HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH AXAD 31-KA JULY 2022-KA

0
Sunday July 31, 2022 - 08:18:25 in Wararka by
  • Visits: 487
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH AXAD 31-KA JULY 2022-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Madaxweyne Xasan Sheikh: War hadda an Tuuggii daba kacno, oo Shabaabkii waa qaraabo dhahno maxaan qaban karnaa?

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ugu baaqay shacabka Muqdi sho inaysan hay’adda amniga ku faro galin gud ashada waajibaadkooda shaqo.

Madaxweynaha ayaa sheegay inay dowladda culays ku haya an waalidiinta ilmahooda loosoo xiro arrimo burcadnimo, taasoo uu sheegay inay u muuqato in ay difaacayaan dambiilaha burcadka ah ee laga joogi waayay.

‘War haddaan Tuuggii daba kacno, oo Shaba abkii waa qaraabo dhahno, oo qofka nagu jufada ah aanba u arag inuu qatar nagu yahay. War wa xa na dila waa kuwa nagu qaraabada ah. Waa ku wa yaqaana meesha aan ku nool nahay iyo mee sha aan ku hoyano,’ayuu yiri madaxweynuhu."

Madaxweynuhu wuxuu sheegay cid kasta oo aan dambi lahayn inaysan iska xirnaan doonin oo baaris kadib lasoo siidayn doono, wuxuuna bulsh ada gobolka Banaadir ugu baaqay inay la shaqee yaan laamaha amniga si loosoo afjaro amni xum ada iyo burcadda hubaysan.

Hadalka madaxweynaha ayaa kusoo beegm ay, iyadoo laamaha amnigu ay xireen in ka badan 500 oo dhallinyaro ah, kuwaas oo lagu eedeeyay inay yihiin cayaal weero.

Wasiirkii arrimaha gudaha Jubaland, Jeneraal Maxamed Darwiish oo geeriyooday

Wasiirkii Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta maamul gobaleedka Jubbaland Gen eral Maxamed Warsame Faarax Darwiish ayaa ku geeriyooday dalka Jarmalka oo u joogay arrimo caafimaad.

Geerida Wasiirka ay aa lagu xaqiijiyey war ka soo baxay madax tooyada maam ulkaas oo lagu daabacay bar aha bulshada Alle h u nxiitee Marxuumka ay aa xaalad caafimaad u jiray dalka Jarmalka wax aana geerisiisa ka tacsiyadeeyey Maamulka Jupal and iyo Wasaaradda arrim aha Gudah DFS iya goo u rajeeyey in naxariistii janno alle ka waraa biyo

Madaxweynaha maamul gobole edka Jubaland oo ka tacsiyeey geer ida ku timid wasiirka

Madaxweynaha Jubland ayaa ku tilmaa may in marxuumku uu si weyn ugu suntan yahay qal biyada bulshada Jubaland oo uu qeyb weyn ka ahaa dadaaladii dhismaha Jubaland.

Sidoo kale, Axmed Madoobe ayaa sheegay in wasiirka geeriyooday uu door muhiim ah kasoo qaatay dhism ahii hay’adaha kala duwan ee dowlada oo uu door muhiim ah ku lahaa.

Halkaa hoose ka akhriso qoraal ka kasoo baxay madaxtooyada Jubbaland

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Ax med Maxamed Islaam ayaa tacsi u diray dhamm aan ehelkii, qaraaabadii, saxiibadii, shacabka Jub aland iyo guud ahaan Ummada Soomaaliyeed ge erida naxdinta leh ee ku timid alle ha u naxariistee Wasiirkii arimaha gudaha federaalaynta iyo dib u heshiisiinta Marxuum Gen: Maxamed Warsame Darwiish oo ku geeriyooday dalka jarmalka oo wa khtiyadii lasoo dhaafay uu arimo caafimaad u joo gay. adaxweynaha ayaa tilmaamay in marxuumku uu si weyn ugu suntan yahay qalbiyada Bulshada Jubaland oo uu qeyb weyn ka ahaa dadaaladii dhismaha Jubaland iyo sidoo kale wasaaradahii uu kasoo shaqeeyay iyo dhismahii hay’adaha kala duwan ee dowlada oo uu door muhiim ah ku lahaa.

Waxaa Madaxweynahu uu intaas ku daray in marxuumku uu hada gacanta ku hayay dadaalo baaxad leh oo lagu daadajinayo maamulka gaar ahaan dhismaha golayaasha deegaanka oo was aaradiisu ay hormuud u ahayd.

Ugu danbayntii Madaxweynaha ayaa alle uga baryay marxuumka inuu ka waraabiyo janadii far dowso isagoo samir iyo iimaan u rajeeyay dham maan shacabka Jubaland, Ummada Soomaaliye ed iyo qoyskii uu ka baxay marxuumku.

Dhanka kale, wasaaradda arrimaha gudaha federaalka iyo dib u heshiisiinta xukuumadda fede raalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyeesay geerida ku timid Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland Gen. Maxa med Warsame Darwiish.

Soomaaliya oo ka qeyb gashay Shir loo ga hadlayay is bedel badalka Cimilada.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurm adka Abaaraha Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Ca bdishakuur Warsame, ayaa mgaalada Kampala u ga qeybgalay shirweeyne looga hadlayo; Isbeddel ka Cimilada, Tahriibka iyo Deegaanka kaas oo ay ka soo qeyb galeen wasiirrada wadamada Africa, IGAD, AU, UNFCC iyo madaxweyneyaal uu ka mid yahay Madaxweyne Yuweri Museveni.

Ergeyga oo qudbad ka jeediyay shirka ayaa qudbaddiisa kaga hadlay dhinacyo badan isagoo carabka ku adkeeyay in soomaaliya oo meel hoose kaga jirga waddama da wasqeeya hawada (ca rbon emissions 0.03) ay had dana tahay Wadamada ugu horeeyo ee ay dhibaatooyin ka ugu badan kasoo gaareen is beddelka cimi lada.

Wadda ugu habboon ee loo mari karo xalka ay uu Ergeygu ku sheegay isla shaqeyn iyo iskaashi Soomaaliyana iyada oo ay Soomaaliya diyaar u tahay kala shaqeynta wadamada Africa iyo caal amka sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatooy inka is beddelka cimilada. Gebogebadii waddama da kala duwan ayaa isla qaatay inay Africa yeel ato hal goorta la tego shirka loo madlanyahay ee Cop2.

Afhayeenka Madaxtooyadda "Waxaan ka cud ur daaranaya in si khaldan la ii fahmay”

Afhayeenka Madaxtooyadda Soomaaliya, Ca bdikariim Cali Kaar ayaa cudur daar ka bixiyay hadal uu ka sheegay shir jaraa’id ee uu ka ga hadlay kulankii dhexmaray Madaxwe yne Xasab Shiikh iyo dhigiisa dalka Masar ee Cabdifitaax Al-siisi.

"Waxaan ka cudur da aranayaa in si qaldan la ii fahmay sharraxa addii aan ka bixiyay hadalkii Madaxweyne Sisi uu ka sheegay shir jaraa’id oo ay wa da qabteen Madax weyne Xasan Sheekh oo ka dhacay Madaxtooya da Al-Itixaadiya.

Wadahadalkooda, labada madaxweyne wax ay si gaar ah u qabteen dhammaan khilaafaadka gobolka waa in lagu dhammeeyaa si wadajir ah oo nabad ah” ayuu yiri Cabdikariim Cali Kaar.

Isaga oo sii hadlaya ayaa waxaa uu yiri "Madax weyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa ka go’an inuu u ololeeyo nabadda, wada-hadallada iyo iskaashiga dalalka gobolka iyo caalamka intiisa kale”.Hoos ka akhriso

Taliyaha Hay’adda NISA oo ka tacsiye eyay geerida General Darwiish

Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoon ka Qaranka Mudane Mahad Maxamed Salaad ay aa tacsi u diray qoyska, qaraabada iyo dhamma an umadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday, marxuum Max amed Warsame Faarax (Darwi ish) oo Shalay ku geeriyooday dalka Jarmalka.

Taliyaha ayaa xusay doorkii mu hiim ka ahaa ee uu Janaraal Darwiish kasoo qaa tay dib u hawlgalinta hay’adda Nabad Sugidda, Waxa uuna Alle uga baryay in uu hoygiisa ka yee lo Jannatul Fardowsa.

Janaraal Maxamed Warsame Faarax (Darwi ish) ayaa sanadihii u dhaxeeyay 2006 ilaa 2009 Waxa uu soo noqday Taliyaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka

Dowladda Soomaaliya iyo Bangiga add uunka oo kala saxiixday heshiis boqol milyan oo dollar

Sii hayaha wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyleh, ayaa u mahad ce liyay Bangiga Adduunka oo dowladda Soomaa liya u ansixiyay $100 milyan oo doolar oo kaalmo miisaaniyadeed ah.

Wasiirka maaliyadda ayaa sheegay tallaaabd an inay ku timid. kadib markii Dowladda Federa alka ah ee Soomaaliya ay buuxisay dhammaan shuruu dihii dib u habeynta dhaqaa laha ee lagu heshiiyey.

"Aad baan ugu hanweynah ay in aan saxiixo he shiiskan cusub Shalay, run ahaantiina waxa uu gacan ka geysan doonaa ma algelinta mudnaanta yada mustaqbalka.”ayuu ku yiri wasiir Beyle 00 qo raal soo dhigay Twitterka.

Maaddaama ay Soomaaliya wajaheyso dhib aatooyinka ka dhashay isbedelka cimilada iyo aba araha, taageeradan dhaqaale waxaa lagu xoojina yaa adkeysiga dhaqaalaha iyo maalgashiga kallu umeysiga iyo tamarta dib loo cusboonaysiin karo.

Bangiga adduunka ayaa ku taageeray dhaqaalah an Soomaaliya, kadib marki dowladdu xoojisay da ah-furnaanta maaliyaddeed iyo kordhinta dakhliga gudaha iyada oo loo marayo hagaajinta maamul

ka maaliyadeed ee dawladda dhexe.

Ciidanka dowladda oo sheegay iney ho wlgal ku dileen horjoogahii Al-shaba ab ee degmada Bardaale iyo 7 xubnood oo kale

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed oo is kaashanaya ay aa howgalo qorsheysan oo ay ka sameeyeen de egaano hoostaga degmada Bardaale ee gobolka Baay, waxay sheegeen iney ku dileen sideed xub nood oo ka mid ah dagaalyahanada Shabaab.

Howlgalka ayaa la sheegay in ciidamada ay si gaar ah uga sameeyeen deegaanka lagu maga caabo Toosweyne oo 18 KM u jira degmada Bard aale ee gobolka Baay, waxaana halkaasi ka dhac ay dagaal xoogan oo dhexmaray ciidankii dowlad da iyo kuwa Koonfur Galbeed oo iskaashanaya iyo Al-shabaabkii ku sugnaa deegaankaasi.

Sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda Soomaali ya oo lagu magacaabo Ceydaruus Cabdullaahi oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in howlgalka ay ku dileen 8 xubnood oo ka mid ah dagaalamayaasha Shabaab oo uu ku jiray horjoo gahii Shabaab u qaabilsana dhanka howlgalada degmada Bardaale iyo nawaaxigeeda oo uu mag aciisa ku sheegay Xasan Ibraahin Aweys.

"Howlgalkeena waxa uu ahaa mid qorsheysan oo aan ku dooneynay inaan deegaanka kaga saar no Al-shabaab, deegaanka Toosweyne ayaa how lgalka ka fulinay waxaana halkaasi ku dilnay 8 xu bnood oo uu ku jiray horjoogahii Shabaab u qaabil sana dhanka howlgalada degmada Bardaale iyo nawaaxigeeda Xasan Ibraahin Aweys" ayuu yiri Ceydaruus Cabduullahi oo ka mid ahaa saraaki isha howlgalkaasi hoggaamineysay.

Waxuu intaasi ku daray in ciidanka dowlada iyo kuwa Koonfur Galbeed ay haatan si wadajir ah gacanta ugu hayaan deegaanka Toosweyne, isl amarkaana ay sii joogi doonan ayna sii wadayaan howlgalada ay Shabaab kaga saarayaan deeg aanada gobolka Baay oo xiligaan inta badan ay ka jiraan abaaro aad u baahsan

Wasiirka Beeraha JFS oo Costa Rica u ga qa yb galay Shirka Qaaradaha Africa-Latin Amer ica ee horumarinta beeraha.

Wasiirka Wasaarada Beeraha & Waraabka JFS Md Siciid Xuseen Ciid ayaa dalka Costa Rica uga qayb galay shirka iskaashiga Wasiirada Bee raha Africa iyo Latin America, kaas oo ay si wada jir ah u soo qaban qaabiyeen Ururka Midowga Africa qaybtiisa horumarinta, Beeraha & Cimilada ee AU-AUDO-NEPAD iyo Ururka INTER-AMER ICAN INSTITUTE FOR COOPERATION ON AG RICULTURE(IICA) iyo Alliance for Green Revo lution Africa(AGRA) ayna martigalisay Dowlada Costa-Rica,shirka waxaa diirada lagu saaray sidii labada qaaradood iskaga kaashan lahaayeen xaq iijinta hiigsiga caalamiga ah ee la dagaalanka ga ajada iyo gaarista yoolka badbaado cunto(Zero Hunger).Iyadoo laga duulayo dhibaatada cunto yaraan ee caalamka soo foodsaartay kadib colaa daha Uk rain iyo saamaynta ka dhalatay caabuqa Covid-19 waxaa hoosta laga xariiqay muhiimada ay lee dahay iskaashi buuxa laga yeesho arim ahaas, isdhaafsiga khibradaha iyo xoojinta iskaa shiga koonfureed(South-South Cooperation).

Shirka Waxaa furay Madaxweyne ku xigeen ka Dalka Costa Rica,Waxaa ka soo qaybgalay wa siirada Beeraha ee dalalka Africa qaarkood iyo Madaxda Ururada shirka qabanqaabiyay.

Gabagabadii Shirka waxaa laga soo saaray talooyin dhaxalgal ah iyo balamo lagu galay in lab ada qaaradood ay si mug leh u xaqiijiyaan hiigs iga la dagaalanka gaajada iyo xaqiijinta badbaado cunto gaar ahaan Africa oo ah qaarada sida gaar ah ugu suntan inay qaaradaha kale si weyn uga danbeyso badbaadada cuntada iyo la dagaalanka gaajada,wadamada qaarada Laatin America ayaa soo bandhigay khibrada iyo guusha ay ka gaare en dhinaca badbaadada cuntada iyo kor uqaadi sta waxsoosaarka dalalkooda.

Mudadii halkaas uu ku sugnaa Wasiirku Wax uu kale oo booqday Jaamacada UN leedahay ee Peace University ee dalka Costa Rica Caasimadi isa San Jose oo uu ka mid yahay ardayda ka dhig ata PhD, waxaa si sharaf iyo Maamuus leh ugu soo dhaweeyay Gudoomiyaha Jaamacada Rector Dr Francisco Rojas Aravena iyo Hormuudka Jaa macada Dr Juan Carlos iyo Maamulka Jaamaca da waxuuna booqanay qaybaha kala duwan ee Jaamacada isagoo kadib shir la galnay maamulk a,waxuuna uga mahadcelinay soo dhawaynta iyo howlaha aqooneed ee Jaamacada ay ka wado Soomaaliya, si gaar ah Xarunta Cilmibaarista ee Badbaadada Cuntada ee Jaamacada samaynay so taasoo wax weyn ka tari doonta geeska Africa dhinaca cilmi baarisyada la xiriira cuntada.

Waxaa Wasiirka booqashada Jaamacada ku weheliyay Dr.Fadil Ndiame oo ah Kuxigeenka Afr ican Green Rovulation Alliance AGRA iyo Lataliya ha Wasaarada Beeraha Ahmed Keynan.

Waxuu kale Wasiirka iyo wafuuda kaleba ay booqdeen xarumaha cilmi barista iyo beeraha Mo oska, Coffee-ga iyo xoolaha ee dalka Costa Rica iyagoo warbixino ka dhegaystay khubarada maam usha xarumahaas.

QM iyo Galmudug oo kulan ku yeeshay Dhuus amareeb

Madaxweynaha maamupkaGalmudug, Md. Ax med Cabdi Kaariye, ayaa Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay danjiraha Qar amada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, oo Shalay soo gaaray magaalada Dhuusa marreeb ee caasimadda Galmudug.

Madaxweynaha iyo danjiraha Qaramada Mid oobay ee Soomaaliya ayaa ka wada hadlay arri mo ay kamid yihiin mashaariicda hormarineed, aminiga, abaaraha,

la dagaalanka Alshabaab iyo xafiis cusub oo dhawaan Qaramada Midoobay ay ka furanayso caasimadda Galmudug.

Saddex ka mid ah dalalka Geeska Afrika oo ka shiray isku xirka xuduudaha

Waxaa magaalada Doollo Cado ee ku taalla xuduudka u dhaxeeya Itoobiya, Kenya iyo Soomaaliya lagu qabtay shir isku xirka xuduudaha ee u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya.

Hadafka kulanku wuxuu ahaa in la xoojiyo isku-dubbaridka xuduudaha qaybaha badan ee xuduu daha iyo iskaashiga ka dhexeeya daneeyayaasha kala duwan ee saddexda waddan si wax looga qabto khataraha caafimaadka guud ee bulshada.

Ka soo qeyb galayaasha oo ka kala socday hay’adaha Qaramada Midoobay, dowladdaha, uru rada aan dawliga ahayn, urur goboleedka IGAD, ayaa ka wada hadlay xoojinta habka isku xirka xuduudaha, horumarinta ka hortagga cudurrada faafa ee xuduudaha, iswaafajinta ilaalinta cudur rada.

Ka-qaybgalayaashu waxay gaadheen is-afgar ad guud oo ku saabsan baahida loo qabo xoojinta is ku-dubbaridka xuduudaha iyo hindisaha iska ashiga Dhulka saddex-geesoodka ah ee ay ku kulmaan Itoobiya, Kenya iyo Soomaaliya, oo loo yaq aan Saddex Xagalka Mandheera oo ah xudun ta ganacsiga iyo is dhaafsiga xoolaha oo muhiim u ah quudinta Geeska Afrika.

Gebagebadii shirka isuduwidda ayaa lagu same eyay guddi ka socda saddexda dal oo ka shaqe yn doona horumarinta xuduudaha saddexda dal

Wasiir Wasaaradda Kaluumeysiga XFS oo Shalay si rasmi ah u furay shirka wadamada ku midoobay Urur goboleedka IGAD

Wasiir Wasaaradda Kaluumeysiga XFS Mudane Abdulahi Bidhan Warsame ayaa manta si rasmi ah u furay shirka wadamada ku midoobay Urur goboleedka IGAD kaas oo ka furmay Magaaladda Muqdisho.

Shirkaan oo ay ka soo qeyb galaleen wufuud ka socotray 8 wadan oo wadamada geeska Afrika ee IGAD ku mideysan ayaa looga hadlayaa sidii loo ga faa’ideysan lahaa khayraadka biyaha ee Ba dda iyo Wabiyadda( Blue economy) oo ay wada madaan hodan ku yihiin.

Shirkaan oo ah aqoon is weydaarsi heerkiisu sareeyo ayay noqoneysaa kii ugu horeysay ee Soomaaliya lagu qabto oo heerkaas gaarsiisan waxaana wadan kasta shirka ku soo bandhigay khayraadka biyo ee uu leeyahay ayadoo la baran doono inta shirku socdo hanaanka ugu wanaa gsan ee khayraadka looga faa’ideysan karo asa ga oo wadan kasta dagsan doono istiraatiijiyad u gooni ah oo uga shaqeysan karo ka faa’ideysiga khayraadkiisa.

Soomaaliya oo shirkaan lagu qabanayo ayaa ah wadanka ugu xeebta dheer Afrika eek a faa’id eysan kara khayraadka waxaana shirka goobjoog ah Masuuliyiin ka socota Wasaaradda Kaluumey siga, Wasaaradda Arimaha Dibadda XFS iyo ma daxa IGAD ee Soomaaliya u fadhiya.

Shirkaan ayaa la soo xiri doonaa maalinka barriah waxaana la rajeynayaa in wadamada geeska Afrika ay ka faa’ideystaan khayraadkooda

Maxaa looga hadlay kulankii Shalay ee baarlamaanka Puntland

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada maamulka Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2aad Md. Is maaciil Maxamed Warsame ayaa Shir-Guddoo miyey fadhiga 30-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Gol aha Wakiillada Dawladda Puntland.

Fadhiga Shalay Ajandaha ayaa ahaa;

1. Ansixinta Xisaab-xirka Miisaaniyadda sannadka 2021

2. Xasaanad-siinta Wasiir ku-xigeenka Waxbara shada &Tacliinta Sare DPL

3. Ansixinta xubnaha magacaaban ee Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland – TPEC

4. Dhageysiga Warbixinta Guddiga u xil-saaran Arrimaha Garsoorka & Guddiga Ururinta natiijada La Xisaabtanka Hay’adaha Dawladda ee Kalfa dhiga 50-aad

5. Ansixinta Iibka Dhulka Dawladda Hoose ee Degmadda Garoowe

Ugu horeyn, Guddoomiyaha Golaha Wakiillad DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa ku soo dhaweeyay Guddiga Maaliyadda, Dhaqaal aha iyo Xisaabaadka Golaha Wakiillada DPL oo gacanta ku hayey, akhriska 2-aad-na ku samayna yey Xisaab-xirka Sannad-maaliyeedka 2021, sida uu qabo Qodobka 64-aad ee Xeer-hoosaadka Go laha Wakiillada ee ah Habka loo ansixiyo Xisaab-xirka Miisaaniyadda, kadib Tallo-soo jeedinta Xil dhibaanada Golaha Wakiillada DPL, Guddiga ay aa Odoraska miisaaniyadda sannadka 2021 ee Goluhu ansixiyey ku sheegay in laga filayey guda ha lacag dhan $94,085,580, waxaase dhab ahaan u soo xarooday $79,170,096, una dhiganta 84 .15% waxaana muuqda is-dhin han $14,915,484 una dhiganta 15.85%

Sidoo kale, waxaa jira lacag laga filayey Ma shriicda Bankiga Adduunka oo Odoroskiisu ahaa $27,556,092, waxaana ka soo xarooday $14, 213,358 iyadoo is-dhinku yahay $13,342,734 in la waayey filashadii Mashriicda Bangiga Adduunka ee 2021, Xisaab-xirka waxaa loo diyaariyey hab waafaqsan nidaamka Xisaabaadka kaashka caal amiga ah ee loo yaqaan IPSAS Cash Basis, Ka dib waxaa cod gacan-taag ah ugu codeeyay Ogg ol 36 Xildhibaan, Diidmo 1, Aamus 9 xubnood si daas ayey ansax ku noqtay Xisaab-xirka 2021.

Xasaannad-siinta Wasiir ku-xigeenka Waxbarsha dda & Tacliinta sare DPL Cabdiraxmaan Yuusuf Faarax ( Dujana),

Wasiir ku-xigeenka Waxbarashada iyo Tacli inta sare ee DPL Cabdirxmaan Yuusuf Faarax ( Dujana) ayaa Golaha ka hor-yimi si uu helo Xasa anadda shaqo, isaga oo ka hor-akhriyey taarii khdiisa shaqo, waxbarasho iyo waayo-aragnimo, Ka dib, Xildhibaannada Golaha Wakiillada DPL ay aa cod gacan-taag ah ugu codeeyay Oggol 47 Xil dhibaan, Diidmo & Aamus toona ma jirin, Xildhiba nnada ayaana wasiir ku-xigeenka Waxbarashara dda iyo Tacliinta sare cod wadar-oggol ah ku og golaaday.

Dhanka kalena, waxaa Fadhiga Shalay Xildhi baanadda Golaha Wakiillada Dawladda Puntland hor-yimi Xubnaha magacaaban ee Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland kuwaa oo kala ahaa,

1. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Jaamac (Dayax)

2. Mahad Bashir Nuur

3. Maxamuud Yaasiin Mohamed Aw Cali

Xubnaha magacaaban ee Guddiga KMG Doorash ooyinka ayaa Golaha ka horjeediyey taariikhd ooda, aqoonta iyo waayo-aragnimada ay u leey ihiin xilka loo magacaabay.

Intaa kadibna, waxaa cod gacan-taag ah ugu codeeyay Oggol 42 Xildhibaan, Diidmo ma jirin, Aamus 5 xubnood, waxayna sidaa ku heleen co dka kalsoonidda.

Sidoo kalena, Golaha waxaa hor-yimi Guddiga u xil-saaran Arrimaha Garsoorka & Guddiga Uru rinta natiijada La Xisaabtanka Hay’adaha Dawlad da ee Kalfadhiga 50-aad

Labada Guddiyadda ayaa Golaha la wadaag ay warbixin la xiriirta shaqooyinka loo xil-saaray, waxayna Golaha ka codsadeen inay u baahan yih iin wakhti dheeraad ah, mandama la gelayo maal maha fasaxa ee Xuska sannad-guuradda 24aad ee aas-aaska Dawladda Puntland,waxaa cod gac an-taag ah ugu codeeyay Oggol 42 Xildhibaan, Diidmo ma jirin, Aamus 5 xildhibaan, sidaas aya ana Golaha ugu codeeyay inuu Kalfadhiga 50aad wakhti dheeraad ah lagu daro siina furnaado illa inta laga soo dhammeystirayo Maxkamadda Sare iyo Ururinta natiijada La Xisaabtanka Hay’adaha Dawladda ee Kalfadhiga 50-aad.

Ugu dambeyntii, Waxaa Golaha lala wadaagay warqad codsi ah oo Madaxweynaha DPL ku cod sanayey IIbka dhulka Dawladda Hoose ee Garo owe kaas oo cabirkiisu dhan yahay 30X90 laguna iibiyo tartan furan sida uu qabo Dastuurka Dawla dda Puntland Qodobka 52aad farqadiisa 3aad, waxaa cod gacan-taag ah ugu codeeyay Oggol 5 Xildhibaan, Diidmo 27, Aamus 11, Golaha Wakiill ada ayaana sidaa ku diiday Iibka Dhulka Dawladd a Hoose ee Garoowe.

Fadhiga Shalay ayaa waxaa ka qeyb-galay Ar day ka soctay 15 Dugsi oo ku yaal guud ahaan Goboladda Puntland si ay wax uga oggaadan shaqooyinka Golaha Wakiillada DPL.

Wararkii ugu dambeeyey dagaalka Al-Shabaab iyo Liyuu Boolis oo guulo laga sheegtay

Waxaa isasoo taraya khasaaraha ka dhashay dagaalka ciidamada dowlad deegaanka Soomaal ida iyo ururka Al-Shabaab ee deegaanka Caato ee gobalka Bakool.

Labada dhinac ayaa guullo waawayn ka sheeg tay dagaalka. Ciidamada dowlad deegaanka Soo maalida ayaa sheegay inay ku dhawaad 170 Al-Shabaab ah ku dileen deegaanka Caato, kuwaasi oo ay ku jiraan horjoogayaal kooxda ka tirsan.

Al-Shabaab ayaa baraha bulshada ay isticma alaan waxa ay ku faafiyeen in dagaalkii ka dhacay xadka ay guulo badan ka gaareen ayna ku dileen 150 ka tirsan Liyuu Police, sidoo kalena ay ku qabsadeen maxaabiis iyo saanad ciidan.

Dagaalka ayaa ah mid culus, waxaana warar ka ay sheegayaan in Al-Shabaab ay isticmaalay aan gaadiid dagaal oo ay horey uga qabsadeen ciidamada AMISOM.

Waxaa sidoo kale dagaalka ka qeyb-galay diy aaradaha dagaalka Itoobiya, sida ay sheegtay ko oxda Al-Shabaab, balse si madax-banaan looma xaqiijin karo.

Dalgaalka u dhaxeeya Al-Shabaab iyo ciidan ka Liyuu Police oo kaashanaya kuwa federalka ay aa galay asbuucii labaad, waxaana dhowr jeer uu ka dhacay xadka Hiiraan iyo Bokool ay la wadaag aan dalkaas. Dowladda Itoobiya ayaa waxaa ay hore u sheegtay inay soo gabagabaysay daga alkii ka dhacay gudaha dalkaas, kadib markii Al-Shabaab ay galeen gobolka Afdheer.

Waxay aheyd markii ugu horreysay ee Al-Sha baab ay galaan kana dhex-dagaalamaan gobolka Soomaalida ee Itoobiya.

Itoobiya ayaa Dorraad sheegatay inay dagaalka ku dileen saddex sarkaal oo sare oo Al-Shabaab ka tirsan kuwaas oo kala ah; Fu’aad Shongole, Cabdicasiis Abuu Muscab iyo Cubeyda Nuur Ciise.

Hase yeeshee kadib warkaas waxaa hadlay Abu Muscab oo guulo ka sheegtay dagaalka, ta asi oo shaki gelineysa sax ahaanshaha warka Ito obiya.

Booliiska Somaliland oo digniin u diray xisbiyada mucaaradka

Ciidanka Booliiska Somaliland, ayaa xisbiyada mucaaraka Somaliland uga digay in ay qabtaan mudaharaad anay ogolaansho u haysan.

Muuqaal lagu baahiyay boga Fa cebook ee ciidanka booliiska, ayay saraakiil ka tirsan ciidanku ax saabta mucaaradka ah ugaga digeen in ay abaabulaan mudah araad anay fasax u haysan.

"Bannaanbax aan fasax loo qaadan oo rag iska sameeyo oo dad soo kaxaysto, oo dhalinyarada soo kiciyo, waa sharci daro ta u wayn, waana ta booliisku u abuuranyahay in uu ka hortago, wuu ka hortagayaa wixii sharci daro wada" mid kamid ah saraakiisha hadashay ayaa sida yidhi.

Taliyaha ayaa shacabka ugu baaqay in ay booliiska ka caawiyaan is hortaaga bannaanbax yada "Dad waynahana waxaanu ku wargalinay naa in ay nagu gacansiiyaan arrinkaana ogaad aan".

Xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa qor shaynaya mudaharaado ay kaga soo horjeedaan, in doorashada madaxtooyadu ay dib uga dhacdo 13 November, kadib markii ay burbureen wadaha daladii ay la layaaheen mucaaradka.

Dowladda Mareykanka oo ka hadashay dag aalka ka socda Xuduudaha Soomaaliya iyo Itoobiya

Wasaaradda arrrimaha dibadda ee Itoobiya ay aa sheegtay in la xakameeyay qorshe ballaaran ay Al Shabaab ku doonayeen inay ku qabsadaan dhul badan.

Wasaaradda oo soo xiganeysay taliyaha ciid amada Mareykanka ee Afrika (Africom), General Steven Townsend ayaa sheegtay "inay u muuqato in Itoobiyaanka ay si xooggaan uga hortaggeen isla markaana ugu guuleysteen dagaalka.”

General Steven Townsend wuxuu ka digay in Al Shabaab ay qorsheynayeen in weerarro fara badan ay ka geystaan Dowlad Deegaanka Soom aalida, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya oo shaley baahisay warbixint eeda toddobaadlaha ah.

Isbuucan dhexdiisa ayay xubno ka tirsan koox dan iyo ciidanka Liyu booliska ku dagaallameen tuulada Laas-qurun oo u dhaw degmada Feerfeer

Markii dambe waxaa dagaalka qayb ka noqday militeriga Itoobiya, labada dhinacna waxay sheegt een inuu mid walba khasaare gaarsiiyay midka kale.

Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo gudaha u galay Baydhabo

Wararka laga helayo Koonfur Galbeed Soom aaliya ayaa sheegaya in Shalay ciidamada amma anka maamulkaas ay howlgallo culus ka bilaabe en Baydhabo, kadib markii ay xubno ka tirsan Al-Shabaab weeraro ka bilaabeen magaaladaas.

Saraakiisha ammaanka ayaa shaaciyey inay hele en xog sheegeysa in Bay dhabo ay soo galeen xub no ka tirsan Al-Shabaab oo doonaya inay weeraro ka geystaan magaaladasi.

Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay inay bilaab een baaritaano iyo dabagal ay ku hayaan xubnah a Al-Shabaab, si looga hortago falal amni darro ah oo ay ka geystaan halkaasi.

Ciidamada howlgallada wada ayaa baaraya gaadiidka iyo dadweynaha, waxayna sidoo kale baaritaano ka wadaan baraha koontarool ee laga soo galo magaalada.

Dhaq-dhaqaaqyadaan cusub ayaa kusoo aad ayo, xilli Dorraad saaladdii Jimcaha kadib qarax is-miidaamin ah uu ka dhacay Baydhabo, kaas oo lagu dilay wasiirkii cadaaladda Koonfur Galbeed iyo wiil uu dhalay, waxaana sidoo kale ku dhaaw acmay ku dhowaad 10 kale.

Weerarkaan waxaa sidoo kale ka horreeyey qarax kale oo ka dhacay magaallo xeebeedka Marka, kaas oo lagu dilay guddoomiyihii degmada asi, Cabdullaahi Cali Waafow & dad kale.

Sikastaba, Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa wajaheyso xaalad amni tii ugu darneyd, wax aana madaxweyne Lafta Gareen uu kulan isugu yeeray saraakiisha maamulkaasi.

Wararkii Ugu Danbeeyay Dad Ku Dhin tay Dibadbaxyo Looga Soo Horjeeday Ciidamada UN-Ka

Dad ku dhintay dibadbaxyo looga soo horjee day ciidamada UN oo ka dhacay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay dibadbaxyadii ugu dambeeyay ee looga soo hor jeedo ciidamada nabad ila alinta Qaramada Midoobay ee ku sugan bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

Booliiska ayaa kala eryay dad badan oo isu gu soo baxay magaalada Butembo halkaas oo la gu waday in lagu aaso qaar ka mid ah 20 qof oo lagu dilay dibadbaxyada dhowrka maalmood ka socday halkaas.

Ugu yaraan afar magaalo oo ku yaal bariga Congo, dibad baxayaasha ayaa bartilmaameeds aday xarumaha Qaramada Midoobay ka dib mar kii ay ku eedeeyeen ciidamada caalamiga ah inay ka gaabiyeen inay dadka rayidka ah ka ilaaliyaan weerarrada kooxaha hubaysan.

Booliska ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa ku kala eryay dadka isugu soo baxay magaalada But embo iyadoo naxashyada dadka dhintay ay kusoo bandhigeen waddooyinka.

Maxaa ka jira inay dowladda Itoobiya dishay saraakiil sare sare oo katirsan Alshabaab?

Afhayeenka howlgalada Al-Shabaab, Cabdic asiis Abuu Muscab ayaa kasoo hadlay Idaacadda Andalus ee ku hadasha afka Al Shabaab, xilli dow ladda Itoobiya ay sheegtay inay ku dishay dagaal adii Dorraad ka dhacay gobolka Bakool.

Kooxda Alshabaab ayaa sidoo kale beenisay in Fu’aad Shangole oo isna katirsan saraakiisha sare ee Alshabaab lagu dilay dagaaladii ka dhac ay degmada Aato. Warkan ayaa kusoo beegmay, saacado kadib markii dowladda Itoobiya ay shaacisay in ay dishay 3 kamid ah hogaamiyayaa sha sare sare ee Al Shabaab.

Wakaaladda wararka Ethiopia ENA, oo soo xi ganaysay Sarreeye Gaas Tesfaye Ayalew oo ah madaxa howlgalinta ciidamada difaaca Ethiopia, waxay sheegay in la dilay seddex kamid ah hoga amiyayaasha Alshabaab oo uu ku jiro madaxii ololaha iyo dacaayadaha, Fu’aad Shangole.

Sida uu General Tesfaye sheegay; Maalmihii ugu dambeeyay waxaa ciidamada Itoobiya u suuragashay inay burbu riyaan hubkii ay kooxda Alshabaab u diyaarisay in ay ku weerarto Itoob iya, tallaabadaas oo uu sheegay inay iska kaashadeen ciidamada cirka ee Efederi.

Itoobiya masoo bandhigin caddeymo xaqiijinayay dilka saraakiishan, kuwaas oo lagu tilmaamo inay yihiin maskaxda ka dambeysa dagaalada ka soc da gobolka Bakool iyo xadka labada dal.

Alshabaab ayaa dagaaladan ku dishay ciida mo badan oo katirsan Liyuu Booliiska, kadib mar kii Dorraad ay dagaal rogaal-celis ah kusoo qaa deen Liyuu Booliiska.

Shaqaale Hay’ad Miino Baaris Oo Lagu Qaad ay Weerar Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac

Wararka aan ka heleyno deegaanka Dhabad ee waqooyiga Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas saqdii dhexe ee Habeen hore uu ka dhacay weerar sababay dhimasho iyo dhaa wac oo lagu qaaday Xarunta ay degaankaas ku leedahay hay’ad.

Rag hubeysan oo maleeshiyo beeleed ah ay aa weerarkaasi ku qaaday Xarunta hay’ad ka sha qeysa Miino baarista ee Hello Trust oo Xarun ku leh deegaanka Dhabad ee waqooyiga Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmud ug.

Inta la xaqiijiyey laba kamid ah shaqaalaha hay’adda ayaa ku geeri yooday weerarka, halka saddex kal ena ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka Dhabad, dhaawacya da ayaa waxaa la geeyay Xarun Caafimaad.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in weerarka uu la xiriiray aanooyin qabiil oo horey uga dhacay deegaano ka tirsan Galgaduud, waxaana goobta uu falka ka dhacay ka baxsaday raggii ka dambe eyay weerarkaas sababay khasaaraha kala duw an.

Maamulka Galmudug ayaan welin ka hadlin we erarka ka dhacay deegaanka Dhabad, dhowr jeer oo horey ayaa sidaan oo kale waxaa ay weeraro khasaaro dhaliyey uga dhaceen Gobolka Gal gaduud, weerarada ayaana salku ku haayey aan ooyin beeleed.

Kalluumeysatada Soomaaliya oo shaac iyey arrin ka duwan heshiiska lala galay Kenya

Heshiiskii ay dhawaan labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya ku kala saxiixdeen Nair obi ee la isku weydaarsanay ay ganacsiga qaadka iyo kal luunka kaddib, ayay ganac satada Soomaal iya sheeg ayaan in aanay weli fursad u helin in Kenya ay u dhoofiyaan kalluunkooda. Gud doomiye ku-xigeenka Dalladda Kalluumeeysata da Soomaaliya Muuse Cabduqaadir Ducaale oo wereysi gaar ah siiyay BBC-da ayaa sheegay inay jiraan caqabado ay wajaha yaan.

Ilaa iyo hadda heshii 10 qodob ah baa la gal ay baa la yiri, waxaana 10-kaasi qodob ka mid ah in kalluunka loo dhoofiyo Kenya, balse ilaa hadda ma jirto cid ka tirsan Dalladda Kaluumeeysatada Soomaaliya oo loo yeeray oo lagala hadlay arri ntan,” ayuu yiri.

Wuxuu intaa ku daray in heshiiska ka hor ay ku habbooneyd in loo yeero kalluumeysatada oo lala wadaago qorshaha la damacsan yahay.

Muuse oo ayaa la waydiiyey inay iyaga isku da yeen in ay la xiriiraan dowladda Soomaaliya ama xitaa tan Kenya, waxa uuna sheegay in hadda ka hor ay mar madaxweynaha Kenya Uhuru Keny atta kula kulmeen shir ka dhacay Nairobi oo arri ntan ay kala hadleen.

"Waxaan kala hadalnay in kalluunka aan keen no oo dhowr jeerna aan arrintaas ku celcelinnay. Si dukumiintiyeysan baan ula wadaagnay kadi bna waxay nagu dhaheen ‘keena’ balse si Indirect ah [Dadban] baa lagaala dagaallamayaa kallu unka. Waayeel tag lama dhaho ee wuxuu ku tago ayaa la tusaa.”

"Waxaa lagu saarayaa canshuur badan oo aad dan qaadan karin. Waxaa kaloo jira xujooyin bad an oo ay ka mid tahay xagga dhoofinta. Waxay ahayd in dhammaan arrimahaas mid mid loo dul istaago oo laga wadahadlo. Horay ayaa ugu daalnay.”

Waxa uu tilmaamay in ilaa haatan aysan jirin cid isu timid oo arrimahaas ka hadashay haddii ay dowladda ahaan lahayd ama ganacsatadaba.

Muuse Cabduqaadir waxa uu sheegay inay iyaga dhankooda diyaar u yihiin inay dhoofiyaan kall uunka, balse ay jiraan waxyaabo badan oo ka hor reeya. "Waxaa ka horreeya qaabka kalluunka loo geyn lahaa iyo qoladii qaadan lahayd, marka haddii ay labada dowladood aysan daacad ka noqon, kall uumeysato kalluun ma dhoofin karto.”

Dhanka dowladda Soomaaliya oo aan la xiriirn ay si aan jawaab ugu helno dhaliilahaas ay kalluu meysatadu u soo jeedinayaan, kama aynan helin wax jawaab ah.

Madaxeynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Ma xamud ayaa 15-kii bishan booqasho rasmi ah ku tagay dalka Kenya. Kulamo uu la yeeshay dhiggii sa Kenya Uhuru Kenyata ayay ku kala saxiixdeen heshiis dhowr iyo toban qodob ka kooban.

Kulankaas kaddib labada hoggaamiye ayaa shir jaraa’id qabtay, kaas oo lagu shaaciyay heshi is 11 qodob ka kooban oo uu ka mid yahay in si dhaqso ah dib loogu billaabo qaadka Kenya ee loo dhoofin jiray Soomaaliya. Heshiiskaas qeybta khuseysa qaadka wuxuu dhaqangalay 24-kii bishaan. Diyaaraddii ugu hor reysay ee sidday qaad laga dhoofiyay Kenya ay aana ka degtay Muqdisho, muddo ku dhow labo sano oo xayiraad ah kaddib. Qodobbadii kale marka laga yimaado kalluun ka Soomaaliya waxaa ka mid ahaa in Soomaaliya laga caawiyo ka mid noqoshada Dalladda Ganasi ga Bariga Afrika, muwaadiniinta Soomaalida in loo fududeeyo dal-ku-galka Kenya, in danaha lab ada dal si wadajir ah looga shaqeeyo, in la ixtiraa mo madaxbannaanidda, in la iska kaashado arri maha bani’aadannimada, in la iska kaashado la-dagaallanka argagixisada iyo sirdoonka labada dal.Isha: BBC

LABA ARRIMOOD OO SABABAY KORORKA WEERARADA SHABAAB

Xoogaga kooxda Al-Shabaab ayaa todobaady adii ugu dambeeyey sare u qaaday weerarada ay ka fuliyaan gudaha dalka iyo sidoo kale dalalka da riska, gaar ahaan wadamada Itoobiya iyo Kenya oo ay ciidamo ka joogaan Soomaaliya.

Haddaba maxaa sabab u ah kororka weerarada Al-Shabaab?

Cabdirixiin Budul oo ah falanqeeye ka soo je edo deegaanka Soomalida ee Itoobiya ayaa ka ha dlay kororka ku yimid weerarada Al-Shabaab, ka dib wareysi uu siiyey Idaacadda VOA-da.

Ugu horreyn wuxuu sheegay in kooxdu ay ka faa’iideysaneyso xaaladda kala guurka ah ee Soo maaliya iyo Itoobiya oo haatan wajaheyso daga allo sokeeye iyo dhibaatooyin kale.

"Anniga aragtideyda waxa ay ila tahay Al-Sha baab xilligaan waxa ay ka faa’iideysaneysaa marx aladda kala guurka ah ee Soomaaliya ee siyaasa ddeeda ku timid, waxaynu ognahay in xukuumad dii hore la beddelay, xukuumad cusubna la door tay, welina dhismaheeda uusan dhammeystirmin xilligaas kala guurka ah oo uu nimdaamka dowli ga xooganeyn ayaan annigu is leeyahay fursad ay ey u arkaan,” ayuu yiri falanqeeye Cabdirixiin Budul.

Budul ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in la ba sababood ay keeneen kororka Al-Shabaab, tan koowaad wuxuu ku sheegay inay arkeen in aysan haatan wanaagsaneyn wada-shaqeynta do wladaha Soomaaliya iyo Itoobiya, tan labaad ayuu ku sheegay inay is tuseen in Itoobiya ay hadda jili csan tahay, marka loo eego xaaladaha adag ee ka jira dalkeeda.

"Waxay sidoo kale taas keentay in Itoobiya oo ay is leeyihiin wada shaqeyntii ay la lahaayeen So omaaliya ma wanaagsana xilligaan, ayadana dag aallo sokeeye iyo dhibaatooyinbaa ka jira oo waa xilligi ugu jilicsaneyd Itoobiya, marka labadaasi sa bab oo ay labada dowladood ka qaateenbey ila tahay inay dagaalladooda kor u qaadeen,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey "Sooma aliya qaraxyadii ayey ku badiyeen, xaggaana wee raro toos ah ayey ku soo qaadeen, marka sidaa ayey is tuseen ayey anniga ila tahay,”.

Sikastaba, Al-Shabaab ayaa shaley waxay qarax ku dishay wasiirkii cadaaladda maamulka Koonfur Galbeed iyo wiilkiisa, dhowr qof oo kale way ku dhaawacmeen, ayada oo ay ka sii horreysay qaraxii lagu dilay guddoomiyihii maamulka degmada Marka iyo masuuliyin kale, sidoo kale dagaalkii ay ku qaadeen buuraleyda gobolka Afdheer ee Itoobiya ayaa socda.

Xarunta baarlamanka Ciraaq oo la qabsaday

Taageerayaasha wadaadka awoodda badan ee Moqtada Sadr ayaa Shalay jebiyey xeendaabka aagga aadka loo ilaaliyo ee "Green Zone” waxayna qabsadeen xaruntii baarlamanka, taasi oo kasii dareysa xiisadda siyaasadeed ee ka taagan dalka Ciraaq.

Waa markii labaad ee maalmo gudahood oo taageerayaasha Sadr ay xooga ku galaan xarumta sharci-dejinta, bilo kadib markii ay dhaceen doorashooyin ku guuldarreystay inay hoggaamiyaan dhismaha xukuumad.

Taageerayaasha Sadr, oo mar hoggaamiyey kacdoon maleeshiyo oo ka dhan ahaa ciidamada Mareykanka iyo Ciraaq, ayaa kasoo horjeeda ku dhowaaqista Mohammed al-Sudani, oo xisbi xiriir la leh Iran ay doonayaan inay ka dhigaan ra’iisul wasaare.

Dibad-baxayaasha ayaa haatinayey calanka Ciraaq iyo sawirrada wadaadka, ayaga oo ku dhexjira xarunta baarlamanka.

Waxay xarunta galeen kadib markii kumanaan ka mid ah ay buuxiyeen buundo gasha aagga Green Zone ee magaalada Baghdad, kahor inta aanay boqolaal ka mid ah iska qaadin dhagxaan waa weyn oo lagu gooyey albaabada laga galo.

Ciidamada amniga ayaa rasaas iyo sunta dadka ka ilmeysiisa ka riday aaggan oo xarun u ah safaaradaha shisheeye, xarumaha kale ee dowladda Ciraaq iyo baarlamanka.

Waxaa ku dhaawacmay qaar ka mid ah dibad-baxayaashii ku suugnaa buundada, kuwaas oo ay qaadeen banana-baxayaasha kale ee la socday.

"Shacabka oo idil adiga ayey kula jiraan Sayyed Moqtada,” ayey ku qeylinayeen taageerayaasha.

Xisbiga Moqtada Sadr ayaa helay kuraastii ugu badneyd ee doorashadii dhacday October, balse ma gaarin aqlabiyad ay kusoo dhisi karaan do wlad. Toban bilood kadib waxaa weli is-mari waa uu ka taagan yahay dhismaha xukuumad.Sadr, oo muddo saameyn ku lahaa siyaasadda Ciraaq, ayaa haysta malaayiin taageeerayaal naftood hurayaal oo Shiico ah.

Taageerayaashiisa ayaa kasoo horjeeda mu sharaxnimada wasiir iyo barasaab hore, oo ay axs aabta ku xiran Iran u wadaan xilka ra’iisul wasaar aha.

Dibad-baxyada ayaa ah caqabaddii ugu damb eysay ee uu wajahayo dalka shidaalka hodanka ku ah ee Ciraaq.

Taageerayaasha ayaa xarunta ka baxay kadib markii ay haysteen muddo laba saac ah, balse wa xay ku baxeen oo kaliya markii uu Moqtada Sadr uu sidaas u sheegay.

Kenya”Facebook-gu waxa uu ku xad-gudbay shuruucda dalkeenna”

Hay’adda ilaalisa is-dhexgalka qowmiyadaha Kenya ayaa u qabatay shirkadda maamusha Fac ebook ee Meta muddo toddobo maalmood ah in ay wax ka qabato waxa ay ugu yeertay hadallada nacaybka iyo kicinta ee la xiriira doorashada bisha soo socota, haddii kale laga mamnuucayo dalka Kenya.

Dalka ugu dhaqaalaha weyn Bariga Afrika ayaa ku jira ololihiisa doorashada kahor doorashooyin ka madaxtinimo, sharci-dejinta iyo dowladaha hoo se ee 9-ka Agoosto.

Kooxda u doodda xuquuqda aadanaha ee Glo bal Witness ayaa warbixin ay soo saartay Khamiis tii ku sheegtay in Facebook ay aqbashay oo ay tal laabo ka qaadday in ka badan 12 xayaysiis siyaa sadeed oo kahor imaanaya shuruucda Kenya. Guddiga qaran ee isku dhafka iyo isdhexgalka ee Kenya (NCIC) ayaa sheegay in warbixintu ay xaqiijineyso natiijooyinkeeda gudaha."Facebook-gu waxa uu ku xad-gudbay shuruucda dalkeenna. Waxay isu oggolaad een in ay noqdaan kuwa hor seeda hadallada nacaybka iyo kicinta, war-xum ada iyo wal-walgelinta,” ayuu yiri Danvas Makori, oo ah guddoomiyaha NCIC.

"SHirkadda Meta ee Facebook waxa ay qaaday "tallaabooyin ballaaran” si ay meesha uga saarto hadallada naceybka ah iyo waxyaabaha xa nafta leh, waxayna sii xoojinaysaa dadaalladaas kahor doorashada” ayuu afhayeen u hadlay shirkadda u sheegay Reuters.

Iran: daadad xooggan oo sababay dhim ashada 53 qof iyo khasaare kale.

Wararka ka imanaya dalka Iran ayaa sheega ya in illaa 53 qof ay dhinteen halka tiro kalena weli la baadi doonayo, ka dib roobab maahiigan ah oo maalmahan ka da’ayey dalkaas. Roobabkaas ayay ka dhasheen daadad xooggan iyo weliba dhul-go’.

Mehdi Valipour, oo ah madaxa hawlgallada degdeg ga ah ee Ururka Bisha Cas, ayaa u shee gay TV-ga dawladda Iran in 16 qof ay weli maqan yihiin ka dib laba maalmood oo ay da’ayeen roob ab xooggani, waxaana roobabkaas ka dhashay daadad xooggan oo saameeyey illaa 400 oo ah magaalooyin iyo tuulooyin ku yaalla 18 gobol oo ka mid ah 31-ka gobol ee uu ka kooban yahay dal ka Iran. Waxaana hakad ku yimi isu socodkii gaad iidka ka dib markii ay xidhmeen waddooyin waa weyn.

Goobta ugu daran ee ay saameeyeen fatahaa daha iyo daadadku ayaa ah, magaalada Firouz Kooh oo ku taalla buuraha Alborz ee woqooyiga bari ee magaalada Tehran, halkaas oo ay ku dhin teen ugu yaraan 10 qof, sida uu xaqiijiyey guddoo miyaha Tehran Mohsen Mansouri.

Magaalada Firouz Kooh oo qiyaastii 140 KM u jirta caasimadda Tehran ayaa ka mida goobaha ay ugu jecelyihiin dadweynuhu inay fasaxooda ku qaataan.REUTERS

Antony Blinken oo maalmaha soo socda booq anaya dalal Afrikaan ah

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa lagu wadaa in todobaadyada soo socda uu u safro dalalka Koonfur Afrika, Ja mhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo iyo Rwanda.

Safarka oo bilaabanaya 7-da bisha soo socota ayaa ujeedku yahay in Wa shington ay kor u qaado dibl omaasiyadda Afrika si looga hortagto weerarka soo jiida shada leh ee Ruushka.

Warku waxa uu intaa ku darayaain Safiirka Mareykan ka ee Qaramada Midoobay Linda Thomas-Greenf ield, ay sidoo kale tagi doonta bisha Ogosto da lalka Ghana iyo Uganda.

Safarada madaxda Mareykanka ayaa la xirii ra,si dii wax looga qaban lahaa saameynta isbe ddelka cimilada, cunto yarida iyo masiibooyinka caalamiga ah

Dhaqdhaqaaqyadaan diblomaasi ayaa yimid, ka dib markii wasiirka arrimaha dibadda ee Ruush ka Sergei Lavrov uu safar ku tagay dalal kamid ah Afrika.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip