HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 8-DA JUUN 2022

1
Wednesday June 08, 2022 - 08:45:23 in Wararka by
  • Visits: 420
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 8-DA JUUN 2022

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Villa Somalia oo war kasoo saartay booqa shadii Xasan Sheekh uu ku tegay w/ Gaashaandhigga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Ma xamuud oo Shalay kormeer shaqo ku tagay xar unta Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa tilmaa may in dowladdu ay xoogga saari doonto howlgall ada dalka looga xoreynayo kooxda argagixisada ah ee Al -Shabaab.

Madaxweynaha oo ugu horreyn salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Xoogga Dal ka Soomaaliyeed ayaa waxa uu kormeeray Xafi isyada ay ku shaqeeyaan talisyada kala duwan ee Wasaaradda Gaashaandhigga, isaga oo warbix inno ka dhageystay hoggaannada Ciidamada Xoogga Dalka.

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ahna Taliyaha Guud ee CQS ayaa qalabka isga arsiinta Xoogga Dalka kula xiriiray qaar ka mid ah saraakiisha iyo ciidamada Soomaaliyeed ee ku sugan jiidaha dagaalka ka dhanka ah argagixisa da Al- Shabaab, waxa uuna ku bogaadiyey sida naf-hurninada leh ee ay dharaar iyo habeen wal ba heegan ugu yihiin difaaca dadkooda iyo dalkoo da, sidoo kale madaxweynuhu waxa uu la wad aagay ciidamada sida ay dowladda uga go’an tah ay xaqiijinta amniga guud ee dalka,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Villa Somalia.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeerkiisii ugu horreeyey ku tagay Wasaaradda Gaashaan dhigga, kadib dib u doorashadiisa ayaa u kuur gal ay xaaladda Ciidamada Qalabka Sida, waxaa uu na muujiyey sida ay dowladda federaalka uga go’ an tahay xaqiijinta amniga guud ee dalka.

Axmed Madoobe Oo Soo Gaaray Muqdisho Soona Bandhigay Arrin Cusub.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa Shalay soo gaaray Muqdisho, isagoo ka qe yb galaya munaasabadda caleema saarka Madax weynaha Soomaaliya Xasan Sheekh.

Imaanshaha Axmed Madoobe ayaa ka duwa neyd safaradii uu horray ugu imaan jiray Muqdi sho oo ay Ciidamo fara badan oo hubeysan soo hor-mar jireen, isagoo sidoo kalen deegaan ka dhigan jiray gudaha Hotelada ku yaal Garoonka Diyaaradaha.

Waxaa socdaalkiisa ku wehliyay Ilaalo dharc ad oo kooban, waxaana uu degay agagaarka Madaxtooyada Villa Somalia oo muddo sanado ah aanu degin intii uu jiray mad-madowgii u dhaxe eyay Maamulka Jubbaland iyo dowladdii hore oo mar isku dayday inay ka soo xirto Kismaayo, iya doo adeegsaneysay Ciidamo Kumaandoos Itoo biyaan ah.

9-ka bishan oo ku beegan Khamiista ayaa lagu wadaa iney Muqdisho ka dhacdo caleena saarka madaxweynaha cusub, iyadoo munaasabada lagu marti qaaday Madaxweynayaasha Jabbuuti iyo Kenya, Raysal Wasaaraha Itoobiya, Madaxweyn aha Deegaanka Soomaalida iyo Madax ka socota Soomaalida Kenya ayaa ka soo qaybgeleya iyo dabcan hoggaamiyayaasha Maamullada DFS.

Yaasiin Farey oo ka hadlay kiiskii Ikraan Tahliil iyo arrimo kale oo xasaasi ah

Ku-simihii hore ee hey’adda nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA, Xildhibaan Yaasiin Farey ayaa markii ugu horeysay bixiyey wareysi uu qeybo ka mid ah uga hadlay kiiska dilkii Ikraan Tahliil Faarax oo maqan mudo ku dhow hal sano.

Yaasiin Farey ayaa ku adkeystay in Ikraan Tahliil ay dileen Al-Sha baab, isagoo shee gay in arrint aas ay ku ogaa deen baaritaan uu sa me eyey intii uu ahaa Taliyaha NISA ee gobolka Banaadir.

Wuxuu sheegay in markii Ikraan la waayey uu tali ye ka ahaa nabad sugidda gobolka Banaadir, hal ka Fahad Yaasiina uu dalka ka maq naa sida uu sheegay, kadibna isaga loo xil-saaray in kiiska Ikraan uu baaro.

Sidoo kale Yaasiin Farey ayaa ku celceliyey in kiiska Ikraan Tahliil la siyaasadeeyey, balse faylal ka baaritaankii la sameeyey ay yaallaan xarunta NISA iyo maxkamadda ciidamada oo ay ku waree jiyeen.

Sidoo kale Xildhibaan Yaasiin Farey oo wareys igaan siiyey TV-ga SMS ayaa ka hadlay ciidama da tababarka loogu qaaday dalka Eritrea, kuwaas oo uu sheegay in faahfaahin badan uusan ka he yn, markii laga reebo in dalka ay tababar ugu maqan yihiin.

"Waxaan ciidamada qaranka ku soo dhex jiray 13 sano oo dalkaan waan u soo dakanoobay, had da waxaan ku biiray baarlamaanka, waxaan soo noqday taliye degmo, taliya qeybta gobolka Ban aadir ee NISA iyo Taliyaha guud ee hey’adda NISA, weligey gacanteyda, amar aan bixiyey ama aan ogahay, laguma dhibaateyn qof Soomaaliye ed, waxaana dalbanayaa cafis guud,” ayuu yiri Yaasiin Farey.

Sidoo kale wuxuu sheegay in qof kasta oo wax ka tirsanaya uu lasoo wadaagi karo, isagoo cafi yey qof kasta oo wax uusan egysan ku eedeeyey ama ku nabay, haatan wuxuu sheegay inuu xoo gga saari doono dhanka hagaajinta shuruucda dal ka, maadaama uu noqday xildhibaan, isagoo mid mid ugu mahad celiyey saraakiishii lasoo shaqeys ay waayihii dambe.

Kulan Looga Hadlayay Amniga Xaflada Calee ma Saarka Madaxweynaha Oo Muqdisho Lagu Qabtay.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa M/Muqdisho Cumar Filish ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaar-garowga sugida Amniga Caasimada Maalinta Caleema Saarka Madaxweynaha Jamhuuri yadda Federaalka Soomaa liya.

Shirkan oo ka dhacay Aqalma dowladda Hoose waxaa kasoo qeyb galay Wasiirka Wasaarada Amn iga DFS, Taliyaha Cii danka Booliska Soomaaliya, Taliyeyaasha Qeybta Guud ee Booliska iyo Nabadsugida, Dhamaan Saraakiisha Saldhigya da iyo Guddoomiyeyaasha Degmoo yinka Gobolka Banaadir.

Shirkaan ayaa la iskula dar-daarmay in ahmi yad guud la siiyo maalinta 9-ka june 2022 oo ku beegan Khamiis taasi oo dhici doonto Caleema Saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaa lka Soomaa liya Mudane Xasan Sheekh Maxa muud. Sidoo kale Bulshada Caasimada ayaa looga codsa day shirkaan in dulqaad iyo adkeesi ay mu ujiyaan labada maalin ee fooda inagu soo heyso, taasi oo Caasimada ay ka dhici doonto xaflad aad muhiim ugu ah Dowladnimada, isla markaana ay ka soo qeyb geli doonaan wufuud heer caalami oo Madaxweyney aal leh. Isla markaana ay dhici karto culeesyo dhan ka Amni in laga dareemo Caasimada.

Ninkii dilay Amina Maxamed oo lagu toogtay Baydhabo

Maxkamadda Gobolka Baay ayaa Shalay xukun dil ah ku fulisay Maxamed Xasan Maxamed (Goomey), ka dib markii lagu helay inuu dilay ha weeney lagu magacaabi jiray Amina Maxamuud Malaaq Isaaq.

Dilka ayaa Jimichii ka dhacay hoyga uu nink aasi ka deganaa xaafadda Buulo Jameeco ee Magaalada Baydhabo, ka gadaal markii uu u shee gay inay hoygiisa ugu timaado, si uu ugu

wareejiyo gurigaasi, sababo ku aaddan isagoo ku andacooday inaanu bixin karin lacag ay hawe eneydaasi ku laheyd, lacagta bedelkeedana uu gurigiisa ku wareejin doono. Meydka haweeney dan ayaana Axaddii la soo dhaafay laga helay su uligagurigaasi. Xeer Ilaalinta ayaa ninkaasi ku eedeysay inuu gaystay dil naxariis darro ah, iyado ona Garsooraha Maxkamadda ka codsatay inay xukun dil ah ku xukunto.

Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Baay, Sheekh Cumar Maxamed Nuur ayaa ku dhawa aqay in Maxkamaddu ay ninkaasi ku xukuntay xukun dil toogasho, oo ah qisaastii marxuumad Amina Maxamuud Malaaq.

Goomey ayaa isla Shalay lagu toogtay fagaare ku yaala Magaalada Baydhabo, oo dadweyne fara-badan ay isugu soo baxeen.

Somaliya & Maraykanka oo ka wada hadlay xoo jinta dib u habaynta dhaqa alaha Somaliya.

Wasiirka Maaliyadda ee xukuumada xil gaarsiinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Bayle ayaa la kulmay Safiirka Mareyka nka ee Soomaaliya, Larry André.

Waxay ka wada hadleen heerka uu marayo dib u habe ynta dhaqaalaha Soomaaliya iyo sidii loo sii xoojin lahaa guulaha la gaaray ilaa hadda.

Wasiir maaliyadda Soom aaliya Bayle ayaa wux uu sheegay, Maraykanku in uu aad u taag eersan yahay isbe dellada dhaq aale ee Soom aal iya ay ku talaabs atay sanadihii ugu dambeeyay.

Maraykanka oo ah maalgal iyaha ugu weyn ee Soomaal iya, waxa uu dowladda cusub ee madax weyne Xasan Sheekh ku booriyay in mudna anta la siiyo horumarinta ciidamada ammaanka si ay buuxda mas'uuliyadda amni ugala wareegaan howlgalka nabad ilaalinta ee ATMIS.

Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF oo fadh igeedu yahay dalka Maraykanka, ayaa dhowaan ogolaatay inay kordhiso muddada barnaamijk eeda kaalmada maaliyadeed ee Soomaaliya, ka dib markii lasoo gabagabeeyay doorashadii mad axweynaha dalka. Muddo kordhintu waxay furs ad siinaysaa waqti lagu xaqiijiyo heshiisyada

Siyaasadda ee dawladda cusub.


DF Soomaaliya oo kordhisay qiimaha Xajka sanadkan

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa sare u qaaday qiimaha Xajka ee sanadkan, sida lagu sheegay warsaxafaadeed kasoo baxay guddiga sare ee qaabilsan adeegga Xajka.

Qoraalka guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in qiimaha Xajadka ee sanadkan lagu jaan-gooyey lacag dhan $5,230,00 (Shan kun labo boqol iyo soddon Dollar), kadib markii uu qiimayn ku sam eeyay daruufaha iyo isbeddelada ku yimid adeegyada Xajka ee Sacuudiga.

Sidoo kale guddiga ayaa faray shirkadaha ka shaqeeya adeegayada Xujeyda Soomaaliyeed in ay sare u qaadaan tayada adeegooda, isla-mark aana ay la yimaadaan hufnaan.

Halkan hoose ka aqriso:-

Guddiga Tartanka Adeega Xajka ee sanadka 1443/2022 kadib Markuu sameeyay xog uruurin iyo qiimeyn la xiriirta isbedelka ku yimid sicirka adeegyada xujeyda ee gudaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya, duulimaadyada iyo khara shaadka kale ee lagama maarmaanka u ah ade egyada Xujeyda sanadka 1443/2022.

Markuu Tixgeliyay baahiyada iyo duruufaha sana dkan hareeyay guud ahaan Xujeyda caalamka gaar ahaan Xujeyda Soomaaliyeed.

Markuu Tixgeliyay tala soojeedinta mas’uul iyiinta shirkadaha sanadkan adeegaya Xujeyda Soomaa liy eed bMarkuu latashi la sameeyay ma s’uuliy iinta sar sare ee Wasaaradda ayaa la jaan gooyay sicirka Qiimaha xajka ee Sannadkan oo ku bax aya (Caafimaadka, Shaqaalaha Gudaha iyo Adeegyada kale).Wuxuu soo saaray jaangoo yada sicirka hoos ku xusan:-

Maxay Ka Wada Hadleen Sheikh Aadan Mado obe Iyo Safiirka Imaaraatka?

Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madobe oo kulan la yeeshay danjiraha dalka isu-tagga Imaaraadka Carabta Amb. Mohamed Ahmed Othman Al Hammadi ayaa Shalay kul ankoodi waxaa uu ku sabsanaa adkeynta iyo soo ceelinta xirirka walaltinimo ee labada dal.

Safiirka dowladda Imaaraadka ayaa xusay dowladda Imaaraadku ay diyaar u tahay in Golaha shacabka JFS ay kala shaqeyn doonaan tayeynta iyo horumarinta shaqaalaha.

Guddoomiyaha Golaha shacabka BJFS mudane Sheekh Aadan Madoobe oo bogaadiyey taageerada dowladda Imaaraadka Carabta u heyso shacabka Soomaaliyeed ayaa sheegay in la xoojin doono xirirka Baarlamaanka JFS iyo kan Imaaraadka Carabta.

Galmudug Oo Hay’adaha Samafalka U Diray Farr iin Ku Aaddan Dadka Barakacayaasha Ah

Axmed Maxamed Shire (Qoodaar) guddo omiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Mudug ayaa hay’adaha samafalka iyo maamulka Galmudug ka codsaday in ay gargaar bini’aadannimo u fidiyaad dadka barakacaaysha ah ee ku nool duleedka Gelinsoor.

Guddoomiye Qoodaar oo hoggaaminayay wafdi ka socday dowlad goboleedka Galmudug iyo xubno ka tirsan hay’adda IRC ayaa kormeer ku sameeyay ceelasha biyaha, Isbitaalka iyo xerada barakacayaasha Gelinsoor, iyagoo ka waraysatay baahiyahaxagga nolosha.

Xubno ka mid ah barakacayaasha Gelinsoor ayaa wafdiga u sheegay inaysan hay’adaha sam afalku waxba u qaban marka laga reebo IRC oo muddo ka hor u samaysay biyo gelin, una qodday Suuliyaal.

Axmed Maxamed Shire (Qoodaar) guddoomi ye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda gob olka Mudug ayaa ugu dambayn maamulka Galga duud iyo hay’adaha samafalkuba ugu baaqay inay kormeer ku yimmaadaan Gelinsoor kana jawaab aan baahiyaha ay qabaan.

Adeegga Interneetka oo ka go’naa qaybo ka mid ah waddamada Bariga Afrika oo dib loo helay.

Wararku waxay sheegayaan in Soomaaliya adeegga interneetka uu ka maqan yahay lamana oga sababta, in kastoo wararku sheegayaan in qeybo kamid ah dalalka Bariga Afrika uu ka go’an yahay Internet ka.

Adeegga Interneetka cilladda ku timid oo aan la ogeyn waxa sababay ayaa la sheegayaa saa meyntiisa in laga dareemay qaar ka mid ah waddamada Bariga Afrika.

Shirkadaha bixiya adeeg ga korontada inkasta oo ay war ka soo saarin cilladda ku timid adeeggaasi haddana waddamada Bariga Afrika uu Interneetka Shalay gelinka dambe uu ka go’naa waxaa ka mid ah Soomaaliya iyo Ke nya.

Dhanka kale waxaa lagu guulaystay in adeega internetka dib loo soo celiyayay iyadoo la dha maystiray in la hagaajiyo cladding loo wayay ade ega Internetka, iyaddo si caadi ah uu dib ugu soo laabtay isticmaalka adeega Internetka.

Muwaadin Soomaali ah oo Habeen hore mar kale lagu Dilay K/Afrika.

ALLAHA u Naxariistee LABO SOOMAALI ah Oo mid kamida lagu Magacaabi jiray Yaasiin Cum ar, ayaa goor dhow lagu Dilay Weerar ka dhacay Tuulada Khayelitsha gaar ahaan (SIDE B) oo ka tirsan Magaalada Cape Town ee Dalkani Koonfur Afrika.

Labo Muwaadin oo Mal awian ah, ayaa sidoo kale dhacdadan lagu Toogtay, sida ay sheega yaan Soo maalida deegaanka oo ku suganayeen halka ay mashaqadu ka dhacday. Habeen hore aheyd, markii Walaal Blaki oo aad loo yaqa anay lagu dilay Cape Town.

Isha warka C/risaaq Indha Jaceel

Mareykanka: Meydka Wiil Dhalinyaro Soomaali ah oo Webi dhexdiisa laga helay

Muddo 5 Cisho ah ayaa la la’aa Alle u Naxari istee Cabdiraxmaan Cabdifitaax Cali oo ahaa Wiil Dhalinyaro Soomaali ah oo kunoolaa Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee dalka Mareyanka, hayeeshee ugu dambeyn meydkiisa la helay. Wiilka oo dhiganayay Jaamacadda Minni sota ayaa baaritaano ay sameeyeen Ciidamada Amniga waxaa ay ku guuleysteen inay meydkiisa kasoo saaraan webiga Mississippi ee Magaalada Minneapolis.

Qaar kamid ah Ardaydii uu Jaam acadda la dhiganayay ayaa goor hore u gudbiyay Ciifamada Bool oska iyo Waa lidiintiisa in uu ku sugnaa Cab diraxmaan Agag aarka webiga Mississippi, taas oo ugu dambeyn la oga aday in uu ku dhacay kuna dhex dhintay.

Dhowr jeer ayaa sidaan oo kale waxaa webiga Mississippi ee MagaaladaMinneapolis ee dalka Mareykanka ku dhacay Dhalinyaro Soomaali ah, waxaana Waalidiinta kunool Magaaladaas ay cab asho la xiriirta wabiga u gudbiyeen laamaha Amni ga balse aysan waxba ka qaban.

Xisbiga Waddani oo soo buuxiyay xubintoodii Guddida Doorashooyinka Somaliland

Xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani, ayaa soo magacaabay isla markaana madaxw eynaha u gudbiyay xubinti ay Guddida Doora shooyin ka Somaliland ku lahaay een oo dhawaan is casishay.

Xubintan uu xisbiga Waddani soo magac aabay ayaa horseed u noqon doonta dib u yagle elida guddida doorashooyinka oo dhamaan 7-dii xubnood ee ay guddidaasi ka koobnayd ay dha waan iscasileen kadib khilaaf soo kala dhexgalay oo aan xal loo helin.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Ca bdi, ayaa xisbiga Waddani uga mahadceliyay soo buuxinta xubinta uu xisbigu ku leeyahay guddida doorashooyinka, wuxuuna hay'adaha kale ee xubnaha ku leh guddida ugu baaqay in ay si dha khso ah usoo buuxiyaan xubnohoodii iscasilay.

"Madaxweynaha jamhuuriyaddu waxa uu uga mahad-celinayaa xisbiga Waddani sida dha khsaha leh ee ay u soo magacaabeen xubintooda cusub ee Komishinka Doorashooyinka Qaranka. Waxaanu madaxweynuhu codsi u gudbinayaa in hay'adaha kale ee qaranka ee xubnaha ku leh ma gacaabista xubnaha Komishinka Doorashooyin ka Qaranka" ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay madaxtooyada.

Iscasilaada Guddida Doorashooyinka Soma liland, ayaa ku soo beegantay xili xasaasi ah, oo loo baahnaa in shaqo la qabto, xili ay ahayd in la guddo galo diwaangalinta codbixiyayaasha si lo ogu diyaar garoobo doorashooyinka soo foodleh. Mucaaradka ayaa aad u danaynaya in guddida si

dhakhso ah dib loogu soo dhiso.

Darbaweyne oo Banaan-bax ka iclaamiyey Muqdisho, una digay Farmaajo

Muxudiin Darbaweyne oo ka mid ah odayaasha dhaqanka ee magaalada Muqdisho ayaa dadka ku nool gobolka Banaadir ugu baaqay inay dhig aan banaan-bax ay uga soo hor jeedaan ololaha magaalada ka socda ee guriga loogu dhisayo Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Farm aajo.

Muxudiin ayaa carab ka ku adkeeyey in Far ma ajo iyo kooxdiisa ay wadaan fowdo ka dhan ah dowladda cusub, isla markaana aysan u dul-qa ada doonin in Farma ajo oo indha sarcaadiyo dadka reer Muqdisho.

"War dadka reer Muqdishow in Madaxweynihii la doortay ay dad kale Madaxweyne kale ka geys dhistaan ma raalibaad ka tihiin? Maxaa dhacay maad waxaan ka dhiidhisaan, ma qaada karno waxa socda ee banaan-baxyo aan uga hor tagno, war reer Muqdisho laba Madaxweyne ma yeela karaan,” ayuu yiri Muxudiin Darba weyne.

Sidoo kale Nabad oon Muxud iin ayaa Far maajo ugu baaqay in uu ka xishoodo dadka reer Muq disho, isagoo ugu baaqay inay dalka isaga bax aan dadka fowdada ku bilaabay dowladda Mada xweyne Xasan Sheekh.

"War reer Muqdishow dadkaan hadey inka xi shoo waayaan iska qabta oo garaaca, qof kasta qof haku aado, maxay buuq noogu furayaan 3 bi lood ayaa Farmaajo ra’iisul wasaare laga suga yee, maxaa laga rabaa Xasan Sheekh oo aan bil dhameysan?” ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku sii daray, "Dulmi, jidadka oo la idinka xiro, dil iyo cagajugleyn horaad uga soo daasheen reer Muqdishow ee iska qabta Farma ajo iyo kooxdiisa, magaaladaan labo madaxwey ne ma yeela karto, Madaxweynaheenu waa Xas an Sheekh.”

Wuxuu ugu baaqay Farmaajo in shantii sano ee la sugaayey oo kale uu sugo Xasan Sheekh, "Hadii aad Farmaajo baaqeena maqli weyso waa la iska kaa qabanaa, war waa inaad deg deg dal ka uga baxdaan dadkiina fowdada wadow, laba dowladood ma wada joogi karaan Muqdisho, wixii idinku dhaca masuul kama nihin, hadaa ka dhiga adeygtaan baaqeena,” ayuu yiri Muxudiin Darb aweyne.XIGASHO:-CAASIMADDA.NET

Jigjiga : Qiimaha maciishada oo wali sare u kac laga dareemayo magaalada xilli la sheegay in Sarrifka Dollarku uu hoos u dhacay

Iyadoo maalmihii u dambeeyay lasoo sheega yay in hoos u dhac uu ku yimid sarrifka dollarka ee magaalo xuduudeedka Wajaale, ayaa haddana wax aa jirta in taasi aysan saamayn ku yeelan mac iishadii magaalada Jigjiga oo wax walba uu halkiisii un marayo.

Haddaba suuqyada magaalada Jigjiga ayaa wali waxaa laga dareemayaa sare u kaca qiimaha maciishada daruuriga ah, iyadoo waxyaabaha uu dadku aadka u isticmaalo ay marayaan qiimahoodii hore, tusaale Saliidda cuntada ee 5ltr waxay Jigjiga ka maraysaa 1050 Birr, oo u dhiganta qiyaastii 14 dollar.

Dadka degaanka ayaa is waydiinaya sababta aan wali waxba isku badalin, maadaama lasoo sheegayo in hoos u dhac wayn uu ku yimid Sarrifka Dollarka ee magaalo xuduudeedka Wajaale, oo ah halka laga jaangooyo Sarrifka lacagaha qalaad.

Dowladda Itoobiya ayaa maalmo ka hor go'aano wax lagaga qabanayo Sicir bararka soo saartay, iyadoo xadiday awoodda dhaqdhaqaaqa bangiyada ku yaal magaalo xuduudeedka Wajaale, taas oo markii dambe la sheegay in culays halkaa ka yimid uu sababay in sarrifkii Dollarku uu hoos u dhaco, balse aan wali saamayn muuqda ku yeelan maciishadii daruuriga ahayd ee ay dadku isticmaalayeen.

Dowlad degaanka Soomaalida ayaa inta badan waxyaabaha dadku isticmaalaan ee maciishada ah waxay ka yimaadaan ama kasoo galaan dhinaca magaalo xuduudeedka Wajaale, halkaas oo ganacsatada wax soo iibsanaysa loogu jaangooyo hadba inta uu marayo Sarrifka Dollarku, maadaama lacagta wax lagu soo iibsanayo ay tahay lacagta Dollarka.

Madaxweyne Raadinaya Musharax Uu Ku Taageero Doorashada Dalkiisa

Madaxweynaha dalka Nigeria Muhammadu Buhari, ayaa weli ka fikiraya musharax uu ka door bidi lahaa xisbiga talada haya ee All Progressive Party (APC) si uu xilka kala wareego, sida uu sheegay afhayeen kiisa Isniintii, maalin ka hor shirweynaha lagu soo dooranayo musharaxa xisbigan uga qeybgeli lahaa doorashada madaxweynaha ee sana dka soo sosocda.

Madaxweyne ku xigeenka Yemi Osinbajo iyo Bola Tinubu, oo ahaa guddoo miy ihii hore ee Lagos, ahna nin siyaasadda ku awood badan, ayaa loo arkaa inay yihiin kuwa ugu cadcad ee matali doona APC inta lagu guda jiro codbixinta madaxweynaha ee bisha Febraayo soo socota.

Buhari, oo dastuurka Nigeria ka mamnuucayo inuu tartamo, ayaa xilka ka degi doona sanadka soo socda siddeed sano oo uu xilka hayay kaddib, taasoo keentay in si weyn loo hadal haayo qofka Buhari uu taageeri doono inuu noqdo bedelka uu jecel yahay.

Laakiin afhayeenka madax weynaha Garba Shehu ayaa sheegay in Buhari uu u sheegay guddoomi yeyaasha gobollada ee APC ee woqooyiga Nigeria intii lagu jiray shir Isniintii in uusan "musharax gooni ah dooran.

Ruushka Oo Sheegay In Ay Burburiyen Warshad Hubka Sameysa

Ruushka ayaa ku andacoonaya in uu burburiyay dhismayaal warshadeed oo ku yaallay warshad dayactir ku samaynaysay baabuurta hubaysan ee Ukraine oo ku taalla gobolka Kharkiv.

Ruushka Oo La Sheegay Inay Suuragal Tahay In Uu Gobolka Kherson Afti Ka Qabto

Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa sheegtay in diyaarad kale oo militariga Ukraine la soo riday, sidoo kale.

Ruushka ayaa sidoo kale sheeg anaya in 18 kale oo ka mid ah, taan giyada Yukreen ayaa sidoo kale la bu rburiyay waxaana la dilay 450 oo kamid ah daga alamayaasha Ukraine.

Booliska Nigeria Oo War Kasoo Saaray 20 Qof Oo Lagu Dilay Kaniisad

Booliiska dalka Nigeria ayaa sheegay in rag hubey san oo malintii Axaddii dad ka badan 20 qof ku dilay kaniisad ku taalla dalkaasi ay iska soo dhigeen dad cibaadeysanayay.Afhayeen u hadlay booliska ayaa sheegay in kooxda weerarka soo qaadday ay gudaha dhismaha bambooyin ku qarxiyeen, halka kuwo kale oo dibadda joogay ay rasaas ku fureen dadkii halkaa joogay.

Ilaa iyo hadda ma cadda sababta ay u fuliyeen weerarka ka dhacay magaalada Owo ee koofur-galbeed.

Booliisku sidoo kale wali ma shaacin tirada rasmiga ah ee weerarkaasi ku dhimatay.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay "si adag u cambaaraynayso weerarrada arxan darada ah ee lagu hayo dadka cibaadaysanaya”, sida lagu sheegay bayaan uu soo saaray afhayeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay isaga oo ku hadlaya magaca Isu-duwaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Nigeria, Mattias Schmale.

Natiijada codkii kalsoonida ee loo qaaday R/W Boris Johnson

Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa ka badbaaday cod kalsooni ah oo ay u qaadeen xildh ibaanada xisbigiisa Co nservative-ka, hase yee shee waxaa aad loo wi iqay awooddiisa ayaada oo tiro aad u badan ay diideen.

Natiijada codka loo qaaday Johnson ayaa noqotay 211-148, taasi oo uu ku qeexay "natiijo qayaxan oo lagu qanci karo.”

"Dowlad ahaan horey ayaan u socon karnaa oo diiradda saari karnaa arrimaha muhiimka ah,” ayuu weriyayaasha u sheegay. Codka — oo yimid laba sano un kadib markii uu si aqlabiyad leh ugu guuleys tay doorashada guud — ayaa la keenay kadib markii xisbiga Tory-ga ay hareeyeen fadeexado dhowr ah.

Waxaa ugu weynaa fadeexadda "Partygate” ee soo shaac baxday markii uu xaflad ku qabtay xafi iska Downing Street xilli shacabka kale la geliyey xa yiraad sababo la xiriira cudurka Coronavirus, taasi oo dhalisay caro dadweyne, kana dhigtay ra’iisul wa saarihii ugu horreeyey ee sharciga jebiya isaga oo xafiiska jooga.

Johnson oo 57 jir ah ayaa u baahnaa taageerada 180 xildhibaan si uu u badbaado — taasi oo ah aqla biyadda 359-ka xildhibaan ee xisbigiisa ugu jira baarlamanka.

Guuldarro ku dhacda ayaa ka dhignaan laheyd in ay soo geba-gebowdo hoggaankiisa xisbiga iyo xilka ra’iisul wasaaraha.

Waxaa hadda ay diiradda u wareegeysa haddii Johnson uu ka badbaadi karo inuu lumiyey kalsoon ida tiro sidaas u badan oo ah xildhibaanadiisa — iyo haddii wasiiro sare ay is-casili doonaan.

Codbixino hore oo ay sameeyeen xubnaha Tory-ga,Margaret Thatcher iyo Theresa May ayaa labad aba ugu dambeyn is-casilay inkasta oo ay si dirqi leh uga badbaadeen codka kalsoonida oo loo qaaday.

"Dowladda Conservative-ka waxay hadda rumey san tahay in jebinta sharciga aysan caqabad ku aheyn sameynta sharciga,” waxaa sidaas yiri Keir Starmer oo ah hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ee Labor-ka.

"Xisbiga Conservative-ka wuxuu hadda rumeysan yahay in shacabka Britain aysan xuquuq u laheyn inay fishaan siyaasiyiin daacad ah,” ayuu yiri.

Codbixinta ayaa saaka oo Talaado ah qabsatay bogagga hore ee wargeysyada Britain, ayada Boris Johnson loogu yeeray "nin dhintay oo socda.”


MA LA JOOGAA XILLIGI AFRIKA LAGA RAALI GELIN LAHAA DHIBAATADII GUMAY SIGA?

Taalladda Boqor Leopold II ayay dibedbaxayaal dhawaan ku burburiyeen dalka Belgium

XIGASHADA SAWIRKA, GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,

Taalladda Boqor Leopold II ayay dibedbaxayaal dhawaan ku burburiyeen dalka Belgium

Boqorka Belgium, Phillipe, ayaa booqashad iisii u horreysay ku tegi doona Jamhuuriyadda Dimuq raadiga Congo oo ah dal ay gumaysteen awoowa yaashiis, waxaana uu doonayaa inuu xiriir dhaw la yeesho waddankaas xornimadiisa qaatay 60 sano ka hor.

Waxaa safarka ku wehlin doonaa xaasiiskiisa, Bo qorad Mathilde iyo xubno ka tirsan dowladda Bel gium oo uu kamid yahay Ra'iisal wasaare Alexander De Croo. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraa diga Congo, Felix Tshisekedi ayaa martiqaad u fidiyay boqortooyada.

Booqashada ayaa ku soo beegmaysa laba sano ka dib markii uu boqorka sheegay inuu "si weyn uga xun yahay" dhibaatada uu geystay gumaystihii dalk iisa.

Boqorka ayaa kamid ah firka boqor Leopold II oo xukunkiisii qarnigii 19-aad uu dilay in ka badan 10 Milyan oo Afrikaan ah, isla markaana uu geystay tac addiyadii ugu xumaa ee xilligii gumaysiga.

Boqor Phillipe oo sanadguuradii 60 ee xornimada Congo warqad u diray Madaxweyne Tshisekedi ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay wixii dhacay, balse wax raaligelin ah kama uusan bixin.

Booqashadan ayaa la rumaysan yahay inay furs ad u noqon karto in boqorka uu si rasmi ah raaligelin u siiyo shacabka Congo.

Ma aha markii u horreysay ee Madaxda Galbeed ka lagu qabsado tacaddiyadii ay dalalkooda geyst een xilligii gumaysiga.

Dalalka qaar ayaa dhibkii dhacay ka bixiyay raa ligelin rasmi ah, halka kuwo kalena ay qireen oo ke liya inay jiraan dhacdooyin gaar ah oo xiiligaa dha cay.

Dadka dhaliila gumaystihii ayaa sheega in raali gelinta aanay waxba ka tarin tacaddiyadii dhacay iyo saamaynta taagan ee uu reeban gumaysiga.

Sanadihii la soo dhaafay, dalalka UK, Jarmalka iyo Faransiiska ayaa lagu dhaliilay sida ay uga aamu seen falalkii ay geysteen madaxdii hore ee soo maray.

Dad Congo u dhashay oo uu gumaystihii gacma ha ka jaray.

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,

Dad Congo u dhashay oo uu gumaystihii gacmaha ka jaray.

Taariikhda gumaysigii Congo

Boqorkii Belgium, Leopold II, ayaa shirkii Berlin ee 1885 ay Yurubiyaanku ku kala qeybsadeen qaar adda Afrika waxaa lagu wareejiyay aagga webiga Co ngo. Waxa uu ula baxay Congo Free State oo ka dhigay dhul isaga gaar u ah oo uu ka sameysto sida uu doono. Durbadiiba waxa uu nidaamkiisii noqda y mid dad ka adoonsada oo ka dhiga shaqaale u gura macdan ta iyo kheyraadka kale ee halkaa laga helo. Waxaa ji ray amar ah in gacmaha laga jaro dadka keeni waa ya xaddiga looga baahan yahay.

Markii ay bilowdeen dibedbaxyadii Black Lives Matter, kumannaan ah shacabka Belgium ayaa isu gu soo baxay waddooyinka dalkaas iyagoo dowladd ooda ugu baaqay inay dib u eegto taariikhdaas mad ow.

Dibedbaxayaasha ayaa burburiyay taallooyinka Boqor Leoppld II looga dhisay guud ahaan dalkaas Belgium, waxaana markii dambe laga saaray goob aha ay ku yaalleen.

Maxaabiis laga soo qabtay kacdoonkii Ovaherero

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,

Maxaabiis laga soo qabtay kacdoonkii Ovaherero

Talyaaniga iyo Afrika

Talyaaniga oo Afrika ka gumaystay dalal ay kamid yihiin Soomaaliya iyo Liibiya ayaa lagu eedeeyay in ciid amadiisii gumaysiga ay dadkii la dagaallamayay u adeegsadeen hub kiimiko ah, ayna tacaddiyo ba' an ka geysteen qaaradda.

Tirada dadka uu Afrika ku laayay gumaystihii Taly aaniga ayaa la sheegay inay ka badan tahay milyan qof. Sidaa oo ay tahayna, siyaasiyiinta Talyaaniga wax garawshiiyo ah ama raaligelin ah kama aysan bi xin dhibaatadaas ay geysteen madaxdoodii hore.

Jarmalka iyo xasuuqii Namibia

Jarmalka ayaa sanadkii 2021 waxa uu si rasmi ah u qiray inuu dalka Namibia ku dilay tobannaan kun oo qof. Waxaa la rumaysan yahay in Jarmalka uu sanadihii u dhexeeyay 1904 iyo 1908 uu dalkaas ku dilay dad gaaray 70,000 oo isugu jira qowmiyadaha Ovaherero iyo Nama ee waddankaas.

Dhulkoodii iyo xoolahoodii ayaa sidoo kale laga qaatay, taasoo ciqaab u ahayd inay ka qeyb qaateen kacdoon ka dhan ahaa gumaystihii Jarmalka.

Jarmalka ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu bixiyo xaal marin ku aaddan dhibaatada ballaaran ee uu u geystay dadkaas, balse kuma aanu tilmaamin magdhaw. Waxa uu ballanqaaday in lacag dhan 1.3 bilyan oo dollar uu ku caawin doono horumarka dalk aas.

Lacagta ayaa la filayaa in muddo 30 sano ah la si iyo xubnaha qowmiyadaha Ovaherero iyo Nama.

Hase yeeshee Uahimisa Kaapei oo kamid ah dad ka awoowayaashiis lagu laayay Namibia ayaa ka bi yo diiday heshiiska. "Waa kaftankii qarniga. Waa in dowladda Jarmalka ay noo timaado oo ay si toos ah raaligelin noo siiso," ayii yiri.

Faransiiska iyo Algeria

Ku dhawaad kala bar waddamada Afrika ayaa mar hoos tegi jiray gumaystihii Faransiiska. Lixdan sano ka dib markii ay intooda badan xorriyada ka qaateen, waxaa weli jiilasha cusub ay dareemayaan saamayn ta gumaysigaas.

Sanadkan, Algeria ayaa xustay 60 guuradii ka soo wareegtay markii ay xornimada ka qaadatay Faransii ska, kadib dagaal 8 sano socday oo dhammaaday 1962. Faransiiska ayaa si lamid ah gumaystayaasha kale waxa uu dafiraa qeyb kamid ah taariikhdiisa gu maysiga.

Bishii January 2021, xafiiska Madaxweyne Emm anuel Macron ayaa sheegay in Faransiiska "aanu bi xin doonin raaligelin ama magdhaw" ku aaddan taca ddiyadii uu waddankaas ka geysteen Algeria mudda dii 132 sano ee uu xukumayay. Waxa uu intaa raaciy ay inuu qaadi doono tallaabooyin xoojinaya dib u heshiisiinta. Madaxweyne Macron ayaa horay u codsaday "caf is" waxaa uu ballanqaaday inuu samaynayo sharci ku aaddan magdhaw la siiyo Algeria. XIGASHO:BBC

BOQORKA BELGIUM OO BOOQASHO DEG DEG AH KU TEGAY DALKA CONGO

Boqorka dalka Belgium-ka, boqor Philippe ayaa booqasho taariikhi ah ku tegey dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, oo ku yaalla gobol ay si naxariis darro ah ula dhaqmeen ugana faa’ii daysteen gumaystihii dalka Belgium, xilligii ay dalka as maamulayeen.

Safarka boqor Philippe oo qaadanaya muddo lix maalmood ah ayaa martiqaad rasmi ah ka helay madaxweyne Felix Tshisekedi, waxaana safarkani leeyahay muhiimad gaar ah isaga oo ku soo bee gmaya laba sano ka hor, markii uu boqor Philippe uu sheegay inuu aad uga xun yahay dhaawacyadii dal kaas ka soo gaadhay xilligii ay dalkaas gumaysan ayeen.

Booqashadan oo ah tii ugu horeysay ee uu Boqorku ku ta go dalka Congo tan iyo markii uu xilka qabtay sanadkii 2013-kii, ayaa waxaa la qorsheeyey in looga faa’iidaysto fursad dib u heshiisiineed oo lagu dhayayo boogihii iyo taca diyadii uu geystay maamulkii gumaysiga ee dalka Belgium xilligaa ay ka talinayeen dalka Congo.

Booqashada boqorka ayaa markii hore loo qor sheeyay inay dhacdo bishii June ee sannadkii 2020 si loogu beego dabaaldegga sannad-guuradii 60-aad ee ka soo wareegtay madaxbannaanida dalka Co ngo, hase ahaatee safarkaas ayaa dib loo dhigay sa babo la xiriira xanuunkii COVID19 ee xilligaas duni da ka dillaacay.

Ruushka Oo La Sheegay Inay Suuragal Tahay In Uu Gobolka Kherson Afti Ka Qabto

Sarkaal uu Ruushka u magacaabay gobolka Khe rson ee koonfurta Ukraine ayaa muujiyay in Moscow ay isku dayi karto inay qabato codbixin ku saabsan in Ruushka lagu daro gobolka Kherson.

"Waxay u badan tahay inay afti dhacdo ,” ayuu yiri Kirill Stremo usov, oo ah ku xigeenka mad axa maamulka ee ay magaal ada Kherson Kremlin-ka u magacaaben.

Ma uusan sheegin taariikhda la qabanayo aftida la sheegay ee suurtagalka ah, Waxayna u muuqataa mid aan macquul ahayn in codbixin lagu qabto gobol uu dagaal ka socdo.

Ciidamada Ukraine ayaa weerar rogaal celis ah ku qaaday Kherson.

Mareykanka Oo Dacwad Kusoo Oogay Milkiilihii Kooxda Chelsea

Maamulka dalkaas Mareykanka ayaa ganacsada ha Ruushka ah, ee Roman Abramovich ku soo oog ay dacwad ah inuu labo diyaaradood oo asal ahaan laga lahaa Mareykanka uu ku tagay Ruushka isagoo aan wax ruqsad ah haysan.

Sida ku qoran waraaqaha maxkamadda, dacwad oogayaa sha Federaalka ayaa hadda doo naya in ay qabtaan labadaasi diy aaradood.

Shati ayaa diyaaradahan looga baahan yahay sa babo laxiriira cunaqabataynta uu Maraykanku ku soo rogay Moscow si uu uga jawaabo duulaanka Ukraine ay ku qaadday.

Abramovich oo ah ninkii lahaa Naadiga Chelsea ayaa horay cunaqabteyn kooxdiisa ugu soo rogtay dowaladda UK, taasi oo keentay in uu go’aansado in uu iska iibiyo Chelsea .



OGAYSIISKA CALAAMADA GANACSIGA


IDV


OGAYSIIS WAXAA HALKAN LAGU BIXIYAY in calaamadda ganacsiga ee sare ku taal ay tahay hantida IVECO DEFENCE VEHICLES S.P.A., an Italian Joint Stock Companyof Via Alessandro Volta 6, Bolzano, Italy iyo in calaamad la mid ah gana csiga loo isticmaalo badeecadaha soo socda:

Fasalka 12:

Baabuurta;baabuurta dhulka; baabuurta warshadaha; baabuurta ganacsiga; gawaarida;basaska; basaska yaryar; ta babarayaal; baabuurta waaweyn; gawaarida xamuulka qaada; baabuurta dagaalka; baabuurta gaashaaman; gawaar ida dagaalka; baabuurta xamaasada leh; baabuurta gaashaaman ee xambaara; baabuurta la raad raaco; baabuurta gaa shaaman ee la dabagalay; gaadiidka dagaalka ee gaadiidka; baabuurta korontada; baabuurta korontada ku shaqeysa; ba abuurta isku-dhafka ah; gawaarida ku shaqeeya hydrogen; baabuurta unugyada shidaalka; matoorada loogu tala galay baabuurta dhulka, baabuurta warshadaha, baabuurta ganacsiga, Vans, basaska, basaska yaryar, tababarayaasha, baabuur ta xamuulka, kuwa xamuulka qaada, baabuurta ciidamada; baabuurta gaashaaman, kuwa dhulka, gawaadhida dagaal ka, baabuurta dagaalka, baabuurta dagaalka, baabuurta dagaalka, baabuurta dagaalka; matoorada korontada ee baabuur ta; matoorada gaasta baabuurta; matoorada baabuurta tareenada; gudbinta baabuurta dhulka; gudbinta (qaybaha baabu urta dhulka); kaxaynta baabuurta dhulka; baabuurta samatabbixinta; qaybo iyo qalabyada la xidhiidha alaabta kor ku xusan.

Waxaa sidoo kale Ogaysiis la siinayaa in IVECO DEFENCE VEHICLES S.P.A. waxay sheeganaysaa dhammaan xuquuq aha laxiriira sumadda ganacsiga ee aan kor ku soo xusnay ee Soomaaliya, wuxuuna billaabayaa tallaabo sharci ah oo ku ha bboon qof kasta ama qof kasta oo lagu helo inay u isticmaalayaan calaamadda ganacsiga ee aan kor ku soo sheegnay ama calaamad kale oo ganacsi si khiyaano ah ama la mid ah, ama haddii kale ku xad gudubta xuquuqdeeda


OGAYSIISKA CALAAMADA GANACSIGA

TRAKKER

OGAYSIIS WAXAAN HALKAN LAGU SOO BAXAY in calaamadda ganacsiga ee kore ay leedahay shirkadda IVECO S.P.A., an Italian Joint Stock Company of VIA PUGLIA 35, TORINO, ITALY iyo in calaamad isku mid ah loo isticmaalo badeecada ha soo socda:

Fasalka 12:

Baabuurta;baabuurta dhulka; baabuurta warshadaha; baabuurta ganacsiga; baabuurta waaweyn; gawaarida xamuul ka ah; gawaarida;basaska; tababarayaal; gawaarida xamuulka qaada; baabuurta jiid; gawaarida iska rogrogmada; baa buurta culus ee ka baxsan waddada; baabuurta fudud; baabuurta waaweyn iyo qaybo ka mid ah dhismaha; caissons [baa buur]; qaybaha iyo qalabyada alaabta kor ku xusan.

Waxaa sidoo kale Ogaysiis la siinayaa in IVECO S.P.A. waxay sheeganaysaa dhammaan xuquuqaha laxiriira sumadda ganacsiga ee aan kor ku soo xusnay ee Soomaaliya, wuxuuna billaabayaa tallaabo sharci ah oo ku habboon qof kasta ama qof kasta oo lagu helo inay u isticmaalayaan calaamadda ganacsiga ee aan kor ku soo sheegnay ama calaamad kale oo ga nacsi si khiyaano ah ama la mid ah, ama haddii kale ku xad gudubta xuquuqdeeda.


OGAYSIISKA CALAAMADA GANACSIGA


DAILY


OGAYSIIS WAXAAN HALKAN LAGU SOO BAXAY in calaamadda ganacsiga ee kore ay leedahay shirkadda IVECO S.P.A., an Italian Joint Stock Company of VIA PUGLIA 35, TORINO, ITALY iyo in calaamad isku mid ah loo isticmaalo badeecada ha soo socda:

Fasalka 12:

Baabuurta;baabuurta dhulka; baabuurta warshadaha; baabuurta ganacsiga; gawaarida;basaska; basaska yaryar; tababarayaal;baabuurta waaweyn; gawaarida xamuulka qaada; baabuurta korontada; baabuurta korontada ku shaqeysa; baabuurta isku-dhafka ah; gawaarida ku shaqeeya hydrogen; baabuurta korontada ee unugyada shidaalka; matoorada loogu talagalay baabuurta dhulka, baabuurta warshadaha, baabuurta ganacsiga, vans, basaska, basaska yaryar, tababar ayaasha, baabuurta xamuulka, kuwa xamuulka; matoorada korontada ee baabuurta dhulka; matoorada gaaska ee baabuur ta dhulka; kaxaynta baabuurta dhulka; matoorada baabuurta dhulka; qaybaha iyo qalabyada alaabta kor ku xusan.

Waxa a sidoo kale Ogaysiis la siinayaa in IVECO S.P.A. waxay sheeganaysaa dhammaan xuquuqaha laxiriira sumadda gan acsiga ee aan kor ku soo xusnay ee Soomaaliya, wuxuuna billaabayaa tallaabo sharci ah oo ku habboon qof kasta ama qof kasta oo lagu helo inay u isticmaalayaan calaamadda ganacsiga ee aan kor ku soo sheegnay ama calaamad kale oo

ganacsi si khiyaano ah ama la mid ah, ama haddii kale ku xad gudubta xuquuqdeeda.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip