HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 20-KA JUUN 2022

1
Monday June 20, 2022 - 08:54:53 in Wararka by
  • Visits: 813
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 20-KA JUUN 2022

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Haweeney Kusime Madaxweyne Ka Ah Dalka Kadib Safarka Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo martiq aad rasmi ah ka helay dhiggi isa dalka Isu-tagga Imaaraad ka Carabta Sheekh Maxamed Binu Saayid ayaa ka ambaba xay magaalada Muqdisho.

Safarka Madaxweynaha oo labo maalmood qaadan doona ayaa ku qotoma xoojinta xiriirka

Diblomaasiyadeed ee labada dal, fududeynta isu-socodka, ganacsiga iyo sare u qaadidda iska ashiga labada waddan.

Shinaca kalena, Sacdiya Yaasiin Xaaji Sama tar ayaa noqotay Kusimaha Madaxweynaha dal ka, kaddib markii uu Shalay safar dibadda u amb abaxay Madaxweyne Xasan Sheekh, iyadoo Dorr aadna uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sh. Aadan Madoobe uu safar dibadda u baxay.

Sacdiya oo ah xildhibaan laga soo doortay Puntland ayaa ah gudoomiye xigeenka 1aad ee golaha shacabka, taasoo u saamaxday iney no qoto kusimaha madaxweynaha dalka, taasoo dal ka ka talineysa inta ay sol laabanayaan Xasan Sheekh ama Aasan Madoobe.

Sidaasnaay ku noqotay haweeneydii ugu hore ys ay ee dalka kusime madaxweyne ka noqtay dal ka soomaaliya iyadoo horey ugu noqtay hawen eydi ugu horeysay ee guddoomiye ku xigeenka 1aad ee baarlamaanka soomaaliya oo qof haw een ahi uu noqdo marka waxaa la dhihi karaa maanta waxaa dalka madaxweyne kmg ah ka ah Sacdiya Yaasiin Xaaji Sama tar

Madaxweynaha Dalka Oo Si Diirran Lagu Soo Dhaweeyay Dalka Isu-Tagga Imaara adka Carabta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Abu Dhabi ee Caasimadda dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta. Ma daxweynaha oo martiq aad rasmi ah ka helay Ma daxweynaha Isu-tagga Imaaraatka Carabta Sh. Maxamed Binu Saayid, ayaa kala hadli doona Ma daxda dalkaas xiriirka labada dal iyo siddii Dowla daha Soomaaliya iyo Imaaraatku ay u xoojin laha ayeen iskaashiga miro-dhalka ah ee dhinacyada maalgashiga, diblumaasiyadda iyo dhaqaalaha.

Xildhibaanada dowlad goboleedkii u hore eyay oo taageeray R/W Xamza

Ra’iisul Wasaaraha magacaaban Xamza Cab di Barre ayaa Shalay bilaabay kulamo uu la yee lanayo Xildhibaannada Golaha Shacabka, si uu codka kalsoonida u helo.

Xildhibaannada uu Shalay la kulmay Hamza ayaa ahaa kuwa laga soo doorto dowlad gobole edka HirShabelle, iyagoo kulankaas si buuxda u gu caddeeyay inay codka kalsoonida siinayaan.

Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ayaa la fil aya in uu maalinta Arbacada la horgeeyo Golaha Shacabka, si ay ugu qaadan codka kalsoonida, ka dibna uu uguda-galo howlaha culus ee horyaalla.

Sida laga bartay siyaasadda Soomaaliya inta badan marka ay timaado kalsooni-siinta Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ayaa Baarlamaanka si aqlabiyad leh u ansixiyaan oo aan wax caqabad ah lagala kulmin.

Hamza Cabdi Barre ayaa 15-kii bishaan waxa uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u ma gacaabay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soom aaliya, wuxuuna horey u ahaa xoghayaha guud ee xisbiga UPD ee uu hogaamiyo madax weynaha.

Xamza Cabdi Barre oo kasoo jeeda beesha Ogaadeen ayaa sidoo kale waxa uu soo noqday guddoomiyaha guddiga doorashada Jubaland, markii dib loo dooranayey madaxweyne Axmed Madoobe.

Ra’iisul Wasaaraha cusub ayaa noqday qofkii ugu horreeyey ee kasoo jeeda beesha Ogaadeen ee xilkan loo magacaabo, sidoo kalena waa ra’iisul wasaarihii ugu horreeyey ee aan qurbaha ka iman ee xilkan loo dhiibo.

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo war cusub kasoo saaray maqaamka Muqdisho

Guddoomiyaha Golah Aqalka Sare ee Baarla maanka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cab dullahi oo Shalay khudbad kooban ka jeediyey kulan ay yeesheen Golaha ayaa ka hadlay arrimo ku aadan maqaamka gobolka Banaadir.

Cabdi Xaashi ay aa shaaca ka qaad ay in Aqalka Sare uu ka koo ban yahay 54 Senator, balse ay ka maqan tahay metaal adda Mu qdisho oo uu tilmaamay inay ta hay mid muhiim ah.

Guddoomiyaha ayaa xusay in lagama maarm aan ay tahay in la caddeeyo maqaamka maga alada Muqdisho, si ay xubno ugu yeelato Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya.

"Aqalkani wuxuu ka kooban yahay 54 xubn ood tiradaasi ma’aha tiro sidaasi ahaaneyso gobo lka Banaadir oo muhiim ah ayaa ka maqan oo ay tahay tiro inay kasoo gasho oo weliba labada Aqal ay tahay lagama maarmaan qodobka 9-aad ee dastuurka, sida uu leeyahay in maqaamkii caasi madda labada Aqal ay soo sameeyaan,” ayuu yiri Xaashi.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey "Taa mic naheedu waxaa weeye xubno ayuu ku yeelana yaa gobolka Banaadir Aqalka Sare, laakiin hadda waa 54 xubnood inta dhisan,”.

Horey baarlamaanka Soomaaliya ayaa u me el-mariyey in gobolka Banaadir uu 13 kursi ku ye esho Golaha Aqalka Sare, waxaana kadib saxii xay Madaxweynihii hore ee dalka, Mudane Maxa med Cabdullahi Maxamed (Farmaajo), balse go’ aankaas ayaanan dhaqan-gelin, kadib doodo xoogan oo hareeyey doorashooyinkii soo dham maaday 15-kii bishii hore ee May.

Si kastaba, maqaamka magaalada Muqdisho oo muddo ah la’isku hayey ayaan weli cadeyn, iya doo haatan ay soo dhammaatay doorashadii Soomaaliya ee muddada dheer soo socotay.

Dowladda Soomaaliya Oo Midowga Yurub Ka la Hadashay Xoojinta Taageerada Ciidamada

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xuk uumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa magaalada Mu qdisho kula kulmay Danjiraha Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Tiina Intelmann.

Wasiirka iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xoojinta taagee rada Midowga Yurub ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo sidii loo dardar gelin lahaa how lgalka ATMIS, Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xuku umadda Cabdiqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Difaaca, ayaa uga mahadceliyay Midowga Yurub taageerada hagar la’aanta ay siiyaan Soomaaliya.

Kulanka, ayaa waxaa sidoo kale, goob-joog ahaa taliyaha ciidamada xoogga dalka Generaal Oda waa Yuusuf Raage iyo Agaasimaha Guud ee Was aaradda gaashaandi ga Xasan Maxamed Siciid Gacaliye.

Duqa Muqdisho oo Hay’adda IOM kala had lay wax u qabashada dadka kasoo baraka cay Abaarta

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Shalay xafiiskiisa ku qaabilay Madaxda hey’adda( IOM) ee Soomaaliya, kulan kaas oo uu goob joog ka ahaa xoghayaha guud ee maamulka gobolka Banaadir iyo Xaririiyaha Arrimaha Baniaadanimada ee Xafiska Xalka Wa ara ee G/Banaadir.

Ujeedka kulankan ayaa ahaa sidii loo dardargalin lahaa dhismaha dhul baax ad leh oo ku yaala degmada Hiliwaa kaas oo ay Dowlada Hoose ee Mogadishu bixisay dhul ay ugu talagashay in lagu deegaameeyo ama Dib-udajin loogu sameeyo dadka Barakacyaasha ah ee kunool Caasimadda.

Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Filish ayaa tilmaamay in dhismaha dhulkaas u qeyb ka qaa dan doono daryeelka dadka Barakacayaasha ah, Bilicda Caasimadda iyo Nabadgalyada.

Xoghayaha guud ee maamulka gobolka Ban aadir Xiirey Axmed Rooble oo kulanka faah faah inayay ayaa sheegay in siweyn looga hadlay dad ka faraha badan ee kusoo barakacay, kuwaas oo aan awood badan laheyn & sidii dadkaasi loo taageeri lahaa.

Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Dibadda Sooma aliya oo gaaray Itoobiya

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Maxamuud Cabdi Xasan Pekos iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ga aray Caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.

Wasiirka iyo wafdigiisa waxaa Addis Ababa,kusoo dhoweeyey Qunsulka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Itoobiya ahna ku-sim aha Safiirka Mudane Cali Maxamed Xuseen iyo Mas ’uuliyiin ka tirsan Wasaar adda arrimaha dibadda Itoobiya.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa Addis Ababa uga qayb gelayaan Shirka Nabadda, Horumarka iyo Dowladnimada Geeska Afrika oo ka furmaya magaalada Addis Ababa, Wasiir Pekos waxaa so cdaalkiisa shaqo ku wehelinaya Agaasimaha Waaxda Asia iyo Australia ee Wasaaradda Arri maha Dibadda Soomaaliya Mudane Cabdisalam Suleymaan Koodaar.


Xijaar oo sarkaal sare oo Itoobiyaan ah kula kulmay Addis Ababa + Ujeedka

Taliyaha booliska Somalia Jeneraal Cabdi Xa san Maxamed "Xijaar” ayaa magaalada Addis Ab aba ee caasimada dalka Itoobiya kula kulmay tali yaha booliska federaalka Itoobiya Gen. Demelash Gebremichael.

Labada taliye ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iskaashi iyo amniga labada dal, waxayna labada dhinac isweydaarsadeen xog aha boolis ee labada dal.

Taliye Xijaar iyo wafdiga sar aakiisha boolis uu hoggaaminaayo ayaa magaa lada Addis Ababa waxay ugu qeyb gelayaan shirweynaha booliska adduunka INTERPOL ee Bartamaha iyo Bariga Africa.

Soomaaliya oo xubin ka ah booliska adduun ka ayaa waxay shirkaasi kusoo bandhigi doontaa horumarka iyo waxqabadka booliska Soomaaliy eed oo sanadihii danbe horumar sameynayay.

Somalia, waxay Interpol dhowr mar kala sha qeysay falal danbiyeedyo la rabay in xal laga ga aro, waxayna Somalia, gaar ahaan garoonka diya aradaha Muqdisho ka qabteen booliska ka how lgala dad Interpol ku raad joogtay, halka Somalia loo soo gacan geliyay eedeysanayaal baxsad ah aa.

Muxuu Cumar Cabdirashiid ka yiri magaca abista R/W Xamze iyo xaaladda dalka?

Ra’iisul wasaarihii hor ee Soomaaliya, Md. Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’arke oo ware ysi dheer siiyey Idaacadda VOA ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan isb eddelkii dhacay 15-kii bishii hore ee May.

Cumar Cabdirashiid ayaa shaaca ka qaaday inuu wax wanaagsan u arko isbeddelka hoggaamineed ee ay gashay Soomaaliya, wuxuuna guul u rajee yey madaxda cusub.

"Dadku hadda waxa ay u arkaan in isbedel wa naagsan uu yimid waxaan rajeyneynaa in Ilaahey jidka saxda ah ku toosiyo oo dalkan sifiican lug aha loogu istaajiyo” ayuu yiri.

Sharmaa’arke ayaa sidoo kale ka hadlay maga caabista ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka, wux uuna tilmaamay in Xamze Cabdi Barre uu yahay nin ka bixi kara mas’uuliyad daasi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Xamze uu yahay nin leh aqoon iyo karti, isla-markaana uu wax badan kala socdo dalka.

"Madaxweynuhu markii la doortay waqti buu qaatay sida sharciyaddu siineyso ra’iisul wasa aruu soo xulay nin aan is leeyahay mugeeda waa leeyahay, tayadeeda waa leeyahay, aqoonteeda waa leeyahay iyo khibradda gudaha waxa dalka ka jira,” ayuu sii raaciyey.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday arri maha sugaya ra’iisul wasaaraha cusub iyo xuku umaddiisa oo ay ugu horreeyaan dhamm eystirka dastuurka, arrinta Soomaaliya iyo Somiland, cad deynta Maqaamka Magaalada Muqdisho iyo dib u habeynta Ciidamada.

"Dhammeystirka dastuurka oo u baahan in dad ka laga tala-geliyo, arrinta Soomaaliya iyo Somali land sidii loo gaarsiin lahaa oo loo dhammeystiri lahaa, arrimihii siyaasadda iyo amniga, waxa kale oo dhiman arrinta xamar State-keeda sidii dastuur ka loogu qeexi lahaa, waxaa is leeyahay arrimo badan oo masiiri ah ayaa yaallo” ayuu markale yiri Shar maa’arke.

Ra’iisul wasaare hore Cumar Cabdirashiid ayaa ka mid ahaa siyaasiyiintii qaybta ka ahaa doorash adii soo dhammaatay, inkastoo uusan isa soo sharixin, haddae wuxuu safka hore uga jiray hardankii socday, isaga oo kusoo laabtay dalka, kuna biiray shirarkii magaalada Muqdisho, ka hor doorashadii la qabtay 15-kii bishii hore ee May ee sanadkan 2022-ka.

Ilaalada Kulane Jiis oo lagu xiray garoonka Muqdisho

Ilaalo ka tirsan Nabad-sugida, gaar ahaan cii danka loo yaqaano Duufaan oo la shaqeynayay Xildhibaan Cabdullaahi Kulane oo horay uga mid ahaa Saraakiisha NISA ayaa Shalay lagu xiray ga roonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Ilaaladaan ayaa fasax la’aan uga dhoofi rabay garoonka, iyaga oo uu ku baxayay qaab ciidan Boolis ah, gaar ahaan qeybta Daraawiishta kuna hubeysna qoryaha fudud.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in labadan as kari ay kamid ahaayeen illaa shan askari oo hoos tageysay Nabad-sugida qeybta guud ee gobolka Banaadir u siiyay Xildhibaan Cabdullaahi Kulane inay ilaaliyaan.

Ilaalada ka tirsan Duufaan ayaa waxay Xildh ibaanka sii gaarsiinayeen sida wararku sheegay aan illaa inta uu ka helayo ilaalo Ciidan Boolis ah.

Xildhibaannada ayaa waxaa loogu tala-galay in amnigooda ilaaliyaan Ciidan Boolis ah oo uu xaq u leeyahay, oo loo ansixiyay xilligii Baarlamaankii 9-aad.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amaanka iyo maamulka garoonka oo ku aadan ilaalada ka tirsan Duufaan ee la xiray, kuwaasi oo wararku sheegayaan inay safar u ahaayeen go bol.

Ciidanka NISA oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobolka Gedo

Ciidanka Nabadsugida iyo sirdoona qaranka ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlg allo qorsheysan ka fuliyeen degmada Beled-Xa awo ee Gobolka Gedo iyo degaannada hoostaga.

Howlgalka oo uu hogaaminayo Taliyaha Nab ads ugida iyo sirdoonka degma da Baladxa awo Cabdirashi id Dhitaay ayaa Ciidmama du sigaar ah uga fuliyeen degaannada Farwaaley, Shir koTuulo Calidheere ilaa Warcadey .

Intii ay howlgalka kujireen Ciidamada ayaa wax aa ay baaritaano ku sameeyeen guryaha qaar, wa xaana meelaha howlgalka laga sameeyay marar ka qaar lagu arki jiray Xubno katirsan Al-Shabaab walow saraakiisha Ciidamadu aysan sheegin dad ay ku qabteen howlgalka.

Goobaha Ganacsiga Suuqa Xamarweyne oo Maalintii sadaxaad Xiran

Waxaa Maalintii sadaxaad xiran ganacsiga Su uqa degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdi sho, kadib markii ganacsatada Suuqaasi lagu soo rogay lacago Canshuur ah oo ay sheegeen iney horay u bixiyeen.

Ganacsiga Suuqa Xamarweyne ee xiran maalintii sadaxaad ayaa ah qeybta lagu iibiyo qalabka dhis maha, waxayna ganacsatada ka cabanayaan ciidamo ka tirsan dow ladda Soomaaliya oo xirxiray goobahooda ganasiga, kuwaas oo ku amray iney bixiyaan lac ago canshuur ah oo ay sheegeen ganacsatada In ey horay u siyeen wasaaradda Maaliyada mar kalana aysan suurtagal aheyn iney bixiyaan lacag kale. Qaar ka mid ah ganacsatada oo la hadlay warbaahinta ayaa waxay sheegeen inaysan garan een lacagaha laga doonayo, iyagoo tlmaamay in ey horay u dhiibeen dhamaan waxii canshuur ah ee looga baahna oo ay kusoo bixiyeen Dekada weyn laba canshuur tan haatan la weydinayana ay tahay mideysan garaneyn halka ay ka socoto.

"Dhamaan goobahii ganacsiga waa kuwa xiran oo waxaa xirxiray ciidamo ka tirsan dowladda mana garaneynayo sababta wasaaradda Maaliyadda Canshuur aan soo bixinay markale inaloo weydii nayo, madaxweynaha cusub, raysal wasaaraha cusub iyo kan hada xilka haayo waxaan ugu baa qeyna in arrintaan ay soo faragaliyaan" ayuu yiri mid ka mid ah ganacsatada Suuqa Xamarwe yne.Ganacsatada waxay sidoo kale tilmaamen in sanad waliba sidaan oo kale looga xirxiro gooba hooda ganacsiga, iyaga oo si sax ah u dhiiba dha maan Canshuurta laga rabo oo ay sheegeen inay ku bixiyaan gudaha Dekada weyn ee magaalada Muqdisho.

"Xirnaashaha ganacsigeena waxa uu saam eyn nololeed ku yeeshay marka anaga nalaga soo tago dad kala duwan oo nolol maalmeed ka heli jiray furnaashaha Suuqa, sida Xoogsatada, masaakiinta tuugsata oo maalin walba shilimaad kala tagi jiray suuqa dabkana ugu shidan jiray reerahooda" ayuu yiri mid ka mid ah ganacsatada Suuqa Xamarweyne.

Todobaadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii sidaan oo kale ciidamo ka tirsan dowladda Soo maaliya ay u xirxireen goobaha ganacsiga lagu iibiyo qalabka dhismaha ee ku yaala Suuqa Baka araha gaar ahaan qeybta wadooyinka Howlwad aag iyo Aadan Cadde ama jid Mareexaan ee magaalada Muqdisho.

Xisbiga Waddani oo lagu eedeeyay in uu haysto ciidamo sharci daro ah

Ciidanka Booliiska Somaliland, ayaa mushar axa madaxweynaha xisbiga mucaaradka Somalil and ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Ca bdillahi Cirro, ku eedeeyay in uu haysto ila alo aan ciidan ahayn.

Warsaxafadeed kasoo baxday Ciidanka Booliiska Somaliland, ayaa lagu sheegay in musharax Cirro, uu haysto ciidamo sharci daro ah, oo aan ka diwaan gashanayn xarunta ciidanka booli iska iyo ciidamada kale midna, ciidankaasi oo ah dad shicib ah oo labis ciidan sita, isla markaana howlgalo sameeya.

"Ciidanka boolisku waxay ka war hayaan in todobadkii u dambeeyay ay guriga musharaxu daganyahay ku soo ururiyeen dad shicib ah oo si sharci daro ah u hubaysan, kuwaas oo habenkii ka dhinac qabta shaqo la mid ah shaqada ay cii danku ka hayaan gurigaas joojiyana dadka shic ibka ah, baadhana baabuurta mararka qarkoodna rida rasaas dhamaantoodna ku labisan direys tuute ah".

Ciidanka ayaa digniin u diray musharax Cirro, waxayna sheegeen in hadii uu joojin waayo ay no qonayso khayaamo qaran, waxayna ugu baaqeen in musharaxu uu iska fogeeyo cidkasta oo sifo sharci daro ah ku hubaysan, madaama uu haysto ciidan sharci ah oo amaankiisa sugaya.

"Haday sii socotana noqonaya dambi khiyaa mo qaran, sida ku cad qodobka 221 ee xeerka ci qaabta guud, sidaa darteed waxaanu uga digay naa musharaxa xisbiga Waddani iyo cid kasta oo arintaa ku hawlan in ay iska fogayso dadka sharci darada ku hubaysan iyago haysta ciidamadii qa ranka ee amnigooda sugaayay"

Booliiska ayaa sheegay in musharax Cirro uu haysto ciidan sharci ah oo amaankiisa sugaya, sida darteedna ay dacwada arrintan u gudbin do onaan hay'adaha ku sharciga leh iyo xeer ila alinta.

Madaxweyne Deni oo Shalay Kulan gaar ah la yeelanaya Xildhibaannada, xilli ay wadaan mooshin

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Punt land Saciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu wadaa in Shalay kulan Albaabada u xiran yihiinn in Xarunt ooda Magaalada Garoowe kula yeesho Xildh ibaannada Baarlamaanka Puntland.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland ayaa ku wargeliyay Xildhibaannada in ay Shalay isugu yimaadaan Kulan uu codsaday Madaxweyn aha Puntland kaas oo Saxaafadda ay dibad-joog ka noqon doonto si ay isku xog wareystaan.

Kulankaan ayaa daba socda xilli Maalmihii la soo dhaafay uu jiray guux xoogan oo ku aadan in Xildhibaannada badi ay wadaan mooshin ka dhan ah Xukuum adda Madaxweyne oo ay doo nayaan inay kula xisaabtamaan.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa Xildhibaan nada qaarkood waxaa ay dhaliilo xoogan u jee dinayeen Golaha Wasiirada Puntland, iyaga oo sheegay in badi Shaqooyinka loo igmaday ay ku fashilmeen.

Ammaanka Magaalada Garoowe ayaa aad loo adkeeyay, waxaana goor sii horreeysay ee Ha been hore ahaa Ciidamo farabadan la dhigay wad dooyinka gala iyo kuwa ka baxa Xarunta ay ku shiraan Baarlamaanka ee Magaalada Garoowe.

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo qaabi lay Wafdi ka socda Hay’adaha QM

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug, ahna kusimaha madaxweynaha Mudane Cali Daahir Ciid, Ayaa Aqalka madaxtooyada Galmudug ku qaabilay wafdi ka so cday hay’adaha Qar amada Midoobay iyo Midowga Yurub,(UN, IOM & EU) kuwaas oo Shalay soo gaaray Ca asimadda Galmudug ee Dhuusamarreeb.

Kulanka ayaa looga wada hadlay dardargelinta mashaariicda ka socota deegaanada Galmudug, iyo sidoo kale mashaariic kale oo la doonayo in la ga fuliyo dhawaan.

Kulanka ayaa waxaa madaxweyne ku xigeen ka ku wehlinayay gudoomiye kuxigeenka labaad ee Barlamanka Galmudug marwo Faadumo Abdi Ali wasiiro katirsan xukuumadda Galmudug iyo agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Galmudug mudane Osman Macalin Xasan.

Nin Mooto Bajaaj qarax ku keenay MUQDI SHO oo Shalay xukun lagu riday

Maxkamadda Ciidamada Qalabka-Sida ayaa waxay Shalay xukun 15 sanno oo xabsi ciidan ah ku riday Maxamed Cusmaan Dhagaxow Haaruun, kaasi oo qaraxyada u kala gudbin jiray kooxda Al-Shabaab.

Maxamed Cusmaan ayaa bill ooyin ay Nabad-Sugidda ka daaw aysay dhaawac ka soo gaaray qaraxaasi, ayada oo 29-kii May ku wareejiyay Xa fiiska Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida.

Ninkaan ayaa Al-Shabaab ay u isticmaali jireen qaadista agabyada gawaarida "spare parts” iyo qa raxyada, wuxuuna ku dhaawacmay Qarax uu ka soo Qaaday Tabeelaha Sheekh Ibraahim oo uu soo waday magaalada Muqdisho. Fadhiga Maxakmadda ayaa waxa Maxamed lala keenay cadaymo ay kamid yihiin dhaawiciisa sawirro laga qaaday iyo bur-burka Bajaajtiisa gaartay.

Maxamed ayaa waxa uu kooxda Al-Shabaab kaga biiray magaalada Beledwa yne, waxaana ku qal-qaaliyay nin ay qaraaba-yihiin, waxa uu qaad an jiray 30-40 dollar markii uu kala daabulayo ag abyada ay isticmaali jireen iyo qaraxyada, sida ay sheegtay Xeer ilaalinta Maxkamadda.

Qareenada u dooday eedeysanaha ayaa cods aday in loo Naxariisto maadaama uusan fuliya ka ahayn howlaha Al-Shabaab uu wakiilka kaga ah aa, waxaana ugu dambeyntii maxkamaddu ku xun tay 15 sano oo xabsi ciidan ah.

Maayar Mooge "Waxa la yaqiinsaday in wadah adaladii lasii anba qaado

Duqa magaalada Hargaysa Cabdikariin Axm ed Mooge, ayaa sheegay in dib loo bilaabayo wad ahadaladii u dhexeeyay mucaaradka iyo xukuumada Somaliland. Kadib kulan ay yeeshe en Mooge oo uu weheliyo lataliyaha gaarka ah ee madaxweynaha Somaliland Cali Maxamed Waran Cadde, iyo madaxda mucaaradka, ayuu maayar Mooge warbaahinta u sheegay in laysla meel dhigay arrimo ay kamid yihiin sii amqadaadida wadahadalada.

"Waxa kale oo xusid mudan in la yaqiinsaday in lasii amba qa ado wadahadaladii siyaasadeed dadkuna anay moodin in albaab kaa wadahadalku uu xidhmay, odayaasha is xilq aamay, iyo odayaashii kale ee ka horeeyay iyo gu urtideena J. Somaliland intuba iyaga oo doorarko oda kala duwan qaadanaya in ay ka shaqeeyaan in wadahadaladii dib u bilaabmaan" ayuu yidhi ma ayar Mooge.

Mucaaradka Somaliland oo ka falceliyay hadal ka duqa Hargaysa, ayaa iyaguna dhankooda she egay in kaliya guddidii odayaasha ahayd ee isku xilqaantay dhexdhexaadinta iyo xal u helista khi laafka siyaasadeed, ay kalsooni ka haystaan, isla markaana ay ka warsugayaan.

Mooge ayaa dhinaca kale sheegay in ay xal ka gaadheen sugida amniga madaxda mucaaradka, iyo in ay helaan ciidan sharci ah oo ilaaliya sidii ca adiga ahayd, isla markaana meesha laga saaro cidkasta oo kale oo sharci daro ah.

Ciidanka Booliiska Soomaaliya oo Habeen ho re Toogasho ku dilay mid ka mid ah rag dhac ka geysanaayay Muqdisho

Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa Hab een hore toogasho ku dilay mid ka mid ah afar rag oo burcad ah, kuwaas dhac u geysan jiray dadka ku dhaqan Xaafadaha Ceymiska, Carafaat iyo Su uqa Xoolaha, waxaana la sheegay in sadaxdii ka le ay baxaadeen.

Toogashada Booliiska Soomaaliya ay u ge ysteen ninkan ka mid ka ah aa ragga burcada ee dha ca ka geysan jiray xaafada haasi ayaa la sheegay in dadka xaafadaasi ay ciid amada Booliiska wacdeen markii ay u adkeysan waayeen dhaca joogtada ah ee lagu haayay ta asoo keentay in ciidanka Booliiska Habeen hore ay howlgalka lagu dilay ninka ka sameeyaan xaa fada Ceymiska.

Booliiska Soomaaliya waxay tilmaameen in nin ka burcadka ahaa inta aanan la dilin uu isku da yay inuu iska caabin sameeyo, taasoo keentay in la toogto.Dadka deegaanka oo qaarkood la hadalay warbaahinta waxay tilmaameen in shaqo weyn ay qabteen ciidamada dowladda Soomaaliya, ayna ku faraxsanyihiin dilka loo geystay ninka ka mid ka ahaa tuugada, iyagoona ugu baaqay ciidama da dowladda in ay soo qabtaan Raggii kale ee la socday.

Shacabka ku dhaqan degmooyinka gobolka Banaadir ayaa mudooyinkii danbe waxay dhib aato xoogan kala kulmayeen tuugo ku hubaysan hubka fudud kuwaas oo habeen iyo maalin dhac ka geeysata inta badan degmooyinka gobolka Banaadir.

Faysal Cali Waraabe: Muuse wuxuu keenay in uu sharci samaysto

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somali land ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sharci daro ku tilmaamay furista urrurada siyaasada, is agoo sheegay in aanu jirin sharci loo cuskado.

Guddoomiyaha ayaa madaxweynaha mar kale, ku eedeeyay in uu samaystay sharci aan sax ahayn, oo uu urrurada ku furayo iyo in uu siya asiyiin uu wato ku boorinayo in ay urrur siyaasadeedo furtaan.

"Hada waxa uu keenay in uu sharci samaysto, sharci odhanaya ana waan joogayaa axsaabtana waan baabiinayaa, meel ay ku taalo urruro toos ah oo la furayaa ma jirto, waad aragteen dadka uu kiciyay ee magacyadii hoobolada la baxay ee yidhi urruro ayaanu nahay" ayuu yidhi Faysal.

Waxa uu urrurada ku eedeeyay in ay ollolaynay aan iyaga oo aan wax sharci ah haysan, arrintaasi oo ay ka gacansiinayaan taageerayaasha xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye.

"Iyaga oo aan sharci haysan ayay ollolaynay aan, hadad u fiirsataan xafladkasta oo nimankaasi samaystaan, waxa soo dhawaynayaa waa reer Kulmiye, axsaab aan jirin ayuu doonayaa in uu sa maysto, sharci aan jirin ayuu doonayaa in uu isti cmaalo" ayuu yidhi Faysal.

Waxa uu dhinaca kale sheegay in ay dhabtah ay in madaxda xisbiga Waddani ay haystaan ciid amo shacab ah oo hubaysan, sida uu Booliiska Somaliland ku eedeeyay musharax Cirro, Faysal ayaa ku andacooday in xisbiga Waddani ciidam ada u qorteen kadib amaan daro ay dareemeen.

Puntland oo xukun ku riday rag loo heysto dilka Wiil Dhalinyaro ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee M/Qardho ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa Shalay oo Ax ad ah waxaa ay xukun ku riday 5 Nin oo kamid ahaa Maxaabiista Xabsiga Magaalada, kuwaas oo loo heysto inay dileen mid ka mid ah Dhalinyarada Magaalada.

Wiilka oo lagu Magacaabi jiray Sharmaarke Warsame Nuux ayaa la sheegay in jirdil ay Xabsiga M/ Qardho oo uu ku xirnaa ugu dhex geyteen 5-ta ragga ah uu u geeriyooday Bishii la soo dhaafay ay May ee sanadkan 2022.

Garsooraha Maxkamadda ayaa sheegay in dhammaan Shanta Nin ay qiraal yihiin eeda loo soo jeediyay ee ah dilka Wiilka Dhalinyarada ah aa, isla markaana lagu xukumay min saddex sano oo xabsi ah iyo in ay bixiyaan magta marxuumka oo u dhiganta 100 Geel ah.

Garsooraha maxkamadda ayaa sidoo kale sheegay in dilka sida uu u dhacay uu ahaa " kas u’eke” sidaas darteedna loo khafiifiyay xukunka maxkamadda.

Hayeeshee qoyska Sharmaarke Warsame Nu ux ayaa xukunka Maxkamadda racfaan ka qaa tay, iyaga oo ku tilmaamay mid aan cadaalad aheyn.


Midowga Afrika oo ku baaqay in la sameeyo qorsho looga hortagayo qaraxyada ka dhaca Soomaaliya

Howlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa ku baaqay dad aallo wadajir ah oo ay sameeyaan dhammaan dhinacyada ay khusayso iyo bulshada deegaanka si looga hortago khatarta ka im anaysa walxaha qarxa ee ka dhaca dalka Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka ATMIS ay aa sheegay in khatarta ka ima naysa qaraxyada ay waajib ku tahay howlgalka iyo la-hawlgalayaasheeda si ay ula yimaadaan til laabooyin cusub oo ka hortagga qaraxyada.

"Si loo yareeyo khatartaqaraxyada waxay u ba ahan doontaa Saraakiisha militariga ee ku lug leh maamulada Soomaaliya iyo la shaqeynta bul shada, xoojinta dowladnimada, iyo taageeridda da daallada xasilinta,” ayuu ku yiri bayaan uu soo sa aray ka dib markii uu dhammaaday shir saddex maalmood ka socday Muqdisho .

Shirkan oo ay ka soo qayb galeen saraakiil sa rsare oo ka kala socday ATMIS, Hay’adda Qara mada Midoobay u qaabilsan waxka qabashada Mi inada iyo daneeyayaasha muhiimka ah ayaa qiim ayn ku sameeyay tallaabooyinka hadda la qaada yo ee lagaga hortagayo qaraxyada si loo samee yo istaraatiijiyad dhamaystiran oo lagaga hor tagayo khatarta qaraxyada.

Nadegeya ayaa sheegay in loo baahan yahay in la qiimeeyo hab-dhaqanka iyo howlgallada , iy adoo la eegayo xal u helida caqabadaha ka dha lan kara qaraxyada.

Waxa uu sheegay in inkasta oo ay jiraan dad aallo ay UNMAS ku doonayso in ay kor ugu qaad do awoodda ka-hortagga qaraxyada ee howlgalka iyada oo loo marayo tababbarka, la-talinta, iyo taa geerada qalabka, qaraxayada.

Soomaaliya ayaa waxaa ku badan qaraxyada miino ee meelaha fogfog laga hago, kuwa Gawa arida iyo kuwa ay isku soo xiraan dadka naftooda haliga eebis qarxiya, waxaana dowladaha dalka soo maray aysan ku guuleysan inay waxka qab taan.

Khilaaf salka ku haya Al-Shabaab oo ka dhex qarxay culimada Somaliland

Waxaa aad usii xoogeystay khilaaf xoogan oo u dhexeeya culimada Ictisaamka iyo Salafiyiinta ee Somaliland, kadib markii uu Sheekh Barbara awi sheegay in uu xiriir ka dhexeeyo Ictisaam iyo Al-Shabaab

Sheekh Barbaraawi oo kamid ah culimada Salafiyi inta ayaa khudbad uu jeedi yay ku eedeyay Ictisaam in ay kamid ahaayeen ragaii aasaasay kooxda ka da gaalanta Soomaaliya ee Al-Shabaab.

"Ilmo-galeenka Ictisaam ayuu Shabaab ka soo baxay. Ragga asaasay Shabaab waxa ay kamid ahaayeen Ictisaam. Isku fikir na way ahaayeen. Inta ay Shabaabku yiraahdaan bay oran jireen,” ayuu yiri Sheekh Barbaraawi.

Waxa uu tilmaamay in Ictisaam ay ku eedeyn jireen Salafiyiinta uu kamid yahay inay u shaqeey aan dadka aan Islaamka ahayn, isla markaana ay jihaadka diidan yihiin, arrintaas oo uu hadda caan ku yahay ururka Al-Shabaab.

Hadalka kasoo yeeray Sheekh Barbaraawi ay aa waxa ka carooday culimada Ictisaam ee Som aliland, iyaga oo beeniyay eedeyntaas, waxayna dacwad ka dhan ah u gudbiyeen Wasaarada Di inta iyo Awqaafta Somaliland.

"Waxaan bulshada u cadeyneynaa in aan beri ka nahay eeda iyo dhaleecaynta uu wadaadkaas dusha nooga tuuray ee ah in aanu jirin farqi noo dhexeeya anaga iyo Al-Shabaab,” ayuu yiri Sh. Mustafe Aadan Maxamed oo kamid ah culimada Ictisaam ee Somaliland.

Sheekh Barbaraawi ayaa dhankiisa markale sheegay in looga yeeray wasaaradda diinta iyo awqaafta ee Somaliland, islamarkaana uu hayo caddeymaha eedeynta uu u jeediyay Ictisaam.

"Waxaan diyaar u ahay in aan gole loo dhan yah ay ku soo bandhigo doodayda ku aaddan arrin kaas,” ayuu yiri Sheekh Barbaraawi oo Shalay warbaahinta kula hadlay gudaha magaalada Hargeysa.

Culimada Salafiyiinta iyo Ictisaamka ayaa ah kuwo si weyn ugu xoogan gudaha Somaliland.

Si kastaba, Salafiyiinta ayaa aaminsan in dagaa lada Muslimiinta dhexdooda ah ay yihiin kuwo "fidno” ah oo ay dembi tahay in dhinac lala safto, midaasi oo keentay in Al-Shabaab iyo ururada la fikirka ah ay u arkaan Salafiyiinta kuwo diidan waxay u arkaan jihaadka.

Madaxweyne Joe Biden oo ka dhacay baaskiil.

Xaalad casbi ah ayaa soo wajahday madaxw eynaha Mareykanka Joe Biden kadib markii uu ka dhacay baaskiil uu kaxeynayay xilli uu isku dayay inuu istaago si uu u salaamo taageerayaashiisa, madaxweynaha ayaa ku sugnaa gobolka Dela ware.

Wax dhaawac ah masoo gaarin madaxweynah balse si deg deg ah ayuu isku qabtay.

Wuxuu weriyeyaasha u sheegay in xaaladdiisa ay ka wanaagsan tahay kadib markii uu la turaantur ooday baaskiilkiisa.

Waxaa la sheegay in baaskiilka ay ku timid ci lad farsamo uuna u baahnaa dayactir.

Sababta ay Al-Shabaab guul-darrada u gala kulmaan dagaallada ay la galaan shacabka

Kadib dagaalkii xooganaa ee deegaanka Bax do ee lagu jabiyey kooxda Al-Shabaab waxaa isa soo taraya falcelinta ka dhalatay dagaalkaas oo ay guul weyn ka soo hooyeen shacabka deegaankaasi oo hoostaga gobolka Galgaduud.

Al-Shabaab oo weerar ku billo wday qaraxyo subaxii Jimcaha ku qaaday Baxdo oo 90 KM bariga ka xigta degmada Cadaado ee gobolka Ga lgaduud ayaa la kulantay khasaare lixaad leh oo ah kii ugu ballaarnaa waxaana looga dilay xubno badan, iyadoo looga qabsaday hub.

Haddaba Maxay Al-Shabaab guul-darro u gala kulmaan dagaallada ay la galaan shacabka?

Axmed Kaboole oo bartay arrimaha ammaanka, horeyna u soo noqday xubin ka tirsan golaha de egaanka ee magaalada Stockholm ee dalka Swe den ayaa VOA-da uga warramay dagaalkaas, ga ar ahaan cashirka loo dhigay kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Somalia.

Falanqee ahan ayaa sheegay inuu farqi weyn u dhexeeyo marka ay Al-Shabaab la dagaalama yaan ciidamada dowladda iyo marka ay wajaha yaan shacabka, isaga oo tilmaamay in haddii la abaabulo dadweynaha ay badanaa ku jabaan xoogaga Al-Shabaab.

"Dhacdooyinka Al-Shabaab dagaallada lala galay ama dowladdu la gashay ama dadka shac abka ah la galaan way kala duwanaayeen haba u gu dmabeyso dagaalkii ka dhacay deegaanka Ba xdo, Marka la fiiriyo dagaalka ay la galaan dadka shacabka ah oo is abaabulay iyo dagaallada ay la galaan ciidamada dowladda farqi weyn ayaa u dhexeeya, waxaad moodaa in markii dadka sha cabka ah la dagaalmayaan inay badanaa ku ja baan Al-Shabaab,” ayuu yiri Axmed Kaboole oo wareysi siiyey laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da.

Sidoo kale wuxuu sababta ku sheegay inay taasi ugu wacan tahay in kooxda aysan aheyn ka cdoon shacab, isla-markaana ay shacabku sal dhig u yihiin in lala dagaalo ama laga adkaado, sida uu hadalka u dhigay.

"Waxaa ugu wacan ayaan isleeyahay waxaa la ogaaday in nimaankaas argagixisada ah badanaa waa koox ama kacdoon shacbi ma’ahan waxa ay ku dagaalamayaan badanaa marka dadweynaha ayaa saldhig u ah in lala dagaallo ama laga adk aado,” ayuu raaciyey.

Waxa kale oo uu yiri "Runtii Al-Shabaab ma’ ahan ururkaan weynoo meel kastaa lagula dagaa lamaa waayo aragnimo waxaa la helay in la awo odeeyo bulshada oo la’isku dhaweeyo nidaamka dowliga ah iyo bulshada, si aysan ugu dhuumanin qaabkaasna looga adkaado,”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo Dorr aad meydadka xubnihii laga dikay kooxda Al-Sha baab oo ay ajaaniib ku jiraan, sida ay sheegtay Galmudug iyo hub fara badan oo laga qabsaday lagu soo bandhigay gudaha deegaanka Baxdo oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

KENYA oo shaacisay xilliga la fasaxayo QAAD KA ay usoo dhoofiso Soomaaliya

Dowladda Kenya ayaa markale faah faahin dhe eraad ah ka bixisay halka ay marayaan wadahal lada u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya ee lagu doonayo in lagu fasaxo qaadka dalkaas oo sana dihii lasoo dhaafay ka xayirnaa Somalia.

Wasiirka beeraha ee Kenya Peter Munya ayaa u sheegay Wargeyska The Star in qa adka ay So omaali ya si rasmi ah u fasixi doonto 5-ta bisha soo socota July ee sanadkan 2022-ka.

Peter Munya ayaa xus ay in heshiis ku aadan qa adka ay labada dow ladood ku saxiixi doon aan ma gaalada Nairobi oo ay isugu tagi doonaan madaxda lab ada dal.

"Shanta July ayaa heshiiska lagu saxiixi do onaa halkaan oo ah magaalada Nairobi” ayuu yiri wasiirka beeraha ee wadanka Kenya.

Sidoo kale wasiir Peter Munya ayaa ka gaabs aday waxa ay dowladda Soomaaliya ku bedelane yso qaadka dib loo fasaxayo oo ay Kenya ka he sho dhaqaale fara badan, Soomaali ya ayaana ah suuqa weyn ee loo soo dhoofin jiray qaadka laga keeno dalkaasi.

Soomaaliya ayaa horey dhankeeda shuruudo waa weyn u hordhigtay dowladda Kenya, waxaa na ka mid ah arrimaha ay dalbatay oo ay dooney so in la fuliyo 1-Ku biiritaanka Ururka Bulshada Bariga Afrika, 2– Fududeynta safarka iyo 3– Dhoofinta Kalluunka.

Khaatka Soomaaliya ayaa waxaa horey u ma mnuucay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Md. Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farm aajo), oo taas beddelkeed fasaxay khaatka Itoobi ya oo ay dalka keenaan dad isaga ku dhow siyaa sad ahaan iyo ehel ahaan intaba.

Si kastaba, arrimahaan ayaa kusoo aadaya, iyada oo isbedel siyaasadeed uu ka dhacay Soo maaliya, kadib doorashadii uu kasoo baxayMadaxweyne Xasan Sheekh ee 15-kii May.

SAFAARADDA TURKEY EE MUQDISHO OO OGAATAY KHIYAANO YAAB LEH OO LOOGA QAADAN JIRAY FIISAHA – MAXAA DHACAY KADIB?


Safaaradda Turkiga ay ku leedahay magaalada Muqdisho ayaa aad u adke ysay bixinta dal-ku-galka (visa) oo horay u sahlaneyd in muwaadiniinta Soo maaliyeed si fudud ku helaan.

Tallaabadda safaaradda Turkiga ay ku adkeysay bixinta fiisooyinka ayaa salka ku haysa dhowr arrimood oo Soomaalida u sabab ah, iyadoo sidoo kale maalmihii lasoo dhaafay garoonka diyaaraddaha Muqdisho laga soo dejin ayay Soomaali laga soo tarxiilay dalka Turkiga, kuw aaasi oo jabiyay xeerka socdaal iyo sharciyada aja aniibta ee Turkiga.

Sida ay noo sheegeen ilo-wareedyo ka tirsan saf aaradda, Soomaalida oo nidaamka ay ku dalbadaan fiisooyinka ka been sheega ayaa sabab u ah in la hakiyo ama aad loo adkeeyo bixinta dal-ku-galka Turkiga.

Soomaalida ayaa la ogaaday inay ka been sheegaan shuruudaha lagu xero cod sadaha oo ah; caddeynta dhaq dhaqaaqa seddaxda bil ee ugu danbeyso ako onka banki iyo lacagta ku jirto cadadkeeda, ayada oo doonayo inay ugu jirto dhowr kun dollar iyo hab isticmaalka bilihii u danbeeyay.

Laakiin Soomaalida ayaa soo daabacda akoono aan jirin ama qof kale leeyahay balse magaca laga beddelayo. Dabagal iyo baaris ay safaaradda sameysay mudooyinkii danbe ayey ka ogaatay in akoono badan oo loo soo gudb iyey ay yi hiin kuwa diiwaan gashneyn ama qof ka ku qoran aanu aheyn kan visaha ku dalban aya.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in bankiyada qaar iyo safaaradda Turkiga ay arrintaasi wada shaqeyn ka yeesheen, sidaasi darteedna cid kasta oo dalb ada fiisaha la weydiiyo caddeymaha koonta numberka iyo isticmaalka lacagaha saddexdii bil ee u danbeeyay, ciddii keentana laga hubiyo bankiga uu isticmaalo.

Inta badan Soomaalida dalbado fiisooyinka dal ku galka Turkiga ayaa diidmo la wada siiyaa marka ay safaaradda ogaato inay been ka sheegeen shuruuda dhaqaale ee qofka lagu xero, waxayna sidoo kale taas keentaa in qofkaas weligiis laga mamnuuco inuu helo dal-ku-galka Turkiga.

Arrintaan ayaa waxay saameyn ku yeelatay dadka arrimaha caafimaad doonaya iyo ardayda waxbarashada u raadsada Turkiga ee sida saxan wax ku raadinaya.

Dhinaca kale, todobaadyadii u danbeeyay booliska Turkiga ayaa bilaabay inay guryaha u galaan Soomaalida degan dalkaasi iyo kuwa bannaanka laga qabto, kuwaasi oo loo ugaarsanayo sharci darada iyo nidaamka tuuganimada ay ku joogaan Turkiga, ayada oo badankood uu ka dhacay dal-ku-galkii.

Dadkaasi oo ah kuwa ku yimaada fiisooyinka waxbarashada ama dalxiiska ee marka waqtigii loogu talagalay ka dhaca dib u cusbooneysiin ama raadsan deganaanshaha dalkaasi, kuwaasi oo qorshahoodu yahay inay ka tahriibaan Turkiga, markii horena fiisaha kusoo qaata waxbarasho ama dalxiis.

Waxaa side kale, sare u kacay qiimaha muqalasiinta siisan jiray fiisaha Turkiga lacag dhan 3000 ill 2500 dollar, halka muqalasiin kale oo la ogaaday iyo dadkii ay lacagaha ka qaateen qoorta iskula jira, waxaana magaalada ka taagan muranka arrimahaasi ku saabsan.

Dadka Soomaaliyeed ee burburka 30-ka sano ku dhacay la qabsaday ayaa waxay meel walba ay tagaan ama dani ka gasho waxay kula dhaqmaan si laalaab ah, taasoo keeneysa in meel walba ay kasoo xeranto ama laga karaahiyeysto.

Ali Muhiyaddiin Caasimadda Online

Muxiyaaddiin@hotmail.com

HAY’ADA HIDDO SOOR OO MINNESOTA KU QABATAY MUNAASABAD LAGU MAAMUU SAYO HIDDAHA & DHAQANKA SOMALIDA

Hay’ada Hidosoor ayaa suuro galisay Soomalida degan nawaaxiga magaa looyinka mataanaha ee Minneapolis iyo St. Paul (Tiwin Cities area) gaar ahaan Plymouth, Minnesota in ay helaan Maalinta Hiddaha iyo Dhaqanka iyo Hibay oonka Somalida. Maallinta june 18 ayaa noqotay maalin lagu calaamadeeyay Maalinta Dhaqanka Somalida.

Munaasabaddan ayaa lagu qabtay Xarrunta Hilde Performance Center ee ku taala magaaladda Plymouth ee gobolka Minnesota. Ayagoo Soomalida degan Plymouth, Minnesota iyo maagoolinka ku dhaw dhaw soo bandhigay Hiddahooda iyo Hibooyinkooda iyo Ganacsigooda. Munasabadaan waxaa kasoo qayb galay Soomaali gaaraysa ilaa sedex kun.

Munaasabadaan ayaa waxaa ka soo ka qayb galay ma’uuliyiin ay ka mid yih iin Congress woman Ilhan Omar, Duqa magaala da Plymouth, Minnesota Mayor Jeffry Wosje iyo Xilibaanad Plymouth ku Matasha Gobolka Minnesota Ginny Klev orn. Sidoo kale munaasabadaan ayaa noqon doonta mid sanadle ah isla mar kaana lagu soo bandhigo Hiddaha iyo dhaqanka.

Ugu danbayn, Mayor Jeffry Wosje ayaa Hiddosoor gudoon siiyay warqada uu ku ogolaaday in June 18 ay noqoto maalinta Hiddaha iyo Dhaqanka Somalida. Sidoo kale Maxamed Ciise oo ah agaasimaha Hiddosoor ayaa sheegay "Maalin ta Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaalida in ay noqon doonto mid State ka oo dhan loogu dabaal dego

Doorashada Wareega Labaad Ee Xubnaha Baar Lamaanka Faransiiska Oo Shalay Ka Billaabatay Dalkaas

Doorashada Wareega labaad ee Xubnaha Baarlamaanka Faransiiska oo Shalay ka billaabatay guud ahaan dalkaasi.

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron oo bishii April dib loo door tay ayaa isaga iyo xisbigiisa waxa ay wajahayaan loolan adag uga imaanaya dhinaca Xisbiyadda Mucaaradka ee Garabka bidix.Codbixinta ayaa bilaabatay 8 subaxnimo ee waqtiga Faransiiska, waxaana ay soo gaba gaboobi doontaa 8 fiidnimo Xalay.

Doorashadii wareega kowaad oo qabsoontay Axadii toddobaadkii hore ayaa waxaa labada dhinac ee Mucaaradka iyo Muxaafadka ayeysan jirin xisbi ku guul leystay tirada Aqlabiyadda Baarlamaanka oo ah 289.

Xisbiga Madaxweyne Macron ayaa haddii looga guulleysto Doorashadan, wa xaa uu hoggaamin doonaa Dowlad aan awood buuxda u laheyn,meel marintaajendayaasha horyaalla.

Roobab Khasaare Xoogan Geystay Oo Ka Da’ay Bangaladesh & Kumannaan Qof Oo La La’yahay

Malaayiin ruux ayuu saameeyay Roob daad wata oo saacadihii la soo dhaaf ay ka da’ay qeybo kamid ah dalka Bangaladesh, sida ay sheegeen saraakiisha Gargaarka deg dega ah.Daadadka ayaa sii xoogeystay ka dib markii biyo badan ay ka yimaadeen Buuraha xuduudka Bangaladesh ay la wadaagto wadanka Hin diya. Dhammaan adeegyada Bulshada ayaa istaagay sida Korontada, Gaaska, waxaana dadka ku dhaqan goobaha ay uu roobku ka da’ay soo wajahay dhib aatooyin dhinacyada, Cuntada, Biyaha iyo Nadaafadda.

Wasiiru-dawlaha Wasaara dda Maareynta Gargaarka iyo Maareynta Musiib ooyinka Bangaladesh, Md. Enamur Rahman oo shir jara’id qabtay Sabtidii ayaa sheegay in ilaa 10 degmo dadka Roobka ay saameyn xoog leh u geysteen.

Wasiirka oo cabirayay saameynta daadadka ayaa sheegay in taariikhda Bangaladesh 100 sano ee la soo dhaafay aysan la kulmin roob dhibaatada intaasi le’eg geysta.

In ka badan 5 milyan oo qof oo ku nool degmooyinkaas ayay saamaysay iyadoo kumannaan qof ay weli ku go’doonsan yihiin, sida ay sheeg een mas’uuliyiinta.

Maxamed Bin Salmaan Oo Booqanayo Da lka Turkiga Kaddib Dilkii Jamal Kashoggi.

Dhaxalsugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxa med Bin Salmaan ayaa todob aadkan booqash adii u horreysay ku tagaya dalka Turkiga,halka asoo uu heshi isyo kula saxiixanayo madaxwe ynaha wadankaas iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa shaaciyay in Maxamed Bin Salman uu Arbacada imaan doono Turkiga, ayna soo dhoweyn doonaan, waxaa uu sheegay in xiriirka labada dal la gaarsiin doono heer aad u sarreeya. Labada dal ayaa kala saxiixan doona heshii syo dhowr ah inta lagu guda jiro safarka Amiir Maxamed Bin Salmaan.

Tani ayaa ka dhigan iney noqoneyso socdaalkiisii u horeeyay uu ku tago dal kaas kaddib dilkii Jamal Kashoggi oo sanadkii 2018 lagu dhex dilay Qunsuliyad da Sacuudiga ee Istanbul, taasoo xiisad ka dhex dhalisay labada dal. Sidoo kale waxaa uu booqan doonaa Turkiga kadib dalalka Jordan iyo Masar.

Si kastana, Bishii April ee sanadan ayay aheyd markii Madaxweynaha dalka Turkiga Erdogan uu Sacuudiga booqday, sanado kaddib oo xiriirka labada dal uu xumaaday, booqashadaas ayaa la sheegay iney dib u furtay cilaaqaadkii labada dowladood.

Madaxweynaha Ukraine oo booqday furinta hore ee Magaalada Mykolaiv

Madaxweynaha Ukraine ayaa booqashadiisii ugu horreysay ku tegay Magaal ada Mykolaiv, tan iyo intii uu bilowday duulaanka uu Ruushka ku qaaday dal kaasi.

Volodymyr Zelenskyy ayaa Magaalada Koonfurta Ukraine ku taalo kula kul may Saraaki isha Ciidamadiisa ee dagaalka kala horjeeda Milirariga Ruushka. Madaxweynaha ayaa sidoo kale booqday ciidamada ku sugan furinta hore ee koonfureed.

Madaxweynaha oo la hadlayay ciidamada ku sugan jiidda ho re ayaa kula dardaarmay inay cadaawaha ka jiraan dalkooda, ha ddii uu yahay waxa keliya ee ay haystaan, sida uu yiri.

Madaxtooyada Ukraine ayaa Shalay barraha bulshada ku faafisay muuqaal uu ka soo muuqday Madaxweyne Zelenskyy oo kormeeraya dhisme la degan yahay oo si ba’an ugu burburay dagaalka.

Mykolaiv ayaa ka mid ah magaalooyinka uu burburka xoogan ka soo gaaray weerarada joogtada ah ee Ciidamada Ruushku ka wadaan dalkaasi, waana mid qayb ka ah qorshaha xasillinta Ruushka ee magaalooyinka dhaca Xeebaha Bad da Madow, inkastoo Ruushka uu bishii March gulufkiisa u weeciyay dhanka gob olada bari ee dalkaasi.

In ka badan saddex iyo toban milyan oo qof ayaa ka cararay guryahooda, mu ddada afarta bilood ku dhow ee dagaalku ka socday dalkaasi, sida ay sheegtay Qaramada Midoobey.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip