HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPAER EE MAANTA OO AH SABTI 11-KA JUUN 2022

1
Saturday June 11, 2022 - 08:33:13 in Wararka by
  • Visits: 389
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPAER EE MAANTA OO AH SABTI 11-KA JUUN 2022

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Xasan Sheekh Maxamuud oo loo caleema-saaray madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya

Xafladda caleema-saarka madaxweynaha Sooma aliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa Shalay oo Khamiis ah lagu qabtay teendhada Afisyooni ee ma galada Muqdisho, waxaana kasoo qeybgalay madax ka socota caalamka iyo madaxweynayaasha maam ul goboleedyada dalka.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dow laddiisa lagula xisaabtami doono waxqabad, isla mar kaana uu ka shaqeyn doono baahinta nidaamka fed eraalka, dastuurka, wadahadallada Somaliland, iyo amniga dalka, wuxuuna sharraxaad dheer ka bixiyay hal-ku-dhiggiisa Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah.

Wuxuu sheegay inay Soomaaliya saaxiib iyo iska ashi la yeelan doonto dal kasta oo aan madax-ban naanida Soomaaliya ku xadgudbin, isla markaana u ka shaqeyn doono xiriir ganacsi oo Soomaaliya dunida la yeelato.

Waxa uu Xasan Sheekh ka hadlay waxyeellada abaarta, isagoo sheegay in kumannaan Soomaali ah ay wajihi karaan macluul,wuxuuna codsaday wax ka qabashada abaartan.

Waxaa halkaasi ka hadlay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo u hambalyeeyey madaxwe ynaha cusub, isla markaana u ballanqaaday taagee rada dawladda Itoobiya.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa si doo kale sheegay inuu soo dhoweynayo dib usoo do orashada iyo caleema-saarka madaxweynaha, wuxu una sheegay inuu kala shaqayn doono madaxweyn aha cusub hagaajinta xiriirka labada waddan, sida ganacsiga.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay inuu la yimid kalgacal iyo walaaltin nimo. Waxa uu sheegay in Jabuuti ay garab taagan tahay Soomaaliya, diyaarna u yihiin inay la shaqe eyaan.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilkan loo doo rtay 15-ka bishii May ee lasoo dhaafay, waxaana la fi layaa in maalmaha soo socdo uu Magacaabo Ra’iisul Wasaare.

Akhriso: Xasan Sheekh oo shaaciyay 7 qodob oo saldhig u ah ‘Soomaali heshiis ah’

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Max amuud oo Shalay munaasibada cale emo-saarkiisa ka qabsoomtay magaalada Muqdi sho ayaa sharaxa ad ka bixiyay hal-ku-dhigiisa Sooma ali Heshiis ah, kaasi oo uu ku sharaxay 7 qoddob oo muhiim ah.

Madaxweyne Xasan ayaa ugu horeyntii sheegay in ujeedku yahay Dhab u heshiisiin baahsan oo dhe xmarta shacabka Soomaaliyeed, isaga oo xusay inay udub-dhexaad u tahay cadaaladu. "Waxaa bogaadinayaa horuma rka iyo degenaanshiyaha deegaanada Somaliland, waxaana si gaar ah diirada u saari doono sii wadida wada-hadalada, iyadoo markasta laga jawaabayo dadkeenaas Soomaaliyeed inay helaan xaqa muwaa dinimo ee ay leeyihiin,” ayuu yiri. Sidoo kale waxa uu tilmaamay inay ka hortagi do onaan waxkasta oo caqabad ku noqon kara wada-ha dalada iyo dib u heshiisinta, si ay dadkeenu iskugu dhawadaan.

Hoos ka aqriso qoddobada oo dhameystiran;

Dhab u heshiisiin baahsan oo dhexmarta shacab ka Soomaaliyeed, si loo xaliyo tabashooyinka la kala qabo.

Ka miro-dhalinta wada-hadala DF iyo Somaliland, iyada oo muhiimada la siinayo in dadka reer Soma liland ay helaan xaqooda muwaadinimo. Xasilooni si yaasadeed oo lagu gaaro wada-tashi, wada-ogol iyo wada-jir ka dhaxeeya hogaanka shacabka Soomaali yeed, gaar ahaan dowladda federaalka ah iyo dowl ad-goboleedyada iyadoo markasta la tixgalinayo das tuurka iyo shuruucda kale ee dalka u yaala ama loo sameyn doono.

Taaba-galinta hanaanka federaalka si uu u nqodo mid gaara heer degmo, si dadka loogu dhaweeeyo dowladnimada.

Taaba-galinta heshiiska bulsho ee ku suntan das tuurka qabyada ah, iyadoo lagu gaarayo is-qancin iyo isku tanaasul.

Taaba-galinta hanaanka dimoqraadiyada ee ku saleysan xaqsiinta muwaadinka Soomaaliyeed, si uu u noqdo mid ciddii uu doono doorta, meel walbana laga dooran karo.

Dhismaha garsoor hufan, madax-banaan islama rkaana haqabtiri kara baahida cadaaladeed ee shac abka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Geelle "Noqda kuwa wax bixi ya ee ha noqonina kuwa wax la siiyo”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo ka mid ahaa madaxdii Shalay ka hadashay munaasabadda caleema saarka ee Mada xweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in loo baahan yahay Soomaali dhexdeeda heshiis ah, dunida heshiis la ah.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa tilmaamay inay muhiim tahay in lala shaqeeyo Madaxweyna ha cusub ee Jamhuuriyadda Somal iya, si uu dalka ugu haggo dhabaha saxda ah.

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay inuu la shaqayn doono Madaxweynaha cu sub ee Dowladda Federaalka, isagoona tibaaxay ah miyadda ay leedahay in Somaliya ka gudubto fara gelinta shisheeye.

"Somaliya waxay u baahan tahay ummadeeda, maskaxdeeda iyo xooggeeda oo dhan, waxay u baa han tahay sida uu Madaxweynaha cusub yiri heshiis dhexdeeda ah iyo heshiis ay la leed ahay aduunka oo dhan.” Ayuu yiri Madaxweyne Geelle.

Madaxweyne Geelle ayaa yiri "Falsafadaasi ayaa ku filan oo soo koobeysa hiigsiga wadank eenu leey ahay, waxa loo naaloonaayana uu yahay dadka shis heeyaha ah ka kaaftooma.”

Waxa uu intaasi ku daray "Gacantiina isku ma am ula, khayraadkiina la soo baxa, kuwa wax bixiya no qda ee kuwa wax la siinayo uun inaan an la noqo nin.”

Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed oo wada shaq ayn u ballanqaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

Abiy Ahmed, Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya oo ka mid ahaa madaxdii Shalay ka qaybgashay muna asabadda caleema saarka ee Madaxweynaha Soma liya, Xasan Sheekh Maxamuud, laguna maamuusay inay goobta ka hadlaan ayaa ballanqaaday inuu si dhow ula shaqayn doono Madaxweynaha cusub ee dalka.

"Shalay waxaan halkan u taag anahay inaan kuu sheego taagee rada Itoobiya. Itoobiya waxay ku gu garab taagan tahay dib u dhiska Somaliya, wa ana hubaa inaad ku guuleysan doonto.” Ayuu yiri Ra ’iisal Wasaaraha Itoobiya.

Waxa kaloo uu yiri "Mudane Madaxweyne aad ayaan ugu faraxsanahay inaan arko hannaanka aw ood kala wareegidda ee Somaliya, iyadoo korjoogt ayaasha ay aad u xaqiijinayaan in aan awoodda la is ku wareejin karin doorasho la’aan, haddii ay ahaan laheyd Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleed yadaba. Si kastaba ha-ahaatee taasi macnaheedu ma ahan inaysan doorasho dhici karin, iyadoo aan gadaal laga riixeynin.”

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya oo mararka qaar afka Soomaaliga ku hadlayay ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha cusub ee la doortay.

"Hambalyo, hambalyo Md.Madaxweyne, wax aan kuu rajeynayaa in Ilaahay xilka kugu asturo, wax aana u rajeynayaa shacabka Soomaaliyeed nabad waarta iyo barwaaqo.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed.

Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed ayaa intaasi raaci yay "Waxaa inaga go’an inaan sii xoojino iskaashiga labada dal ee walaalaha ah. Somaliya hanoolaato, Itoobiya hanoolaato, waad mahadsan tihiin.”

Uhuru Kenyatta Oo Shaaciyay Inuu Xasan She ekh Kala Shaqeynayo Hagaajinta Xiriirka Labada Dal

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ay aa khudbad ka jeeyay Munaasabaddii Caleema-sa arka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Sheekh Maxamuud oo Shalay ka dhacday Xarunta Teendha da Afisyooni ee Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Uhuru Kenyatta ayaa marka hore she egay inuu soo dhoweynayo dib usoo doorashada iyo Caleema-saarka Mad axweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo 15-kii bishii lasoo dhaafay ee May lagu doortay Magaalada Muqdisho, kadib doorasho adeg oo dhacday.

Madaxweynaha dalka Kenya ayaa waxaa uu tilmaa may inay furayaan xuduudka u dhexeeya Soomaa liya iyo Kenya, isla markaana waxaa uu Carabka ku dhuftay inuu Madaxweynaha cusub kala shaqayn doono hagaajinta xiriirka labada dalka, sida Ganac siga.

Sidoo kale Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa wu xuu intaas kusii daray hadalkiisa in horumarka Ken ya uu ku xiran yahay horumarka Soomaaliya, maada ma ay yihiin labada dal oo deris ah.

"Kenya waa walaal aad ku tashan kartaan,” ayuu yiri Uhuru Kenyatta oo khudbad ka jeediyay xafalada caleemo-saarka madxaxweynaha Soomaaliye, Xa san Sheekh Maxamuud.

Kenya ayaa kamid aheyd dalal uu xiriirka Soom aaliya kala dhaxeeya uu si weyn u xumaaday intii uu tallada dalka hayay Madaxweynihii hore ee Soomaal iya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana dhac day in xitaa la xiro safaaradaha Muqdisho iyo Nai robi.

Madaxweynaha oo kulan la yeeshay madax dii ka qeyb gashay xaflada caleema saarkiisa.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulammo guud iyo kuwa gaar gaar ahba la qaatay Madaxweyneyaasha dalalka Jabuuti iyo Kenya, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Mu dane Uhuru Kenyatta, Ra’iisul Wasaareyaasha dal alka Itoobiya iyo Masar, Mudane Abiy Axmed iyo Md. Mustafa Madbuuli.

Madaxweynaha ayaa uga mah adceliyey Madaxda iyo dowlad aha ka soo qeyb galay Munaas abadda Caleemo-Saarka, wa xa uuna u xaqiijiyey in dowladda Soomaaliya ay xoo gga saari doonto iskaashiga dhaqaale iyo diblumaasi yadeed ee kala dhaxeeya dalalka Caalamka, iyadoo lagu saleyna ayo danta iyo ilaalinta dowladnimada Soomaaliya.

Dhanka kale Madaxdan ayaa ka qeyb gashay

Munaasabadda Caleemo-Saarka Madaxweynaha

10-aad ee Soomaaliya, Xasa


Madaxweyne Farmaajo oo Habeen hore soo saaray farriin cusub

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa soo saaray qoraal uu uga hadlayo caleemo saarkii Dorraad ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo sheegay in Soomaaliya ay wax badan dheerta hay dalal waaweyn, markii la eego dhanka dimoqraadiyadda.

"Waxaan ognahay in dowlado inst itutions-koodu adag yahay oo naga fac wayn, dimoqraadi ah ay natiijada doorashooyi nkooda mararka qaarkood hareeyaan muran iyo khi laafaad,” ayuu Farmaajo qoraalkiisa ku yiri.

Wuxuu intaas ku sii daray, "Guusha aan Shalay ku faanayno ma laha qof kaliya, waa guul Soomaaliy eed marka laga eego sawirka guud, waa guul sum cadeenna dowladnimo, dalka iyo ummadda Soomaa liyeed sare u qaadday.”

Ugu dambeyntii Madaxweyne Farmaajo ayaa qor aalkiisa ku yiri, "Macnaheedu waxay tahay, dalka wu xuu leeyahay dowlad shaqayneysa iyo hoggaan la doortay oo sharciyad buuxda leh oo na matasha. Qof walba oo talada qabta wakhti ayuu leeyahay,laakiin waxaan ka baranay qori-isu-dhiibku inay ta hay dhaqan iyo sunno wanaagsan oo aan dimoqraa diyaddeenna ku horumarinayno.”

Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Farm aajo ayaa qoraalkaan soo raaciyey sawir ay gacm aha is heystaan asaga, Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo Dorraad looga qa aday xafladii caleemo saarka Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sawirkaas oo yeeshay saameyn xoog leh ayaa saacadihii lasoo dhaafay aad u qabsaday baraha bulshada, waxaana la barbar dhigay sawir lamid ah oo seddaxda Madaxweyne ay gacmaha is-heystaan, korna u taagayaan, kaas oo la qaaday shan sano ka hor 2017-kii, xiligaas oo Farmaajo loo caleemo saar ay madaxweynaha dalka.

ONLF " Dadka Soomaalida inay wax isku yih iin oo ONLF aan Muqdisho laga xigin in la tuso weeyaan Itoobiya"

Afhayeenka Ururka ONLF Cadaani Hirmooge oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay martiq aadkii ONLF ay ka heshahay xukuuma dda Soomaal iya ee ay ku tageen Muqdisho si ay uga qayb galaan Caleema saarkii Dorraad ee Madax wayne Xasan Sheekh Maxamuud.

Afhayeenku waxa uu tilmaamay in Muqdisho oo hadda ka hor laga soo dhiibay qaar kamid ah xubnaha u sarreeya ONLF, marna looga aq oonsaday ONLF Argagaxiso, in Shalayna lagu mar tiqaado Caleema saarkii Madaxwaynaha Soomaa liya ay tahay mid ay aad ugu faraxsan tahay ONLF, isla markaana ay muujinayso in Muqdisho Cimaam adii hadda ka hor ka dhacday ay soo ceshatay.

"Dowladdan cusub ee Soomaaliya waxaan ka ra jaynaynaa inay shacabka Soomaaliyeed u adeegto, oo Jamhuuriyadii dib loosoo dhiso, dadka SoomaalI yeed dib loo mideeyo, Khilaafaadka siyaasiga laga dhex saaro oo Gobolladan iyo Xukuumadda iska la lmada meesha ka baxdo, ayaan rajaynaynaa" ayuu yiri Cadaani Hirmooge Afhayeenka ONLF.

Dhinaca kale mar uu ka hadlayay Afhayeenku martiqaadkii ay sida gaarka ah ONLF uga heshay Xu kuumadda Soomaaliya, iyadoo ONLF ay tahay xisbi ka diiwaan gashan Itoobiya, sidoo kale dowladda Ito obiya oo isku duubana ay si gooni ah loogu martiqa aday Muqdisho, waxa uu sheegay Afhayeenku in ta asi aysan dhibaato ku keenayn Ururka ONLF.

"ONLF waxay heshiis la gashay Itoobiya, iyadoo xafiisyo badana ku leh dunida oo dhan, Muqdishana waa Hooyadii Soomaalida, dadka Soomaalida inay wax isku yihiin oo ONLF aan Muqdisho laga xigin in la tuso weeyaan Itoobiya, ONLF ma yeelayso in xar ig yar oo ay Abisiniya (Itoobiya) samaysatay uu dab ro, mana yeelayno taas, xitaa hadday rabto haku qandhato" ayuu yiri Cadaani Hirmooge Afhayeenka ONLF. Ugu dambayn, Afhayeenku waxa uu shacab ka Soomaaliyeed ugu baaqay inay garab istaagaan xukuumadda cusub ee Soomaaliya, si nabadgalyadu ay u sal dhigtana dadlka iyo dadka laga qabto nim anka dagaalka ku wada dowladda, waa siduu hada lka u dhigayn Afhayeenku.

Sheekh Maxamuud oo Shalay ku qabsoomtay Maga alada Muqdisho ee Caasimadda Dalka.

Musharax Cirro: Isku day dil ayaa la iila badheedhay

Musharaxa madaxweynaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in uu ka bad baaday isku day dil oo uu madaxweyne Biixi soo maleegay.

Cirro oo ka falceliyay muuqaal baraha bulshada ku baahay oo laga duubay isku dhac dhexmaray ciidam ada booliiska iyo askar ka tirsan ilaaladiisa, ayaa dhacdada ku sifeeyay shirqool uu madaxweynuhu doonayayay in uu ku khaarajiyo.

"Muuqaalkan waxa uu marag & markhaatiba u yahay in isku day dil Shalay la iila badheedhay ann iga iyo ilaaladeyda badhtanka caasimadda Harge ysa, ayna caddahay in ay tahay shirqool ka yimid Muuse Biixi, fulintiisana uu u soo dhiibay inanka uu adeerka u yahay ee Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Bir madka- ku magacaaban" ayuu yidhi Cirro

Cirro ayaa ku hanjabay in aanu madaxweynaha talaabada kaga hadhi doonin "Waxaa igu ballan ah in aannaan kaga hadhin isku day-ga dilkaas ee uu Muuse soo qorsheeyey, Khadar Laangadhe-na u soo dhiibay".

Cirro waxa uu ku andacooday in ay hayaan xogo sheegaya in madaxda mucaaradka dilal qorsha ysan lala beegsan doono "Arrintani waxa ay daaha ka qaadday xogaha aan haynnay ee tilmaamayey in madaxda ugu sarreysa mucaaradka dilal qorsheysan lala beegsan doonno Waa loo joogi arrintaasi halka ay Somaliland dhigto!".

Rooble Oo La Kulmay Xildhibaan Yuusuf Xasan Iyo Ganacsatada Suuqa Islii

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Shalay hoteelka Elite ee magaalada Muqdisho qado sharaf ugu sameeyay xildhibaan Yuusuf Xasan oo ka tirsan baarlamaanka Kenya iyo ganacsatada So omaaliyeed ee Suuqa Islii ee magaalada Nairobi.

Kulankan ayaa loogaga ha dlay sidii loo sii xoojin lahaa xir iirka ganacsi ee ka dhexeeya dalka Sooma aliya iyo wadan ka Kenya.

Ganacsatada Soomaaliyeed ee Suuqa Islii ee ma gaalada Nairobi ayaa u muujiyay Ra’iisul Wasaare Rooble sida ay uga go’an tahay inay ka qeybqaat aan xoojinta xiriirka ganacsi ee labada dal. Sidoo kale Xildhibaan Yuusuf Xasan ayaa u sheegay Ra’ii sul Wasaare Rooble inay ku faraxsan yihiin in mar kale xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya uu soo hagaago.

Wafdigan ka socday ganacsatada dalka Kenya ayaa u yimid caasimada dalka ee Muqdisho inay la kulmaan madaxda sare ee dalka.

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo war ka soo saaray kulan uu la yeeshay Qalbi-dhagax

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdu llahi ayaa qoraal & sawirro uu ku baahiyey boggiisa Facebook-ga wux uu ku shaaciyey in Shalay uu hoygiisa Muqdisho ku soo booqday Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-dhag ax. "Waxaa Shalay gurigayga igu soo booqday Cabdikariim Mu use "Qabi-dhagax” oo ka mid ah aa hogaanka Ururka Gobonimo doonka ah ee ONLF, isla markaa na si sharci darro ah Dowladdii hore ugu dhiibtay Dowladda Federaalka Itoobiya ba lse Xukuumaddii Xil-gaarsiintu ay raali galin ka bixi say arrintaas sharci darrana ku tilShalayy,” ayuu qoraalkiisa ku yiri. Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa ka mid ah aa masuuliyiintii ugu sareysay talada dalka markii Qalbi-dhagax loo dhiibay Itoobiya, wuxuuna cadee yey in Farmaajo iyo Taliyihii NISA ee xiligaas ay sir een, si aan loo fahmin qorshihii dhiibista Qalbi-dhagax.

Cabdi Xaashi ayaa wareysi uu horay u bixiyey wuxuu ku sheegay inuu ka war helay Qalbi-Dhagax in lagu qabtay Gaalkacyo, macquulna ay tahay in loo dhiibo Itoobiya, isla markaana uu xafiiskiisa ugu teg ay Farmaajo, si arrintaas uu wax uga weydiiyo.

Wuxuu sheegay in Farmaajo uu u yeeray Sanbal oolshe oo ahaa taliyihii NISA, isla markaana Cabdi Xaashi laga dhaadhiciyey in Qalbi-dhagax uu dalbad ay in loo dhiibo Itoobiya oo ay heshiiyeen, balse uu ka qowmameeyey inuu haleeli waayey inuu yiraah do, "Hala ii geeyo Qalbi-dhagax aan wareystee.”

Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax ayaa maa lin ka hor doorashadii madaxweyne Xasan Sheekh soo gaaray magaalada Muqdisho, wuxuuna Dorraad ka qeybgalay xafladii calemo saarka Mdaxweyna ha.

RW Rooble oo baaq deg deg ah u diray Caalam ka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo khdubad ka jeediyay Munaasabadda Caleema-saarka Madaxweynaha So omaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dha weeyay dhamaan Madaxdabka qeyb galeysa calee ma-saarka.

Ra’iisul Wasaaraha wuxuu sheegay in doorasha da Soomaaliya ay soo martay marxalad oo ku dhaw aatay in gacanta la iskula tago, hayeeshee dadaalo farabadan oo ay sameeyeen ku guuleysteen in laga gudbo lana qabto doorasho.

Khudbadda ayaa Ra’iisul Wasaaraha wuxuu si doo kale ku sheegay in dalka Soomaaliya xilligaan uu wajahayo dhibaatooyin ka dhashay abaaeta, wu xuuna ugu baaqay Beesha Caalamka inay si deg deg ah ugu soo gurmadaan Shacabka Soomaaliy eed ee wajahaya Abaarta.

Hadalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa kusoo beegka ya xilli weli meelo badan oo dalka ah ay kajirto abaar xoogan taas oo saameeysay dad iyo Duunyo intaba

C/Raxmaan C/Shakuur Oo La Shiray Deeqb ixiye yaasha Fadhigoodu Yahay Nairobi.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qa abilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Cabdiraxma an Cabdishakuur Warsame, ayaa kulan qadka foga an aragga ah la yeeshay kulan ay safaaradda Jarmalku soo qa banqaabisay oo ay kasoo qey bgaleen deeqbixiyeyaasha fa dhigoodu yahay Nairobi.

Safiir ku xigeenka Jarmalka Sascha oo hadalkiisa ku billaabay in uu bogaadinayo masuuliyadda hoggaan ka cusub ee Soomaaliya ay iska saarayaan arrimaha biniaadannimada iyo sida firfircoon ee Xafiiska ergey gu u dhaqaajiyay howlahaan ayaa caddeeyay in Jar malku xil iska saarayo gacan siinta Soomaaliya is aga oo sheegay in ay sanadkaan ku bixiyeen Soom aaliya ilaa 45 Milyan oo Yuuro.

Ergay Cabdiraxmaan oo Dowladda Jarmalka iyo hayadaha kaleba uga mahadceliyay sida ay ugu he ellanyihiin mar walba gacan siinta dadkiisa ayaa uga warramay xaaladda daran ee abaaraha iyo sida loo ga baqanayo in ay macluul isu beddesho. Ergey ga ayaa intaas kadib ku tirtirsiiyay kasoo qeybgalayaa shu in ay kordhiyaan tageeradooda dhaqaale Isla markaana ka gacan siiyaan sidii indhaha caalamka loogu soo jeedin lahaa xaaladda bini’aadannimo ee ka taagan Soomaaliya.Danjireyaasha ayaa ballanqa aday in ay ku ded aali doonaan in dowladahoodu kor dhiyaan gacan ka geysashada abaaraha Soomaa liya iyaga oo Dhanka kalena tilmaamay in ay aad u daneynaynayaan wax ka qabashada sababaha iyo helista xal waara. c/raxmaan c/shakuur oo la shiray deeqbixiyeyaasha fadhigoodu yahay nairobi.

Soomaaliya oo ka qeyb gashay shir looga hadlay ka hortaga Masuq-maasuqa.

Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya ayaa ka qeyb galay Shirwaynaha 8-aad ee caalamiga ah ee madashada Afrika ee la dagaalanka Musuq-maas uqa, kaasi oo lagu qabtay dalka Jabuuti.

Shirkan oo ay ka qeyb galeen mas uuliyiin ka tirsan guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka Musuq-maasuqa Soomaaliya ayaa socday sadaxdii maalin ee lasoo dhaafay.

Kulanka waxaa looga hadlay arrimo badan oo qus eeya la dagaalanka Musuq-maasuqa iyo sida dalal ka Afrika ay isaga kaashan karaan ciribtirkiisa.

Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay xubin ka noq otay Hey’adaha isku dhafka ah ee la dagaalanka Musuq-maasuqa (FIGE) iyo kan bariga Africa.

Faah-faahin: Laba qarax iyo weerar Habeen hore ka dhacay Koonfurta MUQDISHO

Wararka aan ka heyleyno degaanka KM-13 ee koonfurta magaalada Muqdisho ayaa sheegaya, in Habeen hore uu ka dhacay qarax xoog leh, halkaas oo qar axa kadib la isku weydaarsaday rasaas mudo soc otay.

Dadka deegaanka ayaa Caasimada Online u sheegay in qaraxa kadib ay goobta ka bilaabatay ras aas mudo socotay, waxaana qaraxaas oo ahaa mii no lala beegsaday gaadiid ciidan.

Inta la xaqiijiyey hal qof ayaa ku geeriyooday qaraxa as, si rasmi ahna looma xaqiiji karo khasaaraha jira, maadaama ay tahay xilli habeen ah, waxaana Habeen hore xaalad cabsi ah laga dareemayaa wadada xariirisa Muqdisho iyo degaanka Ceelasha Biyaha.

Dhinaca kale qarax miino ayaa isla Habeen hore ka dhacay maqaayad Shaah lagu iibiyo oo ku taalla ag agaarka kaamka Badbaado ee degmada Dharke nley, waxaana halkaas ku dhaawacmay shan qof oo u badan askar ka tirsan militeriga Soomaaliya.

Qaraxaas oo ahaa miino ayaa lagu aasay maqaa yada, sida ay noo sheegeen dadka deegaanka, wux uuna bartilmaameedkiisu ahaa ciidanka oo imaa ji ray maqaayadda, waxayna xogta hordhaca ah shee geysaa in la xaqiijiyey dhaawacya da shan qof.

Wiilka Macallin Maxamuud: Galmudug kama jiri karo maamul aan aheyn midka Axmed Qoor Qoor

Xildhibaan Cabdisamad Macallin Maxamuud oo ah wiilka hoggaamiyaha guud ee xooggaga Ahlu-Su nna Waljamaaca ee gobollada dhexe ayaa markii u gu horeysay ka hadlay halka ay ku dambeeyaan ciid amadii iyo saraakiishii u dagaalamay hoggaa miyey aasha Ahlu-Sunna iyo sida uu u arko hadafka ay ku dagaalamayaan.

Wuxuu sheegay in culumada Ahlu-Sunna ay ka soo jeedaan dadka deegaanka, awood badana ay ku leeyihiin, isagoo meesha ka saaray inay jiraan kura as laga siiyey baarlamaanka federaalka, si looga qa nciyo tabashooyinka ay qabaan.

Xildhibaan Cabdisamad ayaa cadeeyey in Galm udug uusan ka jiri karin maamul aan aheyn kan ras miga ah ee Axmed Qoor Qoor uu hoggaamiyo, balse loo baahan yahay in xal loo helo qaladaadka maam ul ee ka jira Galmudug.

Cabdisamad oo wareysigaan siiyey TV-ga Som ali Cable ayaa la weydiiyey sida uu u arko hadafka uu ku dagaalamo Aabihiis Macalin Maxamuud, wux uuna ku jawaabay, "Horta anigu ma aaminsani in Aabahey qaldan yahay, weligeyna ma aaminin taas, waxaan xaqiijinayaa in Aabahey yahay nin mabda’ leh oo diinta u qidmeeya.”

Sidoo kale wuxuu cadeeyey in kursiga xildhibaan ee uu ku fadhiyo uusan ku metelin Ahlu-Sunna, "Ku rsigaan waxaan ku metelaa beel la yiraahdo Cayr-bari, farsamo iyo awood qeybsiga beelaha ee 4.5-ka ayaan ku helay kursigaan oo aniga iyo Senator saax iibkey ah aan ku metelno beeshaas,” ayuu yiri.

Mar la weydiiyey halka uu hadda ku sugan yahay Aabihiis Macalin Maxamuud ayuu sheegay in mee shii uu doono uu tago, sida Muqdisho iyo Dhuusam areeb, "Bilo ka hor ayuu dalka, gaar ahaan dega anka Huurdhe u yimid Siyaartii Sheekh Yuusuf, wax ka hor taagan malahan inuu maro meeshii uu doo no,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Xildhibaan Cabdisamad oo horay u soo noqday Xildhibaan, wasiirkii arrimaha gudaha iyo amniga qar anka, haatana mar kale soo noqday xikdhibaan ayaa sheegay in dadka iyo dalka Soomaaliyeed ay marka an heystaan fursadii ugu wanaagsaneed, maadaa ma dib loo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh oo horay u soo xukumay dalka.

"Dadka Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin dowlad ku hoggaamisa amni iyo cadaalad, waxaana raje ynaa inay tan noqoto,” ayuu yiri.

Faahfaahin Ka Soo Baxaya Iska horimaad Ka Dhacay M/Boosaaso

Ugu yaraan laba ruux ayaa ku geeriyootay, todd oba kalena waa ku dhaawacmeen kadib markii iska horimaad hubeysan uu ku dhex maray xeebta Boosa aso ciidamada Booliska Puntland iyo ciidamada PSFta. Labada ruux ee dhimatay ayaa la sheegay in mid ka mid ah uu ahaa qof shacab ah halka kan kale uu ahaa askari ka tirsan ciidamada Booliska hal ka lix ka mid ah dadka dhaawacmayna ay ahaayeen dad rayid ah.

Lama oga sababta keentay iskahorimaadkan oo dhacay gelinkii dambe ee Shalay xilli dad badan ay ku sugnaayeen xeebta magaalada Boosaaso.Illaa hadda ma jirto cid u hadashay maamulka magaalada Boosaaso iyo Maamulka Puntland.

Magaalada Boosaaso ayaa degeneyd bilihii la soo dhaafay kadib markii uu dagaal hubeysan ku dhex maray ciidamada taabacsan maamulka Punt land iyo ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee PSFta.

Dacwad Lagu Soo Oogay Rag Dhac Ka Geysan Jiray Magaalo Ka Tirsan Mareykanka

Laba wiil oo lagu eedaynayo in ay ku lug lahaaye en fal dhac hubeysan oo ay la beegsadeen darawal lada Uber iyo Lyft ee dalka Mareykanka ayaa dacw ad lagu soo oogay.

Xeer Ilaaliyaha dalka Mareykanka u fadhiya gob olka Minnesota Andrew Luger ay aa soo saaray bayaan maalintii Arbacada aheyd ee todobaadk aan isaga oo sheegay in 20 dam bi iyo eedo ku soo oogay labbadan nin.

Ragga ayaa loo heystaan inay hoggaamiyeyaal ka ahaayeen dhac ay burcad hubeysan geysanaye en, rabshado dhacay iyo falal qorshaysan oo ka dhan ah darawaliinta ku ganacsaddda ama ku shaqa ysta Uber iyo Lyft ee Mareykanka.

"Bishii hore, aniga oo ay i weheliyaan qaar kamid ah hawlgalayaasha fulinta sharciga federaalka iyo qaar kamid ah laamaha Ilaalinta Ammniga ee ka ho wl gala gobolka Minnesota, waxaan ku dhawaaqay istaraatiijiyad cusub oo wax looga qabanayo dembi yada iyo rabshadaha sii kordhaya ee saameeyay shi cibka ku dhaqan magaalooyinka kala duwan ee gob olka Minnesota. Haddaba Eedda Shalay lagu soo oogay labbaddan nin ayaa kamid ah tallaabooyin mu him ah oo la qaaday oo la xiriira istiraatiijiyadda amm niga lagu sugayo,” ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha Luger.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay intii u dhaxay say Sebtembar iyo Oktoobar ee sannadkii 2021 in Shevirio Childs-Young oo jira 18-sanno iyo William Saffold oo 20 jir ay dhac qorsheysan u geysteen dar awaliin iyagoo iska dhigaya in ay yihiin rakaab raba in la qaadayo ama la dejinayo.

Al-Shabaab Oo Qarax Ku Dishay In Ka Badan 10 Askari Oo Ka Tirsan Ciidanka DANAB

Kolonyo ay wateen Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ah aan kuwa kumma andoos DA NAB oo ka baxay M /Muqdisho ayaa waxaa qarax xo ogan lagula beegsaday duleed ka degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhe xe. Qaraxa oo ahaa miino noo ca dhulka lagu aaso ah ee laga meelaha fog-fog ayaa waxaa uu qabsa day gaari kamid ah kolonyada oo noociisu ahaa midka ay Soomaalida u taqaano Cabdi Bilaha oo ay saarnaayeen Ciidanka DANAB, kuwaasi oo kusii jee day Magaalada Jowhar.

Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in qaraxa uu ka dhashay khasaaro badan oo gaaray Ciidanka la qarxiyey, waxaana la sheegay inay qaraxa ku dhinte en in ka badan 10 Askari oo ka tirsan Ciidanka DAN AB, isla markaan saarnaa gaariga uu qaraxa mii nada haleelay.

Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda Inter net-ka ayaa waxaa ay ku sheegteen in qarax aad u xoogan la beegsadeen kolonyo ay wateen Ciidamo DANAB ah oo ka baxay Magaalada Muqdisho, kuwa asi oo markii hore gaaray Balcad, kana sii baxaya, balse lagu qarxiyey duleedka degmadaas , iyaga oo kusii jeeday Magaalada Jowhar.

Shabaabka ayaa intaas kusii dartay inay qara xa ku dileen 15 Askari oo kamid ah Ciidamada DAN AB ee dowladda Federaalka, isla markaana qaraxa uu burburay gaari Tikniko oo ay saarnaayeen Cii damada la qarxiyey, sida lagu arkay Sawirro ay Al-shabaab soo bandhigeen.

Illaa iyo ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Sar aakiisha Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan kuwa DANAB oo ay uga hadlayaan qaraxaas khasaaraha dhaliyey ee Al-shabaab ka beegsatay Ciidamada. Qaraxayo sababay khasaaro kala duwan ayaa horey Ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM loogula eeg tay wadada xiriirisa Magaalada Jowhar iyo Balcad.

Ciidamadda Dowladda Oo Howlgal Ku Dilay Nin Miino Aasayay.

Saraakiisha ciidamadda xoogga dalka Soomaaliy eed ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay how lgal ay ka sameeyeen gobolka Baay, kaasoo ay ku fa shiliyeen Miino ay kooxda Shabaab ku aaseysay deegaano kamid ah gobolka, si shacabka ay ugu dhibaateeyaan.

Howlgalkan oo si gaar ah uga dhacay Degaanka Daynuunaay waxaa fuliyay ciidanka Ururka 47-aad Guutada 8-aad Qeybta 60-aad ee ku sugan Gobolka Baay, iyad oo uu Shabaab kaasoo meel aan ka fogeyn saldhi gga ciidamadda ku aasayay Miino, isagoo tilmaanay iney jiro khasaare ka dhashay howlgalkan.

Taliyaha Ururka 47-aad Guutada-8aad Qeybta 60-aad Ciidanka xoogga dalka LX/Le Daahir Macalin Cali ayaa sheegay iney toogteen nin kamid ah koox da sidoo kale kala fur fureen Miinadii uu diyaarinay ay oo ay fashiliyeen. ”Ciidamada oo Roondo ugu jir ay sugida Amniga Dadka Iyo degaanka deynuunaay xilliga ay la kulm ayeen Ninka Miinada Aasayay ee la dilay howlgall adana waa ay sii socon doonaan” ayuu yiri Taliyaha oo wariyayaasha la hadlay.

Si kastaba, majiro wax war ah oo ka soo baxay kooxda Shabaab oo ay uga hadlayaan howlgalkan ay ciidamadda dowladda sheegeen iney ku dileen xu bin kooxdaasi ka tirsan, iyadoo deegaanka DeynI unaay ay kamid tahah meelaha ay Shabaabku go’ doomiyeen ee ka tirsan deegaanada KGalbeed.

Ruushka Oo Xukun Dil Ah Ku Riday Ajaanib Lagu Qabtay Dagaalka Ka Socda Ukraine

Maxkamad ku taal bariga Ukraine oo ay maamu laan Ruushka ayaa dil dil toogasho ah ku xukuntay nin u dhashay dalka Marooko iyo laba British ah, ka dib maarkii la qabtay iyagoo ka dagaalamaya gudaha Ukraine .

Brahim Saaudun oo Marookaan ah iyo Aiden Aslin iyo Shaun Pinn er oo British ah ayaa lagu eedeey ay inay caloosho od u shaqeysta yaal ahaayeen, sida ay sheegtay warbaahinta dow ladda Ruushka. Maxkamadda, oo aan si caalami ah loo aqoons an, ayaa ku taal Jam huuriyadda Donetsk ee taageer san Ruushka. Ingiri iska iyo Ukraine ayaa cambaareeyay xukunn ada ku saabsan jebinta shur uucda ca aamiga ah ee lagu ilaalinayo maxaabiista dagaalka.


Puntland oo gacanta ku dhigtay Rag Ajaajib ah oo dadka tahriibin jiray

Laamaha Amniga Gobolka Bari ee dowlad Gobo leedka Puntland ayaa howlgal ay sameeyeen waxaa ay gacanta ku dhigeen laba nin oo u dhashay waddanka Yemen kuwaas oo watay Do onsi ay ugu tahriibiyaan dhal inyarada Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka Bari ayaa she egay in raggaan doonta watay laga soo diray dalka Yemen, isla markaana ay ahaayeen kuwa Dhalin yarada Soomaaliyeed si dhuumaaleysi ah uga tahri ibin jiray Xeebaha Gobolka Bari, iyaga oo geyn jiray dalka liibiya.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in ho wsha tahriibinta ay siwadajir ah isaga kaashan jireen rag Soomaali iyo Carab isugu jira, kuwaas oo kala jo oga Magaalada Boosaaso & dalka Yemen, isaga oo ku eedeeyay in dhalinyaro farabadan ay Badda ku la ayeen.

Ugu dambeyn Taliyaha Ciidamada Booliska Go bolka Bari ayaa digniin waxaa uu u diray cid kasta oo ku howlan tahriibinta dadka, isaga oo sheegay in ay tallaabo sharci ah ka qaadi doonaan qofkii ay ku qabtaan, isaga oo ku howlan Shaqada tahriibinta.

laamaha Amniga Maamulka Puntland ayaa dhowr jeer sidaan oo kale gacanta ugu dhigay rag u dha shay dalka Yemen oo dadka tahriibin jiray iyo kuwo si sharci darro ah u kalluum eysanayay

Mudaharaadyadii ay qorsheeyeen xisbiyada muc aaradka Somaliland oo la hakiyay

Guddi dhexdhexaadin oo is xilqaantay, ayaa ku guulaysatay in ay mucaaradka Somaliland ku qan ciso in la joojiyo mudaharaadyadii ay qorsheeyeen maalinta Sabtida, isla markaana ay miiska wadaha dalada kusoo noqdaan.

Afhayeen u hadlay guddida isku xilqaantay dhexdhexa adin ta mucaaradka iyo xu kuumada, ayaa sheegay in kadib shirar ay la galeen madaxda mucaaradka Som aliland ay ku heshiiyeen, in la joojiyo mudaharaadkii la qorsheeyay maalinta Sabtida, in miiska wadahada lada lagu soo laabto iyo in la joojiyo hadalada xana fta leh.

"Waxay isla garteen in layskugu yimaado miiska wadahadalka iyada oo la ixtiraamayo dastuurka qar anka iyo Shareecada Islaamka, in la hakiyo mudahar aadkii ay ku baaqeen xisbiyada mucaaradku inta ay socoto dhexdhexaadintu, in la joojiyo hadalada xa nafta leh ee keenaya kala fogaanshaha".

Waxa ay sheegeen in labada xisbi mucaarad ay kalsooni siiyeen guddida kadib markii ay ka cods atay, waxay guddidu xukuumada ka codsatay in ay joojiso xadhiga masuuliyiinta mucaaradka, inta wada hadaladu socdaan, waxayna guddidu shacabka ugu baaqday in ay dajiyaan xiisada.

Guddidan oo iskugu jirta salaadiin, culimo iyo ga nacsato, isla markaana ka kala yimid dhamaan gob olada Somaliland, ayaa sheegay in ay xukuumada Somaliland kusoo horeeyeen lakiin uu mudaharaad ku dhacay iyaga oo shir kula jira saraakiil xukuum ada ka tirsan galinkii hore ee Khamiista, sidaana uu kulankii ku istaagay. Guddida oo hada ka kooban 31 xubnood oo isko od isku xilqaamay, ayaa sheegay in ay sidookale su gayaan ergooyin kale oo aan wali caasimada Harga ysa soo gaadhin.

Guddi ka tirsan Senate-ka MAREYKANKA oo ans ixiyey sharci muhiim u ah S/LAND

Sharci muhiim ah oo aas-aasi kara xiriir toos ah oo dhex-mara dowladda Mareykanka iyo Somaliland ayaa Dorraad ka gudbay marxalad muhiim ah, ayada oo ansixiyeen guddi hoosaad ka tirsan Aqalka Senate-ka Mar eykanka. Senatorada kala ah Chris Van Hollen (D-Md), Jim Ri sch (R-Idaho) iyo Mike Ro unds (R-SD.) oo ka tirsan gudd iga xiriirka arrimaha dibed da ee Senate-ka ayaa soo saaray sharcigan loogu magac daray Somaliland Partnership Act (Xeerka Saaxiibtinimada Somaliland), kaasi oo Waaxad Arri maha Dibedda Mareykana ku amraya inay Congr ess-ka warbixin ka siiso la-macaamilka Somaliland.

Wuxuu sidoo kale farayaa, in ayada oo la-tashi la sameyneysa Waaxda Gaashaandhigga, inay dars aan aas-aaska xiriir toos ah oo dhex mara Marey kanka iyo Somaliland.

Guddiga xiriirka arrimaha dibedda Mareykanka ee Aqalka Senate-ka ayaa meel-mariyey xeerkan, wuxuuna hadda u gudbayaa Aqalka Senate-ka Mar eykanka oo dhameystiran, si cod loogu qaado. Had dii uu ansixiyo, wuxuu sidoo kale u baahnaan doo naa inuu soo ansixiyo Aqalka Wakiilada kadibna uu saxiixo madaxwe yne Joe Biden, si uu u dhaqan galo.

"Waqtigan adag ee arrimaha caalamka iyo Gees ka Afrika, Maraykanku waa inuu sahami yaa dhamm aan xiriirada faa’iidadau leh labada dhinacba oo uu la yeesho saaxiibada dimoqraa diga ee xasilloon, si da Somaliland oo kale, oo aynaan isku koobin habab siyaasad eed duugoobay iyo qaab-dhismeed diblo maasiyadeed oo aan ku habboonayn inuu la jaa nqaado caqabadaha Shalay jira,” waxaa sidaas yiri Chris Van Hollen (D-Md).

"Waxaan aad ugu faraxsanahay taageerada xoo ggan ee uu sharcigan ka helay saaxiibadeena gud diga,” ayuu yiri Van Hollen.

Sidoo kale, wakiilka Somaliland ee Washington Bashir Goth ayaa ansixinta ku tilmaamay guul iyo tall aabo muhiim ah, wuxuuna sheegay inuu rajeynayo in Aqalka Senate-ka oo buuxa uu meel-mariyo.

harcigan ayaa markii ugu horeysay la qoray bishii March kadib markii uu Washington booqday madaxw eynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, halkaasi oo uu kula kulmay xubno uu ka mid yahay Senator Chris Van Hollen.

Erdogan oo digniin cabsi leh u diray Greece "Wa ad ka shalaay doontaan ficilladan”

Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa Khamiistii ugu digay Greece inay militariga ka caagaan Jasiiradaha ku yaalla badda Aegean-ka, isa ga oo sheegay "inaysan kaftan ka aheyn” hadalka noocaas ah.

Turkey ayaa sheegtay in Greece ay militari ka bu uxineyso Aegean-ka, taasi oo ka hor-imaneysa heshi isyada damaanad qaadayaa in jasiiradahan ay noq daan kuwa aan hubeysneyn.

Ankara ayaa ku doodda in jasiira dahan loo da ayey Greece ayada oo shuruud loo ga dhigay inay ahaa daan kuwo ka caagan mili tariga.

Greece ayaa iyana ku doodad in Tu rkey ay si ula kac khalad ugu tarju nto heshiisyada la xiriira ciidamada hubeysan ee jasi iradaheeda bari, waxayna sheegtay inay xuquuq sharci ah u leedahay inay is-difaacdo kadib tallaabo oyin cadaawadeed oo ay qaaday Ankara, oo ay ka mid tahay inay dagaal ku hanjabtay.

Digniinta Erdogan ayaa imaneysa ayada oo ay kasii dareyso xiisadda u dhaxeysa labadan dal ee ka tirsan isbaheysiga NATO ah, oo ay u dhaxeeyaan murano dhowr ah oo ka mid yihiin; sahminta kheyr aadka macdanta ee badda Meditareeniyaanka iyo is ku haysashada Badda Aegean-ka.

"Waxaan fursad u siineynaa Greece inay joojiso hub eynta jasiiradaha aan laheyn maqa amka militari, ayna u dhaqanto si waafaqsan he shiisyada caalami ga ah,” ayuu yiri Erdogan oo ka hadlay maalinkii ugu dambeeyey dhoola-tus militari oo ka dhacay meel u dhow Izmir oo ku taalla xeebta Turkey ee Aegean-ka. "Ma kaftamayo, waxaan u hadlayaa si dhab ah. Dalkan go’aan ayuu gaaray.” "Waxaan ugu dig eynaa Greece inay ka fogaato riyooyinka iyo ficillada ay ka Dorraadn doonto, ayna caqli kaashato,” ayuu yiri madaxweyne Erdogan. "Turkey kama tagi doonto xu quuqdeeda Aegean-ka, si la mid ah si aysan uga tegi doonin inay adeegsato xuquqda ay ku leedahay heshiisyada caalamiga ah.”

Beesha Caalamka Oo War Kasoo Saartay Rab shadihii Ka Dhacay M/Hargeysa

Beesha Caalamka ayaa ka hadashay rabshado ka dhashay banaanbixii Dorraad ka dhacay Magaal ada Hargey sa ee Caasimadda Somaliland ee looga horjeeday Madaxwey ne Muuse Biixi Cabdi, kaasi oo ay ku dhaawacmeen 10 qof oo ku jiray Xildhibaan Barkhad Batuun.

Qoraal ay soo saareen dalalka Beesha Caalam ka ee doorashooyinka iyo geedi socodka dimuquraa diyada ka taageera Somaliland ayaa sheegeen inay aad uga xun yihiin rabshadihii ka dhacay Hargeysa, ayna ka wacaasan yihiin dhacdooyinkaas,.

Beesha Caalamka ayaa Madaxda Somaliland iyo ku wa Mucaaradka ugu baaqday inay is xakameeyaan oo ay ilaaliyaan nabada iyo daganaanshaha, isla markaana muhiim ay tahay in dhinacyada khilaafy ada ka dhex jira lagu dhammeeyo wadahadalo wax ku ool ah.

"Saxibada caalamiga ah ee la socda nidaamka dimuquraadiyadaynta Somaliland, waxay aad uga walaacsanyihiin dhacdooyinkii gacan ka hadalka wa tay ee Hargaysa ka dhacay kadib bannaanbixii siyaa sadeed, waxaanu dhamaan dhinacyada ku boorina ynaa in ay is xakameeyaan, si xaalada loo dajiyo, oo dhaawac iyo dhibaato looga fogaado” ayaa lagu yiri War kasoo baxay Beesha Caalamka.

Waxaa Qoraalka Beesha Caalamka lagu soo gab a-gabeeyay "Si loo ilaaliyo nabada, daganaanshaha iyo dimuquraadiyada Somaliland waxa muhiim ah, in dhamaan dhinacyadu ka qayb qaataan wadahadalo wax ku ool ah, oo joogto ah, si is afragad looga ga adho sidii hore loogu sii socon lahaa”.

War-saxaafadeedkaan ayaa waxaa si wadajir ah u soo saaray Denmark, Finland, Netherlands, Nor way, Sweden, Boqortooyada Ingiriiska iyo Midowga Yurub, waxaana dalalkaan ay Somaliland ka taageer aan doorashooyinka iyo geedi socodka dimuqura adiyada.

Midowga Afrika oo baaq deg deg ah u diray dowladda Ukraine

Madaxweynaha dalka Senegal oo ah Guddoomiy aha Midowga Afrika Macky Sall ayaaku boorriyay dalka Ukraine inuu miinooyinka ku hareeraysan ka saaro dekeddooda Odesa si ay u fududaato in deke ddaas laga soo dhoofiyo haruurka iyo sarreenka ku xanniban ee aadka loogu baahan yahay.

Duullaankii uu Ruushku ku qaaday dalka Ukra ine iyo cunaqabataynta ay reer galbeedku ku soo ro geen dalka Ruushka ayaa hakad gelisay sareenkii iyo haruurkii labadan dal ay soo saari jireen ee dun ida loo iibgeyn jiray.

Afrika, waxaa cirka isku shareeray qiimaha cunt ada, iyada oo qaaraddani ay tahay tan ugu sabool san dunida, waxaana qiime kororka ugu wacan hoos u dhaca ku yimid sareenka iyo gallaydii ay debedda u dhoofin jireen dalalka Ruushka iyo Ukraine.

Madaxweynaha Senegal ayaa u sheegay telefish anka France 24 iyo RFI, in haddii aan si dhakhso ah dib loogu bilaabin in dalka Ukraine uu soo celiyo sa rreenkii iyo haruurkii uu Afrika u soo dhoofin jiray, in qaaradda Afrika ay geli doonto xaalad gaajo iyo ma caluul oo aad u daran oo khalkhal gelin karta xasilo onida qaaradda oo dhan. Ruushka iyo Ukraine ayaa soo saari jiray 30% sarreenka dunida loo iibgeeyo.

Laakiin waxaa haatan dekedaha Ukraine ku xannib an haruur la doonayey in debedda loo dhoofiyo, ka dib markii ay dawladda Ruushku ay qaadday talla abooyin go’doomin ah, halka cunaqabataynta reer

galbeedkuna ay hakisay dhoofintii sarreenka iyo

haruurka ee dalka Ruu shka.


Fahad Yaasiin: Taliyihii hore ee NISA oo sheegay in 2 arrimood ay sabab u ahaayeen aamusnaantiisii badnayd

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, oo ah taliyihii hore ee hay'adda Nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ee Soomaaliya (NISA) iyo La-taliyihii hore ee Mada xweynaha ayaa bixiyay wareysi dhif ah oo lagu shaaciyay baraha bulshada.

Fahad ku sharraxay wareysiga oo ka baxay bogga Gaylan Media, oo taagee ri jiray dowladdii madaxweyne Farma ajo ee uu xuddunta u ahaa Fahad Ya asiin, waxa uu ku sheegay waxyaabo ka mid ah noloshiisa.

BBC-da ayaa horay u daabacday warbixin dhinac yo badan taabanaysay oo ku saabsanayd shakhsiy adda Fahad Yaasiin, xilli uu xuddun u ahaa arrim aha siyaasadda ee Soomaaliya

Waa kuma Fahad

Si rasmi ah looma oga halka uu ku dhashay Fa had Yaasiin Xaaji Daahir laakiin waxa ay baasab ooradiisu muujinayaan in uu ku dhashay magaal ada Mandheera ee dalka Kenya bishii Luulyo 1978. Wareysiga uu hadda bixiyay waxa uu ku sheegay in uu dhashay dabayaaqadii 1970-meeyadii, uuna ku soo dhex koray qoys diimeed, carruurnimadiisiina uu la qaatay hooyadiis.

Meel fagaare ah ama warbaahinta weli Fahad ugama uusan sheekeyn waxbarashadiisii, laakiin dad yaqaan waxay BBC u sheegeen in uu waxbara sho u tagay dalka Yemen kadibna uu dib ugu soo no qday Soomaaliya, halkaas oo uu kala jaan-qaaday ururo diimeedyadii ka jiray Soomaaliya.

Waraysigan cusub waxa uu ku sheegay in isagoo 16 jir ah uu noqday macallin dugsi quraan, oo mu ddo 11 sano ku dhow uu ahaan macallin dadka wax bari jiray.

Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya inuu wax ku soo bartay dalka Bakistaan, sida lagu qoray machad-ka Mareykanka laga leeyahay ee The American Enterprise Institute. Laakiin BBC-da si madax banaan uma xaqiijin karto.

Dabeecadaha gaarka ah ee Fahad Yaasin

Fahad Yaasiin waa nin is qariya, oo aan lagu arkin fagaareyaasha, islamarkaasna aan kasoo muuqan warbaahinta wixii ka dambeeyay doorashadii madaxweyne Farmaajo ee 2012kii. Ma jiro sawiro iyo muuqaallo badan oo laga qaaday mudadaas, taas oo astaan u ah in uusan dooneynin in laga helo maclumaadka la xiriira shaqadiisa iyo shaqsiyadiisa ba. Ma leh bog rasmi ah oo loo yaqaan oo ka furan baraha bulshada.

Waxaa lagu sheegaa in uu yahay nin aad loo ilaaliyo, oo aan si sahlan lagu arki karin. Intaa waxaa u wehliya in uu ku adag yahay go'aamadiisa siyaasadeed.

Dad la kulmay qaarkood oo BBC-da la hadashay oo ka gaabsaday in magacooda la xuso waxay ku sheegeen nin afgaaban oo hadal dhowrsoon misana aad uga fiirsada hadalka afkiisa ka soo baxaya.

Muxuu u aamusnaan jiray Fahad?

Waraysiga lagu hadal hayo baraha bulshada waxa uu ku sharraxay sababta uu ugu caan baxay inuu ahaan jiray qof aamusan.

Arrintaas oo marar badan lagu dhaliili jiray ayuu u sababeeyay labo qodob.

"Waxaa suuragal ah in ay tahay khibradda aan saxaafadda u leeyahay. Waxaa fiican in hadalkaaga uu munaasabad leeyahay, oo uu waqti ku aaddan yahay, waqtigaasna uu nacfi u leeyahay.

"Qodobka labaad, aamuskeyga ma ahayn wax aan aniga doortay, waxa uu ahaa mid qayb ka ah shaqadayda. Nin sirdoon ah oo shir jaraa'id taagan waligeed lama arkin, Soomaaliya ayay ka dhici jirtay wax sax ahna ma ahayn. In aaniga idaacad soo istaago oo aan ka hadlana munaasabaddeediba ma hayninba," ayuu yiri.

Kiiska Ikraan Tahliil Mid ka mid ah arrimaha ugu wa awayn ee Fahad lagu xasuusto waa kiiska Ikraan Tahliil oo ka tirsanayd hay'adda sirdoonka Soomaa liya, ilaa haddana aan la ogayn halka ay ku maqan tahay. Warbixin kasoo baxday Nisa ayaa lagu she egay in gabadhan oo dhallinyaro ahayd ay dileen Al-Shabaab, inkastoo kooxdaas ay beenisay inay ku lug lahayd dilkeeda.

Ganacsiga Qaadka: Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay warka ku saabsan fasixidda Jaadka Kenya

Dowladda Soomaaliya ayaa ka jawaabtay arrima ha la xiriira ganacsiga qaadka Kenya ee ay warbaahi nta qaar tabisay in dhowaan dib loogu fasixi doono Soomaaliya.

Sarkaal sare oo ku dhow maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa BBC-da u xaqiijiyay in uu socdo wadahadal u dhaxeeya labada dhinac oo waxyaabaha looga arrinsanayo uu ku jiro qaadka.

Balse, wuxuu sheegay in Soo maaliya qudheeda ay doonayso waxyaabo ay Kenya ka rabto si ay labada dhinacba u helaan natiijo mirodhal ah.

Dowladda Kenya ee uu madaxweynaha ka yahay Uhuru Kenyatta ayaa codsatay in laga qaado xayi raadda saaran dhoofinta qaadkii la gayn jiray Soo maaliya, si loogu daneeyo ganacsatada beeraha qaadka ee dalkeeda.

Mowduucan ayaa ahaa mid uu in muddo ahba muran ka taagnaa, tan iyo markii ay xayiraad kusoo rogtay dowladdii hore ee uu hoggaaminayay Maxa med Cabdullaahi Farmaajo.

Maxay dalbatay Soomaaliya?

Xogta ay BBC-da ka heshay ilaha dowladda ayaa sheegeysa in weli uu socdo wadaxaajoodka labada dowladood, go'aan rasmi ahna aan la gaarin.

Soomaaliya ayaa mas'uuliyiinta Kenya ka dalbatay in loo hirgeliyo dhowr arrin oo ay ka mid yihiin:

1- Ku biiritaanka Ururka Bulshada Bariga Afrika

In muddo ahba Soomaaliya ayaa u hanqal taagay say in ay xubin ka noqoto Ururka Bulshada Bariga Afrika, oo hadda ka kooban toddobo waddan oo kala ah: Kenya, Uganda, Tanzania, Burundi, Rwanda, Su udaanta Koonfureed iyo Jamhuuriyadda Dimuqra addiga ah ee Koongo. EAC

Dowladda Soomaaliya ayaa markii uu wadahad alkan furmay waxyaabaha ay Kenya ka codsatay waxaa ka mid ah in ay kala shaqeyso si dii ay uga miro dhalin lahayd hammigeeda ku aaddan ku biiritaanka ururkaas oo magaciisa loo soo gaabiyo EAC.

Kenya ayaa ka mid ah xubnaha ugu firfircoon ee EAC, waxayna kaalin weyn ka qaadatay ka mid noq oshadii Koonfurta Suudaan ee ururka oo ah dalkii ugu dambeeyay ee ku biira.

Dalalka ku mideysan dalladdan ayaa wadaaga xi riir dhow. Dhammaan muwaadiniintooda ayaa loo oggol yahay in ay waddamadan isaga kala goosh aan, ganacsi xor ahna isu kala gudbiyaan si fudud.

Ujeeddada ay Soomaaliya ka leedahay xubinnimada EAC waxaa ugu wayn in la xoojiyo dhaqdhaqaaqya da ganacsiga ee Soomaaliya iyo in dadka wata baas aboorka Soomaaliya ay dal-ku-gal-la'aan ku dhex sa fri karaan waddamada ku jira ururkan Bariga Afrika.

Haddii ay arrintaas hirgasho, ganacsatada Soom aalida ayaa heli doona xuquuq la mid ah tan dalalka kale, waxayna heli doonaan fursado ay badeecooyin kooda kala duwan ku dhoofiyaan.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip