HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA OO AH AXAD 7-DA AGOOSTO 2022-KA

0
Sunday August 07, 2022 - 08:42:23 in Wararka by
  • Visits: 432
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA OO AH AXAD 7-DA AGOOSTO 2022-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Kulan Deg Deg Ahaa La Qaatay Saraakiisha Ciidanka, Amarrana Soo Saaray.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soo maaliya ahna Taliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeer shaqo ku tagay Taliska Ciidanka Booliska Soomaal iyeed ayaa ku adkeeyey hirgelinta, horumarinta iyo ilaalinta shuruucda dalka si ay tusaale wanaagsan ugu noqdaan bulshada Soomaal iyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dow laddan cusub ee uu hoggaamiyo ay xoogga saarey so labo istiraatiijiyadood oo lagula dagaallamayo arg agixisada, si looga ciribtiro guud ahaan dalkeenna, taas oo ay laf-dhabar u yihiin Ciidanka Booliska Soo maaliyeed, qeybaha kala duwan ee bulshada iyo dhammaan Ciidamada Qalabka Sida.

"Dowladdaan cusub waxaa u degsan labo siyaa sadood oo ay argagixisada kula dagaallameyso, wax aan rabnaa in aan kula dagaallanno hab fikri ah, diini yan ah, waddaniyad ah oo aan dadka Soomaaliyeed ku tusineyno beenta ay wadaan argagixisada. Sidoo kale waxaan rabnaa in aan kala dagaallanno ilaha ay ka helaan dhaqaalaha, annagoo hab sharciya u mareyno, dadka Soomaaliyeedna ku qancineynno in aan la aqbaleynin in ay argagixisada dhaqaale siiy aan”

Madaxweynaha oo salaan sharaf ka qaatay cutub yo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ku bogaadiyey Taliska Booliska shaqada wanaagsan ay u hayan Qarankooda, isagoo ka dhageystay warb ixinno ku saabsan xaaladda guud ee amniga dalka, sharciyadda booliska, hannaanka shaqo ee Taliska Booliska, baahiyaha Ciidamada, caqabadaha ka haysta qalabka ay ku shaqeeyaan iyo dagaalka ka dhanka ah Argagixisada.

"Dowladdu waxaa ahmiyad gaar ah siineysaa hor umarinta shuruuc ciidamada dalka si loo helo sharc iyo la jaanqaadi kara hababka casriga ah ee ay wa qtigan u shaqeeyaan hay’adaha ammaanka ee caala mka, taas oo fududeyneysa xaqiijinta hadafka guud ee ilaalinta amniga dalka. Ciidamada Booliska Soom aaliyeed waxaa laga rabaa in ay hormuud u noqda an ilaalinta shuruucda ciidamada, dhaqan-gelinta xe erarka guud ee dalka, dhowrista sharafta, karaama da iyo xorriyada muwaadiniinta Soomaaliyeed xilliy ada shaqada Qaranka.”

Madaxweynaha JFS Md. Xasan Sh.Maxamuud oo kulan gaar ah la qaatay Taliska guud ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Talisyada hoggaannada, Taliyeyaasha ciidamada gaarka ah iyo Taliska qeyb ta guud ee Booliiska Gobolka Benaadir ayaa ku ad keeyey in ay xoojiyaan dadaallada lagu xaqiijinayo amniga caasimadda iyo guud ahaan dalka, waxa uuna hoosta ka xariiqay Madaxweynuhu muhiimad da ay dowladdu siineyso qorshaha ku saleysan xooj inta wadashqeynta shacabka iyo hay’adaha dowlad da ee ay booliska ugu horreeyaan.

Ra’iisal Wasaare Barre oo qaabilay farshaxa mii staha da’da yar ee Maslax Arts

Ra’iisal Wasaaraha XFS Md. Xamse Cabdi Barre ayaa Dorraad Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho ku qaabilay farshaxamiistaha da’da yar ee ee Maslax Cabdi Daahir (Maslax Arts). Ra’iisal Was aaraha ay aa ku bogaadiyay in uu sii wa do soo ban dhigidda sawirra da ka hadl aya horumarka dal ka, hiddaha iyo dhaqanka.

"R/Wasaaraha XFS, Md. Xa mse Cabdi Barre ayaa dhiirigeliyay hal abuurka xirfa dda ku dhisan ee Maslax Cabdi Daahir (Maslax Arts) ,wuxuuna ku bogaadiyay in uu sii wado soo bandhig idda sawirrada ka hadlaya horumarka dalka, hiddaha iyo dhaqanka.” Ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay bogga Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha. Maslax Arts waa nin dhallinyaro ah, kaasoo aad u xiiseeya in uu xir faddiisa u adeegsado is bedelka bulsho. C/Raxmaan Cabdishakuur oo Dorraad gaaray Degmada

Ergeyga Gaarka ee Arrimaha Bani’aadanimada iyo Gurmadka Abaarah Cabdiraxmaan Cabdishaku ur Warsame ayaa Dorraad gaaray Degmada Cadaa do ee Gobolka Galgaduud

Ergeyga ayaa Maamulka Degmada Cadaado ka dhageystay warbixin ku aaddan xaaladdaha abaar eed ee ka taagan duleedka degmadaasi. Ergeygu wuxuu kormeer ku tegay xeryo barakacayaal oo ku yaala duleedka Cadaado, sida xeryaha Bari iyo Xar ardheere oo barakacayaasha ku jira ay u badan yihi in carruur, haween iyo dad da’ ah, oo u baahan gar gaar iyo garab istaag degdeg ah.

Dadkan ayaa waxaa isugu darsamay abaar iyo colaad ay sababeen kooxaha argagixisada.

Waxa uu sidoo kale Ergeygu booqday Isbitaalka gu ud ee Degmada Cadaado oo lagula tacaalayo carr uur ay saameysay nafaqo darrada ka dhalatay abaar aha ka jira gobolka.

Dadka abaarta ka soo barakacay ayaa ah kuwo nolol ahaan aad u hooseeya, oo ay duruuf xooggani ka muuqato, keliya maahan nafaqo darro waxa haya ubadkaas,i balse waxaa u sii dheer xanuunada fa afa, sida jadeecada IWM.

Cadaado ayaa waxaa ku soo barakacay dad gaaraya 31,000 oo abaaruhu ceyrteeyeen, k adib afar xilli roobaad oo baaqday, cunto yarida iyo naf aqo-xumada ayaa la filayaa inay ka sii darto, haddii

Maraykanka Oo $127 Million Oo Dollar Oo Cusub Ugu Deeqay Qaaradda Afrika

Sarkaal sare oo ka tirsan dawladda Maraykanka ayaa sheegay in sare u kaca ku yimi cuntada adduu nku, inuu si aad u daran u saameeyey dalalka Afrika ee saxaraha ka hooseeya, iyada oo sare u kaca qiim aha cuntada uu sababay duullaankii uu dalka Ruushku ku qaaday dalka Ukraine.

"Qiimaha cunnada ee dunidu wu xuu 23% ka sarreeyaa qiimihii uu joogay sannad ka hor, laakiin sare u kacaasi wuxuu si xun ugu dhuftay ama looga dareemay dalalka Afr ika ee saxaraha ka hooseeya, waxaana qiimaha cu ntada lagu iibsado ay sare u kacday illaa 40%” ayay tidhi danjire Linda Thomas-Greenfield oo ah ergeyga dawladda Maraykanka u qaabilsan Qaramada Midoo bay oo ku sugan dalka Ghana.

Thomas-Greenfield inkasta oo ay tahay ergeyga dawladda Maraykanka u jooga Qaramada Midoobay, haddana sidoo kale waa xubin ka tirsan Golaha Was iirada ee Madaxweyne Joe Biden, waxay safar qaa danaya afar maalmood ay ku joogtaa qaaradda Afr ika, iyada oo booqanaysa dalalka Uganda, Ghana, iyo Cabo Verde. Inta ay ku jirto booqashadeeda, wa xaa la filayaa inay kulamadeeda diiradda ku saarto saameynta cunnada ee dunida iyo amni darrada ka jirta qaaradda

Gargaarka bini’aadanimo aan kor loo qaadin, la na joog teyn. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ugu baaqay shac abka Soomaaliyeed, kuwooda wax ha ysta, DFS, de eq-bixiyaasha, hay’adaha Q/ Midoo bey iyo NGOs-ka caalamiga ah in ay gurmad degd eg ah gaarsiiyaan dadka tabaaleysan ee ku sugan Cadaado, si macalusha soo wajahan looga hortag o.

Maxay culumadii Xalay u tagay la wadaa geen madaxweyne Xasan Sheekh?

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxam uud ayaa Xalay Madaxtooyada kulan wadatshi ah kula qaatay qaar ka mid ah culumada Soomaaliyed.

Madaxweynaha ayaa culumada uga warbixiyey mudnaanta uu siinayo adkeynta xiriirka dowladda iyo culimada, isagoo tilmaamay muhiimadda ay u leeyihi in la dagaallanka fikirka xagjirnimada iyo toosinta dowla dnimada.

"Madaxweynaha ayaa culimada Somaaliyeed ku bogaadiyey doorka wanaagsan ee ay ka qaataan wa cyi gelinta, waxbaridda iyo dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed, waxa uuna ku am maanay kaalinta ay ka qaadana yaan gurmadka abaaraha iyo taa kulaynta dadka danyarta ah,” ay aa lagu yiri qoraal ay madaxtooya du ka soo saartay kulankaas.

Dhankooda culimada uu la kulmay waxay la wa daageen Madaxweynaha talooyin ku aaddan dowlad dhiska, horumarinta dalka iyo la dagaallanka fikirka xagjirnimada ah, iyaga oo tilmaamay sida ay dowl adda ugala shaqeynayaan xaqiijinta "Soomaali he shiis ah.”

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa dad aal ugu jira sidii ay bulshada ugu qanci la haayeen xukuumadda cusub ee berri la hor geynayo golaha shacabka, si codka kalsoonida loogu qaado.

Dowladda Somalia Oo Taageero U Muujisay Shii naha Oo Ay Is-Hayaan Mareykanka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale Dorraad waxaa ay ku celisay taageerada joogtada ah ee ay u hayso madax-bannaanida dowladda Shii naha, madaxbannaanida siyaasadeed, madaxba nnaanida dhuleed iyo midnimo qaran ee dalkaas uu leeyahay.

Qoraal kasoo baxay Wasaarad da arrimaha Dibadda Xukuumadda Somalia ayaa waxaa lagu caddeey ay in DFS ay si buuxda ula garab taagan tahay Jam huuriyadda Shacbiga Shiinaha si ay u difaacdo mad ax banaanideeda iyo wadajirkeeda dhuleed.

Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale cadeysay mowqifkeeda adag ee ku aadan in la ixtiraamo siyaa sadda hal-abuurka ah ee Shiinaha, iyadoo u aragta in Taiwan ay tahay qeyb ka mid ah dhulalka Shiin aha, kuna baaqday

"Soomaaliya ayaa xiriir soo jireen ah la leh Shii naha, iyadoo iskaashiga labada dal ee saaxiibada ah ay ku kala soocan yihiin dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo horumarinta ee faa’iidada guud, iyadoo ay sii dheer tahay isku xirka jagooyinka heer gobol iyo heer caalami” ayaa lagu yiri War-saxaafa deedka kasoo baxay Wasaaradda.

Gaba-gabadii Wasaaradda arrimaha Dibadda Xu kuumadda Soomaaliya ayaa ku baaqday in loo hog gaansamo qaraarrada Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ee khuseeya.

 

Dowladda Kenya oo fulisay qodob ka mid ah heshiiskii ay la gashay Xasan Sheekh

Dowladda Kenya ayaa fulisay qodob kamid ah heshiiskii ay dhawaan la saxiixatay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheeh Maxamuud.

odobka ay fulisay Kenya ayaa la ah in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee haysta baasaboorada Diplomatic iyo Service ay hadda kadib Visa-ha Kenya ka qaa dan doonaan gudaha garo onka diyaaradaha (On Arr ival).

Warqad kasoo baxday hey’ adda duulista rayidka ee do wladda Kenya ayaa diyaa radaha lagu amray inay la socdaan in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee haysta Diplomatic ama warqad ka haysta wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaa liya inay soo qaadi karaan maadaama loo ogolaaday inay VISA-ha ka qaataan gudaha garoonka.

Tallaabada ay qaaday dowladda Kenya ayaa ku soo aadeysa xilli dowladda Soomaaliya ay fulisay he shiiskii ay Kenya la gashay ee ahaa in dib loo fasaxo ganacsiga qaadka.

Dalka Kenya ayaa waxaa si maalin leh ah ugu sa fro muwaadiniin badan oo Soomaali ah waana mee sha ugu badan oo ay u safraan dadka Soomaa liyeed.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib usoo celiyey xiriirka So omaaliya iyo Kenya kadib muddo 5 sano ah oo uu xu maa xilligaas oo uu dalka madaxweyne ka ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Halkaan hoose ka akhriso warqadda kasoo baxday Kenya

Wasiiradda magacaaban oo kulamadii ugu dam beeyay ee kalsooni raadinta ah ka wada gudaha magaalada Muqdisho

Saacadahii lasoo dhaa fay waxaa si weyn guda ha magaalada Muq disho looga dareemayay kula mo gooni gooni ah oo ay wad een wasiiradda mag aca aban ee Xukuum adda Fedaraal ka Soom aaliya.

Kulamada ay wadaan Wasiira dda magacaab an ay aa waxa ay la kala qaadanayeen Xildhibaan ada ku matala beelaha ay kasoo jeedaan Baarlam aanka Fe daraalka Soomaaliya, si ay u taageeraan Xukuumad da cusub ee raysal wasa are Xamse Cabdi Barre.

Wasiiradda ayaa intooda badan ku guuleystay iney taageero iyo garab istaag ka helaan Xildhibaa nada ku matala Baarlaamaanka Soomaal iya, waxaa na wasiiradda haatan kulamadii ugu dambe eyay Mu qdisho ka wada ay kala yihiin Wasiirrada kasoo jee da deegaanada Puntland, Jubbaland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed, kuwaas oo raadinaya sidii loo ansixin lahaa Xukuumadda cusub.

Raysal wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka mid ah masuuliyiinta maalmahii lasoo dhaafay kulamada la qaadanayay Xildhib aann ada ka tirsanBaarlamaamka Soomaaliya, waxaana la sheegay in la isku afgar tay in wasiirrada codka kalsoonida la siiyo, hayee shee lama oga maalinta la horgeyn doono Baarlamaanka Soomaaliya Golaha wasiiradda cusub si ay ugu qaadaan codka kalsoon ida.

Mareykanka oo eedeymo kulul u jeediyay Shiinaha

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, An tony Blinken ayaa Shiinaha ku eedeeyay inuu ku ka cay masuuliyad darro, ka dib markii uu Shiinuhu she egay inuu joojiyay wadiiqooyinka xiriirkii ay Beijing la laheyd Washington.

Shiinaha oo aad uga carooday booqashadii Afhay eenka Aqalka Wakiilada Mareyka nka, Nancy Pelosi ee Taiwan ayaa Jimichii ku dhawaaqay inuu joojiyay Iskaashigii iyo wada shaqayntii ay Mareykanka ka lahaayeen arrimo ay ka mid yihiin iskaashiga gaash aandhigga, ka hortagga dembiyada xuduudaha, ka ganacsiga daroogada iyo is bedelka cimilada.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka oo ku sugan Magaalada Manila ee dalka Philippines ay aa sheegay in Beijing ay ku degdegtay tallaaboo yinka ay qaaday, ha yeeshee ay Washington ka foga an doonto wax kasta oo xaaladda kaga sii dari karta.

"Tan iyo markii uu Shiinuhu bilaabay inuu rido ga ntaalada, Beijing waxay qaaday tallaabooyin masu uliyad darro ah, waxay joojisay sideed dhinac oo labada dal ay si toos ah uga wada shaqayn jireen.” Ayuu yiri Xoghayaha.

Antony Blinken ayaa yiri "Wada shaqayntaasi ay aan uga baaqsan jirnay is faham waa iyo inay dala lkeena ka dhex dhalato xasarad hor leh. Waxaan si doo kale iska kaashan jirnay la dagaalanka dembi yada iyo ka hortagga daroogada, kuwaas oo badbaa din jiray nolosha muwaadiniinta Mareykanka, Shiin aha iyo weliba dalal kale oo caalamka ah. Waxay sidoo kale Beijing ay joojisay iskaashiga aan ka lah ayn is bedelka cimilada.”

Waxa kaloo uu yiri "Dalka hawada ku sii daaya Carbone-ka ugu badan ayaa hadda diidan inuu naga la shaqeeyo wax ka qabashada xasaradda cimi lada.”

Blinken ayaa Beijing ku eedeeyay inay qaadeyso tallaabooyin ay dooneyso inay ku bedesho nidaamka la isla ogolyahay ee hadda ka jira gobolkaasi.

"Ma jirto wax sabab ah oo lagu macnayn karo falcel intan militari ee xad dhaafka ah iyo isku dheelitir la’aanta. Hadda waxay qaadeen tallaabooyin halis ah oo heer cusub ah.” Ayuu Blinken ku sheegay shir jaraa’id oo Caasimadda Manila uu ku qabtay.

Nancy Pelosi ayaa noqotay masuulkii ugu sarre eyay ee Mareykan ah oo booqda jasiiradaasi, markii ugu horreysay muddo 25 sano ah.

PUNTLAND oo maalmaha fasaxa toddobaad ka ka bedeshay Khamiis iyo Jimce

Madaxweynaha maamul gobaleedka Puntland Sic iid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne ku-xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Dorraad shir guddoomiyey shirka golaha wasiirrada, kaasi oo laga soo saaray go’aan ku saabsan maal maha fasaxa ee toddobaadka.

Shirka Golaha Wasiirrada ayaa todobaadkaan diiradda waxaa lagu saaray, arrimo ay ka mid yihii Amniga guud, Tallo-soo jeed inta iyo waxka bedelka maa lmaha shaqada ee Puntland, Soojeedinta iyo Ansixinta khidmada iyo ganaaxyada wado marista.

Sidoo kale waxaa shirka looga hadlay, soo bandhig ista Sanduuqa Horumarinta degmooyinka iyo xooj inta xiriirka Isku xirka iyo Hay’adaha Dowladda dhe xe ee Puntland iyo warbixin ay Golaha la wadaage en xubnaha ka mid ah Golaha Wasiirada oo safar ku tegay Gobolka Mudug. Sida lagu yiri Warsaxaafade ed ka soo baxay Shirka.

Wasaaradda Shaqada Shaqalaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, ayaa Golaha usoo gudbisay talo-soo jeedinta iyo waxka bedelka maalmaha Shaqada wax aanaGoluhu cod aqlabiyad ah ku ansixiyey, in maa lmaha shaqada ay noqdaan 5 cisho, iyadoo wakht iga shaqada uu yahay8-da subaxnimo illaa 4-ta ga labnimo si waafaqsan Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah, maalmaha fasaxa ee Puntland waxay noqon doo naan Jimcaha iyo Sabtida. "Waxaa si gaar ah loo tixgelinayaa in Hay’adaha Dowladda ee bixiyaa adeegyada lagama maarmaan ka ah sida dekadaha, Garoomada, caafimaadka, kas tamyada inay u shaqeeyaan si joogto ah aan maal mahooda fasaxa wax iskabedeli doonin,” ayaa lagu sii yiri Warsaxaafadeed kasoo baxay Shirka.Waxka bedelka maalmaha shaqada wuxuu dhaqangelayaa marka Xeerka LR 12, ee Shaqaalaha Rayidka ah wax ka bedel lagu sameeyo ayna ansixiyaan Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.

Shirka Golaha Wasiirrada ayaa lagu waday in uu qabsoomay maalintii khamiista 4 August 2022-ka ba lse wuu baaqday, iyaga oo aan la ogeyn sababta uu u baaqday, ayaa Madaxtooyada Puntland Dorraad lagu qabtay.

Itoobiya oo kumanaan askari soo gelisay gobol ka Gedo + Ujeedka

Ciidamo ka tirsan Itoobiya ayaa gelinkii dambe ee Dorraad gudaha u galay degmada Doolow ee go bolka Gedo, sida ay xaqiijiy een masuuliyiin ka tirsan maa mulka gobolkaas.

Ciidamada ayaa la sheeg ay inay la wareegeen oo fariis imo ka sameysteen goo bo uu ka mid yahay garoon ka diyaaradaha degma da Doolow Soomaaliya, sid oo kale waxay u gudbeen dhinaca degmada Beled xaawo, sida ay noo xaq iijiyeen dadka deegaan ka.Afhayeen u hadlay maam ulka gobolka Gedo ayaa sheegay in go’aanka ciida mada Itoobiya ay ku soo galeen gobolka ay wax ka ogyihiin oo taageer san yihiin, dhawaana ay wada bilaabi doonaan how lgallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada Itoobiya ayaa mudooyinkii dambe wa xay dhaq-dhaqaaqyo culus ka wadeen deegaanada dhaca xuduuda iyo gudaha Soomaaliya, sidoo kale Itoobiya weli wax faahfaahin ah kama bixin ciidanka an aadka u badan ee Dorraad soo galay gobolka Gedo.

Gobolkaas oo sharci ahaan hoostaga maamulka Jubbaland, hadda waxaa maamula siyaasiyiin ay ge ysatay dowladdii Farmaajo, mana jirto cid ay ka am ar qaataan, taas oo sii badineysa walwalka laga qa bo imaashaha ciidanka Itoobiya iyo qorshaha ay wat aan.

Ciidamada Itoobiya ayaa dhaqdhaqaaqyo culus ka bilaabay gobollada Bay, Bakool iyo Hiiraan, waxa ana la sheegay in qorshahoodu uu yahay inay Al-Shabaab ka sifeeyaan deegaanada dhaca xuduuda Soomaaliya iyo Itoobiya.

Wafuud ka socota dowladda Itoobiya ayaa todob aadkii hore loo kala diray magaalooyinka Beledwe yne, Hargeysa iyo Baydhaba, si maamullada ka jira ay ugu qanciyaan qorshahooda la dagaalanka Al-Shabaab.

Dhinaca kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen oo diyaarad ciidan Jimcihii looga qaaday magaalada Baydhaba ayaa gaaray ma gaalooyin ay ugu horeyso Godey oo Itoobiya ka tirsan, waxa ugu weyn ee laga hadlayana waa guluf ka dagaal ee Al-Shabaab ay ku wajaheen Itoobiya.

Somaliland: Miino ku qaraxday caruur xoolo la joogtay

Ilmo yar ayaa geeriyooday 2 kalena dhaawac ay aa soo gaadhay, kadib markii miino kula kacday go ob u dhaxaysa deegaanada Habuura iyo Sibidhley ee xuduuda Somaliland iyo Dowlad Deegaanka Soo maalida.

5 qof oo kale ayaa dhawacmay kadib markii amba laas (dhooli), loo diray caruurta dhaawaca ah, uu ku dhacay baabuur xaajiyad ah oo rakaab siday, meel u dhow deeg aanka Balli-hiile, sida uu sheeg ay muuqbaahiy aha xukuumada Somaliland.

Dhamaan 7-da qof ee dhaaw aca ah ayaa lagu dab iibayaa Isbitaalka Wayn ee Burco, isla markaana xa alado oda ayaa ah mid dagan, sida Isuduwaha Wasa ar dda Horumarinta Caafimaadka Gobolka Togdhe er Dr Maxamed Yuusuf Jaamac uu u shee gay waka aladda wararka Somaliland ee SOLNA. Sida muuqb aahiyuhu ku warramay saddexda car uurta ah ee miinadu la qaraxday, ayaa adhi ku ilaa

linayay goobta ay dhibaatadu kusoogaadhay


 

Madaxweyne Mustafe cagjar " Al Shabaab waxay rabaan sidii ay u dulleeyeen Soomaa liya inay degaanka Soomaalidana u dullee yaan

Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mu sfe cagjar oo ka hadlay shiwaynihii xukuumaddu u qabatay haweenka degaanka Soomaalida, ayaa wa xa uu Madaxwaynuhu kulankaas kasoo jeediyay Wa rixin kooban oo ku saabsan xaaladihii u dambeeyay ee degaanka, gaar ahaan halka la kala marayo Uru rka Al Shabaab.

Ugu horreyn waxa uu Madaxweynuhu sheegay in Al Shabaab laga guulaystay, "Al Shabaab waan ka adkaanay, waddankii waan ka saarnay, wixii gudaha soo galayna u jeedooyinkii ay lahaay een waan fashilinay, balse sidaas oy tahay haddana inaan is dhigano ma aha, waxaan maalmaha soo socda bil aabaynaa waji cusub oo caddeynaya inaan Al Shabaab ka adkaanay" ayuu yiri Madaxwe yne Mustafe cagjar.

Waxa kale oo Madaxweynuhu sheegay in la diya ariyay Ciidan dhinac walba ka dhisan oo ka hortagi kara weerar kasta oo ka imaan kara dhinaca Ururka Al Shabaab, "Al Shabaab Cudud ku filan, Xoog ku fi lan iyo Maskax ku filan waa loo ditaariyay oo ka hort aga Al Shabaab".

Dhinaca kale waxa uu sheegay Madaxweynuhu in wixii hadda ka dambeeya xoogga la saari doono in magaalooyinka amnigooda la sugo, oo lala halgamo dadka la shaqeeya Al Shabaab ee ay dhici karto inay ku sugan yihiin magaalooyinka degaanka Soom aalida, waa siduu hadalka u dhigay Madaxweynuhu.

Ugu dambeyn waxa uu xusay Madaxweynuhu in Uru rka Al shabaab aysan diin shaqo kulahayn, " Al Shabaab wax diin ah oy wado ma jirto, waxay raba an sidii ay u dulleeyeen dadkaa walaalaha aan nah ay ee Soomaaliya inay degaanka Soomaalidana u duleeyaan, oo ay dadka xoog ku canshuuraan, in qofku dharka uu xiranayo u yeeriyaan, xorriyaddii aasaasiga ee qofku lahaa ayay Al Shabaab dadka ka qaadaysaa".

Madaxweyne Mustafe cagjar ayaa hadalkiisa ku soo xiray " Dorraad Muslim baanu ahayn, Dorraadna Muslim ayaanu nahay, berrina Muslim baan ahaan aynaa, uma baahnin Muslimnimo qof jaahil ah oo la soo khalday uu wado, iyo mid lacago lasoo siiyay ay wadaan ma rabno".

Hadallada Madaxweynaha ayaa kusoo hagaag aya xilli maalmihii lasoo dhaafay uu Madaxweynuhu kulamo la qaadanayay bulshada qaybaheeda kala duwan, isla markaana laga wada hadlayay sidii amniga guud ee degaanka Soomaalida looga wada shaqayn lahaa

Xiisaddii Puntland oo xal laga gaaray iyo Deni oo dib usoo magacaabaya…

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in xal buuxa laga gaaray xiisaddii u dhexeysay madaxtooyada Puntland iyo baarlamaan ka maamulkaasi, taas oo ka dhalatay magacaabista xubnaha maxkamadda sare.

Kulamo kala duwan oo ay yee sheen labada dhinac ayaa ku soo dhammaaday is afgarad, waxaa na heshiis looga gaaray xiisaddii taagneyd, sida ay innoo xaqiijiye en ilo wareedyo.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyey in madaxweyne Saciid Dani loo daayo magacaabista xilka guddoom iyaha maxkamadda sare, wuxuuna markii saddex aad u magacaabayaa Axmed Taaraan, sida ay shaa ca ka qaadeen ilo wareedyo aad ugu dhow mad axtooyada Puntland.

Sidoo kale xildhibaanada ayaa lagu qanciyay inay kala qeybsadaan xubnaha kale ee maxkamadda sare, si meesha looga saaro khilaafka madaxtooy ada iyo baarlamaanka.

Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in maalmaha soo socda la soo saari doono wareegtada magaca abita xubnaha cusub ee maxkamadda sare, ayada oo kadib la horgeyn doono xubnaha golaha waki ilada Puntland oo markan la filayo inay siiyaan codka kalsoonida ah.Baarlamaanka ayaa horey laba jeer u celiyey xubnaha maxkamadda sare ee uu soo maga caabay madaxweyne Deni, taas oo xiisad ka dhex abuurtay labada xafiis.

Saciid Deni ayaa muddo ku adkeysanayey inuu dhaqan-geliyo wareegtada uu soo saaray, si ay u shaqeeyaan xubnaha u soo magacaabay, balse baa rlamaanka ayaa ku gacan-seeray arinaas walow haa tan loo ogolaaday inuu dib u soo magacaabo gudo omiye Axmed Taaraan.

Si kastaba, xiisadadani ayaa si weyn u saamey say wada-shaqeynta xukuumadda iyo baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland, taas oo hoos u dhac day, inkastoo haatan is faham buuxa yo heshiis laga gaaray mad-madwogii soo kala dhex-galay labada xafiis.

Wasiir Koore: Puntland malaha sacabka iyo xabada ma kala taqaano

Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in ciidam ada millateriga oo ku ruqaansaday deegaanka Boo came ee gobolka Sool, ay ku tageen doonista shac abka. Wasiirka Warfaaafinta Somalil and Saleebaan Yuusuf Cali Koore, oo ka jawaabay hadalo uu sheegay in masuuliyiin maamulka Puntland ka tirsani ay ku sheegeen in ciidanka So maliland ay xoog ku tageen Boocame, ayaa sheegay in Somaliland anay diyaar u ahayn dagaal, ciidan kuna si nabada ku tageen.

"Qolada Puntland oo aan hadalo ka maq maqlay ay malaha xabada iyo jiibta iyo jaanta ayay kala ga ran waayeen, iyo soo dhawaynta iyo sacabka iyo da gaalka ayaanay kala aqoon ayaan is idhi, dowlada Somaliland diyaar uma aha in ay cunfi dagaal ku gaa dho danaheeda siyaasiga ah" ayuu yidhi wasiir Koore.

Waxa uu sheegay in shacabka deegaanka Booca me ay soo dhaweeyeen, isla markaana ka xukuum ad ahaan, meelkasta oo shacabku ugu yeedho, oo uu ka dalbado in ay yimaadaan ay tagayaan.

Waxa uu u mahahceliyay shacabka deegaanka Boocame oo uu sheegay in ay gacmo furan kusoo dhaweeyeen ciidanka iyo masuuliyiinta gobolka Sool ee deegaankooda gaadhay, isla markaana ay ka muuqatay xamaasad iyo waddaniyadi.

"Waxan u mahadcelinayaa umada Boocame oo si xilkasnimo ah, walaalnimo ah usoo dhaweeyay mas uuliyiinta qaranka, waxaana ka muuqatay xamaasad iyo waddani-nimo iyo in ay u jeelanaayeen in dad koodi, dowladoodii iyo maamulkoodii soo gaadho" ayuu yidhi wasiir Koore.

Ciidamada millateriga Somaliland, ayaa ku ruqa ansaday deegaanka Boocame oo ka tirsan gobolka Sool.

Taliska Ciidanka DDS Oo Shaaciyey Khasa aro Ay Sheegeen Inay U Geysteen Al-Shab aab

Taliska Ciidanka gaarka ah ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa faah faahino dheeraad ah ka bixiyey dagaaladii todobaadyadii lasoo dhaafay dhexmarayey Ciidan ka Liyuu Boolis iyo dagaalamaya asha Al-shabaab, kuwaasi oo ka dhacay degaano ku yaalla Bakool & kuwa ka tirsan DDS. Taliyaha ciidanka gaarka ah ee dawlada dee gaanka Soomaalida Jeneraal Maxamed Axmed oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in khasaaro fa rabadan ay gaarsiiyeen Shabaabka, isla markaana ay ka qabteen xubno nool oo kamid ahaa Al-shab aab.

Jeneraal Maxamed Axmed ayaa sheegay inay Al -shabaab dagaaladii ay la galeen uga dileen in ka ba dan 800 oo dagaalyahannadooda ah oo ay ku jiraan 24 Saraakiil sare sare ah, ayna qabteen xubno 92 ga araya qof waa siduu hadalka u dhigaye Jeneraalka.

Al-shabaab ayaa dhankooda horey u sheegtay inay in ka badan 150 Askari oo kamid ah Ciidanka Liyuu Boolis ku dileen dagaalkii ugu danbeeyay ee ka dhacay degaanka Caato ee Gobolka Bakool, iyago ona Shabaabka soo bandhigay Meydadka Askarta ay laayeen.

Hadalka Taliye Maxamed Axmed ayaa ku soo aaday, iyada oo maalmo kahor Sheekh Fu’aad Max amed Shalaf Shongole uu beeniyey inay dishay Itoo biya, kadib dagaalladii ka dhacay deegaanada dha ca xadka gaar ahaan deegaanka Caato ee Gobolka

Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada dalka Kenya

Musharixiinta ugu cadcad doorashada madaxwe ynaha dalka Kenya ayaa lagu wadaa in Dorraad oo Sabti ah ay galaan dadaalkoodii ugu dambeeyay ee ololaha doorashada, iyadoo bilihii lasoo dhaafay ay socdeen olole xamaasad oo loogu diyaargaroobayay doorashada 9-ka bishan Ogosto.

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto iyo Raila Odinga oo ah hoggaamiye mucaarid ah oo ru ug-caddaa ah, haddana taageero ka helaya xisbiga talada haya ayaa u halgamaya sidii ay u heli laha ayeen fursad ay ku hoggaamiyaan quwadda Bariga Afrika oo la daalaa dhaceysa dhibaato xagga nolosha ah.

Doorashooyinkii hore ayaa waxaa hareeyay rabshado, wax aana ay wali mugdiga sii geli nayaan Kenya, halkaas oo 22.1 milyan oo codbixiyeyaal ah ay hadda dooran doona an madaxweynaha soo socda iyo sidoo kale Seneta rada, gudoomiyeyaasha gobollada, xildhibaannada, wakiillada haweenka iyo ilaa 1,500 oo mas’uuliyiin ka tirsan maamul goboleedyada.

Hardanka musharraxiinta ayaa la isku adeegsa day sumcad xumeyn, weerarro afka ah, eedeymo la xiriira wax isdaba marin, iyo abaal-marinno la sii nayey taageerayaashooda, kuwaas oo ay ka mid ah aayeen dallado, raashin iyo lacag si ay uga qeyb galaan isu soo baxyada.

Murashixiinta ugu waaweyn doorashada oo bilihii la soo dhaafay socdaallo kusoo maray dalka oo dhan, ayaa waxay ololahooda ugu dambeeya ku qa ban doonaan caasimadda Nairobi, iyadoo Ruto oo 55 jir ah uu ka hadlayo garoonka Nyayo National Sta dium oo 30,000 taageereyaashiisa ah soo xaadiri do onaan, halka Odinga oo 77 jir ah uu la hadlay dad isugu soo baxay Kasarani oo ah garoon qaadi kara 60,000.Loolanka adag ee doorashada waxaa sii huriyay wararka la isla dhexmarayo ee sheegaya in Kenya ay markii ugu horeysay ka dhici karto doora sho aan cidina ku guuleysan wareegga hore, isla markaana lagu celin doono, iyadoo dad badani ay ka walaacsan yihiin in caqabad kasta oo natiijada doo rashada ay horsedi karto rabshado ka dillaca dalka.

Ruto, oo ah ganacsade taajir ah, ayaa muddo dhe er la filayey inuu noqon doono beddelka madaxwey ne Uhuru Kenyatta, balse waxa uu ku guuldarreystay taageerada madaxweynihiisa – oo aan mar kale isa soo sharixi karin – oo ku biiray Odinga oo muddo dheer la tartamayay,

Wixii markaas ka dambeeyay, Ruto waxa uu isu ekeysiiyay inuu yahay "Nin go’aansaday inuu guuley sanayo, isaga oo bar-tilmaameedsanaya "qoysaska” Kenya maamula – taasoo tixraac u ah qoysaska Ken yatta iyo Odinga, oo ahaa madaxweynihii ugu horre eyay iyo madaxweyne ku-xigeenka ee Kenya.

Waxa uu ballan qaaday in uu ka abuuri doono dhaqaale "hoose laga soo dhisay” dalka 10-kii qofba 3ka mid ah ay ku nool yihiin wax ka yar $1.90 maalin tii, sida uu sheegay Bangiga Adduunka.

Odinga ayaa dhanka kale la dagaalanka musuq maasuqa ka dhigay udub dhexaad muhiim u ah olol ihiisa, waxa uuna farta ku goday musharaxa Ruto u soo xushay madaxweyne ku xigeenka inuu ku fur anyahay kiis musuq maasuq ah.

Doorashadan ayaa bog cusub u furaysa taariikhda Kenya, iyadoo aysan jirin musharrax ka tirsan qabii lka ugu badan Kenya ee Kikuyu, kuwaasoo soo saar ay saddex ka mid ah afarta madaxweyne ee dalk aas. VOA + AFP.



DALLADDA BULSHADA BARIGA AFRICA: CODSIGA XUBINNIMO EE SOOMAALIYA


Dalladda Bulshada Bariga Africa (East African Community -EAC), waxaa la asaasey 1967, waxa ana markii ugu horreeysey ku heshiiyey dalalka Ke nya, Uganda iyo Tanzania. Ujeedada asaaska dall adddaan ayaa aheyd iskaashiga dhex mara sedaxda dalka, dhinacyada Siyaasadda amniga, ganacsiga, arimaha bulshada iyo dhaqanka.

Sida la sheego, aragtida sameynta dalladdaan waxaa qeyb weyn ka lahaa, madaxweynihii hore ee Keya, Jomma Kenyatta, wuxuuna ka dhex raadi nayey isbaheysi uu kaga hortagi karo culeyska dalk iisa kaga imaanayey dhinaca Soomaaliya, taas oo la xaiirtey doonista Soomaaliya ee gobolka NFD.

Soomaaliya oo siyaasadda Africa, gaar ahaan mid da Bariga Africa, saameyn weyn ku laheyd, ayaa wel wel ku abuureysey dalalka Kenya iyo Ethiopia, waxa yna taasi Keentey in labadaan dal dadaal badan geli yaan sameynta Ururka Midowa Africa, iyaga oo wel iba ku guuleystey in qodobada heshiiska asaaska ururka lagu daro in sidooda loo daayo xuduudaha ist icmaarku ka tagey, taas oo caqabad weyn ku horg oysey doonistii Soomaaliya ee dhulalka NFD iyo Soomaali galbeed (Qodobka 3aad ee heshiiska asa aska OAU, 1963).

Dalladda Bulshada Bariga Africa, hadda, waxaa ku jira oo xubno ka ah ilaa todobo dal oo kala ah; Kenya, Tanzania, Uganda, Rwanda, Burundi, Congo DRC, iyo South Sudan, waxayna dalladdu weli u fur an tahey dalalka kale ee dhaca Bariga Africa. Dall addaan waxay xaruunteedu ku taala Magaalada Caruusha ee dalka Tanzania.

Dalladda Bulshada Bariga Africa ayaa lagu kala tagey, isla markaana burburtey sanadkii 1977, waxa ana sabab u ahaa is faham waa iyo khilaaf ka dha shey; Kenya oo dalbatey kuraas ka badan labada wa ddan ee kale, madaxweynihii hore Uganda Iddi Amin oo ka hor yimid in dalalka xubnaha ka ah dalladda ay faragelin milatari isku sameyn karaan, Nidaamka hanti-wadaaga oo Tanzania ka jirey iyo Hanti-goos adka oo Kenya ka jirey oo isla jaan qaadi waayey, si doo kalana la jaanqaadi waayey ujeedooyinka dall adda.

Dalladda Bulshada Bariga Africa, waxaa dib loo asaasey sanadkii 2000, waxaana wixii intaas ka dan beeyey socotey dardar cusub iyo is ballaarin, iyada oo ay xubin ka noqdeen dalal cusub.

Sida uu dhigayo Qodobka 5aad, farqadiisa 1aad ee heshiiska lagu sameeyey Dalladda Bulshada Ba riga Africa, waxay ujeedada koobaad tahey in uu sa meeyo siyaasado iyo barnaamijyo tiigsaneysa ball aarinta iyo xoojinta wadashaqeynta xubnaha ururka ee dhinacyada; Siyaasadda, Dhaqaalaha, Arimaha bulshada, dhaqanka, cilmi baarista iyo tijnoolajiyad da, difaaca, amniga, iyo arimaha sharciga iyo gars oorka si u wada dan ah ama u faa’iido ah.

Mabaadi’da ururka waxaa ka mid ah "In khilaafka lagu dhammeeysto si nabad ah.”

Sida ku cad Qodobka 5aad farqaddiisa 2aad, dowla daha xubnaha ka ah dalladda, waxaa laga doonayaa inay sameeystaan canshuur mideysan, suuq wada ag ah iyo lacag mideysan. Badeecooyinka isaga gud baya dalalka xubnaha ka ah dalladda, lama canshuu rayo, sidoo kale badeecooyinka dibadda uga imaan aya waa in si isku mid ah loo canshuuraa.

Dalalka xubnaha ka ah dalladda Bulshada Bariga Africa, hadda, waxaa isu furan socdaalka xuduudaho oda, waxayna leeyihiin baasaboorka leh naqshad mideysan.Sida uu daabacey Warsidaha The East African ee soo baxay September 6th, 2021, Madaxweynaha Kenya ayaa soo jeediyey in dalladda lagu ballaariyo dalalka dhaca bartamaha, koofurta, iyo Galbeedka Africa, waxaase shardi ah in dalku xad la leeyahey dal hadda ka tirsan ururka. Dalka Ethiopia ayaa ka mid ah dalalka laga codsadey in ay ka mid noqdaan dalladda bulshada Bariga Africa, waxaana weli laga sugayaa jawaabDalal ka dhaca Bariga iyo Bartamaha Africa, ayaa ho re u codsadey xubin ka noqoshada dalladdaan, wa xaana ka mid ah dalalka codsadey; Soomaaliya, Su udaan, iyo Zambia, waxayna ka dhur sugayaan go’ aanka dalladda.

Soomaaliya ayaa markii ugu horreysey codsatey xubinimada dalladda Bulshada Bariga Africa sanadkii 2012, waxaana dhowr shir madaxeed oo dalladdu qabsatey lagu soo qaadey arjiga Soomaa liya ee ka mid noqoshada ururka.

Warsidaha Monitor oo ka soo baxa dalka Uganda, ayaa 22-ka bishaan July daabacey in intii u dhaxeeysey 2012 iyo 2017, codsiga Soomaaliya la diidey, iyada oo lagu sababeeyey colaadaha, hab-maamulka dowladeed ee jilicsan iyo kala qeybsan aanta dalka dhaca geeska Africa. Dalka Kenya ayaa la sheegaa in uu ka soo horjeestey xiligaas in Soomaaliya ka mid noqoto dalladda.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Max amuud oo marti ku ahaa Shir madaxeedka 22aad ee dalladda Bulshada Bariga Africa oo qabsoomey July 22, 2022, ayaa mar kale ku celiyey codsiga Soomaa liya, isaga oo shirka ka hor doono codsiga.

Sida uu dhigayo qodobka 3aad, farqadiisa 3aad ee heshiiska asaaska dalladda, dalka dananeyna in uu xubin ka noqdo dalladda Bulshada Bariga Africa, waxaa laga doonayaa in uu buuxiyo shuruudahaan:

(a) Aqbalaadda dalladda, sida ku cad heshiiskan;

(b) U hoggaansanaanta mabaadi’da la aqbali karo ee caalamiga ah ee maamul-wanaagga, dimuqraadi yadda, ku dhaqanka sharciga, dhawrista xuquuqda aadanaha iyo caddaaladda bulshada;

(c) Wax ku biirin micno leh oo xoojineysa is-dhex galka gobolka Bariga Afrika;

(d) Dhowaanshaha juqraafiyeed iyo isku-tiirsana anta u dhaxaysa dalka iyo dalalka xubnaha ka ah dalladda;

(e) Dhisidda iyo sii heynta dhaqaale uu hoggaa miyo suuqu; iyo

(f) Dejinta siyaasado bulsho iyo dhaqaale oo la ja an qaadaya kuwa dalladda.

Haddii Soomaliya ku guuleysato xuninimada dall addaan, waxay ku kordhin doontaa xeeb dheerark eedu gaarayo 3,333km, dhul bedkiisu dhan yahey 657,637km oo isku wareeg ah, 16m oo dad ah, khe yraad dabiici ah oo aad u ballaaran, dhaqan, xoolo, iyo kalluun.

Soomaaliya waxay hadda xubin ka tahey; Ururka Midowga Africa, Urur Goboleerka IGAD, Ururka Ja amacadda Carabta, ururka Islaamka, suuqa gana csiga ee COMESA, iyo Qaramada Midoobey. Sidoo kale, Soomaaliya, ayaa sanadkii 2018, iskaashi sedax geesood ah (dhinacyada Nabad-galyada iyo dhaqaalaha) la gashey dalalka Ethiopia iyo Eretria. Soomaaliya ayaa saxiixdey oo xubin ka ah ururo badan caalamiga, sida; Ganacsiga, Bankiga Adduun ka, IMF, Maxkamadda Caalamiga ah, UNESCO, Bi sha Cas, Laanqeyrta Cas iyo qaar kale.

Inta badan dalalka kujira dallaaddaan, waxay sidoo kale xubin ka yihiin suuqa ganacsiga ee CO MESA oo ay ku jiraan dalal badan oo dhaca bariga iyo Koofurta Africa. Afar dal oo xubin ka ah dalladda Bulshada Bariga Africa, ayaa ku jira Suuqa COM ESA, waxayna kala yihiin; Kenya, Uganda, Rwanda iyo Burundi. Dalalka Kenya, Tanzania, Rwanda, iyo Uganda ayaa sidoo kale xubin ka ah dalalka ku mide ysan Ururka Barwaaqa Sooranka (The Commonw ealth Countries).

Dalladda Bulshada Bariga Africa, waxay heshii syo ganacsi iyo maalgashi kula jirtaa midowga Yur ub, USA, iyo China, waxaana dal kasta oo xubin ka noqda dalladda ku qasbanaan doonaa in uu fuliyo heshiisyadaas.Wargeyska New Times ee ka soo ba xa dalka Rwanda oo soo xiganayey Xogheynta iyo shaqaalaha dalladda, ayaa April 2019 daabacey shan caqabadood oo heysta dalladda, wuxuuna ku soo koobey;

1) Qodobada heshiisyada iyo hab-raacyada la saxiixey oo aan la wada fulin,2) Wacyi la’aanta bulshooyinka dalalka xubnaha ka ah dalladda,

3) Habka go’aan qaadashada oo ah mid daah badan oo caajis ah,

4) Tabarucaadka dalalka laga doonayey oo aan 55% la bixin,

5) iyo kulamada lagu go’aan qaadan lahaa oo dad la rabey aysan soo xaadirin.

Dalalka hadda kujira dalladda Bulshada Bariga Africa (EAC) qaarkood, waxaa ka jira ama ka dhacay colaado sokeeya. Dalka Rwanda, sanadkii 1994, waxaa ka dhacay colaado sokeeyo oo u dhaxeeysey labada qabiil ee ugu wayn dalkaas, waxaana ku naf waayey ku dhowaad hal milyan oo dad ah. Reer Rwanda waxay ku guuleysteen xakameynta colaad aha, waxayna Dorraad ka mid yihiin dalalka ugu hor marsan qaaradda Africa. Dalka Congo DR, waxaa weli ka jira colaado sokeeye iyo kala qeybsanaan bul sho, waxaana sii hurinaya faragelino shisheeye. Dal ka South Sudan, waxaa ka dhacay colaado sokeeyo oo u dhaxeeyey bulshooyinka dalkaas, waxaa sidoo kale ilaa hadda ka jira kala qeybsanaan siyaasadeed oo curyaamisey hore u socodka dowladnimada dalkaas oo ah kan ugu da’da yar dunida.

Dalalka xubnaha ka ah dalladda Bulshada Bariga Africa (EAC), qaarkood, waxaa ka dhaxeey ey muranno la xariira xuduudaha iyo arimo kale. Dal ka Kenya iyo Tanzania waxaa ka dhaxeeya muran la xariira xuduud badeedka u dhaxeeya labada dal, dalalka Rwanda iyo Brundi waxaa dhex marey oo mar la xaliyey muran la xariirey xuduudka u dhaxe eya, Uganda iyo Tanzania sidoo kale waxaa soo dhex marey muran xuduudeed, waxaana mar heshi iseeyey Soomaaliya, dalalka Rwanda, Burundi, iyo Uganda waxaa lagu eedeeyaa in ay faragelin ku ha yaan dalka Congo DR. Rwanda iyo Tanzania ayuu dhex marey muran la xariirey qaxooti reer Rwanda oo laga tarxiiley Tanzania.

Dalalka xubnaha dalladda Bulshada Bariga Africa (EAC), waxaa intooda badan ka jira amni iyo kala danbeyn, colaadaha ka dhaceyna uma saame yn sida ay Somaaliya u saaameeyeen. Waxaa inta badan sugan amnigooda, waxaa dhisan hay’adahoo da, waxaa u diyaarsan shuruucdooda gaarka, kuwa as oo ka difaacaya xadgudbyada soo dhex mari kara heshiisyada la xariiira Dalladda.

Dadka dalalka hadda ku jira dalladda Bulshada Bariga Africa (EAC), 88.1% waa kirishtaan iyo qaar aaminsan diimo kale oo aan islam aheyn, halka Soo maaliya, 100% dadkeedu yahey muslim. Xaaladaha amni, hab dowladeedka jilicsan, kala qeybsanaan siyaasadeed iyo mabaadii’da ay ku dhisan tahey Jamhuuriyaddu, ayaa laga yabaan in ay caqabad ku noqoto Soomaaliya, taas oo daahin karta ama hor istaagi karta in Soomaaliya ay xubin ka noqoto dal ladda Bulshada Bariga Africa (EAC).

Dadka falanqeeya arimaha Bariga Africa, ayaa u arka in haddii Soomaaliya hesho xubnimada dallad da Bulshada Bariga Africa (EAC), ay bulshada Soo maaliyeed ee ku nool Bariga Africa u furi doonto fur sado ganacsi iyo suuqyo cusub. Soomaalida ayaa dhaqdhaqaaqyo ganacsi oo muuqda ku leh dalalka Kenya, Tanzania, Uganda, Ethiopia iyo South Sud an. Haddii dalalka Soomaliya, Djibouti, Ethiopia, Sudan, iyo Eretria ay ka mid noqdaan dalladdaan, waxay u badan tahey in uu meesha ka bixi doono ururka Goboleedka IGAD.

Si kasta oo ay taheyba, haddii Soomaaliya ay ku guuleysato xubinimada, dalladda Bulshada Bariga Africa (EAC) wuxuu noqonayaa suuq ballaaran oo u furmaya, kuna furmaya, wuxuuna yeelan doonaa faa’iido iyo khasaare labadaba.

W/Q:-Dr. Maxamed Aadan Koofi

 



MA DHABBAA IN DHINAC KAMID AH DHINACAYDII ISKU HAYEY MASJIDKA QUBA AMSTERDAM AY GUULEYSTEEN? (WARBIXIN)


Waxaa dhowaan soo baxay warar sheegaya in 2-dii dhinac ee isku hayay maamulka masjid QUBA oo ah masjid ay Soomaalidu leedahay, kuna yaalla bartamaha magaalada Amsterdam ee waddanka Nederland in dhinacii ku haray masjidka ay sheegteen in ay ku guuleysteen dacwadii kala dhexeysay Shiikh Suldaan Gasle oo muddo ka badan 1 sanno masjidka dibed-joog ka ahaa.

Khilaafkan, oo walaac fara badan ku hayay Soomaa lida ku dhaqan Holland & dunidda dacaladeeda, ayaa ahaa mid muddo dheer soo jiitamayay, inkastoo uu ba nnaanka yimid bishii Maarso ee sannadkii hore markii ciidamo boolis ah oo gudaha u soo galay masjidka ay amar ku siiyeen iimaamkii & guddoomiyihii maamulka masjidka Shiikh Suldaan Gasle inuu isaga baxo masjidka, waxay arrintaasi ka dambeysay markii labadii xubnood ee ka kala tirsanaa maamulka oo ay wehliyaan dadkii masjidka qaad umka ka ahaa ay isku dhinac noqdeen, Shiikhiina uu keligii dhinac noqday.

Dad Soomaali ah oo ka gadoodsanaa in Shiikha masjidka bannaanka lagaga saaro ayaa maalinkaasi soo buuxiyay afaafka masjidka, waxayna xoog ku galeen gudaha masjidka, buuqii halkaasi ka dhashay ayaa sababay in boolisku soo gaa raan masjidka.

Guddi odayaal, waxgarad & culumaa’udiin ah oo fadhigoodu yahay Magaalo oyinka Eindhoven & Tilburg oo khilaafka culimada ku soo baxay ayeey labada dhinac aqbaleen in ay u kala dabqaadeen; iyada oo guddigu muddo 4 billood oo ay howsha dhexdhexaadinta ku soo jireen, kaddib ay shir isugu yeereen jaa liya ddaha Soomaalida halkaas oo ay ka caddeeyeen in ay u arkaan in ragga masjidka ku haray ka gar leeyihiin Shiikh Suldaan, hasse ahaatee Shiikh Suldaan ayaa maalmo ka hor kulanka wuxuu shaaciyay inuu guddigaasi kalsoonidii kala laabtay.

10-kii bisha Febraayo ee sannadkan maxkamad ku taal Magaalada Amsterd am ayaa dhageysatay dacwadii u dhexeeysay saddexdii xubnood oo sharci ahaan ugu qornaa maamulka masjidka, saddexdaas xubnood oo kala ahaa:

Shiikh Suldaan [Guddoomiye]

Guuleed Wayrax [Lacag-haye]

Abuu-Khadiija] [Xog-hayn]

Axmed Turjubaan oo ka mid ah shaqsiyaadka ku dhow dhow Shiikh Suldaan Gasle, oo aan la xiriiray ayaa weydiiyay waxa ka jira in Shiikha lagaga guuleystay dacwadda.

"Nidaamka dalkani waa mid iska daba jiitama. Maxkamad baad marka hore qaadaneysaa ama waa guuleysaneysaa, mar na adigaa lagaa guuleysanayaa, mar walba waxaa furan racfaan, maxkamada 2-aad waa saddex xaakim, waxaa halkaas ka furan in la isweydiiyo maxaa qaldamay.? Haddii aysan waxba qalda min qoladii hore ayeey ku raacayaan, haddii ay wax qaldameena way saxay aan.? racfaan kale ayaa furan oo ah albaabkii ugu dambeeyey. Nederland alba abka ugu horeeya marka aad ku guuleysato, guul ma sheegan kartid.”ayuu yiri Axmed Tarjubaan, wuxuuna intaasi raaciyay in 3 jeer oo hore Shiikhu guuleystay balse aysan sheegin in laga guuleystay.

"Tan waa guuleysanay ay leeyihiinna, Shiikhu racfaan buu ka qaatay.” ayuu yiri Turjubaan, wuxuuna intaasi sii raaciyay:

"3 jeer oo guul darro ah ayeey ka qabaan xaga KVK, guushii ugu dambeeysay ee Shiikha la siiyay waxay aheyd bishii July oo lagu soo diiday waxay doona yeen. Guul-darradaasi ma sheegayaan way qarinayeen, maxay u qarinayaan.?” .

Axmed Turjubaan waxaan weydiiyay waxa ka jira wararka sheegaya in mid ka mid ah ragga masjidka u qidmeeya maxkamadda lagu dacweeyay oo la yiri: wux uu gacan saar la leeyahay qolyo lagu tilmaamay xag-jir in ay yihiin, arrintaas oo ay si weyn uga caroodeen Soomaalida, wuxuuna ku jawaabay:

"Taasi wax weyn kama jiraan, waxaan xasuustaa maalmihii uu Shiikh Shibli hadlay ayaa garyaqaankii Shiikhu wuxuu soo arkay in waddaadkaasi waddankan horay lagaga saaray, markaas buu yiri: nimankani waxaa ka dambeeya nin waddanka laga saaray oo xagjir ah, hadalkaasi Shiikhu ma oran ee waxaa yiri Garyaqaankiisii. Shiikh Suldaan marna ma oran qof xagjir ah baa meesha jooga, afkiisa lagama hayo arrintaas been bay ka sheegayaan Shiikha”

Wuu sii hadlay Axmed Turjubaan mar kale, wuxuuna sheegay in bini’aadam mar hadduu is qabto qof cabsi ku jirto mooyee dadku waxay doonaan bey sheegi kar aan. Dhaqanka Soomaalida ayaa iska ah; qaniinya qaniinyaa kaa fujisa, in cab sida ALLE loo noqdo waa wanaagsan tahay, Shiikhuna ma aha nin ku degde gaya arrimaha ceynkaas ah.

Axmed Turjubaan, waxaa kale uu sheegay in Maxkamaduhu badan yihiin, ay na jidka ku soo jiraan kuwa hor leh.

"Maxkamaduhu way badan yihiin, xaalku ma ahan waa guuleysanay oo mee sha waa lagu kala tegay. 4 ilaa 5 maxkamad ayaa soo socota maxay dadka ugu sheegi doonaan kuwaas na” Ayuu yiri Axmed Turjubaan, isaga oo intasi ku daray in bilaha soo socda oo ay ugu horreeyso Oktoobar in ay maxkamadi jirto.

Waxaan isku daynay inaan la xiriirno xubnaha masjidka ku haray waana ay inoo suurtageli weysay.Mid ka mid ah culumaa’udiinka masjidka ku xiran, ee degan Magaalada Amsterdam oo ka gaabsaday in magaciisa la xuso ayaa she egay in ay nasiib darro ku tahay magaca & qiyamka Soomaalida in masjidkii Soo maalidu dhisatay guddigii maamulkiisa loo dhiibay in ay maxkamad isla tagaan, oo ay gaalo u kala qaado. "Shiikh Suldaan waa keligii. Soomaalidu waxay tiraa; Wadar & Waaxid yaa waalan.?Shiikhu, hadduu saxan yahay siddeey ku dhaci kartaa in waddaadkii macalim-ka & iimaamka ahaa 25-kasanno la waayo waddaad ama qof soo ga rab istaaga oo yiraa Shiikha waa laga qaldan yahay.? Anigu waxaan kula tal inayaa Shiikh Suldaan inuu maxkamada ka laabto, uuna qaato taladii ay siiyeen culimadii uu ka mid ahaa Shiikh Shibli, ragga masjidka ku haray haddii ay talo qaadanayaan in aysan qaadaneyn waaba cadahaye, waxaan oran lahaa mas jidku ma ahan "bedrijf” aad leedihiin, masjidka taladiisa waa inaad ummadda wax kala wadaagtaan, anigu haddaan ALLE ka cabsi u hadlo 30 sanno ayaa dega nahay Amsterdam masjidkaasi uma hayo dadka hadda maamulkiisa haya dad ka fiican, ee iyaga ayaa waxa laga doonayaa in ay ummadda kale talada wax ka siiyaan” Ayuu yiri mid ka mid ah waxgaradka Soomaalida oo ka gaabsaday in magaciisa la xuso.

Waddaadku, waxa uu sheegay inuu ku talinayo in wax kasta oo kale laga hormariyo maslaxada ummaddu ay ku qabaan masjidka.

XIGASHO:CAASIMADDA.NET

Itoobiya oo soo bandhigtay magacada 24 sarkaal oo katirsan Alshabaab oo ay sheeg tay inay dishay

Dowladda Itoobiya ayaa soo bandhigtay magac yada 24 xubnood oo ay ku sheegtay inay yihiin sar aakiishii Alshabaab ee lagu dilay dagaalkii todo baad yadii tagay ka dhacay Xadka Soomaaliya.

Waxaa la yaab noqotay inay liiskaan ku jiraan Fu ’aad Maxamed Shangole iyo Cabdicasiis Abuu Mu scab oo labaduba soo hadlay, sheegayna inay nool yihiin.

Itoobiya waxay sheegtay saraakiishan in cadow ajaanib ah oo raba inay Itoobiya khalkhal geliyaan ay u adeegsadeen inay gudaha usoo galiyaan dalk eeda.

"Cadowgu qorshihii uu rabay mar kuu u socon waayay, waxa ay sam eeyeen isku dayo aan waxba ka jirin oo ay Al-Shabaab gadaal kaga taageerayaan,” ayuu yiri madaxda isku dubaridka iyo daabulka ciidamada Itoobiya, Gen. Tasfaye Ayelow.

Itoobiya waxay sheegtay 813 dagaal-yahan oo ka tirsan koo xda Alshabaab oo ay ku jiraan 24 ka mid ah madaxda ugu sar eysa Alshabaab in ay ku dishay dagaaladii ugu dambeeyay ee dhacay 7baadikii hore

Waxa ay sidoo kale tilmaamtay in tani ay noqon karto markii ugu horeysay oo Al-Shabaab tiro intaas le’eg oo ay hogaamiyayaashooda ku jiraan laga dilo.

Halkaan ka akhriso magacyada saraakiisha Alshaba ab ee Itoobiya ay sheegtay inay dishay.

1) Fu’aad Muxamed Khaliif – Madaxa ololaha iyo dacaayadda Al-Shabaab

2) Abdulaziz Abumus – Afhayeenka al-Shabaab

3) Cabdinuur Ciise Madaxa Aagga Bokool iyo Xudu udka Itoobiya

4) Madaxa Saadka ee Koonfur Bari

5) Abuu Muusa Guddoomiye ku xigeen

6) Ali Muhammad Hasan – Horjoogaha labaad ee Al-Shabaab

7) Aadam– Taliye ku xigeenka alshabab. ) Mukhtaar Gab – Xubin Golaha Dhexe

9- Amiir C/llaahi (Maxamed C/llaahi) – Madaxa Taba barada Al-Shabaab ee Xerada Morgabe

10- Injineer Jehad Srewan (Mujaahid Faysal) – Mad axa Tababarada iyo Walx aha Qarxa ee Kaamka Bluefly.

11) Sheikh Hussain Berdele – Canshuur aruuriyaha Aagga Bakool

12) Sheekh Hasan Nuuno – Madaxa Ololaha Jeba lada Sh/hoose

13) Yaasiin Dheere –

14-Saalax dheere – Madaxa Waxbarashada Al-Shab aab ee Gobolka Baay

15-Abuu Salaam – Aagga Bokool ee ururinta Alshab aab

16) Xamzi C/llaahi Madaxa Warfaafinta Aagga Bay

17-Cabdullaahi Xaaji- Taliyaha Ciidanka Milata riga ee Aagga Bokool.

18) Mukhtaar Boro

19) Abdurashd Gabo-

20) Cabdukiim Gedude-

21-Mukhtaar Gab – Madaxa Ololaha Gobollada

22) Ayuub Daa’uud –

23) Cali Aadan-

24) Xasan Maxamed-

WHO: Cimriga dadka Afrikaanka ah waxaa ku kordhay 10 sano.

Muddada uu qofka Afrikaanka ah noolaan karo ayaa sanado badan ay ku dar sameen, iyadoo cim rigooda ay ku darsantay ku dhowaad 10 sano. Markii hore inta uu qofka Afrikaanka ah noolaan karo ce lcelis ahaan ayaa lagu sheegay 46 sano haatanse waa 56 sano, sida laga soo xigtay hay’adda arrima ha caafim aadka Qarama da Midoobay ee WHO.

Kororka da’da ayaa waxaa sabab looga dhigay In ay dadku heleen adeegyo caafimaad oo fiican inkas too weli tirada inta la rabo ay ka hooseyso. Caalam ka kale celcelis ahaan qofka ayaa noolaan kara 64 sano. WHO ayaa falanqeyn ku sameysay xogta nolosha 47 dal oo Afrika ku yaalla intii u dhaxeysay sanadihii 2000 iyo 2019.

Waxay sheegtay in kor u kaca muddada noolaan shaha ay Afrika kaga

wanaagsanaatay qaaradaha kale ee caalamka, waxayse ka digtay in xanuunka

safmarka ah ee Covid uu carqaladeyn karo horu markan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip