HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPAER EE MAANTA OO AH ISNIIN 13-KA JUUN 2022-

1
Monday June 13, 2022 - 08:53:48 in Wararka by
  • Visits: 646
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPAER EE MAANTA OO AH ISNIIN 13-KA JUUN 2022-

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Akhriso:-War-Murtiyeed Laga Soo Saaray Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran Ee Muqdisho

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee Mada xda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad Gob oleedyada uga socday Xarunta Madaxtooyada labadii maalmood ee lasoo dhaafay ayaa Shalay oo Axad ah lasoo gaba-gabeeyay, waxaana laga soo saaray War-murtiyeed dhowr qodob ka ko oban.

Shirkii Golaha Wadatashiga ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay qorsheyaasha hortabinta u leh dowladda oo ay ugu horreyso xoojinta wada-shaqeynta heer Federaal iyo heer dowlad-gobo leed, dib u heshiisiinta, dhammeystirka dastuurka, xoojinta nidaamka federaalka, adkeynta amniga dalka, dhisidda garsoor sal adag leh, xal u helidda arrimaha abaaraha iyo diyaarinta hannaanka doo rashooyinka dalka. Madaxda Golaha Wadata shiga ayaa isku raacay qbyo-tir iyo dhamaystir wa khtiyaysan oo lagu dul-dhiso guulihii horay looga gaaray dib-u-eegista Dastuurka, isla markaana ay noqdaan mid ay u-wada- dhanyihiin dhammaan heerarka Dowladda iyo qaybaha bulshada.

Sidoo kale Madaxda ayaa isla gartay ahmiya dda ay leedahay in la dhamaystiro hannaanka amniga qaranka sida dhismaha ciidanka iyo la-dagaalanka waxa loogu yeero argagaxisada iyo in isla-meeldhigay in la helo nidaam doorasho oo mideysan iyo doorasho dimuqraadi ah oo dalka ka dhacda.Goluhu ayaa isku raacay in si wadajir ah loogu gurmado dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen, loona diyaar garoobo ka hortagga musiibooyinka soo noqnoqda, lana helo sidii xal waara looga gaari lahaa.

HOOS KA AKHRISO WAR-MURTIYEEDKA LAGA SOO SAARAY SHIRKII GOLAHA.

Dowladda Talyaaniga Oo Balanqaad U Samey say Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka So omaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iska ashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Talyaaniga Luigi Di Maio, iyaga oo ka wadahadlay xoojinta xiri irka labada dal iyo taagee rada muhiimka ah ee dowl adda Talyaanigu ay siiso Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa xusay saaxiibtinimada taariikhiga ah ee ka dhaxaysa labada shacab ee Soomaaliya iyo Talyaaniga, isaga oo uga mahad celiyey doorka ay ka qaadanayaan dowlad dhiska Soomaaliya iyo in codka ay ku dhex leeyihiin Mid owga Yurub ay ku kabaan horumarinta Soomaa liya.

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda Taly aaniga ayaa Madaxweynaha ugu hambalyeey xil ka loo doortay, waxa uuna soo bandhigay sida dowladda Talyaanigu ay ugu garab taagan tahay qorsheyaashiisa hormarineed ee ku qotoma Soo maali heshiis ah, dunidana heshiis la ah.

Dowlad da Talyaaniga ayaa kala shaqeynay sa DFS dib u dhiska Ciidamada Q/Sida, gurmad ka abaaraha, deyn cafinta &in la xoojiyo maalga shiga caala miga ah ee khayraadka dalkeenna.

Aadan Madoobe Oo Shaaciyay In Maanta La Magacaa bayo Guddi KMG Oo Ka Kooban Labada Aqal

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlama anka Federaalka Soomaa liya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullahi oo ay weh eliyaan ku-xigeenadda 2da Aqal ayaa aanta shir gudoomiyey kulan guud oo 2da Gole ee Baa rlamaanka wada la haayeen, kulankaas oo Ajand ihiisu ahaaqaybinta miisaaniyada sanadka 2022.Guddoomiyaha GSh ayaa shee gey in beri la shaacin doono Guddi KMG ah oo 2da Gole ka ko oban kaas oo miisaaniyadda ka soo shaqeeya, sidoo kale Gudd oomiyaha ayaa ku nuux nuuxs adey in Maanta uu jiri doono kulan ka guud ee G/Shacabka.

Dhanka kale Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdi sh akuur Warsame oo dhowaan madaxwey naha JFS u magacaabay Ergeyga gaarka ah ee arri maha Abaaraha ayaa waxbixin ku aaddan xaa la da Aba araha dalka looga dhageystay gaar ah aan isaga oo sheegay gobolada ugu badan ay sa ameeysay Bay iyo Bokool iyo Gobolka Gedo.

Xildhibaanada ayuu ka codsaday inay musha haraadkooda qeyb ugu deeqaan gurmadka Abaa raha, waxaana uu Guddoonka la wadaagay in lac agihii la qaaday Musharaxiintii Guddoonka labada aqal iyo tan madaxweynaha.

Dhanka kale Wasiirka maaliyada XFS Cabdir axmaan Ducaale Bayle oo isna warbixin ku aaddan miisaaniyada sanadkan looga dhageystay ayaa waxaa uu sheegay in diyaarinta miisaaniya da sanadka 2022 ay saameysay dib u dhac ku yimid dhameystirka hannaanka doorashada Feder aalka, taas oo qasabtay in la diyaariyo miisaani yad ku-meelgaar ah taas loo yaqaano Miisaani ya da sedex biloolaha.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS Sheekh Aadan Madoobe oo kulanka soo xiray ayaa ugu dambeyn kulanka ka sheegay in waqtiga aad loo ilaaliyo si xildhibaanada waqti fican ugu helaan ka doodida Ajendiuaasha markaa taagan.

Soomaaliya & Talyaaniga oo ka wada hadlay Arrimo muhiim ah

Siihayaha xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda ah na Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaa shiga Caalamiga, Mudane Balal Maxamed Cus maan, ayaa Shalay ku qaa bilay Caasimadda Muqdisho , Wasiirka Arrima ha Dibadda & Iskaashi ga Caalamiga ee J/Talyaaniga, Md.Luigi Di Maio, kaas oo soo gaaray M/Muqdisho.

2da dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka ee 2da dal ee sa axiib ada ah uu ka dhexeeyo iyo siyaabaha lagu horumarin karo iskaashi wadaagga, sidoo kale wa xa ay isla fallanqeeyeen dhowr arrimood oo muhii mad u leh 1da dhinac. Talyaaniga waa saaxiib ist iraatiiji oo Soomaaliya ay leedahay, kalana dhex eeyo arrimo dhowr ah oo ahmiyad leh, waxaana XFS ay sheegtay inay ka go’antahay inay xoojiso iskaashiga ay la leedahay Talyaaniga dhinac ka

sta oo nacfi wadaag u ah labada dal.


Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo sheegay in dalka uu ku sugan yahay xaalad Qatar ah

Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Sooma aliya u qaabilsan Arrimaha Abaaraha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa markale ka hadlay xaalada abaareed ee kajira guud ahaan dalka, taas oo u baahan in wax laga qabto.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo hadal ka jeedinayay Kulankii Shalay ee labada Aqal ayaa sheegay in Gobolada Soomaali ya oo ay kujirto Soomaaliland ay abaarta kajirta ay siweyn u saameeysay ku dhawaad 8 milyan oo Ruux, kuwaas oo wajahaya xaalad Qatar ah.

Waxaa uu sheegay in sidoo kale ay jiraan in dad farabadan oo abaarta uga barakacay Gobola da Dhexe Baay, Bakool, iyo Gobolada kale ee Pu ntland iyo gedo, kuwaas oo aysan jirin cid u garm atay ama wax u qabatay kadib markii dadka Soo maaliyeed & Hay’adaha samafalka ay gaabiyeen.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxaa uu hada lkiisa uu intaasi kudaray in abaarta dalka kajirta ay xilligaan sabab u tahay in Afar xilli dalka uusan ka da’in wax roob ah taasna ay keentay in Cimil ada ay isbedel ku yimaadaan’ sidoo kalena dadku ay beeraha u tacbi waayeen arrimo ku saabsan in goobaha qaar lacago lagu soo rogay.

"Dadka qaarkood amni darro ayaa barakicisay waayo qaarkood markii ay doonaaan inay beer ta cbadaan waxaa lagu xujeeyay in lacag la dulsaa ray, taas waxaa dheer waxaa jira isbedel dhankacimilada ah oo roob la’aan ay dalka ka dhacday iyo in Al-Shabaab ay ka hor istaageen tacbasha da Beeraha sidaasna ay ku noqdeen kuwo aan laga warqabin ayuu yiri” Cabdiraxmaan Cabdisha kuur

Ugu dambeyn wuxuu sheegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur in dadka ay abaarta saameysay aan loo gurman karin sababo la xiriira in degaan nada fogfog ay maamulaan Al-Shabaab, sidoo ka le wuxuu sheegay in Markaba sida Macaawino oo ay leeyihiin Hay’adaha UN-ka uu dhow ilood ku xayiran yahay dekadda Muqdisho.

Ugu dambeyn Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu Xildhibaannnada labada aqal ka dalbaday iny u noqoto ajandaha koowaad Shirarka ay yee lanayaan ,sidoo kalena ay qaaraan iska aruuriy aan, wuxuuna sidoo kale codsaday in lacagtii laga qaaday musharixiinta Madaxweynaha qeyb kamid ah dadka ay abaarta saameysay loogu gurmado.

Dhimasho & dhaawac ka dhashay Shil ka dhac ay gobolka Shabeellaha Dhexe

Inta la xaqiijiyay Saddex Ruux ayaa geeriyoo tay 12 kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib shil gaari oo Shalay ka dhacay duleedka degmada Cadalle oo ka tirsan G obolka Sh/Dhexe.

Dadka ku waxyeeloob ay shilka ayaa saar naa gaari nooca loo ya qaano leyla Calaawi, kaas oo la rogmaday xilli ay ka yimaadeen dhinaca degmada Cadalle ayna ku soo wajahnaayeen Magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay Risaala u sheeg een in dadka shilka ku dhintay & kuwa ku dhaaw acmay ay ahaayeen kuwo markii hore ka baxay M/Muqdisho oo tacsi u tegay degmada Cadalle, hayeeshee markii ay kasoo laabteen ay shilka gal een. Mas’uuliyiin katirsan Maamulka degmada Cadalle iyo ehellada dadka shilka galay ayaa gaa ray halka uu shilka ka dhacay, iyaga oo Goobta ka qaaday meydadka dadka dhintay iyo kuwa dha awacmay. Goobta uu shilka ka dhacay ayaa wa xaa ay kutaal laa wadada u dhaxeeysa degmooy inka Cadalle iyo Warsheekh ee Gobolka Shabeel laha Dhexe, halkaas oo dhowr jeer shilal gaari ay ka dhaceen.

Bannaanbax ka dhacay Magaalada Muqdisho

Qaar kamid ah Gaadiidleyda iyo Ganacsato ayaa waxaa ay Shalay banaanbax ka dhigeen Isgoyska Fagax ee M/muqdisho.

Bannaanbaxa ayaa waxaa ay uga cabanayaan Bi yaha fariistay laamiga aada dhinaca Hotelka To wf iiq & Goobaha Ganacsi hortooda, taas oo kee ntay in Gaadiidka maraan waddooyinka Xaaf adaha ah.

Bannaabaxayaasha ay aa dhagxaan ku jaray qaar kamid ah waaddoo yi nka soo gala iyo kuwa ka baxa Isgoyska Fag ax, iyaga oo u diidaya inay Gaadiidka maraan, wa xaana ay dalbanayeen in Maamulka G/Banaadir uu Biyaha wadada laamiga ah ka nadiifiyo.

Waxaa hakad galay isku socodka Gaadiidka iyo Ganacsiga, waxaana Isgoyska Fagax Shalay si weyn looga dareemay bannaanbaxa ay dhiga yeen Gaadiidleyda iyo Ganacsatada

Qeybo ka mid ah Ganacsiga Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho oo xiran

Ganacsatada Suuqa weyn ee Bakaaraha ee M/Muqdisho ayaa ka cabanaya ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo xirxiray goobahooda ga nasiga iyo waliba qaar ka mid ah ganacsatada.

Ilaa sagaal ruux oo ka mid ah ganacsatada keen ta qalabka dhismaha ayaa la sheegay in lagu xirx iray xabsiyo ku yaala saldhigyada degmooyinka Howlwadaag iyo

Wardhiigleey ee Magaalada Muqdisho, kuw aas oo la sheegay iney diideen bixinta lacago lagu sheegay canshuur oo ay weydiyeen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Qaar ka mid ah ganacsatada oo la hadlay warb aahinta ayaa waxay sheegeen inaysan garaneen lacagaha laga doonayo, iyagoo tlmaamay iney horay u dhiibeen dhamaan waxii canshuur ah ee looga baahna.

"Dhamaan goobahii ganacsiga ee ku yaalay wadooyinka loo yaqaano Howlwadaag iyo Aadan Cadde ama jid Mareexaan waa kuwa xiran oo wa xaa xirxiray ciidamo ka tirsan dowladda, waxay si doo kale qaab afduub ahaan u xirteen ilaa 9 ruux oo ka mid ah ganacsatada suuqa, wasaaradda Maaliyadda waxaan ugu baaqeyna in arintaan ay soo faragaliso inaga wax Canshuur ah naguma baaqato" ayuu yiri mid ka mid ah ganacsatada Suuqa Bakaaraha.

Ganacsatada waxay sidoo kale tilmaamen in sanad waliba sidaan oo kale looga xirxiro gooba hooda ganacsiga, iyaga oo si sax ah u dhiiba dha maan Canshuurta laga rabo oo ay sheegeen inay ku bixiyaan gudaha dekada weyn ee magaalada Muqdisho, islamarkaana aysan garanen canshu urta kale ee laga rabo in laga qaado.

Madaxweynaha Somaliland Iyo Wafdi Uu Hogga aminayo Oo Gaaray Magaalada Ceerigaabo

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa oo dhinaca cirka ah uga ambabaxay Magaa lada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ayaa Shalay oo Axad ah ku gaaray Magaalo madaxda Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo.

Safarka Madaxweynaha ayaa la xiriira howlo shaqo, waxaana Madaxweynaha Safarka ku weh elinaayey Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somal iland, Saleebaan Maxamuud Aadan, Gudoomiya ha Golaha Wakiilada, Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Xildhibaano ka tirsan labada gole, xubno kamida Golaha Wasiirada.

Garoonka diyaaradaha Magaalada Ceerigaabo ayaa waxaa Madaxweynaha iyo wafdigiisa kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin kala duwan, waxaana intaas kadib loo galbiyey dhinaca Xarunta Madaxt ooyadda Ceerigaabo

Safarkiisa Shaqo ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu baxay Gobolka Sanaag ayaa qaadan doona maalmo uu halkaasi u joogi doono isaga iyo waftigiisu hawlo shaqo, iyagoona halkaas Shalay lagu soo dhaweeyay.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalo madaxda Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo waxaa uu kula mo kala duwan la qaadan doonaa Maamulka Gobolka, Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Muslimiinta Ingiriiska Oo Wajahaya Walaac Uu Sacuudigu Sabab U Yahay

Muslimiinta ku dhaqan dalka Ingiriiska ee rajay naya inay sanadkaan gutaan waajibaadka xajka ayaa halis ugu jira inay lumiyaan kumannaan lac agta Giniga Istarliinka ah ka dib markii ay dawl adda Sucuudigu soo rogtay in hab online ah lagu goosto tikidhada.

Xujayda ayaa lagu wargeliyay inay adeegsada an baro online ah oo ay halkaa iska diiwaan geli yaan,iyadoo markaa kadibna bartaas laga dooran doono cidda aadeysa xajka sanadkaan.

Dad badan ayaa horey isku diwaan galiyay kuw aas oo laga yaabo inay waayaan lacagtooda . Arrintaan waxaa walaac ka muujinaya xujeyda iyo shirkadaha dadka xajka geeya.

Qaar ka mid ah dadka sanadkaan xajka isku diyaariyay oo waliba sida aadka ah u sugayay ayaa BBC-da u sheegay inay ka niyad jabeen mar kii ay maqleen in dowladda Sacuudiga soo rogtay in hab online ah dadku ku goostaan tikidhada.

Tallaabadaan ayaa kusoo aadaysa xilli dowl adda Sacuudiga ay oggolaatay in sanadkan ay soo xajiyaan hal milyan oo qof halkii ay horay tiradu u gaari jirtay qiyaastii saddex milyan

Markab Si Xad-Dhaaf Ah Loo Raray Xoola Nool Oo Ku Degay Dekedda Ku Taalla Badda Cas

Markab si xad dhaaf ah loo raray oo siday xoola nool ayaa ku degey dekedda ku taalla bad da cas ee Sawakin ee dalka Sudan, waxaana hal kaas ku qaraqmay dhammaan xoolihii marka bkaas saarnaa oo ahaa ido, hase ahaatee sara akiisha dekedda ayaa ku guulaystay inay soo badbaadiyaan shaqaalihii markabkaas.

Markabkan oo ahaa nooca xoolaha lagu dhoofi yo ayaa ka ambabaxayey dalka Sudan isaga oo ku sii jeeday dalka Sucuudiga, waxaana la shee gay in uu degey, kadib markii la saaray dhowr kun oo neef oo dheeri ah oo ka badan xadkii ay ahayd in uu qaado.

"Markabka Badr 1, ayaa degey saacadihii hore ee Axaddan Shalay ah, waxaana uu siday 15,800 oo neef oo ido ah taasi oo ka badan xadkii loogu talogalay,” ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan sara akiisha dekedda oo diiday in magaciisa la sheego.

Sarkaalka ayaa sheegay in markabka loogu talo galay inuu qaado oo keliya 9,000 oo neef.

Sarkaal kale oo ka tirsan masuuliyiinta deked da oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee AFP ayaa isna sheegay in dhammaan shaqaalihii mar kabkaas la badbaadiyay, isaga oo sheegay in dhacdadani ay sababtay walaac xooggan oo dhaqaale iyo weliba mid deegaan. Markabka ku degey dekedda ayaa haatan saa mayn xooggan ku yeeshay hawlihii adeegga ee dekeddani bixin jirtay.

Shir looga hadlayay amniga oo lagu qabtay Garowe

Guddoomiyaha gobolka Nugaal ayaa guddo omiyeyay shir looga hadlayay xaaladda amni ee gobolkaas, kaas oo lagu qabtay magaalada Ga rowe ee xarunta maamulka Puntland.

Shirkan oo diiradda lagu saaray adkeynta am niga caasimadda Puntland ee Garowe ayaa wa xaa ka qeyb galay Taliyaha Booliska Puntland Sareeye Guuto Maxamed Cali Xaashi,Taliyaha cii damada Madaxtooyad, G/Sare Cabdinasir Shaati,Wasiir Ku-xigeenka Arimaha Gudaha Punt land,Wasiir Ku Xigeenka Amniga,Sarakiisha Hay’ adda Nabad Sugida,Duqa Degmadda Garowe Iyo Saraakiil Kale.

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal G/ Sare Xussen Cali Maxamuud oo ka hadlay mad asha shirka ayaa qiray in amniga Garowe uu yah ay mid hagaagsan,islamarkaana loo baaan yah ay in laamaha amniga sii laba jibaaraan adkeynta xasilloonida,isagoona u mahadceliyay bulshada qayba-heeda kala duwan.

Puntland Oo Ciidamo Geeysay Degaan Ka Tir san G/Mudug Oo Shaqaaqo Ka Dhacday Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Mudug Muumin Cabdishire iyo Guddoomiye ku xigeenka Gobalka Mudug ahna kusimaha Guddoomiyaha Mudug ayaa gaaray deegaanka xero Jaalle oo ay ka dhacday Shaqaaqo ka dhashay Khilaaf la xiriira arrimaha deegaameynta dhulka.

Deegaanka ay shaqaaqada ka dhacday oo ah dhul Miyyi ah, balse la isku qabtay deegaamaynt iisa ayaa wafdigii ka socday Maamulka Puntland ee halkaa tagay ka kaxeeyeen Meleeshiyaadkii goobta isku rasaaseeyay.

Sidoo kale deegaanka xero Jaalle ee Gobolka Mudug ayaa waxaa la geeyay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Puntland, kuwaasi oo ilaalinaya ilaa inta Xal rasmi ah laga gaarayo.

Wafdiga ka socotay Puntland ayaa kulamo la qaatay Odayaasha labada dhinac, waxaana lagu balamay in si dag dag ah arrintan loo xaliyo Maa mulkana garwadeen ka ahaado xalinta shaqaaq ooyinka soo noqnoqoday.

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa horay u mamnuucay inaan wax deegaamayn cusub ah la samayn karin ciddi la timaadana Tallaabo Sharci ah laga qaadayo, iyadoona ay xusid mudan tahay in deegaanka xero Jaalle ay ka dhacday shaqaa qo salka ku heysay deegaameynta dhulka.

Ciidanka DANAB oo howlgal ku qabtay Sarka al katirsan Al-Shabaab

Ciidanka sida gaarka uTababaran ee Kumaa ndooska DANAB ee xoogga dalka Soomaaliyeed Gaar ahaan Ururka 4-aad Guutada 16-aad ayaa howlgal Qorshaysan ka sameeyey degaanka bal eey oo qiyaastii u jira 6 km dega anka Caliyoow Barow Ee Gobolka Shabeell aha Hoose

Ujeedka hawlgalka ayaa waxaa lagu sheegay inuu ahaa mid Qorshaysan oo ka dhan ahaa Urur ka Al-Shabaab oo mararka qaar lagu arko degaa nnada howlgalka laga sameeyay.

Saraakiisha Ciidanka Kimaandooska DANAB ayaa sheegay in intii howlgalku uu socday ciidan ka ay u suurta gashay inay gacanta ku dhigaan Sarkaalkii Al-Shabaab u qaabilsan dhanka miino oyinka deegannada Caliyoow Baaroow, kaas oo ay magaciisa ku sheegeen Macalin Yaxye.

Sidoo kale Saraakiisha waxaa ay sheegeen inay howlgalka si wadi doonaan ilaa iyo inta dega ann adaas ay ka saarayaan Al-Shabaab, waxaay na ugu baaqeen Shacabka inay la soo wadaan xogaha ku saabsan Al-Shabaab.

Ciidanka Kumaandooska DANAB ayaa sijoog to ah howlgallo uga sameeya degaannada Gobo lada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe, hayeeshee mararka qaar ay weeraro kala kul maan Al-Shabaab.

Ethiopia oo lumisay saamigii ay DEKEDDA BERBERA ku laheyd ee ah 19 boqolkiiba

Ethiopia ayaa lumisay saamigii ay ku laheyd dekedda Berbera ee ahaa 19 boqolkiiba, kadib markii ay ku guuldarreysatay inay fuliso shuruu dihii looga bahnaa si ay u dhameystirto lahaan shaheeda, waxaa sidaas sheegtay dowladda Som aliland.Tani waxay si rasmi ah ah u bedd eleysaa heshiiskii la gaaray 2017 ee u dhaxeeyey Ethi opia, DP World iyo Maamulka Dekedaha Somal iland ee ku aadanaa dekedda Berbera.

Wasiirka Maaliyadda Somaliland Sacad Cali Shire ayaa yiri "Ethiopia way ku guuldarreysatay inay kasoo baxdo shuruudihii looga bahnaa kahor waqtigii loo qabtay si ay ula wareegto saamige eda. Sidaas darteed, wax saami ah ma lahan hadda. Balse waxaa xusid mudan in lahaanshaha aanu wax macno ah sameyneyn.”

Sida uu sheegay wasiirka, mid ka mid shur uudaha ayaa ahaa inay lacag ku tabarucdo dhismaha dekedda, taasi oo Addis Ababa ay ku guuldarreysatay inay soo gudbiso.

Ethiopia iyo Somaliland ayaa iskaashi kula sameystay shirkadda DP World ee Imaaraadka Carabta in dib loo dhiso dekedda Berbera, oo door weyn ka qaadata isku xirka Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe.

Sida uu dhigay heshiiska la saxiixay 2017, DP World ayaa leh saamiga ugu badan ee dekedda oo ah 51 boqolkiiba, halka Somaliland iyo Ethio pia ay kala leeyihiin 30 iyo 19 boqlkiiba, sida ay u kala horreeyaan.

Heshiiska ayaa la gaaray toddobaad kadib markii Jabuuti ay soo afjartay heshiis ay la gashay DP World oo ay ku maamuli laheyd dekedda Doraleh ee Jabuuti.

Sida ku cad heshiiska 2017, dowladda Ethio pia ayaa laga doonayey inay horumariso waddo 260 km ah oo dekedda Berbera ku xirta xuduudda Ethiopia.

Dowladda Ethiopia ayaan weli jawaab ka bixin go’aanka Somaliland ay ku sheegtay inay lumisay saamigeeda. Si kastaba, Dina Mufti oo ah afhaye enka wasaaradda arrimaha dibedda Ethiopia ay aa weriyayaasha u sheegay in dowladdiisa ay eegi doonto xaaladdan cusub.

Donald Trump Oo Waxba Kama Jiraan Ku Til maamay Marag Ay Gabadhiisa Furtay

Madaxwaynihii hore ee Maraykanka Donald Trump ayaa mar kale dhaliilay inantiisa Ivanka kadib markii ay iska fogaysay sheegashadiisii aan sal iyo raadka lahayn ee uu ku sheegay musuqmaasuq ballaaran oo doorashooyinka ah.

Baaritaan lagu sameeyay rabshadihii 2021 xarunta US Capitol ayaa lagu baahiyey muuqaal aan hore loo arag oo Ivanka ku diidayso sheegashadiisa.

Trump ayaa waxa uu sheegay in Ivanka aysan eegin natiijada doorashada oo ay "in badan tan iyo markii la hubiyay”. Dimuqraadiyiinta ayaa ku doodaya in weerarka lagu qaadeen Congress-ku uu ahaa midhihii isku dayo badan oo Trump ku doonayey inuu afgembi ku dhigo.

Sawirro naxdin leh iyo marag furka dadkii goob jooga ahaa weerarkii 6-dii Jeeniweri 2021 lagu qaaday Capitol ee Washington DC waxaa talefishan ka sii daayay Khamiistii guddiga doorashada Aqalka Wakiilada Mareykanka.

Dhegeysiga wakhtiga arinta laga hadlayey waxa

uu soo jiitay 20 milyan oo daawadayaal shabak adaha TV-yada ah.



FAHAD OO MAHAD SALAAD KU EEDEEYEY ISKU DAYGA DIL EE RA’IISUL WASAARE IYO SHAN KIIS OO KALE OO XASAASI AH

Taliyihii hore ee hey’adda Nabad-Sugidda iyo sirdoonka qaranka Fah ad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa taliyaha cusub ee hay’adaas Mahad Sal aad ku eedeeyey inuu ka dambeeyey dilal iyo qaraxyo ka dhacay Muqd isho iyo magaalooyin kale oo ka tirsan Soomaaliya.

Fahad Yaasiin ayaa wareysigiisa mudadaan socday ku sheegay in Mahad Salaad uu yahay nin u shaqeeyo kooxda Al-Shabaab, islam arkaana u fududeeyo howlaha ay ka fuliyaan Muqdisho iyo Soomaaliya.

Dilalka iyo qaraxyada uu Fahad Yaasiin ku eedeeyey inuu Mahad Sal aad ka dambeeyo ayaa waxaa kamid ah:

1- Dilka ra’isul wasaare:

Fahad Yaasiin ayaa agaasimaha cusub ee hay’adda NISA ku eede eyey inuu isku dayey inuu dilo mid ka mid ah ra’isul wasaarayaashii soo maray Soomaaliya, oo uu hadda sheegay inuu nool yahay balse uu ka gaabsaday inuu sheego magaciisa.

"Ra’isul wasaarayaashii soo maray Soomaaliya mid kamid ah inuu dilo ayuu isku dayey iyadoo ay Al-Shabaab isticmaalayaan, aniga marka an xogta helay ra’iisul wasaarahaas ayaan wacay, waxaan ku yiri Mahad Salaad iyo qof la socdo makuu imaanayaan? Haa, ayuu igu dhahay, ha qaabilin ayaan ku dhahay, farqiga u dhaxeeyana waxay aheyd 25 daq iiqo, daqiiqadahaas aan aniga soo dhex galay ayuu ku badbaaday,” ayuu yiri Fahad Yaasiin.

Mar la waydiiyey inuu sheego ra’iisul wasaarahaas magaciisa, ayuu sheegay inuusan hadda diyaar u aheyn inuu sheego.

2- Inuu qaraxyo usoo diyaariyey kulanka ay yeelan lahaayeen labada gole ee baarlamaanka.

Fahad Yaasiin ayaa Mahad Salaad ku eedeeyey inuu sameeyey qor sho qaraxyo looga fulin lahaa kulan ay yeelan rabeen labada aqal ee baarlamaankii hore ee Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

"Wuxuu qorsheeyey oo uu Al-Shabaab kala shaqeeyey oo Mahad Karat aay oo ninka uu u shaqeeya ah kala shaqeeyey meeshaas in laba baab uur lasoo geliyo oo madaxdii qaranka la qarxiyo, way nool yihiin tafa asiisha ma siin, laakiin guddoomiye Cabdixaashi taleefoon ayaan u diray waxaan ku iri berito kulankaas hala baajiyo sababo amni darteed, Max amed Mursal baan taleefoon u diray, waxaan ku yiri kulankaas hala ba ajiyo, madaxweynahana sidaas oo kale ayaan ugu sheegay weliba Far maajo tafaasiisha dhan waan siiyey,” ayuu yiri Fahad.

Fahad ayaa xusay in digniinta uu bixiyey awgeed loo baajiyey kulankii ay yeelan lahaayeen labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

3- Dilkataliyihii NISA ee Dhuusamareeb

Fahad Yaasiin ayaa agaasimaha cusub ee hay’adda NISA ku eedee yey inuu ka dambeeyey dilka taliyihii NISA ee Dhuusamareeb oo lagu dil ay duleedka Dhuusamareeb.

"Mahad Salaad ayaa dilkaas qorsheeyey isaga ayaana dilay, Qooje Yare ayaa la yiraahdaa waa taliyihii NISA ee Dhuusamareeb, waa nin dhalinyaro ah oo caqli badan oo dagan oo qiimo leh ayuu ahaa,” ayuu yiri Fahad Yaasiin.

4- Qarax ka dhacay Gaalkacyo Fahad Yaasiin ayaa sidoo kale Mahad Salaad ku eedeeyey inuu ka dambeeyey qarax ka dhacay Magaalada Gaalkacyo xill uu halkaas tagayey Ra’iisul Wasaaraha.

"Isagaa ka dambeeyey oo qaraxaas fuliye, waxaana lagu dilay taliyihii ciidamada Militariga ee Galmudug oo isna la oran jiray Qooje, iyo laba sarkaal oo sar sare oo ka tirsanaa ciidamada dowladda, waxaan loogu tala galay in qaraxaas lagu laayo dhammaan mas’uuliyiinta, waana xaqiiq leh marqaati oo aan sheegi karno dadkii kala shaqeeyey,” ayuu yiri Fahad Yaasiin. Mar weriyaha uu weydiiyey in goobta qaraxaas uu ka hadli lahaa ra’I isul wasaare Xasan Cali Kheyre, wuxuu Fahad ku raacay sidaas, isagoo xusay in la rabay in dad baan halkaas lagu laayo.

5- Hoobiyaal lagu garaacay Muqdisho

Fahad Yaasiin ayaa Mahad Salaad ku eedeeyey inuu isaga ka shaqeyn jiray hoobiyaashii lagu garaaci jiray magaalada Muqdsho ee Caasimadda Soomaaliya.

"Hoobiyaashii lagu garaaci jiray Muqdisho waxaa gadi jiray Mahad Salaad, isagaana meesha laga soo ridi jiray kasoo riday, wuu ogaa Ma had Salaad inaan anaga ognahay inuu la shaqeeyo Al-Shabaab, laakiin wuxuu ku gamban jiray xasaanadda uu heysto ee xildhibaanimada ah,” ayuu yiri Fahad oo u muuqday nin xanaaqsan.

Fahad Yaasiin ayaa sheegay in madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku fududaaday inuu Mahad Salaad u magacaabo taliyaha NISA isagoo ku tilmaamay inuu yahay cadowgii laga ilaalinayey.

"Nasiib darro iyo calool xumo iyo dhibaato ayey ku tahay in hay’addii Nabad-Sugidda qaranka loo dhiibo nin dhibaato ku ah amniga, waxaan ku sifeyn karaa fadeexadii qarniga dhacday inay tahay,” ayuu yiri Fahad.

6- Weerarkii Villa Somalia

Fahad Yaasiin wuxuu sidoo kale ku eedeeyey Mahad Salaad inuu ku lug lahaa weerar horey loogu qaaday xarunta madaxtooyada Villa Som alia, intii uu madaxweynaha ahaa Xasan Sheekh Maxamuud muddo xile edkiisii hore, balse wax faah-faahin ah kama bixin.

Ugu dambeyntii Fahad yaa sheegay inuu madaxwceynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu farriin ugu dhiibay qof ay saax iibo yihiin markii uu maqlay in Mahad Salaad loo magacaabi rabo talyaha hay’adda uuna uga digay inuu tallaabadaas qaado, balse wuxuu shee gay inuu naxay markii uu maqlay warka sheegaya in Mahad Salaad xilka loo magacaabay.

Qeybta 4aad, Maxay tahay eedeynta xasaasiga ah ee Fahad Yasin dusha ka saaray Mahad Salaad Gaylan Media La soco


XILDHIBAANADA IKRAAN TAHLIIL KU METALA BF OO DALAB XASAASI AH U DIRAY XASAN SHEEKH

Shir jaraa’id oo Shalay ay magaalada Muqdisho ku qabteen xildhi baanada sida qaaska ah u metelayay Ikraan Tahliil oo ah Sarkaal la wey san yahay muddo ku dhow sanad, ayaa si adag uga hadlay sheega shada Fahad Yaasiin.

Taliyihii hore ee NISA ayaa ku eedeeyay dilka Ikraan inay ku lug leey ihiin Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, Agaasimaha NISA ee Mahad Salaad iyo Al-Caddaala, kuwaasi oo muddooyinkii dambe siyaa sad ahaan isku hayeen.

Senator Samsam, oo ka mid ah xildhibaanada goobta ka hadlay, ay aa sheegtay in Fahad uu kala garan la’yahay dadka ay isku hayaan siy aasada iyo kiiska Ikraan, islamarkaana uu ciilka siyaasadeed ee uu qabo kula dul dhacay masuuliyiinta dowladda.

"Ikraan waxay aheyd xubin Active ah oo waxa cadeyn u ah in Ikraan ja amacad u direen Hay’adda oo Fahad u yeeray, kuna soo noqotay M/ Mu qdisho amar ay siisay hay’adda,” ayey tiri Senator Samsam.

Sidoo kale waxay sheegtay kala-hadalka Fahad Yaasiin iyo Yaasiin Farey in laga leeyahay in lagu jahwareeriyo kiiska Ikraan Tahliil, islam arkaana waxba kama soo qaadan laga dhigo kiiskaas.

"Hadda nahay xildhibaanadii metelayay Ikraan oo aan ku idilnahay madashaan arrintaan ma ogolin. Madaxweyne Xasan Sheekh waxa si qa as ah uga codsaneyna in kiiska Ikraan dib loo furo oo maxkamad lasoo saaro dadka lagu tuhmayo inay ku maqan tahay Ikraan.”

Sidoo kale, Xildhibaan Cali Gaab oo isna goobta ka hadlay ayaa yiri "Qadiyadda Ikraan Tahliil waa in cadaaladda la horkeenaa Madaxweyna Xasan Sheekh waxaan leenahay Kiiskan waa in cadaalad loo helaa.”

Xildhibaan Cali Xaaji ayaa isna yiri "Kiiska Ikraan Tahliil waxa uu u egya hay kii Jamaal Kashoqji laakiin Qofkasta oo Kiiskan ku lug lahaada loo ma aaba yeeli doono, Gabdhaas iyo Dadkii kale ee la dhibaateeyey 5-tii Sano ee lasoo dhaafey waa in ay helaan Cadaalad.”

Ugu dambeyntiina waxay ka codsatay madaxweyne Xasan Sheekh in uu guddi dhex-dhexaad ah u saaro kiiska Ikraan, si cadaalad ahna u ba ara cidii ku lugta laheyd ee ka dambeysay, lana marsiiyo cadaalada.

XIGASHO:CAASIMADDA.NET


KORNEL MACOW: IKRAAN TAHLIIL SADDEX MEELOOD AYAA LA GEEYEY KA HOR INTA AAN LA DILIN

Kornel Cabdullahi Cali Macow oo si dhow ula socday kiiska Ikraan Tahliil Faarax, mararna badana ka hadlay ayaa jawaab ka bixiyey had alka kasoo yeeray taliyihii hore ee Nabad Sugidda Soomaaliya, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Kornel Macow oo la hadlay Telef ishinka Universal ayaa sheegay in Fahad Yaasiin uu ka been she egay xogta kiiska Ikraan Tahliil ee uu soo bandhigay, sida uu ha dalka dhigay.

"Warbaahinta horta waxa uu la wadaagay waa wax aan jirin waa been, ilmaha yaryarka ayaa xittaa fah mi karo,” ayuu yiri Kornel Macow.

Sarkaalkan ayaa shaaca ka qaaday in kahor inta aan la dilin Ikraan la geeyey saddex meelood, sidaas daraadeedna loo baahan yahay in su’ aallo laga weydiiyo Fahad.

"Ikraan Tahliil saddex meelood ayaa la geeyey, kahor inta aan la dil in, waana in Fahad Yaasin su’aallo laga weydiiyaa kiiskan,” ayuu mark ale wareysiga ku yiri Kornel Macow.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday eedda uu jeediyey Ra’iisul was aaraha Soomaaliya, wasiir ku xigeenka warfaafinta iyo Mahad Salaad Maxamed, isaga oo ku tilmaamay arrin la xiriirto naceyb iyo gef uu shee gay inuu u geysanayo madaxda qaranka Soomaaliyeed.

"Waxaa waayey inuu yiraahdo ra’iisul wasaarihii dalka, Al-Cadaala iyo Mahad Salaad ayaa ka dambeeyey meeshaas waxaa ka muuqdo nac eyb iyo borobagaando oo u gefaayo madaxdii Ummadeed,” ayuu raa ciyey.

Kornelka waxa kale oo intaasi ku daray "Dadaa la dilay, dadaa la afduubay, dukumintiyaal waxaan heynaa gabdho 4 ahoo la kufsaday, markii dambana loola caray Galmudug,”.

Hadalkan ayaa qayb ka ah falcelinta ka dhalatay Fahad Yaasiin oo markii ugu horreysay bixiyey wareysi dhaliyey muran xoogan, kadib mar kii uu shaaciyey inay kiiska Ikraan ay ku lug lahaayeen Rooble, Cabd iraxmaan Al-Cadaala, Mahad Salaad iyo dowlado shisheeye.

XIGASHO:-TV-ga UNIVERSAL


 YARE OO SOO SAARAY QORAAL KU AADAN MAHAD SALAAD IYO FALCELIN KA DHALATAY

Cali Yare Cali oo ku magacaaban guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir ayaa ka jawa abay eedeyntii Fahad Yaas iin uu u jeediyey Taliyaha cu sub ee NISA Ma had Salaad.

Wuxuu sheegay in si buu xda uu u garab taagan yah ay Mahad Sala ad, isla mar kaana uu diyaar u yahay in uu u difaaco sidii uu u difaaci jiray madaxdii hore.

"Aniga oo ku dhaggan fikirkeyga siyaasadeed ee ii gaarka ah, hadana ka xafiis Amni ahaan, waxaan si buuxda ugarab joogayaa Agaasimaha NISA Mahad Maxamed Salaad, waana la shaqeynayaa waana difaac ayaa inta uu xafiiska fadhiyo sidii aan Dorraad ula shaqeeyay una difaacay Madaxdii isaga ka horreysay,” ayuu Cali ku yiri qoraal uu soo saaray.

Cali Yare oo taabici u ah madaxweynihii hore Farmaajo ayaa weli ku ma gacaaban guddoomiyaha ku xigeenka dhinaca amniga ee maamulka gobolka, waxayna isku heyb yihiin Mahad Salaad.

Fal-celinta dadweynaha ee ka dhalatay qoraalka Cali Yare ayaa u badan weydiimaha in ah "Mahad Salaad oo aad siyaasad ahaan aad u kala fogtihiin, ma qabiilbaa ku difaacday.”

Qaar ka mid ah aragtiyada dadka ugu macqu ulsan ayaan soo uruurinay:

Abwaan Guure ayaa yiri, "Cali Yare Cali Guddoomiye maxaad Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Wasiirka Amniga Cabdullahi Maxamed Nuur ula shaqeyn weyday? Mise cayaartii waa dhamaataye caadi iska dhig ayaad maqashay?” Weriye Munasar Maxamed ayaa yiri, "Cali Yare Cali Dorraad yaa ku yiri Mahad hala shaqaynin? Nin dowlad u shaqeeya ayaad tahay maxay tahay cadaynta aad raadinayso ee aad u leedahay Mahad ayaan si buuxda ula shaqeynayaa? Keliya qoraalkan waxaan kaa fahmay inaa tahay nin aan lahayn wax qadiyad ah waxaanse aad uga helay sida aad u diidan tahay in Ilmahacaanahooda kaa go’aan.” Cabdicasiis Xildhibaan ayaa yiri, "Ma kaaga baahan yahay DIFAAC Taliyaha NISA Mahad Salad mise waa is yeelyeeleysaa, Cali Yare Cali meel kaaga bannaan ma jirto. CIAO”

Cabdulqaadir Boss ayaa yiri, "Anigoo Fikirkeyga ii gaar ku dhagan ayaaba dambi ah bro, cid fikirkii farmaajo wadato mahad lama shaqeyn doonto igu walaahi waa dhaartee.”

Maariya Cali Madow, "Cid ku aamineyso majirto Cali Yare Cali hada ad garasho leedahay is casil ileyn waad ogtahay inta denbi aad gashay koley maalin uun baa sidii Fahad u soo calaacali doontaa.”

Xigasho:-caasimadda.net


XOG-SARAAKIIL NISA AH OO KASHIFTAY KIISKA IKRAAN TAHLIIL KADIB HADALKII FAHAD YAASIIN

Xogo xasaasi ah ayaa soo baxaya dhowrkii saacadood ee u danbee yay kadib wareysigii Fahad Yaasiin uu Kiiska Ikraan Tahliil dusha ka saa ray Ra’iisal wasaare Rooble , Al Cadaala, Mahad-ka Dowladda iyo Kan Shabaab ee Karataay.

Saraakiil ay kamid yihiin Cabdullahi Dheere, Cabaas Yacquub, Liib aan Daahir iyo Kulane Jiis oo hadda Xildhibaan ah ayaa si hoose looga soo xigtay in ay beeniyeen warka uu bixiyay taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin kuna saabsan Kiiska xasaasiga ah ee Ikraan Tahliil.

Saraakiishan NISA kulahaa saameyn sareysa xilliga la waayay Ikraan ayaa Habeen hore laga soo xigtay in Fahad sida uu u sheegay aysan wax u jirin, iyagoo intaasi ku daray in haddii madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud uu xog sax ah uga baahan yahay arinta uu kala kaashan karo taliyihii da bagalka NISA Korneel Cabdullahi Daahir oo Cabdullahi Dheere loo yaq aan.

Inkasta oo xogta hoose ee laga helayo Cabdullahi Dheere ay tahay in uu aad uga hadleyn arimaha dowladii hore, balse uu dowladda cusub ka la shaqeynayo arimaha taagan iyo amniga. Waxaana sarkaalkan la tilm aamay in ay gadaal ka cadaadineyso hey’adda CIA-da Maraykanka oo uu wada shaqeyn la leeyahay.

Xilligan adag ma sahlana in la helo xog sax ah oo ku aadan arimahan noqday murugta aan harin iyo kiiska sanadka jirsaday ee Ikraan Tahliil. Waxaana saraakiishan sida hoose loo soo xigtay warkooda aan la ogeyn kaalinta uu ka qaadan doono baaritaanada socda.

"Tani waxay ka dhigan tahay kashifaad in saraakiishan ay cadeeyeen in Fahad uu kiiska Ikraan ka been abuuray ayna jiraan xogo qarsoon oo la daboolayo una baahan in banaanka la soo dhigo” ayuu yiri Axmed Kallun oo saraakiishi hore ee nabad sugidda ah lana kulmay qaar kamid ah saraakiishan Habeen hore beeniyay warkii Fahad.

Dad badan waxay leeyihiin Mahad Salaad oo horay Fahad si toos ugu eedeeyay inuu shirqoolay Ikraan ayuu un ka jawaabay Fahad, waxa ase isku eedeynta taliyihii hore iyo taliyaha cusub looga maarmeynin baa ris dhab ah oo xaqiiqda banaanka keenta.

Korneel Cabdullahi Dheere oo NISA mudooyinkii danbe ugu magac awnaa taliyaha dabagalka ayaa dad badan rumeysan yihiin inuu irid u bixin karo kiiskan lagu jahwareersan yahay, waxaase qaar kamid ah sara akiisha nabad sugidda ay tilmaameen inuu yahay nin hadal badneyd oo la fahmi karin dhan uu jiro.

Agaasimaha dhawaan xilka Nabad sugidda la wareegay Mahad Sal aad ayaa laga dhowr sugayaa tilaabooyinka uu qaado dhinaca kiiskan oo sidoo kale lala lamaaniyo dilkii Baladweyne loogu geystay xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi.

Ra’iisal wasaarw Maxamed Xuseen Rooble ayaa laga dhowr sugayaa dhankiisa go’aanka uu qaato maadaama uu horey u sheegay inuusan kiiskan ka hadlin doonin haddana uu Fahad eedda isaga dusha ka saa ray.

XIGASHO:RADIORISAALA.COM



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip