
Maxaa ka jira in xiriir jacayl uu ka dhaxeeya taajirka adduunka iyo xaaska ninka Google iska leh?
XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES
Hadalka Musk ayaa yimid ka dib markii joornaalka Wall Street uu tebiyay in tuhunkan uu soo afajray saaxiibtinimadii ka dhexeysay Brin iyo Musk.
Isagoo ka jawaabayay qoraalka oo la soo dhigay Twitter, ayaa Mr Musk wuxuu ku tilmaamay warbixinta "mid aan sal iyo raad toona lahayn."
Mr Musk oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in uu wali saaxiib la yahay Mr Brin oo uu sheegay in ay xalay wada joogeen meel xaflad lagu dhigayay.
Isagoo soo xiganaya dad xog-ogaal u ah arrintan, ayaa wargeyska Wall Street Journal wuxuu sheegay in Musk uu xiriir muddo kooban ah la sameeyay Shanahan dabayaaqadii sannadkii hore.
"Tani waxa ay Mr Brin ku kaliftay in horraantii sanadkan uu dalbado inay kala tagaan xaaskiisa, waxana ay soo afjartay saaxiibtinimadii ka dhaxaysay labada bilyaneer ee caanka ah ee tignoolajiyada," ayuu sidoo kale wargeysku qoray.
Xiliga arrintan lagu soo oogay oo ahayd bishii Diseembar, Mr Brin iyo xaaskiisa waa ay kala tageen balse wali waa ay wada noolaayeen, sida uu sheegay Wall Street Journal, isagoo soo xiganaya qof ay isku dhow yihiin Ms Shanahan.
Qoraal kale oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka, Mr Musk wuxuu ku yiri: " Wall Street Journal waxay aniga iyo Tesla naga qoreen waxyaabo been abuur ah oo sumcaddeena hoos u dhigaya.”
"In kasta oo uu dhexmaray heshiis hordhac ah, Mr Brin iyo Ms Shanahan ayaa hadda ka wada xaajoonaya furiinkooda, kaas oo noqon kara ilaa bilyan doolar," ayaa sidoo kale lagu yiri wargeyska.

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES
Ms Shanahan waa xeer ilaaliye ka hawlgasha California sidoo kalana waa aasaasaha shirkadda teknoolojiyadda ClearAccessIP ee dhanka shariciga sida laga soo xigtay boggeeda rasmiga ah LinkedIn.
Muska oo sidoo kale ah milkiilaha shirkadda SpaceX ayaa waxa uu caan ku yahay sida uu maamulo shirkadihiisa badan, balse waxa sidoo kale warbaahinta soo jiita noloshiisa gaarka ah.
Qoraallo uu barta Twitter-ka ku baahiyay billowgii bishan ayaa u muuqday kuwa uu ku xaqiijinayo wararka sheegaya in laba caruur oo mataano ah ay u dhashay Shivon Zilis oo madax ka ahayd shirkadiisa teknoolajiyadda ee Neuralink.
Qoraalkiisaas barta Twitter ayaa yimid toddobaadyo un ka dib markii gabadhiisa Vivian ay shaacisay inay xiriirka aabanimo u jartay aabaheed.
Mr Musk ayaa hadda waxa uu wajahaya dagaal dhanka sharciga oo la xiriira qorshihii uu ka noqday ee uu ku iibsanayay Twitter kaas oo ku kacayo kharash gaaraya 44 bilyan oo doolar.
Horaantii bishan, ayaa la dacweeyay ka dib markii uu sheegay inuu ka baxay heshiiskii uu kuu iibsanayay Twitter.
Mr Musk ayaa ah qofka ugu taajirsan adduunka, waxaana lagu qiyaasaa hantidiisa in ka badan 240 bilyan oo doolar, sida laga soo xigtay Bloomberg Billionaires Index.
Marka loo eego diiwaanka, Mr Brin waxa hatiddiisa lagu qiyaasay inuu haysto 95 bilyan oo doolar taas oo ka dhigaysa qofka siddeedaad ee ugu taajirsan adduunka.
Ms Shanahan, Mr Brin iyo Google si dhakhsiya ugama aysan jawaabin codsiyadii BBC ee arrintan jawaabta ugu raadineysay.
XIGASHO:-BBC


0 



Maxaa ka jira in xiriir jacayl uu ka dhaxeeya taajirka adduunka iyo xaaska ninka Google iska leh?
..