HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPSPER EE MAANTA O AH ISNIIN 25-KA JULY 2022-KA

1
Monday July 25, 2022 - 08:24:38 in Wararka by
  • Visits: 496
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPSPER EE MAANTA O AH ISNIIN 25-KA JULY 2022-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Lagu Soo Dhaweeyay MagaaladaQaahira

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka So omaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu ho ggaaminayo oo gaaray magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha si diirran ugu soo dhaweeyey Wasiirka Ma aliyadda Masar Maxamed Mu ciid, diblomaasiyiin iyo sarakiil ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee dalkaas.

Madaxweynaha ayaa dhiggiisa dalka Masar Cabd ulfataax Al-siisi, la yeelan doona wadahadallo ku saa bsan sidii loo xoojin lahaa xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, gaar aha an iskaashiga dhaqaale iyo diblumaasiyadeed, la da gaallanka argagixisada iyo dib u soo celinta doorka dowladda Masar ay ka qaadato horumarinta waxba rashada dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa in ta uu ku sugan yahay dalka Masar waxa uu kulan la qaadan doonaa Madaxa Ururka Jaamacadda Cara bta Axmed Abuu Al-qeyd, iyagoo ka arrinsanaya qor sheyaasha heer Carbeed ee midnimada iyo wax-wa da qabsiga dalalka ku mideysan Jaamacadda Carab ta oo Dowladda Soomaaliya ay ka tahay xubin muh iim ah.

Dowladaha Soomaaliya iyo Masar ayaa waxa ay wadaagaan xiriir qoto-dheer oo ku saleysan iskaa shi dhaqaale, ganacsi, waxbarasho iyo wax wada qabsi.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wafdi Mareykan ah kula kulmay XALANE

Madaxweynaha Soomaaliya, Md.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shalay xarunta xalane oo ay ku dhex taallo safaaradda Mareykanka ku qaabilay wa fdi culus oo ay hoggaamineyso madaxa hay’adda USAID, Samantha Power.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa sidoo kale goobj oog ahaa safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Larry Andre, hal ka madaxweynaha ay barbar fadhiyeen agaasime ku xigeenka madaxtooyada iyo xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo madasha ka ha dlay ayaa la wadaagay Samantha Power qorshayaa sha hortabinta u leh dowladda Soomaaliya ee dhinac yada wax-soosaarka kalluumeysiga, xoolaha iyo be eraha, iyadoo mudnaanta la siinayo sidii looga maar mi lahaa ku tiirsanaanta gargaarka bini’aadannimo lo oguna beddeli lahaa maalgashi dhaqaale oo horsee da horumar waara.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa bogaadiyey taa geerada iyo garab istaagga hay’ adda USAID ee shacabka iyo dowladda Soomaaliye ed, isagoo ku adkeeyey sii wadista dardargelinta bar naamijyada maalgashiga, horumarinta adeegyada bu lshada iyo kobcinta dhaqaalaha.

Waxa kale oo madaxweynuhu sheegay in dowl addu ay xoogga saareyso barnaamijyada lagu hor umarinayo maareynta biyaha, dhalinta tamarta, wax ka qabashada caqabadaha isbeddelka cimilada, sii wadidda dowlad dhiska Soomaaliya iyo daadejinta hannaanka Federaalka si ay dadka Soomaaliyeed u gaaraan isku filnaansho buuxda iyo horumar baah san.

Marwo Samantha Power oo dhankeeda kulanka ka hadashay ayaa sheegtay inay ka qayb-qaadan do onaan gurmad abaaraha, waxayna ballan-qaadday in hay’adda USAID ay bixin doonto lacag deeq ah oo gaaraysa $470 Malyan, taas oo ka dhigeysa lacagta ay Hay’addu u qoondeysay Soomaaliya $668 Mal yan. Deeqdaan ayaa loogu talagalay wax ka qaba shada abaaraha iyo sidoo kale hormarinta adeegya da muhiimka ah.Soomaaliya ayaa haatan xiriir wana agsan la leh Mareykanka oo ka mid ah dalalka ka qa yb-qaata dagaalka Al-Shababa, wuxu una tababar siiyaa Ciidamada Kuma andooska Danab.

  Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Guddiga madax-banaan ee la dagaalanka musuq maasuqa.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriya dda Federaalka Soomaaliya Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa waxaa uu la kulmay Guddiga mad ax-banaan ee la dagaalanka musuqmaasuqa.

Guddiga ayaa Guddoomiyaha la wadaagay war bxin ku aaddan shaqooyinkii ay soo qabteen waxa ayna baarlamaanka ka codsadeen in lagala shaqee yo la dagaalanka musuqmaasuqa, sidoo kale waxay sheegeen in Golaha Aqalka sare loo gudbiyo si loo meelmariyo

Guddoomiyaha Golaha Shacab ka ayaa soo dhoweeyay shaqada guddigan islama rkaana sheegay in lagu gacan siin doono sidii shaqadooda ay u qab san la haayeen.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya oo lagu waayay inuu bixiyay ogolaanshaha mar kab Dhuxul ka dhoofi yay Soomaaliya

Maxkamadda sare ee dalka Cumaan ayaa laash ay xukun lagu riday dad lagu eedeeyay inay ku lug la haayeen dhoofinta dhuxusha Soomaa iya, xiriirna la leh Al-shabaab

Bilo kahor, maxkamadda hoose ee dalka Cumaan ayaa riday xukunkan, ka dib markii saddex nin oo ma rkabkan watay lagu eedeeyay dambi ah in ay wad een dhuxul si sharci darro ah looga soo dhoofiyay Soomaaliya.

Maxkamadda sare ee Cumaan ayaa sidoo kale caddaysay in wasiirkii hore ee arrimaha dibaadda Soomaaliya, Cabdi Siciid Muuse, uusan jirin wax caddeyna yay in markabka la qabtay laga helay og olaanshaha wasaaraddiisa.

Wasiirka ayaa bishii May ee sannadkan shaqada lo oga joojiyay kadib markii lagu eedeeyay inuu fasax ay markab si sharci darro dhuxul uga dhoofiyay Soo maaliya oo lagu qabtay Cuman.

Raysal wasaare Rooble oo xafiiska joogay ayaa hanti dhooraha iyo hay’adaha amniga faray inay ba aris ku sameeyaan falka lagu eedeeyay wasiirka arri maha dibadda una gudbiyaan hay’daha garsoor ka dalka.

Wiil dhalinyaro ah oo lagu dilay magaalada Harg aysa

Wiil dhalinyaro ah ayaa geeriyooday, gabadh kale na dhaawac ayaa soo gaadhay kadib markii gaba dha dhaawac antay saygeedu uu xabad ku furay wiil ka iyo gabadha oo wada socda xaafada Shiraacle ee Hargaysa, abaaro 1:25AM, habe enkii Sabtida.

Goob-jooge ayaa CBA TV u sheegay in wiilka dhi ntay oo lagu magacaabi jiray Cawaale Xasan Nuur Bilaal la dil ay, kadib markii uu xili habeeni mo ah isku dayay in uu sii dha weeyo gabadh wadada maraysay, isagoo sii hoyana ya. "1:25 AM ayaan aniga oo tuukaanka kusii socda waddada wayn isku aragnay, waxan ku idhi Xalayl ow, waligay adoo wado taagan kuma arage maxa ku helay, wuxuu yidhi qaadkii ayaa ila habsaamo waan hurdo doonanayaa, oo gabadhaasan sii kaxaynayaa, 3 mirir kadibna inantii oo dhawac ah ayaa la ii kee nay ... kadibna inankii oo dhawac ah, dadkii dhakhtar ka geeyay ayaan kamid ah, dadku ku ag go'ay aya an kamid ahaa".

Goob-jooge kale ayaa CBA TV u sheegay in ga badha saygeedu uu xabad ku furay wiilka iyo gaba dha sidaana uu wiilku ku geeriyooday "Gacan ka xa qdaran ayaa dishay oo gabadha ninkeedii ayaa toogt ay, ninkani inanyaro daacad ah ayuu ahaa, wuu sii dhawaynayay".Ciidamada Booliiska Somaliland ayaa ku guulaystay in ay gacanta ku soo dhigaan eedaysa naha, isaga oo baxsad ah oo ku sugan eegaanka Ba li Cigaal oo ka baxsan magaalada Hargaysa.Faah faahin lagama helin wali sababta keentay in eeday sanuhu uu xabada ku furo wiilka iyo gabadha, lakiin waxa loo malaynayaa in uu ka maseeray wiilka xaas kiisa la socda.

Axmed Karaash oo shaqadii u fasaxay labo was iir oo uu horey shaqada uga joojiyay

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Axmed Karaash ayaa shaqadoodii u fasaxay labo ka mid ah wasiiradda Puntland, kuwaas oo u horey ugu sameeyay shaqo joojin.

Wasiirka duulista hawada iyo gar oomada iyo wasiirka dekedaha Pu ntland ayaa shaqadoodii dib loogu soo celiyay sida lagu sheegay qo raal kasoo baxay xafiiska madaxweyne ku xigeenka.

Labadan wasiir ayaa shaqada looga joojiyay amar diido ay sameeyeen. Waxay sidoo kale ku eed eysnaayeen dhacdadii lagu celiyay guddoomiye ku xigeenkii koowaad barlamaanka Soomaaliya, sida aan xogta ku helnay.

Dhow jeer oo uu madaxweyne ku xigeenku sam eeyay xil ka qaadis iyo shaqo ka joojin, ma suurto galin, waxaana intaba ka hor yimid madaxweyne Deni oo sharci darro ku sifeeyay.

Hase ahaatee, maalintii Dorraad madaxw eyne De ni ayaa dib u magacaabay guddoo miyaha gobolka Mudug, Faysal Cali Maxa med, kaas oo uu bishii Abril magacaabay Axmed Karaash.

Ciidamo katirsan dowladda & kuwa ATMIS oo loo tababaray ka hortagga qaraxyada

Saraakiil ciidan oo ka kala socday ciidamada Mid owga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) iyo kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed (SNA) ayaa loo soo gabaga beeyay tababar afar maalm ood socday oo ku saabsanaa si dii looga hortagi lahaa kha taraha ka imaan kara walxa ha qarxa.

War kasoo baxay Howlgalka ATMIS ayaa lagu she egay in Al-Shabaab ay bilaabeen in ay dhigaan Wa dooyinka Muhiimka ah ee ay adeegsadaan Al-Shaba ab walxaha qarxa, taasi oo keentay in ay waxyeelo ka soo gaarto dadka rayidka ah, isla markaana ay ha kad geliso isu socodka dadka iyo gaadiidka. Si taas loo yareeyo, ATMIS iyo ciidamada XDS waxa ay kor u qaadayaan awoodooda ka hortagga qaraxyada, iyaga oo adegsanaya awood dherad ah.

Tababarka ayaa waxaa fuliyay ATMIS iyo Kooxda Taageerada Hawlgalka ee Boqortooyada Ingiriiska waxaana lagu bixinayey bandhigyo isugu jira aragt iyo iyo fadhiyo wax ku ool ah.

Ka qaybgalayaasha ayaa la baray dhinacyo kala duwan oo ay ka mid yihiin maaraynta walxaha qarxa iyo khataraha, qiimaynta khatartaiyo yaraynta, haba ynta macluumaadka iyo sirdoonka la shaqayn karo, qorshaynta dhaqdhaqaaqa kolony ada iyo ilaalinta ciidamada.

Taliyaha guud ee ciidamada ATMIS, Col. Saheed Sadiiq oo hoggaaminayay tababarka ayaa sheegay in taageerada UKMIST ay tahay mid ku soo beegan tay xilli loo baahnaa, iyadoo ciidamada ATMIS ay is ku diyaarinayaan in ay bilaabaan in amniga ku war eejiyaan Ciidamada Soomaaliya.

"Waxaa lagu rakibay qalabyo wax ku ool ah si aad u qorsheysato kolonyadaada gaadiidka in khat arta qaraxyada ay la kulmi karaa, waxaayna gaar u yihiin ATMIS iyo SNA oo si wadajir ah u fulinayo how lgallada militari ee lagu wiiqayo Al-Shabaab, sida ku cad qorshaha kala guurka ee,” ayuu Col. Saacid u sheegay askartii tababarka ku jirtay.

Shaakir Axmed Xasan oo ka tirsan Ciidanka xoog ga dalka, ayaa sheegay in walxaha qarxa ay yihiin hubka ay Al-Shabaab u adeegsadaan, in tababarka uu fure u ahaa yareynta khatartan maalinlaha ah.

"Waxaan wax badan ka bartay ka hortagga walxa ha qarxa, noocyadooda kala duwan iyo sida caadiga ah ee cadowgu isu keeno. Cashar kale oo muhiim ah ayaa ahaa sida loo ilaaliyo kolonyadayada marka aan ku dhex soconno garoonka iyo sida loo ogaado qaraxyada,” ayuu yiri Sarkaalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Oo La Kulmay Madaxweynihii 5-Aad Ee Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soom aaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga Dalka Masar ayaa magaalada Qaahira kulan kula qaa tay Madaxwey nihii hore ee Soomaaliya Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la wada g ay Madaxweyne Cabdi qaasim Salaad, dadaallada ay dowladu ku bixineyso gurmadka abaaraha, xoojinta iskaashiga Soomaaliya ee waddama da Gobolka, horumarinta kaabeyaasha dhaq aalaha, adeegyada bulshada, adkeynta dowladnimada iyo la-dagaallanka argagaxisada.

Madaxweynihii 5-aad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Md. Cabdiqaasim Salaad Xassan ayaa Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud uga mahadceliyay kulankan, isagoo ku ammaanaay hagaajinta xiriirka diblumaasiya deed iyo iskaashi ee dalkeennu la leeyahay dalalka aanu saaxibka iyo dariska nahay.

Sidoo kale, Madaxweyne Cabdiqaasim ayaa sheegay inuu ku garab siinayo walaalkiis Madaxweyne Xasan Sheekh sidii looga wada shaqeyn lahaa dib u he shii siinta, loona xaqiijin lahaa Soomaali heshiis la ah dun ida, waxa uuna dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay iscaawiyaan si loo samatabixiyo dadkeenna abaaruhu saameeyeen.

Mareykanka oo ku dhawaaqdey in 476 milyan ay ugu deeqi doonaan Dadka ay abaaruhu saamee yeen ee kunool Soomaaliya.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmad ka Abaaraha Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdi shakuur Warsame, mada xa ugu sarreeya hay’adda Kaalma da iyo Hormarinta Caalamiga ah ee Marey kanka, Dan jire Samantha Power iyo Ergay ga gaarka ah ee Xogh ay aha Guud ee Qaramada Mi doobay Jam es Swan, ay aa wadajir u shir guddoom iyay kulan looga hadlayay arrimaha abaaraha Somaliya.

Kulanka oo ay kasoo qeyb-galeen qaar ka mid ah danjireyaasha waddamada Soomaaliya deeqaha sii ya sida; Mareyk anka, Q/Midoobay, M/Yurub, Ingriis ka, Turkiga, Sucuudiga, Imaaraatka Carabta iyo Qa tar ay aa si guud diiradda loogu saaray xaaladda aba araha Soomaaliya, halka uu maraayo dedaalka gurm adku iyo sida loo sii dardar-gelin karo.

Samantha Power oo hadalka ku horreysay ayaa mahad celin kadib ku dhawaaqdey 476 milyan oo de eq dheeriya ah taas oo ka dhigeysa tirada lacagta gu ud ee Mareykanku ku deeqay Soomaaliya sanadka an 668 Mil yan. Samantha ayaa sidoo kale sheegtay in dowladd eedu ay dedaal ku bixineyso u qareem idda Gurmadka Abaaraha Soomaaliya.

Waddamada kale ayaa dhankooda ka warbixiyay deeqaha ay siiyaan Soomaaliya, iyagoo muujiyay si da ay u daneynayaan sii xoojinta dedaallada ku aad dan gurmadka abaaraha.

Ergeyga ayaa uga mahadceliyay dowladda Mar eykanka deeqda ay kordhiyeen isagoo ugu baaqay dowladaha kale in ay ku daydaan dowladda Mare ykan ka, wuxuu kaloo ergeygu uga mahad celiyay Danjire Samantha Power, booqashada ay ku timid Soomaaliya, taasoo indhaha caalamka ku soo jeed ineysa mus kiladda abaaraha ee ka aloosan wadd anka.

Ergeyga ayaa sidoo kale ku ammaanay dham maan waddamada shirka kasoo qeyb-galay taakuleyn ta macnaha leh ee ay ka geysteen abaarta xun ee ka taagan waddanka, isagoo ka codsaday in ay kordhiyaan deeqaha ay ku bixinayaan gurmadka Abaaraha.

Ugu danbeyn Ergeyga ayaa shirka ka codsaday gacan ka geysashada fududeynta xawilaadda lacagaha si ay qurba-joogta ugu sahlanaato door ka ciyaarista samata bixinta dadkooda.

Dowladda Oo Gargaar U Dirtay Degaano Ay Ku Dag aalameen Liyuu Boolis & Al-Shabaab Wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiib ooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Shalay Deeq gargaar ah u dirtay Gobolka Bakool ee Maamulka Koonfur Galbeed, kadib amarkii ka soo ba xay Ra’iisul Wasaare Xamse Barre.Wasiirka garg aarka Khadiijo Maxamed Diiriye ay aa diyaaraddo sidda gargaar u dirtay deegaano ka tir san Gobolka Bakool ga ar ahaan deegaano, maalmo kahor ay dagaalo ku dhe xmareen Ciidanka Liyuu Boolis iyo dagaalamayaasha Al-shabaab.

Deeqda Gargaarka ah oo diyaarado looga qaaday Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa isugu jirtay raashin iyo daawo, sida ay shaacisay Wasiirkaa Wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka dalka.

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka So omaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa bixiyay amarka Shalay gargaarka raashinka iyo daawada loogu dir ay shacabka ku ku nool Gobolka Bakool, iyadoo was aaradda amarkaas ay si deg deg ah ku fulisay.Talla abada gargaarka loogu diray Gobolka Bak ool ee Maam ulka Koonfur Galbeed ayaa ku aadey sa, iyada oo magaalooyin ka tirsan Gobolkaas ay ka jiraan abaaro baahsan oo saameyn ballaaran ku ye eshay qoysas far abadan oo Gobolkaas kunoo

Qaadka Miirooga oo Muqdisho Ka Soo Dagay

Wasiirka beeraha dalka Kenya Peter Gatirau Mu nya, ayaa sheegay in Shalay oo Axad ah ay magaa la da Muqdisho ay tageyso diyaaraddii ugu horeysay ee sidda qaadka Miirooga ee ka baxa dalka Kenya.

Nairobi iyo Muqdisho ayaa dhawaan kala saxiixday heshiisyo dib loogu hagaajinayo xiriirka iyo cilaaqa adka diblomaansiyadeed ee ka dhaxeeyada labada dhinac

Wasiir Munya ayaa sheegay in diyaaraddii ugu ho reysay ee qaad ka keenta Kenya ay cagadhigatay garo onka diyaaradaha magaalada Mu qdisho.

Qoraal uu wasiirka soo dhigay barta uu ku leeyahay Twitterka ayuu ku xu say in arrintan ay ku timid heshii skii labada xukuuma dood ay kala saxiixdeen.

Iran oo gacanta ku dhigtay Shabakad hubaysan oo xiriir laleh sirdoonka Israel ee Muusaad.

Iran ayaa sheegtay in sirdoonkeeda ay burburiy een shabakad xiriir la leh sirdoonka Israel ee (Mos sad), taa soo qorsheynaysay inay ka howlgalaan gud aha Iran. Warbixinta TV-ga Iran ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada Iran ay xire en dhammaan xubnaha kooxda, ayna la wa reegeen hub badan, walxaha qarxa, qal ab tikniko ah iyo qal ab isgaarsi ineed oo ay kooxdaasi ku lahayd howlgallada ka socda dalka Iran.

Telefishinku waxa uu sheegay in kooxdu ay qor sheysay falal kharibaad ah iyo "howlgal argagixiso oo aan hore loo arag” oo ay ka fuliyeen meelo badan oo "xasaasi ah” – taas oo laga yaabo inay tixraacdo xarumaha ciidamada iyo kuwa ammaanka. Warbixi ntu ma aysan bixin faahfaahin dheeraad ah.

Sida laga soo xigtay talefishinka qaranka Iran, xu bnaha kooxdan ayaa Iran ka soo gal ay deegaan ay ku nool yihiin Kurdiyiinta oo ka tirsan dal ay jaarka yi hiin, taasoo aan warbixintu si cad u sheegin.

Taliye Odawaa Oo Shalay Kulan La Yeeshay Tal iye Ku-Xigeenka Ciidanka Gaarka Ee DDS

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Je neraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa Shalay degma da Ceelbarde ee Gobolka Bakool kulan kula qaatay Taliye ku-xigeenka Ciidanka Xoogga gaarka ah ee dowlad deegaanka Soomaalida Sarreeye gaas Sak ariye Cabdi Khaliif.

Kulanka ayaa waxaa uu ku saabsanaa adkaynta amniga iyo sidii si midaysan looga wada hortagi la haa Al-shabaabka arbacadii lasoo dhaafay soo weerartey deegaano ka tirsan Bakool gaar ahaan deegaano ku yaalla xuduudka Soomaaliya iyo Itoob iya.

Sidoo kale inta uu socday kulanka Taliyeyaasha Cii danka Xoogga iyo kuwa DDS ayaa la isku soo hadal qaa day sii xoojinta wada shaqaynta amniga iyo la-dag aallanka Al-shabaab sidii wa dajir xuduudda looga saari lahaa. Taliye ku-xigeenka Ciidanka Xoogga gaarka ah Sarr eeye gaas Sakariye Cabdi Khaliif ayaa hoggaam ina yey howlgalka maalmihii lasoo dhaafay ka socday de eg aano ka tirsan DDS oo Ciidanka Liyuu Boolis kula daga alamayeen Al-shabaabka u gudbay halkaas.

Khasaaro farabadan ayaa ka dhashay dagaaladii dhexmarayey Shabaabka iyo Liyuu Booliska, waxaa na labada dhinac ay guulo ka kala sheegteen daga aladii dhacay, iyadoo dowlad deegaanka Soomaali da xustay in lasoo afjaray howlgalkii socday

Dowlad Deegaanka oo sheegtay in la soo afjaray Shabaabkii soo galay Gobolka Afdheer

Bayaan ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Dow lad Deegaanka Soomaalida ayaa lagu sheegay in la soo afjaray dagaal-yahanadii Al Shabaab ee dagaal ka ka waday qaybo ka mida Gobolka Afdheer.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in Ciidanka Gaarka ee Liyuu Boo lis ay laayeen dhammaanba maleeshiya dii Al Shab ab ee lagu hareereeyay deegaanka Hulul ee Deg mada Hargelle. "Waxaa la soo afjaray kooxdii arg agi xisada Al Shabaab ee afar maalmood ka hor duul aanka ka soo qaaday aagga Caato, soona gashay Go bolka Afdheer, ka dib markii Ciidamada Xoogga Gaarka ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ay ku hareereeyeen aagga Hulhul. Waxaana la laayay dha mmaanba argag ixisadii naf la caariga ahayd.” Ayaa lagu yiri bayaanka.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in hadafka Shaba abku uu ahaa inay galaan deegaanka Oromada, iya goo markaasi doonayay inay sii maraan Degmada Ceelkari, si ay ugu biiraan Jabhadda Oromada ee Shane.

Golaha Ammaanka ee Dowlad Dee gaanka ayaa bayaanka ku sheegay in maleeshiyada Al Shabaab laga dilay in ka badan 100 nin, lagana gubay saddex iyo toban baabuur oo ay wateen, isla-markaana laga qabtay dhammaanba hubkii, isgaarsiintii iyo agabkii kale ay wateen.

"Argagixisada naf la caariga ee Al shabaab, iya goo aan gaarin halkii ay u socdeen ayaa waxaa laga gubay 13 baabuur oo ay wateen, waxaana laga qab tay dhammaanba hub, isgaarsiin iyo agabkii ay wat een.” Ayaa lagu yiri bayaanka.

Qoraal lagu daabacay bogga Taliska Ciidanka Liyuu Boolis ayaa sidoo kale lagu sheegay "Wejiiga 1aad ee hawlgalkii wuu soo dhammaaday, waxaana bilaaban doona wejiga 2aad, kaas oo ah in Al Shab aab lagu weeraro goobahooda.”

Cabdirisaaq Khaliif: Madaxweynuhu waxa uu sheegay in uu xaga sharciga marayo

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cab dirisaaq Khaliif Axmed, ayaa sheegay in ay ku guuld araysteen isku soo dhawaynta mucaaradka iyo xuku umada Somaliland.

Guddoomiye Khaliif oo isaga iyo Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ay ku howlanaayeen dhexdhexa adinta xukuu mada iyo mucaa radka Som aliland, ee doorashooyinka isku khilaaf san, ayaa sheegay in dhinacyadu daraf yo kala fog kala istaageen, sidana wad ahadaladu ku burbureen.

"Runtii waxa aanu isku daynay in aanu isku soo dhawayno dhinacyadii dantu ka dhaxaysay, talaa booyin fiican oo aanu markii hore qaadkay way jir een ... lakinse nasiib daro markii u danbaysay waxa la istaagay laba daraf oo aad u yar kala fog" ayuu yidhi guddoomiye Khaliif.

Khaliif waxa uu sheegay in dhinaca mucaaradku kalsooni siiyeen lakiin madaxweyne Biixi ka cudur daartay in uu kalsooni siiyo, "Qolada mucaaradka ahi dacwadoodii ayay noo keeneen, waxayna noo sheegeen in ay kalsoonidii nagu wareejiyeen, lakin ma daxweynuhu arrinta wuu ka yar cudur daartay, oo waxa uu sheegay in uu xaga sharciga ka marayo".

Waxa uu sheegay in kadib markii ay ku guuldarayste en in ay dhinacyada isku soo dhaweeyaan ay joojiy een dhexdhexaadinta, si dhibaato anay u dhinic iyag una anay ugu dhexdaalin, sida uu hadalkiisa u dhig ay.

Xukuumada iyo mucaaradka Somaliland ayaa isku khilaafsan ta soo horaynaysa doorashooyinka madaxw eynaha iyo urrurada siyaasada, madaxtooyada ayaa aaminsan in doorashadu urruradu soo horayn ayso, halka mucaaradkuna ay ku doodayaan in doo

rashada madaxweynuhu soo horayso.

PREMIER BANK OO SOO KORDHIYAY ADEEG LACAG DIRIS CAALAMI AH

Premier Bank ayaa Shalay daahfuray adeegga cu sub ee Wallet Send oo lagu soo kordhiyay app-ka Premier Wallet kaa soo u suurtagalinaya macaam iisha inay lacago u diraan loogana soo diro dibadda.

Adeeggan ayaad si toos ah lacag ugu diri kartaa hababka casriga ah ee lacag bixinta sida Koontada Bangiyada (Bank accounts) Telefoonka gacanta (Mobile Wallets), iyo goobaha lacag bixinta (Cash) in ka ba dan 110 dal.

Wallet Send ayaa meesha ka saaraya culeyska lacag dirista, hab-raacyada maaliyadeed ee qadiimi ga ah iyo waqtiga macaamiisha uga baxa in ay diba dda lacag u diraan, isaga oo ku soo koobaya tallaab ooyin kooban oo la fahmi karo oo muddo yar qaa danaya.

Adeeggan cusub waxa uu sahlayaa in dadka laca gaha loo diray ay si toos ah ugu helaan xisaabaadka ay ku leeyihiin bangiyada iyo nidaamyada maareynta maaliyadda elektaroonigga ah ee ka jira dalalka ay ku sugan yihiin.

"La jaanqaadidda nidaamyada maaliyadda casri ga ah ee dunidu u guureyso waxa ay muhiim u tahay bulshadeenna, haddii la macaamilka lacagaha guda ha aan horay elektaroonik uga dhignay, hadda wax aa la joogaa xilli ay macaamiisheenu dunida wax u gu diri karaan nidaam casri ah”. Ayuu yiri madaxa gaacsiga Premier Bank Cabdisharkuur Afrax.

"Bulshadeenna waa bulsho socdaasha oo xubna ha qoysasku dalal kala duwan ku kala noolyihiin oo ay qasab tahay inay wax isku diraan, sidaas darteed ayaan adeeggaan muhiimmad gaar ah u siinay” ay uu ku daray.

Macaamiisha lacagaha u diraya dalalka Kenya iyo Turkiye ayaa laga dhaafay khidmadda lacag diris ta marka ay adeegsanayaan Wallet Send, si arday da iyo qoysaska ku nool loogu fududeeyo helista lac agaha ay ehelkoodu u dirayaan.

Premier Wallet oo ah application lacag dirid kii u gu horreeyay ee laga hirgeliyay dalka ayaa isku xir aya adeeg bangiyeed online ah, Mastercard, lacag diris fudud oo gudaha ah iyo lacag dirista caalamiga ah ee Wallet Send.

Dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab oo ka gud bay xadka gobolka Hiiraan oo gudaha u galay dhulka dowlad deegaanka Itoobiya

Warar soo baxaya oo aanan si rasmi ah loo xaqiiji nin ayaa sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay Habeen hore ka gudbeen xadbeenaa dka ay wadaagaan gobolka Hiiraan iyo dhulka dow lad dee gaanka Soomaalida Itoobiya. Dad ku dhaq an deega anada dhaca Waqooyiga magaalada Bal edweyne ay aa warbaahinta u sheegay in Habeen hore ciidamo farabad an oo ay sheegeen iney ka mid yihiin Al-shabaab ay u talaabeen dhanka dowlad deegaanka Itoobiya, gaar ahaan dhinaca degmada Feer Feer.

Dhaqdhaqaaqa Habeen hore ay uga gudbe en ciidamada Al-shabaab xadbeenaadka ay wadaaga an Hiiraan iyo Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ay aa kusoo be egmeysa xili Habeen hore hawada ay ka maqneyd Isgaar siinta Magaalooyinka Baledw eyne, Buulaburte iyo Maxaas oo dhamaantood ka wada tirsan gobolka Hiiraan, lamana oga sababta rasmiga ah ee ka da mbeysa in Isgaarsiinta deg mooyinkaasi hawada laga saaro.

Waxaa sidoo kale talaabadaan ciidanka Al-shaba ab ay ugu gudbeen gudaha dowlad deegaanka ay kusoo beegmeysa xili laba maalin ka hor ay Al-sha baab ka dhex dagaalameen gudaha dhulka dowlad deegaanka Itoobiya gaar ahaan gobolka Afdheer halkaas oo ay ka dhaceen dagaalo khasaaro badan geystay, walow labada dhinacba ay guulo ka kala sheegteen dagaaladii halkaasi ka dhacay. Maxkamaddeynta Askari Dilay Taliye Ku-Xigeen Nabadsugid Iyo Walaashiis Oo Bilaabatay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ka bilowday Maxkamaddeynta Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka oo dhawaan halk aas ku dilay Taliye ku-xigeenkii Nabads ugida Galmudug iyo Walaashiis.

Askariga dilka geystay oo lagu maga caabo Axmed Dhagadheere ayaa Maxkamadda ka hor qirtay inuu si bareer ah rasaas ugu furay Taliye ku-xigeenkii Ciidanka Nabadsugida Galmudug Faar ax Cumar Geelle, sidoo kalena rasaastaas ay kusii dhacday Marxuumka Walaashiis oo lagu magacaabi jiray Xaawo Cumar Geelle, taasina oo iyaduna dhim atay.

Fadhiga Maxkamaddeynta Askariga ka tirsan Cii danka dowladda ee dilka geystay Axmed Dhaga dheere ayaa waxaa goobjoog ka ahaa qaar kamid ah dad arkayey, xilligii uu dilka geysanayey, iyagoo na Maxkamadda kahor caddeeyay in Axmed uu fal ka fuliyey.

Sidoo kale fadhiga Maxkamadda ayaa waxaa ku sugnaa Wasiirka Arrimaha gudaha Maamulka Galm udug Cabdi Waayeel, Xildhibaano, Saraakiil Ciidan iyo dadweyne farabadan, kuwaasi oo dhageysanay ey kiiska dacwada.Xeer ilaaliyada Maxkamadda Cii damada ayaa dalbaday in xukun dil toogasho lagu rido Axmed Dhagadheere, maad aama uu si bareer ah u dilay Taliye ku-xigeenkii Nabadsugida Galmud ug Faarax Cumar Geelle iyo Walaashiis, xilli ay ku sugnaayeen Caabduwaaq

Somaliland Oo Faah Faahisay Sababaha Ay BBC-Da Uga Mamnuucday Deegaanadeeda

Maamulka Somaliland ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey sababta keentay Go’aankii ay laanta Afka Soomaaliga ah ee Idaacadda BB C-da deegaanadooda uga mamnuuce en maalmo kahor, iyagoona ku caddee yay War-saxaafadeed kasoo baxay.Qoraal uu soo saaray Wasiirka Warfaafinta Somali land Saleymaan Yuusuf Cali Koore ayaa waxaa mar ka hore lagu she egay in BBC-da ay 11 July 2022 Wa saaradda Warfa afinta u soo qoratay Codsi ay ku doo neysay in xus ka 65 guurada BBC ku qabsdaan Mag aalada Harg eysa, lagana ogolaaday Codsi uga yimid Idaacadda.

Somaliland ayaa sheegtay in Codsiga kadib uu Madaxa laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da Muxya diin Rooble uu kusoo wargeliyay Somaliland inay baajiyeen xuskii ay doonayeen inay ku qabsadaan Hargeysa sababo amni dartood, taasi oo uu Maam ulka ku tilmaamay meel ka dhac, dacayadna ku ah ammaanka Somaliland.

Wasiir Saleymaan Koore ayaa BBC-da ku eede eyay in baryihii dambe ay lumisay dhex-dhexaad nimadii wararka iyo barnaamijyada ku saabsan Arr imaha Somaliland, isla markaana aysan ahmiyad si inin wararka guulaha iyo dhacdooyinka waaweyn ee Somaliland.

Sidoo kale waxaa uu Wasiirka ku eedeeyay BBC inay dacaayado ka sameeyan oo ay ku jees-jeesaan maalmaha xusaska Somaliland sida 18 May iyo xus aska kale, iyagoona intaas kusii daray inay dacay aad ka sameeyaan safarada Madaxweyne Muuse Bi ixi Cabdi ee dalalka aduunka ku tego.

Gaba-gabadii Somaliland ayaa xustay in arrimaha ay ku eedeeyeen Idaacadda BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga ay yihiin kuwo soo noq-noqday, isla ma r kaana marar badan ay eedaas hadalo iyo qoraalo u gu gudbiyeen BBC-da, balse aysan waxba ka qa ban.

Gabar Ka Tirsan Boqortooyada Bahrain Oo Xilke Eda KuWaysay Sabab Yaab Leh Oo La Xiriirta Safiir Israeli Ah

Haweeney xubin sare ka ah qoyska boqortooyada dalka Baxrayn Al-Khaliifa ayaa shaqada laga ceyriyay kadib markii ay diiday inay gacan qaado safiirka Israa’iil u fadhiya dalkaas.

Shaikha Mai Bint Mohammed Al-Khalifa, oo ah maamulaha hey’adda Dhaqanka iyo Caadooyinka ee Baxrayn ayaa la sheegay in xilka looga qaaday amar ka soo baxay Boqor Hamad Bin Isa Al-Khalifa, sida lagu sheegay warbixin uu qoray wargeyska Ra’yul Yoom.

Mai ayaa la sheegay inay diiday inay gacan qaado safiirka Israa’iil ee Manama,Eitan Na ’eh intii lagu guda jiray aaska aabaha dhalay safiir ka Mareykanka ee dalkaas Steven C Bondy, bishii hore.Sidoo kale waxaa la sheegay in ay ka baxday aaska markii ay ka war heshay inuu joogo safiirka Isr aa’iil, waxayna safaaradda Mareykanka ka codsatay in aysan faafin wax sawir ah oo ku saabsan ka qeyb-galkeeda munaasabadda.

Sida ay illo wareedyo ku sugan dalkaas xaqiijiye en, boqorka ayaa xilka ka qaaday Mai xilli ay ku gu da jirtay booqasho rasmi ah oo ay ku joogtay Alb ania, wuxuuna booskeeda si deg deg ah ugu magac aabay Khaliifa bin Axmed bin Cabdallah Al Khali ifa."Isbeddel ballaaran oo lagu sameeyey toddobaad kan gudihiisa tiro ka mid ah hay’adaha dowladda ay aa daba socda isku shaandheyntii ugu ballaarneyd ee golaha wasiirrada ee taariikhda Boqortooyada,” ayaa lagu yiri bayaan uu soo saaray afhayeenka dowladda.

"Cusbooneysiinta jagooyinka hoggaanka ee hay’adaha dawladda waa inaan si khaldan loo fasir in,” ayuu sii raaciyey isagoo ka jawaabayey warbixin ta ku saabsan in Mai xilka looga qaaday sababo la xi riira salaantii ay ka diiday safiirka Israa’iil.

Afhayeenka Xamaas Hazem Qasem ayaa shee gay in diidmada Sheikha Mai ee ah in ay gacan qa ado Na’eh ay ka turjumeyso mawqifka dhabta ah ee dadka reer Bahrain ku taageerayaan Falastiin.

Sheikha Mai ayaa xukuumadda Bahrain ka tirsaneyd

20 sano, waxayna horey usoo noqotay wasiirka

warfaafinta, waana haweenaydii ugu horreysay ee

xilkaas qabata.

Bahrayn iyo dalalk dalal kale oo Carbeed oo ay ka mid yihiin Imaaraadka Carabta iyo Morocco ayaa xiriir rasmi ah la yeeshay Israel 2020-kii, ayaga oo jebiyey go’doomin ay tobanaan sano Carabta ku hayeen dalka Yahuudda

YEMEN: TOBAN QOF OO KU DHINTAY ROOB MAHIIGAAN AH.

Roob mahiigaan ah oo Dorraad ka da’ay caasima dda dalka Yeman oo ah mid dagaalladu halakeeye en ee Yemen iyo deegaannada u dhow dhow ayaa sababay daadad iyo guryo dumar iyadoo ay ku dhint een ilaa toban qof oo ay ku jiraan safar caruur ah, sida ay sheegeen mas’uuliyiintu.

Afarta carruurta ah ayaa ku dhintay dhismaha du may halka lixda qof ee kale ay ku dhinteen ka dib markii gaarigii ay la socdeen uu daad ku qaaday de gmo ku dhow caasimadda Sanca, sida ay sheegeen saraakiishu.

Roobka mahiigaanka ah ayaa sanad walba burbur lixaad leh u gaystay dalka Yemen, iyadoo kan u dan beeyay uu socday muddo toddobaad ah.

Isku socodka magaalada oo ay maamusho kooxda Xuutiyiinta ee dagaalka kula jirta dowladda uu Sacuudigu taageero ayaa gabi ahaanba joogsaday.

Colaadda Yemen oo bilaabatay 2014 una dhaxay sa Xuutiyiinta ay Iran taageerto iyo dowladda dalka asi ayaa waxaa ku dhintay boqolaal kun oo qof, iya doo ilaa bishii April ay jirto xabad-joojinta

 AKHRISO: -XIRIIRKA SOO JIREENKA AH EE QAHIRA IYO MUQDISHO

Tan iyo markii la doortay madaxweynaha Soo maaliya 15 May, sanadkaan waxa isbaddal wayn ku dhacay hanaankii shantii sano ee la soo dhaafay loo maamulayay si yaasadda arrimaha dibadda dal keenna.

Soomaaliya ayaa madmadow xooggan uu kala dhaxeeyay intii ay jirtay xukuumaddii Nabad iyo Nolol ee uu hogaaminayay Maxamed Farmaajo, wax aana dalka dagaal siyaasadeed iyo colaad diblom aan siyadeed uu la galay dalalka Imaarad, Masar, Kenya, Jabuuti iyo saaxiibo kale oo ay horay u lahe yd Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Max amuud, ayaa bilaabay in uu socdaallo aan kala joog si lahayn oo lagu hagaajinayo xiriirka soo jireenka ah ee dalka uu leelayahay dalalkaas uu ku maro Dubia, Jabuti, Nairobi, Asmara iyo Ankara.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale u jiheystay maga alada Qahira ee dalka Masar, xilli mugdi madaw uu ku jiro xiriirka Qahira iyo Muqdisho.

Dalalka Masar iyo Soomaaliya ayaa leh xiriir dibl omaansiyadeed oo soo jireen, ah kaas oo ay adkeen in la hakiyo 60-kii sano ee la soo dhaafay, waxaana labada magaalo ay ahaayeen kuwa isgarab taagan mudadii ay Soomaaliya xurta ahayd.

Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugan yahay Qahi ra waxa uu kulama la qaadan doona madaxda ugu sareyso dalka Masar, waxaana lagu wadaa in ay Mu qdisho iyo Masar ay kala saxiixdaan heshiisyo isk aashi, iyadoo dib loo hagaajinayo xiriirka labada dhi nac. Maxuu yahay xiriirka soo jireenka ah ee Masar ay la leedahay Soomaaliya?

Dowladaha Soomaaliya iyo Masar ayaa xiriir wanaag san oo ku qotoma Amniga, dhaqaalaha, shacabka iyo arrima kale oo badan lahaa tan iyo markii ay xur nimada qaadatay Soomaaliya 1960-kii.

Masar waxa ay kamid ahayd saddex dowladood oo qaramada midoobay ay u xilsaaratay in ay kor jo ogtayn ka noqdaan madaxbanaanida Soomaaliya sa nadkii 1954-kii, waxaana dowladahaas ay kala aha yeen Masar, Colombia iyo Philippin.

Kamaalu-diin Saalax oo ah Diblumaasi Masar u dhashay, kana mid ahaa Wafdigii ka socday Qarama da Midoobay ee Soomaaliya u yimid in ay caawiyaan ee la dilay 1957-dii, xiligii gumeystaha Talyaaniga uu joogay koofurta ayaa naftiisa u waayay arrimaha Soomaaliya.

Wixii intaas ka dambayay markii ay Soomaaliya qaadatay xurnimada 1960-kii Qahira iyo Muqdisho waxa ay galeen heshiisyo lagu adkeenayo xiriirka la ba geesoodka ah ee dalalkan ka midaysan diinta iyo qaaradda(Masar iyo Soomaaliya waxa ay ku yaalla an qaaradda Africa).Soomaaliya ayaa horay qaahira ugu garab istaagtay heshiiskii Nabadda ee Camp David taas oo ay Egypt ay la gashay Isreal sanadkii 1978-dii.Dowladihii Rayidka ee dalka soo maray iyo middii militeriga ayaa si wadajir ah u adkeeyay xir iirka labada dal ee Masar iyo Soomaaliya. Markii ay burburtay dowladdii ciidanku uu ka talinayay sanad kii 1991-kii waxa ay Masar ay kamid noqotay dalalkii gurmadka u fidiyay Soomaaliya, xilli ay kaalmaha ho re ka soo gashay gurmadkii abaaraha iyo colaadaha ee dalka.

Masar waxa ay sidoo kale Soomaaliya ay ka taa geertay intii lagu gudajiray qaranjabka Soomaaliya hanaanka waxbarashada oo ay qayb wayn ka qaad atay, iyadoo iskuulada iyo macaahidda waxbarasha da ay qayb ka ahayd dhismaheeda.

Shantii sano ee tagtay ayaay ahayd markii uu mu gdi ku bilawday xiriirka Soomaaliya iyo Masar, kadib markii Soomaaliya ay masar kala safatay dalka Ito obiya, muran ku saabsan biyaha wabiga Nile.

Xukuumaddii hore ayaa sheegtay in ay si toos ah u garab taagan tahay Itoobiya oo ay Masar isku hay staan biyaha wabiga Nile.

Si kastaba labada dhinac ayaa ah kuwa isku garab taagan hanaanka siyaasadda, amniga, dhaq aalaha, dhaqanka iyo arrimo kale oo badan, waxaa na dib loo bilaabi doona kawada shaqeynta labada dan ee shacabka Masar iyo Soomaaliya.WQ/ Abdirahman Sabriye


FARRIIN KA TIMID FAHAD OO KU SOCOTA MADAXDA QARANKA

In Kooxda argagixisada ah ee Alshabaab ay ka tallaabaan xadka, oo ay gudaha dal daris la ah So omaaliya ay u gudbaan iyagoo cudud iyo ciidan wa ta, ayna geystaan

weeraro ay dhul kula wareegayaan, oo aan ahayn ku dhufoo ka dhaqaaqii looga bartay iyo khasaare baaxad weyn, waa dhacdo halis ku ah gobolka oo dhan, wa ana tallaabo ugub ah oo khaldi karta qiya asta laga qaadan karo dhacdooyinka ku xiga. Waxa an ku talinayaa in madaxdu qaado qodobadan hoo se oo aan ku arko inay muhiim u yihiin amniga qaran ka dalkeenna iyo guud ahaan xasilloonida Gobolka Geeska Afrika:

1. In Dowladda Soomaaliya ay feejignaan muujiso, ayna iska dhaafto sahlashada dhibta dhacday, indhaha ay ku eegeysana ay noqdaan kuwa ka duwan wixii horay ay Argagixisadu u samayn jireen. Waxa dhacay waa wax taaban kara mustaqbalka Gobolka Geeska Afrika oo dhan.

2. In Golaha Wasiirada si dhakhso ah loo dhiso, si ay shaqadooda u guda galaan, wadankuna uga baxo firaaqa shaqo ee haatan taagan.

3.In Guddi ga Amniga Qaranka uu shir degdeg ah ka yeesho xaaladda khatarta ah, soona saaro go ’aanno horseedi kara nabadda gobolka geeska oo idil, ayna Dowladda Soomaaliyeed qaadato dowr ho gaamineed, iyadoo muujinaysa in amniga Gobolka isku xiranyahay.

4. In la abuuro jawi kalsooni oo ku salaysan wada tashi joogta ah oo ku qotama ka hortagga khataraha amni ee wada khuseeya geeska, taasna lama heli karo inta Amniga Soomaaliya ay madax ka yihiin xu bno Dorraad la safnaa Ururka TPLF markii ay la dag aalamaysay dowlada sharciga ah ee Adis-Ababa, qa ar kalana ayba argagaxisada xiriir wada shaqeyn la leeyihiin, waana qodob khatar ku ah amniga Soom aaliya iyo kan gobolka labadaba.

5.Itoobiya waa dalka aan la leenahay xuduuda ugu dheer, ayna muhiim tahay in labada dal ay si bu uxda isaga kaashadaan amniga iyo ka hortagga Arg agixisada, waana in xiriirkeena aysan saamayn gur racan ku yeelanin dad dano khaldan leh, ama xiriir la leh kooxo khatar ku ah Nabadgalyada gobolka oo idil.Fahad Yasin, Taliyihii hore ee Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.


CABDISALAAN GUULEED "SHABAAB KA SHALAY WAA AL SHABAAB DOW

 LAD KALE OO DOWLADDA KU DHEX NOOL”

Cabdisalaan Yuusuf Guuleed oo horey u soo no qday Taliye Kuxigeenka Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa sheegay in Ururka Al Shabaab uu Shalay ka xoogan yahay, kana dhib badan yahay sanadihii hore.

Cabdisalaan Yuusuf Guuleed oo ka qa yb qaadanayay Barnaamijka Doodda Jimcaha ee VOA, waxna laga weydi iyay kalsoonida ay Madaxda Dowladda Federaalka ku qabaan in mustaqbalka dhow laga adkaan doono Shabaabka hubeysan ee dalka ka da gaalama ayaa yiri "Dowladda markay dagaal ku ba aqdo, cududeeda iyo awoodeedee ka aragtay.”

"Dowladi markay dagaal ku baaqayso, waa daga al qorshe, ku talagal, dadaal iyo diyaargarowgiisu dhameystiran yahay, sida caadiga ah.” Ayuu yiri Cab disalaan Yuusuf oo intaasi ku daray "Waxaan is lee yahay dowladdu diyaargarow culus dhumacdiisa iyo dhameystirkiisa lahaa, jiraa is leeyahay, markaan hadalkeeda dhageystay. Xog ogaal uma ihi sida wax u socdaanoo aniga way iga qarsoon tahay oo ma arag, laakiin waxaan is leeyahay way isku tashatay dowladdu.”

Waxa kaloo uu yiri "Dhinaca kale waxaan rabaa in aan muujiyo Shabaabka Shalay, ma ahan Shab aab kii 2014, 2017 iyo 2019-kii Shabaabka Shalay lala dirirayo, waa Al Shabaab wax badan ka bedelan, yacni aad uga dhib badan weeyaan. Al Shabaab ka dhaqaale badan Shabaabka waqtigaa aan shee gayo, waa Shabaab dhexgalay 5-tii sano ee la soo dhaafay nidaamka Dowladnimada Somaliya. Waa Al Shabaab dowlad kale ah oo dowladda ku dhex nool.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yiri "Ma jir to ama ma badna hay’ad ama qayb aysan Somaliya Shalay ku lug lahayn Al Shabaab ma jiraan.”

Cabdisalaan Yuusuf ayaa yiri "Waxaan is leeyah ay marka dowladdii la soo dhaafay fursado badanee lumisay oo Al Shabaab ka faaa’iideysteen, inay ku ta lagal ahayd anigu ma ogi, laakiin fursado badanee lumisay

.”Waxa uu hadalkiisa ku xoojiyay "Shalayy wax aan ka hadleynaa Al Shabaab oo duulay, sida xogta ku haysiinba oo Itoobiya galay gudaheeda oo daga alo ka sii sameynaya. Al Shabaab oo lala xiriirinayo Ansar Al Sunna Mozambique inay shaqo weyn ka wada dhaxeyso. Al Shabaab oo ADF-ta Congo iyo Uganda dhexdooda joogga, xiriir weyn leh oo la shaqeynaya. Marka Shabaabka Dowladda Somaliya ay Shalay la dirireyso ma ahan Shabaabkii 2012, 2014 iyo 2019-kii.

Shabaabka noocaas ah ee awoodaas leh ee sid aasi khatartiisu tahay Dowladda Somaliya inay waj ahdo, welibana waqti kooban inay uga takhaluseyso ay sheegto, waxaan is leeyahay ku talagal iyo dad aal badanaa jira, wax laga yeelaayana ma ahan Dow ladda Somaliya kuma aanay tashan, sida hadda wax yihiin, maxaa yeelay dowladi kuma dhawaaqdo waxa ysan hubin.”

Dhimasho & dhaawac ka dhashay Shil ka dhacay duleedka Boorama

Inta la xaqiijiyay laba Ruux ayaa geeriyo otay 8 kalena waa ay dhaawacmeen kadib Shil Gaari oo Habeen hore ka dhacay degaanka Dila ee hoostaga Maga alada Boorama ee Gobolka Awdal Somalilsnd.Shilka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii ay isku dhaceen Gaari nooca iska roga ah iyo Gaari Bas ah oo marayay degaanka Dila, waxaana dadka ku dhintay Shilka & ku dhaawacmay la geeyay Isbitaal ka Magaalada Boo rama.

Ciidamada ilaalada waddooy inka ee taraafikada loo yaqaano iyo dadweyne farabadan ayaa tegay hal ka shilka uu ka dhacay, iyaga oo gurmad u sameey ay dadkii shilka ku waxyeeloobay, sida ay sheegeen dad Goobjooga yaal ah.

Shilalka Gaari ay aa aad ugu badan jidadka kuya alla degaannada Somaliland, waxaana darawalada qaarkood ay sheegeen inay ugu wacan tahay wad dooyinka qaarkood oo aad u burbursan wallow Xuk uumadda Somaliland ay sheegtay inay waxka qaban doonto.


Israa’iil ku qaadeen Daanta Galbeed

Ciidamada Israa’iil ayaa dilay labo kamid ah dag aalyahanada Falastiin kadib markii ay weerar ku qaadeen Daanta Galbeed halka lix kalena ay ku dhaawacmeen weerar ka dhacay magaalada Na blus.

Muuqaal ayaa muujinayaa, labada dhinac oo is-weydaarsanayo rasaas culus afaafka hore ee guri ku yaalla halkaas subaxnimadii hore ee Shalay.

Sida laga soo xigtay warbaahinta gudaha, Isra a’iil wuxuu bartilmaameedku ahaa hoggaamiyaha ga rabka shuhadada Fatax Al Aqsa kaas oo baxsa day.

Ciidamada Israa’iil ayaa bilihii ugu dambeeyay

weerarro ku qaaday Daant Galbeed kadib weeraro

is xig xigo oo lagu qaaday Israa’iil. Mas’uuliyiinta Israa’iil waxay inta badan cambaa reey aan weera rrada noocan ah ay Israa’iil ku qaaddo halkaas



MADAXWEYNE XASAN OO KU JIRA SAFARRO BOOGODHAYID AH!

Marka laga reebo safarka Shalay la filayo inuu ku tagayo dalka Masar, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu tan iyo markii la dooray ee Bishii May 15 dibadda u aaday 6 safar oo dibadda ah, 4 ka mid ah waxaa uu ku tagay dal alka dariska ah ee Bariga Afrika, in ka yar 20 maalin uu ku maqnaa ayuu soo dhayey dhammaan daanoo yinkii uu geystay maamulkii Farmaajo isaga oo wel iba keenay heshiisyo cusub oo leh 46 faa’iido iyo guulo taariikhi ah, oo noqon doono dhaxal dhan walba ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku jira 100-kii maalin ee ugu horre ysay ayaa illaa hadda waxaa uu qabtay hawlo badan oo hortabin u lahaa maamulkiisa, isaga oo heshiis la galay dhammaan dalalkii uu xiriirkoodu mugdiga geliyey maamulkii hore, waxaa uuna qodxaha ka leexiyey xukuumadda soo socota, taasi oo sahli doonta in ay horay u ga sho u adeegista bulshada.

Goobjoog, ayaa shacabka Soomaaliyeed la wad aageysa safarrada madaxweyne Xasan iyo dhaxalka laga helay, waxaana is dul istaagi doonnaa lugtii uu ku maray dalalka Imaaraadka, Turkiga, Eritrea, , Ken ya, Djibouti iyo Tanzania .

IMAARAADKA:

Iyada oo laga duulayo halkudhegga ah "Sooma ali heshiis ah dunidana heshiis la ah”, Madaxweyne Xasan ayaa markii uu kalsooni geliyey maamul gob oleedyadii gudaha

ah ee dib u doorashadiisa diiddanaa, waxaa uu lugti isa ugu horreysay ee dibad da ah ka billaabay booqa sho uu ku tagay Imaaraadka Carabta, si uu u dhayo boog ka dhalatay ku milmidda maamulkii Farmaajo ee loollanka dalalka Khaliijka, xayiraad uu ku same eyey 10 milyan oo Doolar oo ay leedahay Abu Dhabi iyo xataa heshiiso dekado oo la baabi’iyey, isaga oo inta uu joogay isutagga kulamo la yeeshay madaxwe yne Maxamed Bin Raashid, mas’uuliyiin kala duwan oo dalkaasi iyo jaaliyadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa afarta maalin uu joogay halkaasi ku guuleystay (1). Caadiyeynta xiriirka Muqdisho iyo Abu Dhabi. (2). Abuurista kals oonida labada dal (3). Isfaham ah in dib loo billaabo ganacsiga tooska ah (4). In dadka Soomaaliyeed loo fududeeyo fiisayaasha UAE (5) Soocelinta maalge shiga Imaaraadka ee gudaha Soomaaliya (6). Sooce linta kabkii ay Imaaraadka kabi jireen miisaaniyadda Soomaaliya. (7) Imaaraadka oo abaarta ka jirta Soo maaliya ugu deeqay 20 Milyan oo Dirham (8). Dib u furista Isbitaalka Sheekh Zaa’id ee Muqdisho, kaas oo ugu yaraan maalintii 400 oo masaakiin ah ay si bil aash ah ku heli jireen adeeg caafimaad oo lacag la’a an ah (9) Imaaraadka oo gacan ka siin doona Soo maalida amniga, gaar ahaan ladagaallanka argigixi sada iyo (10) iyo Iskaashi dhinacyo kale oo horuma rineed ah.

TURKIGA:

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu booq ashadiisa 2-aad ku tagay dalka Turkiga, kaas oo ah dalka keli ya ee maalgelin dhan walba oo ay ku jiraan dekad, Airport iyo is bitaal ka fuliyey Muqdisho, isla markaana $1 billion ku bixiyey hawl aha banii’aadni mada 10-kii sano ee la soo dha afay. Maalmaha uu madaxweyne Xasan joogay Turkiga waxaa uu booqa sho dhiirigelin ah u sameeyey ciid amo Soom aaliy eed oo tababar u jooga gob olka dhaca galbeedka dalkaasi ee Isparta, isaga oo kaddibna la kulmay ma daxweyne Erdogan iyo qeybo ka mid ah bulshada ra yidka ah ee dalkaasi, natiijada socd aalkaasi waxaa u gu muhiimsanaa: (1). Adkeynta xir iirka labada dal. ( 2). Kala saxiixad heshiisyo amni, oo ay ku jirto ka ga cansiinta dagaalka ka dhanka ah argigixisada.

(3). Fududeynta ganacsiga u dhaxeeya Soomaal iya iyo Turkiga (4). Iqaamada iyo ganacsiga in loo sa hlo Soomaalida ku nool Turkiga. (5). Maalgeshi ay Turkiga ku sameystaan Soomaaliya. (6). Turkiga oo labolaabay kabkii miisaaniyadda Soomaaliya. (7). In si rasmi ah Soomaaliga looga furo Bangiga Ziraat Ka tilim oo noqon doono bangigii ugu horreeyey oo caa lami ah oo ka halwgala gudaha Soomaaliya. (8). In Turkiga ay garab ku siin doonto Soomaaliya dib ugu soo noqoshada saaxada caalamiga iyo arrimo kale.

ERITREA:

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lugtiisa 3-aad ee dibadda waxaa uu ku tagay dalka Eritrea, safarka oo ujeeddo badnaa, waxaa ugu muhiimsanaa inuu meel kusoo ogaado nolosha in ka badan 5,000 oo askar Soomaaliyeed ah kuwaas oo lagu la’aa Eritrea muddo 3 sano ah, isaga oo la kulmay wiilashaas Soomaaliyeed, warbixinna ka dhageystay madaxda dalkaasi, taasi oo ka farxisay boqollaal waaliddiin ah.

Inta uu booqashada Eritrea ku jiray, waxaa kale uu kulammo la qaatay dhiggiisa dal kaasi Isaias Afwerki, iyaga oo kala saxiixday heshiisyo ay ku jiraan amniga, diblomaasiyadda, iyo wa dashaqeyn xagga siyaasadda ah.

Warmurtiyeedka oo 7 qodob ah aa, waxaa ugu muh iimsanaa (1) In la dhiirrageliyo xiriirka bulsho ee lab ada dhinac, gaar ahaan qurbojoogta. (2). Xooj inta xiriirka siyaasadeed iyo midka diblomaasi iyo ka wada shaqaynta, ilaalinta iyo horumarinta danaha labada dal.(3). Ballaarinta wadashaqaynta xiriirka dhaqaale iyo midka bulsheed, iyada oo ahmiyadda la siinayo ganacsiga, maalgashiga, amniga biyaha, beeraha, kalluumeysiga, caafimaadka iyo waxbar ashada. (4). Dhiirragelinta dhaqanka, suugaanta iyo ciyaaraha iyo sidoo kale wadashaqayn la xiriirta xag ga cilmiga iyo teknoolojiyadda. (5). Ka wada shaqa ynta, ka hortagga iyo kor u qaadista wacyigelinta la xiriirta Deegaanka, Cimilada iyo cudurrada faafa.(6). Ka wada shaqaynta kor u qaadidda difaaca, amniga iyo ilaalinta nabadda, xasilloonida iyo Amniga. (7). Isku dayga in si wadajir ah loo horumariyo xiriirka diir ran, wadashaqaynta iyo dhaqaalaha ee Gobolka Geeska Africa.

KENYA:

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu safarkiisa afaraad ku tagay dalka Kenya, isaga oo meesha ka saaray mugdi iyo kala shakin hareysay xiriirka laba da dal muddadii uu joogay madaxweyne Farmaajo, iyada oo Uhuru marka uu arkay niyad wanaagga madaxweynaha Soomaaliya uu ballanqaaday inuu Muqdisho ku daro dalalka urur goboleedka bulshada Afrikada Bari ee EAC.

Madaxweyne Xasan Sheekh inta uu joogay Nairo bi waxaa uu kulammo la yeeshay madaxweyne Uhuru Kenyatta, iyaga oo kala saxiixday heshiis 11 qodob ah oo ay ugu muhiimsanaayeen (1). Ahmiyad da xiriirta taariikhiga ah iyo masii rka midka ah ee la bada dal ee ku saleysan nabadda, horumar ka iyo ilaalinta qarannimada iyo midnim ada dhuleed ee dal weliba. (2). Adk eynta xiriira labada dal (3). Heshiis ah dagaal ka dhan ah argagixisada si loo ilaaliyo bed qabka bulshada labada dal (4). In beesha caalamka ay kala shaqee yaan wax ka qabashada abaarta ka jirta Geeska Afri ka (5). Kenya Airways ay duulim aad toos ah ka billo wdo Nairobi-Mogadishu (6). In lab ada dal ay isdha afsadaan ganacsiga Mallayga iyo dib u furista qaad ka Kenya (7). Fududeynta fiisaha heerarkiisa kala du wan (8). Furiska xadka labada dal si uu u fududaado dhaqdhaqaaqa bulsho ee lab ada dhinac iyo arrimo kale.

DJIBOUTI:

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu safarkiisa shanaad ee dibadda ahaa uu ku tagay dalka Djibo uti, isaga oo sidoo kale soo celiyey kalsoonidii Hiil-waal oo meesha ka baxday xilligii Farmaajo, isla mar kaana meesha ka saaray mugdigii hareeyey xiriir ka labada dal ee walaalaha ah. Maxweynaha dalkaa si Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dhiggiisa Soomaal iya guddoonsiiyay billadda ugu sarreysa dowladdaas ay bixiso iyo sidoo kale shahaado sharaf, waxaa uu na bog cusub u furay xiriirka labada dal.

Madaxweyene Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Djibouti ay wadaagaan taariikh, dhaqan, diin iyo dhiig, taas oo ka tarjumay sa garab istaagga iyo taageerada joogtada ah ee do wladda iyo shacabkaasi ay u muujiyeen dib u dhiska dowlad nimada Soomaaliya isaga oo intaa raaciyey "Waxa ka dhexe eya Jabuuti iyo Soomaaliya waa wax aan biri goyn, biyana aysan mayrin, cilaaq aad kaas walaaltinnimo ee ka dhe xeeyana ruku nnada aasaasiga u ah ee uu ku taagan yahay waa in la isku huro nafta, maa lka, xoogga iyo caqligaba. Kal soonida buuxda ee aan ku qabno shacabka iyo dow ladda Jabuuti, ma jirto meel kale oo aan ku qabno, taas ayaa keentay in aan mar kasta halkan talo iyo khibrad u soo raadsanno.”ayuu yiri madax weynaha Jamhuuriyadda Xasan Shiikh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh inta uu joogay Djib outi waxaa heshiisyada uu la galay ka mid ahaa (1). Adkeynta xiriirka labada dal (2). In la iska kaashto x oojinta amniga, wax-wada-qabsiga, is-dhexgalka dhaqaal aha iyo in si wadajir ah looga faa’iideys to fursadaha ka jira gobolka Geeska Afrika iyo guud ahaan Qaaradda .(3). Maalge shiga iyo ka faa’ideysi ga kheyraadka (4). Ladagaallanka wadajirka ah ee argigi xisada. (5). In isku aragti laga noqdo arri mo badan oo gobolka iyo caalamka ah. (6). Xoojinta iskaashiga dhaqanka, afka iyo diinta.

TANZANIA:

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu safarkiisa lixaad ku tagay dalka Tanzania, isaga oo ka qeybgalay shirka bahda East African Community (EAC), isaga oo khudbad uu ka jeediy ey ka dalbaday 7bada dal ee xu bnaha ka ah ururkaasi in ay aq balaan xubinnimada Soomaaliya. Ururka EAC oo ay xubno ka yihiin Democratic Republic of Congo, Buru ndi, Kenya, Rwanda, South Sudan, Uganda iyo Tan zania, waxaa ku nool in ka badan 300 milyan oo mu waaddin iyo dhul dhan 4.8 million square kilometres.

Madaxweyne Xasan waxaa khudbaddiisa ku jirtay inuu doonayo in dhaxalka uu doonayo inuu ka tago ay qeyb ka tahay Soomaaliya oo xubin ka ah ururka EAC, haddii ay dhacdana waxaa uu dalkeenu heli doonaa;

(1). Mideynta Kastamyada: Tan iyo 2005, dalalka ku jira suuqa EAC waxay lahaayeen suuq xor ah, oo badeecadaha sida ay doonaan isaga kala gooshaan, iyada oo tacriifta mid tahay dhammaan dalalka.

(2). Suuq Mideysan: Taas oo ka dhigan dhaqdhaqaa qa xorta ah badeecooyinka, dadka, shaqada iyo sha qaalaha, xaqa ah inaad wax dhisato, xaqa deegaan shiyaha, xaqa helidda adeegyada iyo xataa dhaqdha qaaqa raasumaalka. Waxaa muwaaddintiinta dalalka asi loola dhaqmaa si isku mid ah, oo aan kala sooc laheyn

(3). Mideynta Lacagta: Waxaa 2013-kii la saxiixay heshiis dhigaya in dalalka bariga Afrika ee ku jira EAC ay lahaadaan lacag qura, taasi oo wax badan ka beddeli doonta nolosha dadka, Soomaalidana ay wax badan ka faa’idi doonto.

(4). Federaaleynta: Arrinta kale ee safka kusoo jirta waa in ay yeeshaan federal sida aragti mideysan oo xagga siyaasadda arrimaha dibadda, amniga iyo gu ud ahaan arrimaha gobolka, taasina waa arrin kale oo muhiim ah haddii ay Soomaaliya hesho xubinni mada EAC.XIGASHO:-Goobjoog News


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip