
Hordhac: West Ham v Man United – Red Devils Oo Kaalinta 4aad Kala Bixi Doonta Man City Haddii Ay Badiso Caawa Xilli Upton Park La Macsalaameyn Doono 112 Sannadood Ka Dib.
Kulanka caawa labo siyaabood ayuu muhim weyn u yahay, mid ka mid ah waa in kulankaan uu yahay kulankii ugu danbeysay abid ee lagu ciyaaro garoonka Upton Park oo ay kooxda West Ham ku ciyaareysay muddo 112 sannadoo ah, waxaana ay xilli ciyaareedka danbe u guurayaan garoonka Olympic Stadium oo lagu qabtay ciyaarihii Olimbikada ee 2012.
Sidoo kale kulankaan waxa uu muhim u yahay tartanka loogu jiro boosaska loogu soo baxayo Champions League xilli ciyaareedka danbe, haddii ay Man United caawa badiso waxa ay soo gelin doontaa kaalinta afaraad iyagoo booskaas kala bixi doonta Manchester City. Haddii ay West Ham badiso waxa ay sii nooleyn doontaa rajadeeda booska kaalinta afaraad ka hor kulanka ugu danbeeya ee xilli ciyaareedka.
MAXAA KA CUSUB
Goolhayaha West Ham Adrian ayaa ah xiddiga kaliya ee dhaawac kaga maqan kulanka ugu danbeeya ee ay kooxda ku ciyaareyso garoonka Upton Park ka dib 112 sannadood.
Goolhayaha reer Spain ayaa dhaawac kubka ah ku maqan sidaasi darteed Darren Randolph ayaa ciyaaraya kulankiisii ugu horeysay.
Weeraryahanka Manchester United Anthony Martial ayaa shaki uu ku jiraa taam ahaanshihiisa ka dib markii dhaawac muruqa ah looga saaray kulankii ay kooxdiisa ka badisay Norwich sabtidii.
Matteo Darmian ayaa dhaawac canqowga ah ku maqan, Marouane Fellaini ganaax ayuu ku maqan yahay, laakiin Daley Blind iyo Marcus Rashford ayaa dib loogu soo yeeri karaa shaxda.
SHAXDA MACQUULKA AH:
West Ham: Randolph; Antonio, Reid, Ogbonna, Cresswell; Kouyate, Noble, Sakho, Lanzini, Payet; Valencia
Man Utd: De Gea; Valencia, Smalling, Blind, Rojo; Schneiderlin, Carrick, Lingard, Rooney, Mata; Rashford
MA OGTAHAY?
- Manchester United lagama badinin 14kii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League ay ka horyimaadeen West Ham, iyagoo badiyay 11 ka mid ah.
- Kooxda West Ham ayaa ku guuldareysatay inay shabaqa ka soo taabato Man United sideed ka mid ah 13kii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League.
Hordhac: West Ham v Man United – Red Devils Oo Kaalinta 4aad Kala Bixi Doonta Man City Haddii Ay Badiso Caawa Xilli Upton Park La Macsalaameyn Doono 112 Sannadood Ka Dib.
Kulanka: Premier League Garoonka: Upton Park Waqtiga: 9:45pm Saacada Geeska Afrika Garsoore: Mike Dean