NEWS Wararkii U Danbeeyay Soomaali Badan Oo Lagu Dilay Dalka Itoobiya Iyo Xaaladda Oo Kacsan.

0
Wednesday June 22, 2022 - 15:25:11 in Wararka by
  • Visits: 243
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    NEWS Wararkii U Danbeeyay Soomaali Badan Oo Lagu Dilay Dalka Itoobiya Iyo Xaaladda Oo Kacsan.

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

June 22 (Jowhar.com)- Wararka ka imanayo dalka Itoobiya ayaa sheegaya in kudhowaad 10 qof oo Soomaali ah la dilay, waxaana sidoo kale dhac baahsan loo geystay xoolo ay wateen.

Maleeshiyaad la tirsan Qowmiyada Canfarta ayaa la soo sheegayaa in weerar culus ay ku qaadeen Soomaali xoolo dhaqata ah oo ku sugnaa deegaanka Hilada Qoorka oo ku dhow Webiga Awash ee dalka Itoobiya.



Inta la ogyahay waxaa halkaasi lagu dilay 7 qof Soomaali ah, iyadoo dadka dhaawaca ahna ay intaasi ka sii badan tahay, Kooxdii weerarkan fulisay ayaa sidoo kale waxay dhaceen xoolo fara badan oo gaaraya illaa afar kun oo neef oo ay wateen Soomaalida Xoolo dhaqatada ah ee duulaanka lagu qaaday.

Si kastaba, Illaa iyo hadda ma jiro wax wad ah oo kasoo baxay maamullada labada dhinac oo ku aadan weerarkaasi lagu beegsaday Soomaalida, balse xaaladda ayaa ah mid kacsan, Ujeedka maleeshiyaadka Canfarta ayaa ah inay qabsadaan dhammaan deegaanadaasi, waxayna horey gacanta ugu dhigeen magaalooyin ay ku sugnaayeen Soomaalida



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip