HALKAN KA AQRISO W W MOGTIMES DAILY NEWSPAPER KHAMIIS 30-6-2022

1
Thursday June 30, 2022 - 07:13:18 in Wararka by
  • Visits: 539
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AQRISO W W MOGTIMES DAILY NEWSPAPER KHAMIIS 30-6-2022

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Shacabka Uga Warbixiyey Xaaladdiisa Caafimaad

            Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fe deraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxa muud oo uu weheliyo Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xa mse Cabdi Barre ayaa u jeediyey shacab ka Soomaaliyeed farriin ku saabsan xaalad diisa caafimaad, waxa uun uga mahad-celi yey ducada iyo dareenka ay u muujiyeen muddadii uu u hoggaansanaa habraaca iyo talooyinka bahda caafimaadka ee COVID-19.

         Madaxweynaha ayaa sheegay in baa ritaannada caafimaad ee la xiriira COVID-19 ee laga qaaday ay muujinayaan in laga waayey, sidaas awgeedna uu dib u fariisan doono xafiiska, si uu u dardar geliyo shaqa da qaranka. "Muddo 5 maalmood ah oo aan u hoggaansanaa habraacyada iyo ta looyinka bahda caafimaadka ee la xiriira COVID-19, waxaan dorraad iyo shalayba maray baaritaankii ugu danbeeyey, kaas oo natiijadiisu ay noqotay in la iga waayey COVID-19, sidaas awgeedna, waxaan dib ugu howlgalayaa xafiiska, si aan u sii dar dar geliyo shaqadii qaran ee aad ii wakii lateyn."

            Sidoo kale, Madaxweynaha Jam huuriyadda ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadaha todo baadka xorriyadda dalkeenna, waxa uuna ku boorriyey in ay dhexda u xirtaan sidii ay u samata-bixin lahaayeen dadkeenna dhi baateysan ee ay abaaruhu sameeyeen. "Waxaan mar kale ugu hambalyeynayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed todo baadka xorriyadda oo aynu ku guda jirno, ani goo ka codsanaya in ay is caawiyaan, si gaar ahna u xoojiyaan gacansiinta iyo taa kuleynta dadkeenna ku dhibaateysan a baa raha." Dhanka kale, Madaxweyne Xa san Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambal yeeyay Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre kalsoonida uu ka helay Baar lamaanka Federaalka Soomaaliya iyo in uu la wareegay xilka Ra'iisul wasaarennimo, w axa ayna wadajir u kormeereyn Madaxt oo yada qaranka, gaar ahaan qeybaha jimic si ga iyo beeraha.

Wasiir Khadiijo: Anigoo fulinaya amarka madaxweynaha, ayaan maalmaha xorriyadda gargaar gaarsiineynaa dadkeenna

        Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dabaal degga maalmaha xorriyadda xoo gga lagu saarayo in dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen la gaarsiindoo no sahay gargaar ah.

       Wasiirka gargaarka Soomaaliya, Kha diijo Maxamed Diiriye ayaa hadalkaan she egtay, iyadoo xustay in madaxweynaha iyo raysal wasaaruhu fareen in gurmadka ab aaraha la xoojiyo maalmaha xorriyadda.

         "Anigoo fulinaya amarka madaxweyn aha jamhuuriyadda, mudane PROF:

Xasan Sheikh Maxamuud, raacayana fari taan ka raysal wasaaraha dalka, mudane Xamse Cabdi Barre, ayaan maalmaha xorri yadda gaarsiineynaa dadkeenna sahayda gargaarka abaaraha,” ayay tiri wasiirka gar gaarka Khadiijo.

         Wasiir gargaarka waxay isla shalay magaalada Muqdisho ka qaaday gargaar ka raashin ah, iyadoo geysay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, oo kamid ah meelaha abaaruhu aad u saameeyeen.

       Rayal wasaaraha Soomaaliya ayaa dorraad markuu xilka la wareegay sheegay inay dowladda Soomaaliya si aad ah uga shaqeyndoonto in qof Soomaaliyeed oo da mbe uusan u geeriyoon gaajo ka dhalatay abaaraha dalka jira.

Wasiirka xanaanada xoolaha ee XFS oo magaalada Riyadh kulan kula yeeshay dhiggiisa Boqortooyada Sucuudi Carabiya

         Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xo olaha Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Fe deraalka Soomaaliya mudane Maxamed Aadan Macalin (Somali), ayaa la kulmay dhigiisa Boqortooyada Sucuudi Carabiya Eng. Cabdiraxmaan Cabdul Muxsin Alfadli

       Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoo laha Dhirta iyo Daaqa ee XFS iyo Wafdiga uu hogaaminayo ayaa waxaa booqasho rasmi ah ay uga bilaabatay dalka Boqortoo yada Sacuudi Carabiya.

       Wasiirka iyo Wafdigiisa ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha ee King Khalid ku soo dhaweeyay Safiirka Soomaaliya u fa dhiya Boqortooyada Sacuudiga Amba sador Salim Macow iyo Madaxa Xirriirka Caalamiga ah ee Wasaaradda Deegaanka, Biyaha iyo Beeraha ee Boqortooyada Sa cuudiga Mudane Ibrahim Fahimi.

          Labada Wasiir ayaa kawada hadlay qodobo dhowr ah, waxaana ka mid ahaa:

Joogteynta dhoofka Xoolaha Soomaaliya ee loo suuq geeyo dalka Sacuudiga kaa soo 3dii bilood ee u dambeysay la dhoofi yey xoolo ka badan 800 kun oo neef oo isu gu jira Ari iyo geel.

         In ay Labada Wasaaradood iska kaa shadaan ka hortagga iyo ka jawaabidda wax yaabaha carqaladeynaya caafimaadka xoolaha kaa soo labada wasaaradood ku heshiiyeen bishii Maarso 2022.

         skaashiga ka warqabka shirkadaha xoolaha usoo dhoofiya dalka Sacuudiga.

In la is dhaafsado Khubarada, Tababarada            

      dhinacyada horumarinta xoolaha iyo Wax soosaarkooda, Sheybaarada, ka hortga iyo ka jawaabista cudurada iyo Horumarinta A deegyada Maxjarrada.

     Dhammaan qadobadii laga wada had lay ayaa la isku afgartay waxaana ay isku raaceen in la diyaariyo heshiis Is-afgarad ee Iskaashiga labada wasaaradood.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Shalay sirasmi ah uga Shaqa bilaabay Xafiiskiisa

          Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fe deraalka ah ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa shalay si rasmi ah ugu shaqo bilaabay Xafiiskiisa oo kuyaalla Gudaha Madaxtooyada Soomaaliya kadib markii uu dorraad xilka kala wareegay Ra’iisul Wasaa rihii xilgaarsiinta ahaa ee Maxamed

Xuseen Rooble.

      Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi barre oo xilka loo magacaabay 15-kii Bishaan ayaa waxaa xilligaan wixii ka dambeeya uu bilaabayaa wadatashiyo ku aadan sidii uu u soo magacaabi lahaa Golihiisa wasiirad a, waxaana jira siyaasiyiin xilal haya iyo    kuwo horay u soo qabtay oo doonaya inay kasoo hde muuqdaan Golihiisa Wasiirada.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaal ka ah ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo horay xilal kala duwan u soo qabtay a yaa kamid ahaa Xildhibaannada Golaha Shacabka ee lagu doortay magaalada Kis maayo, isaga oo sidoo kale noqday Gud doomiyihii Guddiga doorashadii uu kusoo baxay Madaxweynaha Maamulka Jubba land Axmed Maxamed Islaam.

          Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa waxaa horyaalla Shaqooyin dhowr ah oo u baahan in wax lag qabto, sida agaa jinta xiriirka Arrimaha dibadda, Shaqaa leynta dhalinyarada iyo arrimo kale oo mu hiim u ah dowladnimada Soomaaliya.

         Maalmaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xamse Ca bdi Barre uu kulamo uu la qaadanayo saa mileyda siyaasadeed ee dalka ka hor inta uusan soo Magacaabin golihiisa Wasiira da.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo Kulan Yeeshay

           Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa Ma gaalada Muqdisho kulan kula qaatay Gud oomiyaha Gollaha Shacabka Baarlamaan ka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)

        Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa iska xog-waraystay xaalada dalka iyo sidii wax loogu qaban lahaa dadka ay saa maysay Abaarta ee ku nool Guud ahaan Gobolada Koonfur Galbeed.

         Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa kulanka ka sheegay inay muhiim ta hay in gurmad loo sameeyo dadka ay abaa rta darran ku saameeysay deegaano ka tir san Maamulkaas oo uu tilmaamay in dad ka ay gaajo iyo haraad ugu dhimanayaan.

         Kulanka dhexmaray Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soo maaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laf tagareen) ayaa waxaa ka qeyb galay Xildhi baano ka tirsan Golaha Shacabka ee lasoo doortay deegaanada Koonfur Galbeed.

Ergeyga gaarka  u qaabilsan arrimaha abaaraha oo daah furay lacag dhan 25 Milyan oo loogu talagalay Taakulaynta Abaaraha

       Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweyna ha Soomaaliya u qaabilsan Abaaraha, Mu dane Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa shalay daah-furay lacag dhan 25 Milyan oo Doollar oo loogu talagalay Taakulaynta      Abaaraha, taas oo qayb ka ah Mashruuca Soo kabashada dhibaatoyinka Soomaaliya (SCRP).

      Mashruucan oo uu maalgelinayo Bangi ga Adduunka ee lagu beegsanayo dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku nool dhul ka miyiga ah ee Soomaaliya ayaa waxaa maamuli doona dowladda Soomaaliya.

         Mashruucan ayaa ujeedadiisu tahay soo kabashada iyo soo celinta habnololeed yada iyo kaabayaasha abaaraha iyo mee laha ay fatahaaduhu saameeyeen taasoo gacan ka geysan doonta dhisidda adkeysi ga ee masiibooyinka dabiiciga ah ee soo noqnoqda.

        Ergayga gaarka ah ee Madaxweyna ha u qaabilsan Abaaraha ayaa ku dheeraa day muhiimadda uu leeyahay mashruuca SCRP, waxaanu yidhi, "Mashruucan waxa uu ku soo beegmay wakhti fiican oo ay dad keenii, gaar ahaan kuwa reer miyiga ah ay la daalaa dhacayaan xaalad adag iyo roob-doon oo afar xilli oo xidhiidh ah.

    Wasiirka Maaliyadda Jamhuuriyadda Fe deraalka Soomaaliya "Iyadoo beryahan da mbe diiradda dowladdu ay saarneyd la ta caalidda cudurka COVID-19 iyo fatahaada ha xilliyeed, dowladdu waxay sii waddaa in ay mudnaanta siiso wax ka qabashada dad ka dhibaateysan iyadoo la kaashaneysa ha y’adaha horumarinta”.

       Wasiirka Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha "Xaaladda abaa reed ee jirta iyo hubanti la’aanta cuntada a yaa lama huraan ah in la soo dadajiyo san duuqa SCRP si loo dardargeliyo dedaal lada dawladda iyo sidii wax looga qaban la haa xaaladaha adag ee dalka. Waxaan ku boorrinayaa dhammaan bah-wadaagta la ah inay kordhiyaan dadaalkooda ku aad dan bixinta gargaarka naf-badbaadinta ah si looga hortago macluusha dalka ku soo fool leh”.

        Soomaaliya waxaa ka jira mid ka mid ah abaarihii ugu darnaa ee ugu yaraan afar tan sano gudahood. Ilaa 7.1  malyuun qof ayay soo wajahday gaajo, biyo la’aan iyo daaq la’aan ayaa sidoo kale dilay malaa yiin xoolo ah, maciishada oo baaba’day, qo ysaskuna ay caydhoobeen.

Wasiirka Qorsheynta oo daah furay mashruuca Kobciye oo ay ka faa’ideysanayaan sideed iyo tobban kun oo qof

       Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Ma -algshiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xu kuumadda Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa shalay daahfuray mashruuca iskaashiga Caalamiga  ee Kob ciye ee maalgalisay Midowga Yurub, iyada oo ka qeybgaleen madax ka kala socday wasaaradaha dowladd labadeeda heer ee mashaaruucda kobciye fulintiisa iyo kor meerka iyo qiimenta waajibaadkooda uu ya hay.

        Mashruucan Kobciye oo muhiima da gaar ah uga fa dhiyo bulshada Beer leyda ah iyo xoola dhaqatada Soomaali yeed ee ka faa’iidey sanasanayo mashaariicda ko bciye waxa ay gaarayaan sideed iyo tob ban kun qof ee ( 18.000  people), kuwaas oo ku nool qaaar ka mid ah gobalada  dal keenna ee la qors heeyay in laga hirgaliyo Mashruucan qiimaha leh.

        Madaxa Hay’adda Barnaajimka Cunta da Adduunka u qaabilsan QM ee Soomaali ya (WFP-Somalia). Waxa uu hoosta ka xa riiqay natiijooyinka hordhaca ee laga gaa ray mashruuca iyo fulinta meelaha goor dhaw fulintiisa laga bilaabi doonno in dii rada sooro, yarenta Abaaraha, Sugnaanta Cuntada, Isbalka Cimilada, Wax soo saar ka kobcintiisa

          Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa qeexay maraaxilada kala duwan ee soo maray Mashruuca kobciye iyo ka baa ran degida dowladda Arrimaha Abaaraha soo lab-laabtay  in xal waara laga gaaro, iyada oo la horumarinayom beeraha iyo de eggnada saameynta ku yeelato abaaraha in la horumariyo muhiim ay tahay.

    "Abaaraha la tacalayno, dalka oo dhan saameysay, wax uga qaban lahayn, dadka wax soorka u leh sidaan ugu diyaarin lahaa waxyaabaha ay u baahanaayeen, Biyaha In ay isku tiirsan lahaayn, mashruucan tijaa badiisa oo lagu guuleystay, waxaana rajay naa in dalka oo dhan la gaarsiiyo si ay loo ga faa;iideyso, aqoontooda kor loogu qaa dayo, mashaariicda ay noqdaan kuwa is wada qiimahaasa leh waaye, Wax badna ayaa laysku celiyay, WFP, Wasaaraddaha ay khuseeyay wax badan Ayaan ka wada hadlay, " yari Wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan.

    Mashruucan ayaa socon doonno muddo labo sano iyo bar ( 2.5 years) , waxaana si wadajir ah u fulin doono dowladda Soomaa liya iyo WFP-Somalia.

Dowladda Soomaaliya oo ka jawaabtay eedayn uga timid Somaliland

          Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hortimid eedeyn uga timid Soomal iland oo la xiriirta in dowladda Soomaaliya ay isku darsatay tiradii xujayda Somaliland ay xaqa u lahayd iyo toodiiba, hadalkaas oo wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland uu ku sheegay waraysi uu BBC-da siyay dorraad.

    Sidoo kale Som aliland waxay she egtay in sanad kaan aaney shaca bkeedu qayb ka ayn dadka xajina ya sababo la xirii ra arrin taas.

          Wasiirka Dii nta iyo Aawqaafta ee soomaaliya Cu mar Cali Rooble oo edayn taasi ka jawaabayay ayaa sheegay in arri nta xajka aan la siyaasadeyn isla markaa na aan lagu qaybsan hab ku saabsan qa biil iyo maamaul goballeed Intaba.

           Wasiirka oo la hadlay BBC-da wa xaa uu sheegay in sanadkaan xajkaan si wanaagsan ay u maamushay, isla markaa na loo xilsaaray guddi qeyinayay, iyada oo aan loo fiirin arrimo qabiil 5,206 Ruux oo Soomaaliya ay ka heshay Sacuudiga.

      Sidoo kale wuxuu hadalkiisa uu intaasi kudaray Wasiirka in uu la xiriiray Madaxwe yne kuxigeenka Somaliland uuna u sheeay in aysan jirin Qoondo la xiriirta xajka oo loo qeybiyay qabiil ama maamul Goboleed.

        Ugu dambeyn Wasiirka waxaa uu sheegay in qaar kamid ah Shirkadaha uu la xiriiray, isla markaana uu ka codsaday in uu yaraan degaannada Somaliland ka qaa daan ilaa 800 oo Ruux, balse Xukuumadda Somaaliland ay diiday.

       Maamulka Puntland ayaa horay u dii day tirade degaannadaas looa qadayo Xaj ka, iyaga oo ku eedeeyay dowladda Soo maaliya inay ku tagri fashay qoondadii Xaj ka ee loogu talay.

Xildhibaan Khadiijo Al-Makhsuumi oo shaacisay dhibaatooyin haysta safaaradaha DF

           Xildhibaan Khadiijo Maxamed Al-Makhsuumi oo hore u aheyd safiirka Soo maaliya ee Pakistan ayaa markii u horey say shaacisay in safaaradaha dibedda ee Soomaaliya ay wajahayaan dhibaatooyin ay kow ka tahay dhaqaalo xumo baahsan.

        Xildhibaanada ayaa sheegtay in dha qaalaha miisaa niyada ugu jira safaa radaha dibadda ee Soomaaliya aysan siday tahay u gaarin, ayada oo wasiirka ka dalbatay ku lankii baarlamaanka in uu cadeeyo sababa ha ay u fuli weyday.

        "Safaaradaha culeyska haysta waa mid la dareemi karo oo intaas sanadooda ay ku jiraan. Waxaa raba in aad dareentan safaaradaha wadamada ajnabi jooga ee la cagtaas soo galin daruufahee ku noolan ka raan,” ayey tiri.

      "Haddii aan la siin karin lacagtaas waa in Wasiir u cadeysa baarlamaanka, safaa rad aha iyo madaxweynaha arrimahaas dhi baatada taagan.”

           Dhinaca kale, Xildhibaanad Khadiijo ayaa dalbatay in Wasiirka Maaliyada uu 6-dii bilood halmar hor-yimaado Baarlamaan ka si loo kor joogteyo in sideeda u fusho miisaaniyada ay ansixiyaan.

    "Wasaaradda Maaliyada waxay u baa han tahay in lix bilood kasta in lala hadlo si dii wax u qabsadeen iyo sida wax loo bixi yo la ogaado oo halkan keenaan lix bilood kasta.”

        Ugu dambeyntiina waxay dalbatay in guddi loo saaro si ay ula socdaan culeysya da haysta wasaaradaha dowladda federaal ka iyo in sidii loogu tala-galay u gaaran dha qaalaha ugu jira miisaaniyada.

Xildhibaan Ciid "Ma jirto mashruuc dowlada ay Hiiraan ka hirgalisay nuuc kasta ha noqdee"

         Xildhibaan Cabdirisaaq Macalin Ciid  oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaan ka Fedaraalka Soomaaliya ee deegaan do orashadoodu tahay gobolka Hiiraan ayaa si adag uga hadlay Mashaariic horumari need oo shantii sano ee lasoo dhaafay do wladda Soomaaliya ka fulisay deegaano ka tirsan maamul goboleedyada dalka qaar kood.

       Xildhibaan Ciid ayaa sheegay dowlad dii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ma daxweynaha ka ahaa shantii sano ee lasoo dhaafay ineysan Hiiraan meel ka mid ah ka fulin hal Mashruuc nooc kaste ha noqde, waxaa uuna arimahaasi sababteeda uu weydiiyay Xildhibaanka wasiirka Maaliyada Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo Baarlamaanka Soomaaliya hortaagna.

"Aniga waxaan kasoo jeeda gobolka Hii raan ma jirto mashruuc dowladu ay Hiiraan   ka hirgalisay nuuc kasta ha noqdee ee ma xaa sababay?, caruurta isla dhalatay sida ay u kala tabar yar yihiin ayaa loo kala ga can qabta marka dowladda kaliya waxay gacan qabatay maamuladii waa weyna, ma ha kuwa yaryar in laga taga" ayuu yiri Xil dhibaan Ciid.

          Marka laga soo tago hadalka Xildh ibaanka gobolka Hiiraan oo ka mid ah go bolada ugu faca weyn Soomaaliya ma uu san ka helin dowladda Soomaaliya mudan kii uu gobolkaasi lahaa, waxaana jiro adee gyo badan oo u baahan gacan dowladeed sida wax ka qabashada fatahaadaha soo laablaabtay, garoonka diyaaradaha Baled weyne oo xili roobaad kasta biyaha roobka dhex fariistaan ayna xayirmato howlaha du ulimaadyada, wadooyinka magaalada oo wada burbursan iyo Isbitaalkii ugu weyna gobolada dhexe oo isna wali la burbursan qarax Ismiidaamin ahaa oo bishii Maarso ee sanadkaan ka dhacay albaabka hore ee Isbitaalka Baledweyne.

Jubbaland oo Hay’adaha samafalka kala hadashay gurmadka Abaaraha

         Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aa dan, ayaa Kulan laqaatay masuuliyiinta Hay’adda Gift of the Givers, ayadoo laga wada hadlay saameynta abaaraha iyo sidii wax looga qaban lahaa.

       Hay’adda Gift of the Givers ayaa lagu wadaa in ay Xarumo Samafal ka hergaliso Degaannada Jubbaland, si’ wax looga qab to xaaladaha bini’aadantinimo ee kajira De gaanka, tasoo ay sababtay abaaraha ba’an ee ka jira Jubbaland.

       Waxaana kulankaan qayb ka ahaa Wa saaradda Gargaarka iyo Maareynta Musii booyinka Jubbaland iyo Hay’adda Qaxooti ga iyo Barakacayaasha Jubbaland.

       Degaannada Jubbaland ayaa waxaa ay kamid yihiin meelaha ugu daran ay aba arta siweyn u saameysay dadka kunool, waxaana jirin gurmad ay ka heleen dowlad da Soomaaliya, Maamulka Jubbaland iyo Hay’adaha samafalka.

Madaxweynaha Somaliland Oo Shalay Wasiir Ku-Xigeen Cusub Magacaabay

     Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu wareegto Madaxwey ne oo summadeedu tahay SL/XM/WM/222-892/062022 ku magacaabay Wasiir ku-xi geenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqan ka iyo Wacyi-gelinta Somaliland.

     Waxaanay u dhi gnayd Wareegtada Ma daxweynuhu Si dan:-

Ujeeddo: Magacaa bid.

Wareegto Madaxw eyne

Magacaabid

Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Somaliland;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay:  In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey:    La-tashi;

Waxaan Go’aansaday;

    In Siciid Xasan Habbane laga bilaabo taariikhda shalay uu ahaado Wasiir Ku-xi geenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqan ka iyo Wacyi-gelinta ee Somaliland.

Xujeydii Somaliland ee sanadkan oo xeelad cusub ku dhoofay kadib diidmadii maamulka

        Xujeydii sanadkaan ee Somaliland ayaa markii u horeysay ka dhoofay garoo mada magaalooyinka Jigjiga iyo Garoowe,

         Xujeydaan ayaa ka safray gudaha So maliland maadama ay xukuumadda ka biy o diiday tiradii loo qoondeeyay ee xajka sa nadkaan, ayada oo go’aan ku gaartay had dii aan wax laga badalin aysan dadkeeda soo xajin doonin.

      Horaanta bishaan ayey aheyd markii ay xukuumadda Somaliland si adag uga hortimid tirada ay dowladda federaalka u qorsheysay inay kasoo xajiyaan deegaana deeda, taasi oo dhan 350.

      ” Shirkadaha iyo shirkadaha ka shaqee ya arrimaha xajku, waxa ay si buuxda u taa geereen go’aanka xukuumadda ee ah in aanay sinnaba suuro gal u ahayn oo aan la aqbali karin tiradaasi kooban,” ayaa lagu yiri bayaan 1-dii bishaan kasoo baxay ku lan ay yeesheen madaxweyne kuxigeenka Somaliland, culimada iyo qaar kamid ah shirkadaha ka shaqeeya arrimaha xajka.

        Sidoo kale waxaa xiligaas bayaan kaas lagu yiri "Haddii arrintan si degdeg ah xal looga gaadhi waayo, waxa ay keeni do ontaa in dadkayagu aanay xajin sanadka.”

       Somaliland ayaa ku dooday in arrima ha Xajka ay siyaasadeysay dowladda fede raalka, inkasta oo Wasaarada Diinta iyo Awqaafta uu ku dooday in si wanaagsan loo maamulay qeybinta qoondada ay Soo maaliya ka heshay dowladda Sacuudiga.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip