Dowladda Somaliya oo beenisay in Nabad Suggida ay Askareyso Caruurta Shabaab ka soo goosta

0
Wednesday May 11, 2016 - 19:23:14 in Wararka by
  • Visits: 517
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Somaliya oo beenisay in Nabad Suggida ay Askareyso Caruurta Shabaab ka soo goosta

    Dowladda Somaliya ayaa beenisay jiritaanka wararka ku aadan in Hay'adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka Somaliyed ay caruurta ka soo goosta Shabaab u adeegsato falal basaasnimo ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Somaliya ayaa beenisay jiritaanka wararka ku aadan in Hay'adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka Somaliyed ay caruurta ka soo goosta Shabaab u adeegsato falal basaasnimo ah.

War Saxaafadeed ka soo baxay Wasaarada Arimaha Dibada Somaliya ayaa lagu sheegay in Dowladda Somaliya arintaasi ay baaritaan ku sameysay, xaqiiqdana ay noqotay inaysan waxba ka jirin taasi.

Wargeyska Washington Post ee ka soo baxa dalka Mareykanka ayaa 7-dii Bishan daabacay Warbixin la xiriirta in Nabad Suggida Somaliya ay askareyso Caruurta ka soo goosata Shabaab, kuwaasi oo Wargeyska uu ku sheegay in loo yaqaan (Farmuuq).

Dowladda Somaliya waxa ay sheegtay inay ilaalinayso xeerka ku aadan inaan caruurta la askareyn Karin, sidoo kalena aanan loo adeegsan karin arimo ku aadan Basaasnimada.

Dowladda Somaliya iyo Hay’adaheeda kala duwan ayaa lagu sheegay qoraalka inay ilaalinayaan xuquuqda Muwaadiniinta Somaliyed iyo mida caruurta intaba si uusan u dhicin xadgudub.

Dhalinyaro ka soo goostay Ururka Al Shabaab ayaa dhanka Dowladda Somaliya ku soo biira, balse intooda badan waa dhalinyaro qaangaar ah oo ku biiri kara Askarta Dowladda.

Al Shabaab ayaa dagaal kula jirta Dowladda Federalka Somaliya iyo ciidamada Amisom, iyadoo uusan jirin sharci qabanaya Shabaab, maadaama ay askareeyaan caruurta.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip