Sifooyinka lagu soo xulayo ra'iisul wasaaraha cusub

1
Sunday May 29, 2022 - 21:45:36 in Wararka by
  • Visits: 1139
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sifooyinka lagu soo xulayo ra'iisul wasaaraha cusub

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Maadama ay soo gabagabowday doorashadii Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya (BFS) iyo doorashadii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS), waxaa hadda la guda-galay sidii loosoo magacaabi lahaa Rai’sul Wasaaraha cusub ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), kaas oo soo dhisi doona Golaha Xukuumaddii iyo Barnaamijka Xukuumadda kadib markii ay ansixiyaan Golaha Shacabka ee BFS.

Hadaba, qoraalkan waxaanu ku falan qeyn doonaa, kuna cabiri doonaa, sifooyinka ugu muhiimsan ama saldhig u noqon kara magacaabista Rai’sul Wasaaraha XFS. Ujeedka qoraalkani maaha in lagu magacaabo siyaasi hebel ayaa ku habboon xilka Rai’sul Wasaaraha, laakinse qoraalku wuxuu xambaarsan yahay sifooyinka iyo tilmaamaha lagama maarmaanka u ah xulista Rai’sul Wasaaraha cusub iyadoo laga duulayo dareenka Shacabka Soomaaliyeed oo u ooman hoggaan leh daacadnimo, aqoon, waayo-aragnimo iyo khibrad siyaasadeed, karti iyo sifo hoggaamineed, si loo gaaro himilooyinka Shacabka, Xukuumaddu-na u hesho hoggaan suuban oo ka gudbin kara dalka marxalada maanta taagan iyo marxaladaha soo socda, haduu Rabbi idmo.

Sifooyinka Hoggaamineed.

Waanu ka wada dharagsan nahay tilmaamaha iyo sifooyinka hoggaamiyaha oo la wadayaqaan. Waxaase hoosta ka xariiqi doona sifooyin guud oo laga rabo qof kasta oo loo magacaabayo xilalka ugu sarreysa ee Dalka. Sifooyinkaas waxaa ka mid ah:

· Daacadnimo


· Degenaansho iyo dulqaad
· Aqoon iyo waayo-aragnimo
· Leh aragti siyaasadeed oo madaxbannaan
· Khibrad siyaasadeed iyo mid dhaqameed
· Aqoon u leh xaaladaha amniga dalka
· Khibrad u leh dhaqaalaha, shuruucda, maalgashiga iyo shaqo-abuurka
· Karti iyo hufnaan
· Kalsooni
· Khibrad u leh nidaamka Dowliga ah iyo xiriirka caalamiga ah
· Dad-wadasho iyo wax-wadaag
· Toos kara xiriirka DFS iyo Dowlad-goboleedyadda
· Xoojin kara xiriirka DFS iyo Shacabka si loo xoojiyo kalsoonida shacabka
· Diyaar u ah wadatashi iyo nidaam daahfuran

Maxay noqon karaan sifooyinka gaarka ah uu danaynayo Madaxweyne Xasan Shiikh?

Madaxweynaha JFS Xasan Shiikh Maxamud waa khabiir siyaasadeed, wuxuuna hore ula soo shaqeeyey ilaa sadax Rai’sul Wasaare. Muddaas uu xilka haye (2012 – 2017), Madaxweyne Xasan Shiikh waxaa u kordhay aqoon iyo khibrad siyaasadeed oo ku saabsan xiriirka xafiisyada Madaxweynaha JFS iyo Rai’sul Wasaaraha XFS. Intaas waxaa usii dheer, Madaxweyne Xasan Shiikh wuxuu fursad u helay inuu casharo siyaasadeed ka barto Xukuumadihii uu magacaabay

Madaxweynihii hore Maxamad Cabdullahi Farmajo, oo lasoo shaqeeyey labo Rai’sul Wasaare mudadii uu xilka hayay (2017 – 2022).

Hadaba, maxay noqon karaan sifooyinka uu sida gaar ah Madaxweyne Xasan Shiikh ku xulan karo Rai’sul Wasaare cusub? Markii la qiimeeyo xogo kala duwan iyo falanqeyn la xiriirta sifooyinka uu sida gaarka ah u raadinayo Madaxweyne Xasan Shiikh, waxaa muuqata inuu Madaxweynuhu raadinayo dhammaan sifooyinka hoggaamiyaha suubban (oo kor ku xusan), wuxuuna si gaar ah u raadinaya mas’uul leh tilmaamaha hoos ku xusan:

· Waji ku cusub xilalka ugu sarraysa Dowladda Federaalka
· Leh dammaanad-qaad lagu kalsoon yahay
· Ay wadashaqeyn wanaagsan yeelan karaan Madaxweynaha
· Khibrad badan u leh xaaladaha dhaqan, dhaqaale iyo siyaasad ee Dalka Soomaaliya
· Khibrad u leh arrimaha amniga iyo ladagaalanka kooxaha argagaxisada
· Qaban kara shaqooyinka farsamo (Technical) ee Xafiiska Rai’sul Wasaaraha si loo hirgaliyo Barnaamijka Xukuumadda
· Aqoon iyo khibrad u leh toosinta xiriirka DFS iyo Dowlad-goboleedyada
· Horumarin kara wadahadallada DFS iyo Somaliland
· Xirfad iyo aqoon u leh xiriirka dibloomaasiga iyo kan caalamiga
· Khibrad u leh halabuurka iyo hirgalinta barnaamijiyo lagu hormariyo dhaqaalaha, shaqo-abuurka iyo maalgashiga dalka

Wadashaqeynta Madaxweynaha iyo Rai’sul Wasaaraha

Magacaabidda Rai’sul Wasaare leh tilmaamaha aan kor ku xusan waxay muhiim u tahay in la fuliyo qorshihii lagu soo doortay Madaxweyne Xasan Shiikh, hal-ku-dhigiisuna yahay "Soomaali heshiis ah, Dunida-na heshiis la ah”. Hadaba, Madaxweyne Xasan Shiikh wuxuu Ilaahay SWT siiyay fursad dahabi ah inuu mar labaad qabto xilka ugu sarreeya ee Dalka. Madaxweynuhu waa khabiir, waa hoggaamiye lasoo tijaabshay, waa oday leh waayo-aragnimo ku filan, waxaana laga sugaya magacaabista Rai’sul Wasaare ay is aaminsan yihiin oo ay wadashaqeyn karaan. Xukuumadihii hore, Madaxweyne Xasan Shiikh waxaa lagu tilmaamay hoggaamiye kusoo magacaabay Rai’sul Wasaare-yaashii la soo shaqeeyey ka dib wadatashiyo uu la sameeyey saaxiibadiisa siyaasadeed.

Hasa yeeshee, maanta shalay ka duwan, waxay xogo laga soo xigtay Xafiiska Madaxweynaha qeexayaan inuusan markaan diyaar u ahayn magacaabista Rai’sul Wasaare ay dad kale ama mas’uuliyiin kale soo jeediyeen. Sida ay sheegeen ilo lagu kalsoon yahay, waxaa xusid mudan inuu Madaxweynaha JFS sheegay inuu wadatashiyo ka dib isagu kaliya soo magacaabi doono Rai’sul Wasaare uu aamini karo, iska hubo inay wadashaqeyn karaan, mowqifyada iyo aragtida siyaasadeed ay isaga dhow yihiin, lehna sifo uu ku hoggaanmin karo Xukuumadda Federaalka.

Akhriste, adigu-se maxay kula tahay?


Ali Muhiyaddiin

Muqdisho, Caasimada


Muxiyaddiin@hotmail.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip