HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA OO AH SABTI 23-KA JULY 2022-KA

0
Saturday July 23, 2022 - 08:28:41 in Wararka by
  • Visits: 445
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA OO AH SABTI 23-KA JULY 2022-KA

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay geba-gabada shir madaxeedka EAC

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xas an Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay xiritaanka shir madaxeedka dalalka ku mideysan Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC), oo ay martigelisay Ma gaalada Arusha ee dalka Tanzania, iyadoo Madaxda dalalkani ay Dorraad ka doodeen codsiga rasmiga ah ee Dowladda Somaliya ay ku dooneyso ka mid noqoshada dalladan.

Madaxweynaha oo kulan-doceedyo la qaatay Ma daxda ka soo qaybgalay shirkan ayaa xoojiyay olo laha ansixinta codsiga Dowladda Somaliya, isagoo soo bandhigay fursadaha dhaqaale iyo bulsho ee ay ku tilmaaman yihiin shacabka Soomaaliyeed, doorka xooggan ee ay ka qaadan karaan horumarka dall adan iyo saameynta ay ku leeyihiin gobolka.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamu ud ayaa uga mahadceliyay madaxda dalalka Dallada Bulshada Bariga Afrika, fursadda ay u siiyeen in uu sii xoojiyo codsiga Dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan ka mid noqoshada dalladdan, waxa uuna ku ammaanay shacabka iyo Dowladda Tanzania soo dhaweynta iyo martigelinta wanaagsan, ee ay ku qaabileen isaga iyo wafdigiisa.

Dhanka kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxa muud ayaa Madaxweyneyaasha Kenya Uhuru Keny atta, Tanzania Marwo Samia Suluhu Hassan, Ugan da Yoweri Museveni iyo Burundi Evariste Ndayishi miye kala qaybgalay furitaanka jid halbowle ah oo la gu magacaabo Bariga Afrika, kaas oo ka mid ah kaa beyaasha dhaqaalaha ee isku xira dalalka Dallada Bulshada Bariga Afrika ee EAC.

Xamza oo amar deg deg ah soo saaray ka dib markii ay wada-hadleen Lafta-gareen

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Md.Xamza Cabdi Barre ayaa war kasoo saaray xaa ladda gobolka Bakool, kadib markii deegaano ka tirsan gobolkaasi ay xoogaga Al-Shabaab ku weerareen ciidanka Liyuu Boolis.

Amarka Ra’iisul Wasaaraha ay aa waxa uu ka dambeeyay kadib markii uu khadka telefoonka kula hadlay Madaxwey naha dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed, Cabdi casiis Xasan Maxamed Lafta-Gareen oo warbixin ka siiyay deegaannada ay kooxuhu ka geysteen falalka argagixisada ah.

Wuxuu si gaar ah ra’iisul wasaaraha usoo hadal qaaday deegaannada Yeed, Washaaqo iyo Aato oo ay Habeen hore saddex jiho ka weerareen xoogaga hubeysan ee kooxda Al-Shabaab oo halkaas kula dagaalamay ciidanka Liyuu Boolis ee dowlad deega anka Soomaalida, Itoobiya.

Xamza Cabdi Barre ayaa ballan-qaaday in dowl addu ay jawaab deg-deg ah ka bixin doonto dhibaat ada ay geysatay argagixisada, si looga hortego wee rarada ay ka fuliso dalka.

Sidoo kale wuxuu amray hay’adaha kala duwan ee amniga iyo gargaarka inay si deg deg ah uga ja waabaan xaaladda adag ee haatan ka jirta gobolka Bakool ee koonfurta Soomaaliya.

Dadka ku nool deegaanadaas waxay Caasimada Online sheegtay in ay u sheegeen in dagaal culus ay soo qaaday kooxda Al-Shabaab, balse waxaan ilaa hadda la ogaan khasaaraha ka dhashay.

Afhayeenka ciidamada Al-Shabaab Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa sheegtay inay qabsadeen Yeed iyo Aato, balse sheegashadiisa lama xaqiijin karo, waxaana aad u yar xogta laga heli karo deegaan ada.Isgaarsiinta deegaanka ayaa go’day, waxayna dagaalyahannada Al-Shabaab dagaalkaan ku ekeeyeen fariisimo ay ku sugnaayeen ciidamada Liyuu Booliska ee ‘ilaalada xuduudaha iyo badqabka wadd ooyinka’ kuwaas oo hoos taga dowlad deega anka Soomaali Galbeed.

DALKII ugu horreeyey oo shaaciyey inuu taagee rayo dadaalka uu Xasan Sheekh Soomaaliya ugu darayo EAC

Dalkii ugu horreeyey ayaa si rasmi ah u sheegay inuu taageerayo isku dayga ay Soomaaliya ku doon eyso inay xubin uga noqoto daladda Bulshada Afrika,East African Community(EAC).

Diblomaasi Sare oo reer Burundi ah ayaa shee gay in waddankiisu oo guddoomiyennimada EAC kala wareegayo Kenya, uu taageeri doono musharr axnimada Soomaaliya. Burundi waxay ka mid tahay dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Waxa uu sidoo kale shaaca ka qaaday in dalal kalena ay Soomaaliya taageeri doonaan, inkasta oo uusan shaacin magacyadooda.

Dalladdan, oo dib loo aas-aasay sanadkii 2000, wax aa ku mideysan toddoba dal oo kala ah Jamhuuriya dda Dimoqraadiga ah ee Congo, Tanzania, Kenya, Burundi, Rwan da, South Sudan, iyo Uganda, kuw aas oo wadaaga suuq-ganacsiy eed ballaaran oo muhiim ah u ah dhaqaalaha Gobolka.

Ballan-qaadka Burundi ayaa imanaya ayada oo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxa muud uu Dorraad oo Khamiis ah u amba-baxayo magaalada Arusha ee dalka Tanzania, si uu taage ero ugu raadiyo in Soomaaliya ay ka mid noqoto dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Dhaqaalaha wadajirka ah ee dalladda sanadkii waxaa lagu qiyaasaa in ka badan 300 oo Bilyan oo dollarka Maraykanka ah.

Wadarta tirada dadweynaha ku nool dalalka ku baho obay ururkaan, waxaa lagu qiyaasaa 312 oo milyan, kuwaasi oo leh hal baasaboor oo mideeya.

Dowladda Soomaaliya ayaa codsiga ka mid noq oshada dalladdan waxay gudbisatay sanadkii 2016-kii, waxayna hadda xusul duub ugu jirtaa inay ka mi ro-dhaliso hadafkeeda ah inay ku biirto dalladda Bul shada Bariga Afrika (EAC).

Haddii Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku guule ysto inuu Soomaaliya ku daro EAC waxay noqon do ontaa guul taariikhi ah, ayada oo shacabka Soomaali yeed ay visa la’aan u safri karaan dalalkan, sidoo kal ena albaab weyn u furi doonta ganacsatada Soom aaliyeed.

Beesha Mudulood oo go’aan culus ka soo saart ay magaalada MUQDISHO

Xildhibaannada iyo odayaasha dhaqanka ee Be esha Mudulood ayaan kulan ballaaran oo ay isugu yimaadeen waxay kaga hadleen xaaladda ammaan ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan dhibaatada ay ku hayaan ciyaal weerada.

Xubnaha kulanka ka hadlay ayaa soo jeediyay in go’aan adag laga qaato kooxaha ciy aal weerarada, si wax looga qa bto dhibaatada ay ku hayaan dadka iyo deegaanka.

Xildhibaan Maxamed Axmed Beerey oo ugu horreyn madasha ka hadlay ayaa sheegay in ujeedada kul ankooda uu ahaa sidii wax looga qaban lahaa dhiba atooyinka lasoo darsaday shacabka Muqdisho, isaga oo uu tilmaamay in maalintii lagu dilo ugu yraan 5 illaa 10 qof.

"Annaga deegaanaa leenahay meelo aan ku noo lnahay ayaa jira dalku Soomaali oo dhan waa ka dhe xeeyaa, laakiin qolo walbo meel ayey dagan tahay dhibaatooyinka sida gaarka ah u heysta deegaannad eenana Dorraad inaan wax is ka dhahno ujeedada saas ayey aheyd oo ay ugu horreyso magaaladii caasimada aheyd oo la mari la’yahay oo maalin wal ba tiro u dhexeyo 5 illaa 10 ay ku dhimaneyso min diyo iyo xabado isku jiro,” ayuu yiri Beerey.

Dhankiisa Yuusuf Ibraahim Afrax (Kabaale) oo kulanka hadal ka jeediyey ayaa sheegay in xaaladdu ay gaartay meeshii ugu xumeyd, isla-markaana aan indhaha laga qabsan karin."Waxay joogi jirtay waxaa la dilay qof, yaa dilay? kooxo bistoolado ku hubeys an oon heybtooda la garaneynin, Dorraad waxay taa gan tahay koox tooreeyeyaal ku hubeysan oon heybt ooda la garaneynin ayaa dadkii dilay,” ayuu yiri Yuu suf Ibraahim Afrax (Kabaale).

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciyaal weer ada xittaa ay dileen wiil uu isagu adeer yahay, isla-markaana aan waxba laga qaban, sida uu hadalka u dhigay.

"Hadda habeen dhoweyd wiil yar oo aan adeer u ahay Kaaraan ayey ku bireeyeen oo arday ahaa cid looma haayo,” ayuu sii raaicyey. Ugu dambeyn mid ka mid ah odayaasha dhaqanka oo gunaanadkii shirka ka hadlay ayaa sheegay in arrintan looga gu dbi karo wada tashi iyo in laga wada shaqeeyo amn iga.

"Waxaan uga bixi karnaa wada-tashi guud oo mi da amniga dowladda loo xil-saaray siyaasad iyo dha qan aan kula shaqeyno,” ayuu yiri mid ka mid ah waxgaradka Mudulood.

Hadalka kasoo yeeray xildhibaannada iyo oda yaasha Beesha Mudulood ayaa kusoo aadaya, xilli magaalada Muqdisho ay gashay xaaladdo is-biirs aday oo ay ku hayaan burcadda iyo ciyaal weerar ada oo dhibaato ku haya deegaanka, waxaana ugu daran degmooyinka kala ah Kaaraan, Yaaqshiid iyo Madiino oo ka kooban degmooyinka Wadajir iyo Dharkenley.

R/W Xamza ma ka dhabeyn doona ballan-qaadkii la xiriiray Golaha Wasiirada?

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo laga sugayo dhismaha xukuumadiisa ayaa waxaa ku xeeran su’aalo badan oo ka mid tahay in uu fulin doono ballan-qaadkii uu u sameeyay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka federa alka Soomaaliya.

Xamza ayaa markii uu hortagay Golaha Shacabka 25-kii Juun, si ay u siiyaan codka kalsoonida Gol aha, ayaa wuxuu u ballan-qaaday Xil dhibaanada inay u badnaan doonaan Golahiisa Was iirada. Xukuumaddii uu hog aaminayay Ra’iisul Wasa arihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka koobneyd 69 Wa siir, kuwaasi oo 63% ay ka yimaadeen Golaha Shac abka, halka Golaha Wasiirada 47% ay ka yimaadeen Bulshada qeybah eeda kale.

Xamza oo magacaaban in ka badan 40 maalmo od ayaa weli soo dhisin Golahiisa Wasiirada, balse warar soo baxaya ayaa sheegaya in uu weli wado la tashiyadii ugu dambeeyay ee magacaabista xukuum adiisa.

Haddaba, Ra’iisul Wasaare Xamza ma fulin do ona ballan-qaadkiisa? – Inkasta oo si rasmi ah loogu ogaan doono magacaabista xukuumadiisa ayaa ha ddana waxaa la rumeysan yahay in Xamza uu fahan san yahay in sida uu ka yeelo ballan-qaadkaasi ay halbeeg u noqon doonto ballan-qaadyadii dhowrka ahaa ee u sameeyay tan iyo markii la magacaabay.

Sidoo kale fallan-qeeyayaasha siyaasadda Soomaal iya ayaa qaba in Xamza uu qaadi doono jidkii hore u jeexna ee masuuliyiintii ka horeeyay, taasi oo ka dhigan in xukuumadiisa ay u badnaan doonaan xildhibaanada Golaha Shacabka.

Ma aha wax ku cusub dhismaha xukuumadda in xubnaha ugu badan ay kasoo galaan Golaha Shac abka, marka loo eego xukuumadihii kala dambee yay. Si kastaba, Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa looga fadhiya dhismaha xukuumad tayo leh, oo dardar-gal isa howlaha culus ee horyaalla, islamarkaana meel-marisa hal-hayska iyo siyaasadda madaxweyne Xa

san Sheekh

XIGASHO:-CAASIMADDA.NET


Duqa Muqdisho Oo Amar Ku Bixiyey In Tallaa bo Deg-Deg Laga Qaado Burcada & Ciyaal Weerada

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa shir gudoomiyay kulan gaar ah oo ujeedkiisu ahaa Amniga Caasimadda kaas oo ka dhacay xarunta Aqalka Dowlada Hoose Xamar.

Kulankan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee maamulka Gobolka Banaadir ah na ku-xigeenka Maamulka iyo Maal iyadda, Taliyaha qeybta guud gobol ka Banaadir ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Taliye ku-xigeenka qeybta guud, Ma amulada degmooyinka iyo Taliyaasha Saldhigyada.

Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Filish ayaa saraakiisha amniga iyo Maamulada Degmooyinka ee shirkan ka qeyb galay u sheegay inaan la aqbali ka rin falalka amnirada la xariira ee ka dhaca Caasi madda.

Wuxuu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir tilmaa may inay ay muhiim tahay xoojinta wada shaqeynta iyo in gacan adag lagu qabto cid kaste oo halis ku ah nabadgalyada bulshada.

Shirkan oo ahaa mid islaxisaabtan ah ayaa wax aa aad looga dooday soo gudbinta caqabadaha ka jira dhinaca amniga iyo sida ugu fudud ee loo xalin karo, iyadoo ugu dambeyn la faray Taliyaasha am niga iyo madaxda Degmooyinka in talaaba deg deg ah laga qaado kooxaha burcadka ah iyo Dhalli nyarada la magacbaxday ciyaal Weero kuwaas oo halis ku ah horumarka iyo xasiloonida magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada federaalka ee laba maa mul gobol eed ‘oo isbaheysi sameysanaya’

Xildhibaanada baarlamanka federaalka Soomaali ya ee laga soo doorto maamullada Jubaland iyo Koo nfur Galbeed ayaa sheegay inay sameysanayaan isbaheysi ay ku mideysan yihiin oo isku xiraya.

Arrintan ayaa

Habeen hore lagu dhowaaqay kadib markii Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu weheliyo guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Cabdullahi Cumar Abshirow ay casho sharaf u sameeyeen xildhibaanada degaan doorashadoodu tahay dowlad goboleedyada Jubaland iyo Koonfur Galbeed.

Kullankan u dhexeeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Xildhibaanada ka soo jeeda Jubaland iyo Koonfur Galbeed ayaa waxaa looga hadlay labo qodob oo kala ah,

1- Abaaraha iyo sidii xildhibaanada gacan uga gaysan lahaayeen

2- Midnimo iyo isku xirnaasho xildhibaanada ka soo jeeda deegaanadaas.

Ma cadda waxa loola jeedo iyo ujeedka laga leeyahay isku xirnaanshaha iyo isbaheysiga ay sameysanayaan xildhibaanadan.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa laga soo doortaa xildhibaanada ugu badan ee labada aqal ee baaralamanka Soomaaliya, waxayna saameyn xooggan ku leeyihiin dooraashooyinka dalka ee xildhibaanada ay codeeyaan.

Dhinaca kale, guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe ayaa guddi ka kooban shan xubnood u xil saaray in ay ka shaqeeyaan sidii wax loogu qaban lahaa gurmadka abaaraha.

Guddoomiye Cali jeyte oo Maamulka Galmudug uga digay inay farageliyaan Arrimaha degmada Matabaan

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay in bulshada kunool degmada Matabaan aysan aheyn kuwo is weeydiiya halka ay kujirto maslaxdooda si ay uga abxaan dhibaatada heysata.

Guddoomiyaha oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday degmada Matabaan ayuu sheegay in dadka reer Matabaan maslaxadooda dhinaca siyaasadda, Amniga iyo Arrimaha bulshada ay kujirto la Shaqeynta Maamulka Gobolka Hiiraan ee Hir-Shabeelle.

Waxaa uu ka dalbaday Maamulka Galmudug inay faragelinta ka daayaan degmada Matabaan, isaga oo sicad u sheegay in dadka Reer Hiiraan iyo kuwa Galmudug ay yihiin kuwo Walaalo a, balse looga baahan yahay inay Arrimaha degmada Galmudug faraha kala baxdo.

Degmada Matabaan oo katirsan Gobolka Hiiraan ayaa waxaa maamul ahaan ay hoostageysay Maamulka Galmudug, hayeeshee dhawaan waxaa Maamul cusub u magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, maamulkaas oo Dorraad xilka la wareegay.

Madaxweyne Axmed Qoorqoor Oo Goor Dhow Magacaabay Wasiiro Cusub (Wareegto)

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qooqoor ayaa Dorraad magacaabay laba Wasiir cusub oo kamid noqonaya Golaha Wasiirada Maamulkiisa, kadib wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha.

Axmed Qoorqoor ayaa Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo horumarinta dhaqaalaha Galmudug u magacaabay Axmed Cali Maxamed, halka Cumar Sheegow Maxamed loo magacaabay inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga Galmudug.

Madaxweynaha Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa faray hay’addaha kala duwan ee Maamulka inay la shaqeeyaan labada Wasiir cusub ee la magacaabay, si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo ee loo idmaday.

Magacaabista Wasiirada cusub ee Wasaaraddaha Qorsheynta iyo horumarinta iyo Dhalinyarada iyo Isboortiga Galmudug ayaa timid baahi loo qabo in la dardar-geliyo in la helo Wasiiro karti leh oo gudan kara waajibaadkooda shaqo.

HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA MAGAC AABISTA EE LASOO SAARAY

Mareykanka Oo Taageero U Ballan Qaad ay Hay’ Vadda Duulista Rayidka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya Durran Axmed Faarax oo Dorraad khamiis ah Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Danjiraha dawladda Maraykanka ee Soomaaliya Danjire Larry André. Kulanka waxaa Goob joog ka ahaa Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ah ee Soomaaliya Axmed Macalin iyo Saraakiil ka socotay Safaarada Maraykanka ee Soomaaliya, waxaana looga hadlay Taageerada dawladda Maraykanka ee Hay’adda Duulista Rayidka ah.

Danjire André ayaa balan qaaday inay Hay’adda Duulista Rayidka ah ee Soomaaliya ay ka caawinayaan horumarinta shaqada ay u hayso shacabka Soomaaliyeed gaar ahaana dhinaca Amniga (Aviation security) oo baahi wayn ah u qabto dawladda Soomaaliya.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Duran Farah ayaa ka Mahad celiyay taageerada Dawladda Maraykanka ee Hay’adda Duulista Rayidka, Isagoona adkeeyay muhiimada ay ka wasaarad ahaan u leedahay horumarinta Hay’adda Duulista Rayidka ah.

Soomaaliya ayaa tan iyo markii ay lasoo wareegtay Maamulka hawadeeda dadaal ugu jirta inay la jaan qaado tignoolajiyada Maamulka hawadda si ay u ilaaliso badqabka Rakaabka iyo diyaaradaha Isticmaalaya Hawadeeda.

Wiil Soomaali Oo Lagu Soo Oogay Dacwad La Xiriirta Baaruud Uu Ka Dhex Qarxiyey Dad Badan

Wiil dhallinyaro ah ayaa lagu soo oogay dacw ad, ka ddib markii lagu eedeeyay in uu shiday dab bululeyr/baaruud uu ku dhex tuuray shaleemo ay dad filim ku daawanayeen oo ku taala magaaladda Eagan ee gobolka Minnesota.

Khalid Bedel Hassan, oo 18-sa nno jira, ayaa lagu soo oogay dhowr dambi oo kala ah, in uu galay dambi heerka saddexaad ah, weerar uu dad u geystay oo ah dambi heerka shanaad, hanjabaad iyo rabshad uu ka seemay goob ay dad shicib ahi joo gan. Sidoo kale wiilkan ayaa lagu soo oogay labbo dacwadood oo ah dambiyada heerka koowaad oo ah in uu geystay burbur hantiyeed.

Booliska magaalada Eagan ayaa sheegay in lo oga yeeray masraxa ama shaleemada filimada lagu daaawado ee Emagine oo ku yaala magaaladda Eagan bishu markii ay ahayd July 12-keeda, 2022. Booliska ayaa sheegay markii ay yimaadeen shalee mada ay ogaadeen in bululeyr la shiday lagu tuuray mid ka mid ah tiyaatarada shineemadda xilli uu filim ka socday ama ka shidnaa.

Dacwadda wiilkan laga soo gudbiyay ayaa lagu sheegay in ku dhawaad 40 qof ay ku sugnaayeen masraxa shaleemada markii uu qarxay bululeyrku . Booliiska ayaa sheegeen in laba qof oo kaliya ay ku dhaawacmeen – mid ka mid ah uu ahaa ilmo yar oo 11 bilood jira uu ka gubtay dhabannada iyo sanka. Qofka kale ee dhaawacu soo gaaray ayaa dhaawac ka soo gaaray lugta, waxaana laga soo saaray firir kamid ah bululeyrka lugteeda.

Wiilkan ayaa la xiray maalintii tallaadada. Warey si ay booliisku la yeesheen Khalid oo ah wiilka dacw ada lagu soo oogay ayuu ku qirtay in uu shiday dab ka bululeyrka oo uu ku tuuray masraxa shineemada.

Shalay oo ah Khamiis aheyd ayaa maxkamad la keenay oo uu ka soo muuqday maxkamadii ugu hor eysay, waxayna maxkamadu ogolaatay in la damm aanad karo wiilkan haddii uu bixiyo lacagta dammaa nad qaadka ah oo dhan $25,000 oo shuruudo lagu xirayo haddii uu ogolaado ama lacag damaanad qaad ah oo dhan $50,000 oo shuruud la’aan ah. Max kamadda labaad iyo dhageysiga xiga ee dacwadda lagu soo oogay ka dhanka ah yaa ayaa loo balansan

yahay 16-ka bisha August, 2022.

 


Hirshabeelle Oo Soo Bandhigtay Khasaaraha Hantiyadeed Ee Ka Dhashay Qaraxii Jowhar

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo uu wehliyo Madaxweyne ku-xigeenka Yu usuf Axmed Hagar ayaa Dorraad ayaa Dorraad shir gudoomiyay Kulanka Golaha Wasiiradda Hirshabe elle, kaasi oo ka qabsoomay Magaalada Jowhar.

Shirka Golaha ayaa Dorraad warbixin looga dhage ystay Guddiga Gurmadka qa raxii 17-ka July ee ka dhacay Magaalada Jowhar, iyagoo soo bandhigay macluumaad ay ka uruuriyeen baaxada iyo saamey nta qasaaraha uu geeystay qaraxaas.

Gudiga ayaa Madaxweynaha iyo xubnaha Golaha la wadaagay in guryo iyo hanti badan oo dhextiilay guryahaas ay ku baaba’een qaraxaasi ka dhacay Jowhar, waxaana ay sheegeen in hantida burburtay oo ay diiwaangaliyeen ay ku qiimeeyeen ku dhowaad Laba milyan iyo bar oo dollar ($2,500,000).

Madaxweynaha ayaa warbixinta xaaladaha guud ee abaaraha ka dhageystay Wasiirka Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka iyadoo Wasaaradu ay soo bandhigtay dukumenteri muuqaal ah oo ay kasoo diyaarisay baaxada abaaraha ka jira deegaanada Hirshabeelle iyo sida ay u saameysay dadka iyo xoolaha.

Madaxweynaha iyo Golihisa ayaa Wasiirka Wasa aradda Maaliyada iyo Horumarinta Dhaaaal aha ka dhageystay barnaamijka istaraatiijiy ada kordhinta dakhliga Hirshabeelle

Haweeneydi Al-Shabaab u qaabilsaneyd kaydinta hubka oo xukun lagu riday

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Dorraad xukun adag ku ridday De eqo Maxamed Xuseen Cabdi oo magaceeda Afgara shadu yahay (Faadumo), kadib markii lagu helay in ay ka tirsaneyd kooxda Al-Shabaab.

Maxkamadda ciidamada ayaa sheegtay in Dee qo lasoo qabtay bishii February ee sanadkan, kadib howlgal ka dhacay degmada Kaaraan ee gobolka Bana adir .Waxay haweeneydaan oo 28 san jr ah Al-Shabaab uga biirtay dee gaanka Ce elasha Biyaha muddo ha dda laga joo go labo sano, waxaana ku qal-qaali yey nin saaxiib la’ah Odaygeedii hore oo isna Al-Shab aab ka tirsan, kaas oo lagu magacaabo Cabdullaahi Xas an Yuusuf, balse ay kala tageen san adkii 2018-kii, sida lagu sheegay war kasoo baxay maxkam adda.

Xafiiska xeer ilaalinta ayaa sheegay in marka la soo qabanayey ay ku howlaneyd warbixin ka dirista xaaladda guriga uu daganaa askari horey loogu dilay degmada Kaaraan.

Sidoo kale waxay xeer ilaalintu intaasi kusii dar tay in guriga haweeneydaan laga soo helay Bam-ga cmeen iyo Bistoolad 7 xabadood wadata.

Garsoorka Maxkamadda ciidamada ayaa sidoo kale xusay in Deeqo Maxamed Xuseen ay Al-Shaba ab si gaar ah uga shaqeyneysay kaydinta hubka iyo hubinta howlgallada kooxda.

Ugu dambeyn maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa haweeneydaan ku xukun tay 15 sano oo xabsi ah, kaas oo ay ka qaadan karto racfaan 30 cisho gudahood.

Aqoon Isweydaarsi Ku Saabsanaa Qaliina da Qur xinta Oo Lagu Qabtay Isbitaalka Dalmar

Xarunta Isbitaalka taqasusiga iyo tacliimiga ah ee Dalmar oo ku yaalla degmada Hodan ee magaal ada Muqdisho ayaa waxaa lagu qabtay aqoon iswe ydaarsi looga hadlayey qaliin ada la xiriira qurxinta iyo beerista timaha.

Aqoon isweydaarsigan ay aa wax aa ka qeyb gal ay shaqa alaha Isbit aalka Dalmar qaark ood, dhaqa atiir. Ardayda maa dada Caafimaadka ka barata Jaa macadaha dalka qaarkood iyo xubno kale. Dr. Essa Suleiman oo ah dhaqtar ajnabi ah oo ku taq asusay qaliimada cas riga ah ee la xiriira qurx inta iyo beerista timaha ayaa aqoon isweydaarsigan cashar muhiim ah ka bix iyey, isagoo ku dheeraaday qalii mada uu sameyn doono noocyada ay ka koob an yihiin iyo qalabka casriga ah ee uu adeegsan doono.

"Qaliinada qurxinta iyo timo beerida madaxa waa kuwo aduunyada oo idil laga sameeyo, waxaan ku fa raxsan sanahay inaan imaado dalka oo shacabka So omaaliyeed uga faa’iideyo qaliinadan oo aan u sam eyn doono hab casri ah oo qofka aysan wax dhiba ato ah kala kulmeynin” ayuu yiri Dr. Essa Suleiman

Madaxa Caafimaadka Isbitaalka Dalmar Dr. C/f itaax C/llaahi Jaamac oo isna Munaasabadaas ka ha dlay ayaa sheegay in ujeedada tababarkan uu ahaa kordhinta aqoonta bahda Caafimaadka iyo in Isbit aalka Dalmar uu la wadaago bulshada inuu fulinayo qaliimo casri ah oo bilicda qofka lagu soo celinayo.

"Dr. Essa Suleiman waa dhaqtar ku taqasusay sa meynta qaliimada qurxinta iyo beerida timaha mada xa, wuxuuna leeyahay khibrad sare isagoo awood u leh inuu sidoo kale sameeyo qaliino lagu yareynaayo caloosha iwm” ayuu yiri Dr.Cabdifataax C/llaahi Jaa mac oo bulshada ugu baaqay iney ka faa’iideystaan fursadan qaaliga ah.

Munaasabadan oo si wanaagsan ku dhamaatay ayaa Dr. Essa Suleiman waxaa uu si saraaxad leh u ga jawaabay su’aalo ay weydiiyeen qaar ka mid ah ka soo qeyb galayaasha oo la xiriiray qaliinada qurx inta ee uu sameynayo.

Muxuu ka dhigan yahay duullaanka al-shabaab ee itooobiya? (fallanqeyn)

Cabdiraxmaan Sahal Yuusuf oo ah fallan-qeeya siyaasadda iyo amaanka ee geeska Afrika ayaa ka hadlay weerarkii dhawaan ay kooxda Al-Shabaab ku eekeeysay xeryaha ciid amada Liyuu Booliska ee degmooyinka Yeed iyo Caato.

Weerarka ayaa waxay khasaare ba’an ku gaa rsi isay kooxda Al-Shabaab ciidamada Liyuu-Boolis ka ee ku sugna deegaanadaas, ayada oo sheegatay in ay ku dishay 87 askari oo Itoobiyaan ah.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in weerarkaas uu ka dhigan yahay mid ay Al-Shabaab ku muujinayso awoodeeda iyo in weli ay qaadi karto weeraro baax ada leh, xili ay dowladda qorsheynayso dagaal ka dhan ah.

"Waxaa laga qaadanaya in ururka ay ku jireen diy aar garow ballaaran oo dhan kasta ah, uuna kobac ku yimid awoodooda ciidan iyo tii kale ee dhaqaale. Waxay ka dhigan tahay inay fuliyeen waxay sheegi jireen ee ahaa inay si ficil ah ugu faafinaya fikirkooda Bariga Afrika iyo Geeska Afrika,” ayuu yiri.

"Sirtu waxay tahay 5-tii sano ee u dambeysay Ni mankaan kobacooda kor ayuu u socday, waxay ka faa’iideysteen inay dhaqaale badan heleen, waxay heleen fursad runtii keenaysa in laftooda ay isku diy aarinayaan qaab dowladnimo ah.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in weerarkaan ay u ga faa’iideysanayaan si ay u muujiyaan awoodooda ka hor inta ay dowladda ka dhabeyn qorshahooda ka dhanka ah, xili ay ciidamo tiro badan kusoo wajahan yihiin dalka.

"Waxaa ii muuqda in rabitaankii iyo go’aankii uu muuqdo, in ciidamadii la diyaariyay oo ay weliba jira an waddamo faro-badan oo garab istaagi kara xukuumadda cusub, intaasba waxay u baahan tahay in loo helo dhaqaalaheeda iyo in istaraatijayad cad dajiyaan DF iyo dowlad goboleedyada.”

Sheeko Yaab Leh: Kenya Oo 200 Oo Geel U Diyaa Risay Ka Hortaga Qaraxyada Shabaab

Dowladda Kenya ayaa tababar usoo xirtay daraasiin geel ah oo loo tababaray inay wax ka qabtaan amni-darrada ka jirta dalkaas, gaar ahaan qaraxyada.Illaa 200 oo neef oo geel ah oo caafimaad ahaan la daaweeyey ayaa lagu tababaray inay diyaar u noqdaan howlgal ku saabsan inay meel fog kasoo baaraan waxyaabaha qarxa, gaar ahaan xuduudda Soomaaliya iyo Kenya iyo buuraha Kenya ku yaalla oo ay ku sugan yihiin maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab

Geela ayaa waxaa lagu tababaray meelo kala duwan oo ay ku jiraan dhul sare iyo mid joog hoose, si ay ula qabsadaan xaalad kasta, waxaana meelaha lagu tababaray kamid ah: Buuraha Cherengany, Mo mbasa, Mandhera, Isiolo, Taita Taveta iyo Naivasha.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa 14-kii bishaan ka qeyb galay xaflad ka dhacday Isiolo oo lagu soo bandhigay tartan loo qabtay geelaan la tababaray, sida uu qoray wargeyska The Star.

Dowladda Kenya waxay sheegtay, sida Eeyaha iyo fardaha, in Geela hadda loo tixgalin doono in ay yih iin farac gaar ah, loona bixin doono magacyo iyo darajooyin.

" Eeyahay booliska ah waxaa la siiyaa darajooyin, waxaan hadda wadnaa dadaal aan ku dooneyno sidii Geella looga faa’ideysan lahaa si looga hortago qatarta,” ayuu yiri sarkaal ka mid ah kuwa wado qo rshahaan.

Saraakiisha howshaan wado ayaa sheegay inay jirto cabsi ku aadan in iyadoo laga faa’ideysanayo da gaalka Ukraine ka socda in halkaas laga soo daab ulo hub ay ka mid yihiin bambaanooyin lana soo ga arsiiyo dalalka Kenya iyo Soomaaliya.

Iyadoo ay qayb ka tahay dadaallada wax looga qabanayo amni-darrada ka jirta deegaanka, saddex dii sano ee la soo dhaafay waxaa deegaannada kala duwan ee dalka ka socday hannaanka lagu ogaana yo laguna tababarayo daraasiin geel ah.

Tobankii sano ee la soo dhaafay, waxaa meelo ka mid ah Kenya ka dhacayay qatarta weeraro loo adeegsaday walxaha qarxa.

Tirakoobyada rasmiga ah ayaa muujinaya in Ken ya ay ku weyday in ka badan 100 ka mid ah saraaki isha ammaanka iyo dad rayad ah oo ku dhitay qara xyo la soo dhigay waddooyinka.

Ma cadda inta ay qaadan doonto in wax laga qab to khatarta hadda ka taagan xuduudka dheer ee Kenya iyo Soomaaliya iyo amni darro ka jirta dalka deriska la ah

Guddiga amniga Midowga Afrika oo codsaday in Soomaaliya laga qaado cunaqabataynta hubka 13

Guddiga amniga iyo nabada ee Midowga Afrika ayaa sheegay inay Soomaaliya caqabad ku tahay cu naqabataynta hubka ee saaran, iyagoo ku baaqay in laga qaado.

Guddiga ayaa sheegay inaan Alshabaab laga guulaysan karin haddii aysan ciidamada Soomaa liyeed iyo kuwa ATMIS aysan helin hub casriya oo ku filan oo ay kula dagaalam aan kooxda Alshabaab.

Guddoomiyaha guddiga amniga midowga Afrika, Cadi Maxamed Haybe, ayaa sheegay, inay Qarama da Midoobay u gudbiyeen codsi ah sidii hub loo siin lahaa ciidamada Soomaaliya iyo kuwa kale ee Mido wga Afrika.

"Marka ninka aad la dagaalamaysid aad isku hub tihiin, lama kala adkaanayo. "Waa ijiid aan ku jiidee”, dadkiina way sii dhammaanayaan, guulna la gaari maayo. Marka waa in Soomaaliya laga qaado cun aqabataynta ama laga qafiifiyo,”ayuu yiri.

Golaha ammaanka ayaa sannadkii hore kordhi yay cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya, iyagoo sheegay ama aaminsan in weli hub sharci darro ah la galiyo Soomaaliya.

Dhowaan, dowladda Soomaaliya ayaa midowga Afrika ka codsatay in laga qaado cuqabataynta hubka ee saaran

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden oo laga helay COVID-19

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa Kha miistii laga helay xanuunka COVID-19, waxaa sidaas shaaciyay Aqalka Cad ee looga arrimiyo Mar eykan ka. Bayaan ka soo baxay Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in 79 jirkan uu dareemayo astaamaha cud urka oo qafiif ah, isla-markaana uu si buuxda u gud an doono shaqooyinkiisa, isaga oo isku karantiili do ono Aqalka Cad.

"Si buuxda ayuu u talaalan yahay wuxuuna laba je er qaatay tallaal xoojin ah. Wuxuu dareemaya asta amo kooban.” Ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay Aqalka Cad, oo intaas ku daray in Biden uu billaabay qaadashada kaniiniga difaaca COVID-19 ee Paxlo vid, oo ay sameyso shirkadda Pfizer.

"Si waafaqsan tilmaamaha CDC, wuxuu isku go’doomin doonaa Aq alka Cad, wuxuuna si buuxda u gu dan doonaa waajibaadkiisa mudda dan.”

Biden ayaa lagu waday inuu maanta u safro gob olka Pennsylvania, taasi oo qeyb ka ah safarro uu dalka gudihiisa ku marayo si uu u xoojiyo xisbiga Di moqraadiga kahor doorashooyinka dhexe ee Mareyk anka ee bisha November.

Dimoqraadiga ayaa wajahaya doorasho adag oo ay u badan tahay in loogala wareego aqlabiyadda Aqalka Wakiilada iyo Senate-ka.

Madaxweyne Biden ayaa sidoo kale wajahaya waq tigii ugu adkaa muddo xileedkiisa, waxaana hoos usii dhacaya tirada dadka la dhacsan hab maamulkiisa.

Daraasad ay sameysay Jaamacadda Quinnipiac University oo la baahiyey Jimcihii ayaa muujineysa in kaliya 31% shacabka Mareykanka ay ku qanacsan yihiin habka uu u maamulayo dalka.

Biden ayaa lagu warramay in guud ahaan xaaladdi isa caafimaad ay aad u wanaagsan tahay, hase yeeshee da’diisa 79 jirka ah ayaa abuureysa walaac ku saabsan saameynta uu ku yeelan karo COVID-19.AFP.

Ruushka iyo Ukraine oo Dorraad heshiis kala saxiixanaya

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in Jimcaha Dor raad ah ay Ruushka iyo Ukraine magaalada Istanbul ku kala saxiixa doonaan heshiis oggolaanaya in dib loo furo dekadda Odesa ee Badda Madow ee dalka Ukraine.

Tallaabadan ayaa fududeyn do onto in dib loo bill aabo dhoofinta malaayin tan oo qamadi ah oo mud do bilooyin ah ku xayiran dekadaha Ukraine.

Dhoofinta qamadiga Ukraine ayaa hakad u galay du ul laanka uu Ruushka ku qaad ay Ukraine dham aadki bishi Febraayo ee sannadkaan. Taasi waxay keentay qal alaso ku yimid cuntada adduunka, gaar ahaan qam adiga, burka iyo rootiga.Heshiiska ayaa waxaa goob joog ka noqon doona, Xoghayaha Guud ee Qarama da Midoobay António Guterres iyo mad axda Turkiga.

Ciidamada Liyuu Booliiska oo sheegay inay dile en ku dhawaad 100 katirsan dagaala mayaasha Alshabaab

Ku dhawaad 100 ka tirsan dagaalamayaasha Alshabab ayaa lagu dilay howlgal ciidamada Liyuu Booliiska ka fuliyeen gobolka Afdheer, sida ay shee geen sara akiisha deegaanka.

Arrintan ayaa ka dambeysay ka dib markii ay kooxda Alshabaab weerar ku qaaday gobolka Afdh eer, halkaas oo ay askar badan oo katirsan Liyuu Booliiska ku laayeen.

Saraakiisha

Liyuu Booliiska ayaa sheegay in deegaano hoost aga degmada Hargeelle ee gobolka Afdheer ee DDS ay ku hareereeyeen dag aalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo wata hub iyo gaadiid dagaal.

Hoggaanka sare ee DDS ayaa sheegay inuu so cdo howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab balse ma aysan soo hadal qaadin khasaaraha ka dhashay dagaaladii u dambeeyay ee dhexmaray 2da dhinac.

Madaxweynaha DDS, Mustafe Cagjar, ayaa ciid amada faray in feejignaadaan, isla marka ana ay xoojiyaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Sacuudiga oo xiray qof lala xiriirinayo kiiska Isr aa’Iiligii dhuumashada ku galay Makka

Jeddah (Caasimada Online) – Qof Sacuudiyaan ah oo la tuhunsan yahay inuu qof aan Muslim aheyn ka caawiyey inuu galo magaalada Makka ayaa la xiray, sida ay Dorraad sheegeen booliiska boqortooyada.

Suxufi Israeli ah oo lagu magacaabo Gil Tamary, una shaqeeya taleefishinka Channel 13, ayaa Isnii ntii twitter-ka soo dhigay muuqaal uu iska duubay isaga oo si dhuumasho ah ku galaya magaalada bar akeysan, taasi oo jebineysa amar ka dadka aan Muslimiinta aheyn looga mamnuucay.

Booliska ayaa Dorraad dacwad oogayaasha u gudbiyey muwaadin la tuhunsan ya hay inuu ku lug leeyahay "fududeynta inuu Makka soo galo suxufi aan Muslim aheyn,” sida uu sheegay afhayeen u hadlay booliska oo ay soo xigatay waka aladda wararka Sacuudiga ee SPA.

Wakaaladda Wararka SPA ma aysan magacaab in suxufiga balse waxay sheegtay inuu yahay mu waadin Mareykan ah, kaasi oo sidoo kale kiiskiisa loo gudbiyey dacwad-oogayaasha "si ay uga qaada an tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee waafa qsan sharciga degan.” Waxaa jira muwaadiniin bad an oo Israeli ah balse haysta dhalashada dalalka kale, sida Mareykanka.Inkasta oo xiriiro amni iyo ganacsi oo qarsoodi ah oo sii kordhaya ay u dhaxee yaan, haddana Sacuudi Carabiya ma aqoonsana Isr ael, kumana biireen heshiiska Abrahams Accord ee 2020-kii uu ka shaqeeyey Mareykanka, kaasi oo dalal Carbeed ay xiriir kula aas-aasteen dalka Yahuudda.

Muuqaalka uu iska soo duubay oo gaarayey 10 daqiiqo, Tamary wuxuu ku muujiyey inuu tegay Buur ta Carafo, oo ah halka Muslimiinta xajineysa isugu tagaan maalinta sagaalaadka.

Waxa uu si cad u sheegay inuu ogyahay in waxa uu sameynayey ay ahaayeen sharci-darro balse wu xuu yiri "Waxaan doonayaa inaan muujiyo meel aad muhiim ugu ah wiilashada iyo gabdhaha walaalahe en Muslimiinta ah.”

Qiilka uu sameeyey Tamary iyo cudurdaar ku xig ay, ayaan waxba ka beddelin carada arrin

tan ka dhalatay ee ka taagan baraha bulsh ada Sac uudiga. AFP + VOA

Ra’iisal Wasaaraha cusub ee dalka Sri Lanka oo xilka loo dhaariyay

Dinesh Gunawardena ayaa Dorraad loo dhaari yay inuu noqdo Ra’iisal Wasaaraha cusub ee dalka Sri Lanka, maalin uun ka dib, markii xilka loo dhaa riyay Madaxweynaha cusub ee dalkaasi, Ranil Wick remesinghe.

Dinesh Gunawardena oo ahaa Hoggaamiyihii Mucaaradka ee Xis biga Hantiwadaaga ayaa noqo nay Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Xukuumadda Midnimo Qaran. Ninkan ayaa sidoo kale xubin ka ah Baarla maanka dalkaasi.

Madaxweyne Wickremesinghe ayaa Ra’iisal Wa saaraha cusub faray inuu wax ka qabto dhibaatada dhaqaale xumo ee uu dalkaasi wajahayo, taa oo lagu sheegay tii ugu xumeyd ee dalkaasi soo marta, muddo tobanaan sano ah.

Dhaarinta Ra’iisal Wasaare Gunawardena ayaa timid, saacado yar uun ka dib, markii ciidamada am maanka ay xoog dibadbaxayaasha uga saareen xar untoodii ugu weyneyd ee Caasimadda Colombo, ee dadka ku hor bannaanbaxaya Xarunta Madaxtoyada

Dibadbaxayaasha ayaa toddobaadkii la soo dhaaf ay waxa ay Madaxweynihii hore ee dalkaasi, Gotab aya Rajapaksa ku khasbeen in uu dalka isaga cara ro, ka gadaal markii dibadbaxayaal careysan ay gud aha u galeen Aqalka Madaxtooyada.

Shacabka dalka Sri Lanka ayaa ka careysan sicir bararka baahsan ee ku sii baahaya dalkaasi oo dhan, iyagoona doonaya in wax laga qabto dhaqaal aha dalka ee sii burburaya.


SABABTII AY SOOMAALIYA U DIIDDAY INAY KU BIIRTO DALLADDA BARIGA AFRIKA (EAC) CALAMADA URURKA EAC MARKA LAGA REEBO KA SOOMAALIYA


Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Ma xamuud ayaa ku sugan magaalada Caruusha ee dal ka Tanzania halkaas oo uu uga qayb galay shirka dalalka ku midaysan dalladda Bariga Afrika (EAC).

Soomaaliya ayaa la sheegay in dhowr jeer oo hore ay codsatay ku biirista dalladan, balse wali taa si ma suurtagelin, haddaba intee ayay la eg tahay rajada laga qabo in Soomaaliya loo oggolaado ka mid noqosha da dalladd aas.

Afhayeenka madaxtooyada Soo maaliya Abdikariin Ali Kaar, oo BBC-da u warr amay ayaa she egay in rajada ay aad u wanaags an tahay.

"Calamadii surnaa goobta kan Soomaaliyana wuu ku jiray, madaxweynaha markii uu codsiga gud binyayna waxa uu kula kaftamay madaxweyneya ashii kale in calanka Soomaaliya uu halkiisaas ka sii taagnaado,” ayuu yiri Abdikariin.

Dhanka kale, madaxweynaha ayaa yiri: "Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay in aan Dorraad arko calankii Soomaaliyeed oo ka dhinac babbanaya calamada dalalka ku bahoobay dalladdan. Waxaan rajaynayaa in uu sidaas ahaado sanadaha soo so cda. Soomaaliya waa dal aad hodan u ah. Waxa aa nu leennahay khayraad, macdan, xoolo iyo beero. Intaas waxaa ka muhiimsan in aannu leennahay bu lsho firfircoon oo ganacsiga ku fiican.”

Maxaa ka jira in Soomaaliya loo diiday inay ku biirto EAC?

Monica & CawadXIGASHADA SAWIRKA,AMB. MONICA JUMA/TWITTERBBC-da oo wareysi gaar ah la yeelatay wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in aysan jirin in Soomaaliya loo diiday inay ku biirto dall adda bariga Afrika (EAC).

"Runtii ma ogi diidmo qayaxan oo Soomaaliya loo dii day inay ku biirto ururka waxaaba jirtay in sanadihii u dambeeyay ee sanadkii 2018 ilaa 2019 ay rabeen inay soo diraan guddi soo baara xaaladda Soomaal iya marka waqtigaa ma suurtagelin.”

"Dowladda Soomaaliya ayay markaas dhanke eda ka socon weysay oo ka gaabisay, marka waxay taasi muujineysay in ururka uu doonayo in Soomaa liya ay ku soo biirto."

Cawad ayaa sheegay in sababta ay uga gaabiy een ay ahayd in xiriirka Kenya iyo Soomaaliya uu sii xumaanayay markaas oo uu taagnaa muranka bad da ee labada dal.

"Madaxweynaha Kenya ayaa markaas guddoomi ye ka ahaa ururka, taas ayaana keentay in Soomaal iya ay diiddo guddiga loo soo diray."

Axmed Ciise Cawad Qoraalka sawirka,Axmed Ciise Cawad

Dalalka xubnaha ka ah EAC wa xa ay iska kaashadaan dhinacyo khu seeya siyaasadda, ammaanka, difaa ca, dhaqaalaha, dhaqanka, teknoolaj iyada iyo sharciga.

Dalalka ayaa ku haminaya inay sameeyaan is-dhexgal buuxa oo dhinacyo badan.

Dalalka ayaa sanadkii 2005 ku heshiiyay in la mideeyo canshuuraha xudduudda oo ay alaabaha iyo dadka si xor ah uga kala gooshi karaan wadd amada. Shuruudda ku xiran alaabahaas ayaa ah inay ka yimaadaan gudaha waddamada xubnaha ka ah EAC Si loo xoojiyo dhaqaalaha waddamada iyo horum arkooda, dalladda EAC ayaa sameeyay suuq gaar ah oo shaqeynayay tan iyo 2010.

Waddamada ayaa sidoo kale ku haminaya in sanadka 2023 ay samaystaan lacag u gaar ah.

Yoolka ugu weyn ee laga leeyahay dallad gobole edka EAC ayaa ah in dalalka xubnaha ka ah ay yeeshaan dowlad ay ku midaysan yihiin.

Midnimada dowladeed ee ay doonayso dalladda ayaa waxaa bud-dhig u noqon doona in siyaasad midaysan ay dalalku ka yeeshaan arrimaha ammaan ka, gaashaandhigga iyo xiriirka dibedda.

Lama sheegin xilliga la gaari doono yoolkaas.

Kulankii Dorraad ee EACSoomaaliya iyo Congo

Inkastoo Soomaaliya ay codsigeeda ku aaddan xubinnimada EAC dirtay 2018, haddana waxaa laga hor aqbalay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo oo hannaankaas bilowday 2019.

Khubarada ayaa sheega ya in amni-darrada ka taagan Soomaaliya ay ta hay sababta ugu weyn ee EAC ay u ga cago-jiidayso inay aqbasho cods iga xukuumadda Muqdisho.

"Ku biiridda ururkan waxa ay shacabka Congo ka caawinaysaa dhinacyada ganacsiga, ammaanka iyo nabadda," ayuu yiri Madaxweynaha Congo, Felix Tshisekedi, oo ka hadlayay munaasabadda lagu soo dhaweynayay dalkaasi.

Ka dib markii ay Congo ku biirtay EAC, ayaa waxa ay tirada muwaadiniinta hoos taga dalladdaas ay ga artay 300 oo milyan oo qof, halka dhaqaalaha wadda madanna wadar ahaan lagu qiyaasay 250 milyan oo doollar. Congo waxay leedahay kheyraad u badan macdan, sida dahabka, dheemanka, naxaas iyo kuwo kale, hase yeeshee bariga dalkaas waxaa hareeyay colaado ka dhashay kheyraadkaas.

XIGASHO:-BBC



3 MADAXWEYNE EE SOMAALIYA EE LA ISKU DAYAY IN LA DILO IYAGOO XILKA HAYA DHOWR WEERAR AYAA LALA BEEGSADAY MADAXWEYNEYAASHA SOMAALIYA


Tan iyo markii ay kooxaha Islaamiyiinta ah billaabeen weerarrada ay ka fuliy aan Soomaaliya waxaa dadka ay bartilmaameedsanayeen ku jiray madaxda ugu sarreysa dowladda. Marar kala duwan ayay u suurtagashay in ay khaarijiyaan mas'uuliyiin sarsare oo ka tirsan goleyaasha dowladda.

Laakiin, waxaa jiray dhowr jeer oo ay xitaa isku dayeen inay dil al u gaystaan madaxweyneyaashii Soomaaliya qaar. Saddex madaxweyne oo xil ka hayay ayaa ka badbaaday isku day dil oo mararka qaar ay halis wayn ku galeen.

Cabdullaahi Yuusuf Axmed

Cabdullaahi Yuusuf Axmed - oo Soomaaliya madaxweyne ka soo noqday intii u dhaxaysay 14-kii bishii Oktoobar ee sanadkii 2004 ilaa 29-kii bishii Diseember ee sanadkii 2008- ayaa 2 jeer ka badbaaday isku day dil oo lagu damacsanaa in lagu khaarijiyo. Qof kaxaynayay gaari ay ku jiraan waxyaabo qarxa ayaa 18-kii Sebteembar ee sanadkii 2006 isku qarxiyay bannaanka hore ee dhismaha fadh iga u ahaa baarlamaanka ee magaalada Baydhabo. Cabdullaahi Yuusuf

Qaraxaas iyo israsaasayn daba socotay waxaa ku dhintay 11 qof oo uu ku jiray madaxweynaha walaalkiis. Hase yeeshee, Cabdullaahi Yuusuf oo xil ligaas goobta ku sugnaa ayaa ka badbaaday weerarka.

Waxaa jiray weerar kale oo lagu qeexay isku day kale oo lagu be egsanayay madaxweynaha.

Koox la tuhusan yahay inay Islaamiyiin yihiin ayaa 1-dii bishii June ee sanadkii 2008 hoobiye ku weeraray diyaarad uu saarnaa madaxweynihii dow laddii kmg ahayd, Cabdullaahi Yuusuf. Balse ma jirin cid wax ku noqotay weerar kaas, diyaaraddana wax burbur ah kama soo gaarin.

Shariif Sheekh Axmed

Madaxweyneyaasha la beegsaday waxaa kale oo ka mid ahaa Shariif Sh. Axmed oo 31-kii bishii Jannaayo ee sanadkii 2009 xilka kala wareegay C/hi Yuus uf, hoggaanka dowladdana hayay ilaa 20-kii bishii Agoosto ee sanadkii 2012.

Shariif Sheekh Axmed Dhowr bil ka hor intii uusan xilka wareejin oo ku beeg neyd 29-kii May ee sanadkii 2012, ayuu Shariif Sheekh Axmed ka badbaaday is ku day dil oo lala damacsanaa. Dablay la tuhunsan yahay in ay Al-Shababaab ka tirsanaayeen ayaa weerar ku qaaday kolonyo gaadiid ah oo uu madaxweyn uhu la socday, xilli ay marayeen duleedka magaalada caasimadda ah ee Muq disho, sida ay tebisay warbaahinta maxalliga ah.

Ugu yaraan hal askari ayaa lagu soo warramay inuu ku dhintay weerarkaas, halka qaar kalena ay ku dhaawacmeen.

Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweynaha hadda xilka haya ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dhowr jeer isku dayo dil ka badbaaday intii uu xilka hayay dowrkii hore ee uu beddelay Shariif Sheekh Axmed.

Xasan Sheekh Maxamuud

Aragtida Madaxweyne Xasan Sheekh oo uu daabacay wargay ska "The Economist" ayuu ku sheegay saddex jeer oo uu ku sig tay in la dilo. "Waxaan ka badbaaday ugu yaraan saddex isku day oo lagu do onayay in la igu dilo," ayuu yiri madaxweynaha. Isagoo sii faahfaahinaya ayuu intaas ku daray: "Sadd exda jeerba waxay ahaayeen waqtigii hore ee aan madaxwe ynaha ahaa [intii u dhaxaysay 16 September 2012 – 16 Feb ruary 2017].

"Isku daygii ugu horreeyay wuxuu dhacay maalintii ugu horraysay ee aan xafiiska imid; midka labaad wuxuu dhacay anigoo u socda masjid ku dhex yaalla xarunta madaxtooyada; midka saddexaa dna wuxuu dhacay anigoo ku jira safar aan ugu socday magaalada Marka, oo aan ka xoraynay Al-Shabaab."Weerarka ugu horreeyay ee uu Xasan Sheekh ka hadlay, oo ahaa qarax ka dhacay hoteelka Jasiira, waxaa lagu beegay xilli uu ma daxweyna la shirayay mas'uuliyiin shisheeye ah.

Waxaa mas'uul Goob goobjoogga ahaa ka mid ahaa Wasiirkii Arrimaha Diba dda ee Kenya, Sam Ongeri.

Waxaa la shaaciyay muuqaal laga arkayay madaxweynaha oo isagoo hadla ya ay jugta qaraxa dhacday, una muuqday inuu gabbaday.

Tan iyo markii Xasan Sheekh Maxamuud xilka loo dhaariyay markii 2aad, wa xa uu ku celcelinayay in uu Al-Shabaab dagaal la geli doono, uuna qorshaynayo sidii uu uga guulaysan lahaa. XIGASHO:-BBC

MAREYKANKA OO HUB UU TURKIGA KA MAMNUUCAY U FASAXAY WADDAN KALE OO KA TIRSAN AASIYA

Isbuucii lasoo dhaafay, Aqalka Wakiillada ee Mareykanka ayaa meel mariyay hindise sharciyeed dowladda Hindiya si gaar ah ugu fasaxaya in ay Ruushka kasoo iibsato gantaallada difaaca ee casriga ah.Sharci dajiyeyaasha Mareykanka ayaa xukuumadda Delhi siiyay mudnaan gaar ah oo looga bixiyay liiska dalalka cunaqabataynta laga saaray inay hubkaas yeeshaan.

Washington ayaa horay u muujisay in gantaalladan ay ka mid yihiin hubka aysan Mareykanka dani ugu jirin inay waddamada yeelanaya sii bataan, inkastoo uu ka mid yahay qalabka militeri ee uu Ruushka haysto.

Waxaa gebi ahaanba uu Mareykanku mamnuuc ka dhigay in gantaallada S-400 laga iibsado dalalka ilaa hadda gacanta ku haya oo kala ah Iiraan, Kuuriyada Waqooyi iyo Ruushka.

Madaxweyne Joe Biden ayaa wali laga sugayaa in uu saxiixo sharciga Hindiya fasaxaya, si loo dhaqan geliyo, balse tallaabadan ayaa horumar wayn u ah Hindiya.Hoggaamiyeyaasha Hindiya iyo Ruushka

Gantaallada S-400 waa qalab hawada ku sii daaya gantaallo ka hor taga madaafiicda lagu soo weeraro waddan.

 

Ruushka ayaa markii ugu horraysay farsameeyay hubkan, oo aad looga danaynayo dalal badan.Sanadkii 2018-kii ayay Hindiya gantaallada S-

400 kasoo iibsatay Ruushka, waxa ayna ku bixisay lacag dhan $5 bilyan oo doolar.Balse ilaa xilligaas waxaa socotay hadal-hayn ku saabsan in Mareykanka uu cunaqabatayn kusoo rogi doono waddankan ku yaalla qaaradda Aasiya.

s-400Muddo sannado ah waxa uu khilaaf ka dhashay isla hubkan u dhaxeeyaa Mareykanka iyo Turkiga.

Xukuumadda Washington ayaa cunaqabatayn kusoo rogtay Ankara kaddib markii ay shaacisay inay Ruushka ka iibsatay qalabkaas.

Waxaa kale oo uu Mareykanku ka baxay mashruuc uu lacagtiisa qaatay oo uu Turkiga uga iibinayay diyaaradaha dagaalka ee casriga ah.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa bishii September ee sanadkii lasoo dhaafay sheegay in dowladdiisa ay qorsheyneyso inay Ruushka ka soo iibsato qayb labaad oo ah gantaallada S-400.

Hase yeeshee Durbadiiba Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa yiri: "Waxaan uga digeynaa Turkiga inuu qalab dheeraad ah oo militari ka soo gato Ruushka."

Laakiin maamulka Erdogan ayaa u muuqday in uu dhagaha ka furaystay digniinta Washington.XIGASHO:-BBC

 


BOGGA CAYAARAHA:-LAACIBKA KASOO JEEDA QOYSKA IMAAMYADA AH OO MAR KALE GUUL TAARIIKHI AH GAARAY SADIO MANE

Sadio Mane ayaa ku guuleystay abaal-marinta xiddiga ugu fiican qaaradda Afrika sanadkii tagay. Mane waxaa kula tartamay abaalmarintan laacibka reer Masar ee Maxa med Saalax iyo goolhayaha ay isku qaranka yihiin ee Edou ard Mendy oo sidoo kale u cayaara kooxda Chelsea.

Mane ayaa dhawaan ku biiray Bayern Munich ka dib markii uu ka tagay naadiga Liverpool oo uu ka mid ahaa laa cibinta aadka uga dhex muuq da.Ciyaaryahan kan 30 jirka ah ayaa markii 2aad ku guuleystay abaalmarintan oo horay loo guddoo nsiiyay sanadkii 2019.

Xiriirka Kubbadda Cagta Afrika oo labadii sano ee ugu dambeysay aan bixin abaalmarintaas ayaa hadda go’aansaday inuu bixiyo dhammaadka xilli-ciyaar eedka, iyadoo markii hore la bixin jiray dham maadka sanadka.

Sadiyo Mane oo la mbarka 10-aad u xirta xulka qaranka Senegal ayay bishii Febaraayo ee sana dkan u rumowday riyadiisii ahayd inuu guul taariikhi ah usoo hoyo waddankiisa, isagoo gacan ka siiyay inay markii ugu horreysay hantaan Ko obka Qaramada Qa aradda Afrika muddo lixdan sano ah.

Xiddiggan ayaa lagu yaqaannaa inuu yahay qof aad u dabeecad wanaagsan oo aan dadka iska sarreysiin. Inta badan ciyaartoyda kale iyo dadka lacagta heysta ee isaga la midka ah wuxuu uga duwan yahay inuusan qaadan waxyaa baha qaaliga ah, sida telefoonnada lacagta badan lagu bixiyo.

Sadio Mane ayaa ka soo jeeda qoys aad sabool u ah oo markii uu yaraa caq abado badan kala kulmay dhanka nolosha.Maqaalkan waxaan ku xuseynaa ilaa 7 arrimood oo ku saabsan ciyaartoygan taageerada badan helay, qaab-ciyaar eedkiisana aadka loo jecel yahay. Wuxuu ka cararay guriga qoyskiisa si uu kubbad u ciyaaro Markii uu Mane yar aa waxa uu ku soo koray tuulo lagu magacaabo Bambali oo ku taalla Senegal.

Xilligaas qoyskiisa ma aysan u oggoleyn inuu lugtiisa ku laado kubbad.

Aabbihiis waxa uu geeriyooday isagoo toddobo jir ah, inta badanna waxaa soo koriyay adeerradiis.

Waxa uu kasoo jeedaa qoys imaamyo Muslimiin ah.

Sidaas awgeed, waxa ugu horreeya ee cunugga inuu diiradda saaro laga ra bo waa waxbarashada."

Adeerkey ma uusan rabin inaan ciyaaro sababtoo ah waxa uu u maleynayay in iskuulka uu ka muhiimsan yahay ciyaarta.

Arrintu way adkaatay, waayo ma uusan jecleysan taas," ayuu yiri Mane oo taa riikhdiisa ka sheekeynayay mar laga sameynayay dukumintari ay BBC-da diyaa risay. Mane waxa uu sharraxay sida uu ugu waal naa kubbadda, isagoo xitaa ku ciyaari jiray waxyaabo ay ka mid yihiin miraha iyo dhagax ada, isagoo carruur ah, maadd aama kubbad uusan heli karin xilligaas.

Tuuladiisa oo isagoo yar uu ka noqday cunugga ugu laacibsan waxaa looga bixiyay naaneysta 'Bal lonbuwa', ama 'bulaca kubbadda'.

Sanadkii 2008 oo ay da'diisu ahayd 16 sano jir, Mane waxa uu ka dhuuntay qoyskiisa, waxa uuna si qarsoodi ah ugu cararay magaalada Dakar, si uu hal kaas uga raadsado koox. Ugu dambeyn waa la helay, guriga ayaana lagu soo celiyay, balse waxaa la ga ballan-qaaday in sa nadka ku xiga aan iskuul loo diri doonin, waxa kaliya ee uu sameyn doonana ay noqoneyso ciyaarta kubbadda cagta.Sadio Mane

SHAQADA BULSHADA MUSLIMKA AH

Mane waxaa la sheegaa inuu lacago badan ku bixiyo sidii wax loogu qaban lahaa dadka saboolka ah ee ku nool meelo ka mid ah waddankiisa Sen egal. Lacagahaas waxaa ka mid ah kuwo lagu xann aaneeyo carruur iyo kuwo musqulo iyo hoy loogu dhisay dad dan yar ah.

Mararka qaarna isaga qudhiisa ayaaba ka qayb qaata adeegga bulshada. Mar sii horreysay waxaa hadal-heyn dhaliyay muuqaal laga soo duubay Mane oo gacantiisa ku dhaqaya masjid, arrintaas oo ay dad badan ku ammaaneen.

Dhibaatadii jawiga Yurub

Sanadkii 2011-kii, Mane waxa uu ka tagay Senegal waxa uuna ku biiray koox Faransiiska ka dhisan oo lagu magacaabo FC Metz.

Wixii ugu horreeyay ee uu ku baraarugay markii uu Yurub tagay waxay aha yd dabeysha. Mane ayaa ka sheekeeyay waxa kala qabsaday isaga iyo saaxii bbada kooxdiisa markii uu ka soo baxay qolka dhar beddelashada isagoo garan kaliya xiran.

Wuxuu garan jiray jawiga Afrika oo inta badan kuleyl ah. "Dhammaantood waxay billaabeen inay igu qoslaan anigana ma aanan fahmin,"

ayuu yiri. "Waxay i weydiiyeen, 'sidey ku dhici kar taa inaad dharkaas soo xiratid?"

Shan daqiiqo kaddibba wuxuu dib ugu cararay gudaha isagoo qarqaraya, marar kalena sidaasoo kale ayuu qaladkaas u sameyn jiray. "Gacmaha ay aan ga shtay biyo kulul. Taasi ma aysan fiicneyn. Maalintaas wax baa i qabsaday!" ayuu yiri.

XIGASHO:-BBC


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip