
MUUQAALO + SAWIRRO: Jamaahiirta West Ham Oo Weerar Ku Qaaday Baska Man United Ka Hor Kulankii Xalayto.
Dhalooyinka ayaa lagu tuuray baska taasoo jabisay daaqada baska iyadoo boliiska ay ku hogaamiyeen kooxda martida aheyd garoonka, waxaana dib loo dhigay waqtigii ay ciyaarta bilaaban laheyd.
Xiriirka kubada cagta Ingariiska ayaa cambaareeyay falkaas, iyagoo sidoo kale sheegay inay baaritaan ku sameynayaan dhacdadaan iyo sidoo kale walxo kale oo ay jamaahiirta martida loo ahaa ku soo dhex tuureen garoonka intii ay ciyaarta socotay.
"Ma aheyn wax fiican, daaqada baska ayaa jabtay.” ayuu yiri kabtan Rooney ka hor intii aan kooxdiisa 3-2 looga badinin.
Waxa uu u sheegay Sky Sports: "Waan hubaa in West Ham koox ahaan inay ka xumaan doonto wixii ay taageerayaashooda sameeyeen.”
Muuqaal uu duubay xiddiga garabka ka ciyaara ee Man United Jesse Lingard ayaa soo bandhigaya ciyaartoyda oo qeylinaya, qoslaya islamarkaana madaxa qarsanaya iyadoo baska ay ku dhacayaan walxo ay soo tuureen jamaahiirta West Ham.
West Ham ayaa u guureysa garoonka Olympic Stadium bilowga xilli ciyaareedka danbe ka dib 112 sannadood oo ay ku ciyaarayeen Upton Park oo sidoo kale loo yaqaano Boleyn Ground.
Halkaan Laacibtv.net Ka Daawo Dhalooyin Lagu Garaacay Baska Man United Ka Hor Kulankii Xalayto
MUUQAALO + SAWIRRO: Jamaahiirta West Ham Oo Weerar Ku Qaaday Baska Man United Ka Hor Kulankii Xalayto.
Muuqaalo foolxumo ah ayaa hareeyay kulankii ugu danbeeyay ee West Ham ee garoonka Upton Park iyadoo weerar lagu qaaday baskii kooxda Manchester United ka hor inta aysan ciyaarya bilaabanin.