Madaxwenayaasha Koofur Galbeed Iyo Dowladd Deegaanka Oo Heshiis Culus Gaaray.

0
Monday August 08, 2022 - 15:52:02 in Wararka by
  • Visits: 278
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwenayaasha Koofur Galbeed Iyo Dowladd Deegaanka Oo Heshiis Culus Gaaray.

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Madaxweynaha Dowladda deegaanka Soomaalida Mustaf Cagjar iyo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Laftagareen, oo ku sugan Itoobiya ayaa ka wada hadlay xaalada amni xadka xili dhawaan Al-Shabaab dagaal culus ku qaaday Dowlad deegaanka kadib markii ay ka tallaabtay xadka Gobalka Bakool.

Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen xubno ka socda labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray arrinta xadka iyo sidii ay isaga kaashan lahaayern dagaalka ka dhanka ah shabaab oo labada maamulna caqabad ku ah.

Qoraal ay madaxtooyada dowlad deegaanka ka soo saartay heshiiska ayaa lagu sheegay in la iskula qaatay sidii Alshabaab looga sifeyn lahaa xuduudda ay wadaagaan labada deegaan.

"Iyada oo laga duulayo heshiiska iskaashi ee dhanka amniga ee ka dhexeeya labada dal ee Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa kulan ku dhexmaray Madaxweynaha DDS iyo dhiggiisa Dowladd-goboleedka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya, kulanka ayaa salka ku hayo sidii Alshabaab looga sifeyn lahaa xuduudda ay wadaagaan labada deegaan.” ayaa lagu yiri qoraalka.

Si kastaba, Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdi Casiis Lafta-Gareen ayaa Jimcihii diyaarad milatari oo gaar ah looga qaaday Baydhabo, waxaana maalmo kahor uu qaabilay saraakiisha ugu sareysa ee sirdoonka Itoobiya, iyadoo ay xigtay heshiiskan.

Mustafe Maxamuud Cumar Cagjarayaa hore ugu dhawaaqayin si looga gaashaanto duullaanka Shabaab ay ciidamadiisa samayn doonaan aag ka caaggan aragaggaxisada oo aan ahayn dhulka dowlad deggaanka Soomaalida, lamana oga in heshiiskan uu arrintaasi daba socdo.

madaxwenayaasha koofur galbeed iyo dowladd deegaanka oo heshiis culus gaaray.madaxwenayaasha koofur galbeed iyo dowladd deegaanka oo heshiis culus gaaray.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip