HALKAAN KA AKHRISO: WAA WARARKA WARGEYSKA M. TIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA OO AH SABTI 13-KA AGOOSTO 2022-KA

0
Saturday August 13, 2022 - 08:08:01 in Wararka by
  • Visits: 398
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO: WAA WARARKA WARGEYSKA M. TIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA OO AH SABTI 13-KA AGOOSTO 2022-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Madaxweynaha Soomaaliya oo Xalay war kasoo saaray rabashadahii ka dhacay magaalooyin ka mid ah Somaliland

Madaxweynaha dowladda Federaalka Sooma aliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xalay ka had lay rabashadahii Dorraad ka dhacay qaar ka mid ah magaalooyinka Somaliland, isagoona ku baaqay in xasilloonida, nabadda iyo wadajirka ay ku tilmaaman yihiin hoggaanka siyaasadda iyo shacabka Somali land inay dhowrtaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay Xuk uumadda, Mucaaradka iyo Bu lshada reer Somaliland inay wadahadal ku xaliyaan muran ka ka taagan doorashada Somaliland ee sababay ra bashadaha ay ka dhasheen dhimashada iyo dhaaw aca gaaray dadka rayidka ah ee banaanbaxayay.

"Walaalayaal dhexdiina is xaliya, waxaan aad u ga digeyaa inaadan gaarina meel dibadda la idinka soo farageliyo, meel Soomaali kale ay idin kaga ti maado aad u baahataan, waxaa kaliya uga baaqsan kartaan waxaa ay tahay in aad wada fadhiisataan oo wada hadashaan oo aad dhowrataan wadajirka iyo nabadda aad ku tilmaaman tihiin oo aan idinkaga dayano” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Hadalkaan Xalay kasoo baxay madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa imaanaya xili Dorraad qaar ka mid ah deegaanada Somaliland ay ka dhace en dibadbaxyo ka dhan ahaa Xukuumadda madax weyne Muuse Biixi Cabdi, kuwaas oo xoogooda ka dhacay magaalooyinka kala ah Hargeysa, Burco iyo Ceerigaabo, waxaana dibadbaxyadaasi ay sabab een dhimasho iyo dhaawac gaaray dadka mudaahar aadayay oo kasoo horjeeday mudo kororsi ku yimaa da doorashada madaxtinimada Somaliland.

Raysal wasaaraha Soomaaliya oo ka hadlay rab shadahii ka dhacay magaalooyin ka mid ah Somaliland

Raysal waasaraha Xukuumada Feradaalka Soo maaliya Xamse Cabdi Barre oo Shalay ka hadlay rabashadahii ka dhacay deegaano ka tirsan Somali land ayaa ugu baaqay shacabka iyo masuuliyi in ta Somaliland in wadahadal iyo is afgarad ay ku dhame eyaan xiisada siyaasadeed ee ka jirta deegaanada So maliland, kadib banaan ba xy adii rabshadaha wat ay ee Dorraad ka dhacay magaalo oyin ka mid ah Som aliland oo ay ku dhinteen dad shacab ahaa.

Raysal wasaare Xamse ayaa sheegay inuu ka xunyahay rabashadaha iyo qalalaasaha ka dhacay qaar ka mid ah magaalooyinka Somaliland, isagoona sheegay in waxii nabad lagu waayo aanan lagu heli karin colaad iyo qalalaase.

"Waxaan ka xumahay rabshadaha iyo qalalaasa ha ka socday labadi maalin ee u dambaysay qaar ka mid ah Magaalooyinka Somaliland. Waxaan ugu baa qayaa masuuliyiinta Somaliland in ay ogadaan wixii nabad lagu waayo colaad iyo qalalaaso laguma helo karo" ayuu yiri Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.

Waxuu sidoo kale sheegay Raysal wasaare Xamse in reer Somaliland ay yihiin astaan looga daydo dim quraadiyadda, islamarkaana horay looga bartay nab ad, kala dambeyn iyo maamul wanaag ayna ilaalsad aan.

"Walaalayaal mar walba waxaad astaan u ahayde en domiquraadiyadda iyo inaad xilka si nabad ah u gu kala wareegtaan, Waxaan idiin kugu baaqayaa in aad ilaashataan Nabadda iyo kala danbeynta uu Alle idin siiyay iyo xasiloonida iyo maamul wanaagga aad muddo dheer soo dhisayseen" ayuu yiri Raysal wasa are Xamse Cabdi Barre.Raysal wasaare Xamse Cab di Barre ayaa sidoo kale tilmaamay in dowladda Fed araalka Soomaalya ay marwalba diyaar u tahay ka qeyb qaadashada dhibaato walba oo la soo gudboon aato reer Somalland. "Walaalayaal mar walba Dow ladda Federaalka ah ee Soomaaliya waa garab iyo gashaan walaal idiin ah una diyaarsan ka qeyb qaad ashada xalka dhibaato walba oo soo food saarta wa laalaheenna ku dhaqan Somaliland" ayuu yiri Raysal wasaare Xamse.

Hadaalkaan kasoo yeeray Raysal wasaaraha So omaalya ayaa imaanaya xili Dorraad magaalooyin ka tirsan Somaliland ay ka dhaceen banaanbaxyo rab ashado watay oo sababay dhimashada iyo dhaawa ca dad shacab ahaa oo dhigaayay dibadbaxyo ay ho ggaamnageen madaxda Mucaaradka, kaasoo looga soo horjeeday madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Xasan Sheekh oo xil sare u magacaabay Axmed Xirsi

Wareegto rasmi ah oo kasoo baxday xafiiska Ma daxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Ma xamuud ayaa La-taliye Sare oo arrimaha siyaasadda ee madaxweynaha loogu magacaabay Axmed Cabd isalaan Xirsi.

Axmed Xirsi ayaa ka mid ahaa hoggaamiyeya asha bulshada Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota, wuxuu na caan ku ahaa inuu u dhaqa aqi jiray arrimaha bulkshada. Axmed Xirsi ayaa uga mahad-celiyay madaxweynaha inuu xilk aas u magacaabo, isaga oo tilmaamay in uu ka dhab eyn doono dhaqan-gelinta ajendihiisa siyasadeed.

"Waxaa sharaf weyn ii ah in la ii magacaabo La-taliye Sare oo arrimaha siyaasadda kala talinaya Ma daxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Waxaan uga mahad celinayaa madaxweynaha kals oonida uu igu qabo iyo inuu igu aaminay inaan ka ca awiyo dhaqan gelinta ajendihiisa siyaadadeed ee ah Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah,” ayuu Axmed Xirsi ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Fac ebook.

Sidoo kale waxa uu qoraalkiisa ku yiri "Waxaan u hanqal taagayaa sidii aan kaalin mug leh uga gey san lahaa arrimaha mudnaanta leh ee gudaha iyo dibaddaba.”

Waxaa xusid in mudanaha la magacaabay uu si weyn uga soo dhex muuqday bilihii u dambeeyay arr imaha gargaar gaarsiinta dadkii ay saameysay abaarta, isaga oo safaro samafal ku tagay qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada dalka.

Axmed Xirsi, oo horey ay u kala tageen Xildhiba an Ilhaan Cumar oo kamid ah Xildhibaannada Con gress-ka Mareykanka, ayaa 6-dii bishaan waxa uu kulan gaar ah la yeeshay madaxweynaha, kaasi oo la fahamsan yahay in la iskula qaatay xilka loo mag acaabay.

Ciqaabta ay mudan karaan xildhibaanadii fow da da ka sameeyey golaha shacabka

Garyaqaan Mukhtaar Nuur Abuukar oo ah sha rci yaqaan ayaa ka hadlay dhacdadii baaarlamaanka Soomaaliya, gaar ahaan buuqii ka dhashay kulankii u dambeeyey ee lagu ansixinayey golaha wasiirada ee xukuumadda Soomaaliya.

Mukhtaar oo wareysi gaar ah siiyey Warbaahinta Go objoog ayaa shaaca ka qaaday in wixii ka dhacay baarlamaanka ay ahaayeen fal-dambiyeed ay aheyd in horey loo dhaqaajiyo. Garyaqaanka ayaa xusay in xittaa aysan u baahneyn arrintaas xasaanad ka qaa dis, balse ay aheyd in tallaabo adag laga qaado xildhibaannadii buuqa sameeyey.

"Waxa meesha ka dhacay waxay aheyd fal dam bi, waxay aheyd in la dhaqaajiyo oo horey loo sii gu da-galo, uma baahna xittaa xasaanad ka qaadis” ayuu yiri Mukhtaar Nuur.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in arrintooda laba si loo wijihi karo, mida koowaad in lagu qaado xeer hoosaadka Golaha Shacabka, ama waxa uu ka qabo sharciga u yaalla dalka.

Waxa kale oo uu intaasi ku sii daray in muhiim ay tahy in mar weliba la ilaaliyo sarreynta qanuunka dalka, wuxuuna wax laga xumaado ku tilmaamay falkii ka dhacay baarlamaanka Soomaaliya, xilli uu ku sugnaa xarunta ra’iisul wasaaraha cusub, Xamza Cabdi Barre.

"Haddii aan fiirino sarreynta sharciga, sharciga is aga ayaa u sarreeyo Jamhuuriyadda Federaalka So omalaiya cid Alla cidii wuxuu sharciga dhigaya jebisa oo dambi geysata wuu qabanayaa, wuuna saamey nayaa,” ayuu markale yiri Garyaqaan Mukhtaar Nuur Abuukar.

Hadalkaan ayaa ku soo aadayo, ayada oo Dorraad guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Sheekh Aadan Madoobe uu guddi u xil-saaray dhac dadii baarlamaanka, si ay daba-gal ugu sameeyaan falkaasi loolana xisaabtamo xildhibaanadii buuqa ku sameeyay kulanka Golaha.

Xubnaha guddigaan ayaa kala ah:

Xildhibaan Maxamuud Cabdullahi Axmed (Abuuk aato)

Xildhibaan Axmed Maxamuud Jaamac

Xildhibaan Axmed Cabdi Kooshin

Xildhibaan Maxamuud Cabdiqaadir Xaaji

Xildhibaan Ismaaciil Ciid Maxamed

Yuusuf Indha-Cade oo shaaciyay qorshe uu ka ogaaday Farmaajo oo uu uga digay Mukhtaar Roobow

Jeneral Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha-Cade) ayaa markii u horeysay shaaciyay in Mukhtaar Ro obow oo dhawaan kamid noqday Wasiirada cusub uu la wadaagay qorshaha xarigiisa ee la damacsa neyd dowladdii hore.

Jeneraal Indha-Cade ayaa sheegay in markii uu ka war-helay qorshaha xariga uu la wadaagay Mukhtaar Ro obow oo ku sugna Baydhabo, hase yeeshe uu Roobow u bareeray kha tar kasta oo uga imaan karta hanki isa siyaasadeed.

"Maalintii la xirayay habeenkii ka horeeyay ayaa la hadlay ha imaan xafladaas ayaa ku idhi waa lagu xira, meesha doorasho kama jirto qof ayaa loo wa daa ayaa ku idhi, wuxuu yidhi intii la dhihi lahaa Mu khtaar wuu cararay oo waa baqday in la idilo ayaa ka door bidi lahaa,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu xusay in qorshaha xarigii Ro obow lagu keenay Muqdisho uu ka ogaaday madax weynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo uu sheegay in xiligaas uu la-taliye u ahaa, kana soo horjeeday arrintaas.

"Ilaahay waxaa ugu baryaya xilka loo dhiibay in uu la garab galo. Waxaa ka jeclaan lahaa in Wasaar adda Cadaallada loo dhiibo maxkamadaha cadaalad darro badan oo ka jirta. Taas haddii la waayay ta ku xigta waaye, waa u hambalyeynayaa.”

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ayaa 2-dii bishaan si rasmi ah uga mid noqday Gol aha Wasiirada cusub ee Ra’iisul wasaare Xamza Ca bdi Barre. Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Ma nsuur) oo muddo u xirna dowladdii hore ee Maxam ed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa loo magacaa bay wasiirka wasaarada diinta iyo awqaafta

Xigasho:Caasimadda.Net


Sweden oo ballan-qaad cusub u sameysay R/W Xamza

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Md. Xamza Cabdi Barre ayaa Shalay xafiiskiisa kulan gaar ah kula yeeshay sa fiirka dowladda Sweden u qaabilsan arrimaha Soo maaliya, Per Lindgarde.

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay arrimo ay ka mid yihiin xoojin ta xiriirka iyo iskaa shiga ka dhexeeya waddamada Soomaal iya iyo Sweden.

Danjire Per Lindg arde oo madasha ka hadlay ayaa ballan-qaad u sameeyey xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza, wuxuuna sheegay in ay sii wadi doonaan taageer ada Soomaaliya.

Sidoo kale safiirka dowladda Sweden ayaa u gu hambalyeeyey ra’iisul wasaaraha ansixinta gol aha wasiirada oo ay todobaadkan codka kalsoon id ah siiyeen xubnaha baarlamaanka.

Dhankiisa ra’iisul wasaare Xamza Cabdi bar re ayaa shaaca ka qaaday muhiimadda ay leedah ay sidii la isu waafajin lahaa taageerada saaxiib ada caalamiga ah iyo qorshooyinka dowladda fe deraalka Soomaaliya mudnaanta u leh oo ay ugu horreeyaan wax ka qabashada xaaladda amniga iyo sidii loogu gurman lahaa shacabka ay saame ysay abaarta.

Sweden ayaa ka mid ah dalalka reer Yurub ee sid weyn u taageero dowladda federaalka Sooma aliya, waxayna howlo kala duwan ka fulisa guda ha dalka.

Soomaaliya ayaa xilligaan la daala-dhaceysa xaalado is-biirsaday, sida amniga iyo arrimo ban i’aadabnimo oo ka dhashay abaaraha baahsan ee ku dhuftay gobollada dalka.

Xildhibaankii Caaga ku tuuray Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo raali galin buuxda bixiyay

Xildhibaan Maxamed Xasan Murjaan oo ka mid ahaa Xildhibaanadii 7-dii bishaan buuqa iyo fowdada ka dhex sameeyay fadhigii Baarla am anka Sooma aliya ay ku ansixi nayeen Golaha Wasiiradda Xukum adda Soomaaliya ayaa raali galin ka bixiyay falkii uu kula kacay gudd oomiyaha Golaha Shacabka.

Xildhibaan Murjaan ayaa raal galin buuxda ka bixi yay ficilkii u guddoomiye Aadan Ma doobe uu kula ka cay ee ahaa inuu ku tuuray caaga biyaha laga cabo, waxaana raali galintiisa ay imaane ysa xili ay bilaa batay baaris la xir iirta falkaasi.

"Waxaa raali gelin buuxda ka siinaya shacabka So omaaliyeed, Golaha Shacabka iyo guddoonka Gol aha dhacdadii aan sida tooska ah caaga ugu tuuray gu ddoomiyaha, raali gelin ayaa ka siinaya guddoom iyaha Qof walba aragti ayuu leeyahay wuu dhiiban kara ama wuu diidi kara, Caag tuurka waxa keenay waa intaas kaliya waxaa isleeyahay howsha meesha ayay ku dhamaatay" ayuu yiri Xildhibaan Murjaan.

Si kastaba ha ahaate raali galinta Xldhibaankaan uu bixiyay ayaa kusoo beegmeysa xili laba maalin ka hor uu guddoomiyaha Golaha Shacabka uu magaca abay guddi baaritaan kusoo sameeya dhacdadii dhal isay buuqa iyo fowdada guddoonka lagula tuuray caag, iyadoo Golaha ay u fadhiyeen ansixinta Xuku umadda Fedaraalka Soomaaliya.

Wasiiru-Dowlaha Cusub Ee Madaxtooyada Oo Si Rasmi Ah Xilka Ula Wareegay

Wasiiru-dowlaha cusub ee Madaxtooyada Qaran ka Abshir Maxamed Axmed ayaa Shalay xilka kala wareegay Wasiiru-dowlihii hore Xasan Macallin Khal iif, munaasabad ku qabsoontay Villa Soomaaliya. Wasiir Abshir Bukhaari ayaa soo bandhigay qorshey aasha ku aaddan horumarinta howlaha hortabinta u leh Madaxtooyada Qaranka, isaga oo uga mahad-celiyey Wasiir Xasan Khaliif shaqadii wanaagsanayd ee uu ka soo qabtay Madaxtooyada, muddadii uu hayey xilkaas.

Dhankiisa, Wasii ru-dowlihii hore Md. Xasan Macallin Khaliif ayaa ka codsaday Ag aasinka, howl-wadeennada Madax tooyada iyo hay’ada ha kale ee Dowladda inay ku garab istaaga an Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada guda shada masuuliyadda loo igmaday, waxa uuna xusay aqoonta iyo khibradda Wasiir Abshir Bukhaari uu u leeyahay hannaanka shaqo iyo shaqaale ee Madaxt ooyada.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Fed eraalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac oo xilka u kala wareejiyey Labada Wasiir ayaa u raje eyey Wasiir Abshir Maxamed Axmed in Alle uu u fu dudeeyo gudashada mas’uuliyadda Qaran ee loo ig maday, isagoo soo bandhigay muhiimadda xoojinta wadashaqeynta Hay’adaha dowladda.

Munaasabaddan ay xilka kula kala wareegayeen Wasiiru-dowlaha cusub ee Madaxtooyada Qaranka Md. Abshir Maxamed Axmed iyo Wasiiru-dowlihii ho re Mudane Xasan Macallin Khaliif ayaa waxaa goob joog ka ahaa La-taliyeyaasha Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, Agaasime Kuxigeenka Madaxto oyada Qaranka Md.Maxamed Amiin Sheekh Cusm aan, Agaasime Waaxeedyada Madaxtooyada iyo ha wl-wadeenno ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Booliiska Soomaaliya oo Muqdisho ku soo ban dhigay Mooto Bajaajyo laga dhacay dadkii lahaa

Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo Habeen hore howgalo culus ka sameeyay qeybo ka mid ah degm ooyinka magaalada Muqdisho ayaa soo bandhigay ti ro Mooto Bajaajyo ah oo ay sheegeen in lasoo dhacay.

Taliyaha ciidanka Booliska qeybta bari ee gobol ka Banaadir Gaashaanle Cali Calasow Goofjooge oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in howgalada Samakaab ee ay ka wad aan magaalada Muqdi sho uu guda galay bishii labaad ayna kusoo qabq abteen Mooto Bajaajyo laga soo dhacay dadkii lahaa oo lacago aad u qiimo jaban lagusii kala iibsaday.

"Howlagalada Habeen hore aan sameynay waxaan ku soo qabanay Mootooyin lasoo dhacay oo taargooyin kii laga badalay oo lagu kala iibsaday lacago aan ba dan sida 200 oo dolar, waxaana ugu badneyd 500 oo dolar lacagaha lagu kala iibsaday, garaash ay ku xareysnayeen ayaan ugu tagnay marka howlgaladee na way sii socon doonaan" ayuu yiri Gaashaanle Goofjooge.

Arintaan ayaa kusoo beegmeysa xili mudooyinkii dambe ay magaalada Muqdisho kusoo kordhayeen dhaca loo geysanaayo Mooto Bajaajyada, iyadoo jir tay dhalinyaro farabadan oo laga dishtay Mootooyin kii ay ku shaqeysan jireen.

QARAX Shalay ka dhacay Afgooye oo mas’uul lagu dilay

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga hela yaa khasaaraha ka dhashay qarax Shalay ka dhac ay degmada Afgooye ee G/ Shabeelaha Hoose.

Qaraxa oo jugtiisa si weyn looga maqlay xaa fadaha magaalada Afgooye ayaa waxaa lagu soo wa rramayaa in lala eegtay guddoomiye ku xigeenkii ho re ee am niga degmadaasi Xuseen Jibriil, sida ay in noo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu haleelay gaari uu watay mas’uulkaasi, waxaana la soo wariy ey in uu ku dhintay weerarkan oo ay durbo sheegat ay kooxda Al-Shabaab iIo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sidoo kale innoo sheegay in qaraxa loo adeegsaday mootada nooca loo yaqaano Feken-ta, taas oo lagu dhuftay gaari uu watay marxuumka. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale gaaray meesha ay wax ka dhaceen, waxayna same eyeen baaritaano dheeraad ah oo ku aadan dhacda daasi, balse ma jirto illaa iyo hadda wax faahfaahin ah oo ay ka bixiyeen qaraxa iyo sidoo kale howlgall ada xigay.

Weerarkaan loo adeegsaday qaraxa ayaa qayb ka noqonayo falal ammaan darri oo maalmihii u da mbeeyey ka dhacayey magaaladaasi.

Afgooye ayaa waxaa inta badan ka dhaca weerar toos ah, qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ay magaal adaas ka fuliyaan dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab.

Degmada Diinsoor oo qarka u saaran inay gacan ta u gasho Al-Shabaab (Wareysi)

Kooxda Al-Shabaab ayaa kaabiga ku heysa deg mada Diinsoor ee gobolka Bay, sida ay warbaahinta gudaha u sheegeen masuuliyiin ku nool degmadaas.

Mid ka mid ah waxgaradka ku nool degmada Diins oor oo u waramay Shabeelle TV ayaa sheegay in Al-Shabaab ay soo dul degeen magaalada, isla markaa na aysan jirin awood buuxda oo hadda ka hor taa gan inay Diinsoor qabsadaan.

Sidoo kale wuxuu sheegay in bilihii ugu damb eeyey ay ku sii adkeeyeen go’doon ay Diinsoor kala siman tahay magaalooyinka kale ee maamulka Koon fur Galbeed oo badankood go’ doon ugu jira kooxda.

Saacadihii ugu dambeeyey ilaa laba caruur ah ayaa ga ajo ugu geeriyootay Diins oor, sida uu masuulkaa si u sheegay warbaahinta.

Sidoo kale ninkaan oo mag aciisa loo qariyey sab abo ammaan wuxuu sheegay maalintii 160 qoys qiy aastii ay Diinsoor gudaha u soo galaan, kuwaas oo xoolahoodii ay abaartu ka dhameysay.

Wuxuu intaas ku sii daray in dadkii beeraleyda ahaa ay isugu darsoomeen duruufo ay ka mid yihiin abaar, go’doominta deegaanka ee Al-Shabaab iyo taakuleyn la’aan dhanka maamulka ah.

"Diinsoor cabsi badan ayaa ka jirta, afarta gees waxaa ka soo degay Al-Shabaab, inay la wareegaan ayey qarka u saaran yihiin, dadka deegaankuna waa u diyaar inay iska dhiciyaan, 1 KM waa nooga sok eeyaan,” ayuu yiri masuulkaas.

DFS Iyo Mareykanka Oo Sheegay In Weeraro Cirka Ah Ay La Beegsadeen Dagaalamayaal Ka Tirsan Al-Shabaab

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in iyadoo kaashaneysa Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ay saddex weerar oo cirka ah ku qaaday Al-Shabaab, duqeymahaas oo ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Qiimeynta hordhaca ah ee dowladda So omaaliya iyo taliska AFRICOM ay ka soo saareen howladaas waxaa lagu sheegay in lagu dilay afar xubnood oo ka tirsanaa Al-Sha baab, waxaana intaas ay ku dareen inuusan jirin wax khasaare ah oo dad rayid ah ka soo gaaray duqey mahaas.

Ciidamada Mareykanka ayaa loo fasaxay inay Du qaymahaasi ka fuliyaan deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan.

Qoraalka ay soo saartay Dawladdu ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Taliska Mareykanka ee AFRICOM qaadeen tallaabo oyin waaweyn, si looga hortago waxyeelo soo gaarta rayidka. Kuwaasi oo ka duwan weerarradii hore.


Puntland oo ka shirtay dhameytirka doorashada qof & cod

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi De ni, ayaa aqalka Madaxtooyada kulan kula qaatay qa ar ka mid ah Siyaasiyiinta Puntland, Bulshada rayi dka ah, Guddiga Doorashooyinka Puntland, Wasiira da Arrimaha Gudaha iyo Tamarta, Macdanta iyo Biyaha.

Kulanka ayaa looga hadlay guud ahaan xaalad da Puntland, gaar ahaan dardargelinta hannaanka Doorashooyinka Puntland ee hal qof iyo hal cod sidii loo dhamaystiri lahaa Golaha deegaanka inta ka hartay.

Guddoomiyaha Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland (TPEC) Cabdirisaaq Axmed Siciid, ayaa Madaxweynaha & Bulshada rayidka ah la wadaagay warbixin guud oo ku saabsan halka ay marayso sha qadda Guddiga Doorashooyinka waxaana uu mada sha kusoo bandhigay warbixin dhameystiran taas oo iskugu jirta waxqabadka Guddiga, qorayaasha, iyo fursadaha hada ee ku aadan sida dadka reer Puntl and diyaar ugu yihiin hannaanka asxaabta badan.

"Puntland waxaa ka go’an hirgelinta hanaanka Dim uqraadiyeynta Dowladda Puntland ee hal qof & hal cod, sanadkii tagay ayaa waxaa lagu guulaystay hirgelinta iskudaygii kowaad ee tijaabada 3 degmo ta as oo dad waynuhu soo doorteen Xildhibaanada Go leyaasha deegaanka ee degmooyinka Eyl, Qardho iyo Ufayn, waxa dhammaan degmooyinka Puntland laga qaban doona doorashada Goleyaasha deegaan ka, Guddiga ayaa dhawaan bilaabi doona diiwaan ge linta dadweynaha waxaana hada si habsami leh uga socota wacyi-glinta dhammaan gobolada iyo degmo oyinka Puntland ayuu yii” Guddoomiyaha

Ugu danbeyntii Madaxweynaha Puntland Md. Si ciid Cabdullaahi Deni, ayaa dhegaystay aragtida Uru rada Bulshada madasha ka qayb-galay sida kale wa xa uu sheegay in Puntland ay ka go’an tahay hirgelin ta hannaanka Puntland u guurtay ee shacabku ku soo dooranayaan Madaxdooda.

Qoor Qoor oo tababar u furay ciidamo cusub

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa Shalay duf caddii koowaad ee Booliska maamulkaasi tababar uga furay dugsiga tababarrada degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Qoor Qoor ayaa ugu horreyn dardaaran u jeediyey ciidamadaan cusub ee uu tababarka u furay, wuxuuna ku ammaanay go’aankooda ku aadan ku biirista Booliska Galmudug.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay saraakiisha tab abarka siinaysa in ay u dhammeystiraan cutubyadan adeegyada ay u baahan yihiin si ay uga mid noqda an ciidamada Booliska.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in Bo oliska uu yahay ka warqabaha bulshada, ayna tahay inuu ilaaliyo amnigooda iyo sharafkooda.

"Ciidanka Booliska waa ciidnka si gaar ah uga warqaba waxyaaba Bulshada ay u baahantahay in gacanta lagu hayo amniga Bulshada, in la’ilaaliyo da nta Bulshada, in la ilaaliyo maslaxadda Bulshada, waxa ay u baahantahay in la barto” sida uu yiri Qoor Qoor.

Madaxweynaha Galmudug ayaa dhanka kale fa ray Macalimiinta tababarka bixineysa inay ku dadaa laan ciidamadaasi, ayna u dhammeystiraan shuruuc da u degsan Booliska. "Macalimiinta tababarka qeybihiisa kala duwan bi xineysa, waxa aan rabnaa, in tababarka iyo barasha da shuruucda Booliska si dhameestiran ciidankaan u qaataan” ayuu raaciyey.

Galmudug oo weli dagaal ay kula jirto Al-Shabaab a yaa haddane ku howlan dhismaha ciidamadeeda, si ay ugu filnaato amniga gobollada Galgaduud iyo Mudug.

JUBALAND oo go’aan soo saartay, kadib qaraxyadii galbeedka KISMAAYO

Madaxda sare ee dowlad goboleedka Jubbal and ayaa shir deg-deg ah ka yeeshay amniga ma gaalada Kismaayo, kadib qaraxyadii ay Al-Shab aab ka fulisay deegaanno dhaca duleedka maga alada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Qaraxyada oo gaarayey illaa 12 ayaa ahaa ku wa miinooyin ah oo ay kooxdu ku aastay waddoo yinka isku xira deegaannada Miyiga ee galbeedka magaallo xeebeedka Kismaayo.

Shirkaan oo uu gudd oomiyey madaxwe yne ku xigeenka Jubbaland, Max amuud Sayid Aadan ayaa waxaa goobjoog ah aa gu ddiga amniga iyo si doo kale saraakiisha ma amulkaasi, waxaana diir ad da lagu saaray wax ka qabashada amni darrada & weerarada Al-Shabaab.

Maxamuud Sayid Aadan oo ka warbixiyey shirka asi ayaa shaaciyey in Al-Shabaab ay la timid xeel ad cusub oo ay ku dhibaateynayaan dadka shaca bka ah, wuxuuna tilmaamay inay cambaareynaya an weeraradii qaraxyada ahaa ee ka dhacay gal beedka degmada Kismaayo.

"Wuxuu ahaa shir deg deg ah oo ay sababtay dhacdadii Dorraad ka dhacday miyiga galbeedka magaalada Kismaayo, taas oo nimankii argagixisa da ahaa ay la yimaadeen caado nagu cusub oo u gub ah, kadib markii ay miineeyeen waddooyin ay dadka shacabka ah isticmaalayeen, taas oo ay ka dhalatay qaraxyo 12 miino oo qaraxday. Waa arr in nagu cusub dhulkaas waa dhul miyi ah shacab ka ama xoolo dhaqatada ay ku nool yihiin, isaga gooshaan, ciidamo daganeyn waddo ciidan ah eyn,” ayuu yiri madaxweyn ku xigeenku.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in qar axyadaas ay ku dhinteen, kuna dhaawacmeen dad shacab ah, sidoo kalena lagu laayey xoolo fa ra badan oo ay lahaayeen qoysas reer Miyi ah.

"Waxaa halkaas ku dhintay dad shacab ah iyo xoolo fara badan oo Geel iyo Lo’ba leh, waana wax loo dul-qaadan karin in maalinba caado cus ub ay la soo baxaan oo hadda ay ku halaagayaan dadkii Miyiga ku noolaa,” ayuu markale yiri Maxa muud Sayid Aadan.

Ugu dambeyn Jubbaland ayaa ku dhowaaq day go’aan culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, wux uuna madaxweyne ku xigeenka shaaciyey inay qaadi doonaan tallaabooyin deg-deg ah.

"Waxaa la go’aamiyey in tallaabo deg-deg ah la qaado, si dadkas loo xoreyn lahaa oo mushkil adda ku dhex-nool,” ayuu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyey.

Al-Shabaab ayaa weli ku xoogan gobollada Jubbooyinka, waxayna weeraro khasaare geysta ka fulisaa deegaanada Jubbaland iyo sidoo kale xadka ay wadaagaan Soomaaliya & Kenya.

Bannaanbax uu isku dhac xigay oo ka dhacay Ma gaalada Hargeysa

Ciidamada amniga ee Somaliland ayaa rasaasta nool nool iyo sunta dadka kaga ilmeysiisa u adeegsaday dad Shalay mudaaharaad ka dhigayay Magaalada Hargeysa, ka dib markii dibadbaxayaa shu ay ka gudbeen goobi hii loo cayiman inay ku mudaa haraadaan. Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed ayaa Arbacadii sheegay in Xisbiyada Muca aradka ay tahay inay mudaaharaadkoodu ku qabta an xarumahooda, oo aanay isugu soo bixi karin wadooyinka magaalada.

Xukuumadda oo Shalay ciidamo badan ku soo daadisay wadooyinka ayaa xoog u adeegsaday dib adbaxayaasha, xilli ay socod ku marayeen xaafadda New Hargeysa.

Isku dhac dhex maray ciidamada ammaanka iyo taageereyaasha mucaaradka ayaa la arkayay, askar ta oo rasaas ku rideysa dibadbaxayaasha iyo dib adbaxayaasha oo dhegxaan ku tuuraya.

Rabshadahan ayaa waxaa ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh, iyadoo tiro dhaawacyo ahi la geeyay goobaha caafimaadka ee magaalada.

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka UCID, Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in dhimasho iyo dhaaw acba uu jiro, isagoo intaasi ku daray in ay tira-koob wadaan.

Xukuumadda ayaan weli dhankeeda ka hadlin Is ku dhacaan ka dhacay bariga magaalada, iyadoo da dkuna ay walaac dhanka amniga ahi ka muujiyeen is ku dhacaasi.

Madaxweyne Biixi: Cirro Sri Lanka ayuu filin ka daawaday

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa dusha u saaray xisbiyada mucaaradka ah eeda khasaarihii ka dhashay muhara adkii Khamiista, wux uuna mucaaradka ku eedeeyay in ay qas a buureen si ay uga baxs adaan tartanka urrurada siyaas ada.

Madaxweynuhu waxa uu she egay in mucaarad ku ay ka gudbeen goobohii loo ast eeyay in ay ku mu doharaa daan, isla markaana ay dhalinyaro ka hor geeyeen ciidamada booliiska, sid aas darteedna ay qaadayaan masuuliyada khas aar aha ka dhashay mudohara adka.

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayuu ku eedeeyay in uu helay xisbi aanu ku soo tabcin oo aanu dhibaato mooyee habeena u hiilin, sidaa darteena ay ula muuqatay in uu qas ab uuro si aanu u galin doorashada urrurada.

"Guddoomiyaha hada joogaa wuxuu helay xisbi aanu ku tabcin oo hagardaamo mooyee aanu maali na wax hiila siinin, oo uu si baylah ah u helay, dab eetana si uu xisbiga u haysto waxay ugu muuqataa in uu qalalaase kaga dhuunto doorashada iyo tartan ka urrurada" ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Waxa kale uu sheegay in taageerayaasha xisbi ga Waddani ay ka cadhoodeen wareejintii xisbiga la gu wareejiyay Xirsi, isla markaana ay madaxda xisbi ga Waddani ka baqanayaan in ay kusoo bixiwaay aan tartanka urrurada.

Waxa uu ku eedeeyay musharax Cirro in uu si qaldan wax u xisaabsaday, oo uu soo daawaday mu daharaadayaasha reer Sri Lanka ee madaxdoodii madaxtooyada ka eryaday, sidaas darteedna uu doo nayo in uu sidaa si leeg halkan ka sameeyo, lakiin anay ahayn wax dhacaya.

"Cirro waxaa u sawirantay oo uu run mooday, ha ddii aynu mudaharaad wadno dowladaha imika waa laga yaacaa, Sri Lanka ayuu filin ka daawaday, wax ay la noqotay hadii buuq la abuuro in uu sidaa ma daxweyne ku gaadhayo" ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Madaxweyne Biixi waxa uu sheegay in xukuu mad iisu anay mudaharaad danbe ogolaan doonin ilaa amar danbe, madaama markii ugu horaysay ee ay Somaliland mudaharaad ogolaatay la arkay nat iijada ka dhalatay.

Madaxweyne Mustafe cagjar oo isbaddal ku sam eeyay hoggaaminta sare ee Ciidanka Liyuu Bool iska degaanka Soomaalida

Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe cagjar ayaa Shalay isbeddel ku sameeyay Taliska Ciidanka Liyuu Booliska degaanka Sooma alida.

Madaxweynaha ayaa Cabdi Cali Siyaad (Gafe edhe) oo masuuliyiinta Liyuu Booliska u magacaab ay Taliyaha guud ee Ciidanka Liyuu Booliska, booskan wa xaa horey u hayay Jeneral Ma xamed Axmed Maxamuud ( Xaaji Tuur)

Sidoo kale Cabdiraxmaan Ax med Nuur oo isna soo marey masuuliyiinta Liyuu Bo oliska ayaa loo magacaabey Taliye ku xigeenka Cii danka Liyuu Booliska, booskan waxaa horey usoo hayay Jeneral Zakariye Cabdi Khaliif.

Labada masuul ee Shalay loo magacaabey xilka Taliyayaasha Liyuu Booliska ayaa horey waxa ay u hoggaaminayeen Ciidankii Liyuu Booliska ee dagaal ka kula jiray Ururka Al Shabaab, ee ka howlgalayay xuduudda degaanku la leeyahay Soomaaliya.

Magacaabistan cusub ayaa kusoo hagaagaysa xilli Shalay ay Canfartu la wareegtay magaaladii u dambeysay ee Cundhufo, oo muddo dheer isku hay steen Somalida & Canfarta wada dega dalka Itobiya.

Mareykanka oo dignin culus kasoo saaray rab shadaha ka taagan SOMALILAND

Dowladda Mareykanka ayaa diginin kasoo sara tay rabshadaha ka taagan Somaliland ee ka dha shay is-mari waaga ka taagan qabashada doorasha da madaxweynaha ee u dhaxeeya mucaaradka iyo xukuumadda.

Dibadbaxyo ay rabsha do ka dhasheen ayaa Shalay ka dhacay ma gaalada Hargeysa iyo deegaanno kale oo ka tirsan Somaliland, halkaasi oo ciidamada ay rasaas ku fureen dibadbaxayaal taageersan mucaaradka.

"Waxaan si xooggan ugu baaqeynaa hoggaami yeyaasha xukuumadda iyo mucaaradka Somaliland inay ka fogaadaan rabshdaha inta ay socdaan dibad baxyada, ayna si deg deg ah ugu laabtaan wada-ha dallada siyaasadeed,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo ba xay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho.

"Guuldarada in heshiis laga laga gaaro doora shooyinka waxay halis ku tahay guulaha ay Somalil and ka gaartay dawladnimada dimoqraadiga ah,” ayey ka digtay safaaradda.

Xiisadda siyaasadeed ee Somaliland ayaa sal ka ku haysa in mucaaradka iyo xukuumadda isku mari la’yihiin qabashada doorashada madaxweyna ha, taasi oo dhalisay in mucaaradka ay ku baaqaan dibadbaxyo.

Dowladda ayaa u oggolaatay xisbiyada mucaar adka inay ku dibadbaxaan meelo kooban oo la cay imay, taas oo ay xisbiyada mucaaradku ka hor yim aadeen.

Meelo ka mid ah magaalooyinka Somaliland ayaa laga soo sheegay in boolisku ay isku dayeen inay xa kameeyaan dibadbaxyada.

Waxaa sidoo kale la sheegayaa in qadka inter net-ka laga jaray Somaliland, oo aysan dadku adeeg san karin baraha bulshada iyo adeegyada kale ee ku xiran internet-ka.

Dowladda weli war rasmi ah kama soo saarin xa aladda ugu dambeysa, balse waxay horay uga dig tay in ay dadku ku dibadbaxaan meelo ka baxsan baraha cayiman ee la shaaciyay.

Magaalada Cundhufo oo si buuxda ay ula waree geen maleeshiyaadka Canfartu

Wararka ka imaanaya dowlad degaanka Sooma alida ayaa sheegaya in magaalada Cundhufo oo ma almihii u dambeeyay uu ka socday dagaal u dhaxee yay Soomaali iyo Canfar ay Shalay si buuxda ugu gacan gashay maleeshiyaadka Canfa rta. Ma jirin wax iska caabin ah oo ay ka kulmeen Ca nfartu, sidoo kale waxaa lasoo sheegayaa in Ciidan kii Liyuu Booliska Soomaalida oo badankood mar ho re loo diray dhinaca xuduudda Soomaaliya, intii ku soo hadhay aagan ay iyaguna soo baneeyeen mag aalada Cundhufo.

Danlahelay iyo magaalooyin kale oo la isku hay stay ayay maalinimadii Dorraad Canfartu la wareegt ay, halka Shalay oo Jimce ah ay si buuxda gacanta u gu dhigeen magaalada Cundhufo, oo ah magaala dii u dambeysay ee Soomaali iyo Canfar isku hayst een.

Dadkii degganaa magaalooyinka gacanta u gal ay Canfarya oo ay kamid ahayd magaalada Cundhu fo ayaa iskaga baxay, waxayna kusoo barakaceen dadkaasi degaannada u dhaw magaalooyinkan la qabsaday.

Magaalada Cundhufo ee Shalay ay la wareeg een maleeshiyaadka Canfartu ayaa ah magaalo mu hiim ah, oo ku taal jidka laamida ee isku xidha Addis Ababa iyo dalka Jabuuti, waa magaalo hal bowle u ah dhaqdhaqaaqa ganacsi ee dalka Itoobiya.

Saddexda magaalo ee muranku ka taagnaa mu dada dheer ee Garbaciise, Caddhaytu iyo Cubdhufo ayaa waxaa heshiis dhex maray maamulkii hore ee degaanka Soomaalida wkhtigii Cabdi Maxamuud Cumar iyo Maamulkii Canfarta ee xilligaa la isla ga rtay in magaalooyinkan lagu wareejiyo Canfarta, bal se dadka Soomaalida ee degganaa dhulkan ay sii degganaadaan.

Balse heshiiskaa waxaa 2019kii waxba kama jira an ka dhigay xukuumaddii Mustafe cagjar, iyadoo xill igaasna uu Madaxweyne Mustafe cagjar Warbaahin ta ka sheegay inuusan oggolaanayn in la qaato taa ko dhul Soomaali leedahay.

Wakhtigaa wixii ka billaabmay waxaa magaaloo yinkan ku billawday dagaal iyo colaad hor leh oo u dhaxeysa Soomaali iyo Canfar, dhiig badanna ku da atay dad badanna ay ku barakaceen.

Marar badan waxaa la isku dayay in heshiis la ka la dhex dhigo Soomaalida iyo Canfarta, dowladda dhexe ee Itoobiya ayaa heshiiskii u dambeeyay gar wadeen ka ahayd, balse wax walba oo qalinka lagu duugo waxa uu noqonayay hal bacaad lagu lisay.

Wali xukuumadda dowlad degaanka Soomaalidu ka maysan hadlin arrintan kasoo cusboonaatay galbeed ka gobolka Sitti.

Burcad toogasho ka geystay qabuuro lagu aasa yay muwaadin Soomaliy eed oo lagu dilay magaalada Toronto

Hal qof oo Soomaali ah oo rag ah ayaa ku geeri yooday mid kalena wuu ku dhaawacmay kadib mar kii rag hubaysan ay rasaas ku fureen qabuuraha Ri chmond Hill, halkaas oo ay ka socotay aaska wiil dhallinyaro Soomaali ah oo todobaadkan lagu dilay magaalada Toronto.

Booliiska Canada ayaa sheegay in saddex ilaa afar nin oo hubaysan ay rasaas ku fureen 60 qof oo aaska kasoo qeyb galay, halkaas oo ay sheegeen inay ku dhaawacmeen labo qof oo mid kamid ah uu isbitaalka ku geeriyooday.

Booliisku waxay sheegeen inay tuhmnayaasha oo watay gaari duuga oo ah nuuca SUV ay baxsade en. Waxay sheege en markii ugu dambeysay in lagu arkay wadada Leslie Street.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ku nool Toronto ayaa arrintaan aad uga welwelsan, waana markii ugu horraysay oo dhacdo nuucaan ahi ka dhaco dalkaas oo Soomaali badan ay ku nool yihiin.

""Weligaa ma filanaysid wax sidan oo kale ah inay dhacaan wakhti kasta, iska daa inta lagu jiro aaska. "Tani waxay saameyn ku yeelan doontaa dhammaan dadka Shalay halkan joogay iyo sidoo kale bulshadeena,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Booliiska Toronto.

Bilayska Toronto ayaa horey uga hadlay geerida Maxamed oo ahaa 27-jir Soomaali ah oo si fool xun loogu dilay magaalada Toronto. Booliiska ayaan cid na u soo qaban toogashadaas.

Dhaqtar Soomaali ah oo lagu gowracay dalka Pakistan iyo mid kale oo Soomaali ah oo

Booliska magaalada Multan ee gobolka Punjab ee dalka Pakistan ayaa baaritaan ku haya islamarkaana su’aalo weydiinaya dhaqaatiir kadib markii meydka dhaqtar Soomaali ah laga helay qeybta la seexdo ee Jamaacadda Nishtar Medical Hospital.

Dr. Abdul Rehman, oo ka yimid Soomaaliya islamarka ana wax ka baranayey qeybta qalliinka ee Jaamacad da, ayaa Arbacadii waxaa isaga oo la gowracay mey dkiisa laga helay musqul ku taalla hoolka Jamal Bhutta oo ah halka ay degan yihiin dhaqaatiirta ee Isbitaaka Nishtar Hospital.

Dr. Abdul Rehman ayaa deganaa qolka No.17 isaga iyo dhaqtar kale oo ka yimid Soomaaliya oo lagu magacaabo Dr. Abdul Azizi, wuxuuna isku diy aarinayey qeybta koowaad ee qalliin tijaabo ah oo uu sameyn lahaa.

Waxaa sidoo kale qolka la deganaa dhaqtar Pak istani ah oo lagu magacaabo Dr Ghulam Muhammad iyo kaaliyihiisa Muhammad Ijaz.

Booliska ayaa xiray Dr Abdul Aziz iyo Muhamm ad Ijaz markii ay baaritaanka billaabeen.

Madaxa booliska magaalada Multan, Khurrum Shehzad Haider ayaa wargeyska Dawn u sheegay inay hadda ballaariyeen baaxadda baaritaanka, wax ayna su’aalo weydiinayaan dhaqaatiir dhowr ah oo ka shaqeysa isbitalka.

Khurrum ayaa sheegay in tuhunsanaha ugu we yn uu yahay Dr. Abdul Aziz oo Soomaali ah, sababtu na ay tahay in markii su’aalaha la weydiiyey uu she egay hadallo isburinaya.

Waxa uu intaas ku daray inay hadda sugayaan natiijada baaritan lagu sameeyey meydka, si ay u ogaadaan xilliga iyo sababta rasmiga ah ee dhi mashada.

Dilka dhaqtarka ayaa cabsi xooggan iyo argagax ka abuuray Nishtar Hospital, ayada oo la isweydiin ayo sababta loo beegsaday iyo habka naxariis darr ada ah ee loo dilay.

5 Ruux Soomaali ah oo ku geeriyooday shil Gaari dalka Koonfur Afrika

Shilka Gaari ayaa waxaa uu ka dhacay wadada N4 ee isku xirta magalooyinka Nelspruit Iyo Pretoria ee dalka Koonfur Afrika, waxaana shilkaas ku dhintay 5 Ruux oo Soomaali ah.

Shilka ayaa waxaa uu yimid kadib markii Gari yar oo ay wateen 5 Ruux uu dulmaray Gaari nooca xamuulka qaado ah, waxaana dadka ku dhi ntay ay kala yihiin, Hooyo, Gabar ay dhashay & Saddex Carruur & Saddex qof oo kale.

Ciidamo katirsan Booliska Koonfur Afrika iyo dad weyne kale oo Soomaali ah aya ku baxay goobta uu shilka ka dhacay, kuwaas oo goobta ka qaaday mey dadka dadka shilka ku dhintay.

Mid kamid ah Soomaalida kunool Goobta uu shilka ka dhacay ayaa sheegay inay aad uga nax een dhibaatada ku dhacday dadkaas, isla markaana Maalinta berito ah la aasi doono.


Tartanka qur'aanka kariimka ee waqooyiga Ameerika oo lasoo gabagabeeyay

Tartanka Qur'aanka Kariimka ee Waqooyiga Am eerika, ayaa lagusoo gabagabeeyay magaalada Min nesota ee dalka Maraykanka, waxaana abaal marino lagu gudoonsiiyay tartamayaashii ugu sareeyay.

Fartuun Abdilqadir Wako oo ku guulaysatay tartankii Quraanka Im am Al-Shatibi ee Minnesota 2022, ayaa la gudddoniiyay abaal marin ku qiimaysan $56,000 oo dollar oo ah gaari nuuca loo yaqaan Highlander Platinum iyo deeq waxbarasho oo ah jaamacadda Medina ee bo qortooyada Sacuudiga Carabiya.

Guulaystaha labaad oo lagu magacaabo, Adeeb Bari oo ku guulaystay 30-ka juz ee dhinaca wiilasha Boys oo ka socday Gobolka Texas ayaa la guddo onsiiyay gaari Toyota Highlander Platinum, oo qiimi hiisu yahay $10,000 iyo deeq waxbarasho oo buux da oo ah Jaamacadda Medina KSA.

Guulaystaha saddexaad, Axmed Bashiir Aadan oo ka socday gobolka Tennessee oo isna ku guula ystay 30-ka Juz ayaa la guddoonsiiyay $ 15,000 oo lacag caddaan ah iyo deeq waxbarasho oo buuxda oo ah Jaamacadda Medina KSA.

Sannadkan waxaa maalgalinta abaalmarinta tar tanka qur’aanka ka qeyb galay ganacsade Cabdira xman Ciise Kaahin oo bixiyay abaalmarinada qaaliga ah ee la guddoonsiiyay saddexda tartame ee ugu sa rreeyay tartanka qur'aanka.

Waa sannadkii 8aad ee tartankan la qabanayo, iy adoo loogu talo galay in kor loogu qaado ahmiyadda qur’anka kariimka iyo sidii ubadka Soomaaliyeed ee ku nool qurbaha loogu tarbiyayn lahaa barashadiisa.

WAQTIGA KAMA DAMBEYSTA AH EE LAGU DHAWAA QA YO QOFKA KU GUULEYSTAY XILKA MADAXWEYNAHA KEN YA

Dadka ku nool waddanka Kenya iyo meelo kale oo dunida ka tirsan ayaa weli dhagta u taagaya ku dhawaaqista natiijada doorashada madaxweynaha.

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashada iyo Xud duudaha Kenya, oo magacooda loo soo gaabiyo IEBC, ayaa haysta toddobo maalin oo ka billaaban aya maalinta ay codaynta dhacday.

Taas waxay ka dhig an tahay in hadda ay kasii dhammanaayaan afar maalmood oo waq tigaas ah waxa u haray na ay yihiin saddex ma alin oo ku eg Isniinta.

Si kasta oo ay dib ugu sii dhacdo ku dhawaaqista oo loogu dheeraado tirinta codadka, ugu dambayn Talaadada waxaa la og yahay magaca madaxweyna ha cusub ee Kenya.

Waxaa suurtagal ah in waqti kasta oo hadda ka billowda lagu dhawaaqo natiijada kama dambaysta ah ee la wada sugayo.

Natiijada kuraasta baarlamaanka ayaa muujinay sa in ay si aad ah isugu dhow yihiin labada nin ee uu loollanka adag ku dhex marayo kursiga madaxwey naha, oo kala ah Madaxweyne ku-xigeenka, William Ruto iyo Raysul Wasaarihii hore Raila Odinga.

Xogta laga soo xigtay Guddiga Doorashada oo ay BBC-du ilaa hadda hayso waxaa ku cad in tirinta codadka uu hoggaaminayo Ruto, inkastoo Odinga uusan wax badan ka fogayn.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada, Wafula Chebukati, ayaa sheegay in wakiillada 120 deegaan-doorasho ay soo gudbiyeen natiijada, waxaana tira da guud ee la sugayay ay ahayd 291 deegaan-door asho.

Waxaa la wada eegayaa dhinaca xarunta ay tirin ka codadka iyo xaqiijintu ka socoto ee Bomas Kenya. Warbaahinta maxalliga ah ayaa si weyn loogu dhaliilay inay iska indho-tireen xogta Guddiga IEBC, ayna soo gudbinayaan tirooyin uu mid walba iskiis u sameeyay.

Salman Rushdie, qoraaga buugga "Aayadaha Shaydaanka” oo la tooreeyey

Salman Rushdie, Qoraaga British-ka ah ee qaar ka mid ah qoraalladiisa ay horseedeen inuu bartilma aed dil u noqdo Iran islamarkaana dhuumasho ku no olaado, ayaa lagu weeraray masrax ku yaalla galb eedka New York oo uu hadal ka jeedinayey.

Muuqaallo lasoo dhigay baraha bulshada ayaa

Muujinaya dad u kala cararaya inay caawiyaan Sal man oo ku sugnaa Machadka Chautauqua.

 

 

Booliska ayaa xaqiijiyey in qoraagan 75 jirka ah laga

 

 

tooreeyey qoorta, balse ma aysan bixin faah-faahin. Waxaan sidoo kale weli caddeyn xaaladdiisa.

"Nin ayaa masraxa kusoo weeraray Rushdie. Ru shdie wuxuu dhaawac ka gaaray qoorta, waxaana la gu qaaday helicopter oo lagu geeyey isbitaal. Xaal addiisa weli ma cadda,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay booliska.

Weriye ka tirsan wakaaladda wararka AP oo ku sugnaa goobta ayaa xaqiijiyey in ninka weeraray Sal man Rushdie uu ugu yaraan 10 illaa 15 jeer mindiy eyeey ama feeray.

Salman Rushdie ayaa ku dhacay goobta, waxaa na isbitaal loogua qaaday diyaarad helicopter ah.

Buug uu Salman Rushdie qoray 1988-kii oo uu ugu magac daray "Aayadaha Shaydaanka” ayaa horseed ay fatwo dil ah oo uu soo saaray hoggaamiyihii hore ee kacaanka Iran Ayatollah Ruhollah Khomeini.

Buuggan ayaa sidoo kale Muslimiinta ay u ar keen inuu xushmad darro ku yahay nebi Muxamed NNKH.

Rushdie oo ku dhashay India, waalidkiisna ay ah aayeen Muslimiin aan diinta ku dhaqmin, islamarkaa na isaga sheegay inuusan diin laheyn, ayaa dhuuma sho ku noolaa kadib markii buugga uu soo baxay 1988-kii.

Si kastaba, wuxuu dhammaadkii sagaashamaadka billaabay inuu soo muuqdo kadib markii Iran ay sheegtay inaysan hadda kadib taageereyn in khaarijiyo. AFP + AP + VOA

FB-Da Oo Ku Raad Joogta Sarkaal Xubin Ka Ah Ciidanka Ilaalada Kacaanka Ee Dalka Iran

Waaxda cadaaladda ee dalka Maraykanka ay aa sheegtay in Sarkaal u dhashay dalka Iraan in lagu soo oogay dacwad la xi dhiidha inuu doonayey inuu dilo ama khaarajiyo John Bol ton oo ahaa la taliyihii hore ee amniga qaranka ee xilligii ma daxweyne Trump, taas oo loo malaynayo inuu do onayey inuu dilkaas u fuliyo, si uu ugu aargudo weerarkii dhinaca cirka ahaa ee Maraykanku ay ku dileen Jeneraal sare oo awood badnaa oo u dhashay dalka Iraan.

Hay’adda dembi baadhista Maraykanka ee FBI ayaa haatan ku raadjoogta inay soo xidho sar kaalkaas oo ay ku magcaabeen Shahram Pours afi, iyaga oo sheegay inuu xubin ka yahay ciidan ka ilaalada kacaanka ee dalka Iran.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in falkani ay u badan tahay in uu yahay aargudasho la xidhi idha weerarkii ay ciidamada Maraykanku ku dil een bishii January ee sannadkii 2020, Qasem So leimani oo ahaa madaxii ciidamada Qudus ee

Trump Oo Diiday Inuu Ka Jawaabo Su’aalo Muhiim Ah Oo La Weydiiyay

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa Arbacadii diiday inuu ka jawaabo su’ aalo la xiriira baaritaan madani ah oo lagu same eyay hab-dhaqannada ganacsi ee qoyskiisa, isagoo u cuskaday xuquuqda dastuuriga ah ee uu u leeyahay inuusan dambi isku yeelin.

Trump wuxuu qaatay mowqif dagaal ah oo ka dhan ah baaritaanka ay waddo Xeer Ilaaliyaha Gu ud ee Gobolka New York, Letitia James, si loo og aado inuu qiimeyn ku sameeyay qiimaha hoteelk iisa, xarumihiisa lagu ciyaaro ciyaarta Golf-ka iyo hantida kale ee ma-guurtada ah si uu u helo shu ruudo ku habboon amaahda, isagoo isaga oo hoos u dhigaya qiimaynta cashu ur-dhaafka.

"Waan diiday in aan ka jawaa bo su’aalaha hoos yimaada xuq uuqda iyo mudnaanta uu siinayo muwaadin kasta marka loo eego

dastuurka Marey kanka,” Ayuu

Trump ku yiri bayaan uu soo saa ray, isaga oo ku eedeeyay Letitia James, inay ta hay "Xeer ilaliye isaga ka aargoosaneysa oo aan xakameyn karin sharciga.”

Muddo saacado ah oo uu su’aalo weydiinayay mid ka mid ah qareennada James, ayaa Trump wuxuu diiday inuu ka jawaabo in ka badan 400 oo su’aalood, sida ay sheegeen dadka xog-ogaalka u ah dacwadan, wuxuuna ku celceliyay marar ba dan, "jawaab isku mid ah,” isagoo ku baaqaya in uu xaq u leeyahay inuusan naftiisa dembi gelin.

Xamze oo amray fududeynta dhaqdhaqaaqa iyo isu socodka bulshada ku dhaqan Muqdisho

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soom aaliya, Mudane Farhan Jimale, ayaa shaaca ka qaad ay in xukuumadda DanQaran ay si degdeg ah uga hawlgali doonto gurmad qaran oo laga geli doono sidii wax looga qaban lahaa abaaraha ba’an ee saa meeyay bulshada Soomaaliyeed.

Afhayeenka ayaa sidoo kale faahfaahiyay digr eetadii Habeen hore ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasa araha Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre, taasi oo lagu farayay madaxda inay reebban tahay maga caabis iyo shaqo ka joojin saraakiisha darajooyinka sare oo aan waafaqsaneyn Dastuurka iyo Sharciga Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda.

Sidoo kale waxa Mudane Xamse uu faray in mudnaan la siiyo fududeynta dhaqdhaqaaqa iyo isu socodka bulshada ku dhaqan caasimadda Muqdi sho, isagoo amray in laamaha amniga ay xalliyaan caqabadaha ka taagan isu socodka gudaha caasim adda, iyadoo aan waxba loo dhimayn hannaanka amniga.

Wiil Dhalinyaro ah oo lagu dilay degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan

wararka naga soo gaaraya degmada Matab aan ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Shalay rasaas uu furay askari katirsan ciidamada Milla teriga Soomaaliya uu ku dhintay Wiil Dhalinyaro ahaa oo kamid ah dadka kunool degmadaas.

Wiilka dhintay oo lagu Magacaabi jiray Maxa med Xuseen Duraan ayaa ahaa arday dhigta iskuulka Ugaas Nuur ee degmada Matabaan, wux uuna u geriyooday dhaawac culus oo kasoo gaaray rasaas uga dhacay qeybaha kore ee jirkiisa.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Ardayga xilliga ay rasaasta ku dhaceeysay uu isku diyaarinayay in uu aado Xaflad ka socotay Iskuulka uu dhigto, hayeeshee dhibaatadaas ay qabsatay.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in Ciida mada dowladda Soomaaliya ay gacanta ku dhig een askarigii furay rasaastii uu ku geeriyooday Wiilka Ardayga ahaa, waxaana ehellada Wiilka yar ay dalbadeen inay cadaalad u helaan dilka Wii lkooda.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip