Madaxda dowladda oo Salaadda Ciida dadweynaha kula tukaday Masjidka Cali Jimcaale

0
Saturday July 09, 2022 - 19:05:14 in Wararka by
  • Visits: 363
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxda dowladda oo Salaadda Ciida dadweynaha kula tukaday Masjidka Cali Jimcaale

    Madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda kale ee Dowladda ayaa saakay Salaadda Ciidda shacabka reer Muqdisho kula tukaday Masaajidka Cali Jimcaale oo dhawaan laga dhisay Muqdisho. Madaxdii Madaxweynaha salaada ciida kula tukatay masaajidka isbahaysiga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda kale ee Dowladda ayaa saakay Salaadda Ciidda shacabka reer Muqdisho kula tukaday Masaajidka Cali Jimcaale oo dhawaan laga dhisay Muqdisho. Madaxdii Madaxweynaha salaada ciida kula tukatay masaajidka isbahaysiga ayaa waxaa kamid ahaa, Raiisulwasaaraha Soomaaliya Mudane Xamze Cali Barre, Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Wasiiro, Xildhibaano iyo masuuliyiin kale, ayaa dadweynaha kula tukaday Masaajidkan. Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo gacan ka helaya ciidamada Amisom, ayaa si wayn u adkeeyay ammaanka guud ee Masaajidka, waxayna xireen dhammaan wadooyinka soo gala masjidka, iyadoona dadka baaritaano adag la marsiinaayay. Madaxweynaha Somaliya oo Salaadda ka dib khudbad u jeediyay dadkii ku soo tukaday Masaajidka Isbahaysiga, ayaa marka hore waxaa uu dadka Soomaaliyeed uu ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul Adxaa. Wuxuuna Madaxweynaha ka waramay marxaladda uu dalka ku sugan yahay, gaar ahaan arrimaha ammaanka, dagaalka ka dhanka ah Ururka Al Shabaab iyo abaaraha baaxadda leh ee ku dhuftay dalka. Madaxweynaha ayaa umadda Somaliyeed ugu baaqay inay la shaqeeyan laamaha ammaanka, si loo xaqiijiyo buuyiri amniga guud ee dalka.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip