay ciidanka booliska Soomaaliyeed

Booliska Soomaaliya oo gacanta ku soo dhigay ‘ninkii dilay’ Hibo Qaasim

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo Habeen hore howlgal ka sameeyey deegaanka Ceelasha Biy aha ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysane loo heysto inuu ka dambeeyey dilka Allaha u naxarii stee Hibo Qaasim Maxamed oo aheyd gabar ard ayad ah oo ku baastay imti xaankii dugsiyada sare ee ay qaaday dowladda Soomaaliya.

Booliska Soomaaliya ayaa soo qa btay eedeysane lagu magacaabo Jeylaani Aadan Abaadir, kaas oo wareysi lala yeeshay ku qirtay inuu dilay marxuu mad Hibo Qaasim Maxamed.

Taliyaha qeybta galbeed ee ciidanka Booliska Gobolka Banaadir, Yaasiin Ganey oo la hadlay wariyeyaasha ayaa ka warbixiyey howlgalkaasi iyo sida ay ugu suura-gashay inay ku soo qabtaan eedeysanaha oo markii hore goobta ka baxsaday, kadib markii uu dilka geystay.

Yaasiin Ganey ayaa sidoo kale shaaca ka qaa day in eedeysanaha uu marxuumadda u dilay tal eefan dartiis, kaas oo uu doonayey inuu ka dhaco.

"Farxaddii murugada isku bedeshay waa Ila ahey mahaddiisa inaan gacanta ku soo dhignay dambiile Jeylaani Aadan Abaadir oo Moobeyl da rtiis u dilay Hibo Qaasim Maxamed oo ardayad ah eyd, kana qalin-jebisay dugsiga sare,” ayuu yiri Taliye Yaasiin Ganey.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay u gudbin doo naan hay’adda dambi baarista CID-da si looga qa ado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

"Gacan ku dhiiglihii gacanta ayaa lagu dhigay, waxaana u gudbin doonaa hay’adaha ku shaqada leh, sida CID, inkasta oo uu qiraal yahay,” ayuu had alkiisa sii raaciyey.

Ugu dambeyn Hooyo Faa’iso Maxamed Abuu kar oo dhashay marxuumad Hubo Qaasim ayaa dhankkeeda u mahad-celisay ciidamada Booliska ee soo qabtay ‘ninka dilay’ gabadheeda.

"Ilaahbaa mahad iska leh, waana u mahadcelinay aa dhalinyarada ii gurmatay gabadheyda oo ay ada oo Sooman Dorraad lagu dilay waddada, Ilaah ey ha u naxariisto. Ciidamada gabadheyda ninkii dilay gacanta ku soo dhigay waan u mahad-celin ayaa” ayey tiri Faa’iso.

AUN Hibo waxay dhigan jirtay iskuulka Iftin oo ku yaalla deegaanka Ceelasha Biyaha oo ay san nadkaan ka baxday, waxaana xusid mudan in Is kuulkaasi qeybtiisa degmada Warta Nabadda ee Muqdisho uu ka baxay Khaalid Cabdullahi oo ah ardaygii galay kaalinta 1-aad.

Madaxweyne Guudlaawe Iyo Ku-Xigeen kiisa Daba-Geed Oo Ku Biiray Howlgala da Ka So cda Hiiraan

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabe elle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo ku-xigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed oo ku sugan degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa ku biiray howlgalka ka dhanka ah Al-shaba ab ee halkaas ka socda.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooya da Hirshabeelle ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweyne Guudlaawe iyo ku-xig eenkiisa Daba-geed ay ku biireen hoggaaminta howlgalka maalmihii lasoo dhaafay ka socday de gaano hoostega Maxaas iyo Matabaan.

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in howlgaladaan ay socon doonaan ilaa Al-shabaab laga saarayo deegaanada ay Gobolka Hiiraan kaga sugan yihiin, waa sida uu hadalka u dhigay Madaxweynaha. Sidoo kale Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xus een Guudlaawe ayaa ugu baaqay shacabka Soo maaliyeed inay u mido obaan oo meel uga soo wa da jeestaan la dagaal anka Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa inta uu joogo dagmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan waxaa qiimeyn lagu sameyn doonaa baaxada abaaraha ee ka jira deg mada iyo sidii loogu gurman lahaa dadka ugu daran ee ay saameysay abaarta.

Milatariga Soomaaliya oo sheegay in ay dileen 17 ka tirsan Al-Shabaab, kadib weeraradii ugu dambeeyay ee gobolka Hiiraan

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in 17 ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab lagu dilay Khamiistii Dorraad howlgal ay ciidamadu ka sameeyeen gobol ka Hiiraan.

Sida laga baa hiyay Idaa cada ku hadasha afka ciid amada, milata riga Soomaal iya waxay xoojiyeen hawlgalada ka dhanka ah Alshabaab, waxayna gacanta ku dhig een Ceel la Helay, Qasaalay, Nuurfanax, iyo Buur Gabo oo ka tirsan Degmada Halgan ee Gobolka Hiiraan.

Ciidanka XDS ayaa kordhiyay bilihii la soo dha afay howlgallada lagu xaqiijinayo ammaanka ee ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo gacan ka hel aya ATMIS iyo duqeymaha Mareykanka.

Horaantii todobaadkan, 14 ka tirsan Al-Shaba ab ayaa lagu dilay howlgalo ka dhacay agagaarka degmada Maxaas ee bartamaha Soomaaliya. Dadka la dilay ayaa waxaa ka mid ah Horjoogihii Alshabaab ee gobolka HiiraanMaxamed Wehliye Waasuge.

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa Arbacadii xaqiijiyay in duqeyn ay ku dileen 13 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab oo ku su gnaa fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen dee gaanka Teedaan ee gobolka Hiraan.

Mid Kamid ah Ergadii Dooratay Baarlamaanka 11-aad oo Muqdisho Lagu Dilay

Waxaa warar dheeraad ah laga helaya dil ko oxo hubeysan magaalada Muqdisho ay ugu geys teen nin la sheegay inuu kamid ahaa ergadii doo ratay xildhibannada Baarlamaanka 11-aad ee Ja mhuuriyadda federaka So omaaliya.

Marxuumka ayaa waxaa lagu dilay Isgoyska Sa cna, xilli uu ku sugnaa, kooxihii dilka geystay ayaa goobta is aga baxasaday, ka dib markii ay fuliyeen dilka oo dhowr xabadood ay kaga dhu fteen, magaciisa ay aa lagu koobay Maxamuud.

Ciidanka ammaanka goobta gaaray ayaa same eyay baaritaanno lagu baadi goobayo dadkii ka dambeeyay dilka loo geystay marxuumka oo ka mid ahaa ergadii wax kasoo dooratay Xildhaanna da Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Ciidamo ka tirsan Booliska howlgalka ATMIS oo soo gaaray magaalada Muqdisho

Waaa Magalada Muqdisho soo gaaray Ciida mo cusub oo Boolis ah, kuwaas oo qayb ka ah ho wgalka Midowga Afrika ee ATMIS kana socda wa ddanka Nigeria oo kamid ah dalalka horay boolis ka socda u keenay Soomaaliya. War kasoo baxay howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamadaan ay qayb ka yihiin dadaallada ku aaddan Nabadda iyo Xasil loonida, iyaga oo ka qeyb qaadan doona ilaalinta goobaha muhiimka ah.

Ka hor inta aan Ciidamada la keenin magalada muqdisho waxaa munaasabad tababar ay qaate en loogu soo xirayay ay ka dhacday dalka Nige ria, iyada oo Saraakiisha Ciidamada Booliska Nig eria ay fareen inay si wanaagsan ula dhaqmaan bulshada Soomaaliya. Taliyaha Ciidamada Boolis ka Nigeria ee katirs an howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa ua mahad celiyay Ciidamada iyo saraakiishooda tab abarka ay qaadeen loogana baahan yahay inay waajibaadkooda si waangsan u gutaan.

C iidamada ka soda Booliska dalka Nigeria ee soo gaaray magaalada muqdisho ayaa kamid noq onaya Ciidamada Booliska ATMIS eek u sugan magaalada Muqdisho, kuwaas oo ka socda qaar kamid ah dalalka ay Ciidamada ka joogaan Soom aaliya.

Suuq ku yaallo MUQDISHO oo Shalay gubtay

Wararka laga helayo gudaha magaalada Muqd isho ee caasimada Soomaaliya ayaa sheegaya in Shalay dab xoogan oo geystay khasaare hant iyeed uu ka kacay Suuqa degmada Dharkenley ee loo yaqaanno Suuq Boocle.

Dabka oo ka dhashay Koronto ayaa baabi’iyey goobo ganacsi oo ku yaalla Suuqaas, kaas oo mar dambe ay ku guuleysteen inay damiyeen gaadiidka dab damiska ah.

Mid ka mid ah ganacsatada ku hanti beeshay dabkaasi oo la hadlay Shabelle TV ayaa shaac iyey inay gubteen ugu yaraan illaa 50 dukaan oo ku yaallay gudaha Suuqaasi.

"Wallaahi cadada ma sheegi karo, laakiin waxaa qiyaasayaa illaa 50 daba-kaanyo way dhan tahay halaha hadda gubatay,” ayuu ku yiri mid ka mid ah ganacsatada Suuq Boocle.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu saacado ba dan socday dabka, wuxuuna sababta ku sheegay in gaadiidka gurmadka deg-degga ah ay waayeen waddo ay ka galaan Suuqa.

"Suuqaan isaga dhan jidad ma leh Bajaaj xittaa ma soo dhex-geli karto oo dadkii ayaa ganacsigiisii waddada lee ayuu noqday, sidaas ayaa keentay,” ayuu hadalkiisa raaciyey.

Sidoo kale dabkan oo ahaa mid xoogan ayaa saameeyey qaybta qudaarka ee Suuq Boocle oo iyadana gubatay, sida ay sheegtay mid ka mid ah hooyooyinka ku ganacsada halkaasi.

"Waxaa iga gubtay basal, liin dhanaan oo Dorraad aan Afgooye ka keenay, weliba dayn ayaan ku soo qaaday,” ayey tiri Hooyo ka mid ah ganacsatada qudaarta ee Suuq Boocle.

Suuqyada magaalada Muqdisho ayaa marar ba dan sidaan oo kale u gubtay, waxaana ugu da mbeeyey dabkii xooganaa ee baabi’iyey suuqa isgoyska Banaadir ee degmada Hodan.

Hooyo dhashay 6 Carruur ah oo tooreey lagu dilay magaalada Muqdisho

Haweeney lagu Magacaabi jiray Qamar Yuu suf Cali ayaa Shalay waaberigii hore waxaa lagu dhex-dilay gurigooda oo kuyaalla agagaarka Ceelka Tusbaxle ee Xaafada raadeelka degmada Deyniile ee gobolka Banaadir.

Aweys Yuusuf Cali oo la dhashay Qamar Yuusuf Cali ayaa Warbaahinta u sheegay in Wala ashiis oo dhashay 6 Carruur ah loogu galay gurig eeda, isla markaana iyada oo sariirteeda jiifta dhowr tooreey looga dhuftay Caloosha iyo Dhaba rkeeda.

Waxaa uu hadalkisa uu intaasi kudaray in Wal aashiis xilliga la dilayay uu daqiiqado ka hor ka te gay Ninkeeda oo Masaajidka u aaday in uu kusoo dukado Salaada Subax balse Nin ay u maleeynay aan in uu burcad ahaa uu dhikaasi u geystay.

Alle ha u naxariistee Qamar Yuusuf Cali ayaa dhaawac culus oo tooreyda loogu geystay waxaa ay ugu dambeyn ugu geeriyootay mid kamid ah isbitaallada kuyaalla Magaalada Muqdisho.

Laammaha Amniga dowladda Soomaaliya iyo

Maamulka degmada Deeyniile ayaan weli ka had lin dilkaan, waxaana uu qeyb ka yahay dilalka ar xan darrada ah ee bilihii la soo dhaafay sida joogtada ah uga dhacayay magaalada muqdisho


HAWAALE WARRAN: DHAXALKA UU ABWA AN HADRAAWI UGA TAGAY SOOMAALIDA

Maxamed Saleebaan Cumar

Waa la cusbooneysiiyay 2 Saacadood ka hor

Buga "Diiwaankan waxaan u hibeynayaa guud ahaan Soomaalida wax akhriska jecel, siiba dhall inyarada iyo da'da soo kaceysa. Waxaan kaloo u hibeynayaa dadka ku howlan soo nooleynta dhaqankii, hiddihii, aftahannim adii iyo guud ahaan maamuus kii dadnimo ee ummadda Soo maaliyeed," ayuu Abwaan Had raawi ku yiri buuggiisa oo uu muddo 10 sanadood ah uu ka shaqeynayay.

Maxamed Ibraahin Warsame "Hadraawi" waa mid ka mid ah halabuurrada ugu magaca weyn ee sooyaalka Soomaalida, haddii aanu ahayn maa nsayahannada casrigan ka ugu magaca dheer ee ay maansadiisu ugu tisqaadka ballaadhan tahay.

In ka badan nusqarni ayuu kaalin foolaad ah kaga jiray saaxadda halabuurka Soomaalida. Waa ab waan fogaanarag ah oo si xeeldheer u dersa isb eddallada nololeed ee mujtamaca, sababaha iyo xalka intaba. Waxa uu si lexaad leh ugu dhaataa hidda dhaqameedka bulsheed, qiyamka ummadni mo iyo caqiidooyinka diiniga ah ee lama taabtaan ka ah.

Maansadiisu waa hawraar sooh goonni ah iyo raso cuddoon lagu baadisoocdo oo ujeeddo ah aan daarran runsheegnimo, keenadiidnimo, xaq udirirnimo iyo Alle-kacabsi. Waxa lagu yaqaannaa suugaan bulshada dhexdeeda ka aloosta xiise hor leh iyo halaanbayn cirka ku sii shareerta halabuur kiisa. Waxa kale oo lagu astaystaa awood curi need oo sarraysa, aftahammo xooggan iyo far shaxannimo durugsan oo fahamkeedu u baahan yahay garasho badan.

Inkasta oo ay jireen waqtiyo ummadda Sooma liyeed lagu naanaysi jiray "bulshadii gabayaaga", marka lagu xisaabtamo waayaha, wadciga iyo wa aqaca Shalay geyiga ka aloosan, waxa ay u bad an tahay in aan badiba bulshadu wada fahmi kar in abbaarta iyo nuxurka suugaan midho ahaan u rib ah, murti ahaanna u xeel dheer, sida tan Had raawi.

Sidaas darteed, ayay bulshada inteeda badan ee aan hawraarta wax ku fahmini ugu baahan kar aan hab iyo hannaan ka fudud kaas hore oo loogu tebiyo farriintii iyo nuxurkii ay tixdu xanbaars anayd.

Boqolaal qof ayaa ka qeybgashay soo bandhigi dda buuga cusub ee Hadraawi

Boqolaal qof ayaa ka qeybgashay soo bandhi gidda buuga cusub ee Hadraawi

Maxamed Ibraahin Hadraawi waxa lagu bartay tixo dhaadheer oo xanbaarsan kalgacal, halgan ama aragti kale oo nololeed. Buuggani tixahaas abwaanka looga bartay ma aha, kumana saabs ana. Waa buug sidiisa uga madaxbannaan suuga anta Hadraawi.

Laakiin si kasta oo uu uga madaxbannaan ya hay, marnaba kama taggana aragtidii, falsafaddii iyo mabaadii'dii sawraca gaarka ah lahaa ee lo oga bartay Hadraawi.

Buuggan HAWAALE WARRAN waxa uu ku bil aabmayaa Arar kooban oo daarran aragti nolol eed oo kugu xidhaysa sababaha uu abwaanku xil ligan buugga u daabacay iyo gogoldhig uu abwaa nku kaga warramayo noloshiisii, hanaqaadkiisii iyo bilawgii halabuurkiisa ee horraantii 1970naad kii qarnigii tagay iyo noloshiisii xabsiga ee Qansax dheere. Intaa ka sokow, buuggu waxa uu ka kooban yahay lix cutub oo u kala duwan sidan hoos ku xusan: Cutubka 1aad: Waxa uu qoruhu kaga warrama yaa noloshii uu soo gaadhay iyo waayadii ay Soomaalidu ahayd xooladhaqato reerguuraa ah.

Cutubka 2aad: Waxa uu qoruhu si xeeldheer ugu talaxtagayaa xoolaha ay Soomaalidii hore dhaqan jirtay iyo sida ay noloshaas u faaqideen, ulana falgaleen.

Cutubka 3aad: Waxa uu kaga warramayaa ha bdhaqameedka guurka ee Soomaalidii hore iyo meertada geeddigii nolosha.

Cutubka 4aad: Waxa uu qoruhu isku dul taaga yaa soo rogaalcelinta gumeysiga cusub iyo xaa ladaha bulsheed ee Soomaalida Shalay: haween ka, ubadka, qurbaha, ragga, qaadka, tahriibta ama sibiqdhaqaaqa, i.q.k.

Cutubka 5aad: Waxa uu qoruhu kaga warbi xinayaa xaqiiqooyin diineed: moogganaanta aad amaha, halisaha Ibliiska, doorka culimada, tawb adda, aakhiro iyo qiyaamaha iyo guud ahaan add oonnimada.

Cutubka 6aad: Waxa uu kaga hadlayaa sooy aalka dawladnimada Soomaalida: gumeysigii, go bannimadii, dawladnimadii rayidka, inqilaabkii askarta iyo waayaha nolol-siyaasadeed ee hadda lagu sugan yahay.

BBC

HAWAALE WARRAN waa xusuusqor, wa ayo'aragnimo iyo hogatusaale uu abwaanku ino oga dhiteeyay wixii uu ka xusuusan karayay waay ihii nololeed ee Soomaalidu soo martay tan iyo waayadii ay ahayd xooladhaqato reerguuraa ah.

Buuggan waxa ka faa'iidaysan doona guud ah aan ummadda Soomaaliyeed iyo gaar ahaan dad ka aan helin fursad iyo faham ay ku furfurtaan ma ansada Hadraawi.

Inta aan ka warqabo, diiwaankani waxa uu no qonayaa kii ugu horreeyay ee tiraab ah ee uu dha abbadeeyo halabuur Soomaaliyeed oo maansad iisu u tisqaadday sida tan Hadraawi oo kale. Sid aas darteed, buuggani waa majare waxku-ool ah oo ay kaga dayan karaan halabuurka Shalay nool iyo kuwa soo fool leh labaduba.

Ugu dambayn, buuggani waa waxqabad cudd oon oo waayo'aragga Soomaalida ku dhiirrigalin aya in ay weeleeyaan waayahoodii nololeed, si ay dhaxal iyo duug wax laga baran karo ugaga taga an da'yarta mustaqbalka.

Waxaa qoray Maxamed Saleebaan Cumar, oo tifaftiray buuga HAWAALE WARRAN. Waxaad ka heli kartaa bogga uu ku leeyahay Facebook-ga

Shiinaha oo si aan gabbasho lahayn u garab istaagay Ruushka

Wasaaradda difaaca Shiinaha ayaa sheegtay in ay ciidamo u dirayso Ruushka si ay uga qayb qaataan dhoolatus milatari oo wadajir ah.

Dhoolatuskan oo billaaban doona dhammaadka bisha Ogosto, wuxuu socon doonaa muddo 3 to ddobaad ah, waxayna astaan ​​u tahay xoo jinta xirii rka l2da dal. Tallaabadan ayaa ima neysa iy adoo Moscow ay wajaheyso cuna qabateyn caa lami ah oo ku saabsan duul aanka ay ku qaadday Ukr aine.

Hindiya, Belarus, Mongol ia iyo Tajikistan ayaa ka mid ah tiro dalal kale oo iyaguna loo qorshee yay inay ka qayb qaataan dhoola-tuska.

War qoraal ah oo ay soo saartay wasaaradda difa aca Shiinaha ayaa lagu sheegay in dhoolatusku uu xoojinayo awoodda wadajirka ah ee dalalkaasi ay uga jawaabayaan waxa ay ugu yeertay "khata raha kala duwan ee dhanka ammaanka ah”.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykan ka ayaa sheegtay in Washington aysan "waxba ka akhriyin” waxa ay ku sheegtay dhoolatuska mila tari ee caadiga ah.

Mar sii horreysay Ruushku ayaa Shiinaha wa xa waydiistay kaalmo milatari iyo mid dhaqaale labadaba, sida ay sheegayaan warbixinnada Fina ncial Times iyo wargeyska New York Times.

Moscow waxay doonaysaa in Beijing ay siiso sahay militari si loogu isticmaalo Ukraine, sida uu qoray wargeyska Financial Times .

Isagoo soo xiganaya saraakiil Mareykan ah oo aan la magacaabin, ayuu wargeysku sheegay in Ruushku uu codsanayay qalabka Shiinaha tan iyo markii uu billowday duullaanka Ukraine.

Saraakiisha ayaa markaasi ka gaabsaday In ay qeexaan nooca qalabka uu Ruushku ka dal baday.

Warbixin kale oo lagu daabacay wargeyska New York Times - oo mar kale soo xiganeysa sar aakiil Mareykan ah - ayaa sheegtay in Ruushka uu sidoo kale codsanayo kaalmo dhaqaale si loo yareeyo saameynta cunaqabateynta.

Calamada Shiinaha iyo Ruushka

Xiriirka u dhexeeya Ruushka iyo Shiinaha ayaa sii xoogaystay intii ay joogeen madaxweyna ha Shiinaha Xi Jinping iyo dhiggiisa Ruushka Vla dimir Putin, waxaana Beijing ay cadaadis ku saar tay inay ka soo horjeedo cunaqabatayn ay dalal badan oo reer galbeed ah ku soo rogeen Rushka.

Wax yar ka hor duulaanka, Moscow iyo Beijing waxay ku heshiiyeen iskaashi "aan xad lahayn".

Wararkii ugu dambeeyey khasaaraha weerarka hotel Xayaat oo ay weli ku jiraan Al-Shabaab

Maleeshiyo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa weli ka dhex dagaalamaya hoteelka Xayaat ee magaalada Muqdisho oo ay ku jiraan muddo ka badan lix saac oo xiriir ah, wax aana jira khasa are dhima sho iyo dhaawac oo badan. Al-Shabaab ayaa ho telka, oo ku yaalla agagaarka KM4, waxay weer ar ku billowday qaraxyo baabuur ku qaadeen aba are 7-dii habeennimo iyo dhowr daqiiqo, waxaa na kadib galay maleeshiyo ka tirsan kooxdaas.

Waxaa hadda soo baxaya xogta khasaarihii u gu horreeyey, waxaana la xaqiijiyey dhimashada ugu yaraan 10 qof, ayada oo dhaawacana uu int aas aad uga badan yahay.

Dadka Hotelka ku dhintay ee aan magacya dooda helnay waxa ka mida: Ganacsade Cabdir axmaan Xassan Iiman, Yuusuf Mahad Barrow, Ibraahim Raage, Cabdihaadi Maxamed Sheekh Aadam, Xasan Maxamud Faarax iyo qaar kale.

Adka ku dhaawcamay waxaa ka mid ah taliyihii Nabadsugidda Gobolka Banaadir Muxiyaddiin Warbac Shadoor oo ka mid ahaa ciidankii u gurm aday hoteelka.

Gudaha hoteelka ayaa waxaa ka socda dagaal u dhaxeeya ciidanka dowladda iyo malee shiyada Al-Shabaab oo aan tiradooda rasmiga ah la aqoon. Al-Shabaabka ayaa la sheegay inay sa aran yihiin qeybta kore ee hoteelka.

Sidoo kale ciidamo kale oo ka tirsan dowladda oo ku sugan banaanka hotelka ayaa hub culus ku garaacaya hoteelka, ayada oo ay adag tahay in kooxda Al-Shabaab laga saaro.

Al-Shabaab ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay inay hoteelka ku dhex dishay in ka bad an 20 qof, balse si madax-banaan looma xaqiijin karo sheegashada kooxdan.

Hay’adaha amniga dowladda Soomaaliya ay aan weli wax war ah kasoo saarin weerarka.

Waa wareerkii ugu horreeyey ee Al-Shabaab ay ku gasho hotel ku yaalla Muqdisho tan iyo markii madaxweyne Xasan Sheekh dib loo doortay 15-kii May 2022.

Xasan Sheekh ayaa ahmiyaddiisa koowaad ka dhigtay in laga adkaado kooxda Al-Shabaab, hase yeeshee dowladda weli ma qaadin wax talla abo ah oo ka dhan ah kooxdan, mana soo ban dhigin qorshaha dagaal ee ay ku wajaheyso.

 


 

MADAX KA TACSIYADEYNEYSA GEERIDA ABWAAN HADRAAWI


Md.Xasan Sheekh "Hadraawi Waxa Uu Ka Mid Ahaa Haldoorka Bulshada Soomaaliyeed”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee, Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo Shalay ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuumku uu ka mid ahaa tiirarka hal-abuurkaSoomaaliyeed, door weynna ka soo qaatay ilaalinta dhaqanka, horumarinta afka iyo suugaanta, waxa uuna ku tilmaam ay astaan midnimo iyo nabadeed, oo geer idiisa laga dareemayo guri kasta oo Soomaaliyeed.

 

"Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), Alle ha u naxariistee, waxa uu ka mid ahaa haldoorka bulshada Soomaaliyeed ee dadaalka ku bixiyey wacyi-gelinta bulshada iyo kobcinta garaadka dadka Somaaliyeed, waxa uu wakhtigiisii iyo hibadiisa hal-abuur u huray sidii uu dadkeenna uga wacyi gelin lahaa dhibaatooyinka colaadaha iyo tafaraaruqa.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka murugeysan geerida naxdinta leh ee Abwaanka ayaa tilmaamay socdaalkii nabadda ee taariikhiga ahaa, oo Alle ha u naxariistee Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) uu ku maray dalka xilli dadka Soomaaliyeed ay ka quusteen wax-wada lahaansho, midnimo iyo dowladnimo.

Alle ha u naxariistee, Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) waxa ay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ku xasuusan doonaan Keydka suugaanta, taariikhda iyo falsafadda jiritaanka umadeed ee uu uga tagay, waxayna Alle uga rajaynayaan in uu fadhigiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa.

Sidoo Kale Waxaa Tacsi taa la mid ah u dirayaan Ummadda Soomaaliyeed iyo ehelka iyo qaraabada Abwaanka iyo Bahda Fanka Soomaaliyeedba ee uu ka Geeriaday Abwaanka madaxada kala ah Guddoomiyayayasha2-da Aqal ee Baarlamaanka soomaaliya Md. Sheekh Aadan Maxamed Nuur iyo Md. Cabdi Xaashi Ca/laahi iyo iyo Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya Ra/iisalwasaaraha Xuuumadda FS Md. Xamza Cabdi Bare iyo madaxda maamulka somalilnad iyo xisbiyada mucaaradka Mad. Muuse Biixi Cabdi, Md. C/raxmaan Cirro iyo Feysal Cali Waraabe iyo masuuliyiin kale iyagoo siyaabo kala gaar gaar ah ugu tacsiyadeynaya Geerrida ku timid Abwaan Maxamed Warsame Hadraawi iyagoo u rajyey in uu alle naxariistiisa ugu bishaareeyo kana samir siiyo ehehlka iyo qaraabada iyo guud ahaanba ummada soomaaliyeed

KUMANAAN QOF OO KA QAYBGALAY AAS ABWAAN HADRAAWI LOOGU SAMEEYAY HARGAYSA

Waxa galinkii danbe ee Jimcaha Shalay aas loogu sameeyay magaalada Hargaysa abwaankii wayna ee Soomaaliyeed Maxamed Ibraahin Warsame Hadraawi, oo duhurkii Khamiista isla Hargaysa ku geeriyooday isaga oo 79 sanno jir ah.

Kumanaan qof oo iskugu jira, abwaano, culimo, qoraayo, saxafiyiin, madaxda xukuumada Somaliland, madaxda axsaabta siyaasada, wufuud ka timid waddamada jaarka iyo dadweyne tirro badan, ayaa salaada janaasada abwaanka kaga tukaday xabaalah Baqiic ee waqooyiga magaalada Hargaysa, oo lagu aasay.

Wariyihii hore ee BBC Somali Yuusuf Garaad Cumar oo ku hadlayay afka wariyayaasha Soomaaliyeed, ayaa Hadraawi ku sifeeyay qof ka dhintay qofkasta oo Soomaaliyeed, iyo qof suggaantiisu ay samayso qofkasta oo ay soo gaadho, iyo dhiirigaliye bulsheed.

"Hadraawi cid loo tilmaamayaa ma jirto, wuxuu ka dhintay qofkasta oo Soomaaliyeed, nin wuxuu ahaa suuggaantiisu ay taabato qof walba oo dhagaysta ama akhrista, nin wuxuu ahaa naxariis badan oo dabci wanaagsan oo dhalinyarada si gooni ah u dhiirgaliya" ayuu yidhi Garaad.

Musharaxa madaxweynaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in uu Hadraawi ahaa halgamaa dulmi diid ah, isaga oo sheegay in uu geeridiisa dareemay qofkasta oo yaqaanay.

"Hadraawi waa qof ay tabeen dhamaan dadka Af-Soomaaliga ku hadla, waa qof la dareemay geeridiisa qofkasta oo yaqaanay ama Soomaali ha noqdaan ama yay noqone" ayuu yidhi Cirro. "Wuxuu ahaa abwaan, waxa uu ahaa mujaahid, waxa uu ahaa nin dulmiga neceb".

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in abwaanku uu qofkasta oo Soomaali ah naftiisa kala hadlay oo waanadiisu gaadhay, isla markaana uu qoys walba kamid ahaa.

"Hadraawi qofkasta oo Af-Soomaali ku hadlaba naftiisa ayuu kala hadlay, qof wal oo Af-Soomaali ku hadla iyo qoyswalbana kamid ayuu ahaa, labada walaalaha ah, waalid iyo labada is qababa murtidiisa mid waliba dhankiisa ayuu ka isticmaalayay" ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Hadraawi ayaa la aaminsanaa in uu ahaa abwaanka ugu taariikhda wayn suuggaanta Soomaalida ee casriga ah, waxaana suggaantiisa lagu turjumay afaf badan, waxaana loogu yeedhi jiray Somali Shakespeare miisaanka suuggaantiisa iyo cabqarinimadiisa awgeed.


AKHRISO: TAARIIKH NOLOLEEKA ABWAAN MAXAMED WARSAME IBRAAHIM HADRAAWI


Maxamed Ibraahim Warsamed Hadraawi ayaa Shalay ku geeriyooday magaalada Hargeisa isaga oo ku jira da’da 79-aad, Hadraawi, oo muddo ku xanuunsanaa Somaliland ayaa la sheegayaa inuu ku geeriyooday magaalada Hargeisa.

Haddaba, waa Kuma Maxamed Ibraahim Hadraawi?

Maxamed Ibraahim Hadraawi waxaa uu ku dhashay magaalada Burco ee gobolka Togdheer 1943-dii, yaraantiisa waxaa mu ddo magaalada Cadan kula noo laa adeerkii halkaas uu wax ku bartay, waxaa uuna ku caanba xay sheekooyinka, gabayada, iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee maansada.

Hadraawi waxbarashadiisi aasaa siga ahayd illaa dugsiga sare wuxuu ku qaatay Dugsigii Cadmeed ee wakhtigaa la odhan jirey (St. Anthony’s High School.) mudadii u dhexaysey1956-1964.

Markii uu dhameeyey dugsigaa ayuu xamarkaga shaqeeyey macallinimo, mudo laba sanadood an. 1967 ayuu Cadan ka soo guurey una soo kicitimey xagga Somalia. Waxa uu cagaha soo dhigay magaalada Muqdisho.

Hadwaari, waxaa uu wax ku bartay jaamacadda umadda Soomaaliyeed bilowgii 70-meeyadii, mudddaasi waxaa uu kusoo caanbaxay gabayada, heesaha iyo sheekooyinka ka bixi jiray Radio Muqdisho.

Kartidiisa Hal-abuurnimo markii ugu horeysey ee uu soo shaac baxo, waxay ahayd intii aanu Cadan ka soo tegin. 1966-kii ayuu curiyey soona ban-dhigay Riwaayadii la magac baxday "Hadimo” hase yeeshee wuxuu si fiican ugu doob dillaacsaday, maansadiisuna caan baxday intii uu u soo wareegey Soomaa liya. Hadraawi waxaa uu hormuud ka ahaa gabayo sida Siinleyda, taas oo keentay in maamulka Siyaad Barre ku arko mid khatar ah, oo kacaandiid ah, natiijadana ay noqoto in la xiro inta u dhaxeysay 1973 ilaa 1978.Waxa la soo qaadan karaa Riwaayadii "Aqoon iyo Afgarad” oo ay u jireen saaxiibadiis Maxamed Xaashi Dha mac(Gaariye), Siciid Saalax Axmed, Muuse Cabdi Cilmi iyo Silsiladii maansadii "Siinley” iyo Riwaayadii "Tawaawac” ee ay ku jireen heesaha ay ka midka ahaayeen "Hal La Qalay iyo Ceel Walwaaleed”.

Wakhtigaas ka dib, illaa bilowgii 1982-kii, wuxu Akadamiyada Cilmiga Fanka iyio Suugaanta ka ahaa Agaasimaha Waaxda Fanka; isla markaana wuxuu madaxa hore kaga jirey raggii mayalka u qabtay ee hoggaaminayey Silsiladii maansadii caan baxday e "Deelley” kana qaraxday dalka horraantii sanadkii 1980.

Bilowgii 80-meeyadii waxaa uu ku biiray jabhadda fadhigeedu ahaa London ee SNM, waxaa uuna u baxsaday Itoobiya, isaga oo qeyb ka ahaa halgankii looga soo horjeeday keligii taliye Siyaad Barre, dagaaladdii kadib waxaa uu degay London.

Hadraawi, waxaa keyda idaacadaha ugu jira heeso badan sida:

1-Heesta Hooyooy La’aantaa.

2 Heesta Jaceyl dhiig malagu qoray.

3 Heesta Baladweyn.

4 Heesta Garmaqaate

5 Heesta Suleekha

Heesahaasi waxaa qaaday:

1-Heesta hooyooy la’aantaa, Maxamed Saleebaan Tubeec.

2 Heesta Jaceyl dhiig malagu qoray, Xaliima Khaliif Cumar Magool.

3 Heesta Baladweyn, Xasan Aadan Samatar

4Garmaqaate , Maxamed Nuur Gariig iyo Farxiyo Cali.

5 Heesta Suleekha, Maxamed Nuur Gariig

Inkasta oo meelo badan oo dunida u tagay safarro la xiriira gabayo, hadana waxaa uu sanadihii dambe kusoo noqday, oo uu deganaa Somaliland halkaas oo uu Shalay ku geeriyooday, waxaana muddooyinkii dambe uu ahaa dhulyaal isaga oo xanuunku dhul udhigay Shalayna uu geeriyooday.

W/Q/Abdicasiis Axmed Gurbiye. Goobjoog News


 

SOCDAALKII NABADDA EE HADRAAWI EE ISU FURAY MUQDISHO IYO BELED WEYNE, PUNTLAND-NA HESHIISKA KA DHALIYAY


Abukar Albadri

Abwaan Hadraawi

XIGASHADA SAWIRKA,ALBADRI

Ilaahey ha u naxariisto waxaa Dorraad (18-kii Agoosto 2022) magaalada Har geysa ku geeriyooday abwaankii weynaa ee Maxamed Ibraahim Warsame oo ku magac dheeraa (Hadraawi).

Abwaanka oo ahaa macallin, hal-abuure, feylasuuf iyo waayo-arag ku ad-adkaa Soomaalinnimada, bani’aa dannimada iyo dad xil-dhowridda, waxaan ka mid ahaa intii nasiibka u yeelatay kulana jaalka aheyd safarkiisii caanka ahaa ee ‘Socdaalkii Nabadda ee Hadraawi’, kaas oo sanadlii 2003-dii uu ku maray inta badan dhul ka Soomaaliya, marka laga reebo meelo kooban.

Socdaalkaas waxaa qabanqaabadiisa laheyd hay’addii Nabadda iyo Xaquuqul Insaanka ee INXA, taas oo abwaanka u fududeysay inuu safar dhulka ah ku maro ku dhowaad 12 gobol oo ka tirsan gobollada dalka, kuwaas oo sababtaKaliya ee uu u tagayay ay aheyd inuu kala hadlo nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo dib-u-unkidda qaran Soomaaliyeed oo u adeega bulshada.

Socdaalka Nabadda ee Hadrwaawi oo socday ku dhowaad 30 maalin waxaa uu ka soo billowday magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti, halkaas oo uu abwaanka u yimid inuu uga qeybgalo shirkii dib-u-soo nooleynta af-Soomaaliga ee uu mar tigaliyay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Waxaa abwaanka uu codsaday inuu dalka oo dhan ku maro socod nabadeed, kaas oo ay fududeyntiisa ka oggolaatay Hay’addii INXA ee ay hormuudka u ahaa yeen Dr. Cabdullaahi Xaaji Dayib, Axmed Maxamed Cali Kiimiko iyo Avv. Cumar Cabdulle Dhegey.

Socdaalka Abwaan Hadraawi oo Muqdisho ka billowday waxaa uu horraantii bishii Agoosto 2003-dii ku guuleystay in gaadiidkii dadweynaha ee ka shaqeyn jir ay qadkii cagaarnaa ee kala qeybinayay waqooyiga iyo koonfurta Muqdisho, uu isu tallaabo oo aan dadka lagu kala wareejin labada daamood ee halkii loo yaqa anay qadki cagaarnaa.

Safarka qeybtiisa ugu muhiimsan waxaa uu abwaanku ka billaabay gobollada koonfureed ee dalka, isaga oo socdaalkiisa ku aaday magaalada Kismaayo oo ay gacanta ku hayeen isbaheysigii Dooxada Jubba. Intii Kismaayo loo socday wa xaa uu abwaanku magaalada Jannaale kula kulmay madaxweynihii ugu horreey ey ee Soomaaliya Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cadde), isaga oo uga sheek eeyay qorshihii uu u socday, kana codsaday inuu ummadda u soo duceeyo.

Muqdisho xilligii dagaalladii sokeeye

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Magaalooyinka Kismaayo, Jilib iyo Jamaame ayay abwaanka iyo wafdigiisu, bulshada kula soo qaateen muddo toddobaad ah oo ay kala hadlayeen in la heshiiyo, la isna cafiyo.

Markii Kismaayo laga soo laabtay abwaanka wax badan kuma hakan Muqdisho, waxaana safarka loo sii dhaqaaqay dhankaas iyo Beledweyne, iyada oo labo habeen lagu sii kala hakaday Balcad iyo Jowhar oo abwaanka uu bulshada kula hadlay fagaareyaal la soo diyaariyay.

Baladweyne oo u diyaargarowday wafdiga abwaanka waxaa ay aheyd magaalad ii ugu soo dhoweynta ballaarneyd, waxayna dadweynuhu wafdiga uga hor yima adeen buuraleyda Janta Kuundishe, halkaas oo ay ku sugnaayeen kumannaan qof oo ay hormuud u ahaayeen maamulkii Beledweyne ee xilligaas iyo oday aasha dhaqanka.

Beledweyne oo aheyd magaalo kala xiran, bari iyo qorraxsinna aan isu talla abin ayuu abwaanka ku adkeystay in uusan ka tageyn illaa la isku furo oo labada buundo uu lugihiisa kaga tallaabo, taas oo 48 saacadood oo wadahadal ah ka dib dhinacyadii magaalada ay aqbaleen, sidiina la isugu furay.

Dhammaan dukaamada iyo biibitooyinka waxaa ka shidnaa maalmihii aan Bele dweyne joognay heestii Beerlula ee uu abwaanka u sameeyay gabar reer Beled weyne ah.

Nabadeyntii Beledweyn iyo isku furiddii magaalada waa ay taab bagashay oo ilaa xilligaas Beledweyne sidii ayay isugu furan tahay oo dib dambe uma kala xirmin.

Magaalooyinka Guriceel, Dhuusamareeb, Cadaado, Gaalkacyo iyo Garoowe ayaa ka mid ahaa meelaha sida weyn loogu soo dho wee yay wafdiga ‘Socdaalka Nabadda’, waxayna Gaalkacyo tagiddiisa u aheyd fursad dadka magaalada oo aan isu tallaabi jirin ay mar kale isugu tallaabaan oo ay nabad ugu bidhaanto.

Abwaan Hadraawi

XIGASHADA SAWIRKA,ALBADRI

Intii aan socodka ku jirnay abwaanku wuxuu ku guuleystay in uu heshiisiiyo ciidamo kala taabacsanaa Jeneral Jaamac Cali Jaamac iyo Col. Cabdullaahi Yuusuf Axmed, kuwaas oo isku hayay doorashadii Puntland ee 2003-dii.

Ciidanka Jen. Jaamac Cali Jaamac taabacsanaa oo magaalada Boosaaso dule edkeeda ku sugnaa, misena dhowr dagaal ku soo qaaday magaalada ayaa wax aa hoggaaminayey Jen.

Cadde Muuse Boqor, waxaana ugu dambeyntii wafdigii abwaanka uu ku guul eystay in Cadde Muuse Ilaahey ha u naxariistee uu ku soo qanciyo in isaga iyo ciidankiisa ay magaalada ku soo laabtaan, hubkoodana ku wareejiyaan Jen. Abdirisaaq Afguduud oo markaas hoggaaminayay ciidankii taabacsanaa Madax weyne Cabdullaahi Yuusuf oo isaga markaas ahaa madaxweynhihii Puntland, balse doorasho lagaga adkaaday muran ka dhashay uu sababay dagaalka.

Guulaha ka dhashay safarka Nabadda ee Hadraawi kuma koobneyn intaan oo kaliya, waxaana abwaanka safarka ku wehliyay abwaanno oo badan, kuwaas oo aan ka xusuusto abwaan Sahal Macallin Ciise iyo abwaan Cabdi Muxumad Amiin oo horay u geeriyoodeen, abwaan Maki Xaaji Banaadir, abwaan Mustafa Sheekh Cilmi, abwaan Cabdi Dhuux Yuusuf, abwaan Shube iyo Seynab Xaaji Cali Siigaale (Baxsan), abwaanno iyo marti sharaf kale oo badan oo ay ku jireen saxafiyiin, u ololeeyalaal nabadda iyo xuquuqda aadamaha.

Abwaanku waxaa uu ahaa qof deggen, shakhsiyad aad u wanaagsan leh, aan xanaaq badneyn, si sahlan u dhex gala bulshada, ay u sahlan tahay la hadalka dadka, dulqaad iyo dhegeysi wanaagsan leh, aadna u sheeko badan.

Abwaan Hadraawi

XIGASHADA SAWIRKA,BUUGGA HAWAALE-WARRAN

Safarkii nabadda ee Hadraawi wuxuu ku soo ekaaday Magaalada Laascaan ood ee gobolka Sool, halkaas oo markii uu wafdiga gaaray ay dowladdii Soma liland u sheegtay in abwaanka iyo 4 qof oo kale un loo oggol yahay inay u tallaab aan dhanka Somaliland, wafdigii intiisa kalena ay ku soo laabteen Muqdisho iyo goobihii kale ee ay socdaalka kaga biireen.

Muddadii socdaalka waxaa abwaan Hadraawi u suurtoobi waysay inuu boo qdo magaalada Qansaxdheere oo uu ku xirnaan jiray, sababo amaan awgood, waxaana cudurdaarkaas muujiyay maamulkii RRA-da ee Baydhabo xukumayay oo abwaanka u sheegay in aysan amaankiisa damaanad qaadi karin.

XIGASHO:-BBC


HADALKII CAJIIBKA AHAA EE UU HADRAAWI KA YIRI AAKHIRO


ABWAAN HADRAAWI

XIGASHADA SAWIRKA,ABDIRAHMAN TAYSIIR/FACEBOOK

Qoraalka sawirka,

Abwaan Hadraawi

Saacad ka hor

Geerida Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame "Hadr aawi", oo Shalay ku dhintay magaalada Hatgeysa ayaa si wayn u gilgishay Soomaalida iyo dadkii kale ee aqo onta u lahaa ama magaciisa garanayay.

Qof walba wax buu ku xasuustaa abwaanka oo ma gac wayn ku leh fanka Soomaalida iyo taariikhda wad danka.

Suugaantiisa oo uu wax walba ku cabiray waxa uu sidoo kale uga hadlay dhinaca diinteenna Islaamka.

Buuggiisa caanka ah ee "Hawaale Warran" oo uu umadda Soomaaliyeed u hibee yay ayuu ku sharraxay muhiimadda diinta.

"Si badbaado loo helo, diinta Islaamku waa qalabka Ilaahay ugu talagalay in lagu dhaqmo," ayuu ku yiri qormada buuggaas.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Culumadu ay tahay hoggaanka shacabka ku ha ga raacista diinta.

Taas marka laga soo tago, si toos ah ayuu uga hadlay aakhiro, oo ah meesha aan dhammaanteen u wada soconno.

Silsiladda Siinleey

Waxaa laga yaabaa in aad maqashay silsiladda caanka ah ee ‘Siinleyda’ ee ka billaabatay heesta Saxarla ee uu tiriyay abwaan Hadraawi.

Waxaa jiray labo maanso/hees oo ay horay isu waydaarsadeen isaga iyo abw aan Cabdi Aadan Xaad (Cabdi Qeys), kuwaas oo kala ahaa: ‘Aakhiroy xaggee baad naga xigtaa?’ iyo ‘Araxmaan’.

Abwaan Hadraawi

XIGASHADA SAWIRKA,ABDIRAHMAN TAYSIIR/FACEBOOK

Abwaan Cabdi Qeys ayaa 1970-kii wuxuu tiriyay heesta Aakhiro oo uu ku yiri:

Maalinta xanuunkiyo, Xaqa mowdku soo galo Xabaasha iyo iilkaan, Kugu soo xusuustaa Xiddigaha cirkee sare, In aad xubin ka mida tahay In aad hoos u xulan tahay. Dhulka xero ku leedahay Maanu helin xogtaadee. Aakhiroy xagg ee baad naga xigtaa? Jawaabta Hadraawi. Abwaan Hadraawi ayaa ka jawaabay su'aasha uu abwaan Qays ku sheegay tixdiisa ee ah "Aakhiroy xaggee baad naga xigtaa?".

Waxa uu aakhiro ku sifeeyay tix kale oo aad cajiib u ah, ilaa haddana xiisah eedu uu jiro. Waa tixda loo yaqaanno "Araxmaan".

Aayadaha Qur’aankiyo Al-Raxmaan siday tidhi

Aayadaha Ilaahay, ruuxii islaam ah sida uu aqoonsaday

Waa oomman hawdoo, waa guri abeesoo

Edeg weeye hoosoo, abataqa ku yaalloo, waa iil madooboo

Rabbigay addoomaha kaga aargutaayoo, Waxa laga arooraa irridaha xaba ashoo,

amban maayo ruuxii qabri lagu adkeeyaa, marna oogadeenniyo waa oosha guudkoo,

waa beer udgooniyo duni wada ilaysoo, Waa ceel irmaaniyo togag wada ordaayoo

Ilo wada xareedoo lagu oon baxaayoo, Naftu eegmo sugashada ashqaraar ka qaaddoo

Toddobaatan ooryood lala aqal galaayoo, Rabbigay addoomaha ku abaal marshaayoo dhibta lagu ilaabaa, Af-hayaha barbaartoow, ababshaha dhallaan koow

Taliyaha abwaankoow, aabbaha jacaylkoow, Adigoon ogayn baan uurkaaga baadhoo

Ula jeedadaadaan ka arkaa dhul dheeroo, Arrinkaagu Qaysoow af gobaadsi weeyaan

Aakhiro Cabdoow way aasan tahay, iilkay jirtaa, Aakhiro Cabdoow ambatoo luntoo, ururkiyo laxaha, Awrkii cikray ku ag xidhan tahee dadku yuu ku eedayn

Ha dhex galin umuuraha, isha xidho afkana dhowr,

Arag maqal warkana ood, Abwaan Hadraawi

XIGASHADA SAWIRKA,ABDIRAHMAN TAYSIIR/FACEBOOK

Alle ha u naxariisto, Abwaan Hadraawi wuxuu buuggiisa Hawaale Warran horay ugu sheegay in qof kasta uu leeyahay waxa uu shaqeysto.

Wuxuu yiri: "Haddii uu qofku jidka badbaadada raaco, waxa uu ka kasbo isaga ayaa leh. Haddii uu jidka naarta raacana, waxa uu ka kasbo isaga ayaa leh. Labada waddo hadba ka uu qofku raaco ayaa xukuma ficilka qofka iyo abaalmarinta uu helayo." XIGASHO:BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip