HALKAAN KA AKHRISO:-WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPAER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 21-KA 2022-

1
Thursday July 21, 2022 - 08:53:25 in Wararka by
  • Visits: 403
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:-WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPAER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 21-KA 2022-

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

R/W/re Xamsa oo shaaciyey inay qaadayaan dagaal ka dhan ah Al-Shabaab & Daacish

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay inay dawladda Soomaaliya ka go’an tahay inay qaaddo hawlgal iskugu jira mid milatari iyo mid aan milatari ahayn oo ka dhan ah ururrada Al-Shabaab iyo Daacish.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay Shalay kulan ay mas’ uuliyiita dawladdu la yeesh een xubno ka tirsan Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa sheegay in hawlgalka ka dhanka ah kooxahaas uu noqon doono mid xoog gan oo dhammaystiran.

Waxa uu sheegay inay ujeeddadu tahay in la xajisto guulihii la gaaray, iyo in dib loo furo jidadka ay marayso sahayda, baabuurta ganacsiga iyo dadweynaha isku safraya.

Xamza ayaa sidoo kale sheegay in dib-ha bayn lagu samaynayo maaliyadda dalka, si looga hortago maalgelinta argagaxisada.

Waxa uu uga mahadceliyey Midowga Afrika "naf-hurnimada” ay sameeyeen ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxa muud ayaa horey u sheegay in dawladdu ay doon ayso inay saddex siyaabood ku wajahdo Al-Sha baab, kuwaasi oo kala ah mid milatari, mid fikir, iyo mid dhaqaale.

Waxa uu sheegay in siyaasaddii ilaa haatan la gu soo waajahayey Al-Shabaab aysan ahayn mid ku filan, waxaana uu sheegay in siyaasadda ah in Al-Shabaab lagula hayo Soomaaliya, dhibkooda na la iska mooso ay guul darraysatay.

Maxay ka wada hadleen Guddoomiyaha Gola ha Shacabka & Guddiga Xaduudaha?

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuri yadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Shalay kulan la qaatay guddiga madax-banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka Soomaaliya.

Guddigan oo ka mid ah guddiyo dhowr ah oo sharci ahaanshahooda uu weli muran ka taagan yahay maadama aan weli golaha Aqalka sare la horgeeynin, waxayna codsadeen in loo fududeeyo howlaha shaqo ee baarlamaanka kaga xiran.

Kulanka inta uu socday ayaa guddiga waxay guddoomiyaha Golaha Shacabka la wadaageen warbixin ku aaddan shaqa maalmeed kooda aya goo Gudoomiyaha golaha Shacabka ka codsadey inuu gacan ka siiyo dhameystirka wixii shuruuc ah oo ay baarlamaanka uga baahanyihiin.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacab ka Md. Sheekh Aadan Madoobe ayaa boggaadey islamarkaana u ballan qaadey inuu ka ganan sii doono sidii ay u heli lahaayeen wax yaabaha dhanka sharciyadda kaga dhiman, Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa ku dhiira geliyay guddiga xuduudaha shaqada adag oo ay Qaranka u haya an wixii dedaal dheeraad ahna lagu bixin doono.

R/W. Xamse oo guddoomiyay Kulanka Iska ashi ga Soomaaliya & Golaha Amma anka iyo Midowga Afrika

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka ee Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa mag aalada Muqdisho ku shir-guddoomiyey kulan ku saabsan iskaashiga Soomaaliya iyo Midowga Afrika ee ammmaanka dalka iyo la-dagaallanka argagaxisada, oo uu la qaatay wakiillo ka socday Golaha Ammaanka iyo Nabadda Midowga Afrika oo soo gaaray Muqdi sho.

Ra’iisul Wasaaraha oo hadal muhiim ah ka jeediyey shirka, ayaa uga mahadceliyey Mid owga Afrika naf-hurnimada ay sameeyeen ciidam ada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa tilmaamay in ay Soomaaliya isu diyaarinayso guluf weyn oo ka dhan ah kooxaha argagaxisada, si loo furo wad dooyinka muhiimka u ah gargaarka iyo isu-soc odka, isagoo dalbaday isku-xirnaan iyo wadajir dhinaca hawlgallada ah.

Sidoo kale, waxa uu xusay in dib-habayn lagu samaynayo maaliyadda dalka, si looga hortago maalgelinta argagaxisada.

Safiirka Djibouti ee Addis Ababa, Cabdi Maxamu ud Heybe, oo hoggaaminayay xubnaha ka socday Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Midowga Afr ika, ayaa sheegay in ay la garab taagan yihiin xu kuumadda iyo shacabka Soomaaliyeed taageero buuxda.

Maxaa hortaagan in la magacaabo gola ha wasiirada maamulka HirShabeelle?

Xildhibaan Sharmaarke Xasan Ganey oo ka mid ah baarlamaanka HirShabelle ayaa si adag uga hadlay sababta illaa iyo hadda uu madaxwey ne Cali Guudlaawe usoo magacaabi la’yahay gol aha wasiirada ee dowlad goboleedka HirShabelle.

Sharmaarke Xasan oo u warramay Shabelle TV ayaa shaaca ka qaaday in ay weli jirto tabashada reer Hiiraan, wuxuuna tilmaamay in ay caqabad ku tahay maamulka iyo sidoo kale dhisida golaha wasiirada, isaga oo sheegay inay weli sii shaqeyn ayaan wasiiradii xilligii mada xweyne Maxamed Cabdi Wa are, arrintaas oo uu ku tilmaa may dib u dhac aad u weyn.

"Tabashadii weli way taagan tahay oo wax uu madaxweynaha ka xalliyey ma jiraan. Golaha was iirada sii wada waa golihii hore ee xilligii madaxw eynihii ka horreeyey isaga, sababta loogu dhiiran la’yahay in dowlad goboleedka HirShabelle wasi iro yeesho waxaan filayaa inay tahay arrin dib u dhac ah,” ayuu yiri Xildhibaan Sharmaarke Xasan Ganey.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa baaq u diray madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen, wuxuuna ka dalbaday inuu ka dhabeeyo ballan-qaadyadiii uu horey ugu sameeyey reer Beledweyne.

"Madaxweynaha dowlad goboleedka HirSh abelle waxaan leeyahay ku laabo oo qanci bulsha da aad sadkeeda ka sidato ee aadan af iyo adin toona aadan ku qancinin” ayuu yiri.

Xildhibaanka oo sii hadlaya ayaa dhanka kale weerarka afka ah ku qaaday madaxweyne ku xigeenka HirShabelle Mudane Yuusuf Dabageed, wuxuuna ku eedeeyey inuu ka gaabiyey waajib aadkii loo igmaday, gaar ahaan mas’uuliyadda ka saarneyd bulshada uu metalo.

HirShabelle ayaa haatan wajaheysa xaalado adag oo is biirsaday, sida dagaalka Al-Shabaab, abaaro iyo khilaafaad soo noq-noqday oo har eeyey maamulkaasi.

Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay Askari dilay qof Shacab ah

Maxamed Aadan Maxamed Cali (Gaduudow) ayaa loo soo xeray Dilka Allaha u Naxariistee Mar xuum Saciid Xasan Shiiqow 29-kii April ee Sanad kan kadib markii xilli Shalay ah Bishii Ramadaan ee la soo dhaaftay rasaas uu fur ay uu ku dhintay Marxuum Saciid Xasan Sheeqow oo afur u soo ra adsaday Xerada Agoonta Boliiska Raashin loogu qaybinayay Bulsh ada kaalmada u Baahan.

25-kii May sanadkan ayay Ciidamada Amniga ku wareejiyeen Eedeysanaha Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, isla xilligaasi ayuu Garsoorka Ciidamada Ogolaa day in Xabsiga dhexe loo gudbiyo Garsuge aha an.

Baaris dheeraad ah oo ay wax uga waydiiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida Maragyadii goob joogga u ahaa dhacdadan iyo Ehellada Marxuumka kadib, Billowgii Bishan ayaa Xafiiska laga Ogolaaday fadhigii ugu horreeyay Ee Maxakamad Qaadista Dable Maxamed Aadan Maxamed Cali Gaduudow oo ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka gaar ahaan Ururuka 143-aad ee Guutada 14-ka October.

Qareenka U doodayay Eedeysanaha ayaa Maxkamadda ka Codsaday in laga Qaado Magta Marxuumka Maadaama Uu Qiraal yahay.

Fadhiya kala Duwan Maxkamadda Ciidamada ayaa ku xukuntay Maxamed Aadan Maxamed Ca li "Gaduudow” Dil-toogasha ah oo ah Qisaasta Ma rxuum Saciid Xasan Shiiqow, Sida uu dhinacyada Dacwadda u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muunin oo ka tirsan Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa Haysta fursad uu ku dalb an karo Rafcaan.

Hirshabeelle Oo Xilkii Ka Qaaday Duqii Jowhar & Mid Cusub Oo La Magacaabay (Wareegto)

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta dowlad Goboleedka Hirshabee lle Maxamed Cali Caadle ayaa xilka qaadis ku sa meeyay Duqii Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle Saalax Muudeey Cali oo xilkaas haayey.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiir Maxamed Caadle ayaa xilkii looga qaaday Duqii Jowhar, isla markaana waxaa isla waregtada xil ka Duqa cusub ee Magaalada Jowhar loogu mag acaabay Maxamuud Xasan Barriise, kaasi oo be delaya Saalax Muudeey.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta dowlad Goboleedka Hirshabeel le ayaa dhammaan hay’addaha amniga iyo shac abka Gobolka Shabeellaha Dhexe faray inay la shaqeeyaan mas’uulka cusub ee la magacaabay.

Wareegtada ayaa waxaa lagu sheegay in sab abta keentay magacaabista Duqa cusub ee M/ Jowhar ay tahay in baahi loo qabo dardar-gelinta howlaha shaqo ee Caasimadda Maamulka Hirsha beelle, iyadoona arrintaas latashi laga sameeyay.

Hoos ka Akhriso Waregtada magacaabista.


Awaamiir laga soo saarey nabad-gelya da magaalada Boosaaso

Kullan ay isku yimaadeen maamulka gabolka Bari oo u shir guddoominayay gudoomiyaha gab olka Abdirsaaq Saciid ali (Shaahdoon) oo muddo labbo maalmood ah socanayay ayaa laga soo saaray qoddobo muhiim ah.

Qodobadaas ayaa taaban aya amniga guud ahaan gabolka iyo degmada wa xaana ay diiradda saarayaa sidii loo xaqiijin lahaa amaanka iyo nabad-gelyadda xarunta gobolka Bari.

Amaradda kulankan laga soo saaray waxaa kamid ahaa in ciidamadda amaanka ay ilaaliyaan mas’uuliyadda oo aysan abuurin isku-dhacyo ciidamada dhexdooda ah.

Dhawaqan ayaa kusoo beegmaya xili dhawa an magaaladda Boosaaso ay ka dhacday shaqa aqo ay ku dhinteen dad rayid oo dhexmartay ciid ama PSF iyo PMPF ee booliska badda Puntland.

Tacshiiradaas ayaa waxay ka dhallatay safar kii aysan dowladda Puntland ka war hayn ee gud doomiye ku xigeenka Golaha Shacabka baarlam aanka Soomaaliya, Sacdiya Yaasiin Samatar, ay ku tagtey Boosaaso.

Awaamiita kale ee laga soo saaray kulanka Boosaaso waxaa kamid ahaa xakamaynta hubka sharci-darada, la dagaalanka khamriga iyo la dagaalanka kooxaha argagixisadda ah.

Maamulka gabolka Bari ayaa balanqaaday in ay gacan-bir ah ku qaban doonaan cid kasta oo khalkhal galisa amniga waxayna intaas ku dareen in laga feejigan yahay dhagarta argagixisada Al-Shabaab iyo Daacish oo si dhuumaaleysi ah ku shaqeysta.

Dowladda Jarmalka oo 5 milyan Dollar ugu deeqday Soomaaliya

Dowladda Jarmalka ayaa Soomaaliya ugu dee qday 5 milyan oo doolar si kor loogu qaado awoo dda dalka uu u leeyahay in tallaal nafo lagu badb aadinayo la gaarsiiyo buls hooyinka fogfog iyo kuwa ay adagtahay in la gaaro.

lacagtaan ayaa qayb ka ah dadaallada Hay’adda UNI CEF ay kula jirto dowladaha caalamka si ay tallaalada u gaarsiiyaan meelaha fog-fog ee miyiga iyo deegaannada ku xeeran iyo dadka ku barakacay abaaraha iyo colaadaha.

"Jarmalku waxa uu arkaa muhiimadda ay leedah ay in qof walba iyo meel kasta la gaaro.waxa ay muujisay in tani ay muhiim tahay, abaarta hadda jirtana ay mar kale caddaynayso,” ayuu yiri Martin Stein, Madaxa Gargaarka Bani’aadamnimada ee Soomaaliya ee safaaradda Jarmalka ee Nairobi.

"Waxaan u baahanahay gargaar degdeg ah laak iin uma baahnin inaan dayacno dadaalkayaga ku aaddan dhisidda kaabayaal waara. Covid-19 ma noqon doonto xaalad degdeg ah oo caafimaad oo u dambaysa, nasiib darrose abaarta hadda ayaa noqon doonta tii u dambaysay.

lacagtaan ay bixisay dowladda Jarmalka ay aa ka taageeri doonta Wasaaradda Caafimaad ka Soomaaliya si ay u balaariso barnaamijkeeda tal laalka COVID-19 iyada oo la abuurayo kaabayaal caafimaad si ay u taageeraan barnaamijyada tall aalka ee kor loo qaaday ee cudurrada kale sida jadeecada iyo oof wareenka. Kor-u-qaadista CO VID-19, iyada oo beegsan doonta dadka ku nool kaamamka barakacayaasha gudaha, xaafadaha magaalada, iyo bulshooyinka miyiga ah. Qorsha ha waxaa ka mid ah in la geeyo tallaallo wareeg ah oo si gaar ah u bartilmaameedsada dadka reer guuraaga ah iyo bulshooyinka fogfog. Tabarucaa da dowladda Jarmalka waxa ay ku soo beegantay xilli boqolkiiba 10 ka mid ah dadka ku nool Soom aaliya si buuxda looga tallaalay COVID-19, taas oo aad uga hoosaysa bartilmaameedka WHO ee 70 boqolkiiba bartamaha sanadkan 2022.

Midowga Yurub oo 13.5 milyan oo Yu uro ku taageeray Soomaaliya

Midowga Yurub ayaa lacag dhan 13.5 milyan oo Yuuro ku taageeray miisaaniyadda dowladda Federaalka Soomaaliya Lacagtan oo ah 13.5 Milyan oo Yuuro oo lagu shubay qasnadda qar an ka ayaa qayb ka ah 92.9 milyan oo Yuuro taa ge ero miisaaniyadeed iyo barnaamijka deyn caf inta Soomaaliya oo uu maalgeliyay Midowga Yu rub oo markii ugu horreysay la isku raacay 2018. Kaa lmadan ayaa ka kooban qaybo joogto ah iyo kuwo isb eddel aya, tan dambe waxay ku xi ran tahay horumar lagu sam eeyay dib-u-habayn dhaqaale iyo bulsho lagu he shiiyey.

Taageerada tooska ah ee EU-da ee miisaani yadda federaalka waxaa looga golleeyahay in lagu taageero hirgelinta Qorshaha Horumarinta Qaranka ee Soomaaliya (NDP-9) iyo taageeridda dib-u-habaynta dhaqaalaha ee lagu gaarayo Dha maystirka Heerka

Ilhaan Cumar Oo Ka Hadashay Sababta Kee tay Inay Xiraan Booliska Mareykanka

Ugu yaraan 17 xubnood oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ee Congress-ka Mareykanka ayaa la xiray, xilli ay ka qeyb galayeen mudaaharaad ay ku taageerayeen xuquuqda ilmo iska soo ridi dda kaasi oo ka dhacay Washington DC. Alex an dria Ocasio-Cortez,

Rashida Tlaib iyo Ilhaan Cumar ayaa ka mid ahaa dadka lagu xiray xilli ay dibadbax ka dhigay een meel u dhaw Maxkamadda Sare. qoraal ay barteeda Tweetar-ka soo dhigtay ayay Ilhaan ku xaqiijisay xarigeeda.

"Shalay waxa la i xiray aniga oo ka qayb qaa danaya dibadbax shacab, waxaa la xiray aniga iyo xubnaha kale ee Congress-ka ka tirsan meel ka baxsan Maxkamadda Sare,” ayay Ilhaan ku tiri qoraal ay soo dhigtay barteeda Tweerar-ka.

Ilhaan Cumar oo ka mid ah Congreska Marey kanka ayaa sidoo kale qoraalkeeda ku sheegtay inay sii wadi doonto dadaalka ay ugu jirto inay haweenka Mareykanka helaan xaq ay caruurta isaga soo ridi karaan.

"Waxaan sii wadi doonaa inaan sameeyo wax kasta oo aan awoodo si aan u kiciyo qaylo dha anta ku saabsan weerarka lagu hayo xuquuqde ena dhanka taranka!”, ayay intaa ku dartay.

Muuqaal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ay aa la arkayay Ilhaan Cumar iyo xildhibaano kale oo iska dhigaya sida in garba-duub loo xiray isl amarkana dibadbax ka dhigaya afafka hore ee maxkamada sare.

Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa ka mid ah xubn aha xisbiga Dimuqraadiga ee sida wayn ugu olo leynaya in dumarka xaq loo siiyo in ay ilmaha iska soo ridaan. Booliska Mareykanka ayaa dhankoo da xaqiijiyay inay xireen 35 qof oo ay ku jiraan 17 xubnood oo ka tirsan aqalka Congress-ka.

Dhimasho & dhaawac ka dhashay qarax ka dhacay degmada Afgooye

Qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagu Aaso oo meelaha fog fog laga hago ayaa gudaha deg mada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa Shalay lagula eegtay Ciidamo katirsan Bo oliska degmadaas, waxaana ka dhashay khasa aro dhimasho & dhsawac ah.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in Ciidamada xil liga qaraxa lala beegsanayay ay marayeen wada da ka timaada dhinaca Haantadheer ee gasha Su uqa Ariga & khudaarta, waxaana ku geeriyooday qaraxa hal Askari iyo kaaba markhaatigii Suuqa khudaarta oo Magaciisa lagu soo koobay Muqtaar halka Saddex kale oo qof kamid ah uu yahay shacab ay ku dhaawacmeen.

Ciidamada Booliska ee qaraxa lala beegsaday ayaa socdaalkoodii iska sii watay kadib saacado ay u xirneyd wadada oo inta badan maraan dadka ka Ganacsada Suuqa Khudaarta iyo Ariga iyo kuwa u adeeg doonta.

Dhowr jeer ayaa sidaan oo kale wadada u dhaxee ysa Haantadheer iyo Suuqa khudaarta ee degma da Afgooye qaraxyo lagula eegtay Ciidamo katirs an Booliska degmada, kuwaas oo waxyeelo ka soo gaartay.

Qaraxaan ka dhacay Shalay degmada Afgoo ye ayaa kusoo aadaya xilli Todobaadkaan uu deg madaasi booqday Guddoomiyaha Gobolka Shab eellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax, isaga oo Maamulka degmada kala hadlay sidii loo sugi lahaa Amniga loogana hortegi lahaa dilalka ka dhaca degmada.

Baarlamaanka dalka Sri Lanka oo Madaxwe yne cusub doortay

Baarlamaanka dalka Sri Lanka ayaa ra’iisul wasaarihii hore Ranil Wickramesinghe u doortay xilka madaxweynaha, ka dib doorasho manta ka dhacday caasimadda wadankaas ee Colombo.

Ninkan oo horey lix jeer ra’isul wasaare u soo noqday ayaa heley 134 cod, halka Dullas Alahap peruma oo kamid ahaa raggii la tartamay ay u cod eeyeen 82 mudane oo ka tirsan baarlamaanka.

Dalka Sri Lanka ayaa xasilooni la’aan siyaasade ed ku jirey tan iyo markii dadweyne ka caraysan dhibaatada dhaqaale ee dalkaas ka jirta ka ban aan baxayay ay xilka ka tuureen madaxweynihii hore Gotabaya Rajapaksa.

Dalka Sri Lanka oo ku yaala qaaradda Asia ay aa waxaa ku nool 22 milyan kuwaas oo ay si we yn u saameysay dhibaatada dhaqaale ee dalkaas oo wajahday, haba ugu sii darnaadaane qiimaha shidaalka iyo cuntooyinka oo aad u kordhay.

Maadaama uu kamid ahaa dowladdii xukunka laga tuurey, lagama filaayo in ay soo dhaweeyaan mudaaharaadiyaashii qabsaday dhismiyaashii dowladda oo ay ku jirto madaxtooyada isla marka ana kuqasbay madaxweynihidalka inuu baxsado.


Ismaaciil Cumar Geelle oo sheegay waqtiga uu xilka ka dagayo

Muddo 23 sano ah ayuu Ismaaciil Cumar Ge elle xukumayay dalka Jabuuti oo ay ku nool yihiin shacab tiradoodu dhan tahay hal milyan oo ruux, balse hadda waxa uu ku dhawaaq ay waqtiga uu ka dagayo xilka.

Wareysi gaar ah oo uu Madax weyne Geelle siiyay BBC-da ayuu uga hadlay arrimo ay ka mid yihiin qorsheyaasha dowladdiisa, mucaaradka, sicirka nolosha, kobaca, halista kooxaha jihaad doonka ah, xiriirka Soomaaliya iyo xasaradaha Itoobiya.

Ismaaciil Cumar Geelle waddankiisa waxa uu bu undo uga dhigay ganacsiga ay dowladda Shiin aha la wadaagto qaaradda Afrika, sidaasna waxa uu ku noqday marinkeeda cusub.

Balse dadka kasoo hor jeeda waxa ay maam ulkiisa ku qeexeen mid shacabka muquuninaya oo ka hor istaagaya waxyaabaha ay xor u yihiin.

Wariyaha BBC-da, Nicolas Négoce, oo dhowr oo wareystay Madaxweynaha Jabuuti ayuu u shee gay in uu xilka wareejin doono sanadka 2026-ka, oo ku beegan marka uu dhammaado muddo xile edka hadda u socda.

Taas ayaa ka dhigan in Geelle uusan mar kale usoo istaagi doonin tartanka doorashada madax weynaha marka ay doorashada xigta dhacayso

Midowga Yurub iyo dalka Azerbaijan oo heshi is kala saxiixday

Midowga Yurub ayaa dalka Azerbaijan la sax eexday heshiis isfahan hordhac ah oo lagu jiba arayo gaaska dabiiciga ah ee ay kala soo degaan waddankaasi.

Heshiiska ayaa u ogol aan doona in Midowga Yurub uu Azerbaijan ga aska kasoo iibsado ilaa sannadka 2027-ka, iyada oo kharajka ku kacay ana uu gaari doono balaayin dollar.

Midowga Yurub ayaa bilihii dhowaa isku daya yey inuu yareeyo ku tiirsanaanta gaaska Ruush ka, si dhaqaalaha looga yareeyo Moscow sababo la xiriira duulaanka ay ku qaaday Ukraine.

Ciidamada Booliska Kenya oo toogtay Saddex Ruux gacantana ku dhigay hub

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa wax aa is rasaaseyn ku dhexmratay Ciidamada Bool iska dalkaas iyo kooxo hubeysan oo la she egay inay ahaayeen Burcad dadka dhac u geysa nayay.

Dhacdadaan ayaa ka dhacday waddada wayn ee Mombasa Road, waxaana ciidamada Booliska ay ku guuleysteen inay toogtaan Saddex kamid ah raggi hubeysnaa.

Saraakiisha Waaxda dam bi baarista ee DCI-da ayaa qoraal ku sheegtay in sara akiishu ay ka falcelinayeen xog ay ka heleen Shacab ka ee ahaa in raga la toogtay ay dhac geysan ayeen.

Ciidamada ayaa la kulmay tuhmanayaasha xilli ay dhac gaysanayeen.

Saraakiisha Waaxda DCI-da ayaa intaasi ku daray in askarta ay eedeysanayaasha ka dalbad een inay isa soo dhiibaan balse kooxda ay ciida mada ammaanka rasaas ku fureen taasoo keentay inay ka jawaabaan. Goobta howlgalka laga fuliyay ayay ciidamadu ka soo heleen agab ay ka mid yihiin bastoolad, taleefoonno dhan toddobo iyo kombiyuutar.

Wararkii ugu dameeyay ee nasoo gaaraya ay aa sheegaya in Meydadka saddexda qof ee ay ciidamadu toogteen la geeyay goobta meydadka la dhigo ee city mortuary ee magaalada Nairobi si loo aqoonsado, waxaana jira rag kale oo Boolisku ay ku raad joogaan.

Odayaasha & Culimada Somaliland oo soo far ageliyay khilaafka Xukuumadda & Mucaaradka

Kadib markii ay burbureen wada-hadalladii u dhaxeeyay Xukuumadda Somaliland ee uu hogg aamiyo Madaxweyne muuse biixi Cabdi iyo Xisbiy ada mucaaradka ayaa waxaa dhex-dhexaadin ka dhex bilaabay qaar kamid ah Odayaasha dhaq anka & cullimada Somalil and.

Qaar kamid ah odayaa sha Dhaqanka iyo Culli mada oo Shalay Warbaa hinta la hadlay ayaa wax aa ay sheegeen in dhowrjeer ay isku dayeen inay xaliyaan labada dhinac, balse ay kalsooni ka waa yeen dhanka xukuumada arrintaasna ay u daay een golaha Wakiilada & guurtida, hayeeshee ugu dameyn ay Dorraad ka warheleeen in wada-hada lladii burbureen. Mid kamid ah Odayaasha dhaqanka oo ay u wakiisheen in uu hadlo ayaa ka dalbadayGuddo omiyeyaasha Golayaasha Wakiilada & guurtada inay bulshada u cadeeyaan waxa sababay inay wada-hadallada burburaan & cidda ay ka socon weeysay.

Waxaa ay usoo jeediyeen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi in uu xal u raadiyo arrinta taagan ee la xiriirta sida loo soo kala hormarinayo doorashooyinka Ururada iyo tan Madaxweynaha hadii kale wixii dhibaato ah ee dhasha uu mas’uuliyadeeda qaadayo.

Dhankooda Xisbiyada mucaaradka ayuu ugu baaqay hadii ay yihiin kuwo daneynaya inay Madax ka noqdaan Somaliland inay aqbalaan in ay noqdaan kuwo ka Shaqeeynaya nabadda iyo xasiloonida, isaga oo Shacabka ka codsaday in iyagu ay ilaashadaan amnigooda.

Khilaafka u dhaxeeya Xukuumadda Somaliland iyo Xisbiyada mucaaradka ayaa maalmihii la soo dhaafay sii xooeysanayay kaas oo salka ku haaya arrimaha doorashooyinka oo mucaaradka ay sheegayaan in Madaxweyne Muuse Biixi uud oonayo muddo kororsi.

Fah Faahin: Koox Hubeysan Oo Dil Ka Geysatay Xaafad Ka Tirsan Magaalada Baladweyne

Wararka aan ka heleyno Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in xaafad ka tirsan Magaaladaas lagu dilay Askari ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo kamid ahaa Ciidanka ka howlgala Baladweyne.

Dad ayaa waxaa ay kusoo warrameen in rag dhallinyaro oo watay Bastoolad ay rasaas ku fureen Askariga ka tirsanaa Ciidanka dolwadda, xilli uu ku sugnaa xaafadda Buunda-weyn ee Magaalada Baladweyne, waxaanagoobta ka baxsaday raggii dilka geystay. Goobta uu falku ka dhacay ayaa waxaa sida cadaada aheyd mararka ay dhacaan dilalka tegay Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Magaalada, isla markaana qaaday Meydka Askariga la khaarijiyey, sidoo kalena waxaa la sheegay in la sameeyay howlgal aan wax natiijo kasoo bixin.wararka ayaa intaas kusii daraya in dadkii ka dambeeyay dilka Askariga ay horey usoo qaateen qori AK-47 oo uu watay Askarigaas la toogtay, Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa horey loogu dilay Nabaddo ono, Askar iyo xubno kale.

Madaxweyne Biixi Oo Jawaab Ka Bixiy ey Cabashada Mucaaradka Somaliland Ee Doorashada

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka u sharraxay ujeeddada ay salka ku hayso cabashada kasoo yeereysa axsaabta mucaaridka ah ee ku saabsan hirgelinta doorashooyinka kusoo foolka leh.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay munaasabad, ayaa ugu horrayn bulshada usoo jeediyey inaanay dhib we yn u arkin buuqa siyaasad eed ee taagan, shaqada xisbiyaduna tahay dood iyo kala jiidashada shacabka,

Wuxuu axsaabtana ugu ba aqay inaanay marnaba ka tegin milgaha iyo sharafta, waxana uu yiri ,"Shac aboow mid ogaada, yaan laga sasin buuqa iyo mu ranka asxaabta, waana meel talo lagu wadaagayo oo ra’yiyo kala duwan baa la isla jiidaya , laakiin ma aha meel lagu ducaysto oo masaajidka oo kale ah, doodda xisbiyada iyo muranka xisbiyadu waa xaq dastoori ah, waana waxa aynu u abuura nnahaye waa inaynu aqbalnaa.

Madaxweynuhu ayaa waxa uu sheegay in aan lagu socon Karin rabitaanka cid gaar ah, sharciya dda aanay taas sinaba u yeelaynin,"Haddii ay doo ddu inaga gasho waxaan doonayo oo aan helo mooyaane waan duminayaa, taas diintuna ma oggola dastuurkuna ma oggola, sharcigana ma oggola oo doon baynu wada saarannahay,

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cab di, waxa uu si gaar ah uga hadlay doodaha axs aabta mucaaradku aaminsan yihiin iyo sida ay qo dobada ay cuskanayaan u jaban yihiin, isaga oo caddeeyey in sharciyadda iyo go’aamadii maxka madda sare soo saartay aan dhannaba loo dhaafi Karin,

Madaxweynuhu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas ku daray,"Qodobka labaad ee aa nu isku haynaa waxa weeye doorashadii madaxw eynaha waqtigeedii halla qabto, yaase diiddan, in doorashadii madaxweynaha waqtigeedii la qabt ana waxa muddayn kara Komishanka doorasho oyinka, guddidii doorashooyinka oo dhexdooda khilaaf ka yimi oo shaqadii ka wada tagtayna deg deg baan usoo magacaabay, waxana aan u diray Baarlamaanka, labada xisbi ee mucaaridka ah baan ugu badan golaha, saddex buu Baarlamaan ku diiday, saddexdabana cidda diidday waxay ahaayeen xisbiyada mucaaridka ah.”

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu mucaaradka ugu baaqay inay fasaxaan xubnaha Komishanka doorashooyinka ah ee ay xildhibaa nnadoodu soo celiyeen, si loo dardargeliyo door ashooyinka, maaddaama oo ay komishanku u dub-dhexaad u yihiin dhamaanba doorashoyinka.

Ugu dambayntii madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, waxa uu caddeeyey inuu mar kasta diyaar u yahay in la wada-hadlo, faq iyo fag aarena la isku arko, isaga oo ka digay isku day kasta oo ka hor imanaya shuruucda.qq


Ruushka oo ku dhowaaqay isbeddel weyn oo ku yimid qorshihii dagaalka Ukraine

Wasiirka Arrimaha Dibedda Ruushka Sergei Lavrov ayaa Shalay sheegay in howlgalka militari ee Moscow ee Ukraine uu dhaafsiisnaan doono gobolka Bari ee Donbas, taasi oo caddeyn u ah inuu ballaaranayo dagaalka.

Wareysi uu siiyey Wakaaladda Wararka RIA Novosti, ayuu Levrov ku sheegay in xaqiiqooyinka Juqraafi ay isbeddeleen tan iyo markii Ruushka iyo Ukraine ay wada-hadallo ku yeesheen Turkey dabayaaqadii March, kuwaasi oo aan miro-dhalin.

Xilligaas, waxa uu sheegay, in diiradda ay aheyd gobollada Jamhuuriyadaha isku magacaabay ee Donetsk iyo Luhansk ee Bariga Ukraine, kuwaasi oo Moscow ay sheegtay inay ka sifeyneyso ciidamada Ukraine.

"Hadda xaqiiqada juqraafi waa ka duwan tah ay sidaas, wayna ka fogtahay Jamhuuriyadaha DPR iyo LPR, waxaa sidoo kale ku jira gobollada Kherson iyo Zaporizhzhia iyo tiro kale oo dhul ah,” ayuu yiri Levrov.

"Hanaankan wuu socdaa, farsamo ahaan iyo joogteyn ahaan,” ayuu yiri, wuxuuna intaas ku daray in Russia laga yaabo inay ku siqdo dhul ka le oo baaxad leh oo ka mid ah Ukraine.

"Haddii Reer Galbeedka ay sii wadaan carado oda, oo ay damcaan inay xaaladda sii xumeeyaan ayaga oo hub ku guraya Ukraine, taasi waxay ka dhigan tahay in howlgalka militari uu dhaafi doono xariiqda iminka.”

Levrov waxa uu wacad ku maray in Russia ays an u ogolaan doonin madaxweynaha Ukraine Vol odymyr Zelensky ama cid kasta oo beddeshay in ay dhulkeeda ama dhulka DPR ama LPR ku halis geliso gantaallada riddada dheer.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Ruushka ayaa ah shaqsigii ugu xilka sarreeyey ee si furan uga had la qorshaha dhuleed ee Moscow ee duulaan ka Ukraine, ku dhowaad shan bilood kadib markii Put in uu iclaamiyey dagaalka.

Putin wuxuu xilligaas sheegay inuu doonayo inuu Ukraine ka sifeeyo Naaziyiinta kana dhigo mid militariga ka caagan, taasi oo Reer Galbeed ka ay ku qeexeen mid loogu qiil dayayo dagaal is-ballaarin.

Kadib markii looga adkaaday isku daygii qabsa sho ee caasimadda Kyiv, wasaaradda difaaca Ru ushka waxay 25-kii March ku dhowaaqay inuu soo dhammaaday wejigii koowaad ee "howlgalka militari ee gaarka ah, ayna diiradda saari doontoo " ku guuleysashada hadafka ugu weyn ee ah xor eynta Donbas.”

Afar bilood kadib waxay la wareegtay Luhansk oo ah mid ka mid ah labada gobol ee Donbas ka kooban yahay, balse aad ayey uga fogtahay qa bsashada gobolka kale oo ah Donetsk.

Gantaallo laga soo riday Turkiga oo ku dhacey dalka Ciraaq.

Telefishinka dowladda Ciraaq, ayaa sheegay in siddeed qof oo ay ku jiraan labo carruur ah ay ku dhinteen, 23- kalana ay ku dhaawacmeen, ka dib markii Turkigu ay ku garaaceen madaafiic gob olka Zaho ee waqooyiga dalkaas.

Mushir Bashir oo ah mas’uul katirsan gobolka, ayaa wakaaladda wararka AFP u sheegay in dad ka dhintay ay u badnaayeen "dalxiisayaal ka yimid bartamaha iyo koonfurta dalkani.

Mushir Bashir ayaa sheegay in tuuladooda in laba jeer ay kusoo dhaceen madaafiic.

"Madaafiicda Turkiga ayaa sideed qof ku dilay, 23 kalana way ku dhaawacmeen deegaan loo dal xiis tago ee Parakh,” sida uu sheegay Bashir.

Sarkaal katirsan ismaamulka Kurdida, ayaa sidoo kale sheegay in shan qof ay ku dhinteen dabka.Bashir waxa uu intaa ku darey in dalxiisa yaashu ay u yimaadeen tuulada buuraleyda ah ee Parakh, si ay uga badbaadaan kuleylka ba’an ee ka jira koonfurta dalka Ciraaq.

Amiir Cali oo ka tirsan saraakiisha caafimaad ka, ayaa sidoo kale warbaahinta u sheegay in dadka dhintay ay ku jiraan saddex rag ah, iyo sad dex dumar ah iyo sidoo kale labo carruur ah.

Ilo wareed katirsan wasaaradda difaaca qaranka Turkiga oo la hadlay AFP, ayaa sheegay inuusan waxba kala soconin madaafiicda lagu garaacay goobta.

Turkigu ayaa tan iyo bishii April waday hawlgal ka Claw-Lock, ee ka dhanka ah xubnaha PKK ee waqooyiga Ciraaq.

Maxay tahay sababta uu madaxweynaha Ukra ine xaaskiisa ugu diray Mareykanka?

Marwada koowaad ee Ukraine, Olena Zelen ska, ayaa Maraykanka u joogta shirar heersare ah oo xiriir ah iyadoo khudbad u jeedisay Congress-ka.

Booqashadeeda ayaa ku soo beegantay afar bilood ka dib markii ninkeeda, Ma daxweyne Volodymyr Zelen sky, uu khudbad fogaan-ar ag ah u jeediyay Congress-ka, isagoo raadinaya qalab milatari oo dheeraad ah.

Sida uu Aqalka Cadi sheegay Ms Zelenska ay aa Isniintii la kulantay Xoghayaha Arimaha Dib ada Antony Blinken waxaana lagu wadaa in ay wadahadal la yeelato dhigeeda Jill Biden Talaad ada.

Dagaalka Ukraine: Madaxwaynaha dalka Ukr aine oo codsi u diray Israa'iil

Ilaa hadda maxaan ka ognahay dagaalka Ukraine? maxaa dhacay?

Waxaa lagu wadaa in xildhibaannada ay khu dbado ugu jeediso Capitol Hill Arbacada.

Kulanka Talaadada ayaa noqon doona markii labaad ee ay kulmaan labada marwo koowaad, ka dib markii Dr Biden uu booqasho aan la shaacin ku tagay Ukraine bishii May.

Ms Zelenska jago rasmi ah kama hayso dawl ada Ukraine. Balse ka dib ku dhawaad shan bi lood oo uu Ruushku ku jiray dagaalka Ukraine, Kyiv waxa ay aad u danaynaysaa in ay caawimo milatari iyo taageero siyaasadeed oo dheeraad ah ka raadsato Maraykanka.

Koongareeska ayaa horey Ukraine ugu ansixi yay ku dhawaad $40bn oo gargaar ah taas oo la gu wado in si buuxda loo gaarsiiyo dhammaadka Sebtembar.

Isniintii, Ms Zelenska ayaa sidoo kale la kulan tay Samantha Power, oo ah madaxa Hay'adda Horumarinta Caalamiga ah ee Maraykanka.

Hay'adda ayaa balaayiin dollar siisay dowla dda Ukraine, si ay uga taageerto baahiyaha bini' aadantinimo, iyo sidoo kale ka shaqaynta sidii wax looga qaban lahaa cunto yarida adduunka oo uu sii xumeeyay dagaalka Ruushku.

Kenya Oo U Tababaraysa Geel Ka Hortagga Miinooyinka

Dowlada Kenya ayaa bilowday inay u tababar to geella sidii loogaga hortagi lahaa miinooyinka dhulka lagu aaso ee geysta qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.Illaa 200 oo neef oo geel ah ayaa la aqoonsaday, la daweeyay, laguna tab abaray inay diyaar u noqdaan qorshahaan loog aga hortagayo miinooyinka.

Geella ayaa loo tababarayaa in ay meel fog ka ogaadaan waxyaabaha qarxa oo si ay ugu baraarugaan wadayaasha. Waxaana lagu soo bandhigay degmada Isiolo dhawaan geelan loo carbiyay ka hortagga miinooyinka.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa u xilsaar ay kooxda Calvary Team, oo ah koox ku cusub ciidamada booliiska dalka Kenya. Kooxdan ayaa lagu tababaray meelo kala duwan oo ay ku jiraan dhulka hoose iyo midka sare iyo kuwo qalalan, si ay ula qabsadaan xaalad kasta.

Goobaha waxaa ka mid ah Cherengany Hills, Mombasa, Mandhera, Isiolo, Taita Taveta iyo Nai vasha, sida ay saraakiishu sheegeen. Tobankii sa no ee la soo dhaafay, waxaa meelo ka mid ah dal ka Kenya ka dhacayay qatarta weeraro loo adeeg saday walxaha qarxa.

Tirakoobyada rasmiga ah ayaa muujinaya in Kenya ay ku weyday in ka badan 100 ka mid ah saraakiisha ammaanka iyo laba jibaar dad rayid ah oo lagu dilayqaraxyo la soo dhigay wadoyinka.

Ma cadda inta ay qaadan doonto in wax laga qa bto khatarta hadda ka taagan xuduudka dheer ee Kenya iyo Soomaaliya iyo amni darada ka jirta.

PAKISTAAN: DOONI AROOS OO QALIBAN TAY AYAA SABABTAY DHIMASHADA 18 HAWEEN AH.

Pakistan ayaa ku dhawaaqay in dooni ay la socdeen 100 qof oo isku qoys ah oo u socday xaf lad aroos ay ku degtay wabiga Indus Isniintii, halk aas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 18 haween ah halka tobanaan qofna wali la la’yahay.

Maamulka ayaa sheegay in doonida ay degtay xilli ay dad qoys ah oo aroos ka soo qaaday Mashka kuna socotay deegaanka Kharoor oo ka tirsan degmada Sadiqabad ee gobolka Punjab.

Rana Kashif Maxmuud oo ah afayeenka maamu lka degmada Sadiiqabad ayaa sheegay in shilkan uu sababay dhimashada 18-haween ah, kuwaasi oo la xaqiijiyey inay dhinteen, halka inta u dhaxay sa 25 ilaa 30 qof ay ka badbaadeen kadib markii Dadka degan hareeraha webiga ay soo badbaad iyeen, halka qaar ay u suurtagashay in ay dhulka ku gaaraan dabaal. Afayeenka ayaa intaa ku dar ay in kooxaha gurmadka ay wadaan baadigoobka dadka maqan.

Dhanka kale sarkaal u hadlay Booliiska oo lagu magacaabo Mohamed Hammad ayaa u she egay wakaaladda wararka ee AFP in "inta badan dadka qariqmay ay yihiin haween,” sababtoo ah "ragga intooda badan waxay ku fiican naayeem dabaasha.” Ayuu yiri.

Dadka reer miyiga ah ee Pakistan ayaa inta badan isticmaala doomaha, maadaama ay aad u adag tahay isticmaalka gaadiidka wadooyinka oo go’an ama raf ah awgood.

In Haweenku baran waayaan Dabaasha ayaa loo sababaynayaa dhaqamada soo jireenka ah ee Shacabka Pakistaan, kaa oo aanan soo dhawayn in Haweenku ay dabaashaan ama galaan Biyaha si ay u dabaal bartaan.

XIGASHO:SONNA.SO


WARIYE YAHUUDI AH OO SI QARSOODI AH KU GALAY MAKKA IYO XIISAD KA DHALATAY


Suxufi Israa’iili ah ayaa baahiyay muuqaal uu ka soo duubay magaala da Makka ee dalka Sacuudiga, isagoo iska indha tiray mamnuucidda dad ka aan muslimiinta aheyn ee soo galaya M/barakeysan ee Islaamka.

Telefishinka Channel 13 ee laga lee yahay Israa’iil ay aa Isniintii sii daayey warbixin uu kasoo muuqday tifaftir ahoo da wararka adduunka Gil Tamari oo dhex wareega ya magaalada barakeysan, islamarkaasna soo duubayo meelo la yaqaano oo ku yaalla Makka.

Wariye Tamari ayaa muuqaal iska soo duubay isagoo dhaafaya Iridka qadiimiga ah ee Makka, kaas oo calaamad u ah halka laga soo galo mag aalada, meesha laga mamnuucay inay dadka aan Muslimka ahayn soo galaan iyo halka laga galo Masjidka bareykan oo ah meesha ugu qiima ha badan Islaamka.

Sidoo kale, wuxuu sawir selfie ah isaga qaaday buurta Carafa oo ah buur ku taala duleedka magaalada Makka halkaas oo uu Nebi Muxamed naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee ka jeediyey khudbaddiisii ugu dambeysay, waana goobta ay isugu yimaadaan muslimiinta inta la gu guda jiro gudashada waajibaadka Xajka ee sanadlaha ah.

Waxaa guud ahaan mamnuuc ka ah dadka aan muslimka ahayn inay soo galaan gudaha magaalada Makka iyo qeybo kamid ah magaalada barakeysan ee Madiina, haddii uu qofka aan muslimka aheyn isku dayo inuu galana wuxuu la kulmaa ciqaab ay ka mid tahay ganaaxyo iyo mas aafurin.

Aayad qur’aan ah ayaa looga mamnuucay Mushrikiinta inay galaan dhulka Xaramka:

يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓا۟ إِنَّمَا ٱلْمُشْرِكُونَ نَجَسٌۭ فَلَا يَقْرَبُوا۟ ٱلْمَسْجِدَ ٱلْحَرَامَ بَعْدَ عَامِهِمْ هَـٰذَا ۚ وَإِنْ خِفْتُمْ عَيْلَةًۭ فَسَوْفَ يُغْنِيكُمُ ٱللَّهُ مِن فَضْلِهِۦٓ إِن شَآءَ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ عَلِيمٌ حَكِيمٌۭ ٢٨

Tamari wuxuu ka mid ahaa saddex wariye oo Israa’iili ah oo loo oggo laaday inay gudaha u galaan Sacuudiga si ay uga soo tebiyaan shirkii go bolka ee uu todobaadkii hore ka qayb-galay madaxweynaha Maraykanka Joe Biden.

DHALACEYN KA DHALATAY

Booqashada Tamari ee Makka ayaa si weyn looga dhaleeceeyey dhanka Internet-ka, waxaa haldhigyo looga dhigay qoraallada looga soo horjeestay "Yahuudda ku jirta Xaramka”, waxaana ereygaan adeegsaday dhowr qof oo Muslimiin ah oo baraha bulshada kaga hadlay dhacdadan.

"Dadka sharafta leh ee Makkah iyo culimo waaweyn sida Caalimka la xiray ee Dr. Musa Al-Shariif ayaa ku jira xabsiyada Sacuudiga, laakiin Ya huudda Sahyuuniyadda ayaa wareegaysa magaalada Makkah,” ayuu mid kamid ah dadkii booqshadan diidayku soo qoray bartiisa Twitter-ka.

Booqashadan qarsoodiga ah waxaa cambaareeyay dad horey u taag eersanaa Israa’iil oo uu ku jiro qoraaga Sacuudiga u dhashay ee Moha mmed Sacuud, kaas oo booqday Israa’iil, taageerana u muujiyey caadi ahaanshaha is dhex galka Tel Aviv iyo dowladaha Carabta.

"Saaxiibadayda qaaliga ah ee reer Bani Israa’iil, mid ka mid ah wariy ayaashiina waxa uu soo galay magaalada barakaysan ee Makkah, wuxu una duubay muuqaal aan xishood laheyn,” Sacuud ayaa sidaas ku yiri muuqaal uu soo duubay oo ku baxay afka Cibraaniga.

"Taasi waxay la mid tahay aniga oo galaya Kaniisada oo akhrinaya Tawreed. Ceeb ha ku noqoto Channel 13, waa in aad ka xishootan inaad diinta islaamka u xaqirtaan sidaas oo kale” ayuu hadalkiisa kusii daray.

Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Mohammed bin Salman ay aa lagu eedeeyay inuu ka dambeeyo dhaqdhaqaaqyo lagu caadiyeynayo xiriirka Israel. Dhowr Israa’iiliyiin ah ayaa sidoo kale dhaleeceeyay Tam ari, iyaga oo ku sifeeyay "wax laga yaqyaqsado” waxayna ugu baaqeen Israa’iil inay ku wareejiso maamulka Sacuudiga.

RAALI GELINTA UU BIXIYEY CHANNEL 13

Telefishinka Channel 13 ayaa sheegay inuu raali gelin ka bixinayo muuqaalka uu soo duubay Tamari haddii qof lagu ihaaneystay isagoo dhi naca kale difaacay warbixinta wariyahooda soo duubay.

"Booqashada tafatiraheena wararka adduunka Gil Tamari ee Makka waa guul saxafiyeed oo muhiim ah, taas oo aan loola jeedin in lagu xum eeyo Muslimiinta,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Channel 13.

"Waan ka cudur daaraneynaa haddii qof la dhibay, balse waxaan cad deyneynaa in mabaadi’da saxaafaddu ay salka ku heyso in goob kasta la tago iyo in si toos ah loo diiwaan geliyo dhacdooyinka,” ayaa sidoo kale lagu yiri bayaanka.

Talaadadii, Tamari ayaa raaligelin kusoo gudbiyey baraha bulshada, isagoo sheegay in ujeedada muuqaalka ay tahay "si loo muujiyo muhii madda Maka iyo quruxdeeda”.

Booqashadan ayaa daba socota safarkii ugu horreeyay ee Biden uu ku tago Bariga Dhexe isagoo madaxweyne ah xilli uu booqday Israa’iil iyo Sacuudiga, wuxuuna noqday hogaamiyihii ugu horeeyay ee Mareyk an ah oo si toos ah uga duulay Tel Aviv una socday magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga.

Biden waxa uu sheegay in maamulkiisu uu ka shaqaynayo inuu "sii qoto dheereeyo oo uu ballaariyo” la dhaqanka Israel ee dalalka Carabta, kadib markii maamulka Donald Trump uu dhexdhexaadiyay heshiisyadii u dhexeeyey Israa’iil iyo afar waddan oo Carbeed oo kala ah Imaaraadka Carabta, Baxrayn, Suudaan iyo Marooko, oo xiriir sameystay.

Inkasta oo aanay Riyadh si rasmi ah u aqoonsanayn Israa’iil, hadda na xiriirka labada dhinac waxa uu ahaa mid soo fiicnaanayo sannadihii u dambeeyay, dublamaasiyaddana waxa ay marar badan u dhacday si qarsoodi.Xigasho:-Casimadda.net ah.

MUXUU YAHAY HUBKA AY PAKISTAN SAMAYSATAY EE AAN DUNIDA LAGA HEYSAN?


Militeriga casriga ah ee waddamada caal amka waxay qalabkooda ka saareen hub aad muhiim u ah oo la isticmaali jiray waa hore.

Waa nooc ka mid ah taangiy ada oo lagu tilmaamay in ay yihiin hub laga gudbay, bal se miliyeriga Pakist an ayaa go'aansaday in uu dib u casriyeysto hubkaas.

Labaatankii sano ee lasoo dhaafay waxay Pakistan ku mashquulsanayd dib u casriyeynta taangi lagu magacaabay Al-Khalid.

Muxuu yahay Al-Khalid?

Dowladda Pakistan waxa ay maalgelin wa yn ku sameysay labo nooc oo ka mid ah taa ngiyadaas oo lagu guulaystay in si buuxda loo hormariyo. Labada noocba waa isla taangiga Al-Khal id.Warshad hubka farsamaysa oo ku ta alla gudaha Pakistan ayaa taangiyadaas casriy aysay iyadoo taageero ka heleysa Shiinaha iyo Ukra ine.Labadaas nooc ee hubka ah waxaa hadda lagu soo kordhiyay liiska qalabka ugu muhiims an ee ay adeegsanayaan militeriga Pa kistan.Al-Khalid waxa uu ka mid yahay gawaar ida culus ee ku fiican dagaalka gacanta la isku la tago, waxaana aad loo adeegsan jiray 1990-mee yadii. Markii ugu horraysay waxaa farsa madii sa billaabay Shiinaha oo soo saaray nooc lagu magacaabo 90-IIM.

Pakistan ayaa markii la soo gaaray sanadkii 2014-kii haysatay qiyaastii 310 taangi oo Al-Khalid ah. Tan iyo xilligaas wxii ka dambeeyay waxaa la sameeyay tiro kale oo aad u badan.

Soo saaridda nooc saddexaad oo lagu mag acaabo 'Al-Khalid II' ayaa dib u dhacday saba bo la xiriira miisaaniyadda oo ku yaraatay.

Maxay Pakistan u danaynaysaa Taangiyadan?

Militeriga Pakistan ayaa kharash badan ku bixiyay mashaariicda lagu badinayo taangiga Al-Khalid maadaama ay aaminsan yihiin inay khatar ugu jiraan dagaal dhinaca dhulka ah oo uga imaan kara waddanka deriska kala ah dhin aca bari [Hindiya].

Sababta cabsida iyo taxadarka keeneysa ayaa ah in militeriga Hindiya ay si wayn ugu hu baysan yihiin hubka loogu talo galay ciidamada dhulka.Khubarada militeriga Pakistan ayaa aaminsan in warshadda hubka samaysa ee wa axda gaashaandhigga ay guulo lama filaan ah gaartay kaddib markii ay soo saartay jiilkii sad dexaad ee taangiyada Al-Khalid. Tani waxay meesha ka saaraysaa suurtag alnimo kasta oo ku saabsan in Hindiya ay dhinaca dhulka ka weerarto Pakistan.

Janaraal Abdul Qayyum, oo horay uga tirsa naa shaqaalaha warshadda qalabka militeriga ee Pakistan, kana mid ah khubarada ugu caan san ee ka faallooda arrimaha militeriga, ayaa sheegay in soo saaridda tiro badan oo taangiy ada Al-Khalid ah ay ka dhigan tahay tallaabo horumar leh oo loo qaaday xoojinta awoodda militeri ee dalkiisa.

"Hadda waxaan haysannaa in ka badan 2, 500 oo taangi, qaar badan oo ka mid ah taang iyadaasna waa Al-Khalid," ayuu yiri.

Wixii ka dambeeyay markii la dumiyay darb igii Berlin sanadkii 1989-kii, labada quwadood ee uu ka dhaxeeyay dagaalkii qaboobaa ee ca alamka, oo kala ahaa NATO iyo xulafada Ruushka, ayaa joojiyay farsamaynta taangiyo cusub. Kaddib markii ay labada dhinacba ku dhaw aaqeen joojinta dagaalkii qaboobaa, wax aa sid aas ku soo afjarmay samayntii xad dhaa fka ah ayd ee taangiyada cusub.

Inkastoo Mareykanka uu taangiyo u samays tay si uu ugu adeegsado dagaalladii ay ciidam adi isa ku galeen Ciraaq iyo Afghanistan, haddana waxa ay inta badan howlgalladiisa ku tiirsanaayeen dhinaca cirka.

XIGASHO:-BBC



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip