XASAN ma u eryi doonaa Qatar Imaaraadka dartiis?

1
Tuesday June 21, 2022 - 22:01:44 in Wararka by
  • Visits: 1125
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    XASAN ma u eryi doonaa Qatar Imaaraadka dartiis?

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa socdaalkiisii koowaad ee meel ka baxsan dalka wuxuu ku tagay dowladda iskutaga Imaaraadka Carabta oo la aaminsan yahay inay kamid tahay dowladihii taageeray dib u doorashadiisa.

Booqshada Xasan Shiikh ee Imaaraadka ayaa abuurtay tuhun la xiriira inuu sii socon doono kala xigsashada dalalka Carabta ee ka imaanaya Soomaaliya.

Dowladda Imaaraadka waxaa la fahamsan yahay inay gacanteedu gaartay illaa seddex musharax habeenkii ugu dambeeyey ee ololaha doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Culeyskii ay imaaraadka ku dhex lahaayeen Soomaaliya ayaa la wiiqay intii ugu badneyd muddo xileedkii madaxweyne Farmaajo, balse dagaal siyaasadeedkii dhexmaray Farmaajo iyo Rooble ayaa wax badan u taray Dowladda Imaaraadka kuwaas oo helay fursad ay kula dagaalami karaan nidaamkii madaxweyne Farmaajo gacanna ku siin karaan musharixiintii isbadal doonka ahaa.

In safarka koowaad ee madaxweyne Xasan Shiikh uu noqdo Imaaraadka Carabta waa farriin culus, si gaar ah dowladda Qatar waxay u tahay aqbaar aan farxad-gelin doonin.

Waxaa curan kara dagaal qabow oo dalalka Khaliijka ah oo la xiriira kala xigsashada Soomaaliya. Inkastoo ay aad u kala fog yihiin danaha ay labadaas wadan ka leeyihiin Soomaaliya haddana Qatar ayaa Soomaaliya ka hirgelisay dhismaha waddooyin iyo mashaariic muuqata shantii sano ee lasoo dhaafay oo ay si buuxda u taageerayeen dowladdii madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ganacsiga iyo deegaanka ay Soomaalida ku heysato Imaaraadka waa farriin aan la dafiri karin sida ay mashaariic askereyn ah uga dhex wadeyn Soomaaliya muddo xileedkii hore ee madaxweyne Xasan Shiikh aad uma soo jiidan shacabka Soomaalida.

Farmaajo ayaa xiray xero ciidan oo Imaaraadka uga furneyd magaalada Muqdisho, taasi oo shacabka qaarkiis ay soo dhaweeyeen.

Sida labadaan wadan loo wada heysan karo ayaa kamid ah su’aalaha ku maqan dhanka madaxweyne Xasan Shiikh. Qatar weli waa u muhiim mashaariicda ka socota Soomaaliya.

Caleema-saarkii madaxweyne Xasan Shiikh waxaa la xasuustaa in wasiirul dowladaha arrimaha dibadda ee dowladda Qatar inuu ahaa qofkii ugu khudbadda gaabnaa goobta.

Wax nuxur ah ma uusan sheegin mana muujin micnaha xiriirka mustaqbalka ee labada dal taasi oo lagu fasiray inay gadood ka qa baan Qatariyaanku natiijadii doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Shiikh uma fududa inuu lumiyo dowladda Qatar oo waxay deg deg u noqon kartaa fadhi iyo kaalmo xooggan oo ay yeeshaan mucaaradkiisa hadda muuqda iyo kuwa dhallan doono bilaha soo aadan sidii lagu yaqaanay dhaqan siyaasadeedka Soomaaliya.

Iyadoo la fahamsan yahay in la guda galay sanadihii Imaaraadka ee Soomaaliya, haddana dad badan ayaa aaminsan inuu Xasan Shiikh awoodo inuu labada dal cilaaqaad wanaagsan la sameysto.

Imaaraadka inay ku qanci doonaan la macaamil siman oo loo sameeyo iyaga iyo Qatar lama hubo, laakiin Xasan Shiikh shacabku kama qaadan doonaan inuu furin cusub ku furo dalka xilli uu ololaha doorashada kusoo galay inuu hagaajinayo cilaaqaadka dalalkii la xumeeyey shantii sano ee lasoo dhaafay.

XIGASHO:-CAASIMADDA.NET

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip