HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TMES DAILY NEWS PAPAER EE MAANTA OO AH ISNIIN 15-KA AGOOSTO 2022-KA

0
Monday August 15, 2022 - 08:06:20 in Wararka by
  • Visits: 390
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TMES DAILY NEWS PAPAER EE MAANTA OO AH ISNIIN 15-KA AGOOSTO 2022-KA

    .....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.....

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Ergeyga gaarka ah ee ururka EAC

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor sii horeysay oo Shalay ah u magacaabay Cabdisalaam Hadliye Cumar, Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha ee ururka Bulshada Bariga Afrka (EAC).

Cabdisalaam Hadli ye ayaa horay Soom aaliya uga soo noqd ay Wasiirka Arrima ha Dibadda iyo Gu ddoomiyihii hore ee Bankiga Dhexe.

"Madaxweynaha ayaa ahmiyad weyn siina ya kor u qaadidda dhaqaalaha dalkeenna iyo xoojinta in Soomaaliya ay wax badan ka dheef to iskaashiga dalladdan, taas oo shacabka Soo maaliyeed u saamaxaysa inay ka faa’idaystaan fursadaha dhaqaale ee ay abuuri karto ka mid noqoshada Bulshada Bariga Afrika (EAC),” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooya da Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa bishii ho re magaalada Arusha ee dalka Tanzania uga qeyb-galayo shirka dalalka ku mideysan dallad da Bulshada Bariga Afrika (EAC), waxaana uu sharaxaad ka bixiyay sababta ay Soomaaliya u dooneyso inay uga mid noqoto ururkaas.

EAC ayaa ah urur goboleed xaruntiisu tahay magaalada Arusha ee Tanzania, kaasi oo dhis may sanadkii 2000, kadib heshiis ay gaareen shan kamid ah lixda dal ee uu hadda ka koob an yahay.

South Sudan ayaa xubinnimada EAC he shay bishii September 2016, halka J/D/Congo ayaa ururkan ku biirtay bishii April ee sanadka.

Soomaaliya ayaa sanadkii 2016 laga diiday cod sigeeda xubinnimada EAC waxaana ay marka le codsi dirsatay sanadkii 2018, ayada oo mud dooyinkii dambe uu madaxweyne Xasan xoojiy ay dadaalada kamid noqoshada.

Kenya ayaa kamid ah waddamada ugu aw oodda badan ururka, waxaana xusid mudan in dhawaan uu dib usoo laabtay xiriirkii ay la lah eyd Soomaaliya, oo xumaa sanadihii dambe ee hogaaminta dalka gacanta ugu jirtay madaxw eynihi hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmajo.

Laba arrin oo Xamza uu ka sheegy kulankii ay beesha Mudulood qabteen

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre oo Shalay ka qeyb-galay mun aasabad lagu soo dhaweenayay xukuuma dda cusub oo ay soo qaban-qaabisay beesha Mudulood ayaa ka hadlay Abaaraha iyo Amn iga guud ee dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa ugu horeyntii qiray in amniga halkii la rabay uusan gaarsiisaneen xili gaan la joogo, isagoo tilmaamay muhiimadda uu amniga u leeyahay bulshada.

"Intaan oo dhan haddii aan dhaho xagee da gan tihiin? jidka wadnaha wixii xaggaa ka ah in yar baa laga yaabaa inay gacanta taagato. Um mad dhan ma waxa ay dowlad ku noqotay Ma ka Al-mukaram, hadda garoonkii baa la dhex-galay oo waxa aan ka cabsanayaa in Hoteelo aan ka dhisanno,” ayuu yiri. Sidoo kale waxa uu sheegay in amniga la’ aantiisa aan waxba la qaban karin, maadama Mashruucyada dalka la ga fulinayo ay qaar ko oda u joogsadeen amni xumo, isaga oo tusaale u soo qaatay dhismaha Jidka isku xira Muq disho iyo Balcad oo u joogsaday Amni xumo.

"Illaa la gaaro in ay Gabdhaha Somaliyed cadawga guryahooda ka saaraan, nabad la heli maayo. Cadowga xaqiiqiga ah guryaha ay uu ku jira ee guryaha ka soo saara,” ayuu yiri Ra’ii sul Wasaare Xamza oo baaq u direy hawenka.

Xamza ayaa uga mahad-celiyay shacabka Somaliyeed iyo guud ahaan bulshada ku dhaq an magaalada Muqdisho sida ay isaga qabte en Ciyaal Weerada oo caasimadda ka sii dabar go’aya, isaga oo ugu baaqay in ay dowladda kala shaqeeyaanamniga.

Dhinaca kale, Ra’iisul was aaraha oo ka hadlay abaarha ka jira dalka ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay marka hore inay toobad keen aan, si uu Alle ugu dul qaado Abaarta ka jirta guud ahaan dalka.

"Illaahey waxa uu innoo sheegaya haddii aan toobad keenno, in Abaartu ay harreyso uu Roob imaanayo oo la dhergayo lana Barwaaqo obayo, sidaas darteed wuxu ma adka ee waa wax toobad ku xiran, marka aan toobad ke enno,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay Ganacsatada iyo Culimada Soomaaliyeed inay ka qeyb qaat aan gurmadka loogu jiro u gurmashada dadka ay Abaartu saameysay, kuwaas oo lagu qiyaa say in ay gaarayaan hal miyan oo qof.

"Halka milyan waan quudin karnaa, uma ba ahna in ay gacmo dadka kale hororsadaan aan u gurmanno, oo waxa aan heesano aan wax ka siinno. Waa in Dhalinyarrada iyo Haweenka So omaaliyeed ay qeyb ka qaataan dadaalka loo gu jiro gurmadka Abaaraha.”

Ugu dambeyntiina wuxuu farriin u diray Qu rbajoogta Soomaali yeed oo uu ka codsaday in ay ka qeyb qaataan gurm adka, isaga oo sheeg ay in Qurbajoogta ay caado u lahaayeen u gur mashada dadkooda Somaliyed ee ku nooldalka

Wasaaradda Macdanta iyo Bartoolka oo amartay in laga guuro xarunta Seybiyaano

Wasaaradda Macdanta iyo Bartoolka Soom aaliya ayaa amartay in si dhaqsi ah ay uga gu uraan dadka degan xaruntii wasaaradda ee ku taalla xaafadda Seybiyaano ee degmada Hod an ee magaalada Muqdisho.

Qoraalkan ayaa waxaa soo saaray agaa si maha wasaaradda Maxamed Xaashi Carabey oo sheegay inuu amarka bixiyey wasiirka cusub ee wasaaradda Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

"Anagoo ka duulayna amarka wasiirka Wa saaradda Batroolka iyo Macdanta kaas oo ah ilaalinta hantida qaranka, gaar ahaan hantida maguurtada ah ee Wasaarada Batroolka iyo Macdanta ee dhamaan dalka Soomaaliya, gaar ahaan G/Banaadir,ayaan waxaan faray naa dhammaan dadka degan Xaruunta Wasaarad da Macdanta ee ku taal Seybiyaano inay si da ugu dhaqsaha badan uga guuraan xaruuntaas,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaa radda.

Qoraalka ayaa intaas ku daray in go’aan kan loo qaatay si xarunta wasaaradda loogu ist icmaalo dantii guud ee markii hore loo dhisay, iyo dib loo dhaqan galiyo. "Haddaba, dadwayn aha degan waxaan faraynaa inay sida ugu dha qsaha badan uga guuraan xaruunta Wasaarad da Macdanta,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Wasiir Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa xilka la wareegay 10-kii August, waxaana weli caddeyn haddii sida uu sheegay agaasimaha wasaaradda, uu amarkan isaga kasoo baxay.

Si kastaba, go’aankan ayey adkaan doont aa in la dhaqan-geliyo, waxaana halkaas sana do ba dan degan boqolaal qoys oo ilmihii ay ku dhaleen ay ilmo sii dhaleen.

Roobow oo shaaciyey dad badan oo isku da yey inaan xil WASIIR loo magacaabin

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta So omaaliya Mukhtaar Roobow Cali Abu Mansuur ayaa shaaca ka qaaday in dad badan ay kasoo horjeedeen oo ay isku day een inay ka hortaga an in wa siir loo magacaabo.

Abu Mansuur ma uusan shaacin magacya da dadka as, hase yeeshee waxaa jirta in dad ka diidanaa magacaabistiisa ay u badnaa yeen kooxdii Nabad iyo Nolol ee xabsiga ku ha ysay muddo ka badan saddex sano iyo bar.

Abu Mansuur oo ka hadl ayey munaasabad ka dhacd ay Muqdisho ayaa aad ugu mahad celi yey madaxda sa re ee dowladda federaalka inay kusoo dareen golaha wasiirada, wuxuuna sheegay inuu abaal uga hayo.

Wasiirka ayaa sidoo kale codsaday in la iska hilmaamo oo la iska cafiyo wixii ka dhacay magaalada Baydhaba bishii December 2018, intii lagu guda jiray xarigiisa.

Waxaa xilligaas magaalada Baydhaba la gu dilay 17 qof oo shacab ah kadib markii ay weerar ku qaadeen ciidamo uu soo amray mad axweyne Farmaajo, si ay usoo xiraan Roobow loogana hor-istaago inuu u tartamo xilka mada xweynaha Koonfur Galbeed, oo Farmaajo uu la rabay Laftagareen kana dhigay.

"Wixii ka dhacay Baydhaba waa in la iska cafiyaa oo aan nabadda dib ugu laabanaa ay uu yiri Abu Mansuur.

Dhinaka kale Roobow ayaa ugu baaqay do wladda federaalka inay daryeel wanaagsan si iso maxaabiista, isaga oo sheegay in muddadii uu xabsiga ku jiray aad loo caburiyey.

Roobow ayaa toddobaadkii tegay loo ma gacaabay xilka wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta, ayada oo dowladda ay rumeysan tahay inuu gacan ka gaysan karo dagaalka xagga fiki rka ah eel ala galayo kooxda Al-Shabaab

Shirka looga hadlayay arrimaha abaaraha Soomaaliya oo lagu qabtay Sucuudiga

Shir looga hadlayay arrimaha abaaraha So omaaliyo iyo sidii loogu gurman lahaa dadka ay saameysay ayaa lagu qabtay magaalada Riy aadh ee caasimadda dalka Sacuudiga.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay hay’ad da Bisha cas ayaa wax aa Soomaaliya uga qe yb galay lataliyaha 1a ad, ahna sii-hayaha sa faraadda Soomaaliya ee dalka Sacuudiga Md. Abshir Warsame Diirshe, waxaana shirka si ga ar ah looga waramay xaalada ba’an ee saama ynta abaaraha iyo sidii ay hay’adaha Bisha cas iyo Laan-qeyrta cas gacan uga gaynsan lahaay een gurmadka abaaraha Soomaaliya.

Md.Abshir Warsame Diirshe oo shirka ka hadlay ayaa ugu baaqay hay’adaha samafalka inay garab istaagaan dadka abaaraha iyo col aaduhu wax-yeelleeyeen ee ku dhaqan goboll ada dalka Soomaaliya, wuxuuna kalsooni ka muujiyay in caalamka u gurmad deg deg ah sa meyn doono.

Dowladda Federaalka oo kaashanaya hay’ adaha gargaarka ayaa dadaal xooggan ku bix ineysa sidii loo xoojin lahaa taageerada iyo u qareemida gurmadka abaaraha.

Xog: Sidee kusoo laabtay wasiirka kaliya ee ka haray xukuumaddii R/W Rooble?

Xukuumadda cusub ee ra’iisal wasaare Xa mza Cabdi Barre waxaa ku cusub arrimo badan oo aan hore uga dhicin xukuumadihii hore, iya doo inteeda badan uu soo magacaabay madax weynaha la doortay 15-kii May 2012 Xasan Sh.

Arrimaha aan hore loo arag waxaa ka mida inuu ka mid yahay wasiir dib ugu soo laabtay xi lkiisa oo aan u baahan inuu xilka la wareego, kaasoo lagu soo celiyay wasaaradii uu u mag acaabay ra’iisal wasaarihii hore Maxamed Xuse en Roo ble.

Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Dorraad xilka halkiisii ka sii watay, wuxuu na xarunta wasaaradda gaashaaandhigga xilal kii ugu kala wareejiyay wasiir ku-xigeenka cus ub iyo wasiiru dowlaha.

Wasiir Jaamac, oo Rooble u magacaabay wasaaradda gaashaaandhig ga xilligii uu taag naa dagaalkii siyaasadeed ee kala dhaxeeyay Farma ajo, ayuu madaxweyne Xasan Sheekh mar kale xilkaasi u magacaabay, taasoo ay ugu wacan tahay rabitaanka Madaxwe ynaha.

Wasiir Jaamac wuxuu khilaaf ba’an kala dhaxeeyaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed, waxaana loo diiday inuu u tartamo kursiga be shiisa.

Dhinaca kale, waxaa magacaabistiisa Gola ha Wasiirada cusub si weyn u diidanaa Guddo omiyaha Golaha Shacabka Sheekh Adan Mado obe oo watay xildhibaan iyo wasiir hore Fows iya Maxamed Sheekh, laakiin waxaa ku adkeys tay oo awoodiisa isugu geeyay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Jaamac ayaa waxaa sidoo saaciday inuu xi riir wanaagsan la leeyahay dowladda Turkiga, oo muhiim u ah tababarka ciidamada Soomaal iya, maadaama uu horey u ahaa safiirka Soo maaliya ee Turkey.

Qaabka madaxweyne Xasan Sheekh kusoo xu lay inta badan Golaha Wasiirada ayaa lagu she egay labad qodob oo kala ah: Inuu si weyn ugu kalsoon yahay shaqsi ahaan iyo Inuu Aqoon u leeyahay, waxaa kaloo muhiim ahayd inuu toos uga amar qaato Madaxweynaha.

Xigasho: Goobjooge

Xisbiyada Mucaaradka Somaliland oo maga caabay Guddi baara dhibaatadii loo geystay bannaanbaxayaasha

Xisbiyada mucaaradja Somaliland ee WAD ANI & UCID ayaa Magacaabay Guddi ka koob an Sagaal Xubnood, kuwaas oo baaritaano ku sameeynaya dhibaatooyinkii Xukuumadda So maliland u geystaya dadkii banaanbaxa dhiga yay todobaadkii la soo dhaafay.

Qoraal kasoo baxay Xisbiyada Mucaaradka Somaliland laguna Magacaabay Guddiga ayaa sidoo kale lagu soo cadeeyay sababta ay Gudd igaan u Magacaabeen, taas oo lagu sheegay dhowrkana qodob ee kala ah.

Maadaama oo ay socdaan bannaan-baxya da nabadgelyo oo ay Xukuumaddu xoog xad-dhaaf ah iyo xabad nool u adeegsatay dadkii shicibka ahaa ee isu soo baxay, taas oo ay ka dhalatay dhimashadii iyo dhaawacii ugu bad naa ee abid ka yimaadda Mudaharaad silmi ah.

Isabahaysiga Mucaaradka ah ee Xisbiyada UC ID & WADDANI, iyaga oo ka duulaya tacaddiy addi iyo khasaarihii loo geystay Shacabka isu soo bixii nabadgelyo ee ka qabsoomay dhamm aan Gobollada Somaliland Khamiista ee ay taa riikh du ahayd 11* Aug 2022.

Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo WADD ANI iyaga oo dareensan falalkii lagula kacay

Muwaadininta in ay ahaayeen ku takrifal awoo deed, ku tumasho Xuquuqal Insaan iyo caburin dareenka iyo doonista dadweynaha oo loo ade egsaday Awooddii Qaranku wada lahaa.

Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI iyaga oo tixgelin weyn siinaya amuu rahaas xaga sare ku xusan, ilaalinta Xuquuqda iyo karaamada muwaadiniinta reer Somaliland, waxa ay u magacaabeen Guddidan hoos ku xu san inay noqdaan Guddi baariseed oo warbixin

dhammaystiran ka soo diyaarisa tacaddiyaddii Xukuumaddu u geysatay Shacabkii isugu soo

baxay bannan bixii nabaded, kuwaas oo kalaah

1:Xildhibaan Sicid Maxamed Ismaaciil (Sokeye)

2: Xildhibaan Barkhad Jaamac Xirsi Batuun

3: Xildhibaan Golaha Wakiilada WADDANI

Xildhibaan Golaha Wakilada WADDANI

Xildhibaan Maxamed Khadar Daahir Mooge

Xildhibaan Golaha Wakiilada UCID

4 Xil Axmed Khaliif Jaamac Saalax

Xildhibaan Golaha Wakilada UCID

Mudane Maxamuud Aadan Jaamac Galaal Xo ghayaha Waraafinta Xisbiga WADDANI

6 Marwo Aamina Cilmi Fariid

Guddida Fulinta Xisbiga UCID

Mudane Yoonis Axmed Yoonis

Xoghayaha Caddaaladda Xisbiga WADDANI

8 Xil Siciid Cabdisamad Axmed (Cudhay) Mud ane Golaha degaanka Hargeysa Xisbiga UCID

Garyaqaan Maxamed Saalax Cige

Garyaqaanka Xisbiga WADDANI

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa horay ugu eedeeyeeyay inay mas’uul ka yihiin madaxda Xisbiyada mucaaradka ah ee WADANI & UCID dhibaatadii ka dhalatay ban naanbaxyada looga soo horjeedo Xukuumadda Somaliland.

Ciidanka Xoogga Dalka oo dilay Sarkaal ka tirsanaa Shabaab)

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa Habeen hore sheegay in horjoogihii malee shiyada Al Shaba ab ee deegaanada Degmada Maxaas ee Gob olka Hiiraan lagu dilay dagaalkii Shalay ka dha cay deegaanka Teedaan.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa dagaal kula wareegay Teedaan, oo hoostagga Degmada Maxaas oo muddooyin kii ugu dambeysay-na ay arriminayeen malee shiyada Al Shabaab.

"Argagixisada Al Shab aab waxay isku dayeen inay sameeyaan iska caabin, balse waxay waj aheen halaag xoogan dhammaan goobihii ay kaga jireen difaacyada, ciidanku waxay mariy een cagta, iyadoo laga dhigay wax la dilay, wax la qabtay iyo wax la sii baacsanayo, waxaana ka mida dadka la dilay horjoogihii argagixisada u qaabilsanaa deegaanadaas, kaas oo lagu magacaabi jiray Maxamed Wehliye Waasuge.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Maamulka Go bolka Hiiraan.

Warka ayaa lagu sheegay "Gulufka hawlg alada waxaa hoggaaminayo Gudoomiyaha Gob olka Hiiraan, Mudane Cali Jeyte Cismaan iyo Saraakisha Ciidamada Qalabka Sida ee Qay bta 27aad & Qaybta 21aad iyo Ciidamada Dan ab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Dhammaan deegaanada laga saaray cadow ga waxay ka sii burburiyeen adeegyadii nolo sha muhiimka u ahaa. Maamulka Gobolka Hiira an iyo Madaxda Qaranka waxay ka shaqeyn ayaan, sidii noloshii deegaanadaas caadi loogu soo celin lahaa.”

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa soo ban dhigay meydadka xubno ay ku sheegeen inay yihiin Shabaabkii Shalay lagu dilay dagaalka iyo sidoo kale hubkii ay wateen.

Dad Isku Qoys Ah Oo Ku Dhintay Dab Ka Kacay Guri Ku Yaalla Magaalada Jigjiga

Dab xoogan oo socday saacado xiriir ah ay aa fiidnimadii Shalay ka kacay Guri ku yaalla xaa fad ka tirsan Magaalada Jigjiga ee Xarunta do wlad deegaanka Soomaalida, waxaana dabka asi uu geystay khasaaro nafeed oo gaaray dad shacab ah.

Warar la helayo ayaa

waxaa ay sheegayaan in dabka uu markii ka kacay Guri ku yaalla xaafadda 13 ee Jigjiga, kadibna uu kusii faafay qeybo kale oo kamid ah halkaas, iyadoona markii dambe dadaalo kala duwan oo la sameeyay lagu guuleystay demintiisa.

Ugu yaraan afar qof oo saddex kamid ah yihiin dad isku qoys ah ayaa ku dhintay dabka oo ahaa mid xoogan, waxaana ku dhaawacmay dhowr qof, sida ay sheegeen qaar kamid ah dadkii ku howlanaa deminta dabkaas Shalay ka kacay Magaalada Jigjiga.

Dabka ayaa baabi’iyey guriga uu ka kacay, waxaana dadka dhaawacmay loola cararay Isb itaalka, wararka ayaa intaasa kusii daraya in da bka uu ka dhashay koronto ku jirtay guriga, dho wr jeer oo horey Guryo ku yaalla Jigjiga ayaa waxaa ka dhacay dab khasaaro geystay.

Dhimasho & dhaawac ka dhashay Shil ka dhacay Magaalada Hargeysa

Inta la xaqiijiyay hal ruux ayaa geeriyooday halka shan kale ay ku dhaawacmeen kadib shil Gaari oo Shalay ka dhacay Magaalada Hargeysa ee degaannada Somaliland.

Shilka ayaa waxaa uu yimid kadib markii Gaari Booyad ah uu galay makhaayad ku taalla xaafada Siinay ee m agaalada Hargeysa, waxaa na dadka dhintay & kuwa dhaawacmay ay ahaayeen kuwa maqaayadda ku sugnaa.

Ciidamo katirsan kuwa Booliska Somaliland ayaa tegay halka shilka uu ka dhacay, iyaga oo goobta ka qaaday dhaawacyada 5 qof, sidoo kalena xabsiga dhigay darawalkii Gaariga Boo yada ah.

Shilalka Gaari ayaa aad ugu badan degaann ada Somaliland, kuwaas oo badi la sheegay in uu sabab u yihiin waddooyinka qaar oo aad u burbursan.

Xukuumadda Somaliland oo Odayaasha Dhaqanka kala hadashay dhibaatadii ka dhalatay Bannaanbaxyada

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha So maliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa kulan kula qaatay Madax dhaqameedka Somaliland Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Magaalada Hargeysa.

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa waxaa lagu sheegay in ujeedada ugu wayn ee kulanka ay ahayd ka wada sha qaynta arrimaha nabadgelyada iyo sidii dhinac looga soo wada jeesan lahaa cidkasta oo wax yeelaynaysa nabadgelyada Somaliland.

Wasiirka ayaa Madaxdhaqameedka la wadaag ay dhibaatadii ka dhalatay bannaanbaxyadii ay sameeyeen Xisbiyada Mucaaradka ah maalintii Khamiista, taasoo dhibaato loogu geystey Ciidamadii Booliska ee ilaalinaya nabadgelya da, iyada oo ay jirtay in dadkii bannaabaxayay badi dhibaato loo geystay.

Madaxdhaqameedka ayaa dhinacooda sheegay sida ay diyaarka ugu yihiin in ay Wasaaradda Arimaha Gudaha kala shaqeeyaan adkaynta nabadgel yada, iyada oo dhinac la iska wada taagayo wa xkasta oo nabada Somaliland wax u dhimaya iyo guud ahaan wada jirka bulshada.

Xukuumadda Somalilnd iyo Xisbiyada muca aradka ayaa midba midka kale ku eedeynaya in uu mas’uul ka yahay dhibaatadii ka dhalatay ba nnaanbaxyada, iyada oo ay xusid mudan tahay inay dad ku dhinteen kuwo kalena ay ku dhaa wacmeen.

Madaxweyne Deni oo Hay’adda Save the Chi ldren kala hadlay gurm adka Abaaraha

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Pu ntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Shalay Qa sriga Madaxtooyada ee Magaalada Garoowe ku qaabilay madaxa ugu sareeya Hay’ad da Sa ve the Children Soomaaliya Maxamu ud Maxamed Xasan oo ay weheliyaan masuuliyiinta Hay’adda ee faraca Puntland

Kulanka Madaxweyne Deni iyo madaxa Hay ’ada Save the children ayaa looga hadlay dardargelinta mashaariicda horumarineed ee Hay’adda Badbaadada Caruurtu ka waddo go bolada Puntland iyo sidii loo kordhin lahaa.

War kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ay aa sidoo kale looga hadlay sidii Hay’adda Save the Children uga qeyb qaadan laheyd gurmad ka Abaaraha iyo xoojinta xiriirka wada-shaqayn ta Hay’adda iyo Maamulka Puntland.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Punt land Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhankiisa ug a mahad celiyay madaxda Hay’adda Save the Children tageerada ay siiyaan Soomaaliya gaar ahaan Puntland, isaga oo sheegay inay xoojin doonaan wadashaqeynta kala dhaxeeysa.

Puntland ayaa waxaa ay kamid tahay maa mulada ay degaannadeea ay kajirto abaarta xo ogan, waxana horay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu qeylo-dhaan ug dir ay hay’adaha Caalamiga ah taas oo ku aadan inay u soo gurmadaan.

Maxaa ka jira in ciidamo laga qaaday Muqd isho la geeyey SOMALILAND?

Wararka laga helayo Somaliland ayaa shee gaya in weli xaalad kacsanaan ah laga dareem ayo deegaannada maamulkaasi, kadib markii ay ka billowdeen dibad-baxyo waa weyn oo ay soo abaabuleen xisbiyada mucaaradka Somal iland.

Dibad-baxyada oo ra bshada watay waxaa ka dhashay gacan ka hadal u dhexeeyey ciid amo Booliska oo rasa as adeegsaday iyo dibad-baxayaasha oo ayag una dhagaxyo adeegsanayey.

Haddaba maxaa ka jira in ciidamo laga qaad ay Muqdisho la geeyey SOMALILAND?

Aqoonyahan Maxamuud Xasan (Musharaf) oo degan Mareykanka, isla-markaana ka falanq ooda arrimaha siyaasadda Somaliland ayaa wax lagu qoslo ku tilmaamay hadalka ka soo ye eray xukuumadda ee ah inuu Cirro ciidamo ka keenay magaalada Muqdisho.

Musharaf oo wareysi siiyey Shabelle TV ay aa shaaca ka qaaday in hadalkaas uu yahay mid aan la qaadan karin, isla-markaana ka fog xaqiiqda, sida uu hadalka u dhigay.

"Waa wax aad loogu qoslo Xamarbaa ciida mo ka yimaadeen oo ninka la yiraahdo Cabdi raxmaan Cirro ayaa Xamar ku xiran oo waxaan oo dhan Xamarbaa laga soo abaabulay waa wax ilmaha 5 jirka ah aanu qaadan karin,” ayuu yiri Maxamuud Musharaf.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in xuk uumadda lagu heysto kaliya arrinta doorashada oo ay ka gaabisay, balse aysan jirin qorshe ka le oo ka dambeeyey dibad-baxa socda.

"Madaxweynaha iyo xukuumadda waxaa la gu heestaa doorashada ay ka baaqsadeen inay qabtaan, arrintaana siyaabo badan ayaa loo caddeeyey,” ayuu sii raaciyey.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, ayada oo weli xaaladda ay cakiran tahay, waxaana weli mucaaradka ay sii wadaan dibad-baxooda, hal ka xukuumaddana ay adeegsaneyo ciidamada Booliska, si ay uga hortegaan dibad-baxayaa sha isugu soo baxay Somaliland.

Si kastaba, arrintaan ayaa dhaawac weyn u geysaneysa dimuquraadiyadda Somaliland, wa xaana isa soo taraya baaqyada loo dirayo dhin acyada isku hayo maamulkaasi.

Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay Qarax ka dhacay Shabeellaha Hoose

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka la gu Aaso ee meelaha fog fog laga hago ayaa Shalay waxa uu ka dhacay inta u dhaxeeysa degaannada Sabiid iyo Cabdow dibile oo hoos taga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeell aha Hoose, waxaana ka dhashay khasaaro dhi masho iyo dhaawac ah.

Qaraxa ayaa qabsaday Mootada labada lug leh ee Fekon, waxaana ku dhint ay wadihii Mootada oo Shacab ahaa halka uu ku dhaawacmay askari katirsan Ciidamada dowla dda oo mootada saarnaa.

Goobjooge ku sugan goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa sheegay in qaraxa kadib goobta ay gaareen ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya, kuwaas oo halkaasi ka qaaday me ydka qofka Shacabka ah iyo dhaawaca Ask ariga, iyaga oo geeyay degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada dowladda ayaa muddo saacad ah hakad geliyay isku socodka dadka iyo Gaa diidka wadada u dhaxeeysa degaannada Sabi id iyo Cabdow dibile oo hoostaga degmada Afg ooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose wallpw markii dambe ay dib u fureen.

Dhowr jeer ayaa sidaan oo kale qaraxyo miino waxaa lagula eegtay Ciidamo katirsan ku wa dowladda Soomaaliya wadada xiriirisa deg aannada Sabiid iyo Cabdow Dibile oo hoostaga degmada Afgooye, halkaas oo ay inta badan maraan Ciidamada dowladda iyo dad Shacab ah.

Faah Faahin: Mas’uul Ka Tirsanaa Maamul ka Puntland Oo Lagu Dilay M/Gaalkacyo

Wararka aan ka heleyno Magaalada Gaalk acyo ee Xarunta Gobolka Mudug dhanka xigta Puntland ayaa waxaa ay sheegayaan in fiidni madii Shalay halkaasi lagu dilay mid kamid ah shaqaalaha Wasaaradda Maaliyada dowlad Goboleedka Pun tland.

Rag ku hubeysan Bastoolado ayaa rasaas dhowr ah qeybaha sare ee jirka uga dhuftay Mas’uulka ka tirsanaa Wasaar adda Maaliyada Puntland, kaasi oo lagu mag acaabi jiray C/raxmaan Maxamed Cabdi, waxa ana falkaas uu ka dhacay xaafad ka tirsan Gaa lkacyo.

Kooxihii ka dambeeyay dilka khaarijinta ah aa ayaa durbadii goobta ka baxsaday, waxaa na intaas kadib gaaray halka uu dilka ka dhac ay Ciidanka ammaamka Magaalada oo bilaab ay howlgalo lagu raadinayey dadkii ka fuliyey falkaas oo heybtooda la garan.

Saraakiil ka tirsan Laamaha Amniga Puntl and ayaa sheegay inay wadaan weli howlgalka, isla markaana aysan jirin weli cid loo soo qab tay dilkii Shalay Magaalada Gaalkacyo ee Xarun ta Gobolka Mudug loogu geystay Marxuum Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi.

Gaalkacyo oo labada dhinac ay kala kala maamulaan Puntland iyo Galmudug ayaa wa xaa marar kala duwan horey loogu dilay mas’u uliyiin, Saraakiil Ciidan iyo Nabaddoono, Al-sha baab ayaa sheegta dilalka loo geysto mas’uuli yiinta iyo saraakiisha ciidan.

Ciidamada Danab oo fashiliyay qaraxyo ay aaseen argagixisada Al-Shabaab

Ciidamada Kumaandooska Danab gaar ah aan Ururka 5-aad, guutada 16-aad ayaa waxay howlgalo miino baariis ah ka sameeyeen de egaano duleedka ka ah magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah maamulka Jubbaland.

Ujeedka howlgalka ay aa ahaa sidii waddooyin ka ay isticmaalaan sha cabka looga nadiifin la haa miinooyinka ay arg agixisadu ku aaseen si ay ugu dhibaateeyaan shacabka socotada ah.

Howlgalkan oo si gaar ah looga fuliyay wa ddada u dhaxeeysa magaalada Kismaayo iyo degaanka Buulo-xaaji, halkaas oo todobaadkii hore nabad-diidka Al-Shabaab ay ku qarxiyeen 8-gaari oo ay saarnaayeen dad shacab ah , ka aso oo ka dhashay khasaaro isugu jira dhima sho iyo dhaawac.

Intii uu howlgalka socday, ciidanka ayaa qa rxiyay 7-miino oo dhagar qabayaasha waddada dhinaceeda ku diyaariyeen si waxyeelo uga saarto shacabka maraya waddadaas

Xog: Koox qowlaysato ah oo si xirfadey san u dhacaya waalidiinta Muqdisho

Waxaa magaalada Muqdisho ka dillaacay koox qowlaysato ah oo dhacaya waalidiinta ard ayda sannadkan u fadhiisatay imtixaanki kama dambaysta ee dugsiyada sare ee sanadkan.

Kooxdan oo iska dhiga ysa inay maamulaan Jaa macadaha magaalada Muqdisho ayaa soo wacaya waalidiinta arday da iyagoo ugu bishaaraynaya inay u hayaan ar dayga ay waalidka u yihiin waxbarasho jaamac adeed oo bilaash ah.

Kooxdan oo magaca ardayga iyo waalidka haysta ayaa teleofonka waalidka ugu sheegayo inay yimaadeen xarumo aanay lahayn Jaamac adaha si ay u buuxiyaan shuruudaha aqbalida jaamacada, islamarkaana soo qaataan ID-ga uu ardayga imtixaanka ku fariistay iyo lacag dhan 35 dollar oo lagu diiwaan geliyo ardayga.

Hooyo Xaawo Shariif Nuur oo dhashay Max amed Deeq Cabdisalaan Maxamuud kana mid ah ardayda sugeysa jawaabta natiijada imtix aanka dugsiga sare ayey kooxdaan taleefanka ka waceen, waxayna ku wargelliyeen in wiilkee da uu ku guuleystay Jaamacad bilaash ah maa daama bey yiraahdeen uu ka mid noqday arda yda gudubtay. Hase ahaatee Hooyo Xaawo Shariif ayaa ku wargelisay kooxda soo wacday ee qowlaysata da ah in weli aan lasoo saarin natiijada imtix aanaadka dugsiyada sare, sidaasi darteedna uu galay shaki markii ay la xiriirtay dad badan.

Hooyo Xaawo ayaa ah qofkii seddexaad ee Caasimada Online la kulantay oo kooxdaasi waalidiinta dhaca u geysanaya.

Waxay Kooxdan burcada bilaaben dhaca dadka ka hor inta aan si rasmi ah loogu dhaw aaqin natiijada imtixaanka sanad dugsiyeedka sannadka 2021-2022.

Arrintan oo la yaab ku naqatay waalidka ayaan wax wara aanay ka hayn Wasaaradda Waxba rshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Caasimada Online waxay ardayda iyo waalidii nta ugu digeysaa kooxdaan cusub ee ka dila acay magaalada Muqdisho inaysan ku kadsoo min, kuna wargeliyaan goobaha waxbarashada iyo hay’addaha amniga.By:Ali Muhiyaddiin Caa simada Online Xigasho:caasimadda.net

Baadariga ugu weyn Katooliga oo ka hadlay abaarta Soomaaliya.

Pope Francis, ayaa Shalay oo Axadda she egay, in dagaalka Ukraine uu weeciyay dar een ka dhibaatada gaajada adduunka, wuxuuna dal baday gargaar cunto oo degdeg ah, si loogga hortago macluusha ka jirta Soomaaliya.

"Dadka dalkan oo markii horeba ku noolaa xaalad aad u adag, ayaa hadda gaarey heer halisa, oo ah inay dhintaan abaarta awgeed,” ayuu ku yiri khudbaddiisa toddobaadlaha ah ee fagaaraha St. Peter’s Square, isagoo ka hadlayay Geeska Afrika.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cunnada iyo Beeraha ee FAO, ayaa sheegtay bishan inay si rasmi ah ugu dhawaaqi doonto macluusha sideed gobol oo katirsan dalka Soomaaliya.

Bisha soo socota, haddii xooluhu dhima shadoodu sii socdaan, qiimaha badeecadaha muhiimkana ah ay sare usii kacaan, halka gar gaarka bini’aadantinimo uu noqon waayo sidii la doonayay, markaa dadka way sii nuglayn do ontaa abaaraha.

Francis, ayaa u sheegay xujeyda iyo dadkii kale ee dalxiisayaasha ah, ee kusugnaa fagaa raha inuu doonayo inuu dareenka kusoo jeedi yo "dhibaatada bini’aadanimo ee ba’an ee ku dhufatay Soomaaliya, iyo qaar kamid ah dalal ka xuduudaha la leh.

LIISKA XILDHIBAANADA IYO GUDDOOMIYAYAA SHA SOOMAALIDA EE LAGU DOORTAY KENYA

Doorashada baarlamaanka iyo guddoomi yeyaasha gobollada ay Soomaalidu ku badan tahay ee Kenya ayaa waxaa kusoo baxay siyaa siyiin cusub iyo kuwo hore oo kuraas kala du wan ku guulaystay doorashadii dhawaan la soo gabagabeeyay 9-kii bishan Ogosto.

Inta badan dadka la doortay ayaa ka soc day Isbaheysiga Azimio La Umoja One ee Ken ya oo ay hogaaminayeen Ra’iisul Wasaari hii hore ee Kenya, Raila Odinga iyo madaxwey na ha xilka ka degaya ee Uhuru Kenyatta.

Shaqsiyaadka caanka ah ee la doortay ayaa waxaa ka mid ah guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamaanka Faarax Macallin oo muddo to ban sano ah ka dib soo laabtay.

Waxa uu ka tartamayay xisbiga WIPER oo hoos yimaada isbahaysiga Azimio, isaga oo helay 12,864. Wuxuu ka guulaystay oo xisbiga ODM katirsan Cabdikheyr Dubow oo helay 9,740 cod.

Hogaamiyihii hore ee aqlabiyadda baarla maanka dalka Adan Barre Ducaale, oo saaxiib dhow la ahaa madaxweyne ku xigeenka xilka ka degay, Wiliam Ruto, ayaa sii xajistay xildhi baannimadiisa magaalada Gaarisa.

Saxafiga ruug caddaaga ah ee Aljazeera Mo hamed Cadow ayaa isna guul ku gaaray doora shada xisbiga ODM si uu u noqdo xildhibaanka cusub ee koonfurta Wajeer.

Ali Ibrahim Roba, oo ahaa Guddoomiyihii hore ee Mandheera, waxaa loo doortay senetar ka cusub ee ismaamulka Mandheera.

HOOS KA AKHRISO LIISKA.

C/qaadir Yuusuf Xaaji- Senator Garrrisa.

Aadan Daa’uud –Xildhibaan- Bariga Wajeer.

Saalax Yacquub- Xildhibaanka- Faafi.

Cabdi Cali Cabdi- Xildhibaan Ijar

Cabdi Shuuriye- xildhibaan Balambala

Xuseen Barre Cabdi – XildhibaanTarbaj

Maxamed Cabdikheyr- xildhibaan Lafey.

Xuseen Weytaan – Xildhibaan Mandera Bari

Major Abdullahi –Xildhibaan waqooyiga Man dheera

Cabdiwahaab Xoor Koore – Xubin ka tirsan Ba arlamaanka Koonfur Mandheera

Kulow Macalin Xasan- Xildhibaan Banisa

Umulkheyr Kasim- Wakiilka Haweenka Mandhe era (markii ugu horeysay)

Faadumo Jehow- Wakiilka Haweenka Wajeer (Markii ugu horreysay)

Udgoon Siyaad- Wakiilka Haweenka Garissa (markii ugu horeysay)

Nathif Jama (ODM)- Guddoomiyihii hore ee is maamulka Garissa, ayaa dib u qabsaday kursi giisa ka dib markii uu garaacay Cali Ko a ne oo hadda xilka haya.

Dhanka kale, siyaasiga caanka ah ee Soo maalida ah ee ku nool ismaa mulka Migori ee galbeedka Kenya Junet Mohamed ayaa mar labaad loogu doortay xildhibaan. Maxamed ay aa saaxiib dhow la ah Ra’iisul Wasaarihii hore ahna musharaxa Madaxweynaha AZIMIO Raila Odinga.

Xildhibaan Yuusuf Xasan ayaa markii sad dexaad sii adkaystay kursigiisa xildhibaani mo ee xisbiga Jubilee oo uu ku matalo xaafadda ay dadka Soomaaliyeed ku badan yihiin ee Islii.


RW Isra’iil Yair Lapid ‘’Ruuxii dila muwaadin Israa’iil ah ma heli doono meel uu ku dhuunto’’-

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Yair Lapid ayaa digniin ku bixiiyey in qof kasta oo dhibaateeya muwaadiniinta Israa’iil aaanay heli doonin meel ay ku dhuumato.

Hadaladiisa ayaa ka dambeeyey weerar la gu qaaday bus kaas oo ku sugnaa meel aan si daa uga fogeyn darbiga Galbeed ee ku yaalla magaalada Qudus Shalay gelinkii hore .

Siddeed qof ayaa lagu dhaawacay weera rkaa waxaana ku jiray haweeney uur leh .

Nin Falastiini ah aya loo xiray ka dib markii uu isagu isa soo dhiibay .

Boliisku waxay rumeysan yihiin in ninkaas uu keligii ku ahaa falkaasi.

AFAR SIYAABOOD MIDKOOD OO AY KU SOO DHAMMAAN KARTO NATIIJADA DOO RASHADA KENYA

Raila Odinga iyo William Ruto

XIGASHADA SAWIRKA,AFP

Dalka Kenya waxaa wali socota tirinta co dadkii laga dhiibtay doorashadii dalkaasi ka dhacday 9-kii bishan August. Malayiin Kenyan ah ayaa sugaya nat iijada doorashad a oo ah mid si wayn lo ogu tartamay. Natiija da sida wayn ay sha cabka Kenyanka isha ugu hayaan ayaa ah natiijada doorashada Madaxwaynani mada. Mar kasta oo natiijada do orashada dib u dhac uu ku yimaado waxaa sii xoogaysanaya walaaca laga qaba inay xiisadda cirka isku sha reerto. Guddiga doorashada Kenya ayaa wa xay sharciyan haystaan in natiijada ay ku dha waaqaan muddo 7 maalmood gudahood ah taasi oo imika ku eg maalinta Talaadada. Balse waaa ay su'aashu tahay maxaa ka mid ah siya abaha laga yaabo inay natiijada doorashada ku soo idlaato maalmaha soo socda.

Doorashada Kenya

XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

1. In uu ku guuleysto murashax kaasi oo natiijadiisa aan dood la galin

Waxaa lagu dhawaaqayaa musharaxa ku guuleystay doorashada, islamarkana waa in qofkaasi uu helaa in ka badan kala bar codadkii la dhiibtay.

Qofkaasi guleystaha waxaa sidoo kale ay tahay in uu 25% ka helo 25 oo ka mid ah 47 ismaamul goboleed ee uu dalka ka kooban yahay.

Haddii ay tani dhacdo ma jirto cid muran ka keeni karta natiijada islamarkaana qofka laga guuleystay ayaa qiranaya in doora shada looga adkaaday.

Qofka qaabkan ugu guuleysta dooras hada ayaa waxaa xilka loo dhaarinayaa laba toddobaad ka dib marka natiijada rasmiga ah lagu dhawaaqo.

2. Nn natiijada muran la geliyo oo ka dib maxkamad la isla aado

Arrinta labaad ee ay suurtagalka tahay ayaa ah lagu dhawaaqo musharaxa ku guule ystay doorashada, balse musharaxa laga guul eystay uu maxkamad aado.

Tani waxay dhacaysaa toddobo maalin marka guddiga doorashada ay natiijada shaa ciyaan waxaa-na qofka laga guuleystay uu max kamadda ugu sareysa dalka u gudbin karaa kiis uu natiijada kaga so horjeedo.

Maxkamada ayaa ka dib waxay go'aan kaga gaareysaa kiiska loo gudbiyay muddo 21 maalmood ka dib marka kiiska loo gudbiyo.

Maxkamada ugu sareysa dalka Kenya ayaa waxaa ay gaari kartaa labo go'aan midko od oo kan kowaad uu yahay inay ku raacdo guddiga doorashada natiijada ama inay waxba kama jiraan ka soo qaado.

Haddii ay maxkamadda diido go'aankii door ashada waxa ay amraysaa in muddo 60 maa lmood gudahood ah la qabto doorasho ku celis ah.

3. In guddiga ay shaaciyaan qofka guuleyst ay, balse kan laga guuleystayna uu guul sheegto

Guddiga doorashada ayaa ku dhawaaqi ka ra madaxwaynaha la doortay, balse taasi uu di ido musharaxa laga guuleystay uuna sheego in uu isagu guuleystay. Haddii musharaxa laga gu leystay uu diido natijada islamarkana uusan ma xkamad aadin madaxwaynaha la doortay ayaa la dhaarin doonaa, balse waxay taasi dhalin kar taa in dalka ay ka dhacaan rabshado la mid ah kuwii ka dhacay 2007-dii.

4 in musharax-na uusan tartanka ku guuleys an oo wareeg labaad la galo Suurtagalnnimada kale ayaa ah in guddiga doorashada ay shaac iyaan in musharaxna uusan ku guuleysan tar tanka madaxwaynanimada oo aysan jirin cid heshay kala bar codadkii la dhiibtay ama uusan jirin musharax ka helay 25% 24 ka mid 47 ism aamul ee uu dalka ka kooban yahay. Haddii ay arrintani dhacdo ayaa waxaa la gali doonaa wareeg labaad oo waxaa tartan loo qaban doo naa labada musharax ee ugu horeeyay dhanka codadka. Doorashadan ku celiska ah ee ware ega labaad ayaa waxaa la qabanayaa muddo 30 maalmood gudahood ah.

Tirinta codadka doorashada

Wararkii Ugu Danbeeyay Dad Farabadan Oo Ku Hoobtay Dab Ka Kacay Xarun Kaniisad

Ugu yaraan 41 qof, ayaa ku dhintay dab ka kacay kaniisad ku taalla magaalada Giza ee dal ka Masar. Dabkan ayaa xiray halka laga soo ga lo kaniisadda, isagoo sababay is buurasho, si da laga soo xigtay ilo xog ogaal ah.

Waxay wararku in taa ku darayaan in inta badan dadka ku dhintay ay carr uur ahaayeen. Dhowr qof oo ka le, ayaa ku dhintay dabkaas. Waaxaha dab damiska, ayaa sheegay in dabka haatan la da miyay. Lama oga weli waxa dhabta ah ee saba bay dabkaas.

Yasir Munir, oo ka mid ah dadkii ku cibaad eysanayay kaniisadda, ayaa wakaaladda warar ka ee Reuters u sheegay in iyagoo saaran da baqa afaraad ee kaniisadda ay arkeen qiiq ka soo baxaya dabaqa labaad.

Dadka ayaa markaa kadib ku cararay jara njarada, iyagoo kadibna isku kor dhacay hal kaas oo dhaawac uu ka dhashay. Madaxweyna ha Masar Abdel Fattah al-Sisi, ayaa tacsi u dir ay qoysaska dadka ku dhintay kaniisadda.

Xafiiska dacwad oogidda dalkaas, ayaa she egay inay goobta u direen koox soo baarta wa xa sababay dabka. Dadka Kirishtaanka ah, ay aa ugu yaraan 10 milyan ka ah bulshada Mas ar, ee gaaraya 103 milyan oo qof

Wararkii Ugu Danbeeyay Toogasho Khasa aro Dhalisay Oo Ka Dhacday Qudus

Ugu yaraan toddobo qof ayaa ku dhaawac may weerar ay dabley hubeysan ka geystay de egaanno kala duwan magaalada Qudus, sida laga soo xigtay saraakiisha Israa’ iil.

Dableyda ayaa ras aas ku furtay bas iyo goob baabuurta la dhigto oo ku taalla meel u dhawdeegaanka taariikhiga ah ee ‘Xaa’idul Bur aaq’ abbaare 01:24 wakhtiga Israa’iil, sida ay sheegeen ma s’uuliyiinta caafimaadka.

Booliska Israa’iil ayaa ku raad joogaa raggii hubeysnaa ee weerarka geystay kuwaas oo la rumeysan yahay inay goobta ka baxsadeen. Af hayeen u hadlay booliska Israa’iil oo la hadlay ay warbaahinta gudaha ayaa dhacdada ku tilm aamay ‘weerar argagixiso’.

Waaxda adeegga gurmadka deg deg ah ee Magen David Adom ayaa sheegtay inay qaabil een dhowr qof oo ku dhaawacantay weerarka oo ay kamid yihiin labo qof oo ay xaaladdoodu cusleyd.

Waxay intaa ku dartay in lix qof oo rag ah iyo haweeney ku dhaawacmay weerarka loo qa aday isbitaallo ku yaalla magaalada Qudus.

Ilaa iyo hadda ma kala cadda tirada dableydii weerarka fulisay inkastoo warbaahinta Hebrew ay ku warrantay in booliska ay ku raad joogaan labo qof oo looga shakisan yahay inay tooga shada geysteen




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip