Hadalkii Mo Farah oo sababay arrin aan horay u dhici jirin

1
Monday July 25, 2022 - 22:04:52 in Wararka by
  • Visits: 1295
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hadalkii Mo Farah oo sababay arrin aan horay u dhici jirin

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Waxaa kordhay wicitaannada dadka la xiriiraya hay'ad samafal oo ka shaqaysa arrimaha wacyigelinta tahriibinta wixii ka dambeeyay markii uu Mo Faarax shaaciyay sheekada ku saabsan in isagoo yar si sharci-darro ah lagu geeyay UK.

Hay'adda "Unseen UK" ayaa BBC-da si gaar ah ugu sheegtay in wicitaannada lagula soo xiriiro ay sare u kaceen 20%. Sidoo kale waxaa 15% kordhay xiriirrada guud ee lala soo sameeyo hay'adda, waxayna dadka qaar kala soo xiriireen dhinaca bogga internet-ka.

Agaasimaha hay'addan samafalka ah, Justine Carter, ayaa sheegtay in dadka soo wacay dhammaantood ay si gaar ah u sheegeen in hadalladii Mo Farah ay ku dhiirrigeliyeen tallaabadan.

Xiddigga Olympic-da ayaa horaantii bishan shaaca ka qaaday in UK ay geeyeen dad aan waalidiintiisa ahayn.

Isagoo ka hadlayay dukumintari ay diyaariyeen BBC-da iyo Red Bull ayuu sheegay in ay UK u duulisay haweeney uusan garanayn, ayna siisay magaca "Maxamed Faarax" oo uu leeyahay qof kale.

Waxa uu intaas ku daray in magaciisa dhabta ah uu yahay Xuseen Cabdi Kaahin.

Mo Farah

Mas'uuliyiinta hay'adda Unseen UK ayaa BBC-da u sheegay in isbuucii ku xigay marka uu Mo Faarax shaaca ka qaaday xogta ku saabsan noloshiisa - oo markii ugu horraysay hawada laga sii daayay 11-kii bishan July - ay 231 ruux soo waceen laantooda ka shaqaysa addoonsiga casriga ah.

Dadkaas ayaa aad u badnaa marka la barbar-dhigo tirada dadkii hay'adda lasoo xiriiray isbuucii ka horreeyay kaas oo ahayd 192 qof.

Wadarta 368 ruux ayaa isbuucaas gudihiisa soo wacay hay'adda marka loo eego 319 qof oo soo wacay toddobaadkii ka horreeyay.

Carter ayaa BBC News u sheegtay in wicitaannada soo kordhay ay ka dhigan yihiin "kalsooni soo noqonaysa".

"Waxay muujinaysaa in sheekooyinka noocan ah ee dadka caanka ah ku saabsan ay saamayn wayn ku yeelanayaan dadweynaha, waxayna dhiirrigelinayaan dadka laga yaabo inay arkeen waxyaabo walaac abuuraya ama soo maray xaalado la mid ah tii Mo Farah uu uga warramay BBC-da," ayay tiri.

"Dadku waxay dareemayaan cidlo iyo inay go'doonsan yihiin marka ay ku jiraan marxalad taas la mid ah, sidaas darteed inay ogaadaan in uu qof kale dhibkaas maray, welina uu ka cabanayo, waa mid muhiim ah," ayay sii raacisay hadalkeeda..

"Waxay taas siinaysaa dhibbaneyaasha rajo ku dhiirrigelisa inay noloshooda xorta ah sii wataan."

Carter ayaa sheegtay in dadka lasoo xiriiray ay isugu jireen dad hadda ku jira shaqaalanimada khasabka ah iyo kuwo sanado ka hor soo maray balse wali dareemaya xanuunka ay ku reebtay xaaladdaas.

Mo Farah

XIGASHADA SAWIRKA,PA MEDIA

Sir Mo ayaa dukumintariga ku sheegay in uu ku dhashay Somaliland, markii uu siddeed sano jirayna loo kaxeeyay inuu qoyskiisa kula noolaado Jabuuti.

Kaddib waxaa UK u dhoofisay haweeney uusan weligiis la kulmin waxna aysan isku ahayn, balse waxay u sheegtay in uu la noolaan doono qaraabadiisa oo ku sugan Yurub.

Mo Faarax ayaa sheegay in lagu qasbi jiray shaqada guriga iyo xannaanaynta carruurta xilliga uu joogo guri ay haweeneydaas ka dagganayd galbeedka magaalada London.

"Haddii aad rabto inaad weligaa dib dambe u aragto qoyskaaga, waxba ha sheegin," ayay ku tiri, sida uu sheegay Mo Faarax.

Waxyar kaddib marka uu Mo Faarax qisadiisa shaaciyay, isbahaysi ka kooban hay'adaha la dagaallama tahriibinta iyo qareenno ayaa soo saaray war-saxaafadeed wadajir ah oo ay ku bogaadinayaan tallaabada uu qaaday

.XIGASHO:-BBC



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip