Mehrado ku burburay weerarkii ay Shabaabku ku qaadeen Xarunta Visa Trafico (SAWIRRO)

0
Tuesday May 10, 2016 - 08:40:22 in Wararka by
  • Visits: 778
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mehrado ku burburay weerarkii ay Shabaabku ku qaadeen Xarunta Visa Trafico (SAWIRRO)

    Weerarkii ay Isniintii Shabaabku ku qaadeen Xarunta Ciidanka Ilaalada Wadooyinka Magaalada Muqdisho (Visa Trafico), ayaa waxaa uu dhaliyay burburka mehrado ganacsi oo ku yaalay afaafka hore ee Xaruntaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weerarkii ay Isniintii Shabaabku ku qaadeen Xarunta Ciidanka Ilaalada Wadooyinka Magaalada Muqdisho (Visa Trafico), ayaa waxaa uu dhaliyay burburka mehrado ganacsi oo ku yaalay afaafka hore ee Xaruntaasi.

Weerarkan oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay, ayaa sababay burburka goobahaasi ganacsi, iyadoona ay ganacsatadii goobtaasi ka raratay agabyadii ay ku iibinayeen.

Saleebaan C/laahi oo ahaa 20 jir mehrad ganacsi ku haystay xeendaabka Xarunta Visa Trafico, ayaa ka mid noqday lixda qof ee weerarkaasi ku dhimatay oo saddex ka midda ay yihiin Ciidankii Taraafikada, halka labada kalana lagu sheegay raggii weerarka soo qaaday (Nin la socday gaarigii qaraxa loo adeegsaday iyo nin kale oo toogasho ay ku dileen Ciidanka Taraafikada).

Xuseen Ibraahim Macalin oo ka mid ah ehelada Saleebaan C/laahi, ayaa wuxuu sheegay inay goobtaasi ka qaadeen agabyadii uu ku iibinaayay Saleebaan.

15 qof oo ku dhaawacantay qaraxaasi, ayaa waxay u badan yihiin dadkii mehradaha ku haystay xeendaabka Xarunta Visa Trafico, sida uu xaqiijiyay Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir, General Cali Xersi Barre (Cali Gaab).

Mintidiinta Ururka Al Shabaab oo sheegtay masuuliyadda weerarkan, ayaa waxay horay u soo saareen digniino la xiriira inay dadku isaga fogaadaan Xarumaha Dowladda Somaliya iyo Amisom.

Xarunta Visa Trafico, ayaa waxay qabataa shaqada hubinta sharciyada gaadiidka iyo wadayaashooda, waxaana si ku meel gaar ihi loogu hayaa amaba loogu xiraa dadka hareer mara sharciyada wadooyinka.

Weerarada ka dhacaaya Magaalada Muqdisho, ayaa waxay noqdeen kuwo lagu ilaawo weerarba weerarka kale ee ka dambeeya. Sida caadada ahna ma jirto cid loo soo qabto weerarada kuwooda abaabulan.

Somali women salvage utensils from their tea cafe destroyed near the scene of a suicide car bomb explosion outside the traffic police headquarters in Somalia's capital Mogadishu May 9, 2016. REUTERS/Feisal Omar

Visa Trafico1Visa Trafico2

A Somali policemen walks to secure the scene of a suicide car bomb explosion outside the traffic police headquarters in Somalia's capital Mogadishu, May 9, 2016. REUTERS/Feisal Omar

A Somali traffic policemen checks his phone after he was wounded during a suicide car bomb explosion outside the traffic police headquarters in Somalia's capital Mogadishu May 9, 2016. REUTERS/Feisal Omar

A general view shows the scene of a suicide car bomb explosion outside the traffic police headquarters in Somalia's capital Mogadishu May 9, 2016. REUTERS/Feisal Omar

A general view shows the scene of a suicide car bomb explosion outside the traffic police headquarters in Somalia's capital Mogadishu May 9, 2016. REUTERS/Feisal Omar

A Somali traffic policeman stands guard near the scene of a suicide car bomb explosion outside the traffic police headquarters in Somalia's capital Mogadishu May 9, 2016. REUTERS/Feisal Omar




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip