Maxa Sababay Madaxwayne Siyaad Booqasho Ku Tagay Dimishaq Iyo Baqdaad 1978

1
Saturday July 02, 2022 - 11:43:09 in Wararka by
  • Visits: 976
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxa Sababay Madaxwayne Siyaad Booqasho Ku Tagay Dimishaq Iyo Baqdaad 1978

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Waxaa aad u badnaa kala shakiga iyo isku dhaca siyaasadeed dawladaha Carabta oo kala raac sanaa bari iyo galbeed , Madaxwayne Siyaad marna dhinac lama jirsan , mar walba Dal oo laba Carab ahi xurguf dhex marto wuxuu NSS ka dalban jiray xog hor dhac ah si uu labada hoggaamiye ee labadas dal telifoon ugu diro uguna sheego inay Soomaaliya diyaar u tahay gogol nabadeed inay u fidiso.

Wasiirkii Ganacsiga Dalkeena Axmed Siilaanyo ayuu Madaxwayne Siyaad farriin ugu dhiibay laba Dal oo Carab ah oo xurgufi dhex taallay dharaarahaasna uu Wasiir Siilaanyo booqanayay farriin ahayd inay Soomaaliya diyaar u tahay Gogol Nabadeed inay u fidiso ,. Siyaad markuu hadalkii dhameeyay ayuu si kaftan ah u raacshay , waxba yaanay aqbalin hadday rabaane , dhex inaan ka nahay muran kooda ha ogaadaan .

Dalka Yemen wuxuu Siyaad rumaysnaa in dhib kasta oo ka dhaca Yemen ay Soomaaliya saamayn dhan walbaa ku yeelan karto , wax walba oo Yemen u hagaagana ay ka dhigan tahay wax Soomaali u hagaagay , dharaar uu nala hadlayay anagoo Saraakiil NSS ah inta bandanna ahaa xog aruuriyahaasha dunida Carabta waxaa ka mid ahaa hadaladiisii ‘’Yemen waa Gobta Carabeed ’’.

F Xiirane ( N.S.S 1976-1991 )


fahiira@gmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip