HALKAN KA AQRISO :-WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAIL NEWSPAPER MAANTA OO AH ARBACO 20KA JULY 2022

1
Wednesday July 20, 2022 - 08:40:11 in Wararka by
  • Visits: 574
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AQRISO :-WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAIL NEWSPAPER MAANTA OO AH ARBACO 20KA JULY 2022

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Maraykanka oo soo dhoweeyay heshiis ka cusub ee Soomaaliya iyo Kenya

Dowladda Maraykanka ayaa soo dhowey say heshiiska cusub ee ay kala saxiixdeen do wladda Soomaaliya iyo dowladda Kenya, kaas oo lagu hagaajinayo xiriirka labada dal oo ho rey u xumaaday afartii sano ee lasoo dhaafay.

"Waa wax lagu farxo warka sheegaya in Ke nya iyo Soomaaliya ay ku heshiiyeen tallaabo oyin wax ku ool ah oo lagu horumarinayo xiri irkooda laba geesood ka ah,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya.

Maraykanka ayaa saaxiib dhow la ah Soo maaliya iyo Kenya, isagoo ka caawiya dagaa lka ay kula jiraan kooxda Alshabab iyo arrim aha gargaarka.

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya, ayaa jimcihii lasoo dhaafay heshiis ka kooban kow iyo toban qodob ku kala saxiixday magaal ada Nairobi ee caasimadda Kenya.

Labada madaxweyne waxay ku heshiiyeen in dib loo billaabo dhoofinta Qaadka Miirowga & qodobo kale oo furida xuduudaha ay ku jireen.

Dowladaha Soomaaliya & Ingiriiska oo ka wada-hadlay waxka qabashada Abaaraha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuur iyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa Shalay xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda Ingriiska u qaa bilsan dalkeenna marwo Kate Foster.

Danjiraha ayaa marka hore Guddoomiyaha la wadaagtay sida dowladda Ingiriiska ay uga go ’an tahay wax ka qabashada Abaaraha iyo inay si buuxda u taageeri doonto tababarada shaqaalaha baarlamaanka.

Guddoomiyaha ayaa dhankiisa boggaadiyay dedaalada dowladda Ingriiska ay ku taageeray so baarlamaanka JFS, kaas oo wax badan ka tari doona shaqada Golaha Shacabka, waxaa na uu ahmiyada kowaad siiyay sidii wax badan loogu qaban lahaa Abaarahan soo noqnoqday.

Villa Somalia oo markii ugu horreysay ka hadashay dhacdadii BOOSAASO

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Ca bdikariin Cali Kaar ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay shaqaaqadii dhawaan ka dhacday garoonka diyaarada ha magaalada Boosaaso, taasi oo sababtay dhimasho iyo dhaawac.

Afhayeenka ayaa sidoo kale ka gaabsaday inuu ka hadlo go’aankii garoonka Boosaaso loo ga celiyay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka. "Waxaa muhiim ah in Madaxda sare ee dowl ad goboleedka Puntland wax lag weeydiiyo,” ay uu yiri Afhayeenka Mad axtooyada Soomaaliya, Cabdikariin Cali Kaar. Sidoo kale waxa uu Afha yeenka cambaa ree yay qarixii ismiida aminta ahaa ee Maa lin ka hor lagu weera ray Hotel ku yaalla magaalada Jowhar oo ay de gan yihiin mas’uuliyiin katirsan maamulka Hir Shabelle. Af hayeenka ayaa u tacsiyadeeyay dadkii qarax aasi ku dhintay, isaga oo caafim aad u rajeeyay dadkii ku dhaa wacmay, islam arkaana sheegay in madaxtooy ada Soomaaliya aad uga xun ta hay weerark aasi qaraxa ah oo ay geysteen Ururka Al-Shabaab.

Qaraxa Jowhar ayaa waxaa lagu soo warra mayaa inuu ka dhashay gaari nooca xamuulka qaada oo lagu soo raray walxaha qarxa, wux uuna ka dhacay hoteelka Nuur Doob oo ku yaa lla agagaarka madaxtooyada, waxaana dega naa wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan maamulka

Goobjoogayaal ayaa innoo sheegay in qaa xa uu sababay dhimasho iyo dhaawac, waxaa na dadka dhaawaca ah ka mid ah Wasiirka Ha weenka HirShabelle Caasho khaliif, Wasiirka C aafimaadka HirShabelle Cabdi Macalin, Gudd oomiye ku xigeenkii hore ee Baarlamaanka ma amulka HirShabelle Marwo Canab Axmed Ciise iyo xildhibaan hore Jeego, kuwaas oo la geey ey isbitaalka guud ee magaalada Jowhar ee go bolka Shabeelaha Dhexe.

Hoteelka la weeraray ayaa gebi ahaan bu rburay, iyada oo laga soo saaray dad dhaawa cyo ah, waxaana sidoo kale bubur uu soo ga aray guryo ay daganaayeen dad shacab ah.

Madaxweynaha Jubbaland Oo Qaabilay Wak iilka Hay’ada UNICEF Ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowlad gobolledka Jubal and Axmed Maxamed Islaam ayaa Shalay Xar unta Madaxtooyada ku qaabilay wakiilka hay’a da UNICEF ee Soomaaliya Marwo Wafaa ElFa dil Saeed Abdelatef iyo wafdi ay hogaamin ayso oo booqasho ku ti mid Jubaland.

Madaxweynaha iyo Wa kiilka UNICEF ee Soomaaliya ayaa ka wada ha dlay sidii xal wa ara loogu heli lahaa musiibo oyinka dabiiciga ah iyo gurmadka saamaynta ka dhalata sidii si wadajir ah la isaga kaashan lahaa.

Somaliland Oo Degaanadeeda Ka Mamn uucday Idaacadda BBC-Da

Somaliland ayaa ku dhawaaqday in dega anadeeda ay ka mamnuucday Idaacadda BBC-da, iyadoona u jeedisay Eedeymo culus oo la xariira madax-bannaanida ay sheegato Soma liland.

Wasiirka Warfaahin ta So mal iland Saleeba an Cali Koore oo Shir-jaraa’id ku qab tay Mag aalada Hargeysa ee Xarunta Soma liland ayaa shaaciyayshalay in de gaanadooda aysan kasii shaqe yn karin Idaac adda BBC-da oo ah Warbaahin ka howlg asha degaanada Somaliland.Wasiirka ayaa eedo Culus u jeediy ay BBC-da, waxaana uu sheegay in ay hoos u dhigtay Karaamada Somaliland, ta asi oo keentay inay ka mamnuu caan degaa nadooda.

Somaliland ayaa horay ugu dhawaaqday in ay ka go’day Somalia inteeda kale, balse ilaa & hadda ma helin wax aqoonsi ah.

Madaxtooyada oo beenisay in Dhallinyarad ii tababarka Ciidan loo geeyay Eleteriya ka qayb-galeen dagaalladii Itoobiya

Dhowrkii sano ee la soo dhaafay waxaa aad waalac looga muujinayay warar soo bax ayay oo sheegayay in dhalinyaro farabadan oo dowladdii hore ee Max amed Cabdullaahi Farm aajo tababarka ciidan u gu qaaday dalka Ere ter iya ka qeyb galeen daga alladii ka dhacday Itoobi ya .

Hayeeshee dowladda madaxweyne Xasan She ekh Maxamuud ayaa mar kii ugu horreey say beenisay in dhaliny ara da tababarka ciidan loogu qaaday dalka Eret eriya inay ka qeyb gal een dagaalkii Itoob iya.

Waalidiin badan ayaa ka walaacsanaa in Carr uurt ooda tababarka ciia dn loogu qaaday ay ka qeyb galeen dagaalkii ka dha cay adlka itoobiya, waxaana guddi ka socda ay dhawaan la kulmeen madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh maxamuud.

Soomaaliya iyo Finland oo ka wada-hadlay gurmadka Abaaraha iyo dib u heshiisiinta

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Sen ator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Shalay xafi iskiisa ku qaabilay ergayga gaarka ah ee Dowla dda Finland u qaabilsan arrimaha nabadaynta geeska Afrika Mudane Suldaan Saciid Axmed ahna xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Dowl adda Finland.

Guddoomiyaha iyo ergayga ayaa kawada hadlay arrimo kala duwan oo ay ugu muhiimsa naayeen hannaanka nabad ku soo dabaalidda geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya iyo kaal inta dowladda Finland ka qaadan karto, gurma dka abaaraha, dib u heshiisiinta, tababarrada iyo dowlad wanaagga.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Senat or Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ayaa marka hore ugu hambalyeeyay ergayga gaarka ah ee Dowladda Finlad u qaabilsan arrimaha nabada ynta geeska Afrika Mudane Suldaan Saciid Ax med, xilkaan oo dhawaan loo magacaabay.

Ergayga gaarka ah ee Dowladda Finlad u qaabilsan arrimaha nabadaynta geeska Afrika Mudane Suldaan Saciid Axmed ayaa dhankiisa sheegay in dowladda Finland ay diyaar u tahay wadashaqeynta dowladda cusub iyo ballaarinta taageerada ay siiso Soomaaliya.

Dowladda Finland ayaa waxaa ay kamid ta hay dowladaha taageera Soomaaliya, waxaana dhawaan ay Geeska Afrika u soo magacaaba tay Ergay gaar ah, kaas oo ah Soomaali heysta dhalashada dalkaas.


Shil khasaaro geystay oo ka dhacay Gobolka Bari

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay Shil Gaari oo ka dhacayinta u dhexaysa Tuulooyinka laas Barwaaqo iyo Ku naso oo hoostaga Degmada Carmo Ee Gob olka Bari.

Shilka ayaa yimid kadib markii ay isku dhac een Gaari Hoomeey ah iyo Gaari kale oo nooca raaxada ah, waxaana shilkaasi Isbitaalka Mag aalada Carmo ugu dhintay hal ruux oo dhaa wac culus uu kasoo gaaray shilka halka 6 Ruux oo kale ay ku dhaawacmeen.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Goobta shilka uu ka dha cay ay tageen Ciidamada Booliska degmada Ca rmo iyo dad Shacab ah, kuwaas oo u gurmad ay dadka Shilka ku dhaa wacmay, iyaga oo gee yay Isbitaalka Magaal ada Carmo ee Gobolka Bari.

labada Gaari ee shilka galay oo mid ka yimid dhinaca Magaaalada Boosaaso midna uu kusii jeeday Magaalada Boosaaso ayaa waxaa gaa ray burbur xoogan maadaama si awood ah ay isugu dhaceen.

labadii Sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa degaannada Puntland kubatay shilalka Gaari, iyada oo ay ku dhinteen dad u badan Dhaliny aro, kuwaas oo qaarkood u Shaqeeynayay dow lad Goboleedka Puntland.

Maxay tahay SHAQADA GUDDIGA cusub ee Cali Guudlaawe uu magacaabay?

Madaxweynaha HirShabelle Cali Cabdullahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa magacaabay Gudiga Gurmadka qaraxii xooganaa ee Axaddii ka dhacay magaalada Jowhar, kadib kormeer u kuur-gal ah oo ku tagay goobta uu ka dhacay qaraxa iyo xaafadaha u dhow.

Guddigaan oo ka kooban Howl-wadeennada Madaxtooyada iyo Wasiiro ayaa waxaa horkac aya Madaxweyne ku-xigeenka HirShabelle, waxayna qiimeyn ku sameyn doonaan qaraxii Axaddii.

Sidoo kale waxa uu guddigaan ka shaqeyn doonaa diiwaan-gal inta dadkii ku waxyee loobay iyo tirada qas aaraha uu geystay qaraxaas oo ahaa mid aad u xoogan.

Xubnaha guddiga oo ka kooban 12 Qof ay aa la filayaa in maalmaha soo socda ay soo ba ndhigaan khasaaraha dhimasho, midka dhaaw ac iyo midka hantiyadeed ee ka dhashay qara xa.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’u uliyadda qaraxii ka dhacay magaalada Jowhar ee caasimadda maamulka HirShabelle, waxay na sheegeen in qaraxaas ay la beegsadeen go ob ay ku sugnaayeen mas’uuliyin ka tirsan maa mulka.

Madaxweynaha dowlad goboleedka HirSha belle Cali Guudlaawe oo Habeen hore shir jara a’id ku qabtay magaalada Jowhar ayaa she egay in seddax qof meydadkooda laga soo sa aray guryo ku dumay hoostooda, halka todoba qof oo kale ay ku dhaawacmeen.

Seddaxda qof oo geeriyootay ayuu shee gay Madaxweynuhu inay kala ahaayeen hal as kari iyo labo qof oo shacab ah.

Sidoo kale wuxuu sheegay in qaraxaas uu geystay burbur baaxad leh oo soo gaaray dhis mayaasha Hotelkii lala beegsaday iyo dham maan guryaha ku xeeran oo dad shacab ah ay deganaayeen.

Madaxweynaha ayaa kooxdii fulisay qaraxa an ee Al-Shabaab ku tilmaamay musiibo hor ta agan nolosha iyo hormarka dadka Soomaal iyeed, isagoo ku baaqay in meel looga soo wa da jeesto oo lasoo afjaro, si looga baaqsado khasaaraha ay joogtada u geysanayaan.

Soomaaliya Oo Loogu Deeqay Malaayiin Doollar Si Wax Looga Qabto Dadka Abaaruhu Saameeyen

Dowladda Mareykanka ayaa Isniinti ku dha waaqday in ay bixineyso lacag dheeraad ah oo gaareysa 1.2 bilyan oo dollar oo ah gargaar ba ni’aadannimo, taas oo ay ugu tala gashay dad ka ay saameeyeen abaaraha daran ee hadda ka jira Geeska Afrika.

Samantha Power, oo ah madaxa Wakaal ad da Horumarin ta Ca alamiga ah ee Marey kan ka ee loo soo gaa biyo USAID, oo warkan ku dhawaaqday ayaa sheegtay in lacagtani lagu fa n-gareyn doono gargaar cunto, xaaladaha deg degga ah sida la cago mucaawino kaash ah, tallaal iyo dawooyin la siin doono carruurta & dumarka aadka u xanu unsan iyo kuwa dayacay Waxay sheegtay in hadafka lacagtani ay tahay in looga hortago in Geeska Africa ay ka dhacdo macluul, iyada oo ku boorrisay dalal ka caalamka oo uu ku jiro Shiinaha in ay gacan ka geystaan xalinta cunto-yarida ka dhalatay dag aalka uu Ruushka ku qaaday Ukraine.

Samantha Power ayaa sheegtay in xaalada ha ugu daran ee abaarta ay ka jirto dalalka So omaaliya, Itoobiya iyo Kenya. Waxay sidoo kale sheegtay in dhamaadka todobaadkaan ay boo qan doonto Geeska Afrika si ay u qiimeyso xaa ladda.

Abaarta ka jirta Geeska Africa, gaar ahaan Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya ayaa lagu she egay tii ugu xumeyd oo gobolka ku dhufata ku dhawaad muddo 50 sano ah.

DAACISH oo sheegatay qarax ka dhacay Muqdisho

Kooxda Daacish, gaar ahaan faraceeda So omaaliya ayaa war kasoo saartay qarax Dorr aad ka dhacay isgoyska Cali Kamiin ee magaal ada Muqdisho, kaas oo lala beegsaday gaadiid ay wateen ciidamo ka tirsan howlgalka ATMIS

 

Daacish ayaa shaacisay in ay iyado mas’uul ka tahay qaraxaasi, ayna ful iyeen dagaalyahno ka tir san kuweeda oo ka howl gala M/Muqdis ho.

Kooxda ayaa sidoo kale sheegatay inay burburisay mid ka mid ah baab uurta ay wateen ciidamada ATMIS ee la qarxi yey, balse ma shaacin xogta khasaaraha gaa ray ciidamada.

Kolonyada ATMIS ee qaraxa lagula eegtay Cali Kamiim ayaa dhankooda riday rasaas, wax ayna kadib sii wateen socdaalkooda, illaa & ha ddana ma jiro hadal kasoo baxay.

Weerarkan qaraxa ah ayaa qayb ka noqona ya falalka ammaan darri ee ka dhaca M/Muqd isho ee caasimada Soomaaliya, walow ay howl gallo ka wadaan ciidanka ammanka.Mudd ooy inkii lasoo dhaafay ayaa ammaanka caasi ma da wuxuu ahaa mid faraha kasii baxayey, waxa ana ka dhacayey dilal, dhac iyo dhibaato ay geysanayaan ciyaal weero. Si kastaba, ko oxda Daacish oo ku xoogan dhinaca buuraha G/Bari ee Puntland ayaa mararka qaar howlga llo ka fulisa M/Muqdisho, sida dilal qorsheysan & qaraxyo.

Maraykanka oo duqayn ku dilay xubno katirsan kooxda Alshabaab

Ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa qaa day duqayn cirka ah oo ka dhan ah kooxda al-Shabaab, iyagoo ka jawaabayay weerar Alsha baab ay ku qaadeen ciidamo katirsanaa dowlad da oo ku sugnaa deegaana Libikus oo katirsan Jubbada hoose.

Taliska Maraykanka ee Afrika oo war soo sa aray, ayaa sheegay, in ciidamada Maraykanka loo fasaxay inay fuliyaan weeraro ay ku difaacaya an ciidamada huwanta ah ee Soomaaliya.

Howlgalka AFRICOM wuxuu sheegay in laba ka mid ah kooxda al-Shabaab lagu dilay hawlg al duqaynta ah, iyo in aanay jirin dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama lagu dilay duqaynta.

Soomaaliya iyo Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa qaaday tillaabooyin waa weyn oo looga hortagayo khasaaraha dadka dadka rayidka ah kasoo gaara weerarada.

Dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka ay aa sheegay inay weli ka go’an tahay la dagaa lanka Al-Shabaab si looga hortago dhimashada dadka rayidka ah ee aan waxba Shalaysan.

GALMUDUG oo gacanta ku dhigtay askari dil u geystay taliye iyo walaashiis

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo cii damada dowladda Soo maaliya iyo kuwa Galmud ug ay Habeen hore ka sa meeyeen duleedka mag aalada Caabudwaaq oo ku taalla waqooyga gobolka Galgaduud.

Howlgalka oo ahaa mid bartilmaameed ah ayaa waxaa lagu soo qabtay askarigii ka damb eeyey dilka taliye ku xigeenkii Nabad Sugidda Galmudug, Marxuum Faarax Cumar Geelle iyo Walaashiis Xaawo Cumar Geelle oo maalin ka hor lagu toogtay magaaladaasi.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo is-kaashanaya ayaa ugu dambeyn askarig aan kasoo qabtay deegaanka Ceel-gargaar oo hoostaga Caabudwaaq.

Saraakiisha ammaanka ayaa warbaahinta u soo bandhigau ninkan ayaa ballan-qaaday in la horgeyn doono cadaaladda, si looga qaado tal aabo sharciga waafaqsan.

Soo qabashada ninkan ayaa ka dambeysay, ka dib amar kasoo baxay madaxda sare ee Gal mudug oo laamaha ammaana faray inay gacan ta kusoo dhigaan eedeysanaha.

Falka naxtinta leh ee ka dhacay Caabudwa aq ayaa sababay hadal heyn xoogan iyo shaki maadaama hal goob lagu dilay taliye ku xigeenkii NISA ee Galmudug iyo walaashiis.

Caabudwaaq ayaa waxaa inta badan ka dhaca dilal qorsheysan, kuwaas oo qaarkood ay geystaan maleeshiyaad beeleed ku sugan magaalada iyo nawaaxigeeda.

 

Biyaha wabiga Shabelle ee mara Beled weyne ‘oo sun’ lagu arkay

Maamulka degmada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa ka hadlay isbedal ku yimid midabka biyaha wabiga Shabelle ee mara magaaladaasi, kaas oo ka yimada dhinaca waddanka Itoobiya.

Guddoomiyaha maamulka degmada Beledw eyne Md.Cismaan Dhicisoow Dhuubow oo Wariye yaasha kula hadlay qarka wabiga ayaa shaaca ka qaaday in biyaha wabiga Shabelle ay noqdeen ku wa madoobaad ah, islamarkaana qurmaya.

Dhuubow ayaa sidoo kale xusay in biyaha uu keenay wabiga ay yihiin kuwa sumeysan, wuxuu na tilmaamay in haatan ay wadaan baaris ku aadan falkaasi.

Sidoo kale maamulayaasha ceelasha biyaha ayuu faray inay tubooyinka kala baxaan wabiga, si looga fogaado waxyeelo ka dhalata biyahaasi sumeysan.

Waxaa kale oo uu farriin u diray dadka shacab ka ah oo uu ugu baaqay in aysan isticmaalin biya ha wabiga, inta laga hubinayo ama ay iska bede layaan biyaha madow oo uu keenay.

"Waligey manan arkin wabiga oo biyo wada bi yo noocaan oo kale ah, wan arki jiray isagoo wa da biyo calaw ah, isagoo eber ah iyo isagoo buu xa oo biyo baxa ah, balse wali manan arkin biyo noocaan oo kale ah oo madow ah hadana uraya, urtooda ayaan hada ag taagnaan la’ahay, waana biyo sumeysan dowladda Itobiya ayaa horay ugu sheegtay dadkeeda marka inta ay ka gudbayaan yaanan la isticmaalin waa digniin, waana ognahay in dadka Baledweyne 89% isticmalaan biyaha wabiga” ayuu yiri guddoomiye Cismaan.

Dadka reer Hiiraan iyo guud ahaan HirShabel le oo u badan beeraley iyo xoolo dhaqato ayaa ku tiirsan biyaha wabiga Shabelle ee mara gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Wada-hadalladii Xukuumadda Somalil and & Xisbiyada mucaaradka oo natiijo la’aan ku dhamaaday

Guddoomiyeyaasha Xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa ku dhawaaqay Shalay inay bur bureen wada-hadalladii u dhaxeeyay Xukuumad da Somaliland

ee uu hogaaminayo Ma daxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Xisbiyada mu caaradka ee UCID iyo WADANI.

Shir jaraa’id oo ay Shalay siwadajir ah M/ Har geysa ugu qabteen Guddoomiyeyaasha Xisbiya da mucaaradka ee UCID iyo WADANI ayaa waxaa ay ku eedeeyeen madaxweynaha Somalil and inuu mas’uul ka yahay inay bur buraan wada-hadallada Xukuumadda iyo mucaaradka.

Waxaa ay hadalkooda intaasi kudareen in wada-hadallada labada dhinac oo maalmahaan hakad kujiray ay wax ka weeydiiyeen gudoomiyey aasha Golaha Wakiilada iyo guurtada, balse ay u sheegeen in wax natiijo ah aysan kala imaan mad axweynaha, isla markaana uu u sheegay in uu sharci ku taagan yahay.

Waxaa ay ku eedeeyeen madaxweynaha So maliland in uusan heyn cid katirsan Somaliland oo uu ku kalsoon yahay , balse kaliya uu isku heysto in wixii uu sheego ay sharci yihiin.

Ugu dambeyn waxaa ay sheegeen in Xukuu madda madaxweyne ee waqtigeeda uu dha maaday ay tahay waxa ay waddo mid sharci darro ah, isla markaana ay ku doodayaan waxyaabo aan suurto-gal aheyn.

Muxuu Salka Ku Hayaa Dagaalka Dhinaca War baahinta Ee U Dhaxeeya Ilhaan Cumar Iyo Lauren Boebert?

Qaar ka mid ah warbaahinta reer Galbeedka ayaa maalmihii lasoo dhaafay tebinayay dagaal dhinaca warbaahinta ah oo u dhaxeeya Ilhaan Cumar iyo haweeney kale oo ka tirsan Golaha Wakiillada Mareyknaka, oo lagu magacaabo Lau ren Boebert.

Arrintan ayaa billaabatay kaddib markii Boebert oo Congress-ka Mareykanka ku matasha gobolka Colorado ay weerar ku qaadday Ilhaan Cumar oo laga soo doortay gobolka Minnesota.

Haweeneydan oo laga waraysanayay buug ay dhawaan soo saartay ayaa ka hadashay mowdu uca ku saabsan in la kala saaro Diinta iyo Dow ladda, oo ka mid ah qodobbada dastuurka Mareykanka.

Lauren Boebert ayaa tiri: "Haddii ay dhab ta hay in la kala saarayo diinta iyo maamulka dowl adda, sida ay aaminsan yihiin, markaas maxay Ilhaan Cumar halkaas ka samaysaa iyadoo xiran xijaabkeeda, Maxay awood ugu yeelatay inay la gasho halkaas?”

Waxay Lauren hadalladan ku sheegtay barnaa mij lagu wareystay oo ka baxay telefishinka "Real America’s

Wiil jaamacad ka qalin-jebiyay isagoo xaabo dhabarka ku sita.

Ardey u dhashay dalka Itoobiya ayaa ka qalin jebiyay jaamacad ku taalla dalkaas isagoo ay dhabarka ku sita xaabada cuntada lagu karsado.

Wiilkan ayaa sheegay in sababta uu arrintan u sameeyay ay tahay sidii uu ugu mahadceliyo hooyadii oo ah qof dadaal badan.

Ephrem Belete, oo ka qalin jebiyay jaamacad da Addis Ababa gaar ahaan kuliyadda culuumta Koombiyuutarka ayaa maalintii qalin jebinta ho oyadii u labisay dharkii qalin jebinta ay aheyd in uu isaga xirto halka dharbarka uu saartay xaabo, sawirka wiilkan ayaa si weyn ugu baahay baraha bulshada Itoobiya.

"Sababta aan u sameeyay arrintani ayaa ah in amaano hooyadey, nolos heyda waxay lamid tahay midda ay ku nool yihiin ma laayiin qof oo Itoobiyaan ah” ayuu yiri Ephrem Be lete oo u warramayay BBC-da.Dadweynaha Itoob iya ayaa si weyn usoo dhaweeyay muuqaalka laga duubay wiilkan.

Waaxda arrimaha amniga iyo ilaalinta xogta ee itoobiya ayaa Isniintii shaqo usoo bandhigtay wiilkan balse wuu ku gacan seyray isagoo sheeg ay in uu doonayo in uu qabto shaqo dhalinyarada khuseyso.

Duqa magaalada Addis Ababa ayaa sheegay in shaqo iyo guri usoo siinayo wiilkan.

Imran Khan oo guul lama filaan ah ka gaaray siyaasadda Pakistan

Raysul wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa dib u soo cusbooneysiiyey baaqiisii ah aa in doorashada wakhtigeeda laga soo horm ariyo kaddib marki uu xisbigiisa guul lama filaan ah uu ka helay golaha gobol loollanka siyaasade ed ee Pakistan muhiim u ah.

Xisbigiisa PTI ayaa ku guuleystay 15 ka mid ah 20-ka kursi ee golaha gobolka Punjab oo uu ku xoogganaa xisbiga xifaaltanka uu kala dhaxeeya ee PML-N.Natiijada doorashada ku celiska ee ka dhacday gobolkaasi waxay saadaal u tahay waxa dhici kara doorashada guud ee bisha October 2023-ka dalkaasi ka dhaceyso oo loo badinayo in wakhtigeeda laga soo hormariyo.

Raysul wasaarahii hore ee Pakistan, Imran Khan, ayaa bishii April xilka laga qaaday kaddib marki uu lulimyey kalsoonida baarlamaanka wadd ankiisa.

Dhanka kale, natiijada ka soo baxday Punjab ayaa jab weyn ku ah Raysul wasaaraha xilka sii haya Shehbaz Shariif oo hoggaaminaya xisbiga PML-N.

Dowladdiisa oo marki horaba isba haysiga ku dhisneyd oo aan lugaha badan ku taa gneen waxaa u bilalabatay guul darro siyaas adeed.

Madaxweynaha Shiinaha Oo Soo Saaray Amaro Ku Aaddan Diinta Islaamka

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa ka codsaday saraakiisha inay sare u qaadaan dadaa llada ku saabsan mabda’a ah in diinta Islaamka la waafajiyo xagga jiheynta iyo diimaha dalkaas ka jira si ay ula jaan qaadaan bulshada hantiwadaag ga ah ee taabacsan xisbiga shuuciga ee ka arr imiyo Shiinaha.

Madaxweyne Xi Jinping ayaa booqday gobolka ay xiisaddu ka taagan tahay ee Xinjiang halkaas oo ciidamada amniga Shiinaha ay muddo ah ka wadeen howlgallo lagu xakameynayo muslimiinta Uygur.

Shiinaha ayaa la aaminsan yahay inuu xirxiray in ka badan hal milyan oo qof oo kasoo jeeda qowmiyadda Uyghur iyo Muslimiinta kale ee gobolka Xinjiang, oo ah gobol aad u weyn oo ku yaalla waqooyiga-galbeed ee dalka Shinaha,hoyna u ah dad ka loo yaqaanno Turkic oo qabiillo kala duwana h.

Dowladda waxaa lagu dhaliilay inay gobolkaas ka geysatay tacaddiyo bani’aadannimo, oo ay ka mid yihiin in dad lagu khasbay shaqo iyo kufsi.

Ciidanka Kenya Oo Sheegay Inay Gacan ta Ku Dhigeen Xubin Ka Tirsan Al-Shabaab

Ciidanka la dagaallanka Al-Shabaab ee dalka Kenya ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen xubin ka tirsan dagaalamaayasha AL-shabaab oo ku dhuumaaleysanayay sida ay sheegeen deg aanka Milimani ee gobolka Lamu.

Ninkan oo aan magaciisa la shaacin ayaa lagu soo qabtay qori RPG ama Baasuuke ah, rasa astiisa iyo agab kale xilli uu kasoo kaban ayay dhaawac kasoo gaaray lugta bidix.

War qoraal ah oo ka soo baxay Ciidanka Booliska Kenya ayaa lagu sheegay in eedeysanaha asi uu ka mid ahaa Koox dab ley ah oo dhowaan weerar ku qaadday saldhig ay Ciidamada Booliska ku leeyihiin Gobolkaasi, halkaas oo uu dhaawac kasoo gaaray.

"Mid ka mid ah guulihii ugu dambeeyay ee aan ka gaarnay dagaalka ka dhanka ah dagaalamaya sha Al-Shabaab, waxayna ka soo helnay keyd hub ah gudaha degaanka Milimani, ee gobolka La mu,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Booliska.

Saraakiisha Ciidanka la dagaalanka Al-Sahabab ee dalka Kenya ee GSU ayaa sheegay inay ku ra adjoogaan koox la rumeysan yahay inay la socd een eedeysanaha la qabtay, iyagoo howlgallo lagu baadi goobayo xubnahaasi ka wada keyma ha Boni ee ku dhow xudduudda kala qaybisa Soomaaliya iyo Kenya.



XOG: MAGACYADA XUBNAHA UPD EE LA FILAYO INAY XUKUUMADDA KA MID NOQDAAN IYO XILALKA


Halganka loogu jiro kamid noqoshada xuku umadda cusub ee Soomaaliya ayaa ka socda caasimadda. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dalka dib ugu soo laabtay, waxaa socdo la-ta shiyadii ugu dambeeyey ee dhismaha xukuum adda cusub.

Inta u dhaxeysa 20-ka illaa 25-ka bishaan ayaa la shaacin doonaa liiska xukuumadda cus ub sida aan xogta ku helnay.

Dadka sida weyn isha loogu wada hayo furs adooda xukuumadda waxaa kamid ah xubnaha xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Warbixintaan waxaan kaga hadleynaa xub naha ugu cad cad inay ka yimaadaan dhanka xi sbiga UPD ama haysta fursad ka badan 60% si ay uga mid noqdaan xukuumadda cusub ee Soomaaliya.

Aad ayey u badan yihiin dadka wax raadin aya ee xisbigaan ka tirsan laakiin looma badin ayo inuu ra’isulwasaare Xamza dhisi doono xuk uumad wada UPD ah.

Haddaba waa kuwan shaqsiyaadka ugu raja da badan

Axmed Macalin Fiqi

Xildhibaan, safiir, wasiir iyo taliye hore oo ka mid ah xisbigaa UPD Axmed Macalin Fiqi wax aa loo arkaa inuu hoggaaminayo dadka haysta fursadda ugu xooggan ee kamid noqoshada xu kuumadda cusub.

Fiqi waxaa isaga la sheegay inuu rabay wa saaradda gaadiidka iyo duulista hawada laakiin xisaab aheyd inay beesha Habar-gidir ay hesho laba wasiir oo B ah ayaa hadda u muuqata mid aan suurta geli karin, waxayna taasi keeneysaa in reerkaasi la siiyo hal wasiir oo A ah oo xoog gan, wuxuuna noqon karaa wasiirka arrimha gudaha.

Xasan Macalin

Wasiir iyo xildhibaan hore Xasan Macallin wuxuu ku jiraa dadka ka tirsan xisbiga UPD ee ugu cad cad kamid noqoshada xukuumadda cu sub. Xasan Macaliln oo xoogaa ciriiri ah kala kulmayey Cabdiraxmaan Caynte iyo xildhibaan Xuseen Iidow ayaa hadda la sheegayaa in raja diisa xooggan tahay.

Illo-wareedyo ka tirsan xisbiga UPD waxay noo sheegeen inuu Xasan Macallin rabo in laga dhigo wasiirka cadaaladda, laakiin lama hubo inuu isla wasaaradaas heli doono waxaase xoo ggan fursadiisa kamid noqoshada xukumadda.

Xildhibaan Beene Beene

Ninkaan oo kamid ahaa xubnaha UPD ee dib usoo helay kuraastooda xildhibaanimada culeys badan ma heysto. Gudaha UPD waxaa laga soo wariyey inuu dalbaday wasiirka qor sheynta laakiin uma badna inuu heli doono.

Dadka qaarkiis waxay sheegayaan inay ma cquul tahay in la siiyo wasaaradda caafimaad ka. Si kastaba ha ahaatee waxay u badan tah ay inuu wasaarad un heli doono.

Faarax Sheekh Cabdulqaadir

Xildhibaan iyo wasiir hore Faarax Shiikh Ca bdulqaadir wuxuu kamid yahay xubnaha mask axda u ah kooxda UPD. Cilaaqaadka rubac qar niga ah ee isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hoos u dhigaya in xukuumadda la ga weyn karo.

Ilaha xogtaan dusiyey waxay Faarax siiye en rajo aad u xooggan oo uu kaga soo muuqan karo xukuumadda soo socota.

Laba wasaaradood ayaa la hadal hayaa inuu midkood qaadan doono, mid waa wasaaradda Batroolka midna waa wasaaradda waxbarash ada.

Faarax Sheekh Cabdulqaadir wuxuu inta bad an waqtigiisa geliyey arrimaha waxbarashada, waxaana la aaminsan yahay in haddii uu wasa aradaas qabto inuu wax badan oo horumar ah ku siyaadin karo waxbarashada dalka.

Cabdirisaaq iyo Sanbaloolshe

Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed, wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya iyo xildhi baan Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalool she) oo isku xisaab ah waxay ku loolamayaan wasiirka beeshooda.

Labaduba waxay ka tirsan yihiin xisbiga UPD, wasiirka labadooda ma dhaafi doono, mid gudaha kooxda ayuu ku xooggan yahay midna dhanka dadweynaha.

Axmed Xasan

Ninkaan waa xog-hayihii maaliyadda ee xi sbiga UPD, waxaa la filayaa inuu xukuumadda cusub kamid noqdo, taasoo meesha ka saarey sa Cabdullaahi Carab wasiirka waxbarashada ee xilligaan kaasoo aad ugu dhawaa ra’iisul wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble.

Marka laga hadlayo gudaha xisbiga UPD, xubnahaan ayaa illaa iyo hadda heysta rajada ugu badan ee kamid noqoshada xukuumadda cusub.

Waxaa jiro iyaguna dad kale oo wax raad inaya balse kuwaas rajadooda ma buurna. Xigasho:-Caasimadda.net


DHAAWACII SHANTA SANO EE UU HAL KA KHUDBAD KU DHAYEY MADAXWE YNE XASAN SHEEKH


Dagaalkii uu Farmaajo la galay dowladda Ja buuti intii lagu guda jiray muddo xileedkiisa wu xuu ahaa midkii ugu ballaarnaa oo isaga iyo jamaahiirtiisu isku diidaan.

Markii laga had lo Kamhuuriyad da 60-kii xurowday ee Soomaaliya, waxa ugu badan oo dadku ka siman yihiin waa nooca dhaqanka la tusayo dowladda Jabuuti.

Badi madaxda Soomaaliya waxay u muuq daan kuwa ay shacabkooda waajib ugu dhige en in Jabuuti mar kasta laga soko mariyo dal walba xagga la macaamilka siyaasadda iyo iskaashiga gobolka.

Dhalyada iyo dhaqanka labada ummad ka sokow, waa adag tahay in Soomaaliya lagu be ero naceyb Jabuuti. Sida caadiga ah, madaxda inta badan waqti iskama geliyaan waxa ay u je edaan inaan la marsiin karin shacabkooda, bal se Farmaajo waa ku adkeystay dagaalka Jabu uti mase helin cid la qaada.

Todobaadkaan dib ayuu isku badalay dar eenkii labada shacab, cilaaqaadkii iyo mudn aantii. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan She ekh Maxamuud oo laba cisho Jabuuti ku sug naa ayaa qaaday dhowr tallaabo oo u muuqday booya dhagid, cudur-daar, furista dariiq cusub, dib u hagaajin calaaqaad iyo iyo muujinta dar een walaalnimo.

Haddaba sheekadaan waxaan kusoo koobe ynaa dhowr arrimood oo laga qaadan karo nu xurka safarkii madaxweyne Xasan Sheekh ee Jabuuti.

Dowladda Jabuuti oo kaalin weyn ka qaada tay dib u dhisidda dowladnimada Soomaaliya burburkii kadib ayaa macaamil adag kala kul antay nidaamkii madaxweyne Farmaajo. Inka stoo taas ay shacabka Farmaajo ku khilaafeen haddana Jabuuti waxay u muuqatay inay suge ysay hoggaamiye Soomaaliyeed oo kaga cudur daara macaamilka aysan mudneyn ee Farm aajo kula kacay.Kalmadihii uu Xasan Sheekh ka jeediyey baarlamaanka Jabuuti hortiisa oo dhowr dhinac taabanayey ayuu cudur daarku boos fiican ka heystay.

Waxa ay labada dal isku yihiin

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku dhe eraaday inuu ka sheekeeyo waxa ay labada dal isku yihiin illaa heer uu sheegay inay calamadu xataa qadiyadaha labada dal ka dhigeynin ku wa kala duwan.

Muujinta wax laba dal ka dhaxeeya marna waa dan siyaasadeed marna waa dan shacab, balse marka laga hadlayo Jabuuti iyo Sooma aliya waxooda waa dhalyo.

Dad badan ayaa Xasan Sheekh ku ammaa nay sida uu u muujiyey miisaanka iyo macnaha waxa labada dal ka dhaxeeya. Sida ay shacab ka Soomaalida u diideen in cilaaqaadka Jabuuti la xumeeyo ama dalkaan la fogeeyo waxaa la aaminsan yahay inay cimro qaadasho u tahay siyaasi walba oo Soomaali ah oo isku daya inuu labada dal kala fogeeyo.

Ahmiyadda cilaaqaadka

Iyada oo uu gobolka ka socdo loolan xoog leh oo uu dal walba dantiisa gaarka ah u xarbin ayo, haddana inay labadaan dal isku joogsada an oo garbaha is gashadaan si ay natiijo wax ku ool ah u keenaan waa mid macno leh.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu farriintii sa ku muujiyey ahmiyadda cilaaqaadka, gaar ahaan iskaashiga dhaqaalaha, amniga iyo hor umarinta bulshooyinka. Danaha labadaan wad an ee heer gobol iyo heer caalami ayaa ahaa tixane soo jireen ah.

4. Diidmada shacabka

Inay shacabka Soomaalida Farmaajo ka diid een inuu Jabuuti takooro isagoo is xijinayo Ito obiya iyo Eritrea waxay aheyd dareen Soomaali yeed oo aan la badali karin lana beenin karin.

Tani waxay shacabka Jabuuti mar ku tahay xujo marna waxay u tahay abaal-gud maadaa ma ay kaalin la inkiri karin ku lahaayeen dib is ku raadinta Soomaaliya burburkii kadib.

Safarkii madaxweyne Xasan Shiikh Maxamu ud iyo booga dhayidii uu Jabuuti u sameeyey ayaa dad badan ku tilmaameen tallaabadii ugu munaasabsaneyd oo uu illaa iyo hadda madax weynuhu u qaaday dhanka siyaasadiisa gobol ka.Xigasho:Caasimadda.net



SHEEKADA AAN LA OGAYN EE KU SAABSAN SIDII UU XILDHIBAAN YUUSUF XASAN SHAQADA UGA HELAY BBC-DA


Tifaftiraha BBC Somali Muxyadiin Rooble (bidix) Xildhibaan Yuusuf Xasan (dhexda) iyo tifaftirihii hore ee BBC Somali Yuusuf Garaad

Qoraalka sawirka,

Tifaftiraha BBC Somali Muxyadiin Rooble (bidix) Xildhibaan Yuusuf Xasan (dhexda) iyo tifaftirihii hore ee BBC Somali Yuusuf Garaad

19 Luulyo 2022

Xildhibaan Yuusuf Xasan oo ka mid ah xubnaha Baarl amaanka dalka Kenya ayaa ka sheekeeyay xasuusta qaabkii uu shaqada uga helay BBC-da in ka badan 40 sano ka hor.

Xilli ay BBC-da isbuucan xusayso 65 guuradii kasoo wareegtay aasaaskii laan ta Afsoomaaliga ayuu xildhibaanka soo booqday xafiiska Nairobi, waxaana uu waraysi lala yeeshay ku soo bandhigay qiso aysan dad badan ka warqabin oo ku saabsan qaabkii shaqada looga qoray.

"Waxaan kusoo biiray 1979-kii. Anigoo wariye ka ah magaalada Nairobi aya an ka tagay oo aan u baxay dalka Ingiriiska, sidaas ayaana daarta Bush House uga billaabay shaqadaydii ugu horraysay ee wariyenimada BBC-da," ayuu yiri Yuusuf Xasan, oo hadda baarlamaanka Kenya ku mataya degmada ay ka tirsan tahay xaafadda Soomaalidu ku badan tahay ee Islii.

Xilligaas oo ahayd 43 sano ka hor waxa uu noqday qofkii ugu horreeyay ee Soomaali ah oo ku biira laanta Af Sawaaxiliga ee BBC-da, laakiin qaabkii uu shaqada ku helay ayaa ahaa mid cajiib ah.

'Dhowr bilood ayay BBC-da i raadinaysay'

Xafiiska BBC-da ee London ayaa kasoo jawaabay codsi dalab shaqo ah oo uu Yuusuf Xasan u dirsaday, balse dhowr bilood ayay qaadatay in uu shakhsi ahaan u helo jawaabtaas.

Xildhibaan Yuusuf Xasan iyo Murashaxa xilka madaxweynaha Kenya, Raila Odinga.

XIGASHADA SAWIRKA,YUSSUF HASSAN/FB

Qoraalka sawirka,

Xildhibaan Yuusuf Xasan iyo Murashaxa xilka mad axweynaha Kenya, Raila Odinga.

Maadaama waqtigaas uusan jirin xiriirka telefoonka ee sida sahlan la isugu helo, BBC-du waxay farriin ugu soo dirtay aaladda "Tel ex" oo laga heli karay xafiiska Idaacaddii dowladda Kenya ee uu ka howl geli jir ay markaas.

"Runtii maba ogayn in shaqada la i siiyay. Barigaas Telex wax la yiraahdo ay aa warka lagu diri jiray, markii ay BBC-du i qaadatay Telex-ka waxay usoo diri ji rtay idaacadda dalka Kenya oo aan ka shaqaynayay. Meel baa laga soo go ynayaa kaddib iyadoo baqshad ku jirta ayaa xafiiska la keenayaa.

"Marka anigi inta aanan jawaabta helin waan ka tagay Nairobi. Arrimo siyaa sadeed oo xasaasi ah baa jiray, sidaas awgeed ayaan Nairobi isaga baxay. Dhowr bilood baan ka maqnaa, dhowrkaas biloodna Telex-kaasi wuu soo dhici jiray.

"Maalin maalmaha ka mid ah ayaan kusoo noqday Nairobi, waxaana tagay id aacadda dalka Kenya, "Voice Of Kenya", markaana nin Soomaali ah oo Maxam ed Cabdullaahi la yiraahdo ayaa maamuleyaasha ka mid ahaa.

"Aasaga ayaan u tagay markaas buu igu yiri waraaqahan Telex-ka ah ee me esha saaran adiga ayaa lagugu doonayaa, BBC-da ayaa dhowr bilood ku raadi naysay. Marka isaga ayaa ii fasaxay inaan telefoonkiisa ku isticmaalo oo aan la hadlo qaybta BBC-da ee xagga shaqo galinta.

"Gabar madax ka ahayd qaybtaas baan la hadlay, waxay igu tiri, 'jagadii aan kuu qaadannay way bannaan tahay ee goormaad imaanaysaa?', Marka waxaan u sheegay inaan kasoo fikirayo."

Xildhibaan Yuusuf Xasan

XIGASHADA SAWIRKA,YUUSUF HASSAN/FB

Maxamed Cabdullaahi oo markii dambe noqday tifaftirihii laanta Af Soomaaliga ee BBC-da ayaa markaas kaddib talo siiyay Yuusuf Xasan.

"Markii aan dib ugu laabtay Maxamed Cabdull aahi ayuu i waydiiyay inaan helay qofkii aan rabay iyo waxa aan ugu jawaabay. Markii aan u sheegay inaan kasoo fikirayo ayuu igu yiri: "War doqon yohow intaad telefoonka ku celisid waxaad ku tiraahdaa, 'barito ayaan imanayaa'.

"Wuxuu intaas ii sii raaciyay, 'BBC-da fursaddan ay ku siisay nin helayo ma jiree ha iska luminin."

Markii uu dib ugu laabtay ayaa loo sheegay in laga rabo baasaboorkii uu ku safri lahaa iyo in uu tijaabooyin caafimaad maro, sidaas ayuuna ugu wareegay dhinaca UK.

Wariyaha hore ee BBC-da ayaa markii dambe isu baddalay siyaasi, waxa uuna kursiga xildhibaanka degmada Kamkunji ee magaalada Nairobi ku fadhiyaa tan iyo sanadkii 2013-kii.XIGASHO:BBC


ARRINTA KU SAABSAN LABADII ILBIQIRSI EE U DHAXAYSAY XABADDII LALA WAAYAY SHINZO ABE IYO TII KU DHACDAY


Ilaalada Shinzo Abe ayaa lagu eedeeyay inay da yaceen 2 ilbiriqsi iyo bar oo ay ku badbaadin kareen raysul wasaarihii hore ee Jabaan.

Khubarro dhanka am niga ah oo gaaraya 8 qof ay aa sheegay in ay ilaa ladu isku gadaami kartay, difaac u sameyn kartay ama ay ka wareejin kartay rasaasta ku beegnayd.

Fursadda ayay xuseen inay jirtay inta u dhaxay say rasaastii hore ee lala waayay iyo tii labaad oo si xun u dhaawacday.

Khubarradu waxay dib-u-eegis ku sameeyeen muuqaal laga duubay dilkii raysul wasaarihii ugu waqtiga dheeraa Japan.

Dilka Abe oo 8-dii Luulyo ka dhacay magaalada galbeedka ku taalla ee Nara, waxaa geystay nin adeegsaday hub gacan ku sameys ah.

Falkaas ayaa naxdin ku abuuray dalkaas oo ay naadir ka yihiin dambiyada ama rabshadaha hubka loo adeegsado.

Maamulka Japan – oo uu ku jiro raysul wasaare Fumio Kishida – ayaa qirtay habacsanaan dhanka ammaanka ah, booliskuna wuxuu sheegay inay baarayaan dhacdadaas.

Ninka toogtay Shinzo Abe

XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

Marka laga soo tago khu barrada dhinaca ammaanka, wakaaladda wararka ee Re uters ayaa goobta kula ha

da shay lix qof oo goobjoogeyaal ahaa, waxayna baartay mu uqaallo badan oo laga heli karo online-ka, kuwaas oo laga duubay xagallo kala duwan, si ay u soo ururi yaan war bixin faahfaahsan oo ku saabsan tallaaboo yinka amm aanka ka hor toogashadiisa.Ninka too gashada gaystay oo boolisku uu magaciisa ku she egay Tetsuya Yamagami, oo 41 jir ah, wuxuu fursad ku helay Abe, isagoo u soo jirsaday dhowr mitir.

Muuqaalku wuxuu tusayaa in aanay cidi ka war hayn halista ka soo socotay ninka hubeysan.

"Waxay ahayd inay arkaan qofka weerarka geys tay oo si bareer ah ugu sii so cda xagga dambe ee raysul wasaaraha oo ay soo dhexgalaan," ayuu yiri Kenneth Bombace, madaxa Global Threat Solutions, kaasoo ilaalinayay ammaanka Joe Biden markii uu ahaa murashaxa madaxweyne.

Yamagami wuxuu yimid meel u jirta 7 mitir Abe ka hor inta uusan ridin ra saastiisii ​​ugu horreysay, taa soo uu la waayay, wargeyska Yomiuri oo soo xigana ya ilo-wareedyada baarista ayaa sidaas qoray. Wux uu rasaasta labaad ee halee shay Abe oo 67 jir ahaa ka soo riday meel u jirta 5 mitir, sida la sheegay."Ila alada Abe uma muuqan kuwa isku hareereyn aya,” ayuu yiri John Soltys, oo horay u ahaan jiray ciidanka badda iyo sarkaal CIA ah, balse hadda ah ku-xigeen ka madaxa shirkadda amniga Prosegur. "Ilaalo kuma aysan dhex lahayn dadka."

Shinzo Abe

XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

Booliska Nara Prefectural, oo mas'uul ka ah amn iga joojinta ololaha Abe ay aa mar wax laga weydiiyay falanqaynta khubarrada, wuxuu wa kaaladda wararka ee Reuters ugu sheegay bayaan uu soo saaray waaxda "waxaa ka go' an inay si dhab ah u og aato waxa ka qal dam ay amniga" iyo ilaalinta Abe, isagoo diiday inuu faallo dheeraad ah bixiyo.

Muuqaalka fiidiyowga ayaa muujiyay in, kaddib markii lagu riday xabbadda koowaad in Abe uu jee stay oo uu eegay garabk iisa bidix. Laba askari oo il aalo ah ayaa isku dayay in ay kala dhex galaan isaga iyo ninka toogashada geystay, midna wuxuu kor u qaadayaa bac madow oo qafiif ah. Labo kale ayaa u jihaystay dhanka ay ka soo dhaceysay rasasata, iyagoo u soo dhowaaday qiiqa.

I nkastoo ilaalada Abe ay daqiiqado kaddib la tacaalayeen ninka toogashada gaystay oo ay xireen, haddana Mitsuru Fukuda, oo ah barafasoor wax ka dhiga jaamacadda Nihon, isla markaana ku takhasusay maareynta dhibaatooyinka iyo argagixisada wuxuu sheegay in ay ahayd "jawaab qaldan” in qaar ka tirsan askarta ay daba galaan ninka toogashada sameeyay halkii ay u dhaqaaqi lahaa yeen ilaalinta Abe.

Waxaa meesha ku sugnaa ciidan ku filan sugidda ammaanka, "laakiin ma jirin dareen loo hayay halista," ayuu yiri Yasuhiro Sasaki, oo ah sarkaal booliis oo howlgab ah oo ku sugan ismaamulka Saitama ee u dhow Tokyo.

Booliska Tokyo, oo mas'uul ka ah ilaalada siyaasiyiinta muhiimka ah ayaa su'aalo u gudbiyay booliska Nara.

Wakaaladda wararka ee Reuters uma suurtagelin inay hesho Yamagami, oo weli ku jira gacanta booliska, si uu wax uga yiraahdo arrinta, mana aysan ogaan karin inuu leeyahay qareen iyo in kale.Markii uu raysul wasaarihii hore u istaagay inuu hadlo, Yamagami waxaa laga arki karaa muuqaal gadaal ah, isagoo sacab tumaya. Markii Yamagami uu daba socday Abe, ciidanka ammaanku uma muuqan inuu tallaabo qaadayo, sida laga arki karay muuqaalka

. XIGASHO:BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip