
HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 19-KA 2022
35,000 oo u fariistay Imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada Sareeedalka oo Shalay si rasmi ah dalka uga billowday"R/Waasaraha oo daah furay
imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga sare kaas oo ay qaadeyso wasaaradda waxbarash ada xukuumadda federaalka ah ee Soomaal iya, kaas oo ay u fariisteen ilaa 35,000 oo ard ay ah.
Imtixaanka ayaa waxaa daah-furay ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble, waxaana wehlina yey wasiirka wasaaradda waxbarashada, Md. Cabdullahi Carab, iyada oo Rooble uu qaybiyey qaar ka mid ah imtixaanaadka.
Ra’iisul wasaaraha ayaa ardayda imtixaan ka galaysa, bahda waxbarashada iyo cid kasta oo imtixaanka gacanta ku haysa kula dardaar may inay u hoggaansamaan shuruucda imtixa anka oo waqti badan la galiyey.
Sidoo kale wuxuu guul u rajeeyey dhamma an ardayda Soomaaliyeed, isaga oo xasuusiy ey inuu mustaqbalkoodu gacantooda ku jiro, lo ogana baahan yahay inay Shalay sii diyaarsad aan sida uu mustaqbalkoodu u ekaan doono iyokaalinta ay nolosha ka geli doonaan, waxa uuna ardayda u rajeeyay guul iyo in Eebbe u fududeeyo imtixaanka.
"Runtii Shalay farxad ayay ii tahay in aan daah-furo imtixaanka fasalka 4aad ee Dugsiga Sare, waxa aan leeyahay alle ha idiin fudude eyo, Waalidkii idinku soo tiir & tacab beelay in aad ka war heysaan, macalimiinta wax idin soo bartay meelkasta oo ay joogaan waxa aan leey ahay waad mahadsan tihiin” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Imtixaankan ayaa waxaa si wadajir ah lo oga fariistay Shalay gobolka Banaadir iyo afar dowlad goboleed oo kala ah Jubaland, Galmud ug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle.
Muqdisho ayaa waxaa ku galaya ardayda u gu badan oo tiradooda ay gaareyso illaa 25-Kun kuwaas oo loo diyaariyay 67 xarumood oo ku kala yaala degmooyinka gobolka Banaadir,
Dhinaca kale Puntland ayaa qeyb ka aheyn Imt ixaanka dowladda, iyadoo si gaar ah u qaada Imtixaanka ardeyda fasalka 12-aadee dugsi yada sare ee ku yaalla maamulkaasi
Guusha buuxda ee DDF waxaa naga xiga ansaxinta BF ee R/Wasaaraha magacaaban
Guusha Dadka Soomaaliyeed ee la dhac san nidaamka dowladnimo ee Dastuuri, Dimu quraadi, Federaali (DDF) wuxuu ka soo bil owdey xulkii xildhibaanadda wuxuuna ku dham aanayaa ansaxinta RW magacaban.
Faahfaahinta 4-ta mar xaladood ee guusha DDF ka akhriso hoos:-
1. Xulkii xildhibaanada labada gole oo ay inta badan ku soo baxeen mudanayaal iyo marwoo yin federalist ah. 2. Waxaa ku soo xigey doora shadii Guddoomiy ayaasha labada aqal oo ay ku soo baxeen hogaan federalist ah. 3. Waxaa ku xigey doorashadii Madxweynaha ee dhac dey 15.5.22 oo ay kamadabeystii isugu soo har een labo hogaamiye oo ay kala watey labo fikir nidaam dowli oo kala ah centralist vs federalist. Habeenkaas doorashada waxaa guul taariikhi ah u soo hoyatey musharaxii watey fikirka nid aamka federalism-ka. Mudane Xasan Shiikh oo kal hor lagu bartey inuu yahay hogaamiye aami nsan fikirka DDF ayaa si weyn uga guuleystey musharaxii ay isu soo hareen oo lagu bartey kolkiisii inuu u janjeero nidaam dowlad dhexe oo awooda hal meel lagu soo ururiyey.
4. Waxaa ku xigay xulkii Madaxweynaha uu u soo xushey Xilka Wasiirka 1aad Md. Xamza Cabdi Bare 15.6.22. Mudane Xamze oo ah qof si mug leh ugu soo halgamey dhismaha Soom aaliya Federaal ah, waxaa lagu xusuustaa kaa lintiisii mudnaanta 1aad laheyd ee dhismaha Dowlad Goboleedka JL oo kamid ah Dowlada ha xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya, si doo kale Mudane Xamze waa xubin xisbiga UPD oo ay ku wadajiraan Madaxweyne Xasan Shiikh.
Md. Xamze waxaa laga filayaa inuu isaga oo RW ah u howlgali doono kuna gacansiin do ono Madaxweynaha xoojinta iyo dhamaystirka nidaam dowladnimo ee jamhuuriyad ah DDF.
Hadda dhamaystirka dowladda Madaxweynaha 5naad ee Federaalka Soomaaliya waxaa ka dhi man in la ansixiyo xulka Madaxweynaha ee xi lka RW – sidaas darteed, Xildhibaanadda wa xaa looga fadhiyaa inay siiyaan codka kalso onidda RW magacaaban weliba si aan kalahar laheyn si ay u muuqato in Dalka Soomaaliya uu u jiheystey dowladnimo ku dhisan DDF kadib markii uu dalka yeeshey hogaamiyayaal u taag an ku shaqeynta shaxda siyaasadda ee DDF (Dastuuri, Dimuquraadi Federaali).
Hassan Said Mohamed
Dowladda Oo Soo Bandhigtay Hub Lagu Qabtay Dagaalkii Cuslaa Ee Ka Dhacay Baxdo
Maamulka degaanka Baxdo ee Gobolka Galgaduud iyo saraakiisha ciidamada qalabka sida ee ku sugan degaankaas ayaa Shalay go ob fagaare ah ku soo bandhigay, meydadka xu bnihii Al-shabaab looga dilay dagaalkii Dorraad, saanad ciidan oo lagu qabsaday dagaalka.
Saraakiil ka tirsan Galmudug iyo kuwa Xoo gga dalka oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa ay u sheegeen in la tiriyey meydadka 70 xubnood, waxaana raga la dilay ku jira xubno ajaanib ah, sidoo kale waxaa nolosha lagu qab tay oo Shalay fagaaraha Baxdo lagu soo ban dhigay darawalkii waday gaari lagu soo raray waxyaabaha qarxa.
Dagaal culus ayaa Dorraad ka dhacay deega anka Baxdo ee Gobolka Galgaduud ku dhex maray maleeshiyaad is abaabulay oo deegaan ah iyo Al-shabaab, waxaana dagaalkaas ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo farabadan.
In ka badan 30 dagaalame ayaa la sheegay in Al-shabaab looga dilay dagaalka, halka sha baab dhankooda ay sheegeen inay dagalka la galeen maleeshiyaadka is abaabulay ee deeg aanka ka dileen 27 xubnood, sidoo kalena ay jir aan dhaawacyo tobaneeyo gaaraya.
Maxay yihiin xerta hubeysan ee Baxdo ee mar kasta casharka u dhigta Al-shabaab?
Dagaal sababay khasaaare isugu jira dhima sho iyo dhaawac ayaa Dorraad ka dhacay deeg aanka Baxdo ee gobolka Galgaduud.
Dagaalka ayaa u dhaxeeyay Al-Shabaab iyo dadka deegaanka oo sameeyay iska caabbin iyadoo gaadiid qaraxyo siday oo ay Al-Shabaab weerarka ku billaabi rabtay ay suurtagali wey day in ay qarxaan, kuwaas oo la qabtay sida uu sheegay maamulka Galmudug.
Dadka inta badan ka hortaga Shabaabka waa dad deegaanka deggan, waxayna u badan yihiin dad xer ah oo ah xerta loo yaqaanno Suu fiyada gaar ahaan Axmadiyada. Saldhiggooda ugu weyn waa masaajidka jaamaca ah ee mag aalada Baxdo. Halkaas ayay joogaan oo ay kita abbada ka raacdaan.
Waxaa u jooga mashaa’ikh ay mar walba ku xiran yihiin oo u ah hoggaamiyeyaal diimeedyo. Xertaas intooda badan qoysas iyo ganacsiyo ku leeyihiin magaalada oo ay deggan yihiin. Si doo kale, dadka qaraabada la ah ama ay ehel ka yihiin ee ku sugan deegaanka iyaga ayay mabda’ ahaan taabacsan yihiin. Waa wadaad do bulshada deegaanka Baxdo u ah indheer-garad. Sidaas daraaddeed, mar kasta oo la soo weeraro Baxdo iyaga ayaa ah ciidan oo ka hort aga.
Xertaan ma aha ciidamo abaabulan oo hub iyo ciidan iyo xeryo leh. Waa dad goonnidood u socda oo deegaanka ah. Laakiin, nin walba gur igiisa waxaa yaalla hub u gaar ah oo uu soo iib saday. Dhowr jeer oo Al-Shabaabka ay soo we erartay magaalada qof walba gurigiisa ayuu ku laabtay, qorigiisa ayuu soo qaatay, wuxuuna billaabay weerar-celin. Dadka Baxdo ee dhowr ka jeer weerarka kala hortagay Al-Shabaab, waa dad noocaas u shaqeeya.
Baxdo waa magaalo ku taalla gobolka Galg aduud, dhinaca koonfur-bari ayay qiyaastii 90 km ka xigtaa degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.Waa deegaan yar,waxaana ka dhis an maamul aan xoogganayn oo ciidamadi isa & tasiilaadkii kale ee uu wax ku fulin lahaa aysan u dhameystirneyn. Magaaladu waxay ku tiirsan tahay dadka deggan.
Labo xaalad oo kala daran oo isugu darsan tay shacabka Buulo-burte
Guddoomiyaha maamulka degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan Axmed Mahad Nuur oo la hadlay VOA ayaa ka warbixiyey xaaladda guud ee degmadaasi oo ka mida meelaha ay ku soo barakaceen dadka ay saameysay aba arta dalka.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in xilligan ay xaalad adag oo dhanka nolosha ah ay wajaha yaan shacabka Buulo-Burde, wuxuuna tilmaamay inay isugu darsameen abaar iyo sidoo ka le go’doomin ay degmada ku hayaan xoogaga Al-Shabaab ee ku sugan hal kaasi.
Axmed Mahad Nuur ayaa sidoo kale xusay in xaaladda ay kasii dartay markii ay magaala da kusoo barakaceen qoysas badan oo ku nool aa miyiga gobolka Hiiraan, isaga oo intaasi ku daray in haatan ay macluul ka jirto magaalada, taas oo uu kasoo saaray baaq deg-deg ah.
"Abaarta saameyn weyn ayay ku yeelatay Magaaladaas oo muddo go’doonsan, Xoolo dh aqato iyo Beeraley ayaa degen, macluul badan ayaa ka jirta, Ganacsiga Xooggiisa waxa u ku yimaadaa diyaaradaha oo 4 maalin yimaada, Dadka deegaanka waxaa kusoo barakacay oo dulsaar ku noqday qoysaskii degenaa Tuulooy inka oo Xoolo dhaqato u badan” ayuu yiri.
Sidoo kale wuxuu farriin u diray dowladda cusub iyo hay’adaha samafalka, wuxuuna ugu baaqay inay wax ka qabtaan xaaladaha bani’a adanimo ee ka jira halkaasi.
Dowladda cusub ee Soomaaliya waxa aan ka sugeynaa in ay wax ka qabata dhibaatooyin ka ka jira Buula burte, rajo ayaan ka qabnaa Maadaama Madaxweynaha uu magacaabay Er gay u qaabilsan Gargaarka Bani aadamnimada waxa aan ka codsaneynaa in uu wax ka qabto abaartaan taagan” ayuu markale yiri guddoomi yaha maamulka degmada Buulo Burte.
Dhowaan Buulo-burte waxaa booqasho ku tegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah erge yga arrimaha bani’aadanimada iyo abaaraha, isagoo kormeeyay xeryaha degmadaasi.
Xaaladda bani’aadanimada Soomaaliya ayaa haatan u muuqata mid kasii dareysa, waxaana deegaanada qaar laga soo warinayaa dhima sho ay sababtay abaarta iyo macluul daran.
Guriga xogeeyaha guud ee xisbiga Waddani oo dab lagu weeraray
Dad aan haybtooda la aqoonsan ayaa dab qabadsiiyay afaafka hore ee guriga uu magaal ada Hargaysa ka daganyahay, xogeeyaha gu ud ee xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani Khadar Xuseen Cabdi.
Xogeeyaha ayaa qoraal uu Facebook ku baahiyay oo uu soo raaciyay sawiro muujinaya gubasho soo gaadhay afaafka hore ee gurigiisa, ku sheegay in taayir baabuur lagu gubay albaabka dibada ee guriga xili habeenimo ah, taasi oo sababtay in uu dab qabsado albaabka.
"Waxaa Habeen hore guriga aan Hargeysa ka deg enahay kadinkiisa lagu gubay taayir gaadhi oo dabkiisii uu dhaawac gaadhsiiyey albaabka. Si da laga warqabana falkan mid la mid ah ayaa hore uga dhacay guriga guddoomiyaha xisbiga, mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan" ayuu yidhi xog eeye Khadar. Xogeeyaha ayaa ku andacooday in dabkani uu yahay shirqool siyaasadeed, oo lagu cabsigalinayo "Waa arrin ugub ku ah So maliland oo muujin karta, in uu jiro qorshe siy aasadeed oo lagu khalkhal gelinayo ammaanka madaxda xisbiyada mucaaradka".
Waxa uu sheegay in uu dhacdadan booliis ka ku wargaliyay isla markaana uu sugayo in baadhitaan lagu sameeyo, cida ka danbaysay taayir ka lagu gubay afaafka hore ee gurigiisa.
Maxay tahay sababta Shalay Villa Somalia loogu casuumay warbaahinta?
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Shalay ku martiqaadday weriyeyaal ka tirsan warbaahinta gaarka loo leeyahay shir-saxaafadeed ku saab san xaaladda guud ee dalka iyo waxyaabihii u qabsoomay Madaxweyne Xasan Sheekh Max amu ud muddada uu xafiiska joogay.
Weriyaasha ayaa Afha yeenka Madxtooy ada Soomaaliya Cabdikariin Cali Kaar, hor dhigay weydiimo ku saabsan aba araha, amma anka iyo su’aalo quseeyay siyaa sadda oo uu mid mid uga jawaab celiyay.
"Qorshaheenna warbaah ineed waxaa ka mid ah in si joogto ah aan bulshada ula wadaag no xogta iyo xaaladaha soo kordha ee dalka, waxaa noo qorsheysan inaan si joogto ah bul shada ula hadalno oo uga haqab tirno xogta qaran ee la wada leeyahay,” ayuu yiri afhayeen ka madaxweynaha Cabdikariin Cali Kaar.
Weriyaasha Shalay tegay madaxtooyada ayaa afhayeenka weydiiy ey su’aalihii ay qabeen hal ka isaguna uu uga jawaab ay, iyadoo su’aalaha inta u gu baday ay ka imaa nayeen dhinacyada amniga, abaaraha iyo xog siinta warbaahinta.
Kulankaan ayaa imaanaya iyadoo maalmo ka hor ay cabasho xoog leh kasoo yeertay war baahinta madaxa banaan oo ku dooday in lagu casuumay magacaabaidii Ra’iisul Wasaaraha, balse balantii looga baxay.
Xukuumadda dowlad degaanka Soomaalida oo beeralayda degaanka u keentay Cagafyo ka caawinaya falashada beerahooda
Xukuumadda degaanka Soomaalida ayaa go 'aansatay in shacabka beeralayda ah ee deg aanka Soomaalida ay ka guuraan qaabkii hore ee ay beeraha u falan jireen u na guuraan qaab casri ah, iyadoo sidoo kale shacab ka ku dhiiri galisay inay dhulka wax kala soo baxaan si loo ga kaaftoo mo cuntada dibadda ka imaanaysa.
Haddaba Xukuumadda dowlad degaanka Soomaalida iyadoo taa ka duulaysa waxay maa linimadii Dorraad degaanka keentay Cagaf yo ilaa 100 gaaraya, kuwaas oo ay dowla ddu ugu talagashay beeralayda degaanka Soomaalida.
Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe cagjar oo daahfuray Cagafyadan ayaa waxa uu sheegay in baahida lagaga bixi karo dhulka oo wax laga soo saarto, Cagafyadan iyo kuwa kale oo soo socdana ay beeralayda deg aanka u horseedi doonaan in qaab casri ah bee raha u fashaan, taas oo kor u qaadi doonta ay uu yiri Madaxwaynuhu wax soo saarka beeraha ee degaanka Soomaalida. Cagafyadan haatan degaanka soogaaray ayaa haddii sidii la rabay looga faa'iidaysto waxay wax badan ka qaban doontaa dhanka nolosha dadka, iyadoo beer alaydu ku fikiri doonaan inay dhulka wax kala soo baxaan, si looga kaaftoomo cuntada dibad da laga keenayo.
Degaanka Soomaalida ayaa waxaa aad u yar dadka ka faa'iidaysta ama u jihaysta dhan ka tabcashada beeraha, iyadoo degaannada dalka Itoobiya intooda badan ay dadku isticmaa laan waxa dhulkooda kasoo baxa, halka deg aanka Soomaalida laga isticmaalo waxa dib adda ka yimaadda, waana midda dowladdu xo ogga u saareyso in shacabku beeraha ku foof aan, oo ugu yaraan qofku uusan cuntadiisa cid kale ka sugin.
Madaxweyne Guudlaawe oo xilalka ka xayu ubiyey xubno ka tirsan golihiisa wasiirada
Madaxweynaha D/G/Hirshabeelle Cali Guud laawe Xuseen ayaa Habeen hore xilalkii ka qaaday 2 wasiir oo ka tirsanaa xu kuumadiisa, balse war eegtada xilka looga qaad ay wasii rradaan lag uma magacaa bin xubno cusub.
Qoraal ka soo baxay Madaxt ooyada maam ulkaas ayaa lagu yiri,"Madaxweynaha Dowla dda HirshabeelleMd. Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Xilalkii ka qaada y Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshahada Mudane Yaxye Is maaciil Maxamed iyo Wasiirka Wasaarada Das tuurka Md.Qadar Xasan Maxamed ka dib ware egto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha.”
2da wasiir ayaa lagu eedeeyey xil gudasho la’aan, sida ku cad warqadda uu Habeen hore soo saaray Madaxweyne Cali Guudlaawe oo ku taa riikheysan 16-kii bishaan Faahfaahin intaas dhe er laguma xusin warqadaan, markii laga soo ta go in wasiirradaan lagu heysto xil gudasho la’a an aan laga bixin sharaxaad kale.
Hoos ka akhriso warqadda
Madaxweyne Qoor Qoor oo sheegtay guul weyn – Dilka 70 ay ku jiraan saddex ajaaniib
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo qoraal ka soo saaray dagaalkii Baxdo ayaa ku bogaadiyay maamul ka, shacabka iyo culim ada degmada Baxdo iyo ciidamada daraawiishta Galmudug, sida ay iskaga difaaceen weerarkii Al-Shabaab.
Qoraalka Axmed Qoor Qoor ayaa lagu cadee yey in kooxdu ay deegaanka uga tagtay mey dadka 70 dagaalame, hub iyo saanad ciidan, iyadoo la fashiliyey gaari ay u diyaariyeen inuu is-miidaamiyo.
"Dowladda Galmudug waxay ku ammaane ysaa Ciidamada qalabka sida, maamulka iyo shacabka degmada Baxdo sida feejignaanta leh oo ay uga hortageen dhagar qabayaasha oo xogtooda la sii hayay, halkaasna ay kala kul meen dharbaaxo, kagana carareen maydad ga araya 70 oo ay kamid yihiin sedex ajaanib ah, hub iyo saanad fara badan iyo gaari ay ku diy aariyeen walxaha qarxa oo lala damacsanaa in lagu wax yeeleeyo shacabka degmada Baxdo,” ayaa lagu war-saxaafadeedka.
Sidoo kale qoraalkaan ay baahisay madaxto oyada Galmudug waxaa lagu sheegay in weer arka kadib ay ciidamada daraawiishta Galmud ug iyo kuwa qalabka sida ay ka howlgaleen deeganada hoos taga degmada Baxdo oo ay ku baacsadeen haraadiga Al-Shabaab-kii soo weeraray, "Iyagoona halkaas ugu dhigay ca shar lama ilaawaan ah.”
"Dowladda Galmudug waxa ay ku tilmaam tay dagaalkii lagu jabiyay kooxda argagixisada, mid taariikhi ah, ayna mudantahay in geesini mada ay muujiyeen reer Baxdo in ay kaga tus aale qaataan shacabka Galmudug iyo guud ah aan shacabka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri qo raalka.
Ugu danbeyntii, madaxweynaha Galmudug, waxa uu Eebbe uga baryey in uu caafimaad degdeg ah siiyo intii ku dhaawacantay, janadii Firdowsana ka waraabiyo intii ku shahiiday dagaalkii Baxdo.
Kormeerahii guud ee Waxbarashada G/ h/ Hoose oo Shalay lagu dilay Deg.Afgooye
Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa Shalay ku dilay gudaha degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose Kormeerahii guud ee Wasaaradda Waxbarashada gobol ka Sh/hoose ee maamu lka Koonf ur Galbeed Soom aaliya.
Cali Shanloow Cali oo ahaa Kor meer aha guud ee Wax barashada gobolka Sh/ hoo se ayaa rag dhalinyaro ah, waxay ku dileen xili uu mara ayay Xaafada Xaawo taako ee deg mada Afgo oye, ka soo dhowr xabadood ay la dhaceen dableyda hubeysneyd.
Marxuum Cali Shanloow ayaa la sheegay in uu isku diyaarinayay inuu kormeer ku sameeyo Imtixaanka shahaadiga Dugsiga Sare oo Shalay ka bilowday 4 ka mid ah 5-ta dowlad go boleed ee dalka iyo gobolka Banaadir.
Wasaaradda Waxbarashada maamul gobo leedka K/Galbeed Soomaaliya ayaa ka tacsiya deeysay geerida Marxuum Cali Shanlow Cali oo Shalay lagu dilay Afgooye, waxaana qoraal kooban ay soo saartay wasaaradda Wax bara shada ay tacsi ugu dirtay qoyska Marxuum Cali Shanlow iyo bahda Waxbarashada maamulka oo uu ka tirsanaa, waxaana Marxuumka ay Alle uga baryeen inuu ilaahay ugu bishaare eyo Jan atul Firdowsa
Qaar kamid ah Maraakiibta sida sharci darra Bda uga kalluumaysta badda Soomaa liya oo lagu daray liiska madow
Maraakiibta Spain iyo Faransiiska ee dhawaan lagu helay iyagoo si sharci darro ah uga kalluu meysanayay badweynta Hindiya ayaa lagu da ray liiska madow kaddib markii Hay'ada Blue Marine ay Kashiftay Boobka ay wadeen Mara akiibta labadan waddan.
Guddiga Tuna ee Badweynta Hindiya (IOTC) ayaa sheegay in maraakiibtan lagu helay inay si sharci darro ah uga kalluumaysanayeen aag ga dhaqaalaha gaarka ah ee Soomaaliya, Maur itius, India iyo Mozambique; iyaga oo aan wax ogolaansho ah ka haysan dalalkan.Warbixin ay soo saartay IOTC, oo la sii daayay intii lagu guda jiray Kalfadhiga 26aad ee Seychelles ay ay tiri hay’addu: "Jarriifka noocaan oo kale ah wuxuu dhibaato aan la soo koobi karin u geys taan baddeena khatarna ku ah nolosha badda iyo dadka ku tiirsan adduunka oo dhan.
Maraakiibtan Faransiiska iyo Spain ayaa 97% waxay Jariifaan Kalluunka Tuunnada, wax ayna sharci daro ku qaataan Kalluun ka badan inta ay ka Jilaabtaan waddan dal kasta oo ku yaalla Badwaynta Hindiya, oo ay ugu sii daran tahay Somalia.
IOTC, oo ah hay'ad dawladeed oo loo igmad ay in ay ilaaliso kheyraadka kalluumeysiga ee Tuna Badweynta Hindiya ayaa sidoo kale kor u qaadayay isticmaalka farsamooyinka kalluumey siga ee habboon.
Guddigu ma sheegin tirada maraakiibta la mamnuucay balse waxay soo jeediyeen in dhammaan dadka wata calamada labada dal aan dib dambe loo ogolaan doonin inay ka kalluumaystaan aagga laga mamnuucay.
Ruushka Oo Soo Bandhigay Muwaad iniin Mareykan Oo Dalka Ukraine U Tagay Dagaal
Mid ka mid ah TV-yada Ruushka ayaa Jimcihii Dorraad baahiyay muuqaallo ku saabsan muwaadiniin Mareykan ah oo lagu la’aa dalka Ukraine, dadkan ayaa la sheegay in halkaasi ay u tageen si ay ugu dhinac dagaallamaan ciidamada Ukraine.
Warbaahinta Mareykanka ayaa horay u sheegtay in la la’yahay muwaadiniintan, sidoo kale ehelada dadkan ayaa dhankooda sheegay inaysan ogeen halka ay ku danbeyeen. Waa xda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay in ay jiraan xog ku saabsan saddexdan muwaaddin oo sheegeysa in lagu lagu la’yahay gudaha Ukraine.
Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaallo Qaraar Oo Weli Ka Socda Bariga Dalka Ukraine
Dagaallo qaraar ayaa weli ka socda aagga Donbas ee bariga Ukraine, sida ay ku warran tay warbaahinta.
Barasaabka gobolka Luhansk, Serhiy Hai dai,ayaa sheegay in xaaladdu adag tahay, hase yeeshee la xakamaeeyey, isagoo ka hadl ayey dagaalka ka socda dariiqyada magaalada Sev erodonestsk oo ay ciidamada Ruusku gu daha u galeen iyo sidoo kale weerarro lagu ha yo mag aalada la olloga ah ee Lysychanks.
Dhanka kale Madaxwaynaha dowladda Ruu shka Putin ayaa si kulul uga hadlay cunaqa bateynada ay dalkiisa ku soo rogeen dalalka reer Galbeedka.Ku dhawaad afar bilood ayaa ka soo wareegay markii uu billowday Dagaalka uu Ruushku ku qaaday Ukraine. Kumannaan qof oo rayid ah ayaa ku dhintay dagaalkan, ma
Dowlad ka cabanaysa weeraro dhanka Internet-ka oo lagu soo qaaday
Dalka Costa Rica ayaa labadii bilood ee ugu dambeeyey wuxuu la daalaa dhacayaa weer aro dhinaca internetka ah, kaas oo kooxaha weerarka geysanayaa ay la wareegeen baraha internetka ee qaar ka mida xafiisyada dawladda iyo weliba xarumo gaar loo leeyahay kuwaas oo bixin jiray adeegyo kala duwan oo bulshadu u baahan tahay. Weerarada dhinaca internetka ayaa sababay in dawladdu ay bixin kari weydo mushaharaadkii macalimiinta, waxay curyaamiy een nidaamkii cashuuraha, halka saraakiisha caafimaadkuna ay awoodi waayeen inay hela an diiwaanada caafimaad ee bukaanada oo ay ku jiraan dadka qaba xanuunka COVID19.
Madaxweynaha dalka Costa Rica ayaa ku dhawaaqay in dagaalka dhinaca internetka ee lagu jabsanayo aaladaha isgaadhsiinta ee dalkaas inay halis geliyeen geeddi socodkii dal ka, ayna kooxaha ajnebiga ah ee weerarad an ka dambeeyaa ay doonayaan inay afgembi yaan dawladda dalkaas ka dhisan.
Weerarada madaxfurashada ah ee lagu qaaday dalka Costa Rica ayaa guud ahaan Khalkhal geliyey nolol maalmeedkii dalkan ku yaalla badhtamaha Ameerika. Weeraradan ay aa lagu eedaynayaa inay ka dambeeyaan koo xo maafiyo ah oo fadhigoodu yahay dalka Ruushka, waxaana kooxahani ay bartilmaame edsanayaan wadamada aanay horumarsanayn difaaca ay kaga hortegi karaan weerarada dhi naca internetka.
BASAAS RUUSH AH OO ISKU DAYAY INUU SI QA RSOODI AH UGA SHAQEEYO MAXKAMADDA ICC
Basaas Ruush ah ayaa isku dayay inuu si qarsoodi ah uga shaqeeyo Maxkamadda Dembiyada Adduunka (ICC) ee fadhigeedu yahay the Hague, sida ay sheegeen laamaha ammaanka dalka Netherlands.
Ninkan oo adeegsaday magaca Viktor Muller Ferreira ayaa iska dhigay inuu u dhashay Brazil, balse waxaa loo diiday inuu galo xarunta Maxkamadda oo uu doonayay inuu ka shaqo billaabo.
Mas’uuliyiinta dalkaas ayaa sheegay in magaca saxda ah ee ninkaas uu yahay Sergey Vladimirovich Cherkasov, uuna ka tirsan yahay hay’adda sirdoonka milateriga Ruuska ee GRU.
Basaaska ayaa la sheegay inuu sanado badan ku hawlanaa sam aynta shakhsiyad been abuur ah, kahor inta aanu maxkamadda ka codsan "shaqo ku tababarasho”.
Hay’adda Netherlands u qaabilsan amniga ee AIVD ayaa sheegtay in haddii ay ninkaas u suurageli lahayd inuu gudaha u galo maxkamadda, ay taasi abuuri lahayd khatar weyn. Dadka yaqaanay ayaa sheegay in Viktor Muller Ferreira uu ahaa nin Brazil u dhashay oo danaynayay xiriirka caalamiga ah.
Ruushka ayaa caan ku ah adeegsiga basaasiinta iska dhiga muwaadin iinta dalal kale, waxaana shakhsiyaadkaas u sahlan inay galaangal u yee shaan meelaha aanay sida caadiga ah u tegi karin muwaadiniinta Ruu shka
8 CAQABAD OO HORYAALO RA’ISULWAS AARAHA CUSUB EE XAMZA CABDI BARRE
Xamza Cabdi Barre ayaa 15-ka bishaan loo magacaabay ra’isulwasa araha cusub ee Soomaaliya. Ninkaan ayaa la
filayaa in dhawaan uu madaxweynaha hor geeyo Baarlamaanka si loo siiyo codka kalsoonida kadibna waxaa lo oga fadhiyaa dhismaha xukuumad u ade egta dalka oo ku jira waqti aad xasaasi u ah.
Haddaba sheekadaan waxaan ku eege ynaa 8 waxyaabood oo shacabka rajeenay aan inuu hor tabin ka dhigan doono ra’isulw asaaraha cusub kuwaas oo haddii uu ka boodo aysan wax badan u hirgeli karin.
Saamileyda siyaasadda
Xamza wuxuu fahamsan yahay in magacaabistiisa ay wax u dhibtay qaar kamid ah xubnihii codadka siiyey Xasan Shiikh wareegii labaad iyo midkii sedexaad ee doorashada maadaama uu isaga markii horaba ka tirsanaa kooxda Xasan Shiikh.
Kooxihii kala duwanaa ee sugayey kursiga ra’isulwasaaraha hadda uma caafimaad qabaan sidii ay ahaayeen magacaabistii Xamza ka hor.
Inuu kooxahaas mudnaan siiyo oo uu xukuumadda ka dhigo mid midn imo siyaasadeed abuurta oo dib isugu soo celin karta saamileyda siyaa sadda waa xujo hor taalo ra’isulwsaare Xamza.
Baarlamaanka
Ra’isulwasaaruhu wuxuu la shaqeyn doonaa Baarlamaanka aysan kooxdiisa xildhibaano badan ku laheyn taas oo isaga iyo saaxiibadiis ka dharagsan yihiin.
Musharixiin kale, xisbiyo iyo kooxdii madaxweyne Farmaajo ayaa xil dhibaan ku heysto golaha, waxaa jirta aragti durba la abuuray oo ah in xukuumadda laga ilaaliyo xildhibaanada, haddii ay taasi dhacdo iyadoo kooxdiisana aysan markii horaba xildhibaano badan oo rasmi ah golaha ku laheyn wuxuu ra’isulwasaaraha la kulmi karaa caqabad weyn.
Xujooyinka hor yaala waxaa kamid ah sidii uu golaha shacabka ugu dhex yeelan lahaa xildhibaano badan oo daacad u ah kuwaas oo u sahli kara inay golaha mariyaan qorshaya asha xukuumadiisa kana badbaadin kara ugaa rsi uga yimaado baarlamaanka dhexdiisa.
Shaqada Dowladda
Dowladda Federaalka ah ayaa wax shaqo ah ka qaban dalka labadii sano ee lasoo dhaafay iyadoo Farmaajo iyo Rooble uu waqtiga kaga dha mmaaday dagaal iyo sharciyada qoran oo laga boodo.
Waxaa joogsaday mashaariicdii socotay waxaana yaraaday gargaarkii beesha caala mka, dalka waxaa ka dilaacay abaaro, xafiisyo badan oo dowladeed ayaa u xirmay khilaafka madaxda sare, waxaana dhaawac weyn soo gaaray wada-shaqeynta hey’adaha dowladda, ciidanka iyo beesha caalamka.
Dib u xasilin shaqo ayaa kamid ah waxyaabaha sida deg degta ah looga sugayo ra’isulwasa araha cusub.
isku milanka awoodaha
Muddooyinkii lasoo dhaafay waxaa xoogeys atay awoodaha isku Mil an ee dowladda taasoo dhaawacday shaqada iyo isla xisaabtanka. Mada xweynayaasha waxay isku dayaan inay ku milmaan shaqada xukuma dda, xukuumadah ana waxay isku dayaan inay farageliyaan shaq ada hey’adda sharci dajinta. Dhaqankaan wax hormar ah kuma siyaa din dalka iyo dowladnimada. Ra’isulwasaare Xamza waxaa la eegayaa haddii uu karo inuu san awoodiisa siinin cid kale iyo inuusan faraha la gelin awoodaha waaxda sharci dajinta.
Amniga iyo Al-Shabaab
Dalka wuxuu ku jiraa xilli adag amni ahaan, caasimadda weli ciidam ada dowladda waxay sii wadaan dilalka shacabka, Al-Shabaab ayaa iya guna sidoo kale wada dilal iyo weeraro ay ka fulinayaan gobolada.
Baahi weyn oo amni ayaa ka jirta magaalada Muqdisho iyo gobolada ku hareereysan. Ra’isulwasaaraha cusub waxaa hor taala inuu la yimaado aragti amni iyo xukuumad la fulin karta.
Al-Shabaab awaa awood jirta, wada-hadal iyo awood ciidan middii lagu xalin lahaaba waa xaqiiqo hor taalo ra’isulwasaaraha cusub oo uga baa han maareyn.
wada-shaqeynta beesha Caalamka
Wakiilada caalamiga ah ayaa si weyn uga niyad xumaaday dowladda iyo dhaqanka madaxda Soomaalida. Labadii sano ee ugu dambeysay waxay ku dhawaadeen inay dalka ka quustaan.
Dhaqaale badan ayey hakiyeen markii ay xaaladda arkeen, weli wa xaa la sheegayaa inay ku jiraan qiimeyn. Ra’isulwasaare Xamza waxaa hor taalo inuu dib u furfuro wakiilada beesha caalamka oo uu kalsooni geliyo si ay mar kale ugu dhiiradaan wada-shaqeyn hagar la’aan ah.
Dib u heshiisiinta, dastuurka, wada-hadalka Somaliland iyo doorasho hormarsan
Meelaha Lacagaha ugu badan lagu cuno ee iska furan waqtiga dheer waxaa kamid ah dhameystirka dastuurka iyo dib u heshiisiinta, wax hor mar ah laga sameyn shaqooyinkaan. Sidoo kale dowladdi dhawaan waqt iga ka dhammaaday waa ku fashilantay inay doorasho hormarsan dalka ka qabato.
Wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland ayaa iyaguna noqday ma shruuc iska taagan. Afartaan arrimood waxay kamid yihiin shaqooyinka u gu muhiimsan dalka balse aan badi mudnaan la siinin.
Waa imtixaan ay badi ku dhaceyn xukuumadihii dalka soo maray. Xamza waxyaabaha lagu qiimeyn doono waxaa kamid ah miisaank shaqada uu ka qabto dib u heshiisiinta, wada-hadalada Somaliland, dhameystirka dastuurka iyo horumarinta doorashooyinka.
Siyaasadda arrimaha dibadda iyo loolanka gobolka
Gobolka geeska Africa waxaa ka jira loolan, kala riixasho iyo is xul afeysi, dhinac walba oo ay Soomaaliya u dhaqaaqdo saameynteeda ay ey leedahay. Nidaamkii madaxweyne Farmaajo ayaa geeska geliyey Jab uuti iyo Kenya isagoo qaatay Itoobiya wuxuuna ku darsaday Eretariya.
In sidii Farmaajo qaar la tuuro qaarna lala shaqeysto aad uma caawin karto Soomaaliyada laga filayo inay dhisaan Xamza iyo Xasan Shiikh.
Dalalka Carabta sida loola macaamili doono iyaduna waa xujo kale, gaar ahaan dowladda Qatar. Siyaasad aan xasilooneyn oo arrimaha dib adda ah ayuu dalku muddo kusoo jiray. Xukuumadda imaan doonto caq abadaha hor yaalo ayey kamid tahay sida ay u abuurto siyaasad arrimo dibadeed oo bilaa cadaawad ah oo danna ugu jirto dalka.
XUSUUSTA BOQORKII MAR KA TALIN JIRAY HINDIYA IYO DALAL MUSLIMIIN AH
kaliya ee rasmiga ah ee laga hayo boqor Bahadur Shah Zafar II, wax aana la qaaday wax yar kadib maxkamaddii la saaray 1858
Wax ka baddan muddo qarni ah waxaa la'iska hilmaamay taariikhda iyo xusuustii boqorkii ugu dambeeyay ee saldanadii xoogga badnayd ee Mu ghal taas oo ka talin jirtay dalalka Hindiya, Pakistan, Bangladesh, iyo Afghanistan.
Isaga oo jeebeysan, xanuunsan ayuu ku dhintay magaalada Yangon ee dalka Myamar, halkaas oo gumeystihii Ingiriiska ay geeyeen isaga oo maxbuus ah. Waxa ay ahayd sanadkii 1862-dii wax yar uun kadib markii Ingiriisku uu jabiyay ciidankiisii.
Bahadur Zafar II ayaa waxaa lagu aasay meel u dhow goobta caanka ah ee lagu magacaabo Shwedagon Pagoda ee magaalada Yangon si qarsoodi ah.
Saldanadda Mughal waxa ay talin jirtay muddo 300 sano ka badan, Zafarna waxa uu ahaa boqorkii ugu dambeeyay ka hor intii aanan xuk unka laga tuurin sanadkii 1857-dii xiligaas oo hormuud ka noqday "Kacaankii Hindiya" ee Ingiriiska lagula dagaalamay.
Waxa uu si weyn ugu caanbaxay gabayada Afka Urduuga, waxaana lagu naaneesi jiray Zafar, gabayadaas oo illaa Shalay la xafidsanyahay, isk uulaadkana lagu dhigo meelaha qa ar.
Dhimashadiisii ka dib ayaa waxaa me esha ka baxay mid ka mid ah boqortooyooyinkii adduunka ugu weynaa.
Balse xusuusta dadka waxa uu dib ugu soo laabtay sanadihii 1980-naadkii, xiligaas taxane taleefishin Hindiya ah uu soo baxay oo isaga laga matalay, waddooyin ayaa sidoo kale loogu magac daray magaalo oyinka Dehli iyo Karachi, halka magaalada Dhaka meel darjiin ah loogu magac daray.
Kariteero sheeko-sawiran ah oo ku saabsan sidii loo xiray boqor Bahadur Shah Zafar
XIGASHADA SAWIRKA,ALAMY Qoraalka
sawirka,
Kariteero sheeko-sawiran ah oo ku saabsan sidii loo xiray boqor Bahadur Shah Zafar
"Safar waxa uu ahaa nin mucjiso ah, gabyaa ca an ah, iyo hoggaam iye muslim ah oo udub dhe xaad u ahaa xiriirka wa naagsan ee dadka Hin duuga ah iyo Muslim iin ta" ayuu yiri William Dal rymple oo ah taar iikhy adan darsaday soo yaal ka boqorka.
Waxa uu intaas ku daray in uu astaan dhab ah u ahaa ilbaxnimadda Isla amka si la mid ah awoowgiis boqor Akbar.
line
Gadoodkii 1957-dii
Goob ka tirsan furimihii dagaalka ee Delhi ee kacaankii Hindiya oo sawir gacmeed lagu muujiyay, sanadkii 1857-dii.
XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES
Qoraalka sawirka, Goob ka tirsan furimihii dagaalka ee Delhi ee kacaankii Hindiya oo sawir gacmeed lagu muujiyay, sanadkii 1857-dii.
Askarkii Hindiga ahaa ayaa sameeyay gadood iyo kacdoon ka dhan ah ciidammaddii Britishka ahaa 10kii bishii May, wuxuuna ka biloowday magaalada Meerut, kadibna waxa uu ku faafay magaalooyinka Dehli, Agra, Lucnow, iyo Kanpur.
Waxaa laga gadoodsanaa isku dayga Ingiriiska ah ee ah in ay soo rogaan dhaqanka reer galbeedka, iyo waliba faafinta diinta Masiixiga.
Kacdoonka waxa uu mideeyay dadkii Hinduuga ahaa iyo Muslimiintii, waxana ay madaxnimo u doorteen boqor Bahadur Shah Zafar II.
Ingiriiska ayaa soo abaabulay ciidamo kale oo Hindi ah, waxaana dib loo qabsaday magaalada Delhi.
Labada dhinacba waxaa lagu eedeeyay xad gudubyo bini'aadanim ada ka baxsan, waxaana ka mid ahaa in Ingiriiska uu si wadar ah u laa yay askar badan oo gadood sameeyay, halka ciidammadii gadoodsana ane ay laayeen caruur iyo haween Ingiriis ah.
Kacdoonkii ayaa waxaa lasoo afjaray bishii July, waxaana ka dambe eyay in la tirtiray xukunkii maxmiyadda ee Ingiriiska, iyada oo lasoo rog ay xukun toos ah oo Ingiriiska maamulaya Hindiya oo dhanline
Ganjeelada laga galo madxafka Boqor Bahadur Zafar ee magaalada Yangon
Qoraalka sawirka,
Ganjeelada laga galo madxafka Boqor Bah adur Zafar ee maga alada Yangon
Qabriga Zafar ayaa la helay sanadkii1991-dii, kadib shaqaale dhi smo oo dhulka qoday ay oo soo faagay ala abihii tilmaamta boqorka ee lala duugay.
Qabriga ayaa kadib dib loo dayactiray, wuxuuna astaan u yahay mid ka mid ah taariikhihii layaabka lahaa ee soo mar soo maray Hindiya.
Darbiyada waxaa lagu xardhay sawirro farshaxan ah oo boqorka ah iyo qoraalo isaga ka turjumaya.
Madxafka ayaa waxaa sidoo kale yaala xusuusta xaaskii boqorka Zinat Mahal
XIGASHADA SAWIRKA,PICTURE COURTESY - THE BRITISH LIBRARY
Qoraalka sawirka,
Madxafka ayaa waxaa sidoo kale yaala xusuus ta xaaskii boqorka Zinat Mahal
Waxaa meel u dhow la ga sameeyay madxaf lagu kaydiyo xusuusta boqor Bahadur Shah Zafar, waxaana halkaas sanad kasta booqda dad badan oo muslimiin ah oo aad u ixtiraama boqorka oo sidoo kale ah aa wadaad diinta islaamka ah.
Sanadkan 2017-ka ayaa waxaa waxa uu ku beeganyahay sanad guu radii 160-aad ee kasoo wareegtay kacdoonkii Hindiya, balse ma jirto meel laga xusayo.
Waxaa laga yaabaa in uu lumiyay xilkiisii iyo boqortooyadii, balse wa xa uu ku guuleystay in uu kasbado malaayiin dad ah quluu btooda iyo habka noloshooda oo wali saamayntiisa ay aad u muuqato.
Sawir gacanta lagu sameeyay oo muujinaya Boqor Zafar
XIGASHADA SAWIR KA, PICTURE COURTESY – THE BRITISH LIBRARY
Qoraalka sawirka,
Sawir gacanta lagu sameeyay oo muujinaya Boqor Zafar
XIGASHO:-BBC
HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 19-KA 2022
..