HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYUSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA OO AH SABTI 4-TA JUUN 2022

0
Saturday June 04, 2022 - 08:41:31 in Wararka by
  • Visits: 493
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYUSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA OO AH SABTI 4-TA JUUN 2022

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Madaxweyne Xasan oo si weyn Shalay loogu soo dhoweeyey Dhuusomareeb

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Md. Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaamin ayo ayaa Shalay gaaray Md. Dhuusamareeb ee caa simada Galmudug, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyey.

Madaxweynaha iyo wafd igiisa ayaa kasoo kicitimay garoonka diyaaradaha ee M/Baydhabo, waxayna toos uga dageen garoonka Dhuu samareeb, oo uu ku dhaweeyey madaxweynaha D/G/Galmudug &qaybaha kula duwan ee bulshada.

Md.Xasan Sh.Maxamuud oo mar 2aad loo doort ay Madaxweynaha DFS, ka dib doorashadii 15-kii May ayaa safarkan wuxuu noqonayaa kiisii ugu horr eeyey ee uu ku gaaro Galmudug oo noqoneyso ma amulkii 2aad ee uu booqanayo Madaxweynuhu.

Ujeedka safarka Madaxweynaha ayaa ah mid uu diirada ku saarayo maamulladii taabacsanaa Maxa med Farmaajo, ka hor dhismaha dowladdiisa cusub.

Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale u kuur geli doono xaaladda Dhuusamareeb, wuxuuna booqan doonaa meelaha muhiimka ah ee magaalada oo ay dhowaan dagaallo ka dhaceen.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Odayaasha Dhaqanka Galmudug

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soom aaliya, Xassan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye ayaa kulan la qaatay nabaddo onada iyo odayaasha dhaqanka ee Galmudug.

Madaxweynaha Jamhuuriyad da ayaa ka dhagey stay odaya asha warbixin guud oo ku saabs an xaal adaha kala gedisan ee deegaanka iyo arrima ha la xirira dhab-u–heshiisiinta bulshada Galmudug.

Madaxweynaha oo ku bogaadiyay nabaddoona da iyo odayaasha dhaqanka kaalintooda muhiimka ah ee ay ku leeyihiin isu soo dhaweynta ummadda, ayaa ku boorriyey sii wadadidda dadaalkooda, waxa uuna u xaqiijiyey in dowladdiisu ay mudnaan siin do onto dhab-u- heshiisiin waarta oo ka hirgasha guud ahaan Soomaaliya.

Xasan Sheekh oo war kasoo saaray ‘abaabu lka ka dhanka ah’ Lafta-gareen

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxa mu ud ayaa markii ugu horreysay ka hadlay cabsida la ga qabo in abaabul ka dhan ah maamulka K/ Gal be ed Soomaaliya laga sameeyo Muqdisho, ama ay do wladdiisa ku lug yeelato.

Madaxweyne Xasan oo khudb ad ka jeediyey munaasabad loo gu sameeyey Baydhaba ayaa soo hadal qaaday ‘abaabulka’ la sheegay in looga soo horjeedo Lafta Gareen ee ka socda Muqdisho, wuxuuna si cad u beeniyey arrintaasi, isaga oo tilmaamay in DF S ay xageeda ka jirto nabad iyo saaxibtinimo.

"Waxaan rabaa dadka reer K/ Galbeed, DFS xageeda nabadaa idin ka jirto, saaxibtinimaa idin ka jirto, mas’uuliyad iyo dadkii idin ka aad xilka u dhiib ateen si toosan iyo si dadban oo aad idinka wakiila teen ayaa idinka jiro,” ayuu yiri Madaxweynuhu. Wa xa kale oo uu Madaxweyne Xasan Sh.intaasi ku sii darayShar, colaad iyo abaabul qaab daran idin ka ma jiraan xaggaas.”

Madaxweynaha Soomaaliya oo booqashadiisii u gu horreysay ku bilaabay Baydhabo ayaa ugu baaq ay reer K/Galbeed inay adkeeyaan nabadda dhexd ooda ah.

"Waxaan idin ka codsaneynaa, idin ku adkeyney naa dhexdiinana inaad sidaas oo kale aad ka dhigta an, haddii Alle yiraah,” ayuu markale yiri Madaxw eynaha Soomaaliya.Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo maalmi hii u dambeeyey aad loo hadal hayey ‘Mooshin’ la sheegay in siyaasiyiin mucaarad ku ah Madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen ay ka wadaanM/ Muqdis ho, taas oo dhalisay xiisad siyaasadeed oo horleh.

Si kastaba, Lafta Gareen ayaa ka mid ahaa hogga amiyeyaasha maamul goboleedyada ee sida u dhow u taageersanaa Madaxweynihii hore ee dalka, Max amed Cabdullahi Farmaajo.

Md.Gaas: Markii aan xilka waayey ayuu miyirka ii soo laabtay

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxa med Cali Gaas oo wareysi siiyay BBC ayaa sheegay in siyaasiga marka uu xil u tartamayo uus an miyir qabin, taasi oo horseeda in xiligaas uu see go tallooyin muhiim u ah.

Cabdiweli Gaas oo sidoo kale hore usoo noqday Ra’iisul Wasaar aha Soomaaliya ayaa hoosta ka xari Iqay in siyaasadda Soomaaliya ay tahay sida khama arka oo kale.

"Nasteexada ugu fiican haddii lagu siiyo xitaa ma qaadanaysid oo taada ayaa kuu cad, dadku iyaga oo u jeeda inaysan guulaysanayn, xitaa mararka qaa rkood adiga oo markaad xisaabtanto ujeeda in aad guul daraysanayso ayaad kusii adkaysaneynaa, mar ka siyaasaddu waa khamaar,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu ka sheekeeyay sida uu xaalki isu noqday markii uu labo jeer ku guul daraystay xil uu u tartamayay, kuwaasi oo kala ahaa Madaxwey naha Soomaaliya iyo Puntland."Runtii waa iga dhab 2da xilba markaan waayey ayuu miyirku ii soo laab tay, horta fiiri qofka marka uu tartan ku jiro miyir ma leh sow ma ogid.”

Gaas ayaa ugu dambeyntiina mar wax laga weydiiyay xilalka sare uu soo qabtay ayaa sheegay in tii R/Wa saaraha ay aheyd shaqo fudud, mar ka loo eego shanti sano ee uu mada xweynaha ka ahaa Puntland. "Waxaan ahaa nin re erkiisa ku dhex jira, anigu waxaan idhaahadaa horta siyaasadda Soomaalidu waa dabdamis, mar kasta waxaad ku dhex jirtaa xaalad dab damis ah, labad uba sidaas ayey ahaayeen, balse aniga tii Ra’iisul wasaaraha ayaa ii shaqo fududeyd.”

DF oo iclaamisay maalinta loo fariisanayo imtixaanka dugsiyada sare

Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya ayaa shaacisay in 18-ka bishaan Juun loo fariisa doonaa imtixaanka shah aadiga ah ee dugsiyada sare.

Agaasimaha waaxda tacliinta sare ee wasaaradd a waxbarasha da Ismaaciil Yuusuf ayaa sheegay in dhaqaalaha lagu qaadayo imti xaanka uu balan qaa day Madaxweyne Xasan Sh, isagoo waqti koo ban u qabtay maamulka iskuullada aysan ardaydoodu qaa dan Roll Numberka imtixa anka dowladda.

Wuxuu sheegay in wasaaraddu ay si weyn uga mahad celinayso Madaxweyne Xasan sheekh Maxa muud oo dadaalka uu ku bixiyay in sanadkaan uus an baaqan imtixaanka fasalka 12-aad ee dugsiyada sare oo bil ka hor ay wasaaradu shaacisay in dhaq aale la’aan ay heysato.

"Wasaaradda Waxbarashada waxay u mahad cel inaysaa boqolaalka iskuul ee Gobolka Banaadir iyo Gobolada dalka ee qaatay kaar aqoonsiga ah ee imti xaanka fasalka 12-aad ee (Roll Number) waxayna ku wargelinaysaa iskuulada aan weli qaadan kaarka aqoonsiga imtixaanka inay qaataan kama danbeys 04/06/2022,” ayuu yiri Agaasime Ismaaciil.

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Carab ayaa kol-hore sheegay in wasaaradu ay we ysay dhaqaale ay sanadkaan ku qaado imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare, taas oo walaac badan dalka ka abuurtay.

Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh ayaa dad aal badan ku bixiyey in sanadkaan uusan baaqan im tixaanka ay qaado dowladdu ee dugsiyada sare, wux uuna wasaaradda maaliyadda ka dalbay inay bixiso kharashka imtixaanka lagu qaadayo, sida uu shirkiisa jaraa’id ku shaaciyey Agaasimaha waaxda taciliinta sare ee wasaaradda waxbarashada Ismaa ciil Yuusuf Cusmaan.

Puntland oo Arrimaha Abaaraha kala hada shay Finland iyo Norway

Madaxweyne kuxigeenka D/GPuntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Xarunta Madaxtooy ada ee M/Garoowe kulan kula qaatay Wefdi ka socd ay Safaaradaha dowladaha Finland iyo Norway.

Kulanka ayaa labada dhinac waxaa ay uga wada hadleen xaalada guud ee Abaaraha deegaanada Pu ntland, xoojinta taageera da dhinaca waxbarashada ee ay Puntland siiyaan dowla daha Finland &Norway, Maa mul baahinta & Dimuqraadiyada.

Madaxweyne kuxigeenka D/ G/Puntland Md.Karaash ayaa mas’uuliyiinta dowla daha Finl and & Norway uga mahad cel iyay taageer ada ay la garab taagan yihiin isaga oo ugu baaqay inay kordhiyaan.

Degaano iyo degmooyin ka tirsan Pubtland ayaa ka mid ah meelaha ay xiligaan kajirto abaarta daran, waxaana weli jirin gurmad Puntland uga yimid Bee sha Caalamka.

Gaari Ciidan Oo Muqdisho Ku Jiiray Mooto Ay Saarnaayeen Gabdho Aroos U Socday

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa shil khasaaro geystay oo Shalay ka dhacay laamiga D/Deyniile ee G/Banaadir gaar ahaan halka loo yaq aan dhista Sii-Sii ee kuna dhow aar gada deg mad aas.Shilkaan ayaa waxaa uu ka da mbeeyay, kadib markii gaari Cabdi Bile ah oo way wateen Ciidamo ka tirsan DFS uu jiiray Mooto Bajaaj ay saarnaayeen gabdho u socday Aro os, waxaana g aariga uu ku jiir ay meel ku dhow aar gada degmada Deyniile.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ay aa ka dhashay shilka, waxaana goobta ku geeriyoo tay Gabar lagu magacaabi jiray Hani Cabdirisaaq Yu usuf, halka ay dhaawacyo soo gaareen Gabar lagu magacaabo Fardowso Weydoow iyo darawalkii Mo otada.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in gaariga Cabdi Bilaha ee dul-maray mooto Bajaajta uu la socday Taliyaha ammaanka D/ Deyniile ee G/ Banaadir, iyadoona gaariga iyo Ciidamo la socday ay goobta uu shilka ka dhacay isaga tageen.

Si kastaba gaadiidka ay ku socdaan Ciidanka do wladda & kuwa ay saaran yihiin Madaxda ayaa si xawaare sare ah loo wadaa, xiliyada ay gaadiidka ku marayaan waddooyinka M/Muqdisho, waxaana dho wr jeer oo horey sidaan oo kale gaadiid ay wateen Ci idamo u jiiray Mooto Bajaajyo.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan” Waa in deg deg looga qaadaa degmooyinka Go’doonsan”

Guddoomiyaha Maamulka G/Hiiraan Cali Jeyte Cis maan ayaa sheegay in degmooyinka qaar ee Gobolkaas ay nuddo Sagaal Sanadood ah u go’doo nsan yihiin Al-Shabaab, isla markaana taasi ay ka dhalatay xaalad Bani’aadan nimo.

Guddoomiyaha oo safar deg deg ah ku tegay degm ada Buulo Burde oo kamid ah degmooyinka Go’do onsan ayaa sheegay in dadka kunool degmadaas ay heeysato dhibaatooyin daran oo ugu horreeyaan cu no yari, Biyo yari iyo kuwo bafan oo ka dhashay go’d oonka, hayeeshee sida kaliya ee looga gudbi karo ay tahay in gacmaha keys qabsado.

Sidoo kale Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hii raan Cali Jeyte Cismaan waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in go’doonka degmooyinka qaar ee G/ Hiiraan aan lagu fiirsan oo si deg deg ah looga qaa do si ay usoo noqoto Nolosha Bulshada.Al-Shabaab ayaa go’doomiyay degmooyin badan oo kuyaalla Gobolka Hiiraan, waxaana ay saameeysay dadka danyarta ah ee kunool dehmooyinkaas oo maciisha

da ay qaali ku noqotay


Guddoonka Baarlamaanka Oo Ka Qeyb Galay Munaasabadda Maalinta Qaran Ee Taliyaaniga

Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS Md. Sh.Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehel iso Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa ka qeyb galay munaasabad loogu dabaal dagaayey maalinta Qaran ee dalka Taliyaaniga oo ku beeg an 2-da Juun.

Maalintan oo loogu magacdaray ( Italian Festa della Repubblica) waxay calaamad u tahay aftidii 1946, loo qaaday dhismihii Jamhuuriyadda Talyaan iga, taas oo laga guuray nidaamka Boqortooyadda xi ligaasi uu lahaa dalkaasi, munaasabada ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay wasiiro ka tirsan XFS, dibl omaasiyiin sare & qeybaha kala duwan ee dowlada.

Guddoomiyaha G/Shacabka oo ku hadlaayey mag aciisa iyo kan madaxweynaha JFS ayaadhambaal hambalyo ku aaddan maalintan la wadaagay dowl adda iyo shacabka J/Taliyaaniga, asaga oo u rajee yey in sanadkan kiisa kale uu noqdo mid wanagsan, iskuna xira midnimada iyo wada-jirka labada dal.

R/Wasaare Rooble oo Shalay booqday xeebta Liido

Ra’iisul Wasaaraha XFS Md. Maxamed Xuseen Rooble iyo xubno kale oo la socday ayaa Shalay boo qday deegaanka xeebta Liido oo ah goob ay u dalx iis tagaan dad badan oo Soomaali ah.

R/Wasaaraha ayaa halkaas kula kulmay dadwe yne fara badan oo ay ku jireen dhallinyaro isxilqaant ay oo ka shaqeysa soo celinta bilicda iyo nadaafad da xeebta Liido.

R/Wasaaraha XFS Md. Rooble waxa uu dhallinya rada isxilqaan iyo kuwa kale ku dhiirrigeliyay howsha wanaagsan ee ay u hayaan umadda,isagoo dalbad ay inay halkaasi ka sii wadaan shaqada waxku oolka ah ee ka mid ah adegyada loo qabanayo bulshada .

Madaxweyne Qoor Qoor oo sheegay in Mad axda & Shacabka Galmudug u diyaars an yihiin la-dagaalanka Al-Shabaab

Madaxweynaha DG/Galmudug Axmed Cabdi Kaa riye ( Qoor Qoor) ayaa sheegay in degaannada Gal mudug ay kajiraan dhibaatooyin ay sabab u yihiin Al-Shabaab iyo abaar baahsan.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeedinayay muna asabad lagu soo dhaweeynayay Ma daxweyne Xas an Sheekh waxaa uu sheegay in dhibaatada abaar aha ay saameyn weyn ku yeelatay Bulsh ada dega annada Galmudug.

Isaga oo ka hadlayay Arrimaha Amn iga ayaa waxaa uu sheegay Madaxw eyne Qoor Qoor in Galmudug ay kujir to dagaal joogto ah, isla markaana u diyaarsan yihiin Shacabka & Mada xda Galmudug inay la dagaalamaan Al-Shabaab.

Hadalkaan kasoo yeeray Madaxwey naha dow lad Gobolka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) ayaa kusoo aadaya xilli dhowr jeer degaanna da Galm udug ay ku dagaalameen Ciidamada dowl adda oo taageero kahelaya dadka deaanka iyo Al-Shabaab

Wasiir Rooble oo faah faahiyay qaabka ay Xujeyda u qaybiyeen

Wasiirka Diinta & Awqaafta Somaliya, Cumar Cali Rooble ayaa faah faahin ka bixiyay qaabka ay u qaybiyeen tirada Xujeyda ee sanadkan Somaliya loo ogolaaday.

Somaliya ayaa sanadkan la siiyay tiro dhan shan kun iyo laba boqol (5,200), halka sanadkii horena la siiyay kow iyo toban kun iyo shan boqol (11,500). Somaliland ayaa daba-yaaqadii bishii hore ee May waxa ay cabasho ka muujisay qaabka ay wasaarad du u qaybisay tirada Xujeyda, oo sida ay ku andac ootay ay tiro yar kaga soo aaday.

Cumar Cali Rooble, Wasiirka Diin ta iyo Awqaafta ee DFS ayaa she egay inaysan iyagu waxba ku qay bin qaab qabiil iyo mid Dowlad Go boleed toona, balse ay wax ku qaybiyeen shuruudihii ay dejiyeen shirkadihii soo buuxiyay oo keliya.

"Waxaan rabaa ummadda Soomaaliyeed ee Musl imiinta ah ee Xajka dooneysa inaan u caddeeyo Xaj ka laguma qaybin qabiil, deegaan ama Maamul Go boleed ee waxaa lagu qaybiyay sharikaad, oo ah yaa ka bixi karo arrintan oo horey uga shaqayn jiray oo Xaajiga Soomaaliyeed dhibaatada haysa iyo cule yska ku haystaa wadankaasi oo ka warqabno dal aj nabi ah oo aysan aqoon u lahayn, oo luqadiisa iyo deegaankiisa aysan aqoonin, yaa baahi tiri kara. Shu ruudahaa ciddii soo buuxisay uun baa laga qaatay.” Ayuu yiri Wasiirku.

Wasiirka ayaa yiri "Waan arkayay in la siyaasade eyay, waan arkayay in la qabyaaladeeyay, waxaan rabnaa inaan u sheegno ummadda Soomaaliyeed qabiil laguma qaadanin, lagumana qaybinin. Xajka waa tiirkii 5aad ee Islaamka, cid qabiil lagu siiyayna ma jirto.”

Wasiir Rooble ayaa hadalkiisa ku xoojiyay "Xajk an, guddi Soomaaliyeed oo wasaaradda dhexdeeda oo khubaro ah ayaa loo qabtay, shuruudo ayay dejiy een, shuruudahaa ciddii ka soo baxday ayay mag aca sharikaadka ku siiyeen. Qabiil wax la yiraahdo waxba laguma qaybin, qabiil walaa Maamul Gobole ed wax lagu qaybiyay ma jiraan. Guddigaa howsha an iska leh, asaga ayaana maamulayay, haddaad tir aahdo Maamul Goboleed halagu qaybiyana, waa is ka dareemi kartaa dhibaatada intaan ayay ka sii bad an laheyd.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Sheegay In DF Ay Bilaabeyso Guluf Ka Dhan Ah Al-Shabaab

Madaxweynaha JFS Md.Xasan Sheekh Maxamu ud oo khudbad ka jeediyey munaasabad soo dhaw eyn ah oo ay ku maamuuseen madaxda iyo bulsha da Galmudug ayaa ka warbixiyey mudnaanta uu siin ayo daadejinta adeegyada dowladda, adkeynta di muqraadiyadda dalka iyo dib u heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed

Madaxweynaha ayaa sheegay in caqabadda ugu weyn ee dib u dhigtay nolasha shacabka Soomaaliy eed ay tahay amni darrada iyo falalka arxan darrada ah ee ay soo maleegaan Alshabaab, isagoo soo ba ndhigay sida shacabka Soo ma aliyeed iyo dowladdooduba ay Shalay ugu taagan yihiin in ay wadajir uga xoreeyaan dalka.

"Muwaadinka Somaliyed Habeen hore gurigiisa inuu nabad ku gam’o ayaan rabnaa, marka uu safrayo oo uu wadda da m arayo goormaa miino kula qarxeysaa inaanu is dhi hin baan rabnaa, Shalay hooyo waa baxdaye, na bad maku soo noqon eysaa carruurtu inaysan is dhih in baan rabnaa”

Madaxweynaha ayaa waxa uu hoosta ka xarriiq ay in dowladdu bilaabi doonto guluf ka dhan ah Al-Shabaab, si dadka Soomaaliyeed looga xorreeyo, si daas daraaadeed, waxa uu Galmudug ugu baaqay inay hormuud ka noqoto qorshahaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kula dardaar may madaxda dowladda iyo dadka Galmudug in ay ka digtoonaadaan khilaafaadka, quluubtana isu fura an oo ay gacmaha is-qabsadaan si ay horumar buu xa uga hirgeliyaan deegaankooda, nolol wanaagsan na ugu abuuraan ubadkooda.

"Walaalihii iyo saaxiibadii ay wax ku soo kala gaa reen waddadii la soo maray, waxaan leeyahay caya arta wey soo dhammaatay, caadi iska dhiga. Haddii ay dadku dhihi jireen, bus-ku waa buuxaa, meel laga fuulo ma leh, tareen aan dhammaaneyn baa taagan, aan tareenka wada raacno, nabadda iyo aayahana aan aadno.”

Golaha Wasiirada Somaliland Oo Shalay Ka Shir ay Sicir Bararka Taagan Soona Saaray Go’aamo Golaha Wasiirada Somaliland ayaa Shalay M/ Hargeysa ee Caasimadda Maamulka ku yeeshay kul ankii 92-aad ee Golaha oo uu shir gudoominayey Ma daxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.

Kulanka Golaha ayaa waxaa looga hadlay oo dii rada lagu saaray Arrimaha sicir bararka xoogan oo ka jira Somaliland, ugu horreyn golaha ayaa waxa loo qaybiyey qabyo-qoraalka xeerka Ciidanka dab-damiska Maamulka.

Wasiirka wasaaradda horumarinta Maaliyadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire, ayaa golaha uga warbixiyey xaaladda sicir-bararka ee taagan, sababa ha keenay iyo tallaabooyinka ay xukuumaddu qaadd ay oo ay barbar socdaan qorsheyaasha xukuumad du wax kaga qabanayso must aqbalka.

Wasiirku ayaa waxa uu sheegay inay jirto kor ukac ku yimid qiimaha cuntooyinka qu utal daruuriga ah iyo shidaalka bulshadu isticmaa sho, iyadoo xusay in qiime kacaasina ka yimid wad damada caalamka xaalado jira aawadood.

Kororka ku yimid qiimaha maciishadda iyo daruu riyaadka kale, ayuu Wasiirku mid mid golaha ugu akhriyey, waxana uu caddeeyey in Bariiska 25 kg qiimihiisu marayo $17, Sonkorta 25kg ay marayso $17, Daqiiqda 25Kg waxa ay Shalay qiimaheedu ma raysaa $17, Saliidda cuntada 9 litir, waxa ay maray saa $14, Baastada 10Kg, ayuu qiimaheedu marayaa $11, halka shidaalka Halkiisa litir, uu Shalay marayo 97,000 oo shilin Somaliland ah.

Sababaha keenaya sicir-bararka, ayuu sidoo kale wasiirku sharraxay, waxana uu tilmaamay in inta ba dan sicir-bararka Somaliland ka jiraa uu yahay mid dunida kale ka yimid, sababo la xiriira xanuunkii Cov id-19 ee dunida ka dhacay iyo dagaalka muddada ka dhex socda waddamada Ruushka iyo Ukrain, iyada oo waddamo badan oo caalamka kamid ahina ay joo jiyeen cuntooyinkii ay dibadda u dhoofin jireen.

Ugu dambayntii, ayaa waxa uu goluhu go’aamiy ey in bulshadu ay kordhiso wax-soo saarkeeda dhin aca Beeraha, in cuntada ay kamidka yihiin Bariiska, Sonkorta, Daqiiqda iyo Saliida lasii wado cashuur-dhaafka ay xukuumaddu u samaysay,

Xisbiga Waddani: Ninkii dalka ugu sareeyay muusig la yidhaa jannaa lagu jira ayaa u baxaya

Xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani, ay aa madaxweynaha Somaliland ku eedeeyay in aanu waxba kala socon xaalada sicir-bararka.

Xogeeyaha Guud ee Xisbiga Waddani Khadar Xu seen Cabdi, oo waraysi siiyay Saab TV, ayaa sheeg ay in shacabka Somaliland ay noloshii ku qaaliyowday, isla markaana waxa uu madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ku eedeeyay in uu aaminsan yah ay in wax mushkilad ahi anay jirin.

"Shalay dadkeena biyihii ayaa ku qaaliyoobay, la ydhkii ayaa ku qaaliyoobay, maciishadii ayaa ku qaa liyowda, ninkii dalka ugu sareeyay muusig la yidhaa jannaa lagu jira ayaa u baxaya, muusig la yidhaa dal kii wuu barwaaqoobay ayaa u baxaya, muusiga la yidhaa mushkiladiba ma jirto ayaa u baxaya" ayuu yi dhi xogeeye Khadar.

Waxa uu ku andacooday in madaxweyne Biixi iyo noloshii ay kala go'een, isaga oo tusaale usoo qaa tay qudbadii uu madaxweynuhu ka jeediyay xarunta Baarlamaanka Somaliland.

"Qudbadii ugu danbaysay ee uu madaxweynuhu ka jeediyay golaha wakiilada wuxuu yidhi, 'waddanka sicir bararba kama jiro', qudbadaasi waxay muujisay in madaxwaynaha iyo noloshii kala go'day, oo mada xweynuhu waddanka waxa ka socda aanu war ka haynin" ayuu yidhi xogeeye Khadar. Somaliland ayaa caalamka badankiisa kala siman qiimaha maci ishada oo kor u kacay tan iyo markii uu dilaacay caa qabuqa Covid19, hadana dhaqaalaha iyo wax soo saarka oo aad u hooseeyay ayaa sabab ay in sicir bararku uu reer Somaliland si gaar ah u sa meeyo, sida ay sheegtay Rugta Ganacsiga ee Som liland.


Muranka hareeyey kursiga xildhibaan ee CC Shakuur oo gaaray golaha shacabka

Qaar ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadlay muranka hareeyey kursiga uu ku fadhiyo Mudane Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ka dib markii uu dhowaan Mada xweynaha Soo maaliya u ma gacaabay ergey ga u qaabilsan dhanka bani’aadanimada.

Xildhibaanadan ayaa si weyn uga dooday arrinka Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo qodobka 59-aad ee Dastuurka KMG ah oo dhigaya in xildhibaanka uu waayayo xubinimadiisa baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, haddii uu qabto xil aan aheyn uu wasiir. "Dabcan Dastuurka, sida uu sheegayo qodob ka aad sheegtay ee 59-aad wuxuu qaban karaa xil dhibaanku xil wasiir kaliya, wixii intaas kasoo harana wuxuu ku waayayaa xubinimadiisiii,” ayuu yiri mid ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya.

Seynab Caamir oo sidoo kale ka mid ah baarlamaan ka 11-aad ee dalka ayaa iyaduna ka hadashay m uranka hareeyey kursiga Cabdiraxmaan Cabdishak uur, waxayan si guud u sheegtay in xildhibaanka, ha ddii uu qabto xil aan aheyn wasiir uu waayey xubnini madiisa

"Xildhibaanka Soomaaliyeed ee ay shacabka soo doorteen wuxuu xilkiisa ku heyn karaa, haddii uu no qdo wasiir oo xildhibaan iyo wasiir ayuu isku noqon ayaa, laakiin marka meel kale loo doorto ama agaa sime haloo doorto ama safiir haloo doorto xilkiisii wuu waayey kaas, waa inuu booska banneeyaa,” ayey tiri xildhibaan Seynab Caamir

Xildhibaan kale oo ka tirsan golaha oo isna soo hadal qaaday dooda taagan ayaa sheegay in ambassador iyo ergey ay yihiin arrin gooni ah, balse loo baahan yahay in dib loo eego arrintan, si la’isku waafajiyo qodobka 59-aad ee Dastuurka KMG ah iyo magacaabistaan. "Runtii ambassador iyo ergey waxaan isleenahay waa arrin ka gooniya aanan ka mid aheyn xilalka sida tooska ah loogu magacaabay meesha inuu qofka ka mid noqoneynin, laakiin waa qodob gooniya oo hoos loogu fiiriyo mudan,”.

Si kastaba, hadal heyn xoogan ayaa ka dhala tay magacaabista siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdish akuur Warsame oo hadda ah ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha u qaabilsan arrimaha bani’aadanim ada iyo gurmadka abaaraha, waxaana dadka qaar ay shaaciyeen inuu xilkiisa waayayo, iyaga oo soo xi ganayo qodoka 59-aad ee Dasrtuurka Soomalaiya , halka kuwa kale ay ku doodeen inuu isku heyn karo labada xil, maadaama ergey sidiisaba uu yahay qof wakiil ah, isla-markaana uusan qayb ka aheyn arri maha maamulka dowladda.

C/raxmaan Cabdishakuur oo markii u horeysay ka hadlay sharci-nimada kursigiisa

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsa me ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dooda ka dhalatay in uu waayayo kursigiisa, kadib markii mad axweyne Xasan Sheekh u magacaabay Ergeyga gaarka ah ee Arrimaha Abaaraha.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in si tabarucaad ah uu uga shaqeynayo u gurmashada dadka abaartu ku saameysay gobolada dalka, taasina ay tahay waajib ka saaran, xilkaasna uu lamid yahay Guddiga Baa rlamaanka iska dhex maga caabo.

"Xil aan qabtay ayaanba jir in, Xildhibaanka muhiimaddi isa oo dhan waa in uu dadka u shaqeeyo, Haddii ay u baaha tana xildhibaannimada in aan uga tago si aan shaqadan u fuliyo diyaar ayaan u ah ay,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Sidoo kale waxa uu sheegay in Xildhibaannimada micnah eedu tahay in loo adeego bulshada Soomaaliyeed, sida hay’adda xeer dejinta ee Baarlamaanka, la xis aabtanka Xukuumadda metalaadda Shacabka.

"Taliye abad-sugid oo hadda waxaa la ma gacaab ay xildhibaan ah tusaale ahaan. Hay’ad ayuu u sha qo-tagay subixii oo uu xilkeeda la wareegay. Aniga cidda aan xilka kala wareegay yaa waaye? Hay’adda aan u shaqo-tagay waa tee? Intee ayay ka diiwaan-gashan tahay? Yaa shaqaale ka ah? Ma jirt o!,” ayuu yiri Cabdiraxmaan isaga oo ku doodaya in xilkaan uusan horseed u noqon karin sharciyan in uu waayo xubinimada Baarlamaanka.

Si kastaba, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamu ud ayaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur u magacaab ay 24kii May 2022 in uu noqdo Ergay si gaar ah ugu qaabilsan arrimaha Gargaarka Abaaraha, waxa uu xafiiskiisa billaabay gurmad u raadinta malaayiinta dhibaateysan.

Dad isku qoys ah oo lagu dilay degaan katir san Gobolka Jubbada Hoose

Maleeshiyaad hubeysan ayaa Habeen hore waxaa ay la ba qof oo Shacab ahaa ku dileen duleedka Magaa lada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose, iyaga oo dilka kadib Goobta isa ga baxsaday.

labada qof ee la dilay oo ahaa dad isku qoys ah ayaa maleeshiyaadka hub eysan ay ugu tageen guryahooda, waxaana wararka la helayo ay sheegayaan in dilkaan uu salka ku ha ayo arrimo la xiriira aanooyin qabiil.

Ciidamo katirsan kuwa Dowlad Goboleedka Jubb aland ayaa ku baxay halka uu dilka ka dhacay balse aysan ku guuleysan inay gacanta ku dhigaan malee shiyaadkii hubeysnaa ee dilka u geystay dadka Shacabka ahaa.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa degano hoosyima ada degmooyinka Dhoobley Afmadow iyo degaanka Gariley waxaa kajiray colaad Beeleedyo, waxaana habeen ka hor degaanka Diif ee Gobolka Jubbada Hoose arrimo la xiriira aano qabiil loogu dilay hal qof halka laba kalena loogu dhaawacay.

Maamulka Jubbaland ee ka arrimiya degaannada Gobolka Jubbada Hoose ayaan weli ka hadlin dilalk aas, iyada oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay ay degaannada Gobolkaas kusoo laab laabteen colaad Beeleedyada.

Gudoomiyihii Degmada Afgooye Oo Shaqa Joo jin Lagu Sameeyay Iyo Xiisad Ka Dhalatay.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Guda ha K/Galbeed Maxaad Maxamed Ciise ayaa soo saa ray wareegto uu ku sheegayo inuu shaqada uga joo jiyay gudoomiyihii degmada Afgoo ye ee gobolka Sh.Hoose.

Qoraalka oo la ogeysiiyay mad axweynaha K/Galbeed Lafta-Gar een iyo gudoomiyaha gobolka Sh. Hoose Ibraahim Najax ayaa sabab ta lagu sheegay in gudoomiyaha uu sameeyay ku takri fal awoodeed, amar diido iyo iska horkeenida mas’uuliyiinta maamulka Koofur Galbeed.

Mas’uuliyiinta kale ee maamulka degmada Afgooye ayaa la amray iney shaqada sii wadaan, isla mar ahaantaasina aysan wax saameyn ah ku ye elan talaabada ay qaaday wasaarada arrimaha gu daha, iyadoo lagu wargaliyay in loo soo magacaabi doono mas’uul cusub, waxaana Afgooye laga soo sheegaya xiisad arintan salka ku heysa.

Si kastaba, Guddoomiyihii degmada Afgooye ee Shaqa joojinta lagu sameeyay Abuukar Maxamed Cumar,ayaa dhawaan Maamul Cusub u Magacaa bay Dorraadna xilalka u kala wareejiyay Maamulkii de gaanka Jasiira, taas oo ay kasoo horjeesteen Mada xda Maamulka Koonfur Galbeed, waxeyna soo dadaj isay in shaqa joojin lagu sameeyo. gudoomiyihii deg mada afgooye oo shaqa joojin lagu sameeyay iyo xiisad ka dhalatay.

Wareegtada Hoos ka Akhriso:-


Mareykanka oo dib u bilaabay duqeymihiisii Soo maaliya iyo xubno Shalay la dilay

Taliska ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soo maaliya ayaa shaaciyey in iyagoo kaashanaya cii damada dowladda Soomaaliya ay duqeymo ka fuli yeen degaanka Beerxaani ee gobolka Jubbada Ho ose, halkaas oo lagu beegsa day xubno ka tirsan Al-Shab aab.

Shan xubnood ayaa la xaq iijiyey in duqeyntaas looga dilay argagixisada Al-Shabaab, mana jiraan wax kha saare ah oo soo gaaray dad rayid ah, sida lagu sha aciyey war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya

"Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaasha neysa saaxiibadeeda caalamka waxaa ka go’an inay ciribtirto kooxaha argagixisada ah, si dalka loogu soo dabaalo nabad iyo xasilooni.”

Duqeyntaan waxay dhacday Jimcihii Shalay, xilli ay xubno ka tirsan Al-Shabaab isku dayeen inay weerar ku qaadaan ciidamada qaranka iyo la howlgalaya ashooda oo ku sugnaa meel u dhow Beerxaani oo 40 KM u jira magaalada Kismaayo ee gobolka Jub bada Hoose.

Waxaa dib loo soo celiyey duqeymihii ay wajihi jirtay kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ay joogto u fuli jireen ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya ku su gan. Maalin kadib markii la doortay Madaxweyne Xasan Sheekh ayuu Madaxweynaha Mareykanka cii damadiisa ku amray inay dib u bilaabaan howlg alkoodii la dagaalanka Al-Shabaab.

Dhankooda Al-Shabaab dhibaato badan ayey ku qabaan duqeymaha ay u geystaan diyaaradaha Mar eykanka, sida ay horay u sheegeen xubno ka soo go ostay ama dagaallo looga qabtay kooxda, waxayna mararka qaar ka quustaan inay gaadiid isticmaalaan.

HAY’ADDA ICG: LABA ARRIN AYAA SABABAY GUU SHII XASAN SHEEKH EE DOORASHADA

Hay’adda Xasaradaha Caalamiga ah, International Crisis Group (ICG) ayaa warbixin ay kasoo saartay doorashadii madaxweyne ee dhacday 15-kii May ku sheegtay in laba sabab ay caawiyeen guusha siyaasadeed ee madaxweyne Xasan Sheekh.

Xasan Sheekh ayaa warreeggi saddexaad ee doorashada kaga adkaaday madaxweynii hore Max amed Cabdullaahi Farm aajo, isaga oo helay 214 cod, halka Farmaajo uu helay 110 cod.

ICG ayaa sababta koowaad ee guusha Xasan Sheekh ku sheegtay; Farma ajo oo caqabad ay ku noqotay inuu kursiga fadhiyey, ayada oo madaxweynaya asha Soomaaliyeed aan dib loo soo dooran; ma jirin madaxweyne Soomaaliyeed oo dib loo doortay 20-kii sano ee tegay.

Nidaamka siyaasadeed ee Soomaaliya iyo is-xulufeysiga qabiilada ayaa adk eynaya in hoggaamiyayaasha Soomaalida ay qanciyaan dhinacyo badan si ay u xaqiijiyeen dib u doorasho, ayey tiri warbixinta.

"Waxaa inta badan jira dhaqan loo yaqaan washamsi oo laga cayaaro Soo maaliya ayada oo mucaaradka ay isku urursadaan inay taageeraan qofka ugu xooggan ee la tartamaya madaxweynaha kursiga fadhiya.”

Musharaxiinta ayaa u baahan inay dhisaan isbaheysi oo ay sameystaan heshi isyo heer sare ah inta ay socdaan wareegyada doorashada, ayaga oo raadsan aya codadka kuwa tartanka ka hara.

Dhaqdhaaqyadan ayaa la arki karay doorashada. Xasan Sheekh wuxuu afar laabay codadkii uu helay intii u dhaxeysay wareeggii koowaad iyo wareeggi sadd exaad, halka Farmaajo uu ku guuldarreystay inuu xitaa laba laabo.

Go’aanka Farmaajo ee ahaa inuu awoodda dowladda ka dhigo mid dhexe ay aa u horseeday mucaarado xooggan oo kaga timid awoodaha siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan madaxdii ka horeysay iyo qaar ka mid ah madaxweyne goboleedyada.Kuwa badan ayaa u arkay doorashada madaxweyne fursad ay xafiiska kaga saaraan Farmaajo. Musharaxiin badan ayaa ICG u sheegay in qorshahooda koowaad uu ahaa inay guuleystaan, balse haddii ay taas ku guuldarreystaan, qorshahooda labaad uu ahaa inay taageeraan cid kasta oo aan ka aheyn Farmaajo.

Sababta labaad ee guusha Xasan Sheekh waxay aheyd hadalkiisa nabadd oonimo oo ay la dhaceen xubno badan oo ka mid ah baarlamanka, iyo hoggaam iyeyaasha kale ee siyaasadeed ee ku daalay hab dhaqanka muranka leh ee Farmaajo ee ku aaddan mucaaradka gudaha iyo qaar ka mid ah saaxiibada dib edda.

Xasan Sheekh ayaa olole ku galay ballan-qaad ah inuusan ka aargudan doo nin kuwa aan taageerin doorashadiisa iyo inuusan sameysan doonin cadow gud aha iyo mid dibedda ah, taasi oo ka duwaneyd mayal adeegga Farmaajo.

Hay’adda ICG ayaa ugu dambeyn sheegtay in guusha Xasan Sheekh ay tahay fursad ay Soomaaliya isbeddel ku sameyn karto oo ay ku sixi karto khaladaadkii dhacay shanti sano ee uu Farmaajo madaxweynaha ahaa.

SHAN QODOB OO AY TAHAY IN MADAX WEYNE XASAN SHEEKH UU KA QABTO GALMUDUG

Galmudug waxaa maamul ahaan u dhisay Madaxweyne Xasan Sheekh. We lise maamul ahaan u ma fadhiisan oo waxaa ragaadiyay daneysi iyo damac siyaasadeed oo Villadu ay mar kasta ku farogalinaysay maamulka.

Madaxweyne Xasan oo mar kale fursad u helay inuu Villada fadhiisto, sidoo kalena fursad u helay inuu soc daalkiisii ugu horreeyay ee uu goballada ku marayo Habeen hore halkaas ku tago, waxaa laga filayaa arrimo badan oo shantaan qodob ee soo socota ay ugu mudan yihiin:

1. In uu Madaxda maamulkaas oo Qoorqoor ugu horreeyo u damaanadqaado in ay si nabad ah ku dhammeysanayaan muddo-xileedkooda oo aysan mar dambe dhici doonin in hadba kooxda Villada timaado ay meesha ka saarto madaxdii maamullada kuna beddelato kuwa ay iyagu wataan,

2. In madaxa lagu qanciyo inay waqtigoodi inta ka hartay ku qaataan deegaan ka, beddelkii ay safarro iyo socod macno-la’aan ah Xamar iyo meela kale ku war eegi lahaayeen. Taas waxay dhiirrigelinaysaa inuu maamulku noqdo mid dad iyo deegaan metela oo aanan ahayn saxiix iyo Tiimbare jeebka lagu sito oo diyaara daha dushooda lagu isticmaalo,

3. In ciidamadii magacyada bahallaha lahaa ee uu Farmaajo u diri jiray Dhuu samareeb si ay dadka u caburiyaan, hadda dib loo abaabulo oo halkaas loo qa ado laguna jiheeylo howlgal dagaal oo lagu ciribtirayo Shabaabka culeyska ku ha aya deegaanka,

4. Inay dawladda Federaalku si hagar-la’aan ah gacan uga geysato fulinta mashaariicda in muddo ah siyaasad ahaan u xayirnaa ee ay ku jiraan dhismaha dekadaha iyo kaabayaasha kale, si uu deegaanku u yeesho ilo dhaqaale.

5. Iyo in la dhiirrigeliyo qabashada shirweyne uu maamulka deegaanku isu gu keenayo hoggaanka beelaha, waxgaradka, siyaasiyiinta, aqoonyahanka iyo dhammaan inta saameynta leh, si loo abuuro jawi isfaham oo looga gudbayo qal alaasihii iyo khilaafaadkii soo jiray tan iyo markii maamulka la aasaasay. Shirk aas waxaa lagu dhammeeynayaa tabashooyinka jira, waxaana loogu gogolxaara yaa heshiis bulsho oo si rasmi ah loogu qaabeeynayo dhismaha maamulka, wixii ka dambeeya marka uu dhammaado muddo-xileedka Qoorqoor.

W/Q: Maxamed Cabdullaahi Dhaaley


MADAXA MIDOWGA AFRIKA AYAA U SHEEGAY PUTIN IN AFRIKAANKU AY YIHIIN "DHIBANAYAASHA”


Madaxa Midowga Afrika Macky Sall ayaa Jimcihii ku booriyay madaxw eynaha Ruushka Vladimir Putin inuu ka digtoonaado waddamada Afrikaanka ah ee ay saamaysay cunto yari taasoo loo aaneynayo dagaalka Ukraine.

Putin waxa uu madaxweynaha Senegal ku martigeliyay hoyga uu ka deggan yahay Badda Madow weerarka Ukr aine, isaga oo ka dhigaya cunto yarida adduunka iyo sidi lo bixin laha hadhuudhka ee dekedaha Ukraine si xad dhaaf ah ugu celceliyey ajandaha.

Sall wuxuu ka codsaday Putin "inuu fahmo in qaran keena, xitaa haddii laga saaro goobta (shaqada), ay dhi banayaal ku yihiin heerka maaliyadeed” ee dagaalka.

Waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in si wada jir ah loo shaqeeyo si "wax wal ba oo la xiriira cuntooyinka, badarka iyo bacriminta ay banaanka ka joogaan” cun aqabateynta reer galbeedka ee lagu soo rogay Moscow ololaha suuq-geynta ciidamada badda ee Ruushka ee Ukraine.

Sall waxa kale oo uu sheegay in natiijada cunaqabataynta reer galbeedka ay tahay "hadda ma nihin meel aan ka heli karno hadhuudh Ruushka iyo gaar ah aan bacriminta” kuwaas oo muhiim u ah beeraha "hortaba saboolka ah” Afrika.

"Taasi waxay durba abuureysaa khataro halis ku ah badbaadada cuntada ee qaaradda,” ayuu Sall ku daray.

00:54 Hadaladiisa weriyeyaasha, Putin ma uusan tilmaamin bixinta hadhuu dhka si kastaba ha ahaatee wuxuu sheegay in Ruushku "mar walba ku sugnaa wejiga Afrika” oo uu hadda doonayo inuu xoojiyo iskaashiga.

"Marxaladda cusub ee koritaanka, waxaan ku xireynaa muhiimadda wanaag san ee xiriirka aan la leenahay waddamada Afrika, waxaanan u baahanahay ina an sheego in tani ay leedahay natiijo rajo leh oo la hubo,” ayuu Putin ku daray.

Ololaha suuq-geynta ciidamada badda ee Moscow ee Ukraine iyo cuna qabateynta caalamiga ah ee saaran Ruushka ayaa carqaladeeyay bixinta bacri minta, sarreenka, iyo badeecadaha kala duwan ee qaran kasta, kor u qaadista cuntada iyo kharashka shidaalka, gaar ahaan abuurista qaran.

Harashaadka hadhuudhka ayaa kor u kacay Afrika, qaarada adduunka ugu sab oolsan, taas oo ay sabab u tahay hoos u dhaca dhoofinta laga keeno Ukraine, taasoo sii xumaynaysa aragtida dagaalka iyo isbeddelka cimilada maxalliga ah iyo kor u qaadista cabsida laga qabo kacdoonka bulshada.


SICIR-BARARKA TURKIGA OO GAARAY HALKII U SAREEYEY


Sicir-bararka dalka Turkiga, ayaa bishii May gaaray 73.5% oo ah heerkii ugu sarreeyay muddo 24-sano ah, kaas oo ay sabab u tahay dagaalka ka socda Ukraine oo kor u qaaday qiimaha tamarta iyo hoos u dhac ku yimid lacagta Liraha, in kasta oo markii horeba dhaqaaleyannadu saadaaliyeen sare u kacan.

Sicir-bararka ayaa kor u kacay tan iyo dayrtii hore, markaas oo lacagta Liraha ay hoos u dhacday kadib markii bangiga dhexe uu bilaabay isbedel lagu fududeynayo heerka dulsaarka oo gaarayay 500 oo uu codsaday Madaxweyne Tayyip Erdogan.Tirada ugu dambeysay ayaa kor u dhaaftay 73.2%, waana kii ugu sarreeyay tan iyo bishii Oktoobar 1998-kii, markaas oo sicir-bararka sannadlaha ahi ahaa 76.6%, waxaana Turkigu la halgamayay sidii loo soo afjari lahaa toban sano oo sicir-barar ah.

Si kastaba ha ahaatee, saadaasha la isku raacsan yahay ayaa ahayd in sicir bararka sanadlaha ah uu kor u kaco ilaa 76.55%.

Qiimaha raashinka iyo gaadiidka ayaa kor u kacay 108% iyo 92% sannadkii la soo dhaafay, taas oo muujinaysa dhibaatada dhaqaale ee sii xumaanaysa ee dadka Turkiga ah ee la halgamaya inay soo iibsadaan waxyaabaha aas-aasiga ah.Dowladdu waxay hore u sheegtay in sicir-bararku uu hoos u dhici doono sanadka soo socda iyada oo la raacayo barnaamijkeeda dhaqaale ee cusub – iyada oo mudnaanta siinaysa heerka dulsaarka hooseeya, si kor loogu qaado wax soo saarka iyo


Madaxweyne Biden Oo Ku Baaqay In La Me El-Mariyo Sharci Lagu Xakameynayo Hubka


Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ku baaqay sha rci-dajiyayaasha dalkaasi inay soo saaraan sharci lagu xakame ynayo rabshadaha ka dhasha hubka , toddobaad kaddib markii 19 carruur ah uu nin hubeysan ku toogtay goob waxbarasho. Khu dbad qiiro leh oo si toos ah looga sii daayay Telefishinka Qar anka, ayuu ku yiri "Waa waqtigii wax la qaban lahaa”,isagoo dhinaca kalena soo jeediyay sharciyo dhowr ah oo ay ku jiraan mamnuucida nuuncyada hubka.

Madaxweynaha Mareykanka, wuxuu sheegay in meelo badan oo Mareykan ka ah ay noqdeen goobaha dilka, wuxuuna ku booriyay golaha guurtida ee Rep ublikaaka inay taageeraan isbedelada sharciga ka dhigaya dalka mid qof walba ammaan u ah. Saddexdii toddobaad ee la soo dhaafay, waxa dalka

Mareykanka ka dhacay toogasho wadareedyo xiriir ah ,kuwaas oo rag hubeysan

ay ku dileen dad Madow ah, arday iskuul iyo dhakhaatiir


Ciidamada DF iyo ATMIS oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Shabeellaha hoose

Wararka naga soo gaarayo M/Baroowe ee Caas imadda maamulka K/ Galbeed ayaa sheegaya in cii damada DFS & kuwa Midowga Afrika ee ATMIS ay tuulada Ambareeso oo u dhow Baraawe ka fuliyeen howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Ciidamada dowladda ee howlgalka qeybta ka ah aa ayaa waxay ka tirsan yihiin Ururka 25-aad ee guu tada 6-aad, waxaana tuulada howlgalka laga fuliyey dhawaan ciidamada dowladda lagula eegtay qarax khasaaro dhimasho iyo dhaawac geystay.

G/le sare Cabdiraxmaan Cilmi Jimcaale oo howlgal ka hoggaaminayey ayaa warbaahinta u sheegay in ujeedkiisa uu ahaa baaritaan lagu sameenayey gur yaha ku yaala Tuulada Ambareeso oo 5km duleedka kaga beegan degmada Baraa we si loo xaqiijiyo amniga dee gaanka.

" Ujeedka howlgalkaan wuxuu ahaa ka hortegida weerarada Al-Shabaab Burcadda iyo dadka isticma ala waxyaab aha maanka dooriya” ayuu yiri Gaa shaanle sare Cab diraxmaan Cilmi Jimcaale.

Mid kamid ah saraakiisha ciidamada ATMIS oo la hadlay dadka deegaanka ayaa sheegay inay hal kaasi u tageen badbaadinta dadka, isaga oo ka cod saday inay kala Shaqeeyaan sugida Amniga.

Howlgalkan Ciidamada dowladda iyo howlgalka ATMIS ay ka sameeyeen duleedka degmada Bara awe ayaa daba socday kadib falal amni darro iyo we eraro kusoo kordhay degaannada u dhow drgmada Baraawe oo ah Caasimadda rasmiga ah ee Maamu lka K/Galbeed.

Kooxda Al-Shabaab ayaa awood weyn ku helo G/Sh/Hoose, waxaana lagu tiriyaa inay kamid tahay deegaanada ay ku sugan yihiin ciidamada iyo mada xda ugu badan Al-Shabaab.

Wafdi Ka Socday Hindiya Oo Markii Ugu Horrey say M/Kabuul Kula Kulmay Taliban

Wafdi ka socda dalka Hindiya oo uu hoggaami nayay xog hayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa tagay magaalada Kabul ee caasimadda u ah dalka Afghanistan.

JP Singh iyo xubnaha kale ee qaybta ka ahaa wafdigiisa ayaa kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Taliban Amir Khan Mutaqqi, iyagoo ka wada hadlay arrimo ku saabsan xiriirka diblomaasi yadeed ee labada dhinac, ganacsiga iyo gargaarka bani’aadannimo. Waa markii ugu horraysay ee wa kiil ka socda dowladda Hindiya uu gaaro Kabul tan iyo markii ay Taliban awoodda dalkaas la wareegeen bishii August ee sanadkii lasoo dhaafay.

Sida ay qortay BBC-da laanteeda Pashto, kulanka kaddib Mutaqqi ayaa sheegay in booqashada wafdiga reer Hindiya ay ahayd mid wanaagsan. Waxa uu intaas ku daray in Hindiya looga fadhiyo inay dib u cusboon aysiiso xiriirka

PUTIN oo cudurka Kansarka uu ku dhacay iyo lo olan ka dhex billowday Kremlin-ka

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa la ga daweeyey cudurka kansarka oo marxaladdiisu sa rreyso bishii April, wuxuuna sidoo kale ka badbaa day isku day lagu dili lahaa bishii March, waxaa sid aas shaaciyey wargeyska Newsweek oo soo xiga naya sirdoonka Mareykanka.

Warbixinta wargeyska ayaa sheegtay in qiimeynta sirdoonka Mareykanka ay tilmaameyso in hoggaami yaha Ruushka uu xan uunsan yahay, go’doonsan ya hay islamarkaana uu si sii korhdeysa u wareersan yahay, taasi oo dagaalka Ukraine ka dhigeysa mid aan la saadaalin karin. Warbixinta ayaa intaas ku dartay in xaaladda Putin ay mugdi ku hareereysan yahay tan iyo duul aankii Ukraine sababo la xiriira go ’doonka uu galay, waxayna ka digtay in la saad aaliyo geeridiisa.

Saraakiil Ruushiyaan ah ayaa ku loolamaya awo odda Kremlin-ka, ayaga oo dareemaya in waqtigi Putin uu geba-gebo ku dhow yahay, waxaa sidaas sheegay mid ka mid ah sarakaiisha Mareykanka.

Dhinaca kale, warbixinta ayaa sheegtay in isku dayga lagu khaarijin lahaa Putin oo dhacay bishii Ma rch "uu ahaa shirqool Ruushiyaan ah” oo ay ogaad een amniga nabad-sugidda Kremlin-ka, sida ay tiri warbixinta oo aan bixin faah-faahin.

Waxa kale oo ay shaacisay in CIA-da iyo sirdoon ka dalal kale ay maqleen warbixino la xiriira qancsa naan la’aan ka dhex jirta wasaaradaha amniga Ruu shka, iyo in qaar ka mid ah diblomaasiyiinta Ruus hka ay doonayaan inay u goostaan dalalka Reer Galbeedka.

Putin ayaa waxaa ka muuqday daal iyo tabard arri mar uu dhowaanahan kasoo muuqday fagaare.

Mid ka mid ah saraakiisha sirdoonka Mareykanka ay aa sheegay in Putin hadda uusan awood buuxda la heyn islamarkaana amaradiisa aanay u fulin sidii ho re, taasi oo ka dhigeysa in xitaa hadduu damco inuu adeegsado hub Nukliyeer ah aanu awoodin.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Ruushka Sergei La vrov ayaa ku gacan sayray xanta ku saabsan in Put in uu xanuunsan yahay.

Duulaanka Ruushka ee Ukraine ayaa Jimcaha Shalay ah galay maalinkii 100-aad, ayada oo ciidam ada Moscow ay garaacayaan gobolka Donbas, taasi oo qeyb ka ah isku day ay ku qabsanayaan bariga dalkaas.

Ukraine ayaa Arbacadii sheegtay in Ruushka ay hadda maamulaan 20% dhulka Ukraine, oo ay ka mid yihiin Crimea iyo qeybo ka mid ah Donbas oo ay qabsadeen 2014.

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo weeraro ka gaystay gudaha Kenya.

Ciidamada Ammaanka Kenya ayaa howlgallo ballaaran ka wada Mandheera, Wajeer, Lamu iyo qeybo ka mid ah ismaamulada Kilifi, ka dib weeraro is xig xigay oo rag loo maleynayo Al-shabaab halkaasi ka fuliyeen.

Rag hubeysan ayaa weerar ku qa aday ciidamo ka tirsan kuwa am maanka Kenya oo marayay wad ada isku xirta Bura iyo Gaarisa ee uu ka socda dhi smaha, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ammaanka.

Sidoo kale, raggan hubeysan ayaa weerar kale ku qaaday gaari nuuca xamuulka qaada oo ay la soc deen shaqaalo shiineys ah oo wada dhismaha wada isku xirtaGaarisa iyo Buri ee dalka Kenya.

Raggaan ayaa halkaasi ku gubay gaariga xamuu lka, waxaase weerarkaasi ka badbaaday shaqaalihii Shiineyska ahaa oo iyaga iyo ciidamo ilaalaneysay baxsadeen.

Saraakiisha ammaanka Kenya ayaa sheegay in weeraradan isdaba socday ay ku dhaawacmeen Askar ka tirsan Ciidamada Kenya, isla markaasna la geeyay goobaha Caafimaadka ee magaalada Gaa risa.

Ragga weerarka qaaday oo aan illaa hadda la ga raneyn tiradooda ayaa goobta isaga baxsaday

Heshiiskii xabbad-joojinta Yemen oo mark ale la cusboonaysiiyey

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dhinac yada ku lugta leh dagaalka dalka Yem en inay ku he shiiyeen inay dib u cusboonaysiiyaan xabbad joojin dalka oo dhan ah muddo laba bilood oo kale ah.

Dedaalada dib loogu cusboonaysiiyey xabbad-jooj inta ayaa rajo gelinaya dadweynaha dalkaas ku nool oo sagaalkii sano ee ugu dambeeyey ku dhex noo laa dagaalo sokeeye oo dalkaas ka socday, hase ahaatee weli waxaa jira caqab ado kala duwan oo ku gedaa man in la gaadho nabad waarta oo si rasmi ah loogu soo afjaro colaadda dalka Yemen.

Xabbad-joojinta u dhaxaysa dawladda caalamku aqoonsan yahay ee Yemen iyo weliba mucaaradka Xuutiyiinta ee ay Iran taageerto ayaa dhaqan gashay 2-dii bishii April ee sannadkan, inkasta oo marar kala duwan uu dhinacba dhinaca kale ku eedeeyey inuu ku xadgudbay heshiiska xabbad-joojinta ah ee la ga adhay.

Dib u cusboonaysiinta xabbad-joojinta dalka Ye men ayaa ku soo beegmaysa iyada oo Shalay ay ku ekayd inay dhamaato xabbad-joojintii hore ee labada bilood ahayd. Qaramada Midoobay ayaa dedaal ba dan ku bixisay sidii natiijo iyo is-faham looga gaadhi lahaa colladda dalka Yemen, iyada oo ka odayaysay in heshiiska xabbad joojinta ah la gaaro.

Uhuru oo ku dhawaaqay guul ka dhan ah Al-Shabaab

Madaxweynaha waddan Kenya, Uhuru Kenyatta oo ka hadlayey dagaalka ay dowladdiisa kula jirto kooxda Al-Shabaab ayaa guullo sheegtay.

Uhuru Kenyatta ayaa shaaciyey inay ka adkaadeen kooxaha argagixisada ah, isla-markaana ay ka hortageen weerar adii badnaa, sida uu hadalka u dhigay.

”Waxaan fahansanahay in haddii ay amni darro jirto aan la gaari ka rin horumar dhanka nolosha iyo ganacsiga ah, sidaas daraadeena aan dadaal badan bixinay kana adkaanay kooxaha argagaxisada ah,” ayuu yiri Madaxweynaha waddanka Kenya, Uhuru Kenyatta.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dowladda ay dadaal xoog leh gelisay sugidda amniga xuduud aha dalka, taasina ay keentay inay hoos u dhacaan weerarada Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in la qalabeeyey ciidamada Kenya, gaar ah aan kuwa la dirirka argagixisada, si ay uga falcel iyaan weerara da kooxda Al-Shabaab.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo inta bad an ay Kenya ka dhacaan weeraro ay ka fuliyaan xoo gaga Al-Shabaab oo inta badan tega deegaanada u dhow xadka Somalia.

Si kastaba, Kenya ayaa ka mid ah dalalka qay bta ka ah howlgalka ATMIS, ex AMISOM, waxayna ciidamo ka joogaan deegaanada Jubbaland, gaar ahaan Gedo iyo Jubbooyinka.

Turkiga oo War kasoo saaray booqashada Maxamed Bin Salmaan

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Mevlut Chavushoglu, ayaa sheegay in heshiis laga gaaray arrinta ku saabsan booqasho uu dhawaan dalkaas ku tagayo Dha xa-sugaha Boqortooy ada Sac uudiga, Maxam ed Bin Salmaan.

Ha se yeeshee wali ma cadda go orta uu ku bee gan yahay sa farka uu Maxamed Bin Sal maan ugu wajahayn yahay Turkiga.

"Booqashada dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Maxamed Bin Salmaan, waxay dhacaysaa bishan gudaheeda, waan isku raacnay go’aankee da,” ayuu warbaahinta Turkiga ku yiri Mr Chavus hoglu.

Waxa uu sidoo kale sheegay in uu wadahadal kula jiro Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga si loo asteeyo taariikhda ay ku beegmayso booqashada.

Marka taas laga soo tago, waxa uu dhanka kale sheegay in Turkiga ay ka shaqeynayaan sidii caadi loogu soo celin lahaa xiriirka kala dhaxeeya Sacu udiga.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip