HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 16-KA JUUN 2022

1
Thursday June 16, 2022 - 08:14:34 in Wararka by
  • Visits: 635
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 16-KA JUUN 2022

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Madaxweyne Xasan oo magacaabay ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Xamza Cabdi Barre inuu noqdo ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

Xamza Cabdi Barre oo kasoo jeeda beesha Oga adeen, wuxuu horey u ahaa xoghayaha guud ee xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxa muud, wuxuuna sidoo kale soo noqday guddo omiyaha guddiga doorashada Jubaland, markii dib loo dooranayey Md. Axmed Madoobe.

Xamza Cabdi Barre ayaa noqday qofkii ugu ho rreeyey ee kasoo jeeda beesha Ogaadeen ee xilkan loo magacaabo, sidoo kalena waa ra’iisul wasaarihii ugu horreeyey ee aan qurbaha ka im an ee xilkan loo dhiibo.

Ilo-wareedyada la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu Xamza ku doortay inuu yahay qof uu yaq aan, oo ay muddo wada-shaqeynayeen, taasi oo yareyn karta khilaaf ka dhex dhashay laba dooda.

Xamza Cabdi Barre ayaa sidoo kale aad u gu dhow madaxweynaha Jubaland Axmed Mad oobe, wuxuuna ahaa xildhibaankii ugu horree yey golaha shacabka ee lagu soo doortay Juba land, 28-kii December 2021.

Xilka ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa rajo xo oggan ka qabay madaxweynaha Puntland Sac iid Deni, oo dadaal u galay in xitaa haddii aan isaga la magacaabin la magacaabo qof kasoo jeeda Puntland oo uu isaga kaalin ku leeyahay.

Xamse Cabdi Barre waxa uu ku dhashay magaalada Kismaayo gobolka Jubbada hoose ee koonfurta Soomaaliya ku dhashay horraantii 1970-kii.

Rooble Oo Ka Hadlay Magacaabista Ra’iisul Wasaaraha Cusub Ee Xukuumadda Somalia

Ra’iisul Wasaarihii Xukuumadda xilgaarsiinta aheyd ee Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka ha dlay magacaabista Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee uu goor dhaweyd magacaabay Madaxweyne Xa san Sheekh Maxamuud.

Qoraal uu soo saaray Maxa med Rooble ayaa waxaa uu ugu hambalyeeyay Xamse Cabdi Barre oo loo magacaabay Ra’Is ul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, kaa si oo bedelaya Ra’iisul Wasaarihii isaga ka horr eeyay ee xilgaarsiinta ahaa Rooble.

"Waxaan hambalyo u dirayaa Mudane Xam se Cabdi Barre, oo Madaxweynaha Jamhuri ya dda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sh.Max amuud Shalay u magacaabay in uu noqdo Ra’iisul Wasaaraha 21aad ee JFS” ayuu yiri Rooble.

Ra’iisul Wasaarihii Xukuumadda xilgaarsiin ta aheyd ee Maxamed Xuseen Rooble ayaa Ra ’iisul Wasaaraha cusub u rajeeyay guul, wuxu una Qoraalkiisa kusoo gaba-gabeeyay "Waxa an Ra’iisul Wasaaraha magacaaban u rajeyna yaa guul”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhaweyd Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya u magacaabay Xamse Cabdi Barre oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xamse ayaa hore u soo noqday Xoghayihii xisb iga Madaxweynaha ee UPD sanadihii u dhex eeyay 2011-2017, wuxuu sidoo kale soo noqd ay la taliyaha wasaaradda arrimaha Dasturka.

SIDEE LOOGA FALCELIYEY MAGACAABI STA R/W XAMZA?

Madaxweyneyaal hore, ra’iisul wasaareyaal hore, madax goboleedyo iyo siyaasiyiin kale ay aa ka falceliyey magacaabista Xamza Cabdi Ba rre, oo uu madaxweyne Xasan Sheekh u xu shay inuu noqdo ra’iisul wasaaraha dalka.

Haddaba waa kuwan qoraallada madaxdii ka falceliyey. Madaxwey ne Shariif Sheekh Axmed: Waxaan hambalyo u dirayaa Mudane Xam se Cabdi Barre oo uu Madaxweyn aha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabay Ra’Isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka So omaaliya, Allaha la garab galo mas’uuliyad da culus ee loo magacaabay, waxaan rajeyna yaa in Golaha Shacabka BFS Soomaaliya ansixiy aan si uu u guto howlaha Qaran ee horyaa la. Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble: Waxaan hambalyo u dirayaa Md.Xamse Cabdi Barre, oo Madaxweynaha Jamhuriyadda Feder aalka Somaliya Md.Xasan Sh. Shalay u maga caabay inuu noqdo Ra’ iisul Wasaara ha 21aad ee JFS. Waxaan Ra’ iisul Wasaaraha magacaa ban u rajeyna yaa guul.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre: Waxa an hambalyo u dirayaa Ra’iisul Wasaaraha cus ub ee uu Shalay magacaabay madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Md.Xas an Sheekh Maxamuud.

Aniga oo dareensan culeyska shaqo iyo miis aanka mas’uuliyadeed ee xilka Ra’iisul Wasaar animo, waxaan Ra’iisul Wasaare Xamze Cabdi Barre u rajeynayaa in Allah uu ku asturo xilka, una fududeeyo masuuliyadda loo igmaday.

Waxaan codsanayaa in si wadajir ah loola shaqeeyo Ra’iisulwasaaraha cusub gaar ahaan waxaan golaha shacabka si gaar ah uga codsa nayaa in si deg-deg ah ay usoo dhaweeyaan, una ansixiyaan Ra’iisul Wasaaraha si uu usoo dhiso xukuumad dar-dar gelisa dhamaan shaqo oyinka la xiriiro dib usoo kabashada dowladnim adeena oo hakad galay labadii sano ee ugu da mbeeyay.

Madaxweyne goboleed Cabdicasiis Lafta-ga reen: Waxaan hambalyo iyo soo dhoweyn u dir aya Ra’isal wasaaraha cusub Xamza Cabdi Ba rre, oo Madaxweynaha JFS, u magacaabay Ra’Iisal Wasaaraaha Xukuumadda JFS. Wax aan Ra’iisal Wasaaraha cusub u rajeynayaa in uu Alle u fududeeyo xilka culus ee loo igmaday, ku na asturo shaqada culus ee loo igmaday.

ildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur War same: Waxaan bogaadinayaa xilka uu Madax weyne Xasan Sheekh Maxamuud u magacaa bay xildhibaan Xamsa Cabdi Bare. Xamsa waa nin faham fiican ka haysta xaalada dalka. Wax aan ku aqaanaa niyad wanaag, furcadi iyo in uusan aragtidiisa la gaban. Waa xil culus oo xili xasaasi ah ku soo aaday ee Allaha la garab galo masuuliyada.

Duqii hore ee Muqdisho Taabit Cabdi Maxa med: Hambalyo Ra’iisul Wasaaraha mag acaab an ee XFS Mudane Xamza Cabdi Barre. Waxa an Alle uga baryayaa inuu u fududeeyo mas’ uu liyadda ammaanada ee ummadda Soo maa liy eed. R/W Xamza waa daljoog xog-ogaal ah, aq oonyahan fahamsan hannaanka Federa alka & ahmiyadda wadashaqeynta Hay ’adaha.

Axmed Madoobe Oo Soo Dhaweeyay Maga caabista Ra’iisul Wasaaraha Cusub

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubba land Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Hambalyo u diray Ra’iisul Wasaaraha Cu sub ee Xukuumada Federaalka ah ee Soomaal iya Md.Xamze Cabdi Barre oo Xalay uu xilk aas u magacaabay Madaxwey naha JFS Xas an Sheekh Max amuud.

Waxaa Madaxweynahu uu tilm aamay in Xa mze Cabdi Barre uu yahay shaqsi hufnaan iyo karti u leh gudash ada xilka Cusub ee loo maga acay isla markana

Lagu xusuusto shaqooyinka wanaagsanaa ee uu dalka kasoo qabtay isagoo wakhtigiisa iyo naftiisa u huray shaqooyinka waaweyn oo uu u gu adeegayay bulshada Soomaaliyeed wakh tiyo kala duwan.

Madaxweynaha ayaa Ra’iisul Wasaaraha Al le uga baryay inuu la garan galo shaqada Cus ub ee hortaala isagoo ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed inay garab istaagan si uu u guto waajibaadka qaran ee horyaala.

Xamse Cabdi Barre ayaa ahaa Guddoom iyihii Guddiga doorashada Maamulka Jubbal and doo rashadii lagu doortay Madaxweynaha Jubbal and Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe sanadkii 2019.

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Shalay War bixin Siiyay Wakiilada Beesha Caalamka

Madaxweynaha JFS Md Xasan Sh. Maxam uud ayaa kulan la qaatay Wakii llada Beesha Caalamka ee Soomaaliya oo ay ka wada hadle en xoojinta taageerada muhiimka ah ee ay sii yaan Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa soo Bandhigay xaalad da binu aadannimo ee ka dhalatay abaaraha ka jira dalka, isagoo xus ay dadaalka & abaabulka gurmad ee dowladdu ay ku bixinayso la tacaalidda xaaladdaas adag, waxa uuna ka co dsaday beesha Caalamka in ay doorkooda ka qaataan samatabixinta dadka Soomaaliyeed ee dhibaataysan.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa uga warb ixiyey Wakiillada Beesha Caalamka muhiimad da safarkii uu dhawaan ku tagay qaar ka mid ah dowlad Goboleedyada dalka, kaas oo ka tar jumaya dadaalkiisa ku aaddan xaqiijinta Soma ali heshiis ah iyo xoojinta wada-shaqeynta heer Federaal iyo heer dowlad Goboleed.

Dhankooda, Wakiillada Beesha Caalamka oo bogaadiyey dadaallada dib u heshiisiinta iyo gurmadka abaaraha ayaa soo dhaweeyey qab soomidda Shirkii Wadatashiga Qaran ee dhaw aan ku soo gaba-gaboobay Villa Soomaaliya iyo warmurtiyeedkii ka soo baxay oo dhaqan-ge lkiisu uu muhiim u yahay dowlad dhiska iyo hor umarka dalka.

Wakiillada Beesha Caalamka ayaa sheeg ay inay kordhinayaan taageerada ay dowladda Soomaaliya la garab taagan yihiin, gaar ahaan ammaanka, arrimaha binu aadannimada, dib u heshiisiinta & dhismha hay’adaha dowldnimada

Madaxweyne Farmaajo oo war kasoo saaray magacaabista ra’iisul wasaaraha cusub

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxam ed Cabdullahi Farmaajo ayaa qoraal ka soo sa aray magacaabaidda Ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka oo Shalay uu magacaabay Madaxwey ne Xasan Sheekh.

Farmaajo ayaa ugu hor eyn qoraalkiisa ku yiri, "Waxaan hambalyo u dira yaa Mudane Xamse Ca bdi Barre oo uu Madaxweyne Xasan Sh. Maxa muud u magacaabay Ra’iisul Wasara aha Cu sub ee Xukuumadda Federaalka Sooma aliya.”

Farmaajo ayaa baarlamaanka ka codsaday inuu codka kalsoonida siiyo Ra’iisul Wasaaraha cusub, si dhaqso uu ugu soo dhiso xukuumadi isa. "Waxaan Ra’iisul Wasaaraha magacaaban u rajaynayaa in uu Eebbe u fududeeyo gud ashada mas’uuliyadda culus ee loo magacaab ay, aniga oo Baarlamaanka Jamhuuriyadda Fe deraalka Soomaaliya ka codsanaya in ay codko oda kalsoonida siiyaan, si uu u soo dhiso xuk uumad sii ambaqaadda horumarka dalka ka socday,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Farmaajo.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Maqribkii shir jara’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa Xamse Cabdi Barre u magacaa bay ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

Xamse Cabdi Barre oo kasoo jeeda beesha Og aadeen, wuxuu horey u ahaa xoghayaha guud ee xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh ee UPD, sidoo kale wuxuu soo noqday guddoomiy aha guddiga doorashada Jubaland, markii dib loo dooranayey Madaxweyne Axmed Madoobe.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo ku ta khasusay culuumta maamulka ayaa ka soo sha qeeyey arrimaha dastuurka, waxbarashada iyo dowlad dhiska Soomaaliya, isagoo khibrad weyn u leh geeddi socodka siyaasadda dalka iyo dib u heshiisiinta, wuxuuna ka mid yahay aq oonyahannada Soomaaliyeed ee u istaagay sa matabixinta waxbarashada dalka, kaddib burb urkii dowladdii dhexe.

Xamse Cabdi Barre ayaa noqday qofkii ugu horreeyey ee kasoo jeeda beesha Ogaadeen ee xilkan loo magacaabo, sidoo kalena waa ra’ iisul wasaarihii ugu horreeyey ee aan qurbaha ka imaan ee xilkan loo dhiibo.

Taariikh nololeedka Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha 21aad ee Jamhuuriyad da Federaalka Soomaaliya ayaa loo magacaab ay Md.Xamse Cabdi Barre.

Wuxuu Ku dhashay Kismaayo, 48 jir, Aabbe 8 caruur ah leh.

Xildhibaan Go laha

Shacab ka, la soo do ortay 28 Dece mber 2021, deegaan door ash ada Kismaayo, Ju baland.

Waxbarashada: MBA in Management, Interna ti onal Islamic University of Malaysia (2009), BA in Management, Univer sity of Science and Te chnology in Yemen (2001) Khibradda shaqada: Gudoomiyaha G uddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo Do orashooyinka Jubaland (2019-2020) La Taliye Sare, Wasaaradda Das tuurka JFS (2015-2019)

La Taliye Arrimaha Maamulka, Gudoomiya ha Gobolka Benaadir (2014-2015)

Xoghayaha Xisbiga UPD (2011-2017)

Ka mid ah aasaasayaasha Jaamacadda Kism aayo, ka soo qabtay dhowr xil, sida Gudoomiye Ku Xigeenka Jaamacadda

Bare Sare, Jaamacadda Muqdisho

Xoghayaha Guud, Daladda Waxbarashada FPENS (2003-2004)

Geedisocodka siyaasadda dalka khibrad mug leh ayuu u leeyahay, waana local (dal joog).

Kal-Fadhiga 50-Aad Ee Baarlamaanka Dowl ad Goboleedka Puntland Oo Shalay Furm aya

Waxaa Shalay Arbaco ah Taariikhduna ay ku beegan tahay 15-ka bishaan June 2022 lagu wadaa in uu si rasmi ah u furmo Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiilada dowlad Goboleedka Puntland, kadib markii uu dhammaaday kal-fa dhigii 49-aad ee Golaha.

Munaasabadda furitaan ka Kalfadhiga 50-aad ee Baa rlamaanka Puntland ayaa waxaa ka qeyb gal aya Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, qa ar kamid ah Golihiisa Wasiirada, dhammaan Xil dhibaanada iyo xubno kale, sida uu qorshahu yahay.

Xarunta Baarlamaanka Puntland ayaa haatan waxaa socota qaban-qaabadii ugu dambeysay ee furitaanka Xaflada, waxaana halkaas kusii qul-qulaya mudanayaasha Baarlamaanka iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka.

Madaxweyaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo Dorraad dib ugu laa btay Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobol ka Nugaal,ahna Caasimadda Maamulka ayaa Khu dbad ka jeedin doona Munaasabadda furitaan ka Kalfadhiga 50-aad ee Golaha.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa khudbadiisa uga hadli doono Arrimo kala duwan oo ku aa danPuntland, tan guud ee dalka iyo doorasho oyinkii ka dhacay dalka, sidoo kalena ka hadli doona Arrimaha Abaaraha baahsan ee ka jira deegaanada maamulkiisa.

Guddiga wada diyaarinta Sharciga Miisaaniy adda dowladda oo Su’aalo weeydiiyay Was iir Beyle

Guddiga KMG ah ee labada Aqal Baarlam aanka Soomaaliya ee loo xilsaaray diyaarinaya Sharciga Miisaaniyadda Qaranka 2022 ayaa Shalay la kul may Was iirka Maaliyad da Cabdir axma an Duca ale Bay le, Xisaabiyaha

Guud ee Qaranka Marwo Faadumo Cisma an Faarax iyo xubno ka le oo la socdayGuddiga oo gudanaya waajiba adkooda shaqo ee loo xilsaaray ayaa Was iirka iyo xisaabiyaha guud ee Qaranka wax ka waydi iyay qarashaadka ka baxay qasnadda Dowla dda bilihii la soo dhaa fay, Canshuuraha iyo su’ aalo kale oo la xiriira Miisaaniyadda Qaranka 2022.

Xubnaha Guddiga ayaa wada soo diyaarinta sharciga miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2020, iyada oo la filayo inay horgeeyaan Xildhi baannada Golaha Shacabka.

Maxaa Looga Hadlay Kulankii Shalay Ee Xildhibaanada Golaha Shacabka?

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlam aanka Federaalka Soomaaliya, Sheikh Adan Mohamed Nur-Madobe iyo labadiisa ku-xigeen oo Shalay shir guddoomiyey kalfadhiga 1-aad Kulankiisa 11aad ee Golaha oo Ajendihiisu ah aa dhamaystirka akhrin ta 1aad ee Xeer-hoosa adka Golaha Shacab ka, ayaa waxaa Golaha Baarlamaanka JFS hort ooda ka aqriyey qaar ka mid ah Xildhibaanada.

Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka oo ah u dub dhexaadka aas-aasiga ah ee Baarlamaan ka kaas oo sharaxaya ku dhaqanka sharciga iyo waxyaabaha ka reeban cida ay quseeyso, iyadoo loo maraayo habka waafaqsan dastuur ka iyo wadashaqeynta Baarlamaanka iyo Hay’a daha kale ee dowladda.

Guddoomiye Sh. Aadan Madoobe oo geba-gebada kulanka xildhibaanda u sheegay in Gud di loo soo xuli doono, xubnahaasi oo ka soo shaqeyn doona turxaan-bixinta Xeer-hoosaad ka Golaha, waxaana uu Guddoomiyuhu intaasi ku daray in kulanka xiga la shaacin magacyad ooda.

maxaa looga hadlay kulankii Shalay ee xil dhibaanada golaha shacabka?maxaa looga ha dlay kulankii Shalay ee xildhibaanada gol aha shacabka? maxaa looga hadlay kulankii Shalay ee xildhibaanada golaha shacab ka? Maxaa looga hadlay kulankii Shalay ee xi ldhi baanada golaha shacabka?

Deni oo shaaciyay doorkii uu kulahaa Isbed elka doorasho ee ka dhacay dalka

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdull aahi Deni ayaa ka hadlay doorashadii Madax weynenimo ee uu uga qeyb galay Magaalada Muqdisho iyo doorkii Puntland ku laheyd in isbedel uu ku dha co hoggaanka dalka Som aliya.

Madaxweynaha oo Shalay khudbad ka jeed inayay furita anka kal-fadhiga 50aad ee Baarla maanka Puntl and ay aa u mahad celiay cidkas ta oo taageero u muuji ay markii uu isku sharaxay xil ka Madaxwey naha Somalia, isaga oo sheegay inuu aamin sanaa inuu yahay qof ka ka saari kara caqaba da ha ka jira Sooma aliya bal se taasi ay dhici weey say.

Sidoo kale Deni wuxuu sheegay in shirarkii uu uga qeyb galay Magaa lada Muqdisho, sida shirkii golaha wadatashiga qaran ay kaga heshi iyeenmadaxda dowladda iyo dowlad goboleed yada arrimo ku saabsan dib u dhiska dowladni mada Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaa hi Deni ayaa kamid ahaa musharrixiintii soo ga aray wareegyadii ugu dambeeysay ee tartankii doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, hay eeshee ugu dambeyn uu ku guuleystay Madax

weyne Xasan Sheekh Maxamuud.


Faahfaahino kasoo baxaya Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo hoygii sa lagu weeraray

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya we erar Bambaano oo Habeen hore lagu qaaday hoyga uu ka dagan yahay magaalada Muqdisho Xil dhibaan Jabriil Cabdirashiid Xaa ji oo ka tirsan Baarlamaanka Fe daraalka Soomaaliya.

Xildhibaan Jabriil ayaa ka bad baaday weerarka Bambaano ee Habeen hore lagu qaaday hoygiisa oo ku yaala xaaf ada Taleex ee degmada Hodan ee gobolka Ba naadir.

Xildhibaanka la weeraray ayaa ka mid ahaa Xildhibaanadii laga soo doortay magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, waxaana saraakiil ka tirsan laamaha amaanka ay sheegeen in we erarkaasi uu geystay khasaare kooban oo gaa ray ilaalada Xildhibaanka hoygiisa lagu weer aray.

Ciidamo ka tirsan Booliiska degmada Hodan ayaa gaaray daqiiqado kadib marka uu dhacay weerarka Bambaano ee lagu qaaday guriga Xil dhibaan Jabriil, kuwaas oo howlgalo baaritaano ah ka sameeyay agagaarka hoyga Xildhibaan ka, hayeeshee maysan ku guuleysan iney gac anta kusoo dhigaan ragii weerarka Bambaano fuliyay.

Ergeyga Gaarka Ah Ee Gurmadka Abaaraha Oo Gaaray Magaalada Buulo-Burde Oo 10 Sano Go’doon Ah.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Md. Xildhibaan Cabdirax maan Cabdishakuur Warsame, ayaa safar gaa ban Shalay ku tagay magaalada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan.

U-jeedka socdaalka Er geyga oo ay wehiliyaan xubno ka socda Hay’ad da Cunnada Adduunka ee WFP iyo UNHCR, ayaa ku qotoma u-kuur-galidda xaaladdaha abaaraha iyo nolosha dan yarta abaaruhu saameeyeen, isagoo kormeer iyo indha-indheyn ku tagay, xeryo barakac oo ku yaalla magaaada.

Ergeygu Kaamamka aadka u daran ee uu kormeerka ku tagay waxaa ka mid ah, MADI INO & WADAJIR, kuwaasoo ay ku jiraan in ka badan 9,000 oo barakacayaal ah, sidoo kale wuxuu tagay ceelka ‘Bashiir Xaaji’ oo barakac ayaashu biyaha ka cabaan, kaas oo hadda qa rka u saaran inuu xirmo, sababo la xarrira in uu is ka bixi la’yahay shidaalkii matoorka.

Buulo-burde waxa ay ka mid tahay magaalo oyinka ay ku qulqulayaan dadka abaaraha ku ceyrtoobay, kadib afar xilli roobaad oo baaqd ay, isla-markaana ay yar tahay rajada laga qa bo in ay si buuxda u hoorto Deyrta (Autumn) la sugayo bilaha September, October iyo Nov ember.

Barakacayaasha ku jira xerooyinka uu booq day ergayga ayaa u badan carruur, haween iyo dad da’ ah, wuxuuna Dowladda Federaalka, de eq-bixiyayaasha caalamiga ah, kuwa aan caal imiga ahayn iyo umadda Soomaaliyeed ee wax heysata ugu baaqay in gargaar iyo gurmad de gdeg ah lala soo gaaro dadkaas.

Ergayga ayaa sidaan oo kale, dhamaadkii bishii hore socdaal indha-indheyn ku tagay xero oyin barakac oo ku yaalla magaalada Baydh abo, halkaasoo si daran looga baahan yahay nafaqeynta haweenka uurka leh iyo kuwa nuu jinaya, carruurta da’doodu ka yar tahay shan sano, iyo dadka da’da ah.

ergeyga gaarka ah ee gurmadka abaaraha oo gaaray magaalada buulo-burde oo 10 sano go'doon ah.ergeyga gaarka ah ee gurmadka abaaraha oo gaaray magaalada buulo-burde oo 10 sano go'doon ah.ergeyga gaarka ah ee gurmadka abaaraha oo gaaray magaalada buu lo-burde oo 10 sano go'doon ah.ergeyga gaar ka ah ee gurmadka abaaraha oo gaaray magaa lada buulo-burde oo 10 sano go'doon ah

Xildhibaan ka tirsan BF oo Somaliland u aqo onsatay inay tahay dal madax-banaan

Xildhibaan Gobsan Muxumad oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa Shalay xarunta Golaha ka sheegtay in Somaliland ay tahay dal madax-banaan, taa si oo ka hor-imaneysa midnim ada Soomaaliya.

Xildhibaanada ayaa ku doo day in illaa inta natiijo la isla qaa to laga gaarayo wada-hadalka Soomaaliya iyo Somaliland in lagu ixtiraamo Somaliland jirita ankeeda iyo madax-banaanideeda, sida ay had alka u dhigtay.

"Somaliland waa dal madax-banaan oo go oni u istaagay illaa inta arrintooda iyo waxyaa baha ay tabanayaan miiska la keenayo in halk ooda lagu hayo oo lagu ixtiraamo,” ayey tiri.

Sidoo kale waxay sheegtay in tallaabadii ay qaaday Kenya Dorraad ee aheyd in kulankii Uh uru Kenyatta kasoo wada muuqdan calanka So omaaliya iyo Somaliland ay tahay mid la is aga hor keenayo labada dhinac.

"Kenya waxa leenahay ma mudna in dad wal aalo ah cuqdad laga beero, kii yimid iyo kii ca dhooday midna eedeyn uma jeedinayo, waxa eedeyn u jeedinaya dowladda Kenya. Arrimaha Soomaaliya ee xalka u baahan anaga ayaa hal kan u joogna oo ku jaan-goynayna.”

Hadalka Xildhibaanada ayaa imanaya xili ay dowladda Kenya ay raali-gelin ka bixisay in cal anka Somaliland Dorraad lagu arkay munaasab ad uu madaxweyne Uhuru Kenyatta ku casuu may diblomaasiyiinta caalamiga ah ee ee ku sugan Nairobi.Munaasabaddaas ayaa waxaa isaga baxay safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Ax med Nuur Tarsan kadib markii uu goobta ku ar kay calanka Somaliland iyo wakiilka Somaliland u fadhiya Nairobi.

Ayada oo Kenya cabashadaas ka jawaabe ysa ayey Wasaaradda Arrimaha Dibeddda wa xay Habeen hore soo saartay qoraal ku socda safaarad da Soomaaliya, kuna bixineyso raali-gelin.

XIGASHO:-CAASIMADDA.NET

Maxey tahay KALMADDA halista amni dhal lin karta ee ku jirtay 

wareysigii FAHAD?

Hay’adda Nabadusgidda iyo Sirdoonka Qar anka Soomaaliya ee NISA ayaa marxalado qal afsan wajahday dhowrkii sano ee la soo dhaaf ay. Dhowr taliye ayaa hay’adda maamushay intii uu jiray nidaamkii madaxweyne Farmaajo.

Waa goobta ugu weyn ee lagula da gaalamo ko oxda Al-Shabaab. Marka la eego si da uu u dhi san yahay nidaamka dowliga ah ee Soomaal iya, hay’adani waa midda ugu muhiim san hey ’adaha amniga ee waqtigaan.

Isbadbadalka tirada badan ee madaxda hay’ adda, u ekeysiinta goob lagu iibiyo siyaasadda madaxda xu kuna heysa iyo xog isku wareej in la’ aanta mada xda hey’ad da soo martay, ayaa la aaminsan yahay inay ka mid tahay waxyaaba ha daciifiyey guulaha hay ’adaan.

Hal arrin oo muddo aan jirin ayaase hadda soo korortay. Waqtigii hore madaxda hay’adda NISA soo martay ma faafin jirin sirta hay’adda waxayna dhinac isaga riixi jireen inay warbaahi nta siiyaan xogaha amni oo ay hayaan ama kii saska u baahan inay weli hay’adda sii baarto.

Hadda Fahad Yaasiin oo dhowr sano soo ma amulay hay’adda NISA ayaa warbaahinta ku fa afiyey waxyaabo haddii jiraan loo baahnaa inay janaalo kale la marsiiyo.

Balse wareysiga uu Fahad bixiyey dhawaan ayaa khubarada amnigu waxay kasoo dhex saa reen qodob ay ku tilmaameen mid xambaarsan halis amni.

Fahad wuxuu wareysigiisa ku sheegay in lo oga baahan yahay saraakiisha hay’adda NISA inaysan wax xog ah la wadaagin agaasimaha cusub ee NISA Mahad Maxamed Salaad. Wux uu sheegay in taliyaha cusub uu kamid yahay dadkii laga ilaalinayey sirta qaranka.

Haddii ay saraakiishu qaataan hadalka taliy ah aas hore,waxaa ka dhallan karta xasilooni amni iyo inuu dhaawac soo gaaro shaqada hey’adda ayey leeyihiin xeer dheerayaasha amniga.

Inkastoo aysan u badneyn in sarkaal hore u socod ah u dhag taagi doono hadalka taliye shaqada laga eryey, haddana arrintani waxay u baahan tahay foojignaan weyn, waxaana muhi im ah inay hey’adda si dhab ah ugu fahamto ka la qeybin ayuu yiri mid kamid ah saraakiishii ho re ee hay’adda oo aan la hadalnay.

Wuxuu soo jeediyey sarkaalkaas oo diiday in aan magaciisa xigano in agaasimaha cusub ee NISA laga rabo inuu khubaro sharci iyo saraa kiil waaya-arag ah u saaro inay dhageystaan wareysiga uu bixiyey Fahad Yaasiin, kadibna ay soo saaraan wixii ku jira oo noqon kara halis amni, gaf sharci, wax liddi ku ah xeerka hay’ad da iyo midka ciidanka ama keeni kara qalalaa so amni kadibna laga doodo waxa ku haboon in laga yeelo.

Baaqa agaasimihii hore ee NISA Fahad Ya asiin Xaaji Daahir ee ah inaan lala shaqeyn ama aan xog la siinin agaasimaha cusub ee he y’adda NISA, ayaa dad badan oo arrimaha am niga ku takhasusa waxay ku tilmaameen kalma dii ugu halista badneyd ee ku jirtay wareysigii dheeraa ee uu bixiyey Fahad.

Waxaa la aaminsan yahay inuu Mahad Sa la ad dareensan yahay culeyska kalmadaan, wax ay kaloo keeni kartaa ayaa la leeyahay in hay’a dda laga saaro dadka lagu arko inay awaamiirt aan u hoggaansameyn ama laga yaabo inay fik irkaas dhinacooda ka iibinayaan

Xigasho:-caasimadda.net

FARIIN QIIRO XAAMBAARSAN OO KU SOCOTA MADAXWEYNE XASAN SHEEKH.

Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud runtii waxaa tahay shaqsi aqoon, qibrad, odaytinimo iyo karti bdn Allah iskugu daray. waxaa tahay Shaqsi isku keeni karo Somalida kala tagtay iskuna heyn karo Somalida qarka u saaran in ay hadda kala tagaan.

Waxaa tahay Shaqsi hammigiisu yahay mar uun inuu arko Somalia oo latartanto dalalka hor umaray ee asaageeda ah waxaa tahay Shaqsi ra bo in uu xaqiijiyo muwaadin kasta ee Somaliyed inuu helo xuquuqda ay helayaan muwaadininta wadamada kale ee addunka.

Balse culeyska jiro ayaa ah in Allah kuu qoray in aad rabto inaad hormariso waddan inta bdn mu waadinintisa ay uga muhiimsantahay wax kasta ehelnimada. Waxaa Allah ku qoray inaad rabto inaad wax u qabato waddan inta bdn shacabkiisu jecelyihin ruux ayaga ku heyb ah inuu hoggaami yo ayaga oo aanan tix galineynin haddii ruuxaas yahaya midkii ugu habbonaa, majoogtid waqtigii dadka aadka u wada wanaagsanaayeen oo ay tilmaamayeen qofka ugu habboon ayaga oo dha hayo hebal ayaa ugu habboon howshaan.

Maxaa kula gudboon marka? waxaa kula gu dboon inaad aad u badiso sabarka iyo dulqaadka xasuusatana in Nabi Mohammed NN korkiisa ha ahaatee dad uu weydiistay garab istaag ey caruur iyo wax magarato kale ka adeejiyeen kadibna dha gaxeeyen suubanaha NN korkiisa ha ahaatee, markaas ayuu nabiga waxa uu bilaabay in dhiigii ka baxaayay dhulka ka ilaaliyo si aanan dadkaas cadaabta Allah ugu dhicin waxa uuna ugu duceyn ayay in Allah uu so hanuunsho maadaama aysan waxba kala ogeyn.

Marka mudane madaxweyne waxan ku xasuu si ayaan kaliya inaad sabarka, dulqaadka, odaytin imada, iyo isku wadida Somalida ee aan kugu tuh mayo in Allah ku siiyay aad kaashato oo aadna aad iyo aad u badiso, inshallah Hammigaadana Allah wuu ku rumeyn doonaa.

Aniga runtii haba yaraatee wax aan kaa rabo majirto lkn kaliya waxaa iila muuqataa qofka ugu habboon ee Shalay Somalia hoggaamin karo. Ta ageeradaadana adiga kuguma daneynayee Sha cabka Somaliyed oo aan anigu kamid ahay ayaan ugu daneynayaa sababto ah Shalay marka reali ty-ga laga hadlo Somalia ayada ayaa kuu baahan.

Shalay intaan cod leeyahay kuuma codeyn karo lkn waxaa kaliya ee aan kuu awoodo ayaa ah in aan duco kula garab istaago, aniga oo aan kaliya kugu duceyneenin in aad uun Madaxweyne naq ato balse kugu duceynaya in Allah gacmahaada, carabkaada maskaxdaada iyo dhamman xubnaha ada ka yeelo kuwii Somalia ka qaadi lahaa halka ay Shalay joogto geyna lahaa halka waddamada aadka u hormaray ay joogaan

Allah quluubta xildhibaanada manta codka shacabka haaya hakuu jilciyo. Somalia xasilan, nabad ah aadna u hormarsan Allah natuso.

Somalia heshiis ah dunidana heshiis la ah.

WQ: Bile Yuusuf Abuukar

XIGASHO:SOMALIWEYN.COM

Hay’adda nabadda ee Elman oo la guddoon siiyay Abaalmarinta horumarinta Afrika ee KBF

Abaalmarinta horumarinta Afrika ee loo yaq aano King Baudouin ee 2020-21 ayaa la guddo onsiiyay hay’adda Elman ee Somalia, iyadoo la aqoonsaday dadaalka ay kula dagaalamayso rabshadaha, sidoo kale xoojinta iyo kobcinta xir fadaha hoggaamineed ee haweenka iyo dhalin yarada Soomaaliyeed. Guddiga Abaalmarinta Afrika ee KBF ee King Baud ouin Foundation ayaa aamin san in Elman Peace ay awood u leeyihiin in sha qada ay hayaan ay dhiirigelin u noqoto bulshoo yinka kale ee Afrika.

"Elman Peace waxay ka caa wisay kumana an dhalliny aro Soomaaliyeed ah inay dib u dhi staan noloshooda ka dib colaadihii sokeeye, wa xayna diyaarisay ba rnaamijyo gaar ah oo lagu awood siinayo haween ka iyo dhallinyarada," ay ay tidhi, guddoomiyaha gudiga doorashada abalmarinta Koen Vervaeke.

"Shaqada Fartuun Aadan iyo gabadheeda Ilw ad Elman, oo sii wada shaqadii uu bilaabay sey geedii Elman Cali Axmed 30 sano ka hor, waxay ku siinaysaa casharro ku saabsan sida dhisidda nabadda ay ugu baahan tahay ka-qaybgal xoo ggan.”

"Aqoonsigani wax badan ayuu nooga dhigan yahay. Waa muhiim in baaxadda dhibaatada Soo maaliya ay noqoto mid ka muuqata khariid adda caalamiga ah,” ayay tiri Ilwad Elman, oo ah mad axa hawl-fulinta hay'adda Elman oo fa dhigeedu yahay Muqdisho.

Diyaaradaha dagaalka dalka Kenya oo Duqe ymo culus ka geystay deegaano ka tirsan gobolka Gedo

Wararka ka imaanaya G/Gedo ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka Kenya ay saacadahii la soo dhaafay duqeymo culus ka geyst een dee ga ano ka tirsan gobolka Gedo. Deegaanada duqe ymaha xoogan ay ka geyst een diyaaradaha dag aalka dalka Kenya ayaa kala ah likooleey, Buusa ar, Garsaal iyo Ceel cad de, halkaas oo ay badi ku nool yihiin dad Xoolo dha qato ah, waxaana duqey mahaasi ay geysteen khasaare kala duwan.

Dad gobjoogayaal ah oo warbaahinta gud aha la hadlay ayaa waxay sheegeen in duqey nta ay waxyeelo aanan la xaqiijin karin ay kas oo gaartay dad shacab ah, islamarkaana duqe ymaha ay ku dhinteen Xoolo farabadan.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay maamul ka gobolka Gedo ee dowladda Federaalka Soo maaliya oo ku aadan duqeymaha culus ay ka fuli yeen diyaaradaha dagaalka dalka Kenya de ega ano badan oo ka tirsan Gedo.

Diyaaradaha dagaalka dalka Kenya ayaa dho wr jeer oo hore waxay sidaan oo kale duqe ymo khasaare xoogan geystay uga fuliyeen de egaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Gedo, hayee shee dowladda Kenya ayaa beenisa inta badan duqeymaha khasaaraha badan geysta oo ay ka fuliyaan gobolka Gedo.

Puntland Oo War Kasoo Saartay Dilkii Loo Geystay Taliyihii Saldhiga Degmada Qardho

Taliyaha Ciidanka Booliska dowlad Gobole edka Puntland Sarreeyo Guuto Maxamed Cali Xa ashi ayaa ka hadlay dilkii Habeen hore loo geystay Cum ar Hiiraad Kaatuun oo ahaa Taliyihii Booliska M/ Qardho ee Xarunta G/Karkaar ee Puntland.

Qoraal uu soo saaray Taliye Ma xamed Cali ayaa waxaa marka hore tacsi loogu diray Tali yihii saldhiga degmada Qardho Cumar Hiiraad oo kooxo hubeysan oo Isticmaalay wa xyaab aha maanka dooriya ay ku dileen gudaha Qar dho, kadib weerar lagu qaaday.

Taliyaha Ciidanka Booliska do wlad Goboleedka Puntland ay aa xaqiijiyay in laamaha amni ga Ma amulka ay wadaan baari taano kala duwan oo ku aadan sababta keentay dilka loo geystay Taliya ha, oo xiligaas la dilayay la sheegay inuu howlgal ku jiray. "Allaha unaxriisto Taliyihii saldhiga Degm ada Qardho Dhamme Cumar Hiiraad Kaatuun oo Shalay ku geeriyooday magaalada Qardho, waxa an tiiranyada Geerida la wadaagayaa dha maan Bulshada si gaara, waxaan ugu tacsiye ynayaa xa aska iyo caruurta” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Boo liska Puntland.

Taliye Sareeyo Guuto Maxamed Cali Xaashi ayaa intaas kusii daray hadalkiisa in markii uu soo dhammaado baaritaanka socda ay shacab ka la wadaagi doonaan Natiijada kasoo baxda baarista ay wadaan laamaha amniga Magaala da Qardho ee Gobolka Karkaar ee Puntland.

Dad ku dhintay Shil Gaari oo Shalay ka dha cay Magaalada Jowhar

Inta la xaqiijiyay laba dhalinyaro ahaa ayaa ge eriyootay Barqanimadii Shalay kadib Shil gaari oo ka dhacay Magaalada Jowhar ee Caasim adda dowlad Goboleedka Hir-Shabe elle.

Shilka ayaa yimid kadib markii gaari weyn oo Ciidamada xoogga dalka le eyihiin uu dul maray (jiiray) Mo oto dhugdhugley ama Mootada labada lug leh oo ay saarna ayeen labada qof ee dhima tay, xilli ay marayeen kasoo horj eedka dugsiga Sheekh Xasan Barsane una dhow Magaayada Beder.

Wararka la helay ayaa sheegaya in Goobta shilka ka dhacay ay gaareen Ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya, iyaga oo xabsiga dhigay Askarigii waday gaariga ciidamada ee shi lka galay, sidoo kalena goobta ka qaaday meyd adka labada dhalinyarada ah.

Qaar kamid ah Ehellada labada dhalinyara da ah ayaa codsaday inay cadaalad u heleen shilka Gaari ee lagu dilay Wiilashooda, iyaga oo Mada xda Hir-Shabeelle ka dalbaday inay isha ku hayaan kiiskaas.

Magaalada Jowhar ee Caasima dda Hir-Sha beelle oo aysan ku badn eyn shilalka Gaari ay aa waxaa had ana burbur xoogan uu ka muuq daa waddooyinka dhexmara Xaafadaha Maga alada, Iyada oo Magaalada ay ku Shaqeeyaan Madaxda ugu sareeysa Maamulka Hir-Sha beelle.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose oo Magacaabis sameeyay

Guddoomiyaha Maamulka G/Sh/Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa Shalay Maamul cusub waxaa uu u Magaca abay degaanka Bariire oo hoostaga degmada Awdheegle ee Gobolkaasi Shabeellaha Hoose.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Shabeell aha Hoose ayaa waxaa lagu yiri” Iy ada oo laga ambaqaadayo baahi da loo qabo maamul uu yeesho de ega anka Bariire ee degmada Awdheegle ee Go bolka Shabeellaha Hoose, isla markaana wada tashiyo lala yeeshay dadka deegaanka, ayaa Guddoomiyaha Golka Shabeellaha Hoose Hon Ibrahim Adan Ali – Najah wuxuu magacaa bay maamulka cusub ee deegaanka Bariire, ku waas oo kala ah.

Sayid Cali Macow Axmed ayaa loo magac aabay guddoomiyaha deegaanka Bariire, halka Nuur Maxamed Sheekh Cali loo magacaabay guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaa sadda.

Guddoomiyaha Gobolka ayaa u rajeeyay mas’uuliyiinta cusub inay si hufan u gutaan waajibkooda ayna xaqiijiyaan adeegga dadw eynaha ay uga baahan yihiin maamulka. Wa xaana Guddomiyuhu ka codsaday bulshada de eganka inay la shaqeeyaan mas’uliyintacusub


Xog: Diyaarad ka kacday Muqdisho oo loo diiday inay ka degto gobolka GEDO?

Diyaarad rakaab ah oo ka kacday garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa Dorraad loo diiday ina ka degto laba garoon diy aaradeed oo ku yaalla gobolka Gedo, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Xogtan ayaa waxaa Ca asimada Onlineshe eg tay in at u xaqiijiyeen xubno ka tirsan Hay’ ad da Duulista Rayidka So omaaliya oo codsaday inaan la magacaabin iyo mas’uuliyiin ku sugan gobolka Gedo.

Diyaaradda oo siday 30 qof oo rakaab ah ayaa ku guuldarreysatay inay ka degto garoom ada Doolow iyo Luuq ee gobolka Gedo oo lab adaba ay isku dayday, ayada oo sababta lagu sheegay arrimo xiriir la leh siyaasad.

Ilo-wareedyada la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in sababta diyaaradda loo ga hor-istaagay inay degto ay aheyd inuu saar naa Maxamed Cabdullaahi Gardhuub oo ka mid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolka Gedo.

Garduub ayaa ahaan jiray guddoomiyaha degm ada Luuq ee garabka Jubaland, waxaana xilk aas laga qaaday 13-kii December 2013 kadib wareegto kasoo baxday madaxweyne ku-xig eenka labaad ee Jubaland Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud Luga-Dheere.

Illaa iyo hadda ma cadda sababta loo diidan yahay in Guurdhuub uu tago gobolka Gedo, wa xaana xubnihii aan la hadalnay ay ka gaabsad een inay faah-faahin ka bixiyaan.

Diyaaradda iyo 30-kii rakaabka ah ee sa arnaa ayaa isla Dorraad dib ugu soo laabtay ga roonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Xubno ka tirsan Hay’adda Duulista Ray idka So omaaliya ayaa sheegay in hadda ay ha y’addu waddo baaritaan la xiriira dhacdadan oo halis gelin gaartay nolosha 30-ka qof ee rayid ka iyo shaqaalihii saarnaa diyaaradda.

Gobolka Gedo ayaa waxaa intiisa badan ga canta ku haya mas’uuliyiin diidan maamulka Ju baland ee Axmed Madoobe, kuna xiran madax weynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdull aahi Farmaajo, oo isna gobolka kasoo jeeda.

Ujeedada qarsoon ee ay dowladda Kenya ka leedahay tallaabadii ay Dorraad qaaday

Dowladda Kenya waxay Dorraad si fudud du ulaan ugu qaaday waxa ugu weyn oo ay Soom aalida wada ilaashato oo ah midnimo hal ka uu danjire Tarsan-na uu Dorraad hantiyey dhi bco siyaasadeed oo uu shaqo ahaan u curin wa ayey intii uu xafiiska joogay.

Nairobi waxay isku diyaarineysaa waji cu sub oo ay kula dhaqanto So omaaliya oo hoggaamiye cu sub dooratay 15-kii Bishii la soo dhaafay ee May. Wax ay kasoo gudbeen Kenyaanka 5 sano oo aysan ku raaxeysan cilaaqaadka diblomaasiga ee So omaaliya.

Madaxweynaha xilka ka dagay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxay Kenya u aheyd mid kamid ah dalalkii uu ugu xagjirsanaa xagga la macaamilka siyaasadda.

Inkastoo ay shacabka Soomaalida ku kala qeybsameen sida uu Farmaajo u fogeeyey Ke nya una soo dhaweystay Itoobiya, haddana ma rkii la arko wax lamid ah dhacdadii Dorraad, wax aa bata dadka taageersan inuu Farmaajo ku saxnaa sida uu ula macaamilay Kenya. Haddab a maxaa dhacay Dorraad Shir sanadeedka dibl omaasiyiinta shisheeya ha ah ayuu Dorraad ma daxweynaha Kenya Uhu ru Kenyatta ugu yeeray safiirada iyo dibloma asiyiinta jooga Kenya, waa shirkiisii ugu dambe eyey maadaama ay Kenya doorasho galeyso horraanta bisha August ee sa nadkan, iyadoo ay tartamayaan madaxweyne ku-xigeenka Ke nya William Ruto iyo ra’iisul wasa arihii hore ee Kenya Raila Odinga.

Shirkaas waxaa soo xaadiray safiirka Soo maaliya u fadhiya Kenya Danjire Maxamuud Ax med Nuur Tarsan. Sidoo kale waxaa isna joo gay wakiil ka socday xafiiska Somaliland uga fu ran magaalada Nairobi.

Waxaa la sheegay inuu daniire Tarsan dalb aday in la saaro wakiilka Somaliland iyadoo ay Ke nya ilaalineyso midnimada Soomaaliya, laa kiin ja waab ku haboon lama siin diblomaasiy iinta Soom aalida taasoo keentay inuu danjire Tarsan isaga baxo shirka kadibna warqad asht ako oo deg deg ah u qoro dowladda Kenya. Dad badan ayaa bog aadiyey tallaabadaas.

Uhuru waxaa muddooyinkaan ku dhex jira Raila Odinga oo ay wada socdaan siyaasad ah aan. Raila Odinga wuxuu ku jiraa siyaasiyiinta Ke nyaanka ah ee aaminsan in Somaliland la aq oonsado.

Dowladda Soomaaliya waxay tallaabadii Dorraad ku tilmaamtay kala qeybin iyo ku xadgu dub lagu sameeyey jiritaanka dowladnimada Soo maaliya. Somaliland ayaa iyadana si kulul uga ja waab tay in daniire Tarsan uu dartood u ga baxay shir kii kala war qaadashada mad axweynaha Kenya iyo diblomaasiyiinta.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Somalil and waxay arrintaani ku qeexday mid muujiney sa wa xa ay ugu yeereen naceyb iyo cadaawad soo jireen ah oo ay dowladda federaalka ee So omaa liya u qabto Somaliland.

Dowladda Kenya oo iyadana dhankeeda ka jawaabtay dhacdadii Dorraad waxay sheegtay in ay ka shanleeneyso sidii ay wax u dhaceen iyo noo ca falcelinta ka timid Soomaaliya, waxayna far riinta Kenya u muuqatay mid cudur-daar ah.

Laakiin marka lagu eego indho diblomaasiya deed waxaa kuusoo baxeysa fasiraad kale.

Maxaa lagu qeexi karaa ujeedka dowladda Kenya ee dhacdadii Dorraad?

Diblomaasiyiinta waxay aaminsan yihiin in Ken ya aysan ilduuf u sameyn arrintii Dorraad, balse ay ku xoojineyso loolankeeda cusub ee Soom aaliya. Nairobi waxay durba walaac ku abuurtay ma dax weynaha cusub ee Soomaa liya Xasan Sheekh Maxamuud. Dhawaan wa xaa bilowday wada-had allo la rabay in lagu fas axo jaadka kasoo go’a Ke nya ee suuqiisa ugu weyn uu yah ay Soomaaliya iyo hagaajinta cila aqaadka laba da dal oo xumaa muddooyinkii lasoo dhaafay.

Maadaama laga wada hadlayo dano iyo wax ka la badalasho, Muqdisho waxyaabaha la hor dhi gi karo waxaa kamid ah waxa ay ku bede laney so inay Kenya wiiqdo cilaaqaadka Somali land, waana xujo jirta.

Dadka Soomaalida ee isha ku haya wada-hadalka labada wadan waxay badi sugayaan fur sad dhanka socdaalka ah in la dhaafsado fas ixidda Jaadka, laakiin Nairobi oo aan jecleyn in ay dhankaasi wax ka badasho ayaa diblomaasiyiintu qabaan inay Dorraad meel kale oo mu hiim ah farta ugu fiiqday Soomaaliya. Imtixaanada hor yaala madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud wax aa ka mid ah sida uu ula macaamilo dowladaha Ken ya iyo Itoobiya.

TPLF oo sheegtay inay diyaar u yihiin in wa da hadal ay lagalaan dowladda Itoobiya

Kooxda TPLF ayaa sheegtay inay diyaar u yihiin in wada hadal ay la galaan dowladda Ito ob iya, taas oo ay dhex dhexaadinayso dowlad da Kenya si loosoo afjaro colaadda Itoobiya iyo TPLF ee sannadka kor u dhaaftay.

Hoggaamiyaha TPLF Debretsion ayaa dha nkiisa uu sheegay inay diyaariyeen wafdi heer sare ah oo wada hadal lagala dowladda Itoobi ya, taas oo ay garwadeen ka tahay dowladda Kenya.

TPLF oo horey looga bartay inay shuruud ku xirto wada hadalka ay lagalayso Itoobiya, aya an hadda wax shuruud ah ku xirin wada had alka haa tan la rajaynayo inuu dhex maro Itoobiya iyo TPLF.

Ra'iisal wasaaraha Itoobiya Abi yi Axmed ayaa maalinimadii Dorraad waxa uu barlamaanka dalkaa si ka hor caddeeyay in dowladdiisu diya ar u tahay in wada xaajood ay la gasho kooxda TPLF, isa goo xusay inuu sameeyay guddi wa da hadal ka iyaga iyo TPLF u qaabilsan.

Labada dhinacba waa Itoobiya iyo TPLF waxaa ka muuqata inay wada hadal diyaar u yihiin, oo ay ka daaleen dagaal balse ma cad da waxa uu mid walba dhankiisa diyaarsaday ee uu la imaan doono miiska wada hadalka.

shirkadda Facebook oo ku guul-darreysatay qabashada qoraallada Al-Shabaab.

Daraasad cusub ayaa lagu ogaaday in shirk adda Facebook ay ku guul dareysatay in ay qa bato qoraalada kooxaha Daacish iyo Al-Shaba ab ee ku wajahan Bariga Afrika, iya doo colaa do rabsh ado wata ay gobol ka wali ka jiraan, Kenyana ay isku diyaarineyso in ay qabato doorasho qaran oo si weyn loogu loollamay o

Taxane ay sanadkii hore baahisay Associ ated Press oo ay ku jireen dukumentiyo si qar soodi ah uu u dusiyay qof la shaqeeya Faceb ook ayaa muujiyay sida ay shirkaddu marar ba dan ugu fashilantay in ay wax ka qabato macl uumaad halis ah oo oo ay ku jireen kuwa nac eyb ku saleysan oo lagu faafiyay Facebook.

Masar, Israa’iil iyo Midowga Yurub oo kala saxiixday heshiis dhanka shidaalka ah.

Israa’iil, Midowga Yurub iyo Masar ayaa hesh iis ku meel gaar ah ku kala saxiixday magaalada Qaahira kaas oo ku saabsan dhoofinta gaaska dabiiciga ah kadib shir ka dhacay tamarta oo ka dhacay dalkaas.

Heshiiska ay ku kala saxeexdeen magaalada Qaahira ayaa noqonayaa tallaabadii ugu dambey say ee Midowga Yurub uu ku doonayo inuu ku joo jiyo ku tiirsanaanta shidaalka Ruushka, iyadoo uu sii socdo dagaalka Ukraine.

Saraakiisha Midowga Yurub ayaa ku-tiirsanaan ta shidaalka Ruushka ku tilmaamay mid u oggol aanaysa Moscow inay sameyso dhaqan ay ugu amar taagleneyso Yurub.Heshiiska ay galeen Isr aa’iil iyo Masar ayaa si weyn kor ugu qaadi doo naa xaddiga gaaska dabiiciga ah ee Israa’iil ay u dhoofiso Masar, si halkaas loogu sifeeyo kadibna looga sii gudbiyo suuqyada Yurub. Waxaa lagu qiyaasaa Israa’iil in ay haysato kayd shidaal ah oo gaaraya ugu yaraan hal trillion oo cubic mitir.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip