HALKAN KA AQRISO W.W MOGTIMES DAILY NEWSPAPER 6-7-2022

1
Wednesday July 06, 2022 - 10:07:12 in Wararka by
  • Visits: 368
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AQRISO W.W MOGTIMES DAILY NEWSPAPER 6-7-2022

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheikh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey Machadka SETA ee dalka

           Madaxweynaha JFS oo safar shaqo ku jooga dalka Turkiga ayaa khudbad ka jeediyey Machadka SETA ee dalka Turki ga,madaxweynaha ayaa khudbadiisa kaga hadlay doorka xiriirka qotada dheer ee dala lka Turkiga iyo Soomaliya ay wadaagaan kaas oo ah mid muhiimad gaar ah u leh la bada dal.

       madaxweyne Xasan ayaa si adag uga hadlay sida ay muhiim u tahay in la iska ka shado la dagaalanka kooxda Argagixisadd ah ee Al-shabaab iyo sida ay muhiim u ta hay in laga gacan siiyo dowladda Soomali ya qorshaha ay doonayso in ay guud ah aan ba dalka kaga cidhibtirto kooxda Arga gixisadda ah ee  Al-shabaab.

        Madaxweynaha ayaa xusay in qaab abkii hore loogu wajahay la dagaalanka kooxda Al-shabaab aanu ahayn mid keena ya hor u socodnimo lagaga guulaysan karo ,sidaas darteed iyadoo Dowladda Soomali ya faa’iidaysanaysa khibrada hore markan ay u diyaar garowday sidii kooxda Al-sha baab loo burburin lahaa dhaqaale aha an,ciidan ahaan iyo caqiido ahaan ba.

         madaxweynaha ayaa xusay in iskaas higa Soomaaliya iyo Turkiga uu yahay mid ku dhisan is ixtiraam, wax wada qabsi iyo in la is garab istaago wakhtiyadda adag isa ga oo xusay sida ay muhiim u tahay in mar kan Soomaaliya laga caawiyo sidii ay uga guuleysan lahayd caqabadda dhanka amn iga taas oo koobsanaysa dhammaan caqa badaha hor taagan dowladnimadda Soo maaliya.

Gudoomiye Aadan Madoobe oo magacaabay laba xil

     Guddoomiyaha Golaha Shacabka Shee kh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Ma doobe) ayaa magacaabay labo xubnood oo la-taliyeyaal cusub u noqonaya, gaar ah aan dhinacyada arrimaha bulshada iyo xiri irka dadweynaha iyo dib u heshiisiinta.

      Xildhibaan hore Naciimo Maxamed Ga cal ayuu guddoomiye Sheekh Aadan Mad oobe u magacaabay la-taliyihiisa dhanka arrimaha bulshada.

       Sidoo kale guddoomiyaha ayaa la-tali yihiisa dhanka xiriirka dadweynaha iyo dib u heshiisiinta u magacaabay Cali Yuusuf Cusmaan, wuxuuna Sheekh Aadan Madoo be xoghaya guud ee golaha shacabka fa ray inuu soo dhameystiro habraaca maa muuska la-taliyeyaashaan iyo meel marinta magacaabidooda, si sharciga waafaqsan.

        Sheekh Aadan Madoobe ayaa magic aabidaan sameeyey Shalay inta uusan safar ugu amba-bixin dalka Sacuudiga, si u u u soo xajiyo.

         Guddoomiye Sheekh Aadan Madoo be ayaa horay xildhibaan hore Maxamed Idiris Ganey u magacaabay la-taliyihiisa dhanka sharciga.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka ayaa ka qeyb-galay shir madaxeedka IGAD oo Shalay ka dhacay dalka Kenya

            Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dal ka Mu dane Mahdi Maxamed Guuleed  (Kh adar) ayaa  magaalada Nairobi ee dalka Kenya uga  qayb galay meertada 39-aad ee Shir Madaxeedka Urur Gobolleedka IGAD oo looga hadlayay nabadda, abaara ha ku dhu ftay dalalka geeska afrika, isbe badalka cili mada iyo arrimaha kale ee mu dnaanta u leh gobolka.

        Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo shirka ku matalayay Madaxweynaha Jamh uuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warbixin ka siiyey madaxda urur gobolleedka IGAD horumarada la gaaray iyo qorsheyaasha dowladda ee dhinacyada ammaanka iyo dib u soo kabashada dalka, gaar ahaan da daallada dowladda ee wax ka qabashada arrimaha abaaraha ku dhuftay qeybo ba dan oo kamid ah dalka.

       Dalalka ka qeyb galay shirka ayaa bog gaadiyey isbedelkii dimoqraadiga ahaa ee ka dhacay dalka, iyagoo hambalyo ku aad dan u diray Madaxweynaha Jamhuuri yadda iyo guud ahaan shacabka Soomaali yeed.

Xoghaya cusub ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xilka la wareegay

        Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Abuukar Subeer ayaa Shalay xilka kala wareegay Xoghayihii hore ee Xa fiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Maxa med Ibraahim Nuur.



          Munaasibada xil-wareejinta ayaa ka dhacday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, ka asi oo uu goobjoog ka ahaa Wasiiru-dowla ha xafiiska Mudane Cabdixakiin Ashkir.

         Xoghayihii hore ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Maxamed Ibraahim Nuur ayaa ku wareejiyey Xoghaya cusub galal ay ku qoran yihiin hantida ma guur tada ah, shaqaalaha, iyo hannaanka shaqo ee Xafiiska.

        Sidoo kale waxa uu Alle uga rajeeyey in xilkaas culus ee loo dhiibay uu u fudud eeyo.

         Xoghayaha cusub ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Maxamed Abuukar Subeer ayaa dhankiisa soo bandhigay qor sheyaasha ku aaddan horumarinta howla ha mudnaanta u leh.

          Ugu dambeyntiina waxa uu xoghaya ha cusub ka codsaday dhammaan shaqaal aha iyo howl-wadeennada xafiiska in lala shaqeeyo, si loo dardar-geliyo howlaha hor yaalla.

Soomaaliland oo xabsiga ka sii daysay siyaasiyiin iyo suxufiyiin muddo u xirnaa

          Waxaa xabsiga Mandheere laga soo daayay siyaasiin ka tirsan xisbiyada mucaa radka ee soomaaliland iyo suxufiyiin maal mihii la soo dhaafay ugu xirnaa arrimo si yaasadeed.

     Arrintan ayaa timid ka dib markii odaya al ka mid ah kuwa Somaliland ay dhexdhe xaadiyeen xukuumadda iyo xisbiyada muc aaradka.

       Qaar ka mid ah odayaasha qaybta ka qaatay waan waanta ayaa sheegay in siida ynta maxaabiista ka dib ay berri kulmi doo naan xisbiyada mucaaridka iyo xukuumad da Soomaaliland.

      Si kastaba ha ahaatee waxaa maalmi hii dambe taagnaa khilaaf ka dhashay doo rashada oo u dhexeeyey xukuumadda iyo mucaaradka.

      Lamana oga in dadaalladan ay soo afja ri doonaan khilaafka u dhexeeya xukuuma dda iyo xisbiyada mucaaradka ee Soomaa liland.

Madaxweynaha Hir-shabeelle oo kulan la qaatay wafdi ka socda QM

          Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle  Cali Guudlaawe Xuseen ay aa Xarunta Madaxtooyada  ku qaabilay Ku xigeenka Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya Marwo Anita Kiki Gbeho iyo Wafdi ay hoggaamina ysay.

        Wafdiga Madaxweynaha uu qaabilay waxaa kamid ahaa Wakiilka hay’adda FA O, Wakiilka Qaramada Midoobe u qaabils an Haweenka ‘ iyo Madaxa Xafiika Unsom ee Hirshabeelle.

       Kulanka ayaa waxa uu ahaa is xogwa reysi ku saabsan arrimaha bini’aadanimo, amni iyo arrimaha horumarineed ee deega anada Dowlad Gobolkeedka Hirshabeelle.

Waxaa sidoo kale dhacay kulamo gaar ga ar ah oo qaarkamid ah madaxda Qarama da Midoobe la yeesheen Wasaaradaha ay shaqo wadaaga yihiin.

         Madaxweynaha ayaa si gaar ah uga la hadlay Ku xigeenka Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soo maaliya sida looga jawaabi lahaa xaalada ha adag ee ka dhashay abaaraha baahsan ee sababay biyo la’aan, cunto la’aan, barakac iyo dhimasho ku timid dadka iyo xoolaha.

Booliska Soomaaliya oo sheegay in ciyaal weeradii ay isku badeleen koox abaabulan

            Shir deg deg ah oo Shalay magaal ada Muqdisho ay ku yeesheen taliyeyaa sha booliska degmooyinka ayaa waxaa loo ga hadlayay amni darada maalmihii la soo dhaafay ka jiray degmooyinka Gobolka Banadir.

     Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Maxam ed {Xijaar} ayaa shir guddoominayay shirkan waxaana ku sug naa dhammaan Saraakiisha booliska deg mooyinka iyo Taliska Qaybta guud ee booli ska Gobalka Banaadir .

         Shirka kadib ayaa waxaa warbaahin ta la hadlay Afhayeenka Booliska Soomaal iya Cabdifatax Aadan Xasan waxaa uu sheegay in shirka Shalay looga hadlay sidii wax looga qaban lahaa kooxaha burca da ah ee dhaca u geysta dadka shacabka iyo dhalin yarada ciyaal weerada.

Afhayeenka ayaa si rasmi ah ugudhawaa qay in ay degmooyinka Gobolka Banadir ay ka bilaaban doonaan howlgal ka dhan ah dhalin yarada ciyaal weerrada ah, isa goona xusay in dhalin yaradaasi ay isku ba deel kuwa gaangis ah oo dadka dhaca, wa xaa uuna digniin u diray waalidiinta dhala tay dhalin yarada ciyaal weerada.

         Dhanka kale Afhayeenka ayaa sidoo kale digniin u diray dadka ka ganacsatada waxyaabaha maanka dooriya, isagoona sheegay i maxkamad la horkeeni doono da dka ay ku soo qabteen ganacsiga waxyaa baha maanka dooriya.

        Hadalka Afhayeenka ayaa ku soo aa daya in xili magaalada Muqdisho ay ku soo bateen falal amni darada ah,iyadoona shac abka Muqdisho ay walaac xoogan ay ka muujiyeen kooxajha bucada ah ee dhaca u geysta iyo dhalin yarada ciyaal weerrada ah, lamana oga inay wax iska badeli doo naan amarkan ay soo saareen Booliska.

Madaxweynaha Somaliland iyo guddida dhexdhexaadinta khilaafka doorashada oo heshiisyo gaadhay

        Madaxweynaha Somaliland Muuse Bii xi Cabdi iyo guddida dhexdhexaadinta khil aafka mucaaradka iyo xukuumada, ayaa ku heshiiyay in lasii daayo siyaasiyiinta mu caaradka ka xidhan, iyo in wadahadalada dib loo bilaabo.

       Guddoomiyaha Golaha Guurtida Som aliland Saleebaan Maxamuud Aadan, oo kamid ah guddida dhexdhexaadinta, ayaa ugu horayntii madaxweynaha ka codsaday in uu siidaayo 12 siyaasi oo mucaaradka ka tirsan kuwaasi oo lagu xidhay mudah raadkii 9 Juun, ay mucaaradku ka dhigeen Hargaysa, isagoo madaxweynuhuna ka aq balay.

          "Mar hadii aad iskugu kaaya yeedh ay, dee waxaanu kaa codsanaynaa maxaa biistii horta bal barigii dhawayto mudahar aadka lagu soo xidh xidhay dee horta sii daa oo Shalay inaga siidaa" ayuu yidhi gu ddoomiye Saleebaan " Ogoli" ayuu ku ja waabay madaxweyne Biixi isaga oo aqbala y codsiga.

         Siidaynta siyaasiyiinta xidhan ayaa loo mari doonaa sharciga, iyada oo xeer ilaalinta iyo booliisku ay ka noqon doonaan dacwadihii ay kusoo oogeen shakhsiyaad ka xidhan, kadibna maxkamada ayaa fasixi doonta, sida madaxtooyadu sheegtay.

       Labada dhinac ayaa sidookale ku  he shiiyay in madaxweynaha iyo madaxda ax saabta mucaaradka Somaliland, laysku ke eno maalinta berri ah si dib loogu amba qaado wadahadaladii fashilmay ee u dhex eeyay mucaaradka iyo xukuumada.

         Kadib markii ay fashilmeen wadaha daladii lagu doonayay in mucaaradka iyo muxaafadka Somaliland ay iskula meel dhi gaan xal u helida khilaafka doorashada, ay ay axsaabta mucaaradku dhigeen mudaha raado khasaare ka dhashay 9 Juun, iyaga oo ku dhawaaqay mudaharaado kale 11 Ju ne.

       Hadaba, guddi ka kooban odayaal, ga nacsato iyo waxgarad isxilqaamay, ayaa mucaaradka ku qanciyay in ay dib u dhi gaan mudaharaadada, iyaguna ay isku da yi doonaan in ay dhexdhexaadin ka dhex sameeyaan labada dhinac si heshiis looga gaadho khilaafka taasi oo ay dhinacyadu aqbaleen.

Ugu yaraan 200 oo carruur ah oo Soomaaliya u geeriyooday nafaqo-xumo ay abaartu sababtay

           Xafiiska isku xirka arrimaha bini’aad antinimada ee Qaramada Midoobay (UNO CHA) ayaa sheegay in ugu yaraan 200 oo carruur ah ay Soomaaliya ugu geeriyoo deen nafaqo darro abaarta ka dhalatay, tan iyo bishii Janaayo ee sannadkan.

         Xaaladda abaarta ayaa sii xumaatay ka dib markii afartii sano ee isku xigtay ay roobabkii ka di’i waayeen sideed gobol oo dalka ka mid ah, halka lix gobol ay ka da’ een bishii May ee sanadkan, taasoo keen tay in qoysaskii ay dhibaatadu soo gaartay ay qarka u saaran yihiin macaluul, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

        "In ka badan 7 milyan oo qof ayaa ay dhibaatadu saameysey, marka loo eego 6.1 milyan bishii May, in ka badan 805,000 -na waa ay barokaceen," ayaa lagu yiri ba yaan ay soo saartay hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bini'aadan imada.

        Qaramada Midoobay waxay sheegtay in la-hawlgalayaasheeda bini'aadantinimo ay bilaabeen raadinta qorshaha Ka-horta gga abaaraha iyo macaluusha illaa Diseem bar 2022 si loo fududeeyo kor u qaadista gargaarka naf-badbaadinta, si looga horta go macluusha dalka.

         Qaramada midoobay ayaa sheegtay inay u baahan tahay $993.3 milyan oo doll ar, si loo fuliyo laguna bartilmaameedsado 6.4 milyan oo qof, sida ay sheegtay Qara mada Midoobay.


 

Tahriibayaal Soomaali ah oo laga soo badbaadiyay xeebaha Dalka Tunisia.

         Cutubyo ka tirsan Ciidanka Badda Tunisia ayaa ku guuleystey in ay badbaadi yaan 97 tahriibayaal ah oo jinsiyado kala duwan ka soo jeeda badankoodina ay u badnaayeen kuwa kabaxay Wadamada Africa, Ciidanka ayaa lagu soo waranayaa in ay badda kasoo saareen meydka qof so o galooti ah ka dib seddex Howlgal oo bad baadin ah ay sameeyeen maadama. doomihi ayTahribayasha saarnaayen ay qarka u saarneed inay quusto.

    Tahriibayaashaan oo faah faahin laga bi xinaa yay wadamada ay kasoo jeedan ayaa ciidanka ilaalada xeebaha Tunisa waxa ay kushe egeen in 37 kamid ah u dhasheen dalka Masar, 13 u dhashay Bangaladesh, 12 Syrian ah, 2 Somalia ah iyo 4 u dhalatat dalka Sudan.

        Tahribayashaan ay ku jiraan Soomaa lida ayaa laga soo badbaadiyay xeebaha Koonfur Bari ee Al-Ataya ee dalka Tunisa.

Cutubyadaan ka tirsan ciidanka badda ayaa muhaajiriinta ajnabig ah ku wareeji yay ciidamada ilaalada qaranka si ay u dha maystiraan nidaamka sharciga ah ee dad kaasi lamarsiinayo

Abiy Axmed: ‘Waa in la ciribtiraa jabhadda Oromada

        Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axm ed ayaa xasuuq ku tilmaamay weerarro la gu beegsaday dadka laga tiro badan yahay ee ku nool galbeedka Itoobiya halkaas oo lagu dilay dad badan.

      Abiy Axmed wuxuu wacad ku maray in la ‘ciribtiro’ fallaagada oromada ee OLF.

     Wuxuu ku eedeeyay in kooxdan ay ka dambeysay colaadda.

        Ilaa iyo hadda jabhadda Oromada ka ma aysan hadlin eedeymaha loo jeediyay.

         Dagaal ayaa subaxnimadii Isniinta ka bilowday degmada Hawa Gelan ee ka tirs an gobolka, dagaalkaas oo socday muddo sadex saacadood ah.

         Weerraro hor leh ayaa ka dhacay tuu looyin fogfog oo ku yaalla galbeedka gob olka Oromiya ee Itoobiya. Dad badan ayaa ku dhintay, guryana waa lagu gubay sida ay goobjoogeyaal u sheegeen BBC-da.

        Way adag tahay in la xaqiijiyo tirada dhabta ah ee dadka la dilay maaddaama aan wali la wada helin meydadka dadka lo o malaynayo in la laayay. Laakiin, waxaa la ga yaabaa in ay kor u dhaafto 150 qof oo ay ku jiraan carruur, sida ay sheegeen labo ka tirsan goobjoogeyaasha.Xasuuq mar kale ka dhacay gudaha dalka Itoobiya

        Warbaahinta gaarka loo leeyahay ee Axmaarada ayaa sheegaysa in dad boqo laal kor u dhaafaya mar kale lagu xasuu qay gudaha degaanka Oromiya gaar aha an galbeedka gobolka Wallaga oo ah goob ay deggan yihiin qowmiyadda Axmaarada.

        Ra'iisal wasaaraha Itoobiya Abiyi Axm ed ayaa dhiniciisa xasuuqan ku eedeeyay Jabhadda Xoreynta Oromiya ee OLA, isa goo xusay in wixii xasuuqa gaystay ay aha ayeen firxadkii Jabhadda Oromada ee OLA kuwaas oo ka baxsanayay Ciidamada Ito obiya waa siduu hadalka u dhigay.

         Sidoo kale Ra'iisal wasaare Abiyi wa xa uu sheegay in Ciidamada Itoobiya ee haatan dagaalka kula jira Jabhadda Xore ynta Oromiya OLA aysan ka hadhi doonin Jabhadda ilaa oy dalka ka nadiifiyaan oo la ciribtiro waxa uu ku tilmaamay Argaga xis ada oo uu ula jeedo Jabhaddan OLA.

         Xasuuqan dambe ee ka dhacay gobo lka Wallaga ee degaanka Oromiya oo ay dowladdu kaliya sheegtay in dad lagu xas uuqay halkaa, maysan shewgin dowladdu t irada rasmiga ah ee la xasuuqay balse Warbaahinta gaarka loo leeyahay iyo Urur ada Axmaarada ee mucaaradka ah ayaa sheegay in tiri boqolaal kor u dhaafaysa oo shacab ah lagu xasuuqay tuulooyin hoos yimaadda gobolka Wallaga ee degaanka Oromiya halkaas oo ay deggan yihiin dad ka soojeeda qawmiyadda Axmaarada.

      Toddobaado ka hor ayay ahayd markii sidan oo kale dad Axmaaro ah lagu xasuu qay galbeedka degaanka Oromiya, iyadoo ay kasii horreysay xasuuq kale oo dad Oro mo ah loogu gaystay degaanka Axmaara da, kaas oo lagu eedeeyay inay gaysteen xubno kamid ah Booliska gaarka ah ee de gaanka Axmaarada iyo qaar kamid ah ma leeshiyaadka ka dhaqdhaqaaqa degaanka Axmaarada ee FANO.

       Isku dhacyada qowmiyadaha iyo xas uuqyada ayaa noqday kuwo kusoo noqno qda gudaha Itoobiya, kuwaas oo aysan do wladdu wali xal rasmi ah ka gaarin.

Shiinaha oo iska fogeeyay eedeyn uga timid Mareykanka

      Shiinaha ayaa beeniyay eedeyn mas’ uuliyad darro ay ku tilShalayy oo uga timid madaxa hay’adda saadaasha hawada ee Mar aykanka, kaasoo sheegay in xukuuma dda Beijing ay qabsan rabo qeyb dayaxa.

      Bill Nelson oo ah maamulaha hay’adda NASA ayaa waraysi uu siiyay wargeyska Bild ee ka soo baxa Jarmalka ku sheegay in Shiinaha uu wado qorshe uu mashruuc milateri uga fulinayo guudka dayaxa.

        Shiinaha sanadihii la soo dhaafay sare u qaaday hawlgalladiisa ku aaddan da yaxa, waxaana uu dayax-gacmeed aanay cidna saarnayn ku dejiyay dayaxa sanadkii 2013. Beijing ayaa sidoo kale doonaysa in dayax-gacmeed awood badan oo qaadi ka ra cir-bixiyayaal ay dayaxa u dirto inta aan la gaarin 2030.

       "Waa arrin walaaceeda leh in Shiinaha uu gaarayo dayaxa, kadibna oran doono "inaga ayaa leh oo cidna uma soo dhawa an karto,” ayuu Bill Nelson ku sheegay war aysiga.

          Waxa uu intaa raaciyay in barnaamij ka hawada sare ee Shiinaha uu yahay mid ku salaysan cudud milateri, isla markaana ay xukuumadda Beijing fekrado iyo tikno laajiyad ku aaddan hawlgalkaas ay ka xad ay dalal kale.

        Ma aha markii u horreysay ee mada xa hay’adda NASA uu iska indho-tiray xa qiiqda, isla markaana uu sheegay hadal mas’uuliyad darro ah oo ka dhan ah Shii naha,” ayuu yiri Zhao Lijian oo u hadlay wa saaradda arrimaha dibedda ee Shiinaha.

Itoobiya iyo Suudaan oo ka wadahadlay qaboojinta xiisada ka dhex taagan

     Raysal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axme d, iyo hoggaamiyaha Sudan, Abdel Fattah al-Burhan, ayaa ka wada hadlay sidii loo qaboojin lahaa xiisadda ka taagan xuduud da lagu muransan yahay ee labada dal oo dhawaan dagaallo ku dhex mareen ciida mada labadaas dal.

      Abiy Axmed ayaa sheegay in labadoo da hoggaamiye ay yee sheen wadahadal la gu xallinayo khilaaf kasta oo labada dal u dhex eeya.

         Labada hoggaamiye ayaa ku kulmay caasimadda Kenya, ee Nairobi halkaas oo ay uga qayb galeen shir-madaxedka IGAD

        Midowga Afrika, UN-ka iyo IGAD ayaa dhamaantood ka dhawaajiyay walaaca ay ka qabaan xiisadda u dhexeysa Itoobiya iyo Suudaan.

         Saraakiisha Khartoum ayaa ku eedee yay ciidanka Itoobiya in ay 7 askari oo Suu daani ah ka qabteen deegaanka lagu mura nsan yahay ee Al-Fashaga. Addis Ababa ayaa beenisay eeddaas.

Dufaan boor wadata oo Iiraan ku kallifay iney goobaha waxbarashada albaabbda isugu dhufato

     Duufaan boor wadata oo ku dhufatay magaalada Tehran ayaa dowladda Iiraan ku kallifay iney Isniinta Shalay ah gabi ah aanba albaabbada isugu dhufato iskullada, jaamacadaha iyo xafiisyada dowladda.

     Sida oo kale gobolka Alborz oo ay dufa antaasi saameysayna waxay qaadeen tall aabbo taa la mid ah.

       Boorka Duufaanta ka dhashay ayaa sa babtay wasakheysiga hawada iney gaarto halkii ugu sarreeyey.

     Duufaan tan la mid ah dalka Iiraan wax ay ku dhufatay 25-kii Bishii May ee sanad kan.     Waddamada Ciraaq, Kuweyt iyo Sacuu di Carabiya waxay sida oo kale sanadkan la kulmeen dufaan tan la mid ah inkasta oo heerkeeda uu gaarsiisneen tan ku dhufatay Iiraan.

Madaxweyne ku-xigeenkii Kenya oo sheegay inuu ‘qabiil Soomaali ah kasoo jeedo’

        Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Kenya, Kalonzo Musyoka, ayaa sheegay in uu kasoo jeedo mid ka mid ah qabiillada Soomaalida ee caanka ah.


      Hadalkan ayuu ka jeediyay isusoobax siyaasadeed oo uu uga qayb galay magaa lada Habasweyne ee ismaamulka Wajeer, halkaas oo uu booqday isbuucii lasoo dhaa fay.

       Erayadiisa ayaa abuuray hadal-hayn aad u ballaaran oo maalmihii lasoo dhaa fay qabsatay baraha bulshada.

         Mr Musyoka oo ka mid ah siyaasiy iinta ugu magaca wayn dalka Kenya, ugu na taageerada badan, ayaa fagaaraha uu ka khudbeynayay oo ay dadweyne aad u badan isugu imaadeen ka sheegay in qa biilkiisa – oo lagu magacaabo Wakamba –     "looga yaqaanno Soomaaliya Digil iyo Miri fle”.

      Waxaase hadalladiisa ay u muuq deen kaftan uu la wadaagayay So omaal ida ba dan ee ku sugnayd goobta uu ka hadlayay.

Khudbadda uu arrintan ku sheegay ayuu si doo kale uga hadlay in xiriirka Kenya iyo Soomaaliya uu yahay mid aad u wan aag san.

          "Hadda waxaan leennahay dowlad saxiib la ah Muqdisho. Xitaa Madaxwey ne Uhuru maalin dhawayd wuxuu u tagay halk aas caleema saarka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.”

        "Aniga arrimaha Soomaaliya wax aan ka shaqaynayay tan iyo markii aan ahaa wasiirka arrimaha dibadda. Aniga waxaan iri dadka Wakamba-da ah ee dhi nacaas wa xaa lagu magacaabaa Digil iyo Mirifle,” ay uu yiri Musyoka.

        Tani waxay ka dhigan tahay in Ka lon zo Musyoka uu hadalkiisa ula jeedo in isa ga qudhiisa uu "kasoo jeedo Digil iyo Mirif le”, isagoo sidoo kale ka hadlay qabiillo ka le oo Soomaalida ka tirsan oo uu bartay.

      Siyaasigan oo muddo dheer olole ka waday Kenya ayaa hadda ku guda jira olol aha doorashada bisha August la fila yo in ay ka dhacdo Kenya.        Markii ugu horraysay sanadkan wax a uu ka maqan yahay tartanka boos ka mada xweyne ku xigeenka Kenya oo uu dhowr jeer oo lasoo dhaafay u hanqal taa   gayay is agoo la safan musharaxa hadda u taagan kursiga madaxweynaha, Raila Odinga.

     Mr Odinga ayaa markan ku xigee nkisa u xushay haweeney rug caddaa siy aasa deed ah oo lagu magacaabo Mar tha Karu a, taasoo noqon doonta gaba dhii ugu hora ysay ee xilka Madaxweyne ku xigeenka ka qabata Kenya, haddii uu guulaysto Raila Odinga.

        Loollan adag ayuu Odinga kala kul ma yaa murashaxa kale ee sida wayn u gu cad cad doorashada, William Ruto.

Waa kuma Kalonzo Musyoka?

     Kalonzo Musyoka waxa uu degmada M wingi ku dhashay 24-kii bishii Dece mber ee sanadkii 1953-kii.

           Waa 68 jir dhalay saddex carruur ah. Waxa uu hoggaamiyaa xisbi siyaa sad eedka Wiper oo saamayn xoog ba dan leh.

Intii ud ahsxaysay 1993-kii ilaa 1998-kii wa xa uu Wasiirka Arrimaha Dibadda ka ahaa dowladdii Daniel Arap Moi.

         9-kii bishii January ee sanadkii 2008 ayaa loo doortay inuu noqdo mad axweyne ku xigeenka Kenya, xilkaas oo uu hayay ila a 9-kii bishii April ee sana dkii 2013-kii.

Isha: BBC

Shiinaha: Shirkadaha iibka dhulka iyo guryaha oo lacag ahaan u qaadanaya qare iyo khudaar kale

     Shirkadaha Shiinaha qaar ee iibiya dhul ka iyo guryaha ayaa sheegay in ay lacag a haan u qaadan doonaan cunto. Arrintan oo taagan dhowrkii bil ee la soo dhaafay ayay uga golleeyihiin inay ku soo jiitaan macaa miil.

     Shirkaduhu waxay xayaysiiyeen heshi is yo ay dadka ugu oggolaanayaan inay istic maalaan wax-soo-saarka beera ha - oo ay ku jiraan qaraha iyo toonta – xill iya da ay la cagaha ugu horreeya ka bixin ayaan gurya ha cusub.

       Iibka guryaha ee Shiinaha ayaa ho os u dhacayay 11 bil oo xiriir ah, iyadoo isbuu caan mid ka mid ah shirk adaha u gu waawe yn ay iska bixin ways ay dey mihii lagu la haa.Toddobaadkii hore, shir kad iibisa dhul ka oo ku taalla magaalada bariga ku taalla ee Wuxi ayaa sheegtay inay oggolaan doo nto nooca miraha beeraha ee lagu magic aabo biij (peach) in lagu bixiyo lacagaha ho rdhaca ah ee guryaha, taas oo u dhigmi karta in la dhimo ilaa 188,888 lacagta yuan ee Shiinaha oo u dhiganta $28,218 ama £23,289, waxayna u qaadaneysaa qaab u dhigma lacagta ugu horreysa ee guryaha.

      Shirkad kale oo ku sugan Nanjing oo u dhow magaaladaas ayaa sheegay inay be eraleyda ka aqbali doonto ilaa 5,000kg oo qare ah. Waxay ku qiimeysay in ay tahay wax-soo-saar u dhigma 100,000 yuan oo la cagta Shiinaha ah – qiimahaas wuxuu ka badan yahay kan uu qaruhu ka gooyo suuq yada maxalliga ah.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip