Jabhado la dagaalama Ciidamada Ruushka oo ka abuurmay Magaalada Severodonetsk
Ciidamadii Ukraine ee isaga baxay Magaalada Severodonetsk ee Gobolka Luhansk ayaa bilaabay inay qaab jabhadeyn ah uga dagaalamaan magaaladaasi.
Ciidamadan oo aan barro cayiman ku lahayn magaaladaasi ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada fariisimaha Ciidamada Ruushka ku leeyihiin magaaladaasi. Ciidamadan oo qayb qayb isu qaybiyay ayaa sameystay magacyo ay ku dagaal galaan.
Sidoo kale ciidamadan ayaa weerara Ciidamada Ruushka, mar kasta oo ay damcaan inay dhaqdhaqaaqyo iyo hawlgalaba ka sameeyaan magaalada ugu weyn Gobolka Luhansk ee Severodonetsk.
Diyaaradaha dagaalka Ruushka ayaa Talaadadii duqaymo xoogan ku harqiyay xoogaga jabhadaha, mar ay weerar ku qaadeen Ciidamada Lugta ee Ruushka.
Duqa Magaalada Severodonetsk, Oleksandr Stryuk ayaa sheegay inay ciidamadoodau ku dadaalayaan, sidii ay u difaaci lahaayeen magaalada.
Magaalada ayaa ah mid gebi ahaanba haawaneysa, iyadoo dadkii deganaa ay colaaduhu ku khasbeen inay guryahooda isaga barakacaan.
Dhanka kale Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in Ciidamada Ruushka ay wadaan isku day ay ku doonayaan inay ku weeraraan Magaalada Koonfurta Ukraine ku taala ee Zaporizhzhia, ka dib Mariupol.
Zaporizhzhia ayaa waxaa ku sugan Maamulkii Mariupol iyo weliba dadkii uu Ruushku ka soo barakiciyay magaaladaasi.
Jabhado la dagaalama Ciidamada Ruushka oo ka abuurmay Magaalada Severodonetsk
..