HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA M. TIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA OO AH AXAD 14-KA AGOOSTO 2022-KA

0
Sunday August 14, 2022 - 08:40:51 in Wararka by
  • Visits: 389
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA M. TIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA OO AH AXAD 14-KA AGOOSTO 2022-KA

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Xukuumadda Soomaaliya oo Shalay la ware eg tay deeq raashiin ah oo ka timid dalka Imaar aadka

 Carabta

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdullaahi Axmed Jaamac Ilkajiir oo ay wehlinayeen wasiru dowlaha Xafiiska Raysal wasaaraha Soomaaliya Xirsi Jaamac Gaani, Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Raysal Wasaare Xamse, Maxamed Abuukar Zubeyr iyo masuuliyiin kale ayaa Shalay la wareegay deeq raashin oo ka timid dowladda Imaaraadka Carabta.

Deeqdaan raashiinka ah oo ay la wareegtay Xukuumad da Soomaaliya ayaa ka koob an 40 konteenar oo isugu jira cuntooyin kala duwan oo loogu talagalay in la gaarsi iyo shacabka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha Xukuumadda Soomaaliya oo ka hadlay munaasabad kooban oo ka dhacday gudaha Dekada weyn ee magaalada Mu qdisho oo ay kula wareegayaan deeqda raashinka ah ayaa uga mahadceliyay dowladda Imaaraadka Carabta deeqdan ay Shalay soo gaarsiyeen dowl adda Soomaaliya, isagoona sheegay in sida ugu hab oon ay u gaarsiin doonaan dadka abaaruhu saamee yeen.

"Waxaan Shalay la wareegnay deeq raashiin ah oo inooga timid dowladda walaalaha nahay ee Ima araadka Carabta taasoo dhan kun tan oo isugu jirta cunooyin kala duwan oo loogu talo galay dadka ab aaraha saameeyeen, waan uga mahadcelinaya ga rab istaaga dowladda Imaaraadka Carabta ay inoo mujineyso, waxaana ka fileyna deeqo kale oo garga ar ah" ayuu yiri Wasiir C/hi Axmed Jaamac Ilka jiir.

Danjiraha dowladda maaraadka Carabta u fa dhiya Soomaaliya Maxamed Axmed Al-Othman ayaa sheegay in deeqdaan ay Shalay soo gaarsiiyeen do waladda Soomaaliya ay gaareyso 1000 tan oo raa shin ah oo ay dowladda imaaraadka ugu talogashay dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameyeen.

Gabagabadii deeqdaan raashiinka ah ee Shalay la wareegtay dowladda Soomaaliya ayaa imaaneysa xili abaaro aad u daran ay ka jiraan inta badan gobol ada dalka Soomaaliya, taasoo sababtay in meelaha qaar dad ugu dhintaan gaajo iyo haraad.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo war ka soo saaray Xiisada ka taagan Hargeysa

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaan ka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa war kasoo saaray xiisadda ka taagan magaalada Hargeysa, waxaa uu ku baaqay xasilooni.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in uu ka xun yahay dhibaatadii ka dhacday labadii maalmood ee la soo dhaafay qeybo kamid ah mag aalooyinka Somaliland ee sabab tay dhibaatada soo gaartay dadka shacabka ah.

Waxaa uu tacsi u diray ehellada dadkii ku geeriy ooday, dadka ku dhaawacmay waxaan Allah SWT uga baryayay inuu siiyo caafimaad sariic ah.

Masuuliyiinta Somaliland ayuu ugu baaqay inay xaaladda dejiyaan dib na ugu laabtaan miiska wada hadalka kana digtoonaadaan wax kasta oo nabadda iyo degenaashiyaha wax u dhimi kara, garowsadaa nna inaan xal lagu gaarayn colaad iyo dagaal midna

Ugu dambeyn waxaan u soo jeedinayay odoyaasha dhaqanka, wax garadka iyo Guurtida Somaliland in ay gacan ka geystaan sidii xaaladda loo dajin lahaa nabadda iyo xasilloonidana loo ilaalin lahaa si shac abka u nabad galo.

"Somaliland waxay ku amaanan tahay dimuqra adiyadda iyo nabadda waana wax laga xumaado in xilligaan dagaal laga baaqsan karay iyo rabshado ay wiiqaan nabaddii mudada dheer la soo ilaalinayay. Waxaa idiin rajeynayaa guul iyo midnimo” ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe.

Duqa Muqdisho Oo Digniin U Diray Dadka Caqabada Ku Ah Bilicda Caasimadda

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa M/M Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Shalay dhagax dhigay dib-udhiska Buu ndada 1-aad ee Israac oo dhaxmarta degmooyinka Waabari iyo Xamar Jajab oo ay ka muuqato burbur.

Dhismaha mashruucan oo uu fulinaayo maamu lka Gobolka Banaadir ayaa sida uu qorshuhu yahay lagu dhisidoona muda ku dhow 30-Cisho si loo muu jiyo bilicda wadadan oo Halbowla u ah isku socodka degmooyinka Waabari iyo Xamar Jajab.

Dhagax dhiga kadib ayaa waxaa Warbaahinta la hadlay Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee maamul ka gobolka Banaadir ahna ku-xigeenka maamulka iyo Maaliyadda gobolka Banaadir mudane Cab diqaadir Maxamed Maxa mud (Caana-Boore).

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa digniin ad ag u diray cid kaste oo caqabad ku ah bilicda iyo dhi smaha Wadada Buundooyinka, isaga oo fariin gaar ah u diray Shirkadaha iyo Gaadiidka Xamuulka ah.

Guddoomiye Cumar Filish oo la hadlaayay war baahinta ayaa tilmaamay in tallaabo adeg ka qaadi doono cid kasta oo caqabad ku ah dhismaha waddo oyinka Magaalada Caasimadda Muqdisho oo badi la dhisay, isla markaana laga wado olole nadaafdeed.

Wasiirada cusub ee wasaaradaha arrimaha gud aha iyo warfaafinta XFS oo xilalka la wareegay

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka So omaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Shalay xilka u kala wareejiyay Wasiirka cusub ee wasaarad da arrimaha gudaha XFS Mudane Axmed Macalin Fiqi iyo Wasiirkii hore Jen.Mukhtaar Xuseen Afrax.

Munaasabadda xil wareejinta oo ka dhacday xarunta wasaaradda arrimaha gudaha ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amb.Cabdix akiim Xasan Ashkir ,Wasiiru Dowlaha Mudane. Ily aas Cali Xasan iyo Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Mudane Isxaaq Maxamed Maxamuud.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ,Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta XFS Jen.Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa uga mahadceliyay dhammaan Shaqaalaha Wasaaradda sida wanagsan ee ula soo shaqeyeen intii uu joogay Wasaaradda.

Dhanka kale, Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dal ka Md. Saalax Jaamac ayaa Shalay xilalka u kala wa reejiyay Wasiirka cusub ee wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Daa’uud Aweys Jaamac iyo wasiirkii hore Senator Cusmaan Obokor Dubbe.

Munaasabad kooban oo ka dhacday gudaha wasaaradda warfaafinta ayaa waxaa ka qeybgalay, wasiir ku xigeenka wasaaradda, agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta, agaasima waaxeedyada wasaaradda, shaqaalaha iyo marti sharaf kale.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka, ayaa Wasiirkii ho re uga mahad naqay shaqadii qiimaha badnayd ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed u soo qabtay, isagoo Wasiirka cusub Alle uga baryey in shaqada u fududeyo.

Wafdi Ka Socday Maamulka Hirshabeelle Oo Shalay Gaaray Degmada Matabaan

Wasiirka Wasaaradda Amniga dowlad Goboleed ka Hirshabeelle Cabdiraxmaan Maxamed Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayey oo ka baxay Jowhar ayaa Shalay gaaray degmada Matabaan ee G/Hiiraan.

Guddoomiyaha degmada Matabaan Bashiir Ca bdiraxmaan Sheekeeye ayaa Garoonka diyaaradaha degmadaasi kusoo dhaweeyay wafdiga uu hoggaam inayey Wasiir C/raxmaan Kheyre oo kamid yihiin Wasiiro iyo xbno kale oo kamid ah Maamulka. Gud doomiyaha Matabaan ayaa uga mahad-celiyey xub nahan Wasiirada ah ee dhawaan Madaxweynaha Hirshabeelle u magacaabay Guddiga Gurmadka xaa ladaha ka jiro Gobalka Hiiraan, isagoo xusay in xaal adaha Colaadeed iyo abaareed ee ka Jiro Gobalka u kuur geli doonan si loo wajaho xaaladaha.

Sidoo kale Guddoomiye Bashiir Sheekeeye ayaa ka hadlay howlgalo ka dhan ah Al-shabaab oo maalmihii lasoo dhaafay Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Maamulka Hirshabeelle ka wadeen deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Waxaa uu sheegay Guddoomiyaha in howlgalka laga gaaray guulo, warbixin guudna laga siin doono Golaha wasiirada ,wafdiga Golaha wasiirada ayaa ka mahad-celiyey soo dhaweeynta loo fidiyey.

Dhinaca kale wafdiga Wasiirada ah ayaa carabka ku adkeeyey iney xoojin doonan howlg alada ka dhanka ah Al-shabaab, si deeganada dib loogu soo celiyo gacanta Ciidanka.

Wasiirka cusub ee wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS oo kormeertay shaqada ka socota garoonka

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Ha wada oo ay weheliyaan Wasiiru Dowlaha iyo Wasiir Ku Xigeenka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa Shalay kormeeray Qaa b-dhiska & howlmaalmeed ka

Qeybaha terminaalka dhoofka Dibe dda iyo Gudaha iyo howlaha Guud ee ka socda Garoonka Aadan Cabdulle.

WasiirkGaadiidka Marwo Fardowso Cismaan Cigale, Wasiiru dowle Maxamed Cumar "Caano nu ug” iyo Wasiir Ku Xigeenka Sulub Axm ed Firin, iya goo warbixinno howlaha garoonka iyo sugidda Amn iga ka dhag eystay Maareeye Ku-xigeenka maamul ka garoonka Duuliye Caydaruus Axmed Kaahiye.


DENI oo amray in la joojiyo iibinta buuga agta manhajka Dugsiyada

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa amray in la joojiyo in la iibiyo buugaagta manhajka waxbarashada dusgiyada sare ee Puntl and, inta dib loo eegayo si loo saxo khaladaadka ji ra hadda, sida uu sheegay.

Madaxweyne Deni ayaa faray mas’uuliyiinta wa sa aradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Punt land in la fuliyo amarkan laga billaabo Shalay 13 August 2022 illaa amar danbe.

Amarka madaxweyne Deni ayaa kusoo aaday, iy adoo aad looga cabanayay lac ag $55 oo ay wasaaradda wax barashadu kusoo rogtay qaada shada

buugaagta manhajka waxbar ashada. Cabashada waalidiinta ayaa gaartay madax weynaha Puntland, kadib markii baraha bulshada ay ka soo muuqdeen waalidiin danyar ah oo aad uga ca banayay inaysan bixin karin lacagaha buugaagta lagu iibsanayo.

Qaylo-dhaanta ayaa kusoo aadey xilli Puntland wajahayso abaaro ba’an taas oo sababtey in ardey gaareysa 6000 wadi waayaan ama ay ka haraan wa xbarashada.

Wasiirka waxbarashada, Cabdullaahi Axmed Xa san ayaa dhowaan sheegay inay waalidiinta ka qafi ifiyeen lacagta buugaagta, isagoo sheegay in si tartiib ah uu isaga bixin karo waalidkii aan awoodin inuu buugaagta halmar iibsado.

Wareegtadda madaxtooyadda

Madaxweynaha oo amray in la joojiyo iib inta buugaagta manhajka waxbarasha da dugsiyada sare ee puntland, inta dib loo eegayo si loo saxo khaladaadka jira hadda.

Garoowe: 13 August 2022: Madaxweynaha Dow ladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ay aa Amar Madaxweyne ku joojiyay in la iibiyo buug aagta Manhajka Waxbarashada dusgiyada sare ee Puntland, inta dib loo eegayo si loo saxo khala daadka jira hadda.

Madaxweynaha ayaa faray Masuuliyiinta Wasaa radda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowlad da Puntland, in la fuliyo amarkan laga billaabo Shalay 13 August 2022 illaa amar danbe.

Nabaddoon U Geeriyooday Dhaawac Halis Ah Oo Maalmo Kahor Loogu Geystay Muqdisho

Waxaa Shalay Isbitaal ku yaalla Magaalada Mu qdisho ku geeriyooday mid kamid ah Nabaddoonada Soomaaliyeed oo maalmo kahor kooxo hubeysan ay ku dhaawaceen degmada Kaaraan ee Gobolkaan Banaadir.

Nabaddoonka oo lagu magacaabi jiray Jiinow Maxamed Ibraahim ayaa u geeriyooday dhaawac halis ahaa oo kasoo gaa ray rasaas 10-kii bisha an lagu furay, xilli uu sii gal ayey gurigiisa oo ku yaal degmada Kaaraan ee Muqdisho.

Saddexdii maalin ee lasoo dhaafay ayaa waxaa xaaladdiisa Caafimaad lagula tacaalayey Isbitaalka la geeyay markii uu dhaawaca kasoo gaaray qeyba ha sare ee jirkiisa, sida ay sheegeen qaar kamid ah eheladiisa.

Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa marar kala duwan dilal qorsheysan loogu gey stay Nabaddoono, Waxgarad, mas’uuliyiin iyo Saraa kiil Ciidan, waxaana inta badan dilalka ka dhaca Magaalada mas’uuliyadooda sheegta Al-shabaab.

Faysal oo weeraray Xasan Sheekh una mahad naqay Aadan Madoobe

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa ka jawaabay baaqii uu Madaxweyne Xasan Sheekh ka soo saaray qalala asaha siyaasadeed ee ka jira Somaliland, kaas oo salka ku haya dib u dhac ku yimid doorashada.

Eng. Faysal ayaa sidoo kale aad ugu mahad celiyey guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe oo sida uu sheegay la soo xariiray, aadna ugu waaniyey nabad da iyo qiimaha ay leedahay.

"Waxaan ka xumahay Xasan Sheekh oo og sidii aan uga dagaa lanay inuu Shalay na gu sheego gobollada waqooyi, inta noo quuri waayey magaca Somalil and oo kooda ‘Soomaaliya’ ka hor eeyey, mag acyada Puntland iyo Ju bbaland-na uu ku tasbiix sado,” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Sidoo kale guddoomiye Faysal ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Soomaaliya oo la dhihi jiray ku dayo Somaliland ay hadda ugu baaqeyso nabad iyo xasil ooni dadka reer Somaliland.

"Waxaan Shalay mareynaa heer Soomaaliya oo la dhihi jiray ku dayda Somaliland ay ayagii naga na xeen oo nabad noogu baaqayaan,” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Wuxuu intaas ku sii daray, "Waxaan aad ugu ma had celinayaa siyaasiyiintii Soomaaliya ee nala soo xariiray oo guddoomiyaha baarlamaanka Aadan Ma doobe uu ugu horeeyo, kuwaas oo nagu waaniyey nabad geliyo.”

Faysal ayaa aad u weeraray madaxweynaha ay xiisadu kala dhaxeyso ee Muuse Biixi, isagoo ka had lay dhamaan qodobada ay isku hayaan iyo ajendaha Muuse ee doorasho diidka ah, sidoo kale rabshadihii dhacay iyo cida masuuliyada qaadeysa ayuu ka ha dalkooda ku dheeraaday guddoomiye Faysal.

Muxuu Fiqi ka yiri xiisadda ka taagan Koon fur Galbeed?

Cabdixakiin Xaaji Maxamuud Fiqi oo horey u soo noqday wasiirka gaashaandhi gga Soomaaliya ayaa ka had lay xaaladda Koonfur Galbeed, kadib markii dhowaan isbahe ysi ka dhan ah Lafta Gareen looga dhawaaqay Muqdisho.

Cabdixakiin Fiqi oo wareysi gaar ah siiyey Telefishi nka Universal ayaa ta ageero weyn u muujiyey ma daxwey naha dowlad gobol eedka Koo nfur Ga lbeed Cab dicasiis Lafta Gar een, wuxuuna sheegay inay sharci darro halka sano ee loogu daray muddo xileedkiisa, si la’isku waafajiyo doorashada madaxw eynaha iyo sidoo kale midda baarlamaanka ee maa mulkaasi.

"Muddada madaxweynaha waa afar sanno, laak iin halkaan sanno ay ka timid waqtigii madaxweyne Shariif Xasan joogay gaabkaas galay oo dhismihii xu kuumadda iyo aas-aasidii baarlamaanka ay hal san no kala horreeyeen, hadda in la’is waafajiyo waa wax wanaagsan, aniga in la’is waafajiyo ayaan qa baa,” ayuu wareysigaan ku yiri Cabdixakiin Xaaji Fiqi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in arrintaan go’aan maamul oo ay horey u soo saareen golaha wakiilada ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

"Arrintaan baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey oo aqlabiyad ku ogolaaday, waa arrin loo baahan yahay in sideeda loo daayo,” ayuu hadal kiisa sii raaciyey.

Siyaasi Cabdixakiin Xaaji Maxamuud Fiqi oo deegaan ahaan ka soo jeeda Koonfur Galbeed ayaa ku baaqay in aan lagu soo dirin xaaladda maamulka oo haatan wajahayo daruufo adag oo ay ka mid yihi in dagaalka kooxda Al-Shabaab iyo abaaraha ka jira maamulkaasi.

"Koonfur Galbeed waxaa jira daruufo aan bada naa ka jirin dowlad goboleedyada kale, waxaa ku ba dan Al-Shabaab, waxaa kale oo jira abaaro, waxaa jira isku socod la’aan degmooyinka ah iyo gobollada Koonfur Galbeed inay kala xiran yihiin, marka ayada oo la fiirinaayo daruufahaas adag ee jira inaan Shalay buuq la furin” ayuu markale yiri. Hadalk aan ayaa ku soo aadayo, ayada haatan si weyn la’isugu hayo arrinta muddo xileedka madaxw eynaha maam ulka Koonfur Galbeed oo ay in badan ka soo horjee steen siyaasiyiinta ka soo jeeda maamulkaasi, gaar ahaan kuwa mucaaradka ku ah madaxweyne Cabdi casiis Lafta Gareen oo dhowaan isbaheysi siyaas adeed kaga dhowaaqay magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo gudoomiy ay shi rka tiirka siyaasadda loo dhan yahay

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Shalay gudoonshay shirka guddi hoosaadyada Golaha Wasiiradda ee Tiirarka Siyaasadda loo dhanyahay, Amniga iyo Cad aaladda.

Kulankaan ayaa looga hadlay xaqiijinta nabad galyada Caasimadda oo wax badan laga qabtay iyo Howlgalada lagu baacsanayo Kooxaha argagixisada ee ka socda degmooyinka Matabaan iyo Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Sidoo kale kulanka wa xaa looga hadlay Dard arg alinta qaab dhismeed ka Hay’addaha Garsoorka, dib u howlgalinta iyo geeddi socodka dhismaha Golayaasha Deegaanka.

Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay dhamaan Guddi hoosaadyada Golaha Wasiiradda iyo Howlw adeennada Madaxtooyda ee Tiirarka Siyaasadda loo dhan yahay iyo Amniga iyo Cadaaladda oo aad is ugu howlay qabsoomida shirkaan iyo dabagalka ful inta qodobada lagu balamay.

Xildhibaannada Golaha Wakiilada Somalil and oo cambaareeyay xukuumada

Xildhibaannada kasoo jeeda xisbiyada mucaarad ka Somaliland ee ka tirsan golaha wakiilada, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay habkii ciidam ada booliisku ula dhaqme en mu daharaayaa sha mu caar adka bannaan bixii 11 August.

Xildhibaan Maxa med Abi ib ayaa she egay in madax wey naha Somali land qal danyahay, isla ma rkaana loo baahanyahay in la saxo, isagoo na xuku umada ku eedeeyay in ay shar cigii baal martay.

"Rasuulku waxa uu yidhi marka uu walaal kaa sa xanyahayna waa in aad quwayso, marka uu qalda nyahayna waa in aad qabato, waaxdii fulinta ee gola hani uu dheeli tirayay, way xad gudubtay" ayidhi xildhibaan Abiib.

Waxa uu sheegay in qawaaniintii Somaliland ay xukuumadu ka gudubtay, isla markaana ay mudaha raadayaasha gacan kulul kala hortagtay, waxa uu in taa ku daray in dhamaan dadka dhintay ay ku dhin te en dhulkii loo asteyay inuu mudaharaadku ka dhaco.

Xildhibaan Mustafe Khayreeye oo isna goobta ka hadlay, ayaa sheegay in booliisku anay mar marsiyo ka dhigan karin dhagax ayaa laygu soo tuuray.

"Hadii askariga inan yar oo miskiin ah oo dhowr iyo toban jir ahi, uu dhagax ku dhufto ma xabad ayuu ku dhufanaya?" Ayuu yidhi Khayreeye, waxa uu in taa ku daray in anay ahayn in ciidan shacabka tooga naya loo diro goobta mudaharaadka, lakiin booliiska rabshadaha ka hortaga la howlgaliyo.

Waxa ay xildhibaannadu sheegeen in ay dib is kugu noqon doonaan, oo ay xaalada wax ka qaban doonaan, waxay madaxweynaha usoo jeediyeen in uu xaalada dajiyo madaama oo uu yahay odaygi

i umada.


Meydadka Rag Ay Dishay Koronto Oo Lagu Arkay Muqdisho Iyo Faah Faahin La Helay

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa sa ddex Nin la sheegay inay tuugo ahaayeen oo saqdii dhexe ee Habeen hore koronto ku dishay xaafad ka tirsan degmada Boondheere ee Gobolkaan Ban aadir.

Dad la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in dhacdadaan ragga tuugada ah ay korontada ku dishay ka dhacday xaafad ku taalla agagaarka Isgoyska Siin aay dhanka xigta degmada Boon dheere. Ragga ayaa la tilma amay inay qodayeen baalooyin koronto hoostooda, isla marka ana ay doonayeen inay ka furtaan fiilooyin, balse ay korontada ku dhagtay, ka dibna ay goobta ku dhinteen durbadii saddexdooda.

Dadka deegaanka ayaa Shalay arkay Meydadka raggaas oo hoos yaalla baalaha korontada, waxaana markii dambe goobta tegay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka oo qaaday Meydad ka. Maamulka degmada Boondheere ayaan welli ka hadlin falkaan tuugada ku dishay korontada, Magaal ada Muqdisho ayaa waxaa sidaan oo kale kal horey ay koronto ugu dishay rag burcad ahaa oo doonayey inay baalooyin koronto ka furtaan macdan.

Laftagareen oo shir degdeg ah isugu yeeray Saraakiisha

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa shir degdeg ah isugu yeeray Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida, isagoona kala hadlay arrimo khuseeya amniga.

Shirka oo ka qabsoomay Xarunta Madaxtooy ada Ko onfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka qaybgalay Saraakiisha laamaha amniga ee Koon fur Galbeed, kuwa Midowga Afrika ee ATMIS iyo Sar aakiil ka socotay Dowladda Ingiriiska.

"Shirka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta amn iga, iskaashiga qaybaha kala duwan ee ciidanka, wa adaagidda xogaha argigixisada ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed iyo xoojinta hawlgalada socda.” Ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay bogga Madaxtooyada Koonfur Galbeed.

Geba-gabadii shir ka, Afhayeenka Madaxtooy ada K/Galbeed, Maxam ed Cali Ibr aahim oo Wa rbaahinta la had lay ay aa sheegay in Madaxweynuhu uu laa maha amniga kala hadlay weeraradii dhawaan ka dhacay xuduud da K/Galbeed la wadaagto Dowlad Deegaanka So omaalida iyo shaqadii socotay & isla xisaabtankii hay’adaha ammaanka.

"Halkan oo ah Aqalka Madaxtooyada Dowlad Ko onfur Galbeed waxaa ka qabsoomay shirka golaha amniga, oo Shalay uu shir guddoominayay Madaxwe ynaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Cabdi casiis Xasan Maxamed (Laftagareen), kulankaa oo diiradda lagu saaray guud ahaan xaaladda amniga ee deegaanada Koonfur Galbeed, oo runtii muddoo yinkii la soo dhaafay xuduudaha Koonfur Galbeed la wadaagto Dowladda Itoobiya ay dhibaatooyin badan ka taagnaay een iyo shaqadii socotay & isla xisaabt ankii uu amnigu khuseeyay ayuu Shalay Madaxwey ne Cabdicasiis ugu yeeray dhammaan hay’adaha amniga.” Ayuu yiri Afhayeenka.

Afhayeenka ayaa intaasi ku daray "Waxaa shirka lagu fallanqeeyay xaaladda guud ee deegaanadan, dhacdooyinkii soo noqnoqday, hawlgalada socda iyo sidii loo dardargelin lahaa shaqooyinka amniga ee la gula dagaalamayo kooxda nabadiidka ee Al Shab aab, oo runtii caadeystay daadinta dhiigga Islaamka.

Madaxweyne Laftagareen ayaa horaantii bishan bilaabay kulamo iyo abaabul la xiriira guluf ka dhana 

Nin hubeysan oo toogasho ka geystay HAR GEYSA

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa tooga sho Shalay ka dhacday bartamaha magaalada Hargeysa ee caasimada Somal iland, taas oo uu gey stay nin hu beysan oo aan illaa iyo hadda he ybtiisa la garanin. Ninka weerarka fuliyey ayaa la sheegay inuu soo duubtay afka, ka dibna uu laba qof ku dhaawac ay xaafadda Maxamuud Haybe oo ka tirsan magaalada Hargeysa.

Wararka ayaa sheegaya in markii hore uu rasaas ku furay wiil yar oo 15 jir ah, sidoo kalena inyar kadib uu nin oday ah oo ilaalo ka ah guri goobta ku yiilay uu sii xabadeeyey.

Labada qof ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo, waxaana la soo wariyey inuu aad u daran yahay nin ka odeyga ah oo la dhigay isbitaalka guud ee maga alada Hargeysa.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadashay warbaahinta Galaydh Media ayaa ka warbixisay dha cdadaasi oo ay sheegtay inay ku beertay wal-wal xoogan.

"Anfariir ayay nagu noqotay xabadii way dhac day inankii yaraa ee jaark iina ee Sakariye ayay ku dhacday ayaa nalagu yidhi, wuxuban anuu la kulmay ilmihii oo xabadii ku taalo oo meeshii yaraydna dhiigii leedahay” ayey tiri gabar goobjooge aheyd.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dartay in ninka falka geystay uu goobta ka baxsaday, markii uu ful iyey weerarka, mana cadda sababta uu u beegsa day labadaasi qof.

"Waxa la yidhi nin afka duuban oo cararaya ay uu ahaa, inamaduna waxay yidha ahdeen waanu so conaynay, anaga oo socona yna, ninku wuu naga da nbeeyay xabadana wuu igu dhuftay” ayay hadalk eeda sii raacisay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Somalil and ay aa mar dambe gaaray goobtay, waxayna illaa iyo hadda wadaan howlgallo lagu baadi goobayo ninka ka dambeeyey weerarkaasi.

Dhacdadaan ayaa ku soo aadeyso, xilli haatan Somaliland ay ka taagan tahay xaalad kacsanaan ah oo ka dhalatay muranka siyaasa deed ee hareeyey doorashada maamulkaasi maleeshiyada Al Shaba ab, ka dib markii ay kordhe en weerarada ay Shab aabku ka gaysanayaan dee gaanada Koonfur Galb eed.

Ciidamada DF Soomaaliya iyo kuwa HirShabelle oo la wareegay deegaano horleh

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ee ba rtamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in Shalay ciid amada Xoogga dalka oo garab ka helaya kuwa maa mullada HirShabelle iyo Galmudug ay la wareeg een deegaanno horleh oo ku yaalla gobolkaasi, isla-markaana ay horey ugu sugnaayeen xoogaga Al-Shab aab.

Howlgalladaan ayaa wax aa horkacayey gudd oomi yaha maamulka gobolka Hii raan, Mudane Cali Ja yte Cismaan, waxaana ku wehlinayey guddoomi yeyaa sha maamullada Matabaan iyo Maxaas, maa daama dhaq-dhaqaaqyada si gaar ah looga samee yey laba daasi degmo.

Ciidamada huwanta ayaa kooxda Al-Shabaab kala wareegay deegaanada kala ah:- Beer-Gidiid, Ba cda, Jilacle, Hees iyo Madhoy oo dhammaan ka tir san gobolka Hiiraan, sida uu shaaca ka qaaday Ba shiir Cabdiraxman Sheekeeye oo ah guddoomiya ha Matabaan.

"Deegaannada Cadawga laga xorreeyay waxaa kamid ah Bacda, Beer-Gidiid, Jilacle, Madhoy, Hees & Deegaanno kale, Howlgalka waxaa iska kaasha day DFS, D/Goboleedyada Hir-Shabeelle iyo Galmu dug,” ayuu yiri guddoomiy aha Matabaan.

Sidoo kale wuxuu baaaq u diray hay’adaha sa maf allka oo uu ka dalbaday inay gurmad deg-deg ah la gaaraan dadka ay abaaraha saameeyeen ee ku dhaqan deegaannada la xoreeyey.

"Hay’adaha Samafalka waxa aan ugu baaqey naa inay gargaar siiyaan Dadka Abaartu saameysay, waxa ay u baahan yihiin cunto, biyo iyo waxyaabaha aasaaska u ah dhanka Nolosha” ayuu markale hadalkiisa sii raaciyey guddoomiye Bashiir C/raxm aan Sheekeeye.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay kooxda Al-Shabaab oo la xiriira ho wlgalladaas ee ay guulaha ka sheeg atay dowlad goboleedka HirShabelle.

Si kastaba, ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa HirShabelle oo garab ka sii helaya maleeshiy aadka Macawiisleyda ayaa maalmihii la soo dhaafay dhaq-dhaqaaqyo iyo howlgallo culus ka waday deegaanno dhowr ah iyo degmooyin ka mid ah gob olka Hiiraan

Puntaland oo xukun dil ah mar kale ku riday sha bakad katirsan ururka Daacish

Maxkamadda racfaanka gobolka Bari ee Punt land, ayaa xukun dil ah ku riday shabakad ka koob an afar nin oo horey loogu xukumay dil toogasho, kuwaas oo katirsanaa urur ka Daa ncish.

Maxkamadda racfaanka go bolka Bari, ayaa ragga an ku heshay dambi ah inay masuul ka ahaayeen qaraxyo iyo dilal qorshays an oo magaalada Bosaso ka dhacay.

Raggaan oo xukunkii hore ka qaatay racfaan, ayaa mar kale lagu riday isla xukunkii hore, kadib ma rkii maxkamadda racfaanku ay ayiday go’aankii bi shii hore ay riday maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida.

Xukumayaasha ayaa wareysiyo muuqaal oo ay bixiyeen waxay ku qirteen dambiyada lagu eedeey ay, iyagoo qaar kamid ah horey uga tirsanaa ururka Alshabaab.

Maxkamaddu waxay kiiskiisa dib u dhigtay Cab diririxmaan Shirwac Ciise (Laahoor) oo maqane ah aa horayna ugu jiray eedeysanaaashii Maxkamaddu ku xukuntay dilka toogasho.

Xukumanayaasha waxaa lagu kala magacaba:-

Jaamac Aadan Cabdiririxman (Tusbaxle) madaxa shabakadda.

Ayuub Cumar Shire.

Cabdulahi Salaad Boos (Mahoonge).

Maxamuud Abshir Muuse (Olyo).

Madaxweynaha Somaliland oo qaabilay wafti Maraykan ah

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa qaabilay wafti Maraykan ah oo ka kooban dibl umaasiyiin, saraakiil ciidan iyo saraakiil ka socda akaadamiyada Heritage Foundation oo safar shaqo ku jooga Somaliland.

Madaxweynaha ayaa waft iga uga warbixiyay xaa lada Somaliland, horu mar ka, dhinacyada dimuquraad iya da iyo doorashooyinka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland.

"Madaxweynaha Jamhuuriyaddu waxa uu weftiga xog-warran guud ka siiyey horumarka uu dalku ku tallaabsaday oo ku mi iskaashiga shacbiga iyo xuk uumadihii kala danbeeyey ee nidaamka dimu-quraa diga ah isugu wareejin ayey xukunka dawladnimo".

Xubnaha waftiga ayaa dhankooda xukumuum ada iyo shacbiga Somaliland uga mahadceliyay soo dhawaynta waxayna sheegeen in badan kooda ay Somaliland ugu danbaysay wakhtiyo hore, imikana ay arkaan horumar badan.

"Waxaanay ku bogaadiyeen dawladda iyo shac bigaba Jamhuuriyadda Somaliland horum arka ay ka gaadheen nabadgelyada, dimuqur aaddiyadda iyo maamul-wanaagga, waxaanay muujiyeen inuu dalku yahay mid nabdoon oo wax-la-la qabsankaro" ayay warbixintu ku dartay.

Weftiga ayaa ka koobnaa Mr.Tibor Nagy, Kaal iyihii hore Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maray kanka u qaabilsanaa Afrika, Ambassador J.Peter Pham, Ergaygii hore ee Maraykanka u qaabilsanaa gobolka Saaxil ee galbeedka Afrika, Taliyihii hore ee Ciidamada Maraykanka ee Afrika (Africom) General William "Kip" Ward iyo Mr Joshua Meservey, oo ka socda Heritage Foundation Kuna takhasusay siyaasadda Afrika iyo Bariga Dhexe.

38 qof oo ku dhimatay roobab ka da’ay dal ka Yemen

Roobab dabaylo wata oo ka da’ay Koonfurta Ga lbeed ee dalka Yemen iyo caasimadda Sanca ayaa keenay inay ka dhashaan daadad xooggan oo sam abay inay guryo kala duwani dumaan.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in khasaar aha dhimashada ee ay sababeen roobabkaasi inay haatan marayso illaa 38 qof.

Saraakiisha dalka Yemen ay aa u sheegay wakaaladda war arka ee AP in guryo aad u fara badan oo ku kala yaa lla caasimadda Sanca iyo gobollada Dhamar iyo Ibb ay gebi ahaan burbureen ama waxyeello xooggani soo gaadhay.

Goobaha khasaaraha ugu badani ka dhacay wa xaa gacanta ku haya Mucaaradka Xuuttiyiinta kuwa as oo dagaal kula jira ciidamada daacadda u ah daw ladda uu caalamku aqoonsan yahay, oo taageero ka hesha xulafada Sucuudigu hoggaamiyo.

Xilli roobaadka sanadlaha ah ee Yemen ayaa inta badan bilaabma bisha May wuxuuna socdaa ilaa bisha August, laakiin sanadkan waxaa ka da’ay ro obab ka culus kuwii caadiga ahaa oo ay la socdaan duufaano.

Dhinaca kale, Hay’adda UNESCO ayaa Khamii stii Dorraad ahayd walaac ka muujisay saamaynta uu roobku ku yeeshay magaalada Qadiimiga ah ee Sanca, oo ku jirta diiwaanka goobaha qadiimiga ah ee dunida.

Booliska Pakistan oo dad u soo xiray Dhaq tar Soomaali ah oo lagu gowracay dalkaasi

Madaxa booliska magaalada Multan, Khurrum Shehzad Haider dalka Pakistan ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen labo ruux oo lagu tuhmaayo inay ka dambeeyeen dilka Dr. Cabdiraxmaan oo ka yimid Soomaaliya islamarkaana wax ka baranayey qeybta qalliinka ee Jaamac adda, kasoo arbacadii la soo dhaafay isaga oo la gowracay meydkiisa laga helay musqul ku taalla hool ka Jamal Bhutta oo ah hal ka ay degan yihiin dhaqaatiirta ee Isbitaalka Nishtar Hospital.

Taliyaha waxaa uu sheegay in Saddex ruux oo mid ah Soomaaliya ka yimid uuna la deganaa dhaq tarka in ay gacanta ku dhigeen ayna ku waddaan baaritaano.

Dr. Abdul Rehman ayaa deganaa qolka No.17 isaga iyo dhaqtar kale oo ka yimid Soomaaliya oo la gu magacaabo Dr. Abdul Azizi, wuxuuna isku diyaari nayey qeybta koowaad ee qalliin tijaabo ah oo uu sameyn lahaa.

Waxaa sidoo kale qolka la deganaa dhaqtar Pak istani ah oo lagu magacaabo Dr Ghulam Muhammad iyo kaaliyihiisa Muhammad Ijaz.

Khurrum ayaa sheegay in tuhunsanaha ugu weyn uu yahay Dr. Abdul Aziz oo Soomaali ah, sababtuna ay tahay in markii su’aalaha la weydiiyey uu sheegay hadallo isburinaya.

Geesigii Westgate dadka ka badbaadiyay Al-Sha baab oo xil muhiim ah loo doortay.

Doorashada Kenya ee tirinteedu socota dadka ku soo baxay Aqalka Sare ee Soomaalida ah waxaa ka mid ah Cabdulqaadir Maxamed Yuusuf Xaaji,oo laga soo doortay magaalada Gaarissa ee gobalka Waqooyi-bari Kenya. Cabdulqaadir Maxamed Yuusuf Xaaji oo ka socd ay Xisbiga (Jubilee) waxaa la tartamay labo mura shax oo kala ah Shaalle Maxamed iyo Axmed Rash iid Qoriyow, oo uu kaga adkaaday doorashadii dha cday Talaadadii aan soo dhaafnay, waxaana kursiga an uu horeyay ugu hayay Maxamed si ku meel-gaar ah kadib markii aabihii Maxamed Yuusuf Xaaji uu ge eriyooday 15 -kii Febaraayo ee 2021-ka

Allaha u naxariistee aabihii Yuusuf Xaaji wuxuu si doo kale soo noqday wasiirka gaashaandhigga Ken ya intii u dhaxeysay sanadihii 2008 iyo 2013.

Geesigii Westgate

Cabdulqaadir Maxamed Yuusuf Xaaji waxaa aad loo bartay sanadkii 2013-kii markii ururka Al-shab aab ay weerar dad badan ku dhinteen ku qaadeen suuqa sida weyn looga dukaamaysto ee Westgate ee ku yaalla xaafadda Westlands ee magaalada Nairobi.

Wuxuu aad uga qayb qaatay badbaadintii dadkii Al-shabaab ku go’doomiyeen gudaha suuqa.

Waxaa xilligaas baraha bulshada iyo warbaahin ta gudaha Kenya qabsaday sawirro iyo muuqaallo uu leeyahay iyadoo lagu ammaanay doorkii uu ka qa atay soo badbaadinta dadkii gudaha suuqa ku jiray, xilli waliba dableydii weerarka gaysatay ay ku jireen gudaha.

Kama tirsaneyn ciidamada, balse sida uu sheeg ay waxa uu goobta u tagay xilligaas in uu soo badba adiyo walaalkii oo ka mid ahaa dadkii ku xayirmay dhismaha.

Xilligaasi waxa sawirada ka muuqday nin basto olad sita, dhismahana ka saaraya caruur iyo Dumar naxsan oo ku jah-wareeray weerarkii. Xilligaas wax aa lagu tilmaamay geesi kaalin wanaagsan ka qaa tay.Abaal marin ayaa sidoo kale lagu siiyay qaybta uu ka qaatay samatabixinta dadkii weerarku ku qab saday dhismaha suuqa.

Xildhibaan Cabdulqaadir Qoraalka sawirka, Xildhi baan Cabdulqaadir

Cabdulqaadir iyo Siyaasadda

Waa nin ganacsade ah oo ku cu sub siyaasadda,balse qoyskiisu kuma cusba siyaasadda oo aab ihii Maxamed Yuusuf Xaaji, sida an soo xusnayba wuxuu soo noq day wasiirka gaa shaandhigga,kan arrimaha gudaha, guddoomiye gob ol iyo xildhibaan Aqalka sare ah. Walaalkii Nuuradiin Maxamed Yuusuf Xaaji hadda waa dacwad oogaha guud ee Kenya.

Intii uu ololaha ku jiray wuxuu sheegay in haddii la doorto uu wax badan ka qaban doono baahiya bul shada Gaarisa. Xigasho:BBCSomali

Dokumentiyo sir ah oo laga helay guriga Madaxw eynihii hore Trump

Hay’adda FBI-da Maraykanka ayaa ka heshay guriga madaxweynihii hore ee Donald Trump, do ku mentiyo lagu calaamadi yey inay yihiin "Sir Qaran” oo loo ogol yahay inay arki karaan oo keliya dad koob ani, sida ku xusan qoraalkii ogolaanshaha ahaa ee lagu baadhay guriga ma daxweynihii hore oo uu baahiyey gar soorihii ama rkaas sax eexay.

Qoraalka ka soo bax ay maxkamadda ayaa muujinaya in saraakiisha FBI-du inay ka soo heleen gur iga madaxweyne Trump, illaa 11 diiwaan oo ah macl uumaad sir ah oo aan loo ogolayn inay dad koobani arki karaan, sida ku cad waraaqda diiwaanka ee ay maxkamadda u gudbiyeen saraakiisha FBI-du ka dib markii ay baadhista dhameeyeen.

Saraakiisha FBI-da ayaa marka hore waxay max kamadda ka codsadaan ogolaansho ah, inay baa dhis samayn karaan, ka dib marka ay baadhista sam eeyaanna waxay maxkamadda la wadaagaan maclu umaadkii ay ka soo qaadeen goobta ay baadheen, si ay u caddee yaan wixii ay ka heleen goobta baa dhista.

Diiwaanada sirta ah ee laga helay guriga mad ax weynihii hore ee Trump ayay ku jiraan, kuwo ku dii waangashan inay yihiin "sir” iyo kuwo ku calaamads an inay yihiin "Sir Qaran” ama "Top Secret”. Maxka maddu ma bixinin faahfaahin intaas ka badan oo la xidhiidha nooca macluumaadka ku jira diiwaanka sir ta ah ee laga soo qaaday guriga madxweynaha hore

Madaxweyne Trump oo bayaan soo saaray Jimci hii Shalay ayaa sheegay in dhammaan macluu ma adka laga qaatay gurigiisa inay ahaayeen kuwo laga saaray sir ahaanshaha "Declasiffied” oo la shaacin karo, wuxuuna sheegay inuu dukumentiyada u ware ejin lahaa Waaxda Caddaaladda haddii la weydiiyo.

Madaxweynaha xilka haya oo keliya ayaa awood u leh inuu go’aan ka gaadho in la faafin karo macluum aad marka hore lagu calaamadi yey inay sir yihiin, hase ahaatee madaxweyn uhu marka uu xilka ka dego awoodaas malaha.

Yaa fuliyey weerarkii Salman Rushdie – Qoraaga buugga "Aayadaha

 Shaydaanka”?

Qoraaga British-ka ah ee Salman Rushdie ayaa Jimcihii lagu mindiyeeyey isaga oo ka hadlay

a masraxa machadka Chautauqua Ins titution ee galbeedka gobolka New Yor k ee dalka Mareykanka.

Salman Rushdie oo 75 jir ah ayaa 198 8-kii qoray buug uu ugu ma gac daray "Aayadaha Shaydaan ka” oo uu ugu gefay qur’aanka kariimka iyo Nebi Muhameed NNKH.

Booliska New York ayaa hadda shaaca ka qaad ay in ninka weer arka fuliyey uu yahay Hadi Matar oo ah 24 jir degan magaalada Fairview ee gobolka New Jersey ee ku dheggan gobolka New York.

Booliska waxay kale oo ay sheegeen in weli aysan garaneyn sababta uu Hadi u weeraray Salman Rush die, islamarkaana ay FBI-da kala shaqeynayaan inay go’aan ka gaaraan arrintaas.

Waxay xaqiijiyeen in Hadi Matar uu hay stay ticket u ogolaanaya inuu ka qeybgalo munaasabad da uu hadalka ka jeedinayey Salman Rushdie, islam arkaana uu ahaa kaligiis oo aanu qof kale ku wehlin weerarka. Magaca Hadi ayaa u muuqda mid Muslim, waxaana suurta-gal ah inuu weerarka u fuliyey sa babo la xiriira gefkii uu Salman Rushdie u gaystay kitaabka, balse booliska weli ma go’aamin arrintaas.

Hadi ayaa kusoo booday masraxa uu taagnaa Sal man Rushdie, wuxuu mindida ugu dhuftay qoorta u gu yaraan hal mar, iyo sidoo kale caloosha mar kale.

Waxaa lagu xiray isla goobta, waxayna booliska go’ aaminayaan dacwadihii ay kusoo oogi lahaayeen.

Salman Rushdie ayaa weli maraya qaliino lagu sameynayo si loo badbaadiyo noloshiisa.

Andrew Wylie, oo ah wakiilka Salman Rushdie, ayaa sheegay inay waxyeello xoogan ka gaareen neerfay aasha, beerka, gacan, islamarkaana uu lumiyey hal il.

Buug uu Salman Rushdie qoray 1988-kii oo uu u gu magac daray "Aayadaha Shaydaanka” ayaa hors eeday fatwo dil ah oo uu soo saaray hoggaamiyihii hore ee kacaanka Iran Ayatollah Ruhollah Khomeini.

Rushdie oo ku dhashay India, waalidkii sna ay ahaay een Muslimiin aan diinta ku dhaq min, islamarkaana isaga sheegay inuusan diin laheyn, ayaa dhuuma sho ku noolaa kadib mar

kii buugga uu soo baxay 1988-kii.


XEELADAHA MUDDO KORORSIGA EE MUUSE BIIXI UU KALA MID YAHAY

 MAXAMED FARMAAJO

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa lagu eedeeyay inuu doonayo muddo kororsi uu xafiiska kusii joogo kadib Novembar 2022 o ay ku egtahay middo xileedkiisii 5-ta sano ahaa.

Waxaa Muuse Biixi si weyn loogu amaanay Doorashadii Golayaasha Wakiilada iyo Degaanka ee Somailand oo dhacday Jun 2021, laakiin guuldarradii xisbigiisa Kulmiye kasoo gaartay ayaa u muuqata inuu qaatay dariiq la mida kii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo isku dayey inu muddo kororsi laba sano sameysto, kadibna qalalaase ka dhaliyey Muqdisho ilaa markii danbe looga adkaaday doorashadii 15 May 2022.

Waxaa marar badan natiijo la’aan ku dhammaaday wadahadallo u dhaxeeyay xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka ah ee Somaliland, iyadoo khilaaf weyni ka taagan yahay Doorashada madaxtinimada iyo furista Xibsiyada ee is dhex galay.

Madaxda Golayaasha Guurtida iyo Wakiilada oo arrinta dhex galay ayaa gacanta ka tahay markii Muuse Biixi uu diiday inuu qaato go’aanka ay gaaraan, waxayna arrintii isu bedeshay loolan iyo qalalaase siyaasadeed oo halis ku haya maamulka iyo nabaddii Somaliland.

Sida Farmaajo uu qabashada ‘Doorasho Qof iyo Cod’ ah ugu adeegsaday inuu xilka kusii joogo wuxuu Muuse Biixi la yimid Qorshaha ‘Furista Xisbiyadda’ taasoo uu kusoo beegay dhammaanshaha xilligsiisa.

Arrinta furista xisbiyada oo si weyn Somaliland looga raadinaye iyo xuquuq ka maqneyd siyaasiyiinta degaankaasi 10 sano, ayaa hadda noqotay mid Muuse Biixi u adeegsado inuu xilka kusii jeedo, wxaaana bilowday diiwaangein ururro cusub xilli doorashadii Madaxweynaha ay harsan tahay wax ka yar 3 bilood, tan xisbiyada sharciga ahna 4 bilood.

Muuse Biixi oo mucaaradka kasoo horjeeda ay fahamsan yihiin inuu arrinta ‘Furista Xisbiyada’ uga dan leeyahay xukun dheereysi ee aysan ka ahayn daacad ayaa ka quustay heshiis ay la galaan Muuse Biixi, waxyna bilaabeen bannaanbaxyo rabashado dhalyey oo diid ku daatay, waxana xaalada Somaliland tahay mid kacsan oo kacdoon beeleed siyaasadeysan hareeyay.

Madaxda Mucaaradka Somaliland oo ay hoggaaminayaan xisiyada Waddani iyo UCID ayaa bilaabay inay u hanjabaan Muuse Biixi, sidii Midowgii Musharixiinta ee Muqdisho, iyagoo weliba u goodinaya inay hubka qaadan doonaan.

Sida Odayaasha Beelaha Muqdisho iyo saraakiishii badbaado Qaran ayey Caaqilada Beelaha Somaliland iyo Mujaahidiintii SNM qaarkood warbaahinta hanjabaad u marinayaan Muuse Biixi, waxayna xiisada siyaasadda gaartay meel halis ah.

Siyaasiyiinta Muxaafidka ee Muuse Biixi raacsan iyo kuwa Mucaaradka ee xisbiyada ee Waddani iyo UCID ayaa xaaladda uga sii daraya iyagoo qaab beeleysan isu weerarraya, waxaana Beesha ugu weyn ee Mucaaradka u aragtaa in xilka Madaxweynaha ay markan xaq u leedahay oo wax badan samirtay.

Muuse Biixi wuxuu iminka marayaa inuu dhageysan waayo Isbaheysiga WADDANI iyo UCID, iskana diido wax tanaasul ah, sidii Farmajo yeelay 2022 iyo 2021, isagoo xoogga saaraya qorshaha furista xisbiyada cusub xilli kala guur ah.

Waxaa gebi ahaan meesha ka baxay Guddigii Doorashada oo is wada casilay, taasina waxay xaqiijisay inaysan doorasho xiligan ka dhici karin Somaliland. Muuse Biixi wuxuu qeyb weyn ku lahaa burburka Guddigii Doorashada.Muuse Biixi wuxuu Maxamed Farmajo kala mid noqday inuusan ogoleyn isu soo bax siyaasadeed, bannanabax kastana uu keeno in dad lagu dilo, qaarna lagu dhaawacyo, arrintan waxay dadka dib u xusuusinaysaa halgankii Farmaajo iyo Midowgii Musharixiinta dhex maray markii uu gaaray heerkii ugu sareeyay, kadibna gacan-ka-hadalka isu bedlay.

Madaxweynaha Somaliland uma muuqdo xaaladda cakiran ee maamulkiisu marayo, wuxuuna jeediyay khudbad weerar ah oo uu si gaara u beegsaday Guddoomiyaha xisbiga Waddani Xeri Xaaji Cali, taasoo dad badan ka yaabisay.

Haddii aanu Muuse Biixi xaqiiqada u soo laaban, iska dhaafin hamigiisa muddo kororsiga ah ma heshiis la gaarin mucaaradka talada la leh, waxaa muuqata inuu mari doono dariiqii Farmaajo, inkastoo qalalaase iyo dagaalo ka dhaca Somaliland ay mar kasta ka hortagaan odayaasha dhaqanka degaanadaasi oo awood buuxda leh, taasoo ah rajada kaliya ee la qabo   Xigasho: Goobjooge.net


SADDEX ARRIN OO KU SAABSAN MAGACAABISTA ROOBOW – MUXUU KU

 KORDHIN KARAA DF?

 


Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur, nin maalmo badan magaciisa dhexyaalay miiska go’aanka kooxda Al-Shabaab, mid kamid ah kuwa lacagta la dul dhigay madaxooda, nin muddo badan u dagaalamay afkaarta dimoqraadiyad diidka ah, ayaa Shalay ah magaca ugu saameynta badan 26 wasiir oo ay leedahay Soomaaliya.

Roobow wuxuu 7-dii bishaan wuxuu u dhaartay ilaalinta diinta, dalka, dadka iyo dastuurka. Maadaama uu waqti dheer diidanaa dowlad ku nool, nidaam awood qeybsi 4.5 iyo dastuur ay reer galbeedka maalgeliyaan, waxa aad loo eegayey dhaartiisa, balse dhaartii Axaddii hore kadib hadda waxaa la is waydiinayaa sida ay dowladda Soomaaliya uga faa’ideysan karto Mukhtaar Roobow iyo waxa uu ku biirin karo nidaamka cusub oo uu ku biiray.

Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur dadka yaqaana waxay sheegaan inuu waligiisba xagga nidaamka dowliga ah uga dhawaa madaxda kale ee kooxda Al-Shabaab, waana sababta ay waqti hore isku khilaafeen isaga iyo hoggaankii kooxda.

Inuu lla heshiiyey dowladda federaalka ah, inuu raadiyo xukunka madaxtinimada Koonfur Galbeed iyo inuu Shalay qaatay wasiir intuba waxay fasirayaan inuu Mukhtaar Roobow heysto faham dowladeed oo ka dhow midka Al-Shabaab.

Wasaaradda diinta, awqaafta iyo Mukhtaar Roobow

Marxalad xasaasi ah ayuu kusoo aaday imaatinka Mukhtaar Roobow ee wasaaradaan.

Midda koowaad waa dhaqanka:

Dhaqanka Soomaalida, oo intooda badan waafaqsan diinta islaamka, ayaa waayihii dambe si weyn loo duray. Culumada Soomaalida waxay dhowr muxaadaro ku sheegeen inuu socdo dhaqan burbur ay sabab u yihiin baraha bulshada ee Internet-ka, daroogada sida weyn usoo gashay dalka iyo dhaqamada reer galbeedka oo si weyn loogu soo miin guuriyey Soomaaliya.

Wasaaradaan waxaa hor taala jiheynta dhaqanka suuban ee Soomaalida, iyadoo lala aqrinayo diinta Islaamka. Aqoonta diimeed ee Mukhtaar Roobow waxaa la aaminsan yahay inay halkaas wax badan ka goyn karto.

Wasiiro badan oo aan lagu tuhmeynin faham diimeed ayaa horey usoo maamulay wasaaradaan.

Midda labaad waa firqooyinka diimaha

Firqooyinka diimaha ayaa kusii xoogeysanaya Soomaaliya, qaarkood waa kuwa hubeysan. In shaqada wasaaradaan iyo jaangoynteeda ay firqooyinka wada aqbalaan ma ahan shaqo fudud.

Wasiir Mukhtaar Roobow wuxuu dhawaan sheegay inuu culumada oo dhan kala tashan doono tallaabooyinka uu qaadayo. Waxaa loo arkaa nin aad u og loolanka firqooyinka oo haleeli kara maareyn dhexe, halkaan waa looga faa’idi karaa.

Midda seddexaad waa dagaalka kooxda Al-Shabaab

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre labaduba waxay dhowr jeer sheegeen inay billaabayaan dagaal buuxa oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

In dagaalkaas lagu guuleysto kaliya kuma imaan karto awood ciidan, waxaa jira dad si xooggan u aaminsan in loo baahan yahay in kooxda lala galo dagaal caqiido.

Mukhtaar Roobow oo xog-ogaal u ah xaalka Al-Shabaab iyo sida ay u iibiyaan fikradooda waxaa la rumeysan yahay inuu keeni karo xeelad lagu fashiliyo habka ay Al-Shabaab u iibiso afkaarteeda.

Inuu dhab ka noqdo dagaal fikir ah oo Al-Shabaab lala galo wax badan ayey ka faa’idi kartaa dowladda Federaalka ah.

Marka qodobadaan la eego oo lagu kabo in si dhab ah loo wajaho waxaa dad badan u muuqata in dowladda federaalka ah ay ku faa’idi karto magacaabista Mukhtaar Roobow kaas oo aan dhinaca kale weli ka tanaasulin doonistiisa xukunka madaxtinimada Koonfur Galbeed.


GUDDIGA DOORASHADA KENYA OO SHAACIYEY NATIIJO RASMI OO HORUDHAC AH

Raala Odinga ayaa ku horreeya tartanka doorashada madaxweynaha Kenya, sida ay muujineyso qeyb ka mid ah natiijada rasmiga ah ee ay sii daayaan gud diga doorashada.

Odinga ayaa codad ah 52.5 boqolkiiba ku hoggaaminaya madaxweyne ku-xigeenka dalkaas William Ruto oo haysta 46.7 boqolkiiba, sida ay muujineyso natiijada doorashada ee ay daayeen gudidiga, taasi ah 30 boqolkiiba goobaha codbixinta.

Doorashada ayaa si dhow loo daawanayaa, ayada oo ay tija abo u tahay xasilloonida Kenya, oo ah mid ka mid ah dalalka ugu dimoqraadiyadda wanaagsan Afrika, balse ay horey uga dhaceen codbixino ay hareeyeen rabshado iyo eedo ku shubasho.

Ayada oo ay aad u dheeraatay shaacinta natiijada, ayaa guddiga waxay Jim cihii qireen in hanaanka tirinta uu ku socdo si tartiib ah, waxayna shacabka ka codsaeen inay dulqaad muujiyaan. Odinga, oo 77 jir ah ayaa markiisii shanaad raa dinaya xilka ugu sarreeyaa Kenya, balse waxa uu markan haystaa taageer ada madaxweynaha xilka ka degaya Uhuru Kenyatta oo mar ay xifaaltami jireen. Ruto, oo 55 jir ah ayaa madaxweyne ku-xigeen ahaa ku dhowaad 10 sano, hase yeeshee waxaa la go’doomiyey markii ay heshiis gaareen Uhuru iyo Odinga sa nadii 2018, taasi wax weyn ka beddeshay xulufeysigii siyaasadda Kenya.

Codeynta ayaa waxaa ka qeyb-galay 65 boqolkiiba dadka is-diiwaangeliyey, taasi oo ka hooseysa codeyntii 2017 oo ay ka qeyb-galeen 78 boqolkiiba cod-bixiyayaasha.

Musharaxa ku guuleysanaya loolanka madaxweynaha ayaa waxaa qasab ah inuu helo 50 boqolkiiba oo lagu daray hal guud ahaan codadka, iyo 24 ka mid ah 47-ka degmo doorasho ee Kenya.

Haddii aysan sidaas dhicin, waxaa qasab noqon doonto in muddo 30 maalmood

gudahood ah lagu qabto doorasho kale oo kala bax ah. Labada musharaxba

waxay ballan-qaadeen inay xaqiijin doonaan xasilloonida haddii natiijada lagu

dhowaaqo, ayada oo shacabka Kenya weli ay xusuustaan rabshadihii ka dhash ay doorashooyinkii 2017 iyo 2007.

Hase yeeshee, kormeerayaasha caalamiga ah ayaa sheegaya in maadaama aad ay isugu dhow yihiin labada musharax, ay u badan tahay in midka laga guule ysto uu u dacwoon doono maxkamadda sare, taasi oo ka dhiggan inay toddoba adyo qaadan doonto in madaxweynaha cusub oo xafiiska la wareego.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip