HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPAPAER EE MAANTA OO AH ARBACO 217-KA AGOOSTO 2022-KA

0
Wednesday August 17, 2022 - 08:04:35 in Wararka by
  • Visits: 463
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPAPAER EE MAANTA OO AH ARBACO 217-KA AGOOSTO 2022-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Madaxweyne Xasan Sheikh: Kenya wa xay tusaale u noqonaysaa dimuqraadi yadda dalalka gobolka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefanka kula xiriiray Madaxweynaha la doortay ee dalka Kenya William Samoei Ruto isagoo ugu hambalyeeyey isaga iyo Ku-xigeenkiisa Mudane Rigathi Gacha gua, guusha ay ka gaareen doorashooyin kii dalkaas.

Madaxweyne XasanSh. ayaa ku ammaanay sha cabka Kenya, xisbiyada dalkaas, hay’adaha amniga iyo madaxda tartanta yba, sida nabadda ah ee ay doorashooyinkoodu u qabsoomeen. Wuxuu sheegay inay tusaale u noqonayso hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalalka Gobolka.

Madaxweyne William Ruto ayaa uga mahad celiyey Madaxweyne Xasan Sheekh hambalyada iyo bogaadinta guusha doorasho ee xisbigiisa, waxa uuna tilmaamay ixtiraamka iyo qaddarinta ay shacabka iyo dowladda Kenya u hayaan Soo maaliya.

Sida ay madaxtooyada Soomaaliya sheegtay, Labada Madaxweyne waxay isla qaateen adkey nta xiriirka ka dhaxeeya labada dowladood ee dhinacyada horumarka, xasilloonida Mandiqadda, kobaca dhaqaalaha iyo la dagaallanka argagixisa da.Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u rajeeyay madaxda cusub ee dalka Kenya in ay ku guuleyst aan ka miro-dhalinta hiigsiga shacabkooda ee dhanka horumarka, door muuqdana ay ka qaata an iskaashiga iyo wax-wada-qabsiga heer Gobol.

Golaha Wasiirada oo yeeshay shir aan caadi ahayn

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa Xalay shir guddoomiyay shir aan ca adi ahayn, oo ay isugu yimaadeen dhammaan Xu bnaha Golaha Wasiirada ee xukuumadda.

Shirkan degdegga ah ee Xalay oo ahaa kii ugu horreeyay ee xukuumadda cusub ayaa waxa lagu go’aamiyay dhowr qodob oo kala ah:-

- Dib u hawlgelinta Hay’ adda Maareynta Masiib ooyinka Qaranka – Wa xaa la magacaabay Gud di Qaran oo ka kooban xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Culimada, Ganacasatada iyo Ururada Bulshada Rayidka.

– Waxaan dhammaan guddiyadan iyo hay’adda la siiyay waajibaad iyo awaamiir cad iyo in guud ah aan hay’adaha dowliga ah iyo kuwa aan ahayn u jiheysmaan, sidii loogu gurman lahaa shacabka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen.

– Waxaa Ra’iisal Wasaaruhu baaq u diray qof walba oo Soomaaliyeed meel kasta oo uu jooggo inuu ka qayb qaato gurmadkan degdegga ah.

– Waxaa sidoo kale loogu baaqay hay’adaha caa lamiga inay si dhow ula shaqeeyaan xafiisyada dowladda ee ku howlan arrimahan degdegga ah.

– Ugu dambayn waxaa Golaha Wasiiradu bogaad iyay hawlgalada Ciidamada Qalabka Sida, dadka deegaanka iyo masuuliyiinta kala duwan ay ka wadaan Gobolka Hiiraan.

Guddiga Heer Qaran ee uu guddoominayo Ra’ iisal Wasaaraha XJFS waxay ka kooban yihiin:-

1. Ra’iisal Wasaar Kuxigeenka

2. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta

3. Wasiirka Diinta iyo Awqaafta

4. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada

5. Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Hor umarinta Dhaqaalaha 6. Wasiirka Maaliyadda

7. Wasiirka Bii’ada iyo Isbadalka Cimilada

8. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska

9. Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka

10. Wasiirka Amniga Gudaha

11. Wasiirka Gaashaandhigga

12. Wasiirka Tamarta iyo Biyaha

13. Ergayga Gaarka ah ee Gurmadka Abaaraha

14. Culimada Soomaaliyeed

15. Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha

16. Ururada Bulshada Rayidka

Waa kuma ninka labaad ee Xasan Sheekh ‘dib ugu soo celinayo’ darajad iisa ciidanimo?

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Md. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa haatan wada qor she uu dib ugu soo celinayo darajooyinkoodii ciid animo, qaar ka mid ah saraakiishii uu xuquuqdo odii uu ka xa yuubiyey madaxweynihii ka horre eyey ee dowladda Soo maaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Max amed (Farmaajo).

Xasan Sheekh Maxamu ud oo Habeen hore qaaday tallaabadii ugu horreysay ee ku aadan arrintaan ayaa xeer madaxweyne uu Ha been hore soo saaray wuxuu dib darajadiisii ciid animo ee Booliska Soomaaliyeed ugu soo celiyey Saadaq Joon oo ka tirsan Golaha Shacabka Soo maaliya.

Haddaba waa kuma Jeneraalka labaad ee Xasn Sheekh dib ugu soo celinayo darajiisa ciid animo?

Xog cusub oo uu bixiyey wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi ayaa waxa uu ku shaaciyey in uu socdo qorshe dib darajooyinkiisii ciidanimo loogu celinayo Jeneraal Cabdalla Cabdalla oo ahaa agaasime ku xigeenkii hore ee Hay’ada Nabad Sugidda.

Fiqi ayaa xusay in dhowaan uu rajeynayo in madaxweynaha uu qaado tallaabadaan, si markaas uu xuquuqdiisa u helo Cabdalla Cabda lla oo haatan dalka dib ugu soo laabtay.

"Jeneraal kale ayaa jiray oo Cabdalla Cabdalla la yiraahdo oo aan isagana rajeyneyno in darajooyi nkiisa dib loogu celiyo,” ayuu yiri wasiir Axmed Macalin Fiqi.

Wasiirka arrimaha gudaha oo hadalkiisa sii wata ayaa arrintaan ku macneeyey in ay tahay cada aladdii oo si tartiib-tartiib ah u soo laabaneyso, sida uu hadalka u dhigay.

"Waa caddaaladda oo dib ugu soo laabaneysa si tartiib-tartiib ah si loo helo caddaaladdii luntay oo dhan”. ayuu sii raaciyey wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya.

Jeneraal Cabdalla Cabdalla ayaa waxaa isna ay horey isku qabteen Maxamed Farmaajo iyo Fa had Yaasiin, ayada oo markii dambane laga saar ay xubinimadii Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sird oonka Qaranka ee (NISA), wuxuuna kadib noq day nin dibad joog ah oo si aad ah u dhaliili jiray dowladdii hore ee madaxweyne Maxamed Cabdul laahi Maxamed (Farmaajo).

Wafdi ka socda DFS oo ka qeyb galaya shirka dhamaystirka Deyn-Cafinta

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Dr Cilmi Maxamed Nuur iyo Wafdi uu hogga aminayo ayaa Magaalada Istanpul ee dalka turkiga waxaa ay uga qeyb galayaan shir ka dhamaystirka Deyn-Cafinta ee Soomaaliya iyo Hay’adaha dhaqaala ha caalamka oo ay hogg aan u tahay IMF.

Shirka oo uu sidoo kale goojoog ka yahay Was iirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Cabdi raxmaan Duceele beyle ayaa inta uu socdo lagu lafa-guridoonnaa dib-u-habeynta Maaliyadda, iyo shaqooyinka muhiim ka u ah Horumarinta dhaqaa laha dalka oo ay ka mid tahay kobcinta Dakhli ga gudaha.

"Wasaaradda Maaliyadda waxaa ka go’an ka guul-gaaridda Horumarinta maaliyadda oo ku dhisan mistaqbalka wanaagsan ee Bulshada So omaaliyeed ayuu yiri” Wasiirka Maaliyadda Soo maaliya.

Geba-gabada shirka ayaa waxaa la filayaa in dhinacyada ay soo saaraan warm urtiyeed ay kaga hadlayaan waxyaa bihii ay ku lafa-gureyn shirka, sidoo kale mas’uuliyiinta ka socota Wasa aradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa kulamo gooni gooni ah la qaadan doona madaxda ka qeyb galeysa shirka

Natiijada imtixaanka dugsiga sare oo la shaac iyey + 10 arday ee ugu sarreysa

Wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Shalay si ras mi ah ugu dhowaaqday natiijada imtixaanaadka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee dalka ee sanad dugsiyeedka 2021 illaa 2022-ka.

Imtixaankan oo ahaa mid qaran ayaa waxaa u fariisatay illaa 33,468 oo arday, sida ay shaacisay wasaaradda waxbarashada xukuumadda Sooma aliya, waxaana munaasabadda ku dhowaaqista goobjoog ahaa wasiirka cusub ee wasaaraddaas Faarax Sheekh C/qaadir.

Sidoo kale wasaaradda waxbarashada ayaa warbixinteeda ku shaacisay inay jiraan illaa 1,001 Arday oo aan u fariisan imtixaanaadka, ama aan gelin.

Natiijada ayaa sidoo kale lagu sheegay in ard ayda baastay ay gaarayaan illaa 32,325 arday oo u dhiganta 97%, tiradaas oo aad uga badan markii la barbar-dhigo tii sanadkii hore.

Waxay sidoo kale wasaaraddu natiijada ay shaacisay ku sheegtay inay imtixaankaan ay ku dhaceen 1143 arday oo u dhiganta 3%, waana tiro iyana aad uga hooseysa ardayda sanadkii la soo dhaafay ku dhacday imtixaanaadka shahaad iga ah ee fasalka 12-aad.

Kun ka mid ah ardayda dhacday ayaa imtixaan ka dowladda waxay ku galeen Gobolka Banaadir, halka 43-da kale ay imtixaanka ku galeen maamul goboleedyada dalka.

Halkan hoose ka aqriso magacyada 10-ka arday ee ugu sarreysa natiijada la shaaciyey imtixaanka dugsiga sare.

1-Khaalid Cabdullaahi Maxamuud Nuur

Gobolka Banaadir

2-Xuseen Axmed Xasan Gobolka Banaadir

3-Faadumo Ibraahim Cabdullaahi Gobolka Bana adir

4-Shukri Faarax Ibraahim HirShabelle

5-Huda Cabdullaahi Cabdi Gobol ka Banaadir

6-Cabdirisaaq Maxamed Cumar Koonfur Galbeed

7-Naciimo Axmed Maxamed Gobol ka Banaadir

8-Maxamed Cabdiweli Maxamed Jub baland

9-Axmed Cabdiraxmaan Axmed Galmudug

10-Maxamuud Xasan Cali


Cali Guudlaawe oo shaaciyey laba QOD OB oo Xasan Sheekh uu kala hadlay

Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabe elle Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi uu hog aaminayo ayaa Shalay gaaray degmada Buulo burde ee gobolka Hiiraan, magaaladaas ayaa in ka badan 10 sano go’doon ugu jirta kooxda Al-Shabaab.

Cali Guudlaawe oo Dorraad Muqdisho yimid, si uu Shalay ugu safro Buuloburde ayaa ku goodi yey inay iska xorey doonaan Al-Shabaab, isla mar kaana uu taageero u daarsaday madaxda dowl adda federaalka.

Sidoo kale Cali Guudlaawe wuxuu sheegay in Habeen hore uu Muqdisho kula kulmay Madaxw eyne Xasan Sheekh Maxamuud, si dagaal ka Al-Shabaab uu ta ageero ugu raadiyo.

"Dorraad waxaan ka tegay Jowhar, Habeen hore waxaan ku hoyday Xamar, qorshaheygu wuxuu ahaa inaan soo ga aro Buuloburde iyo degmooyinka kale ee gobolka Hiiraan, Xamar waxaan u aaday talada madaxda dalka ugu sareysa oo madaxweynuhu ugu hor eeyo,” ayuu yiri Madaxweynaha HirShabeelle.

Cali Guudlaawe wuxuu intaas ku sii daray in madaxweyne Xasan Sheekh uu ula tegay laba qodob oo kala ah xoreynta deegaanada ay Al-Shabaab ka heystaan HirShabeelle iyo gurmadka dadka ay abaaruhu ku saameeyeen deegaanada maamulkaas.

"Madaxweynuhu labada qodoba waa ila qaatay, in dadka loo gurmado aad ayuu u soo dha weeyey, tan dagaalkana wuxuu nagu booriyey in aan loo kala harin, dhowaana wuxuu imaanayaa Hiiraan,” ayuu yiri Cali Guudlaawe.

Madaxweynaha HirShabeelle iyo ku xigeenki isa Yuusuf Dabageed ayaa Xalay ku sugan deg mada Buuloburde ee gobolka Hiiraan, "Loo kala hari maayo dib u xoreynta inta 1 KM oo HirShabe elle ka tirsan uu cadowgu ku sugan yahay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray madaxweynaha oo la hadlayey dadka reer Buuloburde.

Ugu dambeyntii Cali Guudlaawe ayaa reer Buuloburde ka balan qaaday in loo dhisi doono gole deegaanka, si loo helo adeegyadii dadweyna ha, "Golaha deegaanka waa naga go’antahay ina an u dhisno degmadaan, sababtoo ah mashaariic da dhan waxay u xayiran tahay maamul lasoo do ortay, wasiirka arrimaha gudaha hortiina ayaan ka faraa in sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhiso golaha deegaanka ee degmadaan,” ayuu yiri.

Mukhtaar Roobow: Anigoo xabsiga ku jira ay uu raysal wasaaruhu ii yeeray iina sheegay inuu wasiir ii magacaabay

Wasiirka arrimaha diinta iyo awqaafta dowla dda federalka Soomaaliya, Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa ka hadlay habkii isagoo max buus ah uu uga mid noqday golaha cusub ee wasiiradda Soomaaliya.

Mukhtaar Roobow ayaa caddeeyay in isagoo maxbuus ah oo xabsi ku jira looga yeeray xafiiska raysal wasaaraha, loona magacaabay wasiirka diinta iyo awqaafta Soomaaliya.

"Xabsi baan ku jiray afar saac markii la magac aabayay. shan saac xafiiska raysal wasaarahaa la iga wacay. Kow, waxaa la igu yiri, xorbaa tahay, labo, xuquuqdaada siyaasigaa leedahay, saddex na wasaaraddaasaa laguu dhiibay, waxaana la rabaa inaad culimadii isku wado, waana soo ballanqaaday" ayuu yiri Mukhtaar Roobow.

Wasiir Roobow wuxuu sidoo kale beeniyay in uu isagu codsaday in xil loo magacaabo. Wuxuu sheegay dowladda cusub inay xoogga saarayso xoojinta arrimaha diinta, culimaduna ay hormuud ka noqon doonaan howshaas.

Wuxuu cafis iyo wada shaqayn ka codsaday culimada Soomaaliyeed, isagoo sheegay inuu aaminsan yahay inuu ka dhacay qalad, haddana uu diyaar u yahay inay culimadu hagayaal u noqdaan wasaaradda loo magacaabay.

Wasiir Fiqi oo kulan la qaatay Danjiraha Mareykanka ee dalka

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliya, Axmed Macalin Fiqi ayaa Shalay Magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka Mareykanka ee dalka u joo gga, Danjire Larry André. Warbaahinta Dowladda ayaa sheegtay in kulanka looga hadlay barnaamij yada xasillinta, dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha goleyaasha deegaanka ee dalka, isla-markaana uu Wasiirku u sheegay Safiirka in Dowladda Fed eraalka ay aqoonsan tahay, ayna qadarinayso da daalka iyo taageerada uu Mareykanku u muu jiyay Dowladda Soma liya.

Qoraal lagu daaba cay bogga Saf aaradda Mareykanka ee Magaalada Muqdisho ay aa lagu sheegay in labada dhinac ka wada had leen yoolalka ay wadaagaan, ee ah in laga adkaado maleeshiyada Shabaab iyo taageeridda dhismaha goleyaasha deegaanka, si loo gaaro isla xisa abtan.

Kulankan ayaa qayb ka ah kulamo uu Wasiir Fiqi ka wado Caasimadda Muqdisho, ka dib mar kii Sabtidii uu xilka la wareegay.

Koox Xalay si arxan darro ah u dishay Hibo oo Shalay ku baastay imxitaankii dowladda

Degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka mag aalada Muqdisho waxaa Xalay lagu dilay Hibo Qaasim Maxamed oo kamid ahayd ardaydii ku ba astay imtixaankii ay Shalay dowladdu shaacisay natiijadiisa.

Kooxo ku hubaysan Baangado iyo Midiyo ayaa wadada u galay Hibo, xilli ay gurigeeda u socotay fiidkii hore ee Xalay, sida ay noo xaqiijiyeen qaar ka mid ah ehelkeeda.

Kooxda dishay gabadhaas wax ayna ka dhacayeen taleefoon ay sidatay, xilli ay ka soo laabatay suuqa, una sii hoyaadeysay xaafadda oo halka lagu dilay aan ka dheereyn.

Allaha u naxariistee Hibo waxay ka mid aheyd ku manaankii arday ee Shalay ay wasaaradda wax barashadu shaacisay inay ku baaseen imtixaankii dowladda, waxayna Shalay u aheyd maalin farx adeed.

Qoyska Hibo oo Shalay faraxsanaa maadaa ma ay imtixaanka dowladda ku baastay gabadhoo dii ayaa Xalay murugoonaya, kadib markii ay tu ugo dishay marxuum Hibo Qaasim.

Iskuul lagu magacaabo Iftin oo ku yaalla deegaan ka Ceelasha Biyaha ayey ka baxday gabadha Xalay la dilay, waxaana xusid mudan in iskuulk aas qeybtiisa degmada Warta Nabadda ee Muq disho uu ka baxay Khaalid Cabdullahi oo ah wiilka kaalinta koowaad ka galay guud ahaan imtixaankii dowladda.

DF oo hakisay natiijada imtixaanka arday waali dkood eed loo heysto

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa shaaciyey inay jiraan arday natiijada imtixaankii ay galeen la hakiyey oo laga reebay liiskii natiijada imtixaanka dowladda ee Shalay la soo saaray. Wasiir Faarax ayaa sababta ku sheegay inay doonayaan inay la kulmaan ardaydaas iyo waalidii ntooda, si buu yiri loola xisaabtamo, isagoo tilmaamay in ardaydaas ay hareer mareen shuru ucdii loo dejiyey imtixaanka."Waxaa jira arday la haki yey natiija da imtixaankooda, si loo la xisaabta mo ayaga iyo waalidko od, maadaa ma ay hareer mareen nidaamkii imt ixaanka, in la ilaaliyo nidaamka wa do aan aheyn nooma fura, waa ku ceeb waalidka, caruurtooda, macalim iinta iyo dugsiyada, in dad yar ay nidaamka ku dheelaan,” ayuu yiri wasiir Faarax Sh.C/dir.

Wuxuu sheegay in guddigii imxaanka ka shaq eynayey ay ogolaa waayeen in dad yar ay isku da yaan inay ku xad gudbaan nidaamka imtixaanka, inkastoo wasiirku uusan shaacin waxa lagu eede ynayo ardayda la hakiyey natiijada imtixaankoda.

Sidoo kale wasiirka waxbarashada ayaa shee gay inay jiraan iskuullo ay ardaydii ka soo baxday ku dhaceen imtixaanka dowladda, "Waxaa jira du gsiyo ardaydii badankooda ay dhaceen, waxaas suurtagal maahan, ardayda Soomaaliyeed-na saas uma wada xuma ee nidaamka dugsigaa wax ka qaldan yihiin,” ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku sii daray in iskuullada liita ee ardaydii ka soo baxday ay imtixaanka dowlad da ku dhaceen ay wasaaraddu daba geli doonto oo ay la xisaabtamayaan.

"Wixii suurta gal ah oo la gacan qaba karo wa an gacan qaba doonaa, wixii aan u aragno in ay san soca karina, waan iska karaantiili doonaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir.

Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa Shalay shaacisay natiijada imtixaanka shahaadi ga ah ee dowladdu ay sanadkaan ka qaaday ard ayda dhamey satay waxbarshada dugsiyada sare ee dalka.

Waxaa loo diiwaan geliyey inay imtixaanka gel ayaan 34,469 oo ardayda, balse waxaa u fariis atay 33,468 oo arday, sidaas waxaa uga haray im tixaanka oo aan gelin ama u fariisan 1,001 Arday.

Tirada baastay imtixaanka guud ee shahaadiga ee fasalka 12-aad sanad dugsiyeedkii tegay waa 32,325 arday oo u dhiganta 96.6%. Waxaa ku dha cay imtixaanka 1143 arday oo u dhiganta 3.4%.

1,100 ka mid ah ardayda ku dhacday imtixaanka dowladda waxay ku galeen Gobolka Banaadir, halka 43-da kale ay imtixaanka ku galeen gobo llada kale ee dalka.

– Deegaanada Koonfur Galbeed 24 arday ayaa dhacday.

2 – Galmudug 7 arday ayaa dhacday.

3 – Jubbaland 6 arday ayaa dhacday.

4 – HirShabelle 6 arday ayaa dhacday

Ciidamada Galmudug Oo Hawlgallo Ka Dhan Ah Al-Shabaab Ka Wada Gobolka Galguduud

Wararka ka imanaya degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Galmudug inay weerar qorshaysan ku qaadeen fariisin ay ku sugnaayeen dagaalam ayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Guddoomiyaha degmada Ceelbuur Nuur Xasan Guu taale ayaa VOA u sheegay in howlgalkaas lagu dilay la ba ka mid ah dagaalamaya asha Al-shabaab ee ku sugan deegaanka Baruuj eed oo hoostaga degma da Ceelbuur.

Illaa haatan ma jiraan ilo madaxbanaan oo cadd aynaya jiritaanka weerarkaas iyo sida uu u dhac ay, waxaana adag in dadka deegaanka khadka tel efoonka lagu helo. Dhinacakale masuuliyiin kati rsan Galmudug ayaa waxa ay sheegeen in hawl gallo ka dhan ah maleeshiyada al-Shabaab ay ka socdaan deeg aano ka tirsan Galgaduud

balse faahfaahin kamay bixinin weerarkaas.


Taliyaha Ciidanka Lugta oo ku dhawaaq ay in la furay waddada Beledweyne & Matabaan

Taliyaha Ciidanka Lugta ee Xoogga Dalka, Gen. Maxamed Tahliil Biixi oo ka hadlay hawlga lada ka socdo Gobolka Hiiraan ayaa ku dhawaaq ay in la furay waddada xiriirisa Degmooyinka Bel edweyne iyo Matabaan.

Taliyaha ayaa tani ku tilm aamay guusha ugu weyn ee illaa iyo hadda laga gaar ay gulufka lagula dagaala mayo maleeshiyada Al Shabaab."Waxaan rabaa shacabka Soomaaliy eed inaan u sheego meel ay jooggaanba, guulaha la gaaray oo Shabaab laga gaaray, waddada isku xirto Matabaan iyo Beledweyne Shalayy waa fu ran tahay, waa guushii ugu muhiimsaneyd ee la gaaray, waa meesha ay ummadda Soomaaliyeed ku ciqaabayeen oo calaa baabuur labada kun kaga qaadanayeen, Shalayy waddadii waa furan tahay.” Ayuu yiri Taliyuhu.

Taliyaha ayaa hoosta ka xariiqay in jabka Shabaabku ku jabeen gobolkaasi uu ka dhigan yahay mid ay Somaliya oo dhan ku jabeen, isla-markaana uu sii socon doono gulufka ka dhanka ah maleeshiyadaasi.

"Shabaab waa jabay, jabka uu Hiiraan ku jabay waa jabka uu Somaliya oo dhan ku jabay, laga ha ri mayo, haddii Ilaahay yiraahdo.” Ayuu yiri Taliy aha. General Biixi oo Dorraad ka hadlayay dee gaanka Teedaan oo hoostagga Degmada Maxaas ayaa yiri "Deegaankan dadka shacabka ee ku no ol ama dadka deegaanka ee Macawiisleyda, ma garanayo waxa aan ku tilmaamo ama aan ku am maano amaba aan ku hambalyeeyo, ma garana yo runtii. Waxay horseed u yihiin sidii SYL xornim ada horseedka ugu ahayd ayay Somaliya horseed ugu yihiin, inay cadowga iska kor qaadaan, anagu na ka ciidan ahaan iyo dowladba waan garab siin aynaa, wax alla waxaan awoodno waan la garab taaganahay, waana ballan haddii Ilaahay yiraa hdo.”

Jananka ayaa intaasi ku daray "Dhiigayaga iyo wixii kaloo aan ku taakuleyn karno, rasaas ama hub amaba xeelad dagaal ay tahay waan la garab istaagaynaa, haddii Ilaahay yiraahdo, sababtoo ah qofka hadduu wax qabsanayo ayaa wax lala qaban karaa.”

ODAWAA OO SHAACIYEY HESHIISYO QARSOO DI AH OO LALA GALAY SHIRKADO KALLUUMEYSI

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay heshiisyo qarsoodi ah oo lala galay shirkado si aan sharciga waafaqsaneyn uga shaqeysta Badda Soomaaliya.

Odawaa ayaa ku baaqay in wax laga qabto heshiisyada kalluunka oo uu sheegay inuu dalka ka dhi gay mid xaraash ah, sidoo kalana wuxuu xusay inay jiraan heshiisyo isbarbar socda oo si hoose loola galay shirkado kalluumeysi.

Xildhibaan Cabdiraxmaan ayaa xusay in loo baahan yahay in mideeyo heshiisyada ay bixiyaan dowlad goboleedyada taasoo uu sheegay haddii aan wax laga qaban laga dhaxli doono saameyn taban.Xildhibaan Odowaa waxa uu tilmaamay in uu ogaal ku yahay Ruqsad Dowlad-Goboleed bixi say oo si hoose looga hoos bixiyay ogolaansho kale, taasina ay dhaawaceyso fursadaha bixinta Ruqsadaha ama Fasaxa.

"Waxyaabaha lagu heshiiyay waxaa kamid ah kalluunka oo waxaa la qoray heshiis lagu qoray in haddii Markab la siinayo Sharci in lacag isku mid ah lagu siiyo, Dukumiintis ayaan heynaa, Dowlad-Goboleedyada qaar markii lagu heshiiyay tusaale ahaan in Markabka lagu siiyo labo boqol oo kun oo doollar in uu fasaxeeda kuso galo biyaha Soomaaliya niman ayaa hoos warqad ka qoray oo siddeetan kun oo dollar aan ku siineynaa anaga ayaa ku fasaxeynee orod badda soo gal baa la yiri” ayuu yir Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa.

Wuxuu intaas kusii daray "Fasaxa ma mideys na oo Dowlad-Goboleed hebel intaas ayay bixi saa, halka Dowlad-Goboleed hebelka kale in kale ku bixiso, iimaan darro ayaa nagu dhaceysa, ani ga ayaa arkay iyada oo la leeyahay qoladaas in taas ayay ku bixisaa waa in aan innagana ku bixi naa, Seylad ayay noqanee oo xoolaheenna ayaan iibineynaa, malaaygaas meeshaas maraya umm adda Soomaaliyeed ayaa wada leh, dad baa fas ax u qaatay oo Shiineeska lasoo heshiiyay, lacagt aas ma xalaal baa”.

Soomaaliya waxaa si joogta ah uga kalluume ysta Maraakiib ruqsad u qaatay in ay joogto u gur taan kalluunka & Khayraadka kale kaddib heshii syo ay wada galeen shirkadaha isla leh Maraakiib taas & Maamulada ka taliya xeebaha ay ka jilaabanayaan.

Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre waxaa hor yaalla wax ka qabashada heshi isyada badan oo ay galeen wasiiro katirsan Xuk uumadda ka horreysay, hagaajinta & dib u qiime ynta qandaraasyadii la bixiyay.

Muuse Biixi Oo Magacaabay Guddi Ka soo Ta la-Bixiya Dhibaatadii Dhawaan Ka Dhalatay Muddaharaadka

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Ca bdi, ayaa magacaabay Guddi uu u igmaday inay kasoo tala bixiyaan hanaankii lagu xalin lahaa dhi baatadii ka dhalatay mudaaharaadyo ka dhacay qeybo kala duwan oo katirsan Somaliland.

Qodobada guddiga loogga fadhiyo inay xal u helaan, waxaa kamida ah:

Soo ururinta sababihii keenay mudaaharaadyadii dhacay Khasaarihii ka dhashey mudaah araadka

Cidda eedda iska leh Guddi gan ayaa ka kooban shan xubno od, oo katirsan golaha wasiirad da Somaliland.

Dhismaha guddigan, ayuu Madaxweyne Muuse Biixi ogeysiiyey Guddoomiya ha Golaha Guurtida Somaliland iyo madaxweyne kuxigeenka Somaliland.

Xaaladda dadkii ka barakacay dagaalla da Hiir aan oo laga deyrinayo & mas’uul iyiin booqday

Gudoomiyaha Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan Bashiir Cabdiraxm an sheekeeye iyo masuuliy iin ka’tirsan Golaha wasiir ada Dowlad Gobaleedka Hir shabelle oo u Hogaaminayo was iirka cafmaadka Maam ulk aas ayaa Shalay ko rmee ray kaamam aay ku sugnaa yan shacabkii ka soo Barak acay dagaallada u dhaxe eya Ciidama da dowladda & Al-Shabaab.

Dadka oo kasoo barakacay degaano hoosta ga degmada Matabaan ee Gobolka hiiraan ayaa qaarkood waxaa dhawaan guryahooda gubay, is la markaana duugay ceelkii biyaha ay ku cabi lah aayeen Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab

Gudoomiyaha Degmada Matabaan ee Gobal ka Hiiraan ayaa warbixin ka siiyey masuuliyiinta xaalada Barakacyaasha xubnaha wasiirada ee madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Hirshabelle u xilsaaray Xaqiijinta xaaladaha deganada laga saaray Al-Shabaab iyo sidii gurmad loogu fidin lahaa Bulshadda.

Guddoomiyaha Degmada Matabaan aya xu say muhiimada ay leedahay in shacabka loo fidiyo gargaar Dowladnimo oo dhameeystiran maadaa ma dhibaatooyin badan aay u geeysteen shacab ka Birimageey’dada ah Al-Shabaab oo guryihii iyo ceelashii ka aaseen.

Degaanno badan oo hoostaga degmooyinka Maxaas & Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa to dobaadyadii la so dhaafay waxaa ka socday how lgallo ka dhan ah ururka Al-Shabaab, iyada oo la ga deyrinayo dadka ka barakacay dagaalladii dhe x-maray Ciidamada dowladda & Al-Shabaab.

Mareykanka oo soo farageliyay khaafka Xukuu madda Somaliland & Xisbiyada mucaaradka

Wafdiga ka socda dowladda Mareykanka ee isugu jira Siyaasiyiinta iyo Saraakiisha Ciidan ee dhawaan yimid Magaalada Hargeysa ayaa wada dadaalo ay ku doonayaan inay dhammeeyaan khi laafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Xukuumadda Somaliland & Xisbiyada mucaaradka.

Mas’uuliyiinta Xisbiga ayaa Shalay kulan la qaa tay mas’uuliyiin katirsan Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, iyaga oo kala hadlayay sidii loo dejin la haa xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Somal iland.

War kasoo baxay hoggaanka Sare ee Xisbiga Waddani oo kulanka lagu faah faahiyayayaa lagu sheegay inay wafdiga ka socda dowladda Mareykanka kala hadleen qodobo ay kamid yihiin.

1. Xaaladda siyaasadeed ee cakiran ee wakht igan Somaliland ka taagan iyo dhibtii ku dhacday dadkii shicibka ahaa ee bannaa nbaxa nabadgelyo samaynayay.

2. Aqoonsiga Somaliland, oo ah qadiyad um madadeed, kaas oo dadka Somaliland ku mida ysan yihiin, mana khusayso siyaasadda gud aha ee aannu ku qaybsannahay.

3. Mar walba Xisbiga Waddani wuxuu diyaar u yahay in khilaafka jira laga gaaro xal siyaasadeed oo wadahadal- dhexdhexaadin ku yimaadda, kaas oo Xisbigu muhiimad siinayo xal kasta oo ay hor kacayaan dadkeena. Wafdiga siyaasiyiinta iyo Saraakiisha isugu jira ee ka socda dowladda Ma reykanka ayaa horay ula kulmay Madaxweynaha Somaliland & Xubno kamid ah Golaha Wasiirada Somaliland, iyaga oo kala hadlay sidii loo dham eyn lahaa xiisadda u dhaxeeysa Xukuumadda iyo mucaaradka.


Raila Odinga oo ku tilmaamay natiijada doora shada Kenya mid aan waxba ka jirin

Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa ku gacan seyray natiijada doorashadii madaxtinimo ee Kenya isa goo sheegay in natiijadii lagu dhawaaqay Isniintii Dorr aad ay tahay mid aan waxba ka jirin.

Mr Odinga ayaa madaxa gu ddiga doorashada Kenya ku eedeeyay inuu si cad ugu xad gudbay dastuurka Kenya.

"Waxaan gabi ahaanba diidnay natiijada doora shada madaxtooyada. Natiijada uu soo bandhigay Mr. Chebukati waa kuwo aan waxba ka jirin, wa ana in lagu burburiyaa sharci maxkamadeed," Odi nga ayaa sidaasi yiri mar uu Shalay la hadlayay taageerayaashiisa xisbigiisa, isagoo ugu baaqay is dejiyaan oo ay nabadda ilaaliyaan.

"Waxaan wadnaa dariiqooyin iyo habab dastuu ri ah oo sharci ah si aan u burino Mr. Chebukati ku dhawaaqistiisa sharci darrada ah ee aan dast uurka waafaqsanayn," ayuu hadalkiisa raaciyay Odinga.

Wafula Chebukati, oo ah guddoomiyaha gudd iga doorashada ee Kenya ee IEBC, ayaa Dorr aad ku dhawaaqay in William Ruto uu ku guuley stay doorashadii madaxtinimo ee todobaadkii hore.

Guddoomiyaha ONLF oo ka hadlay xaa ladda galbeedka gobolka Sitti iyo Urur ka Al Shabaab

Guddoomiyaha Ururka ONLF Cabdiraxmaan Sheekh Mahdi (Maadey) ka hadlayay xafladda sa nnad guuradii 38aad ee kasoo wareegtay wakhti gii la aasaasay ONLF, oo lagu qabtay magaalada Jigjiga ayaa ka hadlay arrimo dhawr ah oo ay kamid tahay arrinta galbeedka gobolka Siti ee dowlad degaanka Soomaa lida.

Guddoomiyuhu wuxuu si adag uga hadlay xasu uqyada inta badan loog aysto shacabka ku dhaqan galbeedka gobolka Siti, gaar ahaan kuwii laga soo barakiciyay magaalooyinkii ay dhawaan Canfartu la wareegtay ee Cundhufo, Danlahelay, Garbaci ise iyo Caddeytu, isagoo sheegay in arrimahaasi ay masuuliyadeeda qaadayso dowladda Itoobi ya.

"Dowladda Itoobiya iyadaa masuul ka ah waxa ka dhacay Cundhufo iyo Caddeytu, dadkan had day Itoobiya ka tirsan yihiin maxaa hortooda loogu laynayaa, anagoo Al Shabaab la dagaalamayna maxaa dhabarka nalooga tookanayaa, ma aqbala yno taas. Ra'iisal wasaare Abiyi Axmed waxaan u haysanaa waxa ka dhacay halkaas" ayuu yiri Guddoomiye Maadey.

Dhinaca kale Guddoomiye Maadey waxa uu ka hadlay heshiiskii ay hadda ka hor wada galeen iyaga iyo dowladda Itoobiya, oo uu sheegay inuu san heshiiskaasi waxba ka hirgalin, wuxuuna yiri " ONLF iyo dowladda Itoobiya heshiis bay galeen, warqad ayuuna ku qoran yahay heshiiskaas, wal ina ma girgalin heshiiskaas, waan ku kari waynay dowladda Itoobiya inay heshiiskaas hirgaliso, bo qolkiiba hal ayay ka hirgalisay, taas oo ah xabbad joojintii iyo degaankii xabbada laga joojiyo".

Guddoomiyuhu waxa kale oo uu sheegay in ka ONLF ahaan aysan ka hadhayn xaqa aaya kat ashiga shacabka degaanka Soomaalida, iyo wal iba in shacabku xaq u leeyihiin inay iyagu tashad aan oo xitaa Madaxweynaha iyagu soo doortaan ee aan laga keenin Addis Ababa, isaguu yiri " Mustafe cagjar waa inuu awoodda isagu leey ahay, waa inaan anagu dooranaa ee ma aha in Addis Ababa laga soo doorto.

Geesta kale waxa uu Guddoomiyuhu ka had lay Ururka Al-Shabaab, iyo duullaankii ay dhaw aan kusoo qaaday degaanka Soomaalida, isagoo sheegay in degaanka Soomaalidu ay leeyihiin Shacabka degaanka Soomaalida, Al Shabaabna aan loo oggolaanayn inay degaanka Soomaalida soo gasho.

"Al-Shabaab waxay u socotaa oo ay rabtaa in Soomaaliya iyo dowlad degaanka Soomaalidaba ay guumaysato oo la yiraahdo Argagaxiso ayaa waddanka ka jirta oo Mareekan iyo Yurub ay kus oo duulaan, ma oggolaanayno taas Al Shabaab na waan iska celinaynaa" ayuu yiri Guddoomiya ha ONLF Cabdiraxmaan Sheekh Mahdi Maadey.

Hadalladan Guddoomiyaha ayaa kusoo haga agaya xilli dhibaato daran ay ka jirto galbeedka Siti, shacab tiro badana ay halkaasi kasoo bara kaceen isla markaana aysan wali helin gurmad ku filan.

Duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday Sha beell aha Hoose & faah faahin laga helayo

Diyaarado dagaal oo loo maleeynayo in ay leedahay dowladda mareykanka ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay duqeymo diyaaradeed ka geysteen degaano hoostaga degmada Awdh eegle oo katirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana duqeymahaas ka dhashay khasaaro kala duwan.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in diyaaradaha dagaalka ay beegsadeen goobo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab oo kuyaalla meel u dhow Tuulada Nuungare oo ho ostagta degmada Awdheegle balse asyan xaqiijin karin khasaaraha ka dhashay.

Xogaha la helay ayaa sheegaya in duqeym aha qaarkood lagu burburiyay Mootooyin ay lah aayeen xubno katirsan Al-Shabaab, iyada oo dad ka degaanka duqeynta ay ka dhacday ay sheeg een inay siwyen u maqlayeen dhawaqa madaa fiicda duqeynta.

Dowladda Soomaaliya iyo saraakiisha Ciidam ada ee Gobolka Shabeellaha hoose ayaan weli ka hadlin duqeynta diyaaradeed ee ka dhacday gobolkaas iyo khasaaraha ka dhashay.

Mareykanka ayaa dhawaan dib u bilaabay dq ueynta uu ka fulin jiray Soomaaliya, waxaana dha waan laba duqeyn oo ka dhaday degaano katir san gobolka Hiiraan lagu sheegay in lagu dilay 14 Xubnood oo katirsan Al-Shabaab.

Madaxweyne Mustafe cagjar oo Shalay soo saarey magacaabis cusub

Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaali da Mustafe cagjar ayaa Shalaysameeyay maga caabis cusub oo ku aadan dhinacyada laamaha amniga iyo qaar kamid ah maamul magaaloyin ka degaanka Somaalida

Madaxweynaha ayaa Taliyaha gu ud ee Booliska dowlad degaanka So omaalida u magacaabey Maxamed Xasan Axmed oo horey xilal kala duwan uga soo maray isla gudaha Booliska de gaanka Soomaalida, marna soo ahaa Sirdoonka degaanka Soomaalida.

Halka ku xigeen looga dhigay Sareeye Gaas Sakariye Cabdi Khaliif, oo isaguna horey u ahaa Taliye ku xigeenkii Liyuu Booliska ee dhawaan xil ka laga qaaday iyo Xasan Moogow Maxamed, Xa runta Booliska dowlad degaanka Soomaalida ay aa leh labo taliye ku xigeen.

Sidoo kale Madaxa Xafiiska Maleeshiyadda dow lad degaanka Soomaalida ayaa loo magacaabey Xirsi Maxamed Dool, horey waxaa xilkan usoo ha yay Cabdulaahi Qaasim Cabdi.

Sidoo kale maamul magaalooyinka la magaca abey waxaa kamid ah Jigjiga oo loo magacaabey Siyaad Cabdilaahi Axmed oo horey uga soo shaq eeyay Xafiiska Biyaha degaanka Soomaalida, ho rey waxaa duqa magaalada Jigjiga u ahaa Cab difataax Ibraahim.

Maamul magaalooyinka Dhagaxbuur iyo Tog-wajaale ayuu sidoo kale Madaxweyne Mustafe cagjar umagacaabey maamul cusub.

Magacaabistan uu Shalay sameeyay Madaxw eyne Mustafe cagjar ayaa kusoo hagaagaysa xilli dhawaan uu Madaxweynuhu shaaciyay in isbadd el lagu samayn doono qaybaha kala duwan ee hay'adaha amniga dowlad degaanka Soomaalida.

Golihii degaanka degmada Bardaale oo la kala diray

Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowlad Gobole edka Koonfur Galbeed ayaa Shalay oo Isniin ah kala dirtey Golaha degaanka Degmada Berdaale ee Gobolka Baay oo mudo xileedkoodii dhamaad ey Bishii Janaayo ee sanadkaan 2022 .

Ka dib Kulan Shalay Mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed ay degmada bardaale kula yeesheen Golaha deg aanka ayay ku wargeliyeen in la kala diray, isla markaana dhawaan golle degaan oo kale la sam eyn doono.

Qoraal kazoo baxay Wasiirka Wasaaradda Arr imaha Gudaha dowlad Goboleedka Koonfur Gal beedCabdullaahi Xaaji Xasan oo la ogeysiiyay guddoomiyaha Gobolka Baay, Agaasimaha guud ee Wasaaradda, Odayaasha iyo Nabaddoonada degmada ayaa lagu sheegay in muddo xileedka golaha degaanka degmada Bardaale oo ahaa Af ar sano uu dhamaaday, isla markaana la guda ge li doono dib u doorashada golaha degaanka.

Sidoo kale qoraalka ayaa waxaa lagu xusay in Degmada ay si KMG ah u maamuli doonaan Gol aha fulinta oo kala ah guddoomiyaha degmada, kuxigeenkiisa iyo Xoghayaha degmada, sidoo kalena Golaha degaanka degmada Bardaale lagu soo dhameystiri doono muddo bil gudahood ah.

Mareykanka Cunaqabateyn Kusoo Rog ay Seddex Masuul Oo U Dhashay Liberia

Waaxda Maaliyadda ee dawladda Maraykanka ayaa cunaqabatayn ku soo rogtay saddex masuul oo ka tirsan dawladda Liberia, oo uu ku jiro aga asimaha xafiiska ma daxweyne Geor ge Weah, kuwaas oo la gu eedeeyey inay ku lug yeesheen hawlo musuqmaasuq.

Saraakiisha kale ee cunaqabataynta lagu soo rogay ayay ka mid yihiin, xeer-ilaaliyaha guud ee Liberia Sayma Syrenius Cephus iyo Bill Twehway oo ah agaasimaha maamulka ee hay’adda maam usha dekedaha dalkaas.

"Musuqmaasuqa ay sameeyeen saraakiishani wuxuu wiiqayaa hannaanka dimoqraadiyadda ee Liberia, iyaga oo u sameeyey si macaash shakhsi ah u sameeyaan,” ayuu yidhi Brian Nelson, oo ah kaaliyaha xoghayaha maaliyadda ee Maraykanka u qaabilsan hawlaha la dagaalan argagixisada iyo la socoshada lacagaha.

Xoghaye ku xigeenka maaliyadda ee Marayk anka ayaa sheegay in tallaabadani ay muujinayso sida dawladda Maraykanka ay uga go’an tahay la xisaabtanka shakhsiyaadka ku lugta yeesha hawlaha musuqmaasuqa ee dalka Liberia.


Rabshado Habeen hore ka dillaacay qeybo ka mid ah dalka Kenya kadib natiijadii doorashada

Dibadbaxyo rabshado wata ayaa Habeen hore ka dillaacay magaalada Kisumu ee ay ku xo oganyahay taageerayaasha musharaxa laga adka aday ee doorashada Kenya Raila Odinga kadib markii natiijada lagu dhowaaqay.

Taageerayaal careysan ayaa soo buuxiyey wa ddooyinka ayaga oo dhagxaan tuuraya islamarka ana ku doodaya in doorashada lagu shubtay, ayada oo booliska ay ku fureen gaaska dadka ka ilmeysiiya si ay u kala eryaan.

Taageerayasha 77 jirkan ugu yeeray "bab a” ayaa sheegay inay ka careysan yihiin in Odinga markii shan aad looga adkaaday doorashada madaxweynaha Kenya.

Odinga oo xilligan uu taageerayey madaxweyn aha xilka ka degaya ee Uhuru Kenyatta ayaan weli ka hadlin natiijada lagu dhowaaqay, hase yeeshee wuxuu mucaaradkiisa ku eedeeyey inay khiyaameen doorashooyinkii 2007, 2013 iyo 2017.

Doorashadii 2007, si gaar ah, oo kormeeraya asha caalamiga ah ay sheegeen in khaladaad ay ka buuxeen, ayaa dhalisay rabshado qowmiyade ed oo ay ku dhinteen 1,100 qof.

"Ma aheyn mid xor iyo xalaal ah. Waa nala khi yaamay,” waxaa sidaas yiri Collins Odoyo oo ah 26 jir taageera Odinga.

Dukaano badan oo ku yaalla Kisumu ayaa Ha been hore xilli hore la xiray ayada oo laga cabsi qabo in la bililiqeysto, waxaana lagu soo warram ay ugu yaraan hal dukaan oo la dhacay.

"Dowladda waa inay na dhageysataa. Waa in doorashadan lagu celiyaa,” ayuu yiri Isaac Ony ango oo ah 24 jir. "Nagama xadi kartaan,” ayuu ku qeyliyey.

In badan oo ka mid ah dadka Kisumu ayaa fila yey in Odinga guuleysan doono, ayaga oo rumey snaa inuu ugu dambeyn heli doono kursigii marar badan loo diiday.

Sidoo kale, xaafadda Kibera ee Nairobi oo ay ku xoogan yihiin taageerayaasha Odinga ayaa la ga dalbaday in doorashada lagu celiyo, ayada oo dibad-baxayaal ay dhagxaan tuurayeen.

"Codadkii Baba waa la xaday,” ayuu yiri mid ka mid ah dibad-baxayaasha.

"Joojiya inaad been u sheegtaan dadka Kenya, waan ognahay in Baba uu guuleystay,” ayuu yiri Eliud Omolo, oo ka mid ah taageerayaasha Odi nga.

Natiijada rasmiga ah ee guddiga doo rashada ayaa muujisay in Ruto uu helay 50.49 boqolkiiba codadkii la tiray oo ah 7,176,141 cod, halka Odi nga uu ka helay 48.85 boqolkiiba oo ah 6,942,930 cod.

Mareykanka oo war kasoo saaray doorashada Kenya ee muranka uu hareeyey

Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqday da dka Kenya inay deganaansho iyo dulqaad muuj iyaan kadib markii lagu dhow aaqay in William Ruto uu ku guuleystay doorashada mad axweyne, balse uu natiijada ku gacan sayray musharaxii la ga adkaaday Raila Odinga. "Waxaan ku boorine ynaa dha mmaan dhinacyada inay ka wada shaqeeyaan in si nabad ah loo xaliyo walaaco kasta oo harsan oo ku saabsan doorashada ayada oo loo marayo marinada lagu xailiyo muranada ee jira,” waxaa sidaas yiri afhayeenka Wasaarad da Arrimaha Dibedda Mareykanka Ned Price

"Waxaan weydiisaneynaa dhammaan hoggaa miyayaasha xisbiyada siyaasadda inay sii wadaan inay taageerayaashooda ugu baaqaan inay naba dda ilaaliyaan ayna ka fogaadaan rabshadaha in ta uu socdo hanaanka doorashada,” ayuu yiri.

Odinga ayaa markii shanaad ku guuldarreys tay isku day uu ku noqon lah aa madaxweynaha Kenya aya da oo uu ka adkaaday madax weyne ku-xigeenka dalka Wil liam Ruto.

Labada musharax ayaa waxaa u dhaxee yey codad dhan 230,000 ama wax ka yar 2% tirade guud ee codadka la dhiibtay.

Odinga ayaa sheegay in ku dhowaaqista gudd oomiyaha guddiga Wafula Chebukati ee ah inuu William Ruto ku guuleystay doorashada ay tahay "waxba kama jiraan.”

Waxa uu intaas ku daray in Chebukati uusan ka awood badneyn xubnaha kale ee guddiga, kuwaasi oo afar ka mid ah ay diideen natiijada uu shaaciyey ayaga oo sheegay inaysan ku raacs aneyn.

"Waxa aan Dorraad argnay (Isniintii) waxay ah aayeen ceeb iyo xashmad darro cad oo lagu sam eeyey dastuurka Kenya,” ayuu Raila ka yiri shir jaraa’iid oo uu ku qabtay Nairobi.

Waxa uu wacda ku maray inuu adeegsan doono wax kasta oo sharci ah si uu uga loolamo nati ijada.

"Ma doonayo inaan si buuxda uga hadlo waxa ay xeeladaheena xiga yihiin hase yeeshee… wax aan raadin doonnaa dhammaan ikhtiyaarada sha rciga iyo dastuuriga ah ee aan heli karno,” ayuu yiri.

Odinga ayaa horey u sheegay in laga khiyaanay guulo uu ka gaaray doorashooyinkii dhacay 2007, 2013 iyo 2017, waana markii shan aad ee doorasho madaxweyne looga adkaado.

Waa kuma William Ruto – Maxayse yihiin mowqifyadiisii hore ee ku aadan Somalia?

Guddiga Doorashooyinka iyo Xaduudaha Kenya (IEBC) ayaa ku dhawaaqay in William Sa moei Ruto uu ku guuleystay doorashada mada xwenaha ee Kenya. Wuxuu helay boqolkiiba 50. 4% codadkii la dhiibtay, Wuxuu ka adkaaday Raila odinga oo helay bo qolkiiba 48.8%.

Guddoomiyaha guddiga doorashada ayaa sheegay in William Ruto uu yahay madaxweynaha cusub ee lasoo doortay ee Kenya.

Ruto oo guushiisa ka hadlay ayaa sheegay in ‘dhammaan awoodda ma daxbanaani waxay u sug naatay shacabka Kenya’ isla markaana uu ka sha qeyn doono sidii dalka horey loogu sii wadi lahaa.

HADDABA WAA KUMA WILLIAM RUTO?

Wuxuu sanadkii 1966-dii ku dhashay deegaan ka Sugoi oo ka tirsan gobolka Rift Valley ee dalka Kenya.

Ruto wuxuu kusoo koray nolol adag xitaa wux uu iskuulka aadi jiray isaga oo kaba la’aan ah. Kab uu lugtiisageliyana waxaa ugu horreysay da ’da 15. Wuxuu waddooyinka deegaan miyi ah oo ku yaalla Rift Valley ku iibin jiray digaagta iyo lowska, Ruto wuxuu mar kasta sheegaa in uu yahay nin nolosha meel hoose kasoo billaabay.

Ruto wuxuu halqabsi ka dhigtay "nin xoogsata ah”, isagoo sheegay in uu la dagaallamayo waxa uu u arko qoysaska horey u heystay awoodda Ke nya sida – Kenyatta iyo Odinga – oo doonaya in ay xukunka u sii hayaan. Wuxuu siyaasadda Ken ya kusoo biiray sanadkii 1992, wuxuu sheegay in macalinkiisa siyaasadda uu ahaa Madaxweynihii hore ee Kenya Daniel Arap Moi.

Mr Ruto wuxuu xubin firfircoon ka ahaa ga rabkii dhallinyarada xisbigii Kanu ee Moi, wuxuu sidoo kale kamid ahaa dadkii loo xil saaray ololihii loogu codeynayay in Kenya ay axsaab badan yeelato sanadkii 1992.

Waa nin aftahan oo awood leh kaas oo si we yn usoo jiita quluubta dadka ka qeybgala isu soo baxyadiisa siyaasadda, waxaana lagu tilmaamaa inuu si wanaagsan ayuu hadallada usoo gudbiya marka uu wareysi siinayo warbaahinta.

Wuxuu sanadkii 1990 shahaadada koowaad ee culuumta seyniska ka qaatay jaamacadda Nai robi, wuxuu markii dambe shahaadada labaad iyo midda PHD ka qaatay isla jaamacadda Nairobi.

Waxaa sanadkii 1997 loo soo doortay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Kenya, waxaa laga soo do ortay Waqooyiga Eldoret, xilal kala duwan ay uu kasoo qabtay dowladda Kenya, waxaana ugu muhimsanaa in mar noqday wasiirkii waxbara shada iyo wasiirka tacliinta sare.

Ruto wuxuu durbaba ug gudbay jagada Mad axweyne ku xigeenka Kenya sanadkii 2013-kii, muddo 10 sano ah ayuu madaxweyne ku xigeen ahaa.

Ruto wuxuu kamid ahaa siyaasiyiintii hor tag ay maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC kadib markii lagu eedeeyay in uu huriyay rab shadihii ka dhashay sanadkii 2007 oo ay ku dhin teen 1,200 qof, Ruto oo eedeymihaas oo iska fogeeyay, maxkamadda ayaa markii dambe wax dambi ah ku waaysay Ruto.

Mar wuxuu taageeray in la xiro xeryaha qaxootiga?

William Ruto wuxuu sanadkii 2016 ugu baaqay beesha caalamka inay ka taageerto go’aankii ay Kenya ku dooneysay inay albaabada isugu dhu fato xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab.

Ruto oo xilliggaas ka hadlayay shir arrimaha ba nii’aadanimada oo ka dhacay Turkiga ayaa xill iggaas ka codsaday beesha caalamka inay bixiy aan dhaqaalaha dib u dejinta loogu sameynayay qaxootiga ku sugan xeryaha Dhadhaab.

Dowladda Kenya ayaa sanadkii hore sheegtay inay si rasmi ah ugu gudbisay hay’adda Qarama da Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR inay xiri doonto xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kaakuma wixii loo gaaro 30-ka bisha Juun ee 2022-ka.

Ruto: Waa mas’uuliyad darro in aan kasoo bax no Soomaaliya

William Ruto wuxuu hadda ka hor sheegay in ciid amada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya aysan kasoo bixin halkaas tan iyo Soomaaliya ay nabad ka noqoneyso.

Wareysii uu siiyay BBC-da sanadkii 2019 wuxuu ku sheegay in Kenya ay shaqeyneyso sidii lagu xoojin lahaa dadaallada lagu sugayo amniga Soo maaliya.

"Waxaan mas’uuliyad naga saaran anaga oo la shaqeyneyna dalalka kale ka shaqeynta dadaal lada lagu xaqiijinayo in Soomaaliya ay amni no qoto” ayuu yiri Ruto.

Ruto wuxuu xilliggaas yiri, "Waa mas’uuliyad da rro in aan kasoo baxno Soomaaliya” si looga hor tagga halist amni darrada ah.BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip