HALKAAN KA AKHRISO: WARARKA WARGEYSKA M. TIMWS DAILY NEWSPAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 3-DA AGOOSTO 2022-KA

0
Wednesday August 03, 2022 - 08:27:43 in Wararka by
  • Visits: 421
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO: WARARKA WARGEYSKA M. TIMWS DAILY NEWSPAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 3-DA AGOOSTO 2022-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...
XASAN SHEEKH OO ISUGU YEERAY WASIIRA DII LA MAGACAABAY – MUXUU FARAY?

 
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xalay kulan soo dhaweyn ah la qaatay xubnaha magacaaban ee golaha wasiirrada ito Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.
Madaxweynaha ayaa ugu horeyn xukuumadda cusub ugu ha mbalyeeyey xilalka loo magacaabay, wuxuuna ku bogaadiyey Ra’ iisul Wasaare Xamse, la-tashiyadii uu sameeyey ka hor magacaa bidda xubnahaan.Sidoo kale Madaxweynaha ayaa Ra’isul Wasaaraha ku amaanay dadaalkii uu ku bixiyey dhismaha xukuumad tayo leh oo hanan karta himilada shacabka Soom aaliyeed ay ku qabaan dowladooda iyo "fulinta hiigsiga ku aaddan Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah.” "Dadka Soom aaliyeed waxa ay idin ka sugayaan in aad si daacad leh ugu adee gtaan, in aad ka shaqeysaan wax ka qabashada dhibaatooyinka ay la tacaalayaan, taasna waxaa aasaas u ah in aad idinku mas uuliyad iyo wadajir ku shaqeysaan oo maanka ku haysaan dha arta iyo masuuliyadda,” ayaa yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kula dardaar may Golaha Xukuumadda in ay xoogga saarto xaqiijinta amniga, gurmadka abaaraha, dib u heshiisiinta, dhammeystirka dib u eeg ista dastuurka, horumarinta dowladnimada iyo kaabeyaasha nolo leed ee shacabka Soomaaliyeed, sidoo kalena ay hagaajisa xiri irka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ay la leedahay dunida.
Madaxweynaha ayaa ka codsaday Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in ay ansixiyaan Xukuumadda, si ay degdeg u gutaan waajibaadka qaran ee loo Ig maday, waxa uuna Alle uga baryey in uu waafajiyo wixii dan u ah shacabka iyo dowladnimada Somaaliyeed
 
 
AQRISO: BEELAHA AY KASOO JEEDAAN WASII RADA CUSUB EE UU MAGACAABAY XAMZA
 
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa Shalay shaaciyey liiska Golaha Wasiirada xukuumaddiisa ee muddada la sugayey.
Inta badan xubnaha golaha wasiirada ayaa ah xubnaha sida aadka ah ugu dhow ama ka tirsan kooxda madaxweynaha iyo ra’ii sul wasaaraha ee UPD, waxaase ku jira dhowr wasiir oo siyaabo kale ku yimid.
Liiska Golaha ee uu ku dhawaaqay Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa ah kuwo aad looga soo shaqeeyay oo ku yimid wada-ogol dhinacyo badan ah, islamarkaana waqti badan ay galiyeen mada xda sare.
Haddaba, hoos ka aqriso magacyada xubnaha la magacaabay iyo qabiiladooda:
1- Saalax Axmed Jaamac, Ra’iisul Wasaare ku-xigeen – Waxa uu kasoo jeeda Beesha Isaaq/Garxajis.
2- Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur, Wasiirka Awqaafta iyo Diin ta – Waxa uu kasoo jeedaa Digil iyo Mirifle/Leesaan
3- Xasan Macallin, Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka – Waxa uu kasoo jeeda Beesha Hawiye/Murusade/Sabti
4- Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha – Waxa uu ka soo jeeda Beesha Hawiye/Habargidir/Sacad
5- Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, Wasiirka Maaliyadda – Waxa uu ka soo jeeda Beesha Samaroon.
6- Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), Wasiirka Gaashaan dhigga, wuxuu kasoo jeedaa Mirifle/ Jiroon
7- Abshir Cumar Huruuse, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iska as higa Caalamiga– Waxa uu kasoo jeedaa Majeerteen/Ciise Maxamuud
8- Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka Waxbarashada Wa xa uu kasoo jeedaa Reer Aw-Xasan.9- Maxamuud Cabdiraxmaan Beena-Beene, Wasiirka Qorsheynta iyo Maalgashiga – Waxa uu kasoo jeeda Beesha Hawiye/Baadicadde.
10- Jaamac ilka Jiir, Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka, waxaa uu kasoo jeedaa Beesha Daarood / Warsangeli.
11- Fardowsa Cismaan Dhoore, Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka, wuxuu kasoo jeedaa Daarood/Leelkase
12- Jaamac Xasan Khaliif, Wasiirka Boosatada iyo Isgaarsiinta – Waxa uu kasoo jeeda Beesha Daarood/Dhulbahnte
13- Xasan Xuseen Eelaay, Wasiirka Xananaada Xoolaha, wuxuu kasoo jeexa Mirifle/ Eelay.
14- Jibriil Cabdirashiid, Wasiirka Ganacsiga Warshadaha.
15- Ismaaciil Sheekh Bashiir, Wasiirka Howlaha Guud iyo Gurye nta – Waxa uu kasoo jeeda Beesha Isaaq/Habarjeclo.
16 -Khadiija Maxamed Diiriye, Wasiirka Haweenka – – Waxa uu ka soo jeeda Beesha Shanaad/Yaxar
17- Dr. Crisaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Batroolka iyo Macdan ta – Waxa uu kasoo jeeda Beesha Hawiye/Xawaadle.
18- Maxamuud Doodishe, Wasiirka Amniga Gudaha – – Waxa uu ka soo jeeda Beesha Daarood/Mareexaan.
19- Axmed Madoobe Nuunoow, Wasiirka Beeraha iyo Waraabka, wuxuu kasoo jeeda Digil/Dabare
20- Dr. Cali Xaaji Aadan, Wasiirka Caafimaadka – Waxa uu kasoo jeeda Beesha Hawiye/Gaaljecel.
21- Axmed Xasan Aadan, Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyeaad ka Badda, wuxuu kasoo jeedaa Beesha Dir
22- Daa’uud Aweys, Wasiirka Warfaafinta – Waxa uu kasoo jeeda Beesha Shanaad/Jareer
23- Biixi Iimaan Cige, Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha – Waxa uu kasoo jeeda Beesha Isaaq/Garxajis.
24- Jaamac Taqal, Wasiirka Korontada iyo Biyaha, wuxuu ka soo jeeda beesha Dir/Biyamaal.
25- Maxamed Barre Maxamuud, Wasiirka, wuxuu kasoo jeed Bee sha Shanaad/ Ajuuraan Dhallinyarada iyo Ciyaraaha, wuxuu kas oo jeedaa Beesha Shanaad/ Ajuuraan
26- Khadiija Al-Makhzuumi, Wasiirka Bay’adda iyo isbddelka
Cimiladda, waxay kasoo jeedaa Beesha Shanaad/Reer Xamar


 
MUKHTAAR ROOBOW oo ka mid noq day golaha wasiirada iyo xilka loo mag acaabay
Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ayaa Shalayeyd si rasmi ah uga mid noqday Golaha Wasiirada cusub ee Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.
Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Man suur) oo muddo u xirna dowladdii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa loo magacaabay wasiirka wasaar ada diinta iyo awqaafta.
Arrintaan ayaa waxaa la sheegay inay si weyn uga qayb-qaateen xildhibaanno ku dhow dhow guddoomiyaha golaha shacab ka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Madoobe.
Sidoo kale waxaa siyaabo kala duwan uga hadlay mas’uuli yiin iyo siyaasiyiin ca an ah, waxaana ka mid ah afhayeenkii hore ee xukuumadda Soomaaliya, haatana ah xildhibaan ka tirs an Golaha Shacabka Soomaaliya, Mudane Maxamed Ibraahim Macallimuu.
Qoraal uu Macallimuu soo dhigay barti isa Facebook-ga ayaa waxa uu ku yiri "Xa bsi ilaa wasiir. Ku soo dhawoow naadiga”.
Sheekh Roobow oo horey uga tirsa naa koo xda Al-Shabaab, balse isku soo dhiibay do wladda Federaalka Soomaaliya oo soo dhoweysay ayaa ka mid ahaa mu sharixiin tii isku soo taagay madaxweynaha Koonfur Galbeed, balse isaga oo mushar rax ahaa laga soo xiray Baydhabo.
Si kastaba, golaha wasiirada lagu dhaw aaqay ayaa ka kooban 25 Wasiir, halka xu kuumaddii hore aheyd 26 Wasiir, iyadoo la baabi’iyey wasaaraddii gargaar ka, halka wasaaradda dastuurka oo gooni u taag neyd lagu daray wasaaradda cadaa ladda, waxaa sidoo kale la soo kordhiyey was aar ad lagu magacaabo bay’ada iyo isbedel ka cimilada.
Xamza iyo Xasan Sheekh oo heshiisiiy ey Mukhtaar Roobow iyo wasiirkii soo xiray
Md.Xasan Xuseen Eelaay oo Shalay loo magacaabay Wasiirka Xananaada Xo olaha Soomaaliya ayaa Xalay lala kulans iiyey Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo isna Shalay loo magacaabay wasiirka diinta iyo awqaafta xukuumadda Soomaal iya.
Wasiir Xasan Eelaay ayaa xilligii uu ahaa wasiirka amniga maamulka Koonfur Galbe ed waxay dowladdii Farmaajo isaga iyo ma s’uuliyiin kale u adeegsatay in la xiro Sheekh Mukhtaar Roobow.Mukhtaar Roob ow oo Baydhaba laga soo qabtay bishii De cember sanadkii 2018-kii ayaa Shalay lagu baraarugay iyadoo loo magacaabay wasiir, maadaama uu xirnaa tan iyo maa lintii laga soo qabtay Baydhaba.
Wasiir Xasan Eelaay markii xilka Wasiir ka Xanaanada Xoolaha loo magacaabay wuxuu Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaa raha hor tooda ku raalli geliyay Mukhtaar Roobow, waana uu cafiyay.
Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa in ka badan seddaxn sano arrimo siyaasadeed ugu xirnaa dowladdii hore, wuuna Shalay ka mid noqday golaha cusub ee wasiirrada Soomaaliya.
Wasiir Xasan Eelaay oo Xalay ay is ca fiyeen Mukhtaar Roobow, hadda waa was iirka xanaanada xoolaha ee xukuumadda Soomaaliya, wuxuuna ka mid ahaa xubn aha ugu dhow Madaxweynaha Koonfur Gal beed Cabdicasiis Laftagareen.
Tirada golaha wasiirada, wasaarado la baabi’iyey iyo kuw lasoo kordhiyey
Ra’iisul Wasaraaha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa Shalay ku dhowaaq aya golihiisa wasiirada cu sub ee muddada lasugay ey, waxaana ka muuq do isbeddelo cusub.
Sida ay Sheegtay in ay xog horudhac ah ku he shay Caasimada Online, Golaha Was iir a da la magacaabayo ayaa ka kooban 26 Wasiir, si la mid ah xukuumaddii hore oo iy ana ay aheyd 26 wasiir, ayada oo wasaar ada la baabi’iyey qaar cusubna lasoo kor dhiyey.
Wasaaradaha la baabi’yey waxaa ka mid ah; wasaaradda Gargaarka iyo Musiib ooyinka, maadama madaxweyne Xasan Sheekh uu horey u magacaabay ergeyga gaarka ah ee arrimaha abaaraha iyo ga rgaarka bani’aadamino Cabdiraxm aan Cabdishakuur.
Sidoo kale waxaa meesha laga saaray wasaaradda dastuurka oo horay gooni ugu taagneyd, waxaana hadda la raaciyey wa saaradda cadaaladda oo noqoneysa was aaradda Cadaaladda iyo dastuurka.
Waxaa lasoo kordhiyey wasaarada cus ub oo ah wasaaradda deegaanka iyo isbe delka cimilada, ayada oo ujeedku yahay in la badbaadiyo deegaanka oo la rumeysan yahay in xaalufintiisa uu qeyb ka yahay ab aaraha soo noqnoqday ee dalka ka jira.
Sidoo kale, wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta ayaa magaca laga bedde lay waxayna noqneysaa wasaaradda awq aafta, arrimaha diinta iyo la-dagaa lanka ar gagixisada, waxaana la filayaa in loo maga caabo Mukhtaar Roobow. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hor ey u sheegay inuu Al-Shabaab la gala yo dagaal dhanka fikirka ah, isaga oo shee gay inaan ciidan ahaan kaliya looga adka an karin.
Dhinac kale, waxaa hadda shir uga soc daa Villa Somalia Madaxweyne Xasan Sheekh, Guddoomiye Aadan Madoobe iyo Sheekh Mukhtar Roobow oo ka mid ah Golaha Wasiirada.Ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in Xafiiska Xeer Ilaalinta ay soo saari doonto warqad dambi la’aan ah oo si buuxda u ogolaaneysa xoriyadda Mukhtar Roobow.
Warshad kalluun oo ay ku baxday Mala yiin dollar oo Berbera laga hirgaliyay
Waxa magaalada Berbera ee cariga Soma liland laga hirgaliyay warshada Sometuna oo ah warshad kall uun ka warshayd doonta, oo ay hirg aliyeen ganac sato wadda ni ah.
Warshada Sometu na oo ay ku baxd ay 50 milyan oo dollar, ayaa waxay shaqo abuur u samayn doontaa dhowr iyo toban kun oo qof, isla markaana waxa la rajaynayaa in ay dhowr boqol oo kun oo qof shaqo abuur u samayso muddo 5 sanno gudaheed ah, sida uu sheegay Maamulka Guud ee Shir kada Sometuna Ismaciil Sh. Saalax.
"Waxaanu rajo wayn ku qabnaa in ay noqoto wax aan taariikhda hore usoo ma rin, gudaheeda waxaanu isleeenahay 3000 oo qof haka shaqo gasho, dhowr iyo toban kun oo qofna ay bada ka shaqeeyaan, ma aha nihaayadii, waa bilowgii, waxaanu isle enahay dhowr boqol oo kun oo qof haka shaqeeyaan 5-ta sanno ee soo socda" ayuu yidhi Saalax.
Wasiirka Wasaarada Shaqo-galinta iyo Arrimaha Qoyska Somaliland Mustafe God ane, ayaa Sometuna ku tilmaaamay warsh adii kalluun ee ugu waynayd ee abid gayi Soomaaliyeed laga hirgaliyo, isaga oo sheegay in ay boqollaal tan oo kalluun war shadaysan ah soo saari donto maalinksta.
"Warshadani waxay noqonaysa, warsha dii ugu waynayd ee abid gayi Soomaaliy eed laga dhiso, oo ah warshad kalluuma ysi, warshadaasi maalintii waxay soo saar aysa 400 oo tan, waxa kale oo ay soo saa raysa 10,000 oo kartoon, maalgalinteeda waxa ku baxday lacag gaadhaysa ilaa 50 milyan oo dollar" ayuu yidhi wasiir Godane.
Warshadan oo muddo dheer dhismaheedu socday, ayaa si tijaabo ah u shaqo bilaabi doonta 15 bishan Ogos, waxaana laga rajo qaba in ay gacan ka gaysato haqab tirtka baahida kalluunka Somaliland iyo Geeska
Afrika.
 
Dowladda Soomaaliya oo Talyaaniga kala hadashay Gurmadka Abaaraha
Ergeyga gaarka ah ee Arrimaha Gurm adka Abaaraha Md. Xildhibaan Cabdira xmaan Cabdishakur Warsame, ayaa kulan la qaatay Safiirka ku xigeenka dalka Tal yaan iga ee u fadhiya Soomaliya Amb. Ma ssimili ano Bertollo.Ugu horreyn, Ergeyga ayaa ka dhageystay safiirka warbixin ku sa absan howlaha gargaar ee Dowladda Tal yaaniga ka wado gudaha waddanka Soom aliya.
Md. Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ay aa uga mahad celiy ay Dowla dda Talya aniga si ay u garab taagan yihiin dadka So omaa liyeed ee ay abaaruhu saameeyeen.
Ergeyga ayaa sidoo kale ka codsaday in ay si dhaqso leh dib u billaabaan taakul aynta ay siin jireen cusbitalka Martiini, Cus bitalka Jowhar, Xudur iyo Dhuusama reeb
Wuxuu kaloo kala hadlay kulanka ay dawlada Talyaaniga agaasimayso ee ka dhacaya xarruunta Qaramada Midoobay ee looga hadlayo gurmadka abaaraha Soo maaliya iyo Geeska Afrika.
Ugu danbeyn, Safiir ku xigeenka oo bogga adiyay dedaallada muuqda ee Dowl adda Soomaaliya ay ku bixineyso Arrimaha Gurmadka Abaaraha iyo fududeynta ayaa u ballan qaaday Ergeyga in Dowladda Talyaaniga ay sii wadi doonto iska xilsaarista howlaha Gurmadka Abaaraha

Laftagareen oo sheegay inay qabteen mid ka mid ah raggii fuliyey qaraxii Baydhabo
Madaxweynaha dowlad goboleedka Ko onfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxa med (Lafta Gareen) oo u warramay laanta afka Soomaaliga ah ee BBC ayaa faahf aahin ka bix iyey howlgallo culus oo laga sa meeyey magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.
Lafta Gareen ayaa shaa ciyey in how lgalladaas oo lagu xaqiijinayey amniga la gu soo qabtay mid ka mid ah raggii ka dam beeyey qaraxii is-miida aminta ee Jimcihii ka dhacay halkaasi.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ninka la soo qabtay uu wax ka abaab ulay weerarka asi oo lagu dilay wasiirkii ca daaladda ee dowlad gob oleedka Koonfur Galbe ed Soo maaliya, Marx uum Ibraahim Xasan Lug-buur iyo Wiil uu dhalay oo darawal u ahaa.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ku daba jiraan shaqsiyaad kale oo ku lug lah aa weerarkaas oo sidoo kale sababay dha awaca dad kor u dhaafaya illaa 10 qof.
Cabdicasiis Lafta Gareen oo hadalkiisa sii wata ayaa walaac ka muujiyey qaraxya da Al-Shabaab, wuxuuna la xiriiriyey duul aanka ay ku qaadeen dhulka dowlad deeg aanka.
”Qaraxyada ka dhacaya Koonfur Galb eed, waa mid ay Al-Shabaab ugu talo gal een inay indhaha kaga jeediyaan howlga lka ay ka wadaan dowlad deegaanka,” ayuu yiri.
Waxaa kale oo uu shaaca ka qaaday in maamulkiisa uu wado qorshe ballaaran oo wax looga qabanayo amniga, si looga hor tego weerarada kooxda Al-Shabaab.
Koonfur Galbeed ayaa maalmahaan wajaheysay xaalad amni, waxaana qaraxa Baydhabo ka horreeyey weerarkii ismiid aamiinta ahaa ee isna lagu dilay guddoo miyihii degmada Marka
Taliska Ciidanka xoogga oo soo bandhi gay Xubin katirsan Al-Shabaab oo isku soo dhiibay
Taliska Qeybta 60aad ee Ciidanka Xoo gga Dalka Soomaaliyeed ay aa Shalay Magaalada Baydh abo kusoo Bandhigey Xubin la sheegay in uu ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu magaca abo Ibraahim Macalin Yuusuf oo Magaciisa Afgarashada uu yahay (Sule ymaan), kaas oo isku soo dhiibey Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Ibraahim ayaa la sheegay in uu muddo katirsanaa ururka Al-Shabaab, isaga oo ka qeyb qaatay dagaalo dhowr ah oo ka dhac ay Gobolada dalka, hayeeshee xiriir uu la soo sameeyay saraakiil katirsan qeybta 60 aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaali yeed ay suurto gashay in uu isku soo dhi ibo Ciidamada
Ibraahim Macalin Yuusuf oo Warbaahin ta la hadlay ayaa sababta uu isku soo dhi ibay waxaa uu ku sheegay inay jiraan dhib aatooyin dhanka nolosha ah oo ay ku ay aan Shacabka Soomaaliyeed, isaga oo u gu baaqay in Xubnaha kale ee ku harsan inay isaga soo baxaan. Saraakiisha Ciidamada qeybta 60aad ayaa dhankooda soo dhaweeyay Ibraahim oo isku soo dhiibay, iyaga oo sheegay in weli Xubnaha ku harsan Al-Shabaab fursad u heystaan inay isku soo dhiibaan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.
Bilihii la soo dhaafay ayaa saraakiisha Ciidamada xoogga dalka gaar ahaan qeybta 60aad waxaa ay sheegeen inay kordheen xubnaha katirsan Al-Shabaab ee isku soo dhiibaya
Wararkii ugu dambeeyay qarax ay dad ku dhinteen oo ka dhacay Degmada Hodan
Inta la ogyahay laba qof oo shacab ah ayaa ku dhintay qarax miino, oo Shalay ka dhacay Degmada Ho dan ee Gobolka Bana adir.
Qaraxa oo ka dhac ay inta u dhaxeyso Isg oy ska Tarabuunka iyo Isbitaalka Masaarida ayuu bartilmaameedku ahaa gaari Cabdi Bille ah, oo ay la socde en Ciidanka Xoogga Dalka, oo ku sii jee day dhanka Warshadda Caanaha.
Goobjoogeyaal ayaa sheegay inay ciida madu ka badbaadeen qaraxaasi, balse ay ku dhinteen laba qof oo shacab ah oo wad dada dhinaceeda marayay, mid kalena uu ku dhaawacmay.
Ciidan uu watay Taliyaha Saldhigga Booliska ee Degmada Hodan, Xuseen Cadceed Cismaan ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheeg aya in ay dhowr nin u soo qabteen qaraxa asi,ma na jirto cid illaa iyo hadda sheegatay masu uliyadda qaraxan
Wasiir si deg deg ah isku casilay soona
jeediyey garnaqsi yaab leh
Maxamed Cabdulqaadir Cali oo Shalay loo magacaabay wasiir ku xigeen ka wasaaradda qorsheynta Soomaaliya ayaa si deg deg ah isaga casilay xilkaas, isagoo shaaciyey saba bta.
Maxamed Cabdulqaadir ayaa sababta uu isku casilay ku sheegay in xilkaas uusan u qalmin beeshiisa, isla mar kaana ay beeshu horay u laheed wasiir buuxa.
"Waxaan rabaa inaan ka cadeeyo halk aan, inaan iska casilay xilkii la ii magaca abay ee wasiir ku xigeenka qorsheynta, be el ahaan uma qalano kursigaan, kumana meteli karo beesheyda,” ayuu yiri Maxa med Cabdulqaadir Cali.
Sidoo kale masuulkaan ayaa cadeeyey in beeshiisa Carab Saalax ee beelaha Da arood ay horay u laheyd wasiir fuul ah.
"Hadda waxaa la dhahay meeshiinu waxay heshay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka, laakiin wa xaan sidoo kale xaq u leenahay wasiir buu xa, maadaama ay beesheydu xildhibaano badan leedahay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.
Go’aanka uu isku casilay wasiir ku xige enkii wasaaradda qorsheynta loo ma gaca abay ayaa ku soo aaday saacado kooban kadib markii Shalay lagu dhawaa qay gol aha cusub ee wasiirrada Sooma aliya
 
37 qof oo Soomaaliya ugu geeriyooday cudurka daacuunka
Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO, ayaa warbixin cusub oo ay soo saartay waxay ku sheegtay, in 37 qof ay sanadkan Soom aaliya ugu geeriy o odeen cud urka da acuun ka.
Warbixinta hay ’ad da caafimad ka adduunka ee WHO ayaa lagu sheegay in bilihii January iyo June laga helay Sooma aliya 8,41 xaaladood oo daacuun ah, 37 qofna ay u dhinteen cudurka.
Qiyaastii 54 boqolkiiba dadka uu soo ritay cudurka sanadkan, ayaa ahaa carruur da'doodu ka yar tahay laba sano, sida warbixinta lagu sheegay, halka 49 boqolkiiba ay yihiin haween. Sidoo kale 28 boqolkiiba ay aad u fuuqbaxeen.
Tallaalka daacuunka ee afka laga qaato ayaa markii ugu horreysay Soomaali ya laga billaabay 2017-kii, markaasoo lasoo weriyay 78,865 xaaladood iyo 1160 kiis oo dhimasho ah.
Dowladda Soomaaliya iyo hay'adda WHO ayaa bishii hore howl galiyay 4,984 shaqaale caafimaad ah, kuwaas oo tallaalay 897,86 qof oo da’doodu tahay 1 jir iyo wixii ka weyn.
Dagaal culus oo Shalay ka dhacay Gobolka Hiiraan
Ciidanka Xoogga Dalka iyo maleeshiyada Al Shabaab ayaa Shalay ku dagaalamay deegaanka Bukure, oo hoostagga Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, waana deegaan ay in muddo ahba labada dhinac isku horfadhiyeen.
Ciidanka Qaybta 27aad oo gacan ka helaya kuwa Qaybta 21aad ee Xoogga Dalka iyo maleeshiyaad deegaanka ah ayaa aroornimadii hore ee Shalay weerar culus ku qaaday fariisimihii Shabaabku ku lahaayeen deegaankaasi.
Dagaalka ayaa ahaa mid hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday, iyadoona uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh oo labada dhinac kala gaaray, inkastoo aan macluumaad sax ahi laga hayn inta uu khasaaruhu gaarsiisan yahay.War ka soo baxay Taliska Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa lagu sheegay in hawlgalka lagu dilay tiro ka mida maleeshiyada Al Shabaab, isla-markaana ay ciidamadu ku burburiyeen saldhigii Shabaabka ee deegaankaasi.
"Hawlgal qorsheysnaa oo ay wadajir u fuliyeen Ciidamada Qaybta 21aad iyo kuwa 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed ayaa waaberigii hore Shalay lagu qaaday deeganka Bukure, oo hoostagga Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan. Hawlgalka waxaa lagu dilay tiro ka mida maleeshiyaadka Al Shabaab, waxaana lagu soo furtay dhowr iyo toban gacmeed oo qoryo ah, oo ay ku jiraan labo BKM, waxaana lagu burburiyay guud ahaan saldhigii kooxda ee deegaankaas.” Ayaa lagu yiri warka.
Gudoomiyaha Degmada Maxaas, Muumin Maxamed Xalane ayaa sheegay in ciidamadu ay si buuxdo ula wareegeen gacan ku haynta deegaankaasi.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in dhankooda ay laba askari kaga dhimatay dagaalka, tiro dhaawac ahna ay jiraan, balse khasaaraha gaaray Shabaabku uu yahay mid aad u tiro badan, sida uu yiri.
Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan ayaa hoggaaminayay gulufka ciidamadu ay Shalay ku qaadeen deegaankaasi.
Dagaalka ayaa imaanaya, xilli Ciidamada Dowladda ay maalmihii ugu dambeysay hawlgalo ka wadeen inta u dhaxeyso Degmooyinka Beledweyne iyo Maxaas, Maxaas illaa aagga Matabaan.
 
MADAXWEYNAHA HIRSHABEELLE OO XIL CUSUB U MAGACAABAY MAXAMED CAADLE (WAREEGTO)
 
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa xil cusub u magacaab ay Wasii rkii hore ee Wasa aradda arrima ha gudaha iyo dib u heshiisiinta Hirsha beelle Maxam ed Ca li Caadle.
Madaxweyne Cali Guudlaawe oo soo saaray Waree gto ayaa waxaa uu La-taliyihiisa gaarka ah ee arrimaha Siyaasadda ugu magacaabay inuu noqdo Maxamed Cali Caadle oo horey u ahaa Wasiirkii hore ee Arrimaha Maamulkaasi Hirshabeelle.
Guudlaawe ayaa xilka uu u magacaabay Caadle ugu qiimeeyay doorkii siyaasadeed ee jiheynta doorashooyinkii ugu danbeeyay ee dalka gaar ahaan kuwii ka qabsoomay dowlad Goboleedka Hirsh abeelle.Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa habeen horey magacaabay Golihiisa Wasiirada cusub oo laga sugayey muddo dheer, waxaana ay ka koobnayeen 80 xubnood oo isugu jira 27 Wasiir, 27 Wasiir ku-xigeen iyo 26 Wasiiru dowle.
Hoos ka Akhriso wareegtada magacaabista.
 
 
 HOGGAAMIYIHII AL-QACIDA AYMAN AL-ZAWAHIRI OO LA DILAY
 
Hoggaamiyihii Al-Qacida Ayman al-Zaw ahiri ayaa lagu dilay weerar drone ah oo ay fulisay CIA-da Mareykanka, waxaa sidaas shaaca ka qaaday saraakiil Mareykan ah.
Zawahiri, oo ah dhaqtar qalliin oo Masri ah, ayaa gacan ka gaystay isku xirikii wee raradii September 11, 2001 lagu qaaday dalka Mareykanka.
Weeraradaas ayaa lagu afduubtay afar diyaarad oo rayid ah kadibna lagu weera ray daarihii mataanaha ee Xaruntii Ganacsi ga Adduunka ee New York, xarunta Penta gon-ka iyo goob maran oo ku taalla go bolka Pennsylvania, waxaana lagu dilay 3,000 oo qof.
Sarkaal Mareykan ah oo codsaday inaan la magacaabin ayaaReuterssheegay in wee rarka Drone-ka ah ay CIA-da ka fulisay magaalada Kabul ee caasimadda Afghanis tan, Axaddii.
"Axaddii, Mareykanka wuxuu fuliyey we erar ka hortag argagixiso oo ka dhan ah bartilmaameed muhiim ah oo ka tirsan Al-Qacida, weerarkaas oo ka dhacay Afghan istan,” ayuu yiri sarkaalka ka tirsan maa mulka madaxweyne Joe Biden.
"Howlgalka wuxuu ahaa mid guul leh, mana jirin cid rayid ah oo wax ku noqotay,” ayuu ku daray.
Weerarka CIA-da ayaa dhalinaya su’a alo ku saabsan haddii kooxda Taalibaan ay gabbaad siisay Ayman Al-Zawahiri kadib markii ay la wareegtay gacan ku haynta Kabul bishii August 2021.
Afhayeenka Taalibaan Zabihullah Muja hid ayaa bayaan uu soo saaray ku xaqii jiyey in weerarka uu dhacay, wuxuuna u cambaareeyey si xooggan, isaga oo ugu yeeray xadgudub ka dhan ah "mabaadi’da caalamiga ah.”
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo shir jaraa’id ku qabtay Aqalka Cad, ay aa geerida Zawihiri ku tilmaamay "cadaa ladda oo la fuliyey.”
Qarax xooggan ayaa saacadihii hore ee Axaddii laga maqlay Kabul.
"Guri ku yaalla xaafadda Sherpoor ayaa waxaa ku dhacay gantaal culus. Wax kha saare ah kama dhalan weerarka maadaa ma guriga aysan cidna ku sugneyn,” wax aa sidaas goor hore sheegay Abdul Nafi Takor oo ah afhayeenka wasaaradda arrim aha gudaha dowladdaTaalibaan.
Geerida Al-Zawahiri ayaa imaneysa 11 sano kadib markii Mareykanka ay weerar ka dhacay dalka Pakistan ku dileen hogg aamiyihii hore ee Al-Qacida Osama bin la den, markaasi oo kadib Zawahiri uu la war eegay hoggaanka.
 
ODAYAASHA DEEGAANKA FARJANO OO XOO LO NOOL KU WAREEJIYAY CIIDANKA LIYUU BOOLIISKA
 
 
 
Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Beesha Xawaadle ee deegaanka Farjano ee dowlad deegaanka Somaalida Itoobiya ee xaduuda la leh gobolka Hiiraan ayaa 10 neef oo Geel ah ku ware ejiyey saraakiisha cii danka Liyuu Boolis ka.
waxgaradka Bee sha Xawaadle ee de egaanka Farjano ay aa sidoo kale u bal lan qaaday saraaki isha ciidanka Liyuu Booliiska iney u diy aarinayaan 100 wiil oo kala qeyb qaata dagaalada ay kula jiraan ciidanka Al-shabaab.
Suldaan Warsame oo ka mid ahaa waxgaradka deegaanka Far jano ee Saraakiisha ciidanka Liyuu Booliiska ku wareejiyay 10 neef ee Geela ah ayaa sheegay in shacabka deegaanka Farjano ay diyaar u yihiin mar walba iney ka qeyb qaataan dagaalada lag ula jiro ciidanka Al-shabaab ee dhawaan ka dhex dagaalamay gud aha deegaano ka tirsan dowlad deegaanka Soomaali Galbeed.
"Waxaan diyaar u nahay inaan naf iyo maalba ku bixino dagaal ada looga hortagayo in Shabaab ay dhibaatooyin ka geystaan dee gaanadeena, ciidanka Liyuu Booliiska waan garab taaganahay marwalba waxaana u diyaarin hayna 100 wiil oo kala qeyb qaadan doonta dagaalada ciidankeenu kula jiraan Al-shabaab" ayuu yiri Sulaan Warsame.
Si kastaba ha ahaatee talaabadan ay waxgaradka deega anka Farjano qaadeen ayaa imaaneysa xili dhawaan Al-sha baab ay ka gudbeen xadka Hiiraan uu la wadaago dowlad deegaanka Ito obiya, islamarkaana ay ka dagaalameen deegaanka Laasqurun oo 18KM u jirta degmada Feerfeer ee gobolka Shebe elle


 
OGEYSIISKA DIGNIINTA GANACSIGA

(Gudaha dhulka SOOMAALIYA)

 
Ogaysiis waxa halkan lagu siinayaa: KT&G Corporation, a South Korean company with head office at: 71, Beotkkot-gil, Daedeok-gu, Daejeon, Republic of Korea
Wuxuu yahay mulkiilaha iyo mulkiilaha Keliga ah ee sumaddan soo socota:
Raison French Black
Astaanta sare ee ganacsiga waxaa lagu isticmaalaa heerka caalamiga ah ee fasalka 34 marka loo eego badeecadaha soo socda:
Fasalka 34: Tubaakada; Sigaarka; Sigaarka; buuriga; Waraaqaha sigaarka; Tuubooyinka tubaakada, oo aan ahayn bir qaali ah; Shaandhooyinka sigaarka; Kiisaska sigaarka, ee aan ahayn birta qaaliga ah; Kiishka tubaakada; Shidayaasha sigaarka, ee aan ahayn birta qaaliga ah; Tartamada; Nadiifiyeyaasha tuubooyinka tubaakada; Ashtrays loogu talagalay dadka sigaarka cabba, oo aan ahayn bir qaali ah; Sigaarka gooyaa.

OGAYSIIS SIDOO KALE WAXAA LA SIIYAY in dacwadaha sharciga ah lagu soo oogi doono qof kasta ama shirkad kasta oo adeegsata calaamad isku mid ah ama ku dayasho, ama cid kasta oo ku xad gudubta xuquuqaha lahaanshaha ganacsiga.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip