HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPAER EE MAANTA OO AH TALAADO 26-KA JULY 2022-KA

1
Tuesday July 26, 2022 - 08:46:48 in Wararka by
  • Visits: 421
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPAER EE MAANTA OO AH TALAADO 26-KA JULY 2022-KA

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Masar iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay biyo-xireenka Nile iyo khataraha ku geedaaman

Dowladdaha Masar iyo Soomaaliya ayaa mo wqif isku mid ah oo hal dhinac ah ka qaatay, mashaariicda wab iga caalamiga ah ee Niil, sida lagu yiri war ka soo ba xay madaxtooy ada Masar.

War-murtiyeedka ayaa la soo saaray ka dib wada-hadallo magaalada Qaahira ku dhex maray mada xweynaha Masar Abdel Fattah El Sisi iyo madaxw eynaha Soomaaliya Sheekh Maxamuud oo markii ugu horreysay booqasho ku tagay Masar tan iyo markii uu ku guulaystay doorashadii bishii May.

Baaqooda wadajirka ah ee iskaashiga masha ariicda wabiga Niil, wuxuu kusoo aaday, iyadoo Itoobiya ay webiga Niil ku waddo hawlgal biyo xi reen ah oo xuddun u ahaa muran muddo soo jii tamayay oo kala dhexeeya dalalka Masar iyo Sudan.

"Waxaan ku heshiinay khataraha siyaasadaha hal dhinac ah ee ku saabsan mashaariicda wabiy ada caalamiga ah, iyo sidoo kale ka go'naanta iskaashiga labada dhinac, si loo hubiyo in aan wa xyeello loo geysan webiyada," ayaa lagu yiri bay aanka madaxtooyada Masar kasoo baxay.

Masar, oo ah dalka Carabta ugu dadka badan oo ay ku nool yihiin 103 milyan oo qof, ayaa ku ad kaysanaysa in haddii la dhimo biyaha Niilka ay baabi'in karto boqollaal kun oo shaqooyin ah oo ay khalkhal geliso dheelitirka cuntada, xilli qiima ha cuntada adduunka uu sare u kacayo iyada oo ay weheliso tamarta iyo kharashka dhoofinta.

Dhankeeda, Suudaan waxa ay doonaysaa in Itoobiya ay la wadaagto xogta tooska ah ee ku saabsan hawlgalka biyo-xidheenka si ay uga foga ato fatahaado baabi’in kara dalkeeda.

Itoobiya, oo biyo-xireenka dhisaysa meel 20 kiiloomitir u jirta soohdinta Suudaan, ayaa ilaa ha dda diiday inay gasho heshiis sharci ah, iyadoo sheegtay in habraacyadeedu ku filan yihiin.

Wareegii ugu dambeeyay ee wada-hadallada saddexda dal ee GERD ayaa la qabtay bishii April ee sannadkii hore. Wada-hadallada oo ay garw adeen ka ahaayeen Midowga Afrika ayaa burbur ay, iyadoo Suudaan iyo Masar ay ku eedeeyeen Itoobiya inay mas'uul ka tahay is-mari-waaga.

Baarlamaanka Soomaaliya Oo Aqbalay Cod si Uu U Gudbiyay RW Xamse Barre

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlam aanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay aa ogolaaday codsi uu ra’isulwasaaraha Xuku umadda Mudane Xam za Cabdi Barre uu u soo gudbiyay gudddo onka Golaha Shacab ka.

Waxaana RW Xamse uu kaga codsanaayo in mudo toban maalmood ah loogu daro soo magac aabista golihiisa wasiir ada.

Kulanka ay manta isu gu yimaadeen Golaha Shacabka ayaa waxaa ku ogolaatay 144-xildh iba an,hal xildhibaan ayaa diiday mana jirin wax ka aamusay.

Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Samatar oo kulanka shir guddoomineysay ayaa natiijada codeynta ku dhowaaqday.Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo kulan la qaa tay dhigiisa dalka Masar

Wasiirka Difaaca Soomaaliya Cabdulkadir Maxamed Nuur oo ku sugan magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa kulan miro dhal ah la qaatay dhigiisa dalkaas Masar, Jeneraal Ma xamed Axm ed Zaki, waxayna ka wada had leen xoojinta iyo iskaashiga la ba wasaaradood. Wasiirka Gaa shaandhigga JFS Cabdulkadir Maxamed Nuur ayaa dhigiisa Masar uga mahadceliyay tage erada iyo walaalnimada soo jireenka ah ee ka dha xeysa labada dowladood.

Kusimaha Madaxweynaha Oo Q.Midoobe Kala Hadlay Dagaaladii U Danbeeyay Ee Xadka.

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiya ha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa Shalay waxaa uu kulan la qaatay Ergeyga Qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya Amb, James Swan.

Kulanka ayaa waxa ay masuuliyiintu ugu hadle en weeraradii ugu dam beeyay ee ay Al Shabaab ka geeysteen qeybo ka mid ah gobolada dhaca xad ka Itoobiya.

Sidoo kale masuuliyiin ta ayaa waxa ay soo ha dal qaadeen sidii loo dar dar gelin lahaa taagee ra da ay siineeyso Qaramada midoobay ee Gola ha Shacabka JFS iyadoo laga sii-amba qaadaayo kulamo horay ay yeesh een danjire James swan iyo Guddoomiye Mado obe.

Ugu dambeyn Guddo omiyaha iyo danjiraha ay aa waxay ahmiyad gaar ah siiyeen arrimaha gur madka Abaaraha iyo sidii wax looga qaban lahaa.

kusimaha madaxweynaha oo q.midoobe kala hadlay dagaaladii u danbeeyay ee xadka. Kusi maha madaxweynaha oo q.midoobe kala hadlay dagaaladii u danbeeyay ee xadka.

Ra'iisul Wasaare Xamse oo la-tashiyo ku saa bsan dhismaha Xukuumadda la yeeshay qeyb aha kala duwan ee bulshada rayidka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, oo ku guda jira kulamo wadatashi ah oo ku aaddan dhis maha Xukuumadda, ayaa kulammo gaar-gaar ah la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada rayid ka ah ee Soomaaliyeed.

Ra'iisul Wasaaraha oo kulan gaar ah la qaatay culimada Soomaaliyeed, ayaa tilmaamay doorka muhiimka ah ee ay ku leeyihiin nabadda, wacyi-gelinta bulshada iyo la dagaallanka argagixisada, maadaama ay hormuud u yihiin jiheynta shacabka iyo iftiiminta dhibaatada argagixisada, sida khal dan u adeegsanaya magaca diinteenna suubban.

Sidoo kale, Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi Ba rre oo kulammo la qaatay dhallinyarada Soom aaliyeed iyo ururrada bulshada rayidka ah, ayaa ka dhageystay talooyinkooda ku aaddan horumar inta adeegyada bulshada iyo shaqo abuurka dhal linyarada Soomaaliyeed oo aas-aas u ah qorshey aasha xukuumadda uu dhisayo.

Guud ahaan bulshada rayidka ah ee Shalay uu la kulmay Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyey fursadda uu u siiyey in ay taladooda iyo tusaaleyaashooda ku biiriyaan dhismaha xukuumadda, taas oo ka tarjumeysa mudnaanta uu siinayo Ra'iisul Wasaaruhu dhisma ha xukuumad tayo leh oo awood u yeelata hanashada masuuliyadda ay ka sugayaan shac abka Soomaaliy eed---DHAMMAAD----

Ganacsatada Qaadka kalasoo daga Muqdi sho oo sheegay in lacago baad ah looga qaado garoonka Aadan Cadde

Qaar kamid ah ganacsatada Jaadka ugasoo dago magaalada Muqdisho ayaa ka cabanaya lac ago sharci darro ah oo ay sheegeen in looga qa ado garoonka Aadan Cadde.

Mid kamid ah ganacs atadan oo wareysi siiyay BBC, ayaa sheegay in halkii kiilo oo Jaadka Miir owga ah laga qaadayo qiimo dhan hal dollar, taas oo ka dhigan in halkii jawaan oo Jaad ah la ga qaadayo lacag dhan 100 dollar.

Wuxuu sheegay xildhibaanno iyo shakhsiyaad kale oo magaca dowladda adeegsanaya inay gan acsatada ka qaadayaan lacago ay ugu yeereen ”Commission”, taasoo ay sheegeen inay tahay lac ago sharci darro ah oo baad ah.

Ganacsadahan wuxuu sheegay, Dorraad qaad kii kasoo dagay garoonka Aadan Cadde, in saac ado dhowr ah loo haystay lacagahan, taasoo uu sheegay in markii dambe lasii daayay kowdii duhurnimo iyo badh.

"Waxaa la yaab nagu noqotay inay dowladdii Soomaaliyeed arkayso raggaas baadda diyaarad da u xannibay, waxna ay ka qaban weydo,” ayuu yiri ganacsadaha.

Wuxuu ugu baaqay madaxda dalka inay soo faragaliyaan arrintaan islaamarkaana ay tallaabo ka qaadaan shakhsiyaadka magaca dowladda ku qaadanaya lacagaha aan sharci ahayna, kuwaas ganacsigooda lagu dhibaataynayo, sida uu hadalka u dhigay.

Arrintaan ayaa kusoo aadaysa maalin kadib markii si rasmi ah dowladda Kenya ay u bilowday dhoofinta Jaadka Miirowga oo muddo labo sano ah ka xayirnaa Soomaaliya.

Bankiga horumarinta Afrika oo ansixis ay $5.4 milyan oo deeq ah oo lagu taag eerayo sugna anta cuntada ee Soomaaliya

Bankiga horumarinta Afrika (AfDB), ayaa ansi xiyay $5.4 milyan oo deeq ah oo lagu taageerayo sugnaanta cuntada ee Soomaaliya.

Agaasimaha guud ee Bankiga Horumarinta Af rika ee Bariga Afrika, Ms Nnenna Nwabufo ayaa sheegtay in lacagtan ay wax ka tari doonto saam eynta abaarta daba dheeraatay iyo saameynta ka dhalatay colaadda Ruushka iyo Ukraine, taas oo sii xoojisay haqab-beelka cuntada ee dalka Gees ka Afrika

Nwabufo waxay yiri "deeqdu waxay ka koob an tahay maalgelin dhee raad ah oo la siinayo barnaamijka caalamiga ah si loo dhiso u adkey siga sugnaanta cuntada iyo naf aqada."

Waxay ku dartay in ay si gaar ah u geyn doonto abuur tayo leh oo ah noocyada calafka xoolaha ee cimilada la jaan qaadaya, isla markaana aw ood u siin doonta in la sameeyo bangiyo calafka xoolaha ah ee bariga Afrika

NUXURKA KHUDBADDII XASAN EE XIRIIR KA SOMALIA IYO MASAR

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shalay khudbad ka jeediyey mu naasabad ka dhacday madaxtooyada dalka Ma sar, halkaas oo uu kula kulmay dhiggiisa dalka Cabdulfataax Al-siisi oo ay ka wadahadleen arri mo dhowr ah.

Madaxweyne Xasan Sh.ay aa khudbadiisa ku bilaabay in waqti badan uusan ku bixin eyn xiriirkii adkaa ee Soomaa liya ay la laheyd Masar, balse uu diiradda saarayo xiriirka casriga ah ee ay wadaagaan labada dal.

"Waxaan xilli kasta xusuusannahay halyeygii Kamaaluddiin doorkii uu cayaaray gobanimade ena iyo go’aankii geesinnimada lahaa ee uu qaa tay xilligii aan u halgamaynnay xorriyadda. Ka dib markii ay Soomaaliya heshay madaxbannaanida,

Masar iyo Soomaaliya xiriir xooggan ayaa ka dha xeeyay oo dhinac kasta taabanayay,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Wuxuu intaas ku sii daray, "30-kii sano ee aan burburka ku jirnay Masar mar kasta way na garab taagnayd, si ay u xaqiijiso ku soo laabashadeen na booskii aan ku lahayn fagaarayaasha caalami ga ah. Mana jirto xilli Shalay kaga habboon inaan xoojinno xiriirkeenna.”Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in taageerada aan ka heleyno Masar ay tahay mid gaar ah oo ka soo go’day qalbiga.

"Waa caawimaad ku qotonta xiriirkeenna qad iimiga ah iyo sida uu Madaxweyne Al-Sisi ka dhawaajiyay taageero gacan ka gaysanaysa danaha labadeenna dal ee gobolka iyo adduunka intiisa kaleba. Waan ka mahadcelin aynaa arrinta as,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu dambe yntii Masar ka balan qaaday in Soomaaliya ay ka alin weyn ka gaysa doonto sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka iyo mustaqbalka laba qaran.

"Mar kale, waxaan ka mahadcelinayaa doorka Masar ee dib u dhiska Soomaaliya. Mudane Mada xweyne, adiga iyo dadweynaha Masarba waxaan idiinka mahadcelinayaa taageerada joogtada ah ee aad ku bixinaysaan dib u dhiska Soomaaliya,” ayuu yiri Qaahira ka sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Xiriirka Soomaaliya iyo Masar ayaa xumaa in tii uu xukunka joogay Farmaajo, waxaana sabab u ahaa xiriirkii wanaagsanaa ee Farmaajo uu la lah aa Itoobiya, maadaama ay Masar iyo Itoobiya isku hayaan biyo xireenka wabiga Nile.

laammaha Amniga oo gacanta kudhigay Ciy aal weerro & Qalabay dadka ku dhibaateen jir een

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa Habeen hore howlgallo amniga lagu xaqiijinayay waxaa ay ka sameeyeen Xaafado katirsan degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, halkaas oo ay kusoo bateen falalka Amni darro.

Intii uu howlgalka socday ayaa Ciidamadu kusoo qabteen Ciyaal weero aad u farabadan iyo qalab ay dadka ku dhibaateyn jireen, kuwaas oo dhibaato weyn ay ku qabeen Shacabka degmada Kaaraan.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cab difitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in Ciidamada Booliska ay gacanta kudhigeen 74 dhalinyaro ciyaal weero ah iyo in ka badan 50 Mindiyo casri ah oo horay dalka aan loogu arag, kuwaas oo dad ka lagu dili jiray qaarkoodna lagu dhici jiray. Wux uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in Ciidamada Amniga ay layaab ku noqotay in dad Warbaahinta ka sheegi jiray inay heysato Amni darro Gurigooda laga helay waxyaabo liddi ku ah Amniga, isla markaana Guryo badan laga soo saaray Tuutaha Ciidamada, iyada oo aysan askar deganeyn.

Ugu dambeyn Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa ugu baaqay Waalidiinta Soomaaliyeed inay carruurtooda ceshadaan, sidoo kalena dhammaan degmooyinka Gobolka Banaadir laga sameyn doono si joogto ah howlgallada.

Tan iyo markii Ciidamada Booliska Soomaaliya ay Muqdisho ka bilaabeen howlgallada ayaa waxaa yaraaday dhibaatada Ciyaal weerada iyo Kooxaha Burcadda ah ee dadka dhici jiray, kuwaas oo dadka Muqdisho ay aad uga caban ayeen

Madaxweyne Xigeenka Jubaland iyo Agaasi maha Guud ee heya’adda socdaalka iyo Jinsiyaddaha oo dhagax dhigay..

Madaxweyne ku xigeen Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali ayaa Shalay dhagax dhigeen dhismaha Xarunta dhexe ee Laanta 2aad ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) oo ka hadlay munaasabadda dhagax dhigga Xarunta Laanta 2aad ayaa sheegay muhiimadda ay u leedahay hirgelinta dhismahaan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda gaar ahaan Laanta 2aad ee Hay’adda oo u adeegta deegaanada Jubbaland.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa ugu horeyn uga mahadceliyay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda adeegyada ay ka bixiso deegaanada Jubbaland isagoo sidoo kalane ku tilmaamay dhismaha xaruntaan in ay muhiimad gaar ah u leedahay in laga hirgeliyo Magaalada Kismaayo oo xarun u ah Laanta 2aad ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

Xaruntan ayaa u adeegi doonta muwaadiniinta iyo dadka ajinabiga ah ee ku nool Jubaland iyo deegaanada ku dhow ee baahida u qaba adeegyada Jinsiyadda iyo Socdaalka maadama Jubaland ay xuduud aad u dheer la wadaagto dalalka dariska ah, waxaana dhismaha xaruntaan oo ka kobnaan doonta labo dabaq iyo goobihi kale ee adeega dadweynaha la qorsheeyay in la soo gebagabeeyo dhamaadka Sanadkan,Ugu dambeyn, waxaa Agaasimaha Guud ee HSJ dhagax dhigeeda ku wehlnayey K/xigeenka Agaasimaha Guud ee HSJ Mdne, Xasan Cabdulqaadir Maxamed iyo Lataliyaha sare ee HSJ Mdne, Mahad Cabdi iyo Madaxda iyo Saraakiisha Laanta 2aad ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Jeneraal XUUD oo beddelay mowqifkiisii kuna dhowaaqay kacdoon cusub

Jeneraal Abuukar Xaaji Warsame (Xuud) oo si weyn uga soo horjeeday maamulka HirShabelle balse xilligii ay sii dhaceysay dowladda Farmaajo la keenay Muqdisho, islamarkaana qaatay nabad ayaa Shalay ku dhowaaqay kacdoon cusub.

Jeneraal Xuud ayaa Shalay shir jaraa’id oo uu qabtay wuxuu ku sheegay in marnaba uu isbedelin mowqifkiisi hore ee kacdoonka, kaasi oo uga soo horjeeday madaxweyne Cali Guudlaawe.

Jeneraal Xuud ayaa sheegay in aan xoog lagu haysan karin Hiiraan, islamarkaana ay maamul cusub u sameysanayaan, isaga oo xusay in uusan aqoonsaneyn maamulka HirShabelle ee uu hogaamiyo Guudlaawe.

"Marka Xamar nimid in aan ka hadalno arrin ceyrin ah, marwalba waxaa isku dayey nay in aan ka gun gaarno wax walba. Waxaa shirkaan jaraa’id u qabanay HirShabelle mowqifka ay taagan tahay iyo mowq ifka aan taaganahay hadda nahay Kacdoonka Hiir aan ay aad u kala fog-yihiin, marnaba aysan isku imaan karin,” ayuu yiri.

"Haddii la isku dayana aan la isku soo jiidi karin (Kacdoonka iyo maamulka Guudlaawe), sababta waxay tahay markhaati ma doonto meesha taalla ay tahay wixii dhacdooyin ahaa ee ka dhacayay Hiiraan in aan waxba laga qaban.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in xalka xiisada taagan uu ku imaan karo wax ay raali ka yihiin reer Hiiraan, isagoo xusay in reer Hiiraan ay isku duuban yihiin kadib masiibooyinkii ka dhacay Beledweyne."Jowhar wax inoogama maqne, Kacdoonka wax ku maqan oo waa soo dhiciney na. Haddii ayaga maamulkoodii wax ku kooban ka hadleen anaga waxa ka hadleyna umadda dhibaa teyan waxa haqabatiri kara.”

Ugu dambeyntiina waxa uu beeniyay in soo labo kacleynta Kacdoonka uu hogaaminayo Jeneraal Xuud uu lid ku yahay madaxweyne Xasan Sheekh, maadama xiligii Farmaajo uu hoos u dhacay ololaha Jabhadeynta Jeneraalka, isaga oo Muqdisho yimid lana heshiiyey D/ii Farmaajo.

Ciro Oo Shaaciyay Talaabooyinka Ay Qaada yaan, Haddii Doorashada Dhaafto 13-Ka November.

Musharraxa Madaaxweyne ee Xisbiga Mucaar adka waddani Cabdiraxmaan Maxamed C/hi Cirro, ayaa digniin culus u jeediyay madaxweyn aha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi, iyadoo digniintan ay salka ku heyso doorashada madaxweyne.

Cirro oo wariyayaasha kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in doorashada aysan dhaafi karin xiliga lagu balamay oo ah 13-ka Nov ember ee sanadan, wuxuuna tilmaamay in muda daas wixii ka danbeeya ay kursiga u siman yiniin musharixiinta iyo madaxweyne Biixi.

"Haddii Muuse Biixi Cabdi uu doorashada qaban waayo 13ka November 2022 kursiga wuu inoo siman yahay, mana aqbali doonno tallaabo weliba oo daan-daa nsi ah, talada oo cid gaar ah marooqsata waa cad awga 1aad ee Nabadda” ayuu yiri Cabdirax ma an Cirro.

Waxa uu dhinaca kale sheegay iney dib u bilaabi doonaan banaanbaxyadii ka dhanka ahaa mudo kororsiga uu doonayo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, iyadoo dibadbax ayaasha ay ka dhici doonaan guud ahaan gobo lada Somaliland.

"Taageerayasha Axsaabta Mucaaradka waxa aan u sheegeynaa in dib loo billaabi doono muda haraadyadii nabadda ahaa oo dhammaan ka qab soomi doona Gobollada, Xukuumadda kama aqbali doonno in ay xukunku ku xalaalsato cabsi gelinta Dadka” ayuu yiri Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro. Musharrax Cirro ayaa sidoo kale beeniyay in uu haysto ciidan-beeleed, kadib markii dhawaan xisbiga Kulmiye ku eedeeyay in uu ciidan beeleed haysto, wuxuu kaloo sheegay in xisbiyada muca aridka ahi ay qaadi doonnaan tallaaboyin qorsheysan.

Madaxweynaha Puntland oo si dadban u weerar ay dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdllaahi Deni ayaa sheegay in xaalada ab aareed ee dalka xilligaan kajirta ay tahay mid aad u daran, balse kaliya looga gudbi karo in caawin iyo Alle dadka Soomaaliyeed badbaadiyo.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dadka Soomaaliyeed ee kunool miyiga iyo magaalaba ay saameysay abaarta, isla markaana loo baahan yahay in bulshada dhexdeeda ay isku gurmadaan.

Wuxuu soo hadal qaaday madaxweynaha Puntl and Deeqaha Caalamka kayimaada ee loogu talo galay abaaraha, wuxuuna sheegay in marwalba maqlo in la haayo lacag mallaayiin Dollar ah, balse ay ka xun yihiin in aysan ogeyn habka loo maamulayo iyo waxa kasoo gaaraya dadka kunool degaannada Puntland.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdllaahi Deni ayaa sheegay in dalka uu kajiro sicir barar saameeyay guud ahaan Dunida, hayeeshee aan waxba laga qaban qarin, wuxuuna Madaxda dowladda ka codsaday in lac agaha ka imaanaya Caalamka si deg deg ah loo gaarsiiyo dadka ay saameysay abaarta.

Hadalkan kasoo yeeray Madaxweynaha Puntl and ayaa kusoo beegmaya xilli qaar kamid ah Hay ’adaha Caalamiga ah iyo dowladaha taage era Soomaaliya ay ku deeqeen lacago mallaayiin Dollar ah oo loogu talo galay dadka ay saameey say abaarta.

Ciidamo la dhoobay waddooyinka Hargeysa kadib hadalkii Cirro

Ka dib markii Shalay Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADANI Cabdiraxmaan Cirro uu Shalay sheegay in Eeda ah in Xisbiyada heys taan Ciidamo maleeshiyaad ah lagul baneeysan ayo in la weeraro ayaa waxaa Ciidamo farabadan la dhigay waddooyinka Magaalada Hargeysa.

Xukuumadda Somaliland ayaa waddooyinka Magaal ada Hargeysa Shalay ku daadisay Ciidamo Boolis ah oo wata Gaadiidka daga alka, kuwaas oo dhamaan la geeyay waddooyin ka soo gala Magaalada Hargeysa iyo dhamaan waddooyinkeeda.

Ciidamada ayaa meelaha qaar u diidaya inay gaadiidka iyo dadweynaha isticmaalaan, waxaana sababaha lagu sheegay Xukuumadda Somaliland oo ka baqdin qabta in Xisbiyada mucaaradka ay dhigaan bannaanbaxyo ay uga soo horjeedaan Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Guddoomiyaha mucaaradka ah ee WADANI Cabdiraxmaan Cirro ayaa ku eedeeyay Madax wey naha Somaliland in uu doonayo muddo kor orsi, wuxuuna sicad u sheegay in hadii la gaaro 13 Bisha November asyan ka dhicin Somaliland doorasho ay u siman yihiin Muuse Biixi Somali land oo uu ula jeedo in uu yahay Madaxweynaha Somaliland.

Khiaafka u dhaxeeya Xukuumadda Soomaali land iyo Xisbiyada mucaaradka ayaa xoogeystay, kaas oo salka ku haaya arrimaha dorashooyinka.

Madaxweynaha Somaliland oo khilaafka doo rashada kala hadlay Safiirka Midowga Yurub

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Ca bdi, ayaa Shalay qasriga madaxtooyada ee Mag aalada Hargeyso ku qaabilay safiirka midow ga Yurub ee Soomaa liyaTiina Intelm ann.

Kulankan,ayaa lagaga wada hadlay arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin doorashooyinka, xoojinta xiriirka wada-shaqayneed ee Somaliland

iyo midowga Yurub iyo arrimaha geeska Afrika.

Kulanka waxa madaxweynaha ku wehelinayey wa siir-ku-xigeenka arrimaha dibadda , ahna ku simaha wasiirka, Cabdinaasir Cumar Jaamac.

Saddex Dhalinyaro Soomaali ah oo lagu dilay Goob ay ka socotay Xaflad Aroos

Ciidamada Booliiska magaaladda West Jordan ee gobolka Utah ee dalka Mareykanka ay aa sheegay in Saddex dhallinyaro Soo maali ah Habeen hore toogasho lagu dilay iyaga oo jooga guri ay xafladi Aroos ah ka socotay.

War kasoo baxay Booliska ayaa lagu sheegay inay aaminsan yihiin in ay ahayd toogashada mid si ula kac ah loola beegsaday xaflada oo ay ku dhinteen Saddexda qof, hayeeshee ay xabsiga u taxaabeen qof dhallinyaro ah oo looga shakisan yahay in uu isa gu dilka toogashadda ah geystay.

Booliisku weli ma sheegin da’da iyo magacy adda saddexda wiil ee toogashadda lagu dilay iyo qofka ay horay u sheegeen inay dilkaasi u qabte en, kaas oo Goobta xafladda ay ka socotay ras aaseeyay.

Walwal xoogan ayaa soo wajahay Qoysas ba ddan oo Soomaali ah oo deggan magaaladda Salt Lake ee gobolka Utah oo u dhow Magaalada We st Jordan ee Habeen hore wiilasha lagu toogtay, iyada oo ay xusid mudan tahay in magaaladda Salt Lake ee gobolka Utah. Labbadii bilood ee u dambaysay dhallinyaro baddan oo Soomaali ah toogasho lagu dilay.

Wararkii ugu dambeeyay ee nasoo gaaraya ayaa sheegaya in Ciidamada Booliska ay weli wa daan howlgallo baaritaano ah, si loo ogaado qof ka sida rasmiga ah tooashada u geystay iyo ujeedka uu ka lahaa.

Tahriibayaal Ay Soomaali Ku Jirto Oo Laga Soo Badbaadiyay Badda

Ku dhawaad 1,200 oo muhaajiriin ah oo aan heysan wax sharci ah ayaa saacadihii ugu dambe eyay gaaray dalka Taly aaniga, sida ay shee ge en mas’uuliyiinta. Muh aajiriintan oo ka kala yi mid dalal dhowr ah oo ku yaalla Asia, Afrika iyo Bariga Dhexe, ayaa ka degay de kado ku yaalla xeeba ha Sicily.mas’uuliyiinta waxay sheegeen in 674 qof laga soo badbaadi yay xeeba ha Calabria halka ay bad da kasoo saa reen 5 me yd ah. Muhaajiriinta ay aa ku safrayay mid kamid ah doomaha kalluum eysiga taas oo la saaray dadka ka badan xaddi ggii loogu talagalay.

Dadkan lasoo badbaadiyay waxay kamid ah tahriibayaal kasoo jeedo Soomaaliya. Afghanist aan, Suudaan iyo Itoobiya. Waxaa sidoo kale xee baha Lampadusa sabtidii la geeyay dad gaaraya 552 qof oo laga soo badbaadiyay ilaa 15 doo mood.

Doomahan ayaa kasoo dhaqaaqay xeebaha dalalka Tunisia iyo Libya, Lampadusa waxaa ku taalla mid kamid dekedaha ugu muhiimsan ay ka soo degan dadka isku dayaya inay galaan Yu rub.

Dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada Liyuu Booliiska iyo Al-shabaab oo mar kale ka socda nawaaxiga degmada Feer Feer Wararka naga soo gaaraya degmada Feerfeer ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in Shalay uu halkaasi ka qarxay da gaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamada Liyuu Boo liiska iyo ciidamada Al-shabaab oo habeen hore ka gudbay xadbeenaadka Hiiraan uu la wad aago dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Dagaalka ayaa lasoo wa rinayaa inuu ka socdo de egaanka Laasqurun oo 20 KM u jirta deg mada Feerfeer, waxaana la sheegaya in dagaalka uu yi mid kadib markii ciidamada Liyuu Booliska weerar ku qaadeen goob ay isku aruursanayeen dagaal amayaasha Al-shabaab.

Lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dha shay dagaalka Shalay ka bilaawday degaanka Laasqurun oo u dhaxeysa degmooyinka Feerfeer iyo Shilaabo ee gobolka Shabeelle ee dowlad deegaanka Itoobiya.

Dorraad ayey aheyd markii la xaqiijiyay in dag aalyahano ka tirsan Al-shabaab oo gaaraya 200 oo askari ay ka talaaben xadbeenaadka gobalka Hiiraan uu la wadaago gobolka Shabeelle ee dee gaanka Soomaali Galbeed Itoobiya.

Dagaalka haatan socda ayaa noqonaya kii lab aad oo ay Al-shabaab kaga dhex dagaalanto gu daha dowlad deegaanka Itoobiya, waxayna maal mo kooban ka hor ay kula dhex dagaalameen cii damada Liyuu Booliiska deegaano ka tirsan gob olka Afdheer oo xaduud beenaad la leh gobolka Bakool.

Tiro Dad Ah Oo Dhintay Kadib Markii Bas Ay La Socdeen Uu Ku Dhacay Webi

Ugu yaraan 33 qof ayaa dhintay halka tiro ka lana ay ku dhaawacmeen bartamaha Kenya kadib markii bas ay saarnaayeen dadkan uu ka baxay waddada isla markaana uu ku dhacay webi mara halkaas.

Mas’uuliyiinta waxay sheegeen in 10 qof ay ka badbaaday shilka xaley xilli baabuurka uu maray ay buunddada webi mara bartmaha Kenya.

Baska ayaa kasoo dhaqa aqay magaalada Meru, wux uu ku wajahnaa magaalada xeebta ku taalla ee Mombasa.

Booliska waxay sheegeen in baaritaanno hordhac ah ay muujinayaan in bareega gaariga ay cilad ku timid.Waxaa hadda socdaa howlaha samatabixin ta ah ay lagu baadigoobayo dadka la la’yahay iya doo laga cabsi qabo in tirada dhimashada ay kor odho.

Ciidamada Israa;iil oo Daanta Galbeed ku dilay laba Falastiin ah

Labo qof oo falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay we erar ay ciidamada Israa’iil ku qaadeen magaalada Nablus ee daanta galbeed ee la haysto, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Falastiin.

Wakaalladda Wararka Fal astiin ee Wafa ayaa she egtay in ciidamada Israel ay Habeen hore saqdii dhe xe wee rar ku qaadeen xaafadda Al-Yasmina ee magaalada Qadiimiga ah ee Nab lus, waxayna halkaasi ku dileen Muhamad Azizi, oo 25 jir ah iyo Abdul Rahman Jamal Suleiman Sobh, oo 28 jir ah.

Sida laga soo xigtay Ururka Bisha Cas ee Fa lastiin, ugu yaraan 12 ruux oo kale ayaa ku dhaaw acmay weerarkaasi ay fuliyeen ciidamada Israa ’ii;,waxaana dadka la dhaawacay ku jira hal ruux oo ay culus tahay xaaladdiisa caafimaad.

Naser Estitya, oo 60 jir ah,isla markaana derid la ah qoysas la weeraray ayaa sheegay in uu maq lay rasaas ka dhacaysa gudaha dhismo ay si

qasab ah ku galeen ciidamada Israa’iil.

AMNI XUMADA MUQDISHO – SHAN QODOB OO SHEEGAYA SABABTA DHIBAATADA IYO XALKA


Xaaladda amni ee magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa sii xumaaneysa, iyadoo laamaha amniga gaar ahaan booliska ay u muuqdaan kuwa xakameyn la’a dhaca iyo dilka lagu hayo shacabka.

Degmooyinka magaalada qaar waxaa dadka ku adkaatay inay banaanka u adeeg doontaa wixii ka dambeeya salaada Maqrib, waxaana muuqata in maamulka gobolka Banaadir uu ka jiiftay dhib aatooyinka ay wajahayaan dadka dagan caasim ada. Booliska ayaa joojiyey isku socodka mooto Bajaajta wixii ka dambeeyo 12-ka habeenimo, dhowr howl-gal oo ay sameeyeena waxay faafiy een in burcad lagu soo qabtay, laakiin dhammaan uma muuqdaan kuwo ku filnaaday hagaajinta xaaladda amniga ee magaalada Muqdisho.

Dadku waxay ka doodayaan waxa dhibaatada kordhiyey iyo waxa xalkeedu noqon karo. Joojinta mootooyinka bajaajta ee habeenkii xilliga dambe aad looma taageersana maadaama xilliga burcad da ay dadka beegsadaan ay u badan tahay wixii ka horreeya tobanka habeenimo.

Dhaqamo cusub ayaa kusoo kordhay caasim adda kuwaas oo la aaminsan yahay inay sababta amni darada qeyb ka yihiin.Warbixintaan waxaa ku eegeynaa qaar kamid ah sababaha dhibaatoo yinka ee la isku raacsan yahay & xalka ugu dhow:

Daroogada

Magaalada Muqdisho waay gaartay heerkii ugu sareeyay ee ka ganacsiga iyo isticmaalka dar oogada, weliba xanuunka waa in da’yartu ay si wey ugu bareertay qatartaan.

Muqdisho ayaa 30-kii sano ee burburka caan kuma aheyn isticmaalka badan ee daroogada, mar walba oo ay kororto daroogada soo galeysa magaalada iyo isticmaalkeeda waxaa xoogeysa naya dhibaatooyinka ay ku kacayaan dadka isticmaala.

Nooca tallaabada ay dowladda cusub ka qaado isticmaalka iyo iibka daroogada ku faaftay caas imadda waxay jawaab u noqon doontaa guna anadka dhibaatadaan taagan.

Isbadalka maamulka

Mar walba oo uu isbadal maamul dhaco waxaa abuurma kooxo isku daya inay ka faa’ideystaan kala wareegga maamulka. Kooxahaan badi wax ay ka dhex dhashaan ciidamada dowladda, dalka weli xukuumad ma yeelan.

Nidaamka cusub ee ka curtay Soomaaliya wa xaa hor taalla inay darsaan dabeecadaha kooxah aan isku daya inay ka faa’ideystaan kala wareeg ga dowladda, kuwaas oo sida muuqata hadda qeyb ka ah qalalaasaha ka socda caasimadda.

Hoggaanka ciidamada

Maadaama uu nidaam cusub dhashay waxaa la fahamsan yahay inuu madaxweyne Xasan She ekh ku dhaqaaqi doono ballantiisii aheyd inuu 100 maalmood ku sameyn doono isbadalka iyo dib u habeynta laamaha ammaanka.

Hoggaan ciidan oo sugaya badal haddii aysan dhib abuurin uma badna inay u labisan yihiin inay dib ka hor tagaan. Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu u muuqdaa inuu ka daahay isbadalka hogg aanka qeybaha ciidanka ayey leeyihiin fallan-qeeyaashu.

Habacsanaanta ka muuqata qeybaha ciidan ka, gaar ahaan booliska iyo Militarigii oo magaal ada dhibaato ka dhex wada waxaa loo arkaa rajo beesha heysta hoggaanka ciidanka.

Inuu madaxweynuhu deg deg ugu dhaqaaqo is ku shaandheyn dhanka hey’adaha amniga ah wax badan ayey ka tari doontaa xaalka sida la aamin san yahay.

Madaxda gobolka Banaadir

Madaxda maamulka gobolka Banaadir waxay u muuqdaan kuwa gacmaha ka laabtay dhibaatada caasimadda, sida sicir bararka dilka iyo dhaca.

Hoggaanka xilligaan ee maamulka gobolka Banaadir oo ay dowladdii madaxweyne Farmaajo magacowday waxaa aad loo dhaliilsan yahay shaqadooda, inay sidaan uga sii dhuuntaan waxa caasimadda ka jirana waa dhibaato kale.

In maamulkii hore ee gobolka Banaadir awood cusub la siiyo oo si adag loola xisaabtamo ama in dowladda cusub dadajiso hoggaankeeda gobolka Banaadir ayaa kamid ah waxyaabaha lasoo jeedinayo inay xalka qeyb ka noqon karaan.

Isku xirka shacabka iyo dowladda

Dowladda cusub ee madaxweyne Xasan Sheekh weli uma muuqato inay ahmiyad siineyso cilaaqaadka shacabka caasimadda.

Haddii aysan dowladda arrintaasi ahmiyad siinin oo aan la helin isku xir deg deg ah iyo wada-shaqeyn u dhaxeysa shacabka Muqdisho iyo dowladda federaalka ah waa adkaan doontaa in xal loo helo dhibaatada ka jirta magaalada Muqdisho.

Wasiirka Arrimaha Debadda Dalka Ruushka Oo Booqasho Ku Tegey Masar

Wasiirka Arrimaha Debadda ee Ruushka Sergey Lavrov ayaa booqasho ku tegey dalka Masar isaga oo magaalada Qaahira kula kulmay madaxwe ynaha dalka MasarCabdil Fattax al-Sissi iyo Wasi irka Arrimaha Debadda Sameex Shukri,

si ay uga wadahadlaan qodobo kala duwan oo ay ka mid yihiin, dedaallada lagu soo afjarayo xiisadda ka taa gan dalka Ukraine, tallaabada dib loogu soo celinayo dho ofinta sareenka ee Ruushka iyo Ukraine, heshii syo ganacsi oo wadajir ah, colaadaha gobolka ka taagan iyo weliba inay ka wada hadl aan wershed tamarta Nukliyeerka ku shaqaysa oo Ruushku ka bilaabay inuu ka dhiso xeebta waqooyi ee dalka Masar.

Safarka wasiirka arrimaha debedda ee Ruushka ayaa noqonaya lugtiisii ugu horraysay ee safaro uu ku gaalaa-bixin doono qaaradda Afrika. Dalalka Masar iyo Ruushka ayuu ka dhexeeyaa xidhiidh ganacsi oo xooggan oo ku kacaya 4 illaa 5 billion oo dollar sannadkii, hase ahaatee waxaa ganacsigaas carqaladeeyey xanuunkii Covid19 iyo xiisadda dalka Ukraine, waxaana taasi ay saamayn xooggan ku yeelatay dhinaca dalxiiska, iibka sarreenka iyo dhoofinta tamarta.

HADALKII MO FARAH OO SABABAY ARRIN AAN HORAY U DHICI JIRINMO FARAH


Waxaa kordhay wicitaannada dadka la xiriiraya hay'ad samafal oo ka shaqaysa arrimaha wacyigelinta tahriibinta wixii ka dambeeyay markii uu Mo Faarax shaaciyay sheekada ku saabsan in isagoo yar si sharci-darro ah lagu geeyay UK.

 

Hay'adda "Unseen UK" ayaa BBC-da si gaar ah ugu she egtay in wicitaannada lagula soo xiriiro ay sare u ka ceen 20%. Sidoo kale waxaa 15% kordhay xiriirrada guud ee lala soo sameeyo hay'adda, waxayna dadka qaar kala soo xiriireen dhinaca bogga internet-ka.

Agaasimaha hay'addan samafalka ah, Justine Carter, ayaa sheegtay in dadka soo wacay dha mma antood ay si gaar ah u sheegeen in hadalladii Mo Farah ay ku dhiirrigeliyeen tallaabadan.

Xiddigga Olympic-da ayaa horaantii bishan shaaca ka qaaday in UK ay geeyeen dad aan waalidiintiisa ahayn.

Isagoo ka hadlayay duku mintari ay diyaariyeen BBC-da iyo Red Bull ayuu sheegay in ay UK u duulisay haweeney uusan garanayn, ayna siisay magaca "Maxamed Faarax" oo uu leeyahay qof kale.Waxa uu intaas ku daray in magaciisa dhabta ah uu yahay Xuseen Cabdi Kaahin.Mo FarahMas'uuliyiinta hay'adda Unseen UK ayaa BBC-da u sheegay in isbuucii ku xigay marka uu Mo Faarax shaaca ka qaaday xogta ku saabsan noloshiisa - oo markii ugu horraysay hawada laga sii daayay 11-kii bishan July - ay 231 ruux soo waceen laantooda ka shaqaysa addoonsiga casriga ah.

Dadkaas ayaa aad u badnaa marka la barbar-dhigo tirada dadkii hay'adda lasoo xiriiray isbuucii ka horreeyay kaas oo ahayd 192 qof.

Wadarta 368 ruux ayaa isbuucaas gudihiisa soo wacay hay'adda marka loo eego 319 qof oo soo wacay toddobaadkii ka horreeyay. Carter ayaa BBC News u sheegtay in wicitaannada soo kordhay ay ka dhigan yihiin "kalsooni soo noqonaysa".

"Waxay muujinaysaa in sheekooyinka noocan ah ee dadka caanka ah ku saabsan ay saamayn wayn ku yeelanayaan dadweynaha, waxayna dhiirrigelinayaan dadka laga yaabo inay arkeen waxyaabo walaac abuuraya ama soo maray xaalado la mid ah tii Mo Farah uu uga warramay BBC-da," ayay tiri."Dadku waxay dareemayaan cidlo iyo inay go'doonsan yihiin marka ay ku jiraan marxalad taas la mid ah, sidaas darteed inay ogaadaan in uu qof kale dhibkaas maray, welina uu ka cabanayo, waa mid muhiim ah," ayay sii raacisay hadalkeeda..

"Waxay taas siinaysaa dhibbaneyaasha rajo ku dhiirrigelisa inay noloshooda xorta ah sii wataan."

Carter ayaa sheegtay in dadka lasoo xiriiray ay isugu jireen dad hadda ku jira shaqaalanimada khasabka ah iyo kuwo sanado ka hor soo maray balse wali dareemaya xanuunka ay ku reebtay xaaladdaas.

Mo Farah

XIGASHADA SAWIRKA,PA MEDIA

Sir Mo ayaa dukumintariga ku sheegay in uu ku dhashay Somaliland, markii uu siddeed sano jirayna loo kaxeeyay inuu qoyskiisa kula noolaado Jabuuti.

Kaddib waxaa UK u dhoofisay haweeney uusan weligiis la kulmin waxna aysan isku ahayn, balse waxay u sheegtay in uu la noolaan doono qaraabadiisa oo ku sugan Yurub.

Mo Faarax ayaa sheegay in lagu qasbi jiray shaqada guriga iyo xannaanaynta carruurta xilliga uu joogo guri ay haweeneydaas ka dagganayd galbeedka magaalada London.

"Haddii aad rabto inaad weligaa dib dambe u aragto qoyskaaga, waxba ha sheegin," ayay ku tiri, sida uu sheegay Mo Faarax.Waxyar kaddib marka uu Mo Faarax qisadiisa sha aciyay, isbahaysi ka kooban hay'adaha la dagaa llama tahriibinta iyo qareenno ayaa soo saaray war-saxaafadeed wadajir ah oo ay ku bogaad inayaan tallaabada uu qaaday.

XIGASH:-BBC


MAXAA KA JIRA IN XIRIIR JACAYL UU KA DHAXE EYA TAAJIRKA ADDUUNKA IYO XAASKA NINKA GOOGLE ISKA LEH?


Elon Musk

Madaxa Tesla Elon Musk ayaa beeniyay inuu xiriir jacayl la sameeyay Nicole Shanahan, oo ah xa aska aasaasaha Google, Sergey Brin.

Hadalka Musk ayaa yimid ka dib markii joornaalka Wall Street uu tebiyay in tuhunkan uu soo afajray saaxiibtinimadii ka dhexeysay Brin iyo Musk.

Isagoo ka jawaabayay qoraalka oo la soo dhigay Twitter, ayaa Mr Musk wu xuu ku tilmaamay warbixinta "mid aan sal iyo raad toona lahayn."

Mr Musk oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in uu wali saaxiib la yahay Mr Brin oo uu sheegay in ay Habeen hore wada joogeen meel xaflad lagu dhigayay.

Isagoo soo xiganaya dad xog-ogaal u ah arrintan, ay aa wargeyska Wall Street Journal wuxuu sheegay in Musk uu xiriir muddo kooban ah la sameeyay Shan ahan dabayaaqadii sannadkii hore.

"Tani waxa ay Mr Brin ku kaliftay in horraantii sanadkan uu dalbado inay kala tagaan xaaskiisa, waxana ay soo afjartay saaxiibtinimadii ka dhaxa ysay labada bilyaneer ee caanka ah ee tignoolaj iyada," ayuu sidoo kale wargeysku qoray.

Xiliga arrintan lagu soo oogay oo ahayd bishii Diseembar, Mr Brin iyo xaaskiisa waa ay kala tageen balse wali waa ay wada noolaayeen, sida uu she egay Wall Street Journal, isagoo soo xiganaya qof ay isku dhow yihiin Ms Shanahan.

Qoraal kale oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka, Mr Musk wuxuu ku yiri: " Wall Street Journal waxay aniga iyo Tesla naga qoreen waxyaabo been abuur ah oo sumcaddeena hoos u dhigaya.”

"In kasta oo uu dhexmaray heshiis hordhac ah, Mr Brin iyo Ms Shanahan ayaa hadda ka wada xaajoon aya furiinkooda, kaas oo noqon kara ilaa bilyan doolar," ayaa sidoo kale lagu yiri wargeyska.

Maalqabeen ku dhashay Afrika oo iibsanaya shi rkadda Twitter

25 Abriil 2022

Lix hadal oo dadka ka yaabiyay oo ka soo yeeray ninka hadda la wareegay Twitter

29 Abriil 2022

Nicole Shanahan and Sergey Brin

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Ms Shanahan waa xeer ilaaliye ka hawlgasha California sidoo kalana waa aasaasaha shirkadda tekno olojiyadda ClearAcces sIP ee dhanka shariciga sida laga soo xigtay boggeeda rasmiga ah Linke dIn.

Muska oo sidoo kale ah milkiilaha shirkadda SpaceX ayaa waxa uu caan ku yahay sida uu maamulo shir kadihiisa badan, balse waxa sidoo kale warbaahinta soo jiita noloshiisa gaarka ah.

Qoraallo uu barta Twitter-ka ku baahiyay billowgii bishan ayaa u muuqday kuwa uu ku xaqiijinayo war arka sheegaya in laba caruur oo mataano ah ay u dhashay Shivon Zilis oo madax ka ahayd shirkadiisa teknoolajiyadda ee Neuralink.

Qoraalkiisaas barta Twitter ayaa yimid toddobaad yo un ka dib markii gabadhiisa Vivian ay shaacisay inay xiriirka aabanimo u jartay aabaheed.

Mr Musk ayaa hadda waxa uu wajahaya dagaal dhanka sharciga oo la xiriira qorshihii uu ka noqday ee uu ku iibsanayay Twitter kaas oo ku kacayo kha rash gaaraya 44 bilyan oo doolar.

Horaantii bishan, ayaa la dacweeyay ka dib mar kii uu sheegay

inuu ka baxay heshiiskii uu kuu iibs anayay Twitter.

Mr Musk ayaa ah qofka ugu taajirsan adduunka, waxaana lagu qiyaasaa hantidiisa in ka badan 240 bilyan oo doolar, sida laga soo xigtay Bloomberg Billi onaires Index.

Marka loo eego diiwaanka, Mr Brin waxa hatiddi isa lagu qiyaasay inuu haysto ​​95 bilyan oo doolar taas oo ka dhigaysa qofka siddeedaad ee ugu taajir san adduunka.

Ms Shanahan, Mr Brin iyo Google si dhakhsiya ugama aysan jawaabin codsiyadii BBC ee arrintan jawaabta ugu raadineysay.

XIGASHO:BBC


TODOBO QODOB OO KU SAABSAN DAGA ALKA U DHAXEEYA LIYU BOOLIS IYO AL-SHABAAB


Dagaal hor leh oo u dhaxeeya Ciidamada Liyu Booliska iyo Al-Shabaab ayaa Shalay ka qarxay gob olka Shabeelle gaar ahaan deegaanka Laas-qurun ee degmada Feer-feer.

Dagaalkan cusub ayaa ku soo beegmaya iyadoo maalimihii la soo dhaafay uu socday dagaal u dhaxe eya Liyu Boolis iyo Al-shabaab kaas oo ka dhacay gobolka Afdheer gaar ahaan deenka Aato ee deg mada Hargeelle.

Haddaba todobo qodob ka ogow dagaalkan dhifka ee uu dhaxeeya Al-shabaab iyo Liyu Boolis.

1: Dhulka lagu dagaalam ayo

Deegaanka ay ku daga allamayaan Liyuuga iyo Al-Shabaab ayaa ku yaalla Koonfurta deegaanka Soomaalida, ama xadka ay Itoobiya dhanka bari kala wadaagto Soomaaliya.

Dagaalki wajigiisii hore wuxuu ka dhacay deeg aanka Aato, ee degmada Hargeellee ee gobolka Afdheer.

Al-shabaab ayaa gudaha u galay tuulooyin deeg aanka Aato ku teedsan halkaasi oo uu dagaal dhowr maalmood socday ku dhexmaray dagaallamayaasha Al-shabaab iyo Liyuu Booliska.

Laba maalmood kaddib dagaalka oo soo idla aday waxaa soo baxay warar sheegaya iney dagaa llamayaal ka tirsan Al-shabaab oo 200 gaaraya ay katallaabeen xadka gobolka Hiiraan ee Soomaaliya sida uu BBC-da u sheegay guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte.

Maalin ka dib, dagaalkii labada dhinac u dhaxe eyey ayaa u wareegay aagga degmada Feerfeer oo ka tirsan gobolka Shabeelle.

Deegaanka Laasqurun oo ka tirsan degmada Feerfeer ee gobolka Shabeelle ayuu ka dhacay dag aalka Shalay dib u qarxay ee u dhaxeeya Al-Sha baab iyo ciidamada gaarka ee Dowlad Deegaanka.

Rasaasta ayaa la sheegay in laga maqlayo Feer-Feer oo qiyaastii 20 km u jirta goobta lgu dagaalam aya oo ah gudaha xadka itoobiya.

Lama ogo khasaaraha ka dhashay dagaalkan.

2.Dhiiranaanta Al Shabaab

Dad badan ayaa is weydiinaya sida ay Shab aabka ugu dhiiradeen inay weeraraan saldhigyada ciidammadan.

"In ciidan meel daggan oo loogu talagaly inay me el difaacaan laga eryo oo laga saara waxay ku tus ineysaa diyaargarow la’aan dhinaca Itoobiya ah,” ayuu yiri Axmed Cabsiye oo ah xubin ka tirsan xisb iga Danta Shacabka oo ka jira deegaanka Soomaalida Itoobiya.

" Sirdoonkii iyoi milatariga Itoobiya oo ku mashq uulsan dagaal kale ayaa keentay habacsanaan iyo in uusan jirin ka warqab badan oo ku saabsan dhaqdha qaaqa Shabaabka ka hor inta aysan weerarka soo qaadin,” ayuu intaasi ku daray Cabsiye oo ka qeybg alayay barnnaamijka Falaanqeynta ee Jimcihii ka baxay laanta Af- Soomaaliga ee BBC-da.

3: Muxuu ahaa u jeedka weerarka Al-Shabaab?

Dowladda federaalka Itoobiya ayaa Al-shabaab ku eedeeysay inay ku biiri rabtay kooxda OLA ee ka ha wlgasha gobolka Oromiya ee ugu dadka badan Itoobiya.

"Kooxda argagixisada ah ayaa qorsheyneysay inay u gudbaan degmada Ceelkarri si ay ugu biiraan jabhadda OLF garabka dowladda Itoobiya la dag aalamaya balse uma aysan suurogelin inay gaaraan ka dib markii laga gubay 13 gaari oo ay wateen sidoo kalana laga qabsaday saadkii iyo hubkii ay la yimaadeen, ayay ku warantay warbaahinta dowlad deeganaka oo sii xiganaysa masuuliyiin ka tirsan dowladda.

"Inka badan 100 xubnood oo ka tirsan ururka argagixisada ah ayaa la dilay ka dib 3 maalmood oo uu socday dagaalka”, ayaa lagu yiri warka laga baa hiyay telefishinka dowladda.

"Weerarka Shabaab wuxuu qeyb ka yahay qor she ay Al Shababa iyo OLA iyo TPLF ku doonayana inay xasillooni darro uga abuuraan Itoobiya," ayuu yiri wasiirka warfaafinta itoobiya, Legese Tulu oo la hadlay telefishinka dowladda ee ETV.

4: Deegaannada Soomaaliya ee ay shabaab ka dhaqdhaqaaqaan ee DDS deriska la ah

Deegaannada Soomaaliya ee ay Al-Shabaab ka dhaqdhaqaaqaan oo ka tirsan dowlad goboleedyada Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirsha beelle.

Deegannadaasi ayaa xuduud la leh gobollada deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ee kala ah Shabeelle, Qorraxey, Afdheer iyo Liibaan.

5: Tagidda Furinta hore ee Mustafa

Mustafa

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mutafa Muxumed ayaa tagay gobolka Afdheer ee uu dagaalka ku dhexmaraya Ciidamada Liyu Booliska iyo dagaalamayaasha Al-shabaab.

Waxaa la arkayay sawiiro lagu baahiyay bogga Fac ebook ee Xafiiska Warfaafinta ee DDS oo muujinaya madaxweyne Mustafa oo salaan, maraxabayn iyo boogaadin la wadaagaya ciidamada.

6: Kaalinta shacabka ee dagaalka

Shacabka oo u gurmanaya ciidana Liyu

Waxaa la arkayay shacabka dowlad deegaanka oo kaalin muhiim ah ka qaadanayay dagaalka iyag oo ciidamada u qeybinaya raashin iyo cabitaan.

Arrintan ayaa waxaa aad loogu wadaagayay baraha bulshada ee ay Soomaalida ku wada xiriirto.

Soomaaliya oo ah saldhigga Ururka Al-shabaab ayaan weli la arkin dad shacab ah oo gacan siinaya ciidamada dowladda ama kuwa maamul gobol eedyada ee dagaalka kula jira kooxda.

7: Kaalinta ciidamada Federaalka Itoobiya

Madaxwayne Mustafe Muxummed Cumar ayaa Shalay magaalada Godey kula kulmay ciidam ada difaaca Itoobiya ee JDFI kuwaas oo la sheegay in ay xoojinayaan ciidamada deegaanka ee Liyu Boolis ee dagaalka kula jira Al-shabaab.

Ma cadda inay dagalaka galayaan iyo deeganna nda ay ka dagaalami doonaan, balse waxay leeyihiin awood ka ballaaran Liyu booliska sida inay ku hubey san yihiin hub culus iyo gaadid sida diyaaradaha dagaalka.Ciidammada gaarka ah ee gobolka ayaa la sheegaa inay aad u abaabulan yihiin, balse aysan ku hubeysneyn hub culus


.XIGASHO:-BBC


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip