Xog: Xasan oo la kulmay xildhibaanada Murusade ee horey uga baaqday kulankiisa

0
Monday August 01, 2022 - 20:31:47 in Wararka by
  • Visits: 293
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xog: Xasan oo la kulmay xildhibaanada Murusade ee horey uga baaqday kulankiisa

    ,,,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,,,

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta la kulmay Xildhibaannada Beesha Murusade ee habeen ka hor ka baaqsaday kulankii Xildhibaannada laga soo doorto Galmudug.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Xildhibaanada beesha Murusade ayaa hore u saluugsana xulashada Madaxweynaha ee xubinta golaha wasiirrada ku meteli doona beeshaas oo ah Xasan Macallin, oo sida ay sheegeen aan lagala tashan.

Hase yeeshe kulanka maanta ayaa meesha looga saaray saluugaas, ayada oo lasoo warinayo in uu is afgarad ku soo dhamaaday.

Kulankaan ayaa waxaa qeyb ka ahaa Xildhibaan hore Xasan Macalin oo lagu wado inuu ka mid noqdo Golaha Wasiirada la magacaabi doono, ahna qofkii diidmada ay ka timid markii hore

Ujeedka kulankaan iyo kuwa lamidka ahaa ee maalmihii dambe uu Xildhibaanada la yeelanayay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ah sidii xildhibaanada loogu qanci lahaa Golaha Wasiirada lasoo magacaabayo oo codkooda kalsoonida ay u sii lahaayeen.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa laga soo xigtay inay socoto qaban-qaabadii u dambeysay ee munaasibada la filayo in looga dhawaaqo Golaha Wasiirada cusub ee Ra’iisul Wasaare Xamze Cabdi Barre.



 
 

Wararka qaar ayaa sheegaya inay suurta-gal tahay in wasiirada la shaaciyo caawa, halka kuwa kalena ay sheegayaan inay dhici karto berri subax. Xafiiska Xamza waa uu diiday inuu sheego waqtiga rasmiga ah.

Dadweynaha Soomaaliyeed ayaa si weyn isha uga haya liiska la shaacinayo, ayada oo la filayo inay kasoo dhex muuqan doonaan Golaha Wasiirada siyaasiyiin qaarkood aan xildhibaano aheyn.

Xog: Xasan oo la kulmay xildhibaanada Murusade ee horey uga baaqday kulankiisa - Caasimada Online



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip