Suuqa Weyn Ee Magaalada Wajeer Oo Uu Dab Qabsadey

0
Monday July 11, 2022 - 06:05:38 in Wararka by
  • Visits: 203
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Suuqa Weyn Ee Magaalada Wajeer Oo Uu Dab Qabsadey

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Wararka ka imanaya magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari Kenya, ayaa sheegaya in xalay dab xooggan uu ka kacay suuqa ugu weyn magaalada.

Dabka oo sida ay ganacsatadu sheegeen bilowday xilli dambe oo xalay ah, ayaanan la ogeyn sida dhabta ah waxa sababay.

Cabdulrasaaq Ibraahim oo kamid ah guddiga ganacsatada suuqa, ayaa ku tilmaamey in dabka oo xoog lahaa dartiis, in qeybihii kale ee dariska la ahaa suuqa alaabtii laga saarey.

Ganacsade Cabdulrasaaq, carabka ku dhuftay in suuqa oo ka kooban laba qeybood oo kala ah Khudaarta iyo Dharka, ay haatan waxyeeladu ku badan tahay dhanka Dharka.

Wuxuu intaa ku darey Cabulrasaaq inaan la qiyaasi Karin baaxadda khasaaraha uu geystay dabka, maadaama dhinacyada uu waxyeelada u geystay ay aad u balaaran yihiin.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip