HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANT OO AH KHAMIIS 11-KA AGOOSTO 2022-KA

0
Thursday August 11, 2022 - 08:49:55 in Wararka by
  • Visits: 403
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANT OO AH KHAMIIS 11-KA AGOOSTO 2022-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Qeyb Galay Madasha Ganacsiga Somalia Iyo Uganda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sh.Maxamuud oo khudbad ka jeediyey Madasha Iskaashiga dhaqaale ee So omaaliya iyo Uganda ayaa ka warbixiyey fursada ha iyo koboca dhaqaale ee 2da dal ay ka faa’iida yaan hirgelinta iskaashiyada ay wada gaareen iyo xaqiijinta is-dhaafsiga ga nacsiga iyo badee cadaha.

Madaxweynaha ay aa dul istaagay guula ha laga dhaxlay heshiiskii dhexmaray Soomaaliya iyo Uganda sanadkii 2016-kii, oo horseeday in uu kobco isdhaafsiga dhaqaale ee labada dal, fud ud eynta socdaalka iyo duulimaadyada tooska ah, mataaneynta Jaamacadaha, iskaashiga xiriirka di blumaasiyadeed iyo amni, isagoo uga mahadce liyey dowladda iyo shacabka Uganda marti-gelinta madashan.

Furitaanka Shirkan oo ay wadajir u guddoomi yeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha dalka Uganda Md. Yoweri Museveni, ayaa ganacsatada labada dal waxa ay ka arrinsadeen sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen maalgashiga, kaabeyaasha dhaqaala ha, shaqo abuurka dhallinyarada, xoojinta fursada ha haweenka, dhiirri gelinta ganacsiga gaarka loo leeyahay, warshadaha iyo hannaanka maaliyad eed.

Inta lagu guda jiray Madasha Ganacsiga Soom aaliya iyo Uganda, Wasiirka Ganacsiga Xukuumadda FS Md.Jabriil Cabdirashiid ayaa he shiis ku saabsan iskaashiga dhaqaale la saxiixday dhiggiisa dalka Uganda Md.Mwebesa Francis, hal ka Agaasimaha Wasaaradda Qorsheynta iyo Ho rumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya Md. Asad Yus uf iyo dhiggiisa Uganda Md. Rwakakamba Morris on iyo Rugaha Ganacsi ee 2da dal ay kala saxiixd een heshiisyo kale oo ku saabsan fududeynta ga nacsiga iyo isweydaarsiga khibradaha.

Ugu danbeyntii, Labada Madaxweyne ayaa fa ray Wasiirrada Labada dal in ay xaqiijiyaan dhaq an-gelinta heshiisyada iyo talooyinka ka soo baxa Madasha Dhaqaalaha Soomaaliya iyo Uganda, si doo kalena ay ku sameeyaan dib-u-eegis joogta ah, si loogu kuurgalo horumarka laga gaaro hirgel intooda, loona sahamiyo dhinacyo kale oo Labada dal ay iska kaashan karaan.

Furitaanka Madashan waxaa ku weheliyey Ma daxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaal iya Md.Xasan Sh.Maxamuud Wasiirka Wasaarad da Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Md. Abshir Cumar Huruse, Wasiirka W/Gaashaan dhigga XFS Md. Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka W/Ganacsiga, Warshadaha Md.Jabriil Cabdir ashiid, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Sha cabka Baarlamaanka FS,Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Md.Xuseen Sh.Maxamu ud iyo Danjiraha dalkeenna u fadhiya Uganda Md. Cali Maxamed Maxamuud.

Gud.Golaha Shacabka BJFS oo kulan la qaat ay Guudiga KMG ah ee ka tala bixinta dhacd adii 7-bishan Ka dhacday xarunta G/Shacabka

Guddoomiyaha G/Shacabka Sh.Aadan Max amed Nuur Madobe ayaa hoygiisa Kulan kula qaa tay Guddiga KMG ah ee Ka tala bixinta dhacdadii 07/08/2022 Ka dhacday xarunta Golaha Shacabk a. Guddoomiyaha ayaa Guddiga Kula dardaarma y inay kasoo tala bixiyaan fowdadii Golaha Ka dhacday kulankii 14aad ee Kalfadhiga 1aad ee G/Shacabka BJFS isagoo usheegay in ay warbix in dhameeystiran ka keenaan. Xubnaha Gudiga oo Dorraad yeelanaya kulankoodii ugu horreeyay ayaa u balan qaaday Guddoomiyaha inay warbix in si deg deg ah uga keeni doonaan dhacdadii ka dhacday Xarunta Golaha intii ay socotay ansixintii Xukuumadda.

Dorraad ayu guddoomiya ha Magacaabay Guddiga uu u xilsaaray duacdadii Go laha Shacabka,kuwaas oo ka kooban 5 Xubnood, bal se waxaa ka cudur daartay inuu kamid noqdo Xil dhibaan kamid ahaa xubnaha Guddiga, hayee shee Guddoomiyaha ayaa ku bedelay Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Abuukaate.

Wasiirrada cusub ee Amniga iyo Diinta & Awqaafta oo xilalka la wareegay

Ra'iisul Wasaaraha XFSoomaaliya Md.Xamse Cabdi Barre, ayaa xilka u kala wareejiyey Wasi irka cusub ee Wasaaradda Amniga Md.Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) iyo Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Md. Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Ra'iisulWasaaraha ayaa ku ammaanay Wasii rkii hore ee Amniga, sida howlkarka ahayd ee u soo hoggaamiyey Xafiiska, isagoo kula dardaarm ay wasiirka cusub in looga fadhiyo shaqo culus, maadaama amnigu uu yahay mid kamid ah tiir arka muhiimka ah ee xukuumadda.

"Anagoo ka duulayna baahida shacabka Soo maaliyeed, waxaan ahmiyada ugu wayn ee Xuk umadda ka dhignay amniga. Waxaan garowsan nahay in amnigu aan qori kaliya lagu sugi karin oo ay waajib tahay dhiirri gel inta iyo abaabulka doorka bulshada.” Sidoo kale,

Ra'iisul Wasaaraha XFS Md.Xamse Cabdi Bar re, ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Md.Sh .Mu khtaar Roobow Cali iyo Wasiirkii Hore ee Wasa aradda Md.Sh. Cumar Cali Rooble.

R/Wasaaraha ayaa ku boggaadiyey Wasiirkii Hore, wakhtiga uu ku bixiyey u khidmeynta dalki isa iyo diintiisa iyo sida uu diyaarka ugu yahay in uu shaqadan ku garab istaago Wasiirka xilka kala wareegay, isagoo tilmaamay muhiimadda ay was aaraddani u leedahay toosinta dowladnimada iyo ilaalinta diinta iyo dhaqanka suubban ee dadka Soomaaliy eed.R/Wasaaraha ayaa u rajeeyey Wa siirrada xilka la wareegay in Eebbe uu u fududee yo shaqada culus ee hortaalla, waxa uuna faray in ay si daacad ah oo Somalinimo leh ay ugu adee gaan dalkoda,diintooda &dadkooda…DHAMAAD

Mukhtaar Roobow oo balan-qaad soo saaray kadib xilkii uu la wareegay

Wasiirka cusub ee wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta ee xukuumadda Soomaaliya Sh wekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa hadal kooban ka jeediyey munaas abad uu Dorraad xilka kula waree gay. ayaa ballan qaaday in mudd ada uu joogo wasaaraddaan uu ku dadaali doono in si dhab ah uu u guto xilkiisa, isla markaana ay am maano ahaa doonaan waxa loo dhiibay.

"Waxaan ku dadaali doonaa in culumada Soo maaliyeed aan isku heyno oo la tashano, waxaan dhageysa doonaa ra’yigooda, si midnimo ah aya an ku wajihi doonaa khalad kasta oo diini ah oo ji ra,” ayuu yiri Mukhtaar Roobow.

Sidoo kale wuxuu sheegay inuu ka shaqey doo no in wasaaradaan ay noqoto mid ka soo dhalaa sha magaca ay wadato ee awqaafta iyo arrimaha diinta, "Wixii tabar bini’aadam ah oo la waban karo ayaan qaba doonaa,” ayuu yiri.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa goobjoog ahaa minaasabadii uu xilka kula wareegay Roobow, "Wasaaradaan ahmiyada ay leedahay magaceeda ayuu ka muuqdaa, ana guna islaam ayaan nahay, waxay wasaaradani noo xil saaran tahay inay noo ilaaliso caqiidade ena saxiixa ah,” ayuu yiri.

Sidoo kale R/Wasaaraha ayaa Mukhtaar Roo bow kula dardaarmay in wasaaradani ay jiheyso fahamka bulshada, "Culumadu waa inay noqoto caganta midigee dowladdu ay amniga kaga shaq eyneyso,waxaan rabnaa in culumadu ay bulshada u sheegto qaladkooda, iyagoo ku saleynaya share ecada islaamka,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaare Xamse Barre ayaa culumada Soomaaliyeed ka dalbaday inay cadeeyaan mowqifkooda dagaalka Al-Shaba ab oo bulshada ay si cad u dhahaan iska celiya ra gaas, "Waa in culumadu ay dadak Soomaaliyeed yiraahdaan sidaan ayaad ku jiri doontaan hadii aadnaa amni gacmihiina ku sameysan.”

AFGOOYE: SHAN QOF OO LAGU DILAY XAFLAD AROOS AH

Faahfaah dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa toogasho sababtay dhimasho iyo dhaawac oo Habeen hore ka dhacday goob ay ka socotay xaflad aro os ah oo ku taalla duleedka magaalada Afgooye oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in rag hubeys anaa ay rasaas ku fureen dadweyne ku sugnaa guri uu aroos ka jiray oo ku yaalla tuulada Cadayleey oo hoostagta degaan ka Buulalow.

Inta la xaqiijiyey waxaa dhacdadaasi ku dhint ay ugu yaraan illaa shan qof, halka ay ku dhaaw acmeen sagaal kale, kuwaas oo la geeyey isbi taalka guud ee degmada Afgooye.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in ko oxda weerarka fulisay ay goobta isaga baxsatay, mana cadda illaa iyo had da sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dhacdad aasi. Sidoo kale waxa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo howlgallo ka bilaabay agagaarka degmada Afgooye, ayaga oo baadi goobayo raggii ka dambeeyey falkaasi.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo ba xay mas’uuliyiinta degmada iyo saraakiisha laama ha ammaanka oo ku aadan dhacdaas iyo howl gallada socda.

Dhacdadaan ayaa la yaaab ku noqotay dadka deegaanka, ayada oo xafladdii arooskana ay isku bedeshay goob murugo ah, maadaama ay ka dhalatay dhimasho iyo dhaawac.

Inta badan Afgooye iyo nawaaxigeeda ayaa waxaa inta badan ka dhaca falal amni darro ah iyo weeraro ay ka fuliyaan xoogaga Al-Shabaab oo weli ku xoggan Shabeelaha Hoose.

Si kastaba, dhowaan ayey aheyd markii nin hubeysnaa uu sidaan oo kale rasaaseeyey dad ku sugnaa guri uu ka jiray aroos oo ku yaalla deega anka Qoolaali oo hoostaga magaalada Caabudwa aq ee Gobolka Galgaduud, waxaana halkaas ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Ciidamada Xoogga dalka oo oo la ware egay degaanno hoos taga degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan

Ciidamada Xoogga dalka ayaa howlgallo lagu baacsanayo maleeshiyaadka argagix isada Al-Shabaab, ka wado degaanno ka tirsan Gobalka Hiiraan, ayaa cagta mariyay

goobahii ay kaga dhuumaleey sanayeen degaan ka Qabno ee hoostaga degmada Mataba an.

Ciidamada ayaa ka warhelay in maleeshiyaadka argagixisa da ay isku aruursanayeen degaanka Qabno, wax aana halkaas argagixisada looga dilay Toban ka mid ah argagixisada, halka tiro intaas ka badana looga dhaawacay.waxana ciidamadu ay la ware geen degaanno ay kamid tahy Garmcadde,Beer gadiid, xawaale gacameey iyo degaanno kale hal kaa oo argagixsada ay dadka shacka ah ku dhiba teen jireen.

Ciidamada kumaandooska Danab oo kaasha nayo kuwa marekanka ay sidoo kale duqeeyn Habeen hore ay ka fuliyeen degaan u dhow Hees oo ay si da la sheegay argagixisadu isku aruursaneysay, iyadoo halkaa lagu dilay 40-katirsan maleeshida Al-shabaab halka tira inta ka badana looga dha awcay

Saraakiisha guutada 5-aad, qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga dalka ayaa sheegay inay ka go’ an tahay inay Al-Shabaab ka sifeyaan degaanna da u dhaxeeya degmooyinka Maxaas iyo Matab aan ee Gobolka Hiiraan, halkaas oo beryahii ugu danbeeyay ay howlgallada ka socdeen.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, oo qeeyb ka ah hoggaanka howlgall ada ay Ciidamada ka wadaan inta u dhaxeeysa Matabaan iyo Maxaas, waxaana intii ay socdeen howlgalada lagula wareegay dhowr degaan oo ay horay ugu sugnayeen maleeshiyaadka Al-Shab aab.

Qarax ismiidaamin ah oo Xalay Jowhar ka dhacay iyo khasaare ka dhashay

Qarax is-miidaamin ah ayaa Dorraad ka dha cay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hir-Shabeelle, waxaana qaraxaas faahfaahin ka bixi yey taliska booliska magaaladaas.

Qof isku soo xiray waxya abaha qarxa ayaa is-miidaam iyey, waxaana geeri yooday kaligiis, halka dad ka le oo askar isku dayday inay ka hor tagto is-miidaaminta ay ku dhawacm een.Taliyaha Sal dhigga booliska degmada Jowhar oo la had alay TV-ga Shabeelle ayaa she egay in 2 Askari oo nin ka is qarxiyey ka hor tegey say iyo gabar kale ay ku dhaawacmeen qaraxaas.

"Magaalada bartamaheeda ayuu qaraxu ka dh acay, nin jaakad qaraxda soo xirtay ayaa rabay In uu isku qarxiyo dad shacab ah oo meel isugu te gay, ciidan ka amniga ayaa dadaal ba dan samee yey, dhaawacyadaas seddaxda ah ma rkii laga soo tago dhimasho aan is-miidaamiyaha ahayn ma jirto,” ayuu yiri Taliyaha hadlay.

Goobta uu doonayey inuu isku qarxiyo ninkaas waxaa Hotel City oo ku yaalla bartamaha magaal ada Jowhar, waxaana lagu celiyey banaankiisa, "Hotelka waxaa isugu tagay dad badan oo xaafa daha magaalada ka kala yimid, dhalinyaro badan ayaa isugu tagta oo waa hotel weyn, dadkaas ay uu rabay inuu dhibaateeyo,” ayuu yiri taliyaha boo liska degmada Jowhar. Waa qaraxii 3-aad oo is-miidaamin ah oo mud do 20 cesho gudahood ah ka dhaca magaalada Jawhar, waxayna qaraxyada as geysteen khasaa re dhimasho iyo dhaawacyo leh,kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay qaraxya

dii hore.

Faarax Diiriye Warsame oo loo doortay gudd oomiyaha degmada Cadaado

Gudoomiyaha degmada Cadaado ee G/ Galg aduud ayaa Dorraad loo doortay Faarax Diriye Wa rsame, halka ku xigeenkiisa loo doortay Cabdixa kin Maxamed Cali.Wasiirka arrimaha gudaha Gal mudug iyo masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galay do orashada guddoomiyaha golaha deegaanka iyo ku xigeenkiisa, waxayna kula dardaarameen inay si daacad ah u gutaan masuuliyadda loo doortay.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaa riye Qoor Qoor ayaa u hambalyay maamulka cus ub ee degmada Cadaado. Wuxuu sidoo kale xub naha golaha deegaanka ee degmada Cadaado ku amaanay sida ay u soo door teen hoggaan badala maamul kii hore ee degmada.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in tallaabada gola ha deegaanka ay qaadeen ay dhiiro galin u tahay hannaanka dowladnimada Galmudug, lana joog tayn doono, si dhammaan degmooyinka Galmud ug looga dhaqan galiyo gole deegaan oo soo door ta degmooyinka.

Guddoomiyaha cusub ayaa kamid ahaa musha rraxiinta ugu cadcadaa doorashada, wuxuuna hor ey u ballanqaaday in haddii la doorto uu wax bad an qabandoono Guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa ayaa xilka hayndoona afarta sano ee soo socota.

Faysal Cali Waraabe: Waan ka xumahay in xukuumadu ku dhawaaqdo goobo aan laysla ogolaan

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somalil and ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sheeg ay in xukuumada anay ka wada hadlin goobo ga ar ah oo lagu qabanayo mudahara adka, sida wasiirka isgaadhsiintu sheegay.

Guddoomiyaha ayaa qoraal uu Facebook ku baahiyay ku sheeg ay inanay jirin wax goob ah oo xukuumada iyo mucaaradku ilaa hada isla meel dhige en in muda haraadku ka dhaco, isagoo wax la ga xumaado ku tilmaamay hadal ka wasiir Suufi ee odhanaya "Mu caaradku xafiisyadooda ayay ku mudoharaadayaan".

"Aad ayaan uga xumay in xukuumadu ay ku dhawaaqdo goobo aan laysla ogolaan. majirto wax goob cayiman ah oo wali lagu heshiiyay, wax aana loo balamay in laga wada hadlo berri,warka ka soo baxay xukuumadu wuxuu caqabad wayn ku abuurayaa wadahadaladii jawiga fiican ku bila amay" ayuu yidhi guddoomiye Faysal.

Faysal waxa uu sheegay in arrinta goobaha uu mudaharaadku ka dhacayo lagu gorfayn do ono kulanka Dorraad mar kale dhex mari doona mucaaradka, xukuumada iyo saraakiisha booliis ka, kulankan oo loo balansanyahay 9:00 AM ee Dorraad.

Mucaaradka iyo xukuumada Somaliland ayaa kulan ay Dorraad yeesheen heshiis kaga gaadhay khilaafkii ka taagnaa qabsoomida mudaharaadka, iyagoo isla ogolaaday in mudaharaad nabadgalyo dhaco maalinta Khamiista.

Al-Shabaab oo toogasho ku fulisay 6 QOF + sababta

Dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab ayaa Dorraad fagaare ku yaalla degmada Jilib ee G/Ju bbada Dhexe ku toogtay rag ay kooxdu ku eedey say inay ahaayeen basaasiin u shaqeynayey sir doonnada dowladaha Mareykanka, Kenya iyo Soomaaliya.

Raggaan la dilay oo gaaraya illaa 6 nin ayaa Al-Shabaab waxa ay sha acisay in ay mas’uul ka ahaayeen duqeymo ka la duwan oo lagu beegsad ay kooxda, kuwaas oo ka dhacay deegaanno ka tirsan gobollada Jubbooyin ka oo dhaca koonfurta waddanka Soomaaliya.

Maxkamad hoostagta Al-Shabaab ayaa shee gtay in dhammaan ragga la dilay lagu helay eed eymaha loo soo jeediyey, kadibna xukunkii lagu ri dday Dorraad lagu fuliyey.

Halkan hoose ka aqriso magacyada ragga la toogtay:-

1-Cabdirisaaq Ciise Axmed (Maqas) oo ay Al-Shabaab ku eedeysay inuu la shaqeynayey sirdo onka Mareykanka.

2-Xasan Gaarane Muuse (Dr Ayuub), oo ay Al-Shabaab ku eedeysay inuu la shaqeynayey sirdo onnada Mareykanka, Kenya iyo Soomaaliya, uu na qayb ka ahaa 20 duqeymood.

3-Cabdullaahi Cali Ismaaciil oo ay Al-Shabaab ku eedeysay inuu la shaqeynayey ciidamada uu Mareykanka tababaray ee Bangaraafta iyo kuwa Jubbaland.

4-Shire Yuusuf Xersi oo ay Al-Shabaab ku eedeys ay inuu la shaqeynayey sirdoonka Mareykanka, uuna bixiyey xogta 10 ka mid ahaa saraakiisha Al-Shabaaba

5-Axmed Muqtaar Aadan oo ay Al-Shabaab ku eedeysay inuu la shaqeynayey ciidamada ma amulka Jubbaland.

6-Ismaaciil Cabduweli Cismaan oo ay Al-Sha baab ku eedeysay inuu la shaqeynayey sirdoon ka dowladda Mareykanka.

Kooxda Al-Shabaab ayaa maalmihii la soo dhaaf ay kordhisay dilalka toogashada, waxaana ugu dambeeyey todobadii qof ee bishii hore lagu dilay fagaare ku yaal deegaanka Buulaay ee gobolka Baay, kuwaas oo iyaguna lagu eedeeyey inay aha ayeen dad jawaasiis ahaa.Si kastaba, dhacdooyin kaan ayaa ku soo beegmaya, xilli ay haatan koo xdu sare usii qaaday weerarada ay ka fuliso gud aha dalka iyo kuwa ay ku qaado waddamada Ken ya iyo Itoobiya.

Musharax Cirro oo ka jawaabay eeday nta xu kuumada Somaliland

Musharaxa xisbiga mucaaradka Somaliland ee Wadddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaa hi Cirro, ayaa been abuur ku tilmaamay warka sheegaya in uu ciidamo arg agixiso ah Xamar ka keenay.

Cirro ayaa warka wasiir Kaahin ku tilmaamay kaarto uu dhowr jeer isticmaalay ba lse uu waxba ku waayay, waxaanu sheegay in siyaasadu anay been ahayn.

"Waxa Ina Kaahin Xalay sheegay, waa beentii uu awalba caadeystay ee

wax cusub maaha, waa be en abuur aan sal iyo raad toonna lahayn, waa kaadh aad marar badan xoqday balse aad ku guul darraysatay. Siyaasa dduna been & Qaaxoolaji maaha"ayuu yidhi Ciro.

Wasiir Arrimaha Guddaha Somaliland Maxam ed Kaahin Axmed iyo Cirro ayaa isku maan dhaa fsan halka lagu qabanayo mudaharaadka berri qo rshaysan,isla markaana labada dhinac ayaa eedo warbaahinta isku marinaya. 2-da dhinac ayuu midba dhinaca kale ku eede eyay inuu haysto ciidamo loogu talo galay inay a mmaan ka khal-khal galiyaan.


Wafdiga Madaxweyne Laftagareen oo ka war bix iyay waxa ay ka wada hadleen iyaga iyo Ma daxda dowlad degaanka Soomaalida

Waxaa maalmahan magaalada Jigjiga ku sug naa Wafdiga Madaxweynaha K/ gal beed Soomaaliya Cabdicasiis Lafta gareen, iyagoo kulamo kala suwan la qaatay Madaxweyne Mustafe cag jar, &qaar kamid ah Odayaal dhaqa meedka degaanka Soomaalida.

Haddaba Xildhibaan Axmed Sheekh Maxamed Mashruuc oo kamid ah xildhibaannada la socdey Wafdiga Madaxweyne Laftagareen, ayaa Warba ahinta waxa uu u sheegay inay madaxda DDS ka la hadleen sidii la isooga kaashan lahaa la dagaall anka Ururka Al Shabaab.

" Waxaan ka wada hadalnay sidaan si wada jir ah ula dagaallami lahayn Al Shabaab, meel kasta oo ay joogaan oo kamid ah Soomaaliyana ugu gal no, sidii loo xidid siibi lahaa cadowgaas oo Sooma aliya dhibaateeyey DDSna u gudbay oo dhibaato u gaystay, arrimahaas inaan iska kaashano ayaan ka wada hadalnay madaxda dowlad degaanka So omaalida" ayuu yiri Xildhibaan Mashruuc.

Waxa kale oo uu xildhibaanku xusay in Ciid amo Itoobiyaan ah oo cusub oo Soomaaliya gala ya uusan jirin, balse ay jiraan Ciidamo Itoobiyaan ah oo lagu xoojinayo kuwii horey u joogay nabad sugidda qaar kamid ah degaannada K/albeed S oomaaliya, waa siduu hadalka u dhigay Xildhiba an Mashruuc oo la socdey Wafdiga Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen.

Xildhibaanka oo wax laga waydiiyay imaanshiy aha Wafdiga Madaxweyne Laftagareen ee Itoobiy a, iyo ogaansho la'aanta dowladda dhexe ee Soo maaliya waxa uu xildhibaanku kaga jawaabay in isla xildhibaannada la socda Wafdiga Madaxwey naha ay yihiin kuwo heer federal ah oo ka socda dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Mar xildhibaanka wax laga waydiiyay suurtagal nimada Ciidamo Itoobiyaan ah oo gala Soomaali ya waxa uu sheegay inaysan jirin Ciidan cusub oo Soomaaliya galaya, balse ciidankii hore ee joogay K/galbeed Soomaaliya lagu xoojinayo ciidamo ka le oo Itoobiyaan ah, waa siduu hadalka u dhigay xildhibaanku.

"Itoobiya waxay lafdhabar u tahay halganka ay Soomaali kula jirto cadowga Al Shabaab, wax ayna ahayd dowladdii u horreysay ee dhiiggeeda u daadisa in dowlad Soomaaliyeed taagnaato, la ga bilaabo xilligii ay kuwan iyo Maxaakiimtii ay Ba ydhabo soo galeen ilaa malinkii calanka Soomaali ya laga taagay Villa Soomaaliya, dowladda Itoobiy a iyo ciidankeeduba way noo dhimanayeen, tii u mbaanu ka codsanay inay xoojiyaan, arrintana wa a mid ay si wada jir ah uga shaqaynayaan DFS& dowlad goboleedyada, ee ma aha mid ay qolo go oni ah wadato". ayuu hadalkiisa kusoo xiray Xildhi baan Mashruuc oo kamid ahaa xildhibaannada la socdey Wafdiga Madaxweyne Laftagareen ee Jigj iga ku sugan.

Wafdiga Madaxweynaha K/Galbeed ee Soomaa liya Cabdicasiis Lafta gareen ayaa wali ku sugan magaalada Jigjiga.

Dad ku dhintay Hilib Geel sumeysan oo ay cuneen

Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa geeriyooday 5 qof oo kalena xaaladooda caafimaad ayaa laga deeyrinayaa kadib dadkaas oo ku nool dowlad de gaanka Soomaalida ay cuneen Hilib Geel la sum eeyay.

Dhacdadaan ayaa ka dhacday Santarka Qabri-hanteen oo dhinaca waqooyi 6km ka xigta magaa lada Harta-sheekha ee dhulka dowlad degaan ka Soomaalida oo ay maamusho Itoobiya. Maamulka Santarka Qabri-hanteen & dad weynaha degaan ka ayaa u gurmaday dadka cu nay Hilibka Geella, iyaga oo geeyay Gobaha Ca afimaadka si loola tacaalo xaaladooda Caafimaad.

Ma ahan markii ugu horreey say oo degaanka So omaal ida ay dad u dhintaan hilib sumaysan, hay eeshee 7aad kii hore ayay ahayd ka dib markii ay dad ku sumoobeen hilib Geel oo ay cuneen.

Ilhaan Cumar oo markale guul weyn ka gaartay doorashada Mareykanka

Senator Ilhaan Cumar oo ka tirsan Golaha Con gress-ka dalka Mareykanka ayaa markale wac daro ka dhigtay doorashada isreeb-reebka kurs iga ay haatan ugu tartameyso xisbiga Dimuqura adiga ee ka dhisan waddanka Mareykanka.

Ilhaan oo markale u tartameysa kursiga ay ku fa dhido ee Congress-ka ayaa tartan adag la ga shay mu sharax kale oo kaga adkaatay doorasho ka dhacday xisbiga dhexdiisa.

Doorashadaan ayaa noqonaysa tii ugu adkeyd ee ay gasho, tan iyo in tii ay billowday loolanka siyaasad da Mareykanka, ayadoo dhowr je er laga soo doortay gobolka Minnesota.

Sidoo kale waxay Ilhaan Cumar doorashada dhexe weji doontaa musharax kale oo ka socda xi sbiga Jamhuuriga, taas oo lagu ballansan yahay inay dhacdo bisha November ee 2022-ka.

Waxaa sidoo kale jira 3 musharrax oo kale oo Soomaali ah oo ku soo baxay doorashada hor u dhaca ee xisbiga Dimuqraadiga ee gobolka Minn esota, kaddib markii ay ka soo adkaadeen musha rraxiintii kale ee la tartameysay, sida ay muujine yo natiijada doorashada.

Senator Cumar Faatax ayaa dib u helay kalso onida xisbigiisa, Zainab Mohamed ayaa iyana ku soo baxday doorashadii kurisga Aqalka Sare ee Gobolka Minnesota, halka Samakaab Hussein uu isna ku guuleystay doorashada tartanka xildhiba an Aqalka Hoose ah.

Ilhaan iyo saddexda musharrax ee kale ee Soo maalida ee guuleystay ayaa haatan isku diyar ina ya doorasho adag oo ay kaga hortegayaan xubn aha isbiga Jamhuuriga.

Si kastaba, Ilhaan Cumar oo asalkeedu yahay Soomaali ayaa si weyn uga dhex-muuqata siyaas adda Mareykanka waxaana lagu xasuustaa daga alkii ay la gashay Trump & kooxdiisa

Wararkii ugu dambeeyey natiijada hor u dhaca ah ee doorshada dalka KENYA

Natiijada horudhaca ah ee doorasha madaxwe ynaha dalka Kenya ayaa muujisay loolan adag oo u dhexeeyay labada musharrax ee ugu waaweyn ee ku loolamaya xilka madaxweynaha xilka ka sii dega ya ee Uhuru Kenyatta. Doorashadii Taladi idii ayaa tijaabo muhiim ah u ah xassiloonida dha qaalaha ugu weyn Bariga Afrika ka dib markii labo ka mid ah sad dexdii doorasho ee ugu dambe ysay ayha reeyeen rabshado markii lagu murmay eedeymo musuqmaasuq.

Natiijooyin horudhac ah uu diy aariyay Telefish inka gaarka loo leeyahay ee Citi zen subaxnimadii hore ee Dorraad oo Arbaco ah ay aa muujinayay in labada musharrax ee ugu cadc ad doorashada ee madaxweyne ku xigeenka Wil liam Ruto iyo hogg aamiyaha mucaaradka Raila Odinga ay aad isku gu dhow yihiin codadka ilaa hadda la tiriyay oo ga araya 1.2 milyan oo cod, taasoo ka dhigeysa in ka badan 49% uu midkiiba helay. Musharaxa ku guuleysta doorashada waa in uu helaa 50% oo lagu daray hal cod (50%+1).

Guddiga madaxa-banaan ee doorashooy inka iyo xuduudada ee IEBC, ayaa soo bandhigay saw irada in ka badan 90% foomamka natiijada doora sh ada, kuwaas oo laga soo qaaday 46,663 goob codbixineed.

Guddiga ayaa sheegay in ay aaminsan yihiin in 60% ka mid ah 22.1 milyan oo codbixiyeyaal ah oo is-diiwaangeliyay ay codkooda dhiibteen.

Ciidamada liyuu Boolis oo xir xiray Dhallin yaro & Ganacsato kasoo jeeda degaannada Koonfur Galbeed

Ciidamada dowlad degaanka Soomaalida ee liyuu Boolis ayaa dad farabadan oo isugu jira dha linyaro iyo Ganacsato kasoo jeeda degaannada Koonfur Galbeed waxaa ay ku xir xireen Magaala da Wardheer ee Gobolka doo llo ee dowlad degaanka Soom aalida.

Dadkaan ayaa laamaha Amn iga Gobolka Doollo ay ka gaabsadeen inay ka ha dlaan sababta loo xiray xiray balse qaar kamid ah Ehellada dadkaas ayaa sheegay in lagu eedee yay inay xiriir la leeyihiin dagaalamayaasha Al-Shabaab ee dhawaan weeraray gobolka Doolllo ee dowlad degaanka Soomaalida.

Magaalada Wardheer ee dadka lagu xir xiray ayaa waxaa gacanta ku haya Ciidamada liyuu B oolis ee dowlad degaanka Soomaalida iyo Maa mul millateri ah, waxana goobjoogayaal ay shee geen in xariga dadka Shacabka uu socday maalm ihii la soo dhaafay.

Dhawaan ayaa Saraakiisha Ciidamada liyuu Boolis waxaa ay soo bandhigeen muuqaalada Xu bno kamid ah ururka Al-Shabaab ee weeraray dhulka dowlad degaanka Soomaalida, kuwaas oo sheeganayay inay kasoo jeedaan degaannada Koonfur Galbeed.

Xarigaan Ciidamada liyuu Boolis ay ugu geys teen Magaalada Wardheer ee dowlad degaanka Soomaalida Ganacsatada & dhalinyarada kasoo jeeda degaannada Koonfur Galbeed ayaa kusoo aadaya xilli Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu booqasho ku tegay Magaalada Jigjiga, isaga oo dhiggiisa dowlad degaanka Mustafe Muxumed Cagjar kala hadlay iskaashi la xiriira la-dagaalan ka Al-Shabaab.

Israa’iil Oo Sheegtay Inay Sarkaal Sare Ku Dishay Daanta Galbeed

Militeriga Israa’iil ayaa sheegay in madaxii dee gaanka ee dagaalyahannada falastiiniyiinta ee gu utooyinka Shuhaddada Al-Aqsa lagu dilay howlgal ay Israa’iil ka fulisay Daanta Galbeed ee la haysto.

Ibrahim Nabulsi, ayaa aaskiisa waxa uu ka dhacay isla daanta galbeed.Meydka wiilkan 23 jirka ah oo lagu duu duubay calanka Falastiin, ayaa waxaa lagu dhex waday dad badan oo taageere u ahaa oo ku sugnaa magaalada Nablus.

Ibraahim Nabulsi, oo ah hogaamiyaha kooxda ayaa baxsad ahaa muddo bilooyin ah, oo ay Isra a’iiliyiintu ku eedeynayeen inuu geysanayay weerarro.

Labo kale oo falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerarka ay Israa’iil ku qaaday gurigiisa.

Wasaaradda caafimaadka ee Falastiin ayaa sheegtay in afartan qof oo rayid ah ay sidoo kale ku dhaawacmeen.


TAARIIKHDA SADAXDA SEEFOOD.



Aniga oo Magaalada Oslo joogo ayaa saaxiib adeey oo degan Magaalada Stavanger waxa ey ii soo direen Ticket Dayaarad, waxaan la soo joog ay 24 Saac.

Waxayaabihii aan halkaa ku soo arkay waxa ka mid ahaa Taal ada Sadaxda seefood.( F.S: 1,2 & 3aad).

Maxeey yihi in Saddaxda Seefood?

Wadanka Norway waxaa ka jiray, Hogaamiye Kooxeedyo Maamula Gobala da Dalka, mid waliba waxa uu bedelay Taytalkiisii wakhtigii Vikings. Waxaa uuna la baxay Boqor.

Sida Madaxdii Maamul Gobaledyada Somali du ey ula bexeen Madaxweynayaal. Wadankii Nor awy ayaa kala go’goay. Si Dalka loo mideeyo ay aa Mr. Harold Harfagre waxa uu dagaal ku qaad ay Gobaladii oo dhanna gacantuu ku dhigay.

Kadibna Sanadkii 872 AD ayuu isagu keenay barxadda "Hafrs fjord” waxa uuna ka dhigay hal Dowlad & Gobalo leh Maamul hoosaad u gaar ah oo Madax banaan oo aan ka hor imaan karin Do wlada dhexe. Sidaa ayaa Norway ku horumartay.

Waxaa la qaatay Mabda’a ( Peace, Freedom and Unity) Nabad, Xuriyad iyo Midnimo. Waxa ha lkii lagu shiray laga dhisay Taalada loo yaqaan "Sv erd i Fjeĺl” oo ah "Seefihii Dhagaxa ku dhax jir ay”. Seefahaa oo dhererkoodu dhanyahay 10 me ter kana sameeysan Macdanta Naxaasta. Waana hal kii uu ku dhamaaday Dagaalka sokee ye.( F.S: 4 & 5aad).

FG: Ma laga yaabaa in Somaliya laga helo Hal h ogaamiye oo mideeyo Maamulada Somal ida, ke enana Nabad, Xuriyada iyo Midnimo. Qory aha AK 47-na meel ku wada ururiyo, dhisana Taa lo Saddax AK 47 ah, halkaana dagaal Sokeeye uu ku dhamaado.

Maxaad kuu diidee Alhristoow, Adiguba waad noqon kartaa, Qofkaa Mideeyaha ah.

Qore: Yahya Amir

Biden oo sheegay in go’aanka Finland iyo Sw eden ay xoojin doonto NATO

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa carrabka ku adkeeyay in go’aanka Dowladaha Fi nland iyo Sweden ee ku saabsan ku biirista NATO ay xoojin doonto howlaha isbahaysi gayada.

Biden ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray galinkii danbe ee Dorraad in ku biiritaanka NATO, Dowladaha Finland iyo Sweden ay gacan ka geysan doonto xoojinta xasiloonida adduunka, waxuu intaa ku daray in ku biiritaanka dalalkan ay NATO kaga dhigantahay guul laga ga aray arrimaha dagaalka Ukraine.

Waaxda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay in ku biiritaanka NATO ee dalalkan ay muujineyso sida Washington ay uga go’an tahay gacan ku haynta ammaanka Yurub.

Tani ayaa timid ka dib markii Madaxweyne Biden uu ansaxinta codsiyada Dowladaha Finland iyo Sweden si ay ugu biiraan NATO, tallaabadaas oo lagu ballaarinaayo isbahaysiga reer galbeedka si looga jawaabo howlgalka milatari ee Ruushka uu ka wado Ukrain

Maxaa laga filan karaa xiriirka ITOOB IYA iyo maamul goboleedyada?

Ayadoo muddooyinkii dambeeyey ay isa soo tar ayeen madaxda maamul goboleedyada ee u safr aya Itoobiya, gaar ahaan magaalada Addis Aba ba ayaa waxaa arrintaasi ka dhashay walaac xo ogan iyo hadal heyn ku aadan xiriirka Itoobiya iyo maamul goboleedyada qaar oo ku dhawaaqay iskaashi la xiriira amniga xuduuda. Aqoonyahaan Axmednuur Aadan oo bartay maamulka dowliga ah ayaa shaaca ka qaaday in xiriirka Itoobiya & qaar ka mida maamul goboleedya da dalka uusan waxba soo kordhin eyn, wuxuuna xusay in tegistooda magaalada Addis Ababa aysan ku fadhin micno aad u weyn.

"Waxaan is leeyahay tegistooda macno weyn ma keeneyso dalkaan nidaam ayuu leeyahay Da stuuri ah laba Aqal oo xoog badan ayaa innoo dhi san oo madaxweynihii doortay, marka waxaan is leeyahay waqti uunbey iska luminayaane maamul goboleedyadu waxa xuduuda dhaafsan shaqo kuma lahan, si ufishal ahna heshiis uma geli karaan” ayuu yiri Axmednuur.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay tahay inuu shaqeeyo sirdoonka Soomaaliyeed, si wax lo oga qabto amniga dalka iyo kan xuduudaha, loo na ilaaliyo qaranimada dalkeenna.

"Dowladda Itoobiya cilaaqaad ayaa naga dhe xeeyo waa sax sirdoonka inuu shaqeeyo oo amn igeena shaqeeyo waa nalaga rabaa, laakiin iyad ana si bareer ah oo cad maamul goboleedyadii marti-qaad uma aysan sameyn, qaabilaadda wixii hooseeyana illaa dowladdeena ka adkaato waa wax dhici kara,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Axmednuur Aadan ayaa sidoo kale tilmaamay in shaqada kaliya ee u taallo maamul goboleedya da dalka ay tahay deegaannadooda, isla-markaa na wax kasta oo ka baxsan xuduudaha wadanka ay shaqo ku leedahay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

"Maamullada federaalka ka midka ah shaqada u gu muhiimsan oo laga rabo waa deegaannadoo da inay ka shaqeeyan. Wax xuduuda ka baxsan waa shaqadii ay laheyd dowladda federaalka ah,” ayuu markale wareysigaan ku yiri Aqoonyahan Axmed Nuur.

Hadalkaan ayaa ku soo aadayo, ayada oo haa tan uu madaxweyne Koonfur Galbeed booqa sho ku joogo dalka Itoobiya, kadib markii diyaarad mil atari looga qaaday magaalada Baydhabo, waxay na arrintan lagu macneeyey in Addis Ababa ay do oneyso inay iskaashi la yeelato maamul gobole edyada,ayada oo la xifaaltameyso dowladda feder aalka Soomaaliya.

Wafdi ka socda Mareykanka oo harge ysa u tagaya khilaafka Xukuumadda & mucaarada

Waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda Ma gaalada Hareysa ay soo gaaraan Wafdi ka so cda dowladda Mareykanka, kuw aas oo horay magaalada Hargey sa dhowr jeer u tegay.

Wafdigaan ayaa warar soo ba xaya waxaa ay sheegayaan in xubnaha Xisbiyada mucaaradka Somaliland ay kala hadli doonaan sidii dib loogu dhigi lahaa banaanbax ka dhanka ah Xukuumadda Somaliland ee mucaaradku qor sheysteen.

Mucaaradka Somaliland ayaa hore u hakiyay banaanbax ay shacabka u balan qaadeen, iyaga oo sheegay inay u tanaasuleen Ergadii dhex-dhe xaadinta labada dhinac.

Bilihii la soo dhaafay waxaa aad isugu dhawaa dowladda Mareykanka iyo Somaliland wixii ka dambeeyay markii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu tegay dalka Mareykanka, iyaga oo kala saxiixday heshiisyo dhowr ah oo uu kamid yahay iskaashiga dhanka Amniga.

Xildhibaan u taagan doorashada Kenya oo qof ku dilay goobta codeynta

Booliska Kenya ayaa ku raad-joogaa xildhiba an lagu tuhmayo in uu madaxa ka toogtay nin kaa liye u ahaa mu sharrax kale oo uu tartan kala dhexeeyay. Goobjoogayaal wa xay sheegeen in xildhibaanka deegaanka Kimilili, Didmus Barasa uu madaxa ka toogtay ninka ka dib muran ka dhacay goobta ay ka socotay code ynta oo ku taalla M/Bungoma ee galbedka Kenya.

Waxay booliska u qabteen xildhibaanka in mu ddo 24 saacadood gudahood uu isku soo dhiibo.

Xildhibaan Didmus Barasa kuma cusbo dhacdo noocan ah sanadkii hore ayaa la xiray, waxaana lagu soo oogay dacwad ah in uu weeraray fann aan kamid ah dadka deegaanka.

Didmus Barasa wuxuu horey uga tirsanaa milite riga Kenya.Xigasho:Caasimadda.Net

Waa Kuma Taliye Cusub Ee La Waree gay Hoggaanka Taliska AFRICOM?

Gen. Michael E. Langley ayaa la wareegay xil ka taliyaha taliska ciidamada Mar eykanka u qaabilsan Afrika ee loo soo gaabiyo AFRICOM, xaflad ka dhacday magaalada Stuttgart ee dalka Jarmalka.

"Sharaf ayey dhab ahaantii ii tahay inaan horti ina istaago anniga oo ah taliyaha cusub ee AFRI COM,” ayuu Langley ka yiri xafladdii xil waree jinta.

"Waxaan rajeynayaa inaan qaato mas’uuliyad da hoggaaminta xirfadlayaashan kartida leh ee AFRICOM iyo dhammaan qaybaheeda kala duw an, innaga oo garab taagan saaxiibadeena iyo xul ufadeena si aan u horumarinno nabadda iyo barwaaqada Afrika iyo Maraykanka labadaba.”

Langley ayaa noqday taliyihii lixaad ee AFRI COM, tan iyo markii taliska la aasaasay 2008.

Langley oo kasoo qalin jebiyey jaamacadda University of Texas ee Arlington ayaa markii ugu horreysay kusoo biiray ciidamada Mareykanka 1985-kii.

Munaasabadda xil-wareejinta ayaa waxaa goo bjoog ka ahaa xoghayaha gaashaandhigga Mare ykanka Lloyd J. Austin III iyo 400 oo marti oo ka kala yimid caalamka oo idil.

Hadal uu ka jeediyey munaasabadda ayuu Aus tin ugu mahadceliyey taliyaha xilka ka degay ee AFRICOM Gen. Stephen Townsend, isaga oo ku ammaanay hoggaamintiisa ka go’naansho ee 3dii sano ee lasoo dhaafay Taliska AFRICOM ayaa ah mid ka mid ah toddobada talis ee Waaxda G/dhigga Mareykanka, wuxuuna mas’uul ka yah ay howlgallada dagaal, dhoolatus, iskaashiga

amni, ka jawaabidda xasaradaha deg degga ah ee Africa iyo sare u qaadista danaha Mareykanka ee gobolka.

Taliska AFRICOM ayaa D/Soomaaliya ka caaw iya la-dagaalanka kooxda Al-Shabaab, ayaga oo fuliya duqeymo ka dhan ah kooxdaas, sidoo kale na tababar siiya qaar ka mid ah ciidamada Som..

QM oo loogu baaqay inay wax ka qabtaan warshadda Nukliyeerka Ruushka.

Wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka warshadaha ku horumaray ee G-7 ayaa ka digay in gacan ku haynta Ruushka ee warshadda tam arta Nukliyeerka ee Ukraine ay si weyn sare ugu qaadayso hal ista shil nukliyeer ah amaba mid ku talo gal ah Iyagoo muuj inaya dareenkooda, waxay ugu

Baaqeen Ruushka inuu si degdeg ah Ukraine ugu wareejiyo warshadda.

Xarunta iyo hareeraheed ayaa waxaa todoba adkii hore lala beegsaday duqeymo uu dhinac wa lba ku eedeynayo dhinaca kale. Ruushka ayaa ku baaqay in Golaha Amma anka ee Qaramada Midoobay uu berri oo Khamiis ah kulan ka yeesho xaaladda warshadda Nukl iyerka.



LIXDA DAL EE KA MACAASHAY DAGA ALKA KA SOCDA UKRAINEDagaalka mudada dhowrka bilood ka aloosan dalka Ukraine ayaa sababay qasaare nafeed, mid hantiyeed, cunto yari iyo sare u kac dhanka tamarta ah, kaasoo sigaar ah u saameeyey dhinacyada dagaalamaya guud ahaana aduunka intiisa kale. Dagaalkan oo ay si dadban iyo si toos ahba ay ugu lug-leeyihiin dhinacyo farabadan ayaa sida muuqata ka daba-dheeraaday waqtigii uu Ruushku

 

u saadalinaayey inuu kusoo idlaado, asagoo iska caabin wali kala kulmaya dagaalyahanada u dhashay Ukraine iyo dagaalyahano ajaanib ah oo ka garab dagaalamaya. Culeyska ugu baaxada weyn waxuu ku dhacayaa dowlada iyo shacabka Ukraine oo sida la dheehan karo dhexda u galay mowjado colaadeed oo aysan talo mugweyn kulaheyn qaabkii ay uga samata bixi lahaayeen iyo qaabkii ay usoo celin lahaayeen Ukraine madax-banaan oo nabdoon taasoo sida hada loojeedo gacanta ugu jirto ciyaaryahano shisheeya ah oo markahore danahooda ka fushanaya dalka iyo dadka Ukraine.

Muhiimada qormadu maahan inaan kala xukmino yaa kusaxan ama kuqaldan dagaalka Ukraine oo jawaab ahaan ku xiran hadba meesha uu qofka ka jawaabaya aragti ahaan ka taagan yahay siyaasadda caalamka ama barbaarinta siyaasadeed ee qofka (Personal Political Socialization). Ujeedku waa inaan isla fahano in dagaallada ama khilaafaadka caalamka ka dhaca ay ku lug-leeyihiin hay’addo farabadan oo dowli ah iyo kuwa aanan dowli aheyn intaba, ayagoo danahooda gaarka ah ka fushada hadba dalkii kusoo dhaca dabinta colaada iyo fashilka. Dabcan dagaalka ka socda Ukraine kama aysan marneyn maskax, muruq iyo maal-galin shisheeya danta ay rabaanba haka yeeshaane, waxaase xusid mudan oo xaqiiqo ah inay dowlado farabadan siyaabo kaladuwan uga macaasheen dagaalka Ukraine, anagoo tusaale usoo qaadaneyna kuwaan hoose.

1. Mareykanka: dalka Mareykanka waa dal uu dhaqaalihiisu ku xiran yahay mowjadaha siyaasadeed ee hadba caalamka ka dhacaya maadaama dhaqaalaha dalkaas ay majaraha u hayaan shirakado waaweyn oo gaar loo leeyahay kuwaasoo macaashka iyo qasaaraha saamiyadooda ay go,aamiyaan dhaq-dhaqaaqyada dowladoodu kasameyso gudaha iyo dibada. Waxii ka danbeeyay dhamaadka Dagaalkii Qaboobaa (Cold war) waxaa aad hoos ugu dhacay qarashaadka ay dowladaha Yurub ama kuwa NATO ku bixiyaan dhanka difaaca ama gaashaan-dhiga ayagoo u arkayey inaysan jirin khatar kusoo wajahan, talaabadaas Mareykanku kuma uusan qanacsaneyn maadaama uu hoos u dhacay iibka hubka shirkadihiisa asagoo ku cadaadin jiray dalalka ku bahoobay NATO inay ugu yaraan 2% gaarsiiyaan yabooha miisaaniyadooda gaashaan-dhiga. Hadaba, dagaalka uu Ruushka ku qaaday Ukraine waxay soo nooleysay cabsida dalalka Yurub iyo NATO ayagoo ku qamaamay iibsashada hubka oo suuqiisa ugu weyn kuyaalo Mareykanka. Ciyaarta xeeladeysan ee shirkadaha Mareykanka ciyaarayaan ayaa ah in dow ladoodu ku dhawaaqdo deeq lasiinayo Ukraine, Congresska oo si dadban ula shaqeeya shirkadaha hubkana ay si aqlabiyad ah u meel mariyaan kadibna uu Aqalka-cad deeqdaas go,aamiyo waxa lagu iibinaayo oo dabcan inta ugu badan hub looga iibiyo isla shirkadaha hubka soosaara sidii dhacday bishii April markii Mareykanku Ukraine ugu deeqay 33 bilyan oo dollar ayadoo 20 bilyan loo qoondeeyay in hub kaliya lagu iibiyo 13 bilyanna dhaqaalaha Ukraine lagu kabo.

Dagaalkan ayaa sidookale Mareykanka u suuragaliyey inuu go,doon dhaqaale galiyo Ruushka maadaama ay xayiraad dhaqaale iyo mid xiriir Ruushka kusoo rogeen dowladaha ugu dhaqaalaha balaaran aduunka. Ruushka ayaa dagaalka Ukraine ku muteystay in laga saaro ururo iyo hey’addo farabadan oo uu qeyb ka ahaa ayadoo loo arkayo inuu jabiyey xeerarkii iyo hab-dhaqankii lagu heshiiyey taasoo markale farxad galineysa Mareykanka.

Faa’ido kale ayaa ah in Mareykanku dagaalka Ukraine kutijaabiyey ama kudarsey qaabka ay ciidamada Ruushka u dagaal galaan, hubka ay isticmaalayaan, xeeladooda, marinada shixnadaha


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip