Dayax-gacmeed ay gabdho keli ah sameeyeen oo hawada sare loo diray

0
in Wararka by
  • Visits: 231
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dayax-gacmeed ay gabdho keli ah sameeyeen oo hawada sare loo diray

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Dayax-gacmeedka Azadi (SAT 750) oo lagu sameeyeey dalka Hindiya ayaa hawada sare loo diray maanta oo Axad ah.

Sameynta Dayax-gacmeedkan waxaa iska kaashaday gabdho arday ah oo ka kooban 750 oo ka kala yimid 75 dugsi oo ay dowladdu leedahay wax ka dhigta.

Mashruuca Dayax-gacmeedkan lagu sameeyey oo qayb ka ah munaasabadda Amrit Mahotsav oo lagu xusayo sanad guurada 75-aad ee ka soo wareegtay maalinta dalka Hindiya uu xorriyadda ka qaatay gumeystaha dalka Hindiya.

Haddaba Dayax-gacmeedkan wuxuu Dayax-gacmeedyada horay dalkaasi looga sameeyey uu uga duwan yahay sameyntiisa waxaa iska kaashaday 750 arday oo gabdha ah oo wax ka barata dugsiyada ay dowladdu leedahay.

Sameynta Dayax-gamedkana waxaa gabdhaha gacan ka siiyey shirkad loogu magac daray ‘Space Kids India’.

Shirkaddaasi oo horay u sameysay gaadiid yar oo loogu tao galay hawada sare in loo isticmaalo, balse Dayax-gacmeedkan uu yahay kii ugu horreeyey oo hawaada sare loo diroo oo ay shirkaddaasi sameysay.

Qaybta Shey baarka

XIGASHADA SAWIRKA,SPACE KIDZ INDIA

Dayax-gacmeedka xilligi hawada sare looga dirayey xaruunta Dayax-gacmeedyada laga diro ee Satish Shawan waxaa goob joog u ahaa 400 oo gabdhood oo ka mid ah hablihi sameeyey.

Dayax-gacmeedkaasi oo uu miisaankiisu yahay 8 kiilo waxaa sida oo kale ku rakiban kaameerooyin wax duubo iyo saxamo ceedceedda ku shaqeeyo uu tamarta ka qaato.

Waxaa sida oo kale Dayax-gacmeedkaasi loo sameeyey agab isgaarsiineed oo goob walba lagala xiriiri karo.

Maareeyaha hay’adda Dayax-gacmeedka Hindiya Srimathi Kesson oo BBC u warrantay waxay sheegtay "Azadi waxay ka dhalatay SAT 750 oo ay gabdho sameeyeen, waxayna rumeeyeen riyadoodi ahayd iney horay u socdaan. Ardayda gabdhaha ah ee ka tirsan dugsiyada dowladda oo qaybaha kala duwan ee dalka Hindiyaa ayaa ku lug lahaa sameynta mashruucan Dayax-gacmeedka, waana inaan baahinnaa wacyigelinta la xiriirta cilmiga Sayniska.”

Dayax-Gacmeed

XIGASHADA SAWIRKA,SPACE KIDZ INDIA

Sameynta Dayax-Gacmeedkan gabdha oo keli ah ay sameyntiisa ka qayb qaateen wuxuu qaatay muddo 6 bilood ah.

"Ujeeddada mashruucan laga lahaa laguna guuleystay wuxuu ahaa in cilmiga Sayniska aan jaamacadaha lagu koobin oo dugsiyada hoose loo dhaadhiciyo isla-markaana gabdhaha doorka ay horumarinta sayniska ku yeelan karaanna la xoojiyo si looga dhiirrageliyo mustaqbalka iney ka qayb qaataan masharriicda kale ee dayax-gacmeedka dalka Hindiya uu yeelanayo,” ayey tiri Srimathi Kesson

Gabdho oo keli ah in lagu soo koobo sameynta dayax gacmeedka Azado (SAT 750) waxaa looga gol lahaa in la jabiyo dhaqammada xunxun ee dumarka Hindiya liidaya kana hor istaagaya waxbarashada iyo guud ahaan sinnaanta Jinsiga.

"Aniga waxaan guursaday marki ay da’deydu ahayd 18 jir weliba guur qasab ah waxaana nolosha iga soo maray caqabado aad u badan haddey ahaan lahayd xagga jinsiga iyo xagga waxbarashada intaba marka waxaan mashruucaan u hirgelinnay gabdhaha Hindiya inaan tusno waddada keli ah ee ay caqabadaha haysta uga gudbi karaan iney tahay waxbarsho,” ayey tiri Maareeyaha hay’adda Dayax-gacmeedka Hindiya Srimathi Kesson oo BBC u warrantay.

Qaar ka mid ah hablaha Dayax-gacmeedka sameeyey

XIGASHADA SAWIRKA,SPACE KIDZ INDIA

Gabdhaha dalka Hindiya waxay la kulmaan caqabado badan oo dhanka nolosha iyo dhanka bulshada, waxayna weli u dagaallamayaan sidi ay u heli lahaayeen xorriyadda sinnaanta jinsiyadeed ee ay leeyihiin balse weli fari kama qodna.

Srimathi ayaa tiri, "Waan ku raacsanahay in gabdhuhu aysan weli helin xorriyad buuxda, laakiin sidoo kale gabdhuhu waxay gaareen guulo badan, isbeddello badanna way dhaceen. Maanta waxaan awood u yeelannay inaan hawada sare u dirno Dayax-gacmeed hablo oo keli ah ay sameeyeen, taa lafteeda waa guul weyn oo noo soo hoyatay."

Dalka Hindiya ayaa u dabbaldagayaa sanadguurada 75-aad ee ka soo wareegtay maalinta uu xorriyadda qaatay, xilli ay kala bar shacabka dalkaasi ku nool oo haweenka ah ay la kulmayaan caqabado nololeed oo dhinacyad badan uga imanaya.

XIGASHO:-BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip