HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA M. TIMES EE MAANTA OO AH ARBACO 24-KA MAY 2022
SIDEE AYEY DORRAAD U DHACDAY XIL WAREEJINTA MAD AXWEYNAHA CUSUB?
Xarunta Villa Soomalaiya waxaa Dorraad lagu qabtay munaasabadda xil wareejinta Madaxweynaha cusub ee dowladda federaalka ah ee Soom aaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo si weyn loo soo qaban qaabiyey.
Munaasabadda ayaa waxaa ka qayb-galay madax kala duwan oo ay ugu horreeyaan guddoomiyeyaasha labada Aqal, taliyeyaasha ciidamada iyo ma rti sharaf kale. Sidoo kale ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Madax tooyada iyo kooxda Baambeyda ayaa qayb ka ahaa munaasabadda oo ka dhacday barxadda weyn ee madaxtooyada.
Labada Madaxweyne ayaa Dorraad si rasmi ah xilka isugu wareejiyey, wax ayna madasha ka jeediyeen hadallo ay isku soo dhoweynayaan iyo kuwa ay isku macsalaameynayaan.
Madaxweynihii hore oo khudbadda qaatay ayaa marka hore faah faahin ka bixiyey xil warreejinta dowladdii uu soo xukumayey iyo waxyaabaha uu ku wareejinayo Madaxweynaha cusub, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo mar labaad la doortay. Farmaajo ayaa intaasi, kadib u mahadceliyey taagee rayaashiisa iyo guud ahaa dadka Soomaaliyeed, wuxuuna ballan qaaday inuuu la shaqeyn doono Madaxweyne Xasan.
"Madaxweynow aniga ka ahaanteyda waan ku garab taaganahay waxaan kaa ballan qaadayaa inaan garab kuugu siiyo heer walbaba Insha allah waxa an kuu rajeyneynaa inuu Ilaahey kuu fududeeyo,” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed C/llahi Farmaajo.
Dhankiisa Madaxweynaha cusub oo ka hadlay xil wareejinta ayaa u mah ad celiyey Madaxweynihii hore ee dalka, wuxuuna sheegay inuu shaqada halkeeda kasii wadi doono. "Madaxweynuhu si tartiib ah oo nidaam ah ay uu iigu wareejiyey xilka dukumintiyaasha iyo mashaariicda feylasha waa we yn oo Madaxweynuhu ka hadlay oo dhan waan la wareegay tartiib ayaa dib dib ugu aqrin doonaan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Dhacdadaan ayaa aheyd mid xiiso badan, waxayna uga duwaneyd mun aasabadihii hore in labada nin ee mid sii galay Villa Soomaaliya mid kalena ka soo baxay ay horey sidan oo kale xilka isugu wareejiyeen, kadib door ashadii 2017-kii oo loo adkaaday Xasan Sheekh oo isna haatan doorashada 2022 uga guuleystay Farmaajo oo uu horey ugu wareejiyey talada. Si kast aba, munaasabaddan ayaa dhammeystir u ah doorashadii soo soco tay mud ada sanadka ka badan, waxaana xafiiska ku wareegaya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud
Farmaajo oo ka hadlay ciidamada ku maqan dal ka Eritrea iyo sababta dalka loogu soo celin waayay
Madaxweynihii hor ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Dorraad si rasmi ah xilka u wareejiyay ayaa markii ugu horr eysay ka hadlay ciidamada lagu tababaray dalka Eritrea, oo xaaladdooda uu mugdi ku jiray tan iyo markii dalkaas loogu qaaday in lagusoo tababaro.
Madaxweynihii hore ayaa sheegay in ciidamadan ay san nadkii hore bartamihiisa dhameysteen tababarka islama rk aana dib loo dhigay in lagusoo ce liyo gudaha Soomaaliya.
Farmaajo wuxuu sheeg ay in xaaladda doorashada iyo saamaynta ay ciid amadan ku yeelan karaan awgeed loo baajiyay in ciidamadan lagu soo cel iyo Soomaaliya.
"Mudane Madaxweyne ciiddankaas waa kuu diyaar. Waxaa ciiddankaas loogu talo galay inay dalkooda ka xorreeyaan argigixisada Alshabaab,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo oo si rasmi ah madaxweyne Xasan Sheikh ugu wareejiyay faylka ay ku qoran yihiin ciidanka Eritrea.
Dhinaca kale, madaxwe yne Xasan Sheikh ayaa sheegay inay ka shaqeyn ayaan inay si degdeg ah ciidamadaas dalka ugusoo celiyaan, si ay uga qeyb qaataan dib u xoraynta dalka oo uu sheegay inay qeyb weyn ku leeyihiin.
"Waa run ciidamada Eritrea muddo dheer way naga maqnaayeen waana wiilasheennii, waan ka shaqeynaynaa inaan sida ugu dhakhsiyaha badan dal ka ugusoo celino. Waa ciiddan Soomaaliyeed, dalka Soomaaliyaa iska leh,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud.
Si kastaba ha ahaatee, ciiddanka Eritrea oo tiradooda lagu qiyaaso in ka badan shan kun oo askari ayaa warbixinno laga qoray xaalkooda waxaa la sheegay inay ka qeyb galeen dagaalada waqooyiga Ethiopia ka dhacay, inka stoo dowladda Soomaaaliyeed arrintaas ay beenisay. Hase ahaatee qaar kamid ah ciiddamadaas oo kasoo baxsaday xeryahalag u tababaray ayaa kusoo laabtay Soomaaliya, kadib markii ay sheegeen inay tacadiyo kalakulmeen xeryaha lagu tababaray oo ay ka dhaceen isku dhacyo.
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MAGACAABAY 2 XIL OO CUSUB
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa La-taliyaha Amniga Qaranka u magacaabay Xuseen Macalin, oo horay u soo noqday la-taliyaha amniga qaranka, xilligii madax weyne Farmaajo.
Xuseen ayaa sanadihii u dambeeyay madax ka ahaa Machadka daraa saadka amniga ee Hiraal oo isagu uu aas-aasay. Ninkaan ayaa aad u naqdi jiray siyaasaddii uu dalka ku maamuli jiray Madaxweyne Farmaajo oo mar uu la taliye u ahaa.
a xilkii labaad ee Madaxwey ne Xasan Sheekh Maxamuud uu mag acaabay, xilli Dorraad uu xukunka dalka kala waree gay Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Dhinaca kale Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareegto uu soo saaray waxaa uu Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan ugu ma gacaabay xilka ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Madaxtooya da Qaranka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey Agaasime Ku-xigeenka Cusub in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, isagoona kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeego Qaranka.
"Mudane Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan Amiin waa aqoonyahan labo shahaado ka haysta heerka 2-aad ee jamaacadda, isaga oo ku takhasusay Horumarinta Dhaqaalaha, Maareynta Nabadda iyo Aammaanka Afrika. Waxa uu hore u soo noqday Sanatar ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaan ka JFS iyo Guddoomiyaha Guddiga Difaaca iyo Amniga ee Golaha Aqalka Sare, sidoo kale waxa uu soo noqday Safiir Ku-xigeenka safaaradda aynu ku leennahay dalka Kenya,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Mada xweynaha. Xasan Sh.ayaa goor sii horeysay oo Dorraad ah wuxuu aga asim aha Guud ee Madaxtooyada Qaranka u magacaabay Xuseen Sheekh Maxa mu ud oo horay u soo noqday Senator laga soo doortay deegaanada K/r Gal beed Soomaaliya.
Wafdi Ay Hogaaminayso Wasiirka Caafimaad ka Oo Shir Caalami Ah Uga Qaybgelaya Geneva
Wafdi ay hogaaminayso Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Dawlad da Federalka Soomaaliya Dr.Fawziya Abikar Nur ayaa waxay ka qayb gal ayaan Shirweynaha Sanadlaha ahee Hay’adda Caafim aadka Aduunka oo Dorraad oo ay bisha May tahay 22 ka fur may magalada Geneva ee Dalka Switzerland.
Shirka oo sanadkan halku dhig looga dhigay " Nabaddu waa Caafimaad, Caafimaadkuna waa Nabad” ayaa wuxuu muddo dhawr maalmood ah ka socon doonaa M/Geneva.
Hogaaminayso
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya ayaa waxay shirka ku soo bandhigi doonaan guulaha la taaban karo ee ay Wasa araddu ka sa maysay dhanka hormarinta iyo dib u dhiska nidaamka Caaf imaadka Dalka.
Guulahan oo noqday kuwo tusaale looga dhigi karo wadamo baddan oo ku yaala dunida kuwa ku jira wadamada dhaqaalahoodu hooseeyo ayaa Soo maaliya ka dhigaya wadan sameeyay is bedallo la taaban karo ee dhanka Nidaamka Caafimaadka!
Ra’iisul Wasaare Rooble Iyo Wafdi Uu Hogga ami nayo Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay
Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Dorraad dalka dib ugu soo laabtay ka dib socdaal 4 cisho qaatay oo uu ku tagay dal ka isutagga Imaaraadka Carabta, hal kaas oo uu uga qeyb galay tacsida mad axweynihii geeriyooday ee Imaaraadka Carabta Allaha u naxariistee Sheikh Kha lifa Bin Zayid.
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble intii uu joogay Imaaraadka, wa xa uu magaalada Abu Dhabi kula kul may madaxwey naha Imaaraadka Sheikh Maxamed Bin Zayid oo uu uga tacsiyeeyay geerida madaxweynihii hore Sheikh Khalifa, sidoo kalena u rajeeyay in uu Eebbe ku guuleeyo mas’uuliyadda loo doortay ee hoggaaminta dalka Isutagga Imaara adka Carabta.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Sheikh Maxamed Bin Zayid gaarsiiyay dha mbaal tacsi, salaan iyo hambalyo ah oo uu uga siday madaxweynaha dalka Xasan Sheikh Maxamuud. Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu uga mahadceliyay D/Imaaraadka Carabta sida ay u garab istaagtay Somaliya xilliyadii adkaa, gaar ahaan gurmadkii dadka Somaliyed ee xilidii abaarta ba’ani haysay
R/W Rooble oo soo saaray amar ku socdo was iir ka arrimaha dibadda Somalia
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo saaray amar culus oo si toos ah ugu socdo wasaaradda arrimaha dibadda, kaas oo la xiriira shaqaalihii laga saaray wasaaradda.
Rooble ayaa wasiir Cabdisaciid Muuse Cali ku wargeliyey in laga bilaabo kowdii Janaayo 2022 shaqaalaha dowladda
ee la bedelay ama shaqada la ga qaaday aanay wafaqsaneyn go’aankii horey uga soo ba xay Golaha Wasiirada, sida la gu sheegay qoraalkan soo ba xay.
Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale faray in dhammaan shaqaalahaas dib loogu fasaxo how lahooda shaqo, dibna loogu celiyo goobihii iyo xafiisyadii ay ka shaqeynayeen.
Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa faray hey’addaha kale ee dowladda ee warqadan oge ysiinta lala socodsiiyay inay qabsadaan howlaha kaga aadan fulinta amarkan.
"Sidaas daraadeed waxaa la idinka rajeynayaa inaad sidaa ula socotaan fulisaana awaamiirta sa re ku xusan” ayaa lagu yiri gabagabadii amarka kasoo baxay Rooble.
Go’aanka kasoo baxay R/wasaaraha oo isoo ku sugan ku sugan dalka Imaaraadka Carabta ay aa ku soo aadaya xilli xasaasi ah, maadaama Dorraad uun xilka la wareegayo Madaxweynaha cusub ee dowladda Soomaaliyda, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Si kastaba, wuxuu amarkan saameyn doonaa shaqaalihii kala duwanaa ee ay wasaaraddu qaa datay wixii ka dambeeyey kowdii Janaayo ee 2022, maadaama dib loo soo celinayo shaqaalihii horey u joogay wasaaradda ee la beddalay & ku wa toos looga saaray shaqada.
Cali Guudlaawe Oo Gaaray Deegaanka Ceel-macaan Ee Gobolka Shabeellaha Dhexe
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirsha beelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Dorraad ga aray deegaanka Ceelmacaan ee G/Shabeellaha Dhexe.
,=Md.Cali Guudlaawe iyo Wafd igiisa ayaa halkaasi lagu soo dh aweeyay, waxaana uu tagay xeeb ta oo uu kula kulmay kalluumays ato, kuwaasi oo uu warbixin ka dhagaystay.
Madaxweynaha ayaa kormeerkiisa ugu kuurgal ay xaaladaha guud ee deegaanka sida amniga, iyo tan kaluumeysatada deegaanka oo mudooyin kii dambe ka cabanayay maraakiib shisheeye oo xaalufin ku hayay kalluunka iyo wasaq ay sheeg een in lagu daadiyay xeebaha
Rooble oo Madaxweynaha ku booqday Xafiiskii sa Villa Somalia
Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqasho ugu tagey Ma daxweynaha cusub ee dalka, Xasan Sheekh Max amuud.R/Wasaaraha ayaa Madaxweynaha ku booqday Xafiiskiisa Villa Somalia, waana saacado uun ka dib, markii Madaxweyuhu uu xafiiska la wareegay. Ra’iisal Wasaaraha ayaa Madax weynaha Qaranka war bixin ka siiyay socdaalkii uu ku te gay dalka Emirate-ka Carabta iyo habsami u socodka howlaha xuku umadda, sida lagu she egay qoraal lagu daaba cay bogga Xafii ska R/w.
"R/Wasaaraha XFS, Md.Rooble ayaa booqa sho ugu tagey Madaxweynaha JFSo maliya, Md. Xasan Sh. Maxamuud oo Dorraad xaf iiska la war eegay, isagoo warbixin ka siiyay soc daalkii uu ku tagay dalka Imaaraadka Carabta iyo habsami u socodka howlaha xukuumadda.”
Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada Som alil and oo isku gacan qaaday
Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiilada Somal iland, ayaa gacanta iskula tagay kadib khilaaf ka dhashay ansixinta xubnaha guddida diwaangal inta iyo ansixinta urrurada siyaasada.
Xildhibaannada gacanta iskula tagay oo ka ka la tirsan saddexda xisbi ee Somaliland, ayaa si wayn ugu kala aragti duwan furista urrurada siya asada, waxaana jira xildhibaano taageersan iyo kuwo kasoo horjeeda, taasi oo sababtay in uu dag aal ka dhasho guddida diwaangalinta urrurada oo madaxweynuhu u gudbiyay golaha.
Khilaafka ka sakow golaha ayaa cod u qaaday xubnaha guddidan oo ka kooban 7 xubnoo, wax aana la ansixiyay 5 xubnood oo kamid ah, halka 2 kamid ahi anay helin codka kalsoonida mudanay aasha, xubinta hesha kalsoonida 42 xildhibaan ayaa ansaxaysay.
"7 xubnood ayay guddidu ka koobnayd shar ciyan waxaa ansaxay 5 xubnood, labana way wa ayeen codkii kalsoonida mudanayaasha" sida wa xaa yidhi Mustafe Khayre oo ah mudane ka tirs an Golaha Wakiilada Somaliland, oo waraysi siiyay HCTV.
Xisbiyada mucaaradka iyo muxaafadka Soma liland ayaa aad iskugu khilaafsan furista urrurada siyaasada ee wakhtigan, khilaafkaasi oo same eyay xubnaha golaha wakiilada ee Somaliland.
Madaxweynaha Jubbaland oo IOM kala hadlay dib usoo celinta qoxootiga
Madaxweynaha Maamulka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa Xarunta Mada xtooyada ku qaabilay madaxa Hay’ada Socdaalka aduun ka ee IOM ee Soom aaliya Frantz celestin .
kulanka ayaa lagaga hadlay arimaha dib usoo celinta qox ootiga iyo tageerada dadka gudaha dalka ay ku saamaysay abaartii bilo kahor dalka ku dhufa tay iyo sidii xal waara loogu heli lahaa masiibooyinka dabiiciga ah.
Madaxweyne Axmed Mad oobe ayaa uga ma had celi yay madaxa Hay’ada Socda alka aduunka ee IOM ee Soo maaliya booqashada uu ku te gay Kismaayo, isaga oo sheegay inay xoojin doo naan wada shaqeynta ay la leyihin Hay’adda IOM.
Dad farabadan oo ka barakacay degaannada Jubbaland ayaa qaxooti ku ah wadamada Caal amka qaarkood, kuwaas oo qaarkood doonaya inay dalka dib ugu soo laabtaan.
Somaliland oo xukun adag ku ridday wariyey aal uu ku jiro Cabdimaalik COLDOON
Maxkamadda Racfaanka ee magaalada Harg eysa ayaa Dorraad xukun adag ku ridday Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo bilihii lasoo dhaafay u xirnaa maamulka Somaliland, kadib eede ymo culus oo loo jeediyey Wayiyaha la xukumay Maxkamadda Racfaanka ayaa Dorraad oo Isniin ah 23-ka May 2022 ku xukuntay laba sanno oo xa bsi ah iyo 3 Milyan oo lacagta Somaliland ah.
Xukunkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo horey maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ay u soo saartay go’aan ay ku shaacisay in wax dambi ah lagu waayey Wariyey Coldoon, iyada oo amartay in laga sii daayo xabsiga, wuxuuna go’aankaasi soo baxay 3 Febraayo ee sanadkan.
Kadib waxaa go’aankaas kasoo baxay maxkam adda, Racfaan ka qaatay Xeer ilaalinta, waxaana kiiska sidaas loogu sii gudbiyey maxkamadda Ra cfaanka oo Dorraad xukun adag ku riday Coldoon.
Ehellada Wariyaha & qaar ka mid ah dadweyn aha Somaliland ayaa si weyn u dhaleeceeciyey go’aanka kasoo baxay maxkamadda ee lagu rid day Cabdimaalik.
Coldoon oo xabsiga loo taxaabay taariikhdu mar kay aheyd 23/08/2021-kii, ayaa loo soo jeediyey eedeymo culus, sida dacaayad qaran dumisnimo ah, faafinta warar been abuur ah iyo aflagaadeyn siyaasiyiinta &G /sharci dejinta ee Somaliland.
Sidoo kale eedeymaha kale ee loo soo jeediyey waxaa ka mid ah inuu warbixino liddi ku ah ka qo ray Dugsiga Abaarso iyo Jaamacadda Barwaaqo, doodaas oo meel sare gaartay.
Wariye Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon oo ku caan baxay arrimaha samafalka iyo u gargaar ida dadka taabaleysan ayaa marar badan siyaabo kala duwan loogu xiray Hargeysa.
Dhinaca kale maxkamadda gobolka Maroodi-je ex ayaa Dorraad min hal sanno iyo 4 bilood ku xukuntay Wariyeyaasha kala ah Maxamed Ilig iyo Cabdiji baar Maxamed halka ay xorriyadiisii u soo celisay Cabdiraxmaan Khaliif. Wariyeyaashaan ayaa dhawaan lagu xiray magaalada Hargeysa kadib markii ay soo tabiyeen shaqaaqo ka dhacday xabsiga dhexe ee magaaladaasi.
Wada hadaladii u furmay mucaaradka iyo xukuu mada Somaliland oo ku dhow in ay burburaan
Wadahadaladii 16 bishan ay ku balameen xuk uumada iyo xisbiyada mucaaradka Somaliland, ayaa baaqday kadib markii uu madaxweyne Biixi kasoo xaadiri waayay kulamadii loo balansana, sida xisbiga Waddani sheegay.
Muniir Axmed Cigaal oo ka tir san xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, oo waraysi gaar ah sii yay HCTV, ayaa sheegay in Ma daxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, uu ka baaqday kulamadii loo balansana in laga yeesho go rfaynta iyo xal ka gaadhista xaalada siya asadeed.
"Waxan kuu caddayn karaa sad exda guddoom iye xisbi qaran oo uu weheliyo musharaxa madax weynaha xisbiga Waddani, waxay ku balan sanaay een in wadahadalo xalaada dalka, iyo muruga siya asadeed iyo halkii looga dhaqaaqi lahaa ay yeesh aan, nasiib daro guddoomiyaha xisbiga Kulmiye ah na Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulankaas soo fadhisan waayay" ayuu yidhi Muniir. Muniir ayaa sheegay in ay ahayd in wada hadalada ay ka qayb galaan saddexda guddoomiye xisbi oo madaxweyne Biixi kamid yahay, mar hadii madaxweynihii soo fadhiisan waayayna ay kulamadii loo balansanaa sidaa ku baaqdeen. Wararka ayaa sheegaya in madaxweyne Biixi uu kulamada mucaa radka u igmaday saraakiil sar sare oo ka tirsan xisbi ga Kulmiye lakin, mucaaradku ay diideen inay la ku
lmaan cid aan madaxweynaha ahayn.
SHANTA ARRIMOOD UU FAMAAJO UGA DUWAN YAHAY MADAXWEYNAYAASHA KALE
Madaxweynihi hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo
XIGASHADA SAWIRKA,VILLA SOMALIA
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo si rasmi Dorraad xilka ugu wareejiyey Madaxweynaha cusub Xasan Sheek
h Maxamuud ayaa lagu tilmaa maa inuu leeyahay arrimo dhowr ah oo uu kaga duwan yahay madaxweynayaashii burb urka ka dib dalka asi soo maray.
Farmaajo oo muddo dhan 5 sanno, 3 bilood iyo maalmo ka arriminayey dalka Soomaaliya wu xuu FaylashiI ugu muhiimsanaa ee ay dowla ddiisa ka shaqeyneysay ku wareejiyey madaxw eynaha cusub.
Haddaba maxay yihiin arrimaha uu madaxwe yne Farmaajo uu kaga duwanaa madaxweynayaa shi hore?
Weligii shir jaraa'id ma qaban
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo muddada uu xilka hayey ma ahayn mas'uul sida madaxweynayaasha kale shir jaraa'id qabta si xaaladda dalka ka taagan shacabka ay ula socdaan.
Waxaana madaxweynaha iyo xukumaddiisaba dhaqan u ahayd mas'uuliyiinta la soo shaqeysay intooda badanna ay kaga deydeen iney iyaguna shir jaraa'id qabanin.
Xasan Sheekh iyo taliyeyaashii uu ku yiri ‘dhii qo ayaa lugaha la idiin galinayaa’
Wuxuuna Farmaajo uu shirka Jaraa'id uu ka do or bidi jiray war muritiyeed iyo bayaanno qoraal ah oo uu xafiiskiisa soo saaro. Shirka jaraa'id wa xaa inta badan qaban jiray xafiiska madaxweyna ha u qaabilsan warfaafinta.
Muddada shanta sana ka badan uu Farmaajo xilka hayey marnaba ma dhicin inuu shir jaraa'id uu qabto oo ay warbaahintu su'aalo weydiiyaan. Arrintaas oo ka mid ah waxyaabaha madaxweyn ayaasha kale uu kaga duwan yahay.
Madaxweynihi hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo
XIGASHADA SAWIRKA,VILLA SOMALIA
Qurba jooggii wakhtiga ugu dheeraa dalka madax ka noqda
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo 1962-kii ku dhashay magaalada Muqdisho kuna soo barbaaray inta ay Soomaaliya burburin ayuu u wareegay dalka Mareykanka.
Isaga oo 1982-1985-kii ahaa xoghayaha koob aad ee safa aradda Soomaaliya ay ku leedahay Washington.
Noolasha caadiga ee Mareykanka markii ay u billaabatayna wuxuu ku biiray Jaamacadda Buff alo isaga oo ka qalinjabiyey 1993-kii wuxuuna qa atay dhalashada dalka Mareykanka. 1994-kii ilaa iyo 2010-dii shaqooyin kala duwan ayuu dalka Mareykanka ka soo qabtay.
Dbayaaqadi 2010-ki ayaa loo magacaabay Ra'isul wasaare, halka 2017-kina uu noqday madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaali ya isaga oo baddalay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Farmaajo oo Febraayo 2017-kii - May 2022-ka xilka madaxweynaha soo hayey muddo ka badan 5 sano ayaana noqonaya madaxweynihii ugu horr eeyey oo qurbajoog ah oo muddo intaa dhan mad axweyne ka soo noqdo dalka Soomaaliya.
Jinsiyadda Mareykanka uu celiyey War saxaf adeed madaxtooyada dowladda Soomaaliya bishii August 2019-kii waxaa lagu she egay in jinsiyaddii 2aad ee madaxweyne Maxa med Cabdullaahi Farmaajo uu ka qaatay dalka Mareykanka uu dib isaga celiyay.
War saxaafadeed ka soo baxay madaxtooya da dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in jinsiyaddii 2aad ee madaxweyne Maxamed C/hi Farmaajo uu ka qaatay dalka Mareykanka uu dib isaga celiyay.
AFAR QODOB OO LAGU XUSUUSAN DOONO MAXAMED CABDULLAAHI FARMAAJO
Waxaa sidoo kale warqadda lagu xusay in how shan ay in muddo ku howlanaayeen sharciyaqaa nno iyo xafiisyada qaabilsan jinsiyadaha Soomaali ya iyo Mareykanka.
Inkastoo uu dastuurka Somaaliya uu fasaxayo in qofka uu haysan karo labo jinsayadood ayaa ha ddana waxaa war saxaafadeedka lagu sheegay in uu madaxwayne Farmaajo uu isagu qaatay go'a an shaqsiyadeed.
Farmaajo go'aanka uu ku celiyey Jinsiyadda Mareykanka ayaa xilligaa ku beegneyd marka uu xilka madaxweynanimada hayey 16 bilood oo keli ah.
Madaxweynihi hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo
XIGASHADA SAWIRKA,VILLA SOMALIA
Arrimaha waaweyn oo uu ka aamusi jiray Farna amjo inta uu xilka hayey waxaa caada u ahayd arr in kasta oo dalka ka taagan ha ahaato mid dhaq aale, mid siyaasadeed amaba bulsho inuusan si toos ah uu uga hadlin amaba mararka qaar uu ga bi ahaanba ka aamuso.
Tusaalooyinka arrimahaa loo soo qadan karo waxaa ka mid ah Khilaafkii isaga iyo Ra'isul was aare Roble soo kala dhex galay oo inta badan do orashada salka ku hayey iyo Arrinta Ciidamada Eritrea tababarka looga qaaday oo sida weyn loo hadal hayey.
Madaxweynaha oo farriimaha kala duwanaa shaha dhinaca aragtiyada iyo awaamiirta uu siin ayao Ra'isul wasaaraha intaba waxay ahaayeen kuwo uuu soo mariyo qoraal ka soo baxa xafiiski isa ama muuqaal kooban oo la soo tifaftiray.
Mararka qaarna waxaa dhaceysay in arrimo xasaasi ah oo taagan inuu ka aamuso oo siya asiyiinta iyo muwaaddiniinta dalkaba ay ogaan waayaan mowqifka madaxweynaha uu ka aam insan yahay.
Tusaalaha labaad ee la soo qaadan karo wa xaa ka mid ah arrinta ciidamada Soomaalida ee Tababarka ugu maqan dalka Eritrea.
Dhinacyada ka soo horjeeday dowladda Farm aajo ama xubnaha mucaaradka waxay marar ba dan sheegeen ciidamadii Eritrea tababarka u loo geeyey iney ka qayb qaateen dagaalka Tigreega ee Waqooyiga Itoobiya ka socda walow ay dowladda beenisay.
Hase yeeshee Farmaajo sidi la rabay uma ca ddeyn eedda mucaaradka iyo walaaca waaliddiin ta askartaasi ay ka muujiyeen arrinta sheegeysa ciidamada iney dagaalka Itoobiya iyo TPLF u dha xeeya loo qaaday ayna ka qaby galeen.
Qaar ka mid ah waalidiinta ay ka maqan yihiin carruur ay sheegeen in dowladda Soomaaliya ay tababar ciidan dibadda ugu qaadday, ayaa shee gay inay wajahaan walwal aan dhammaad lah ayn. Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xus een Rooble, oo walwalka waaliddiinta ay carruurta ka maqan yihiin wuxuu magacaabay guddi soo ba ara cabashada ay waalidiinta ka qabaan ubadk ooda ka maqan, guddiga oo ka kooban shan xub nood walow guddigi sidi la rabay ay u howl gelin.
XIGASHADA SAWIRKA,SONNA
Hase yeeshee Farmaajo ayaa Dorraad marka uu xil wareejinta sameynayey markii ugu horrey say ka hadlay ciidammada dawladda ee tababar ka ugu maqnaa labadii sanno ee la soo dhaafay dalka Eritrea.
"Ciidankaasi tababarkooda waxay dhemmeyste en bartamahii sanadkii la soo dhaafay iyada oo la rabay in la keeno dib baan u dhignay sababta oo xaaladdi siyaasadeed iyo doorashada aan ku jirnay iney saameyso, mudana madaxweyne ciidankaas waa kuu diyaar, waxaa loo tababaray ciidanka qaybahooda kala duwan waxaanna rajey nayaa ciidankaasi iney dalkooda ku soo noqdaan si ay argagixisada Al-shabab dalkooda uga xore eyaan," ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Soomaa liya Maxamed C/hi Farmaajo oo markii ugu horre ysay meel fagaara ah uga hadlay ciidammada tab abarka ugu maqan Eritrea.
Muddadi ugu dheereyd Villa Somalia Fadhiyey
Madaxweynihi hore ee Soomaaliya Maxamed C/hi Farmaajo ayaa noqday madaxweynihii mu ddadii ugu dheereyd fadhiyey Villaa Somalia.
Farmaajo markii uu dhammeystay muddo xile edka afarta sano ee loo doortay wuxuu xilka sii ha yey muddo ka badan 1 sana iyo 3 bilood.
Muddo kororsi laba sana ah oo baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu sameeyey ayuu baarlamaanka ka laabtay kaddib markii si weyn looga horyimid shaqaaqa muddo kordhinta ka dhalatayna ay gacan ka hadal iisu beddeshay.
Hase yeeshe Farmaajo inuu 15 bilood mudda ka badan uu xilka sii hayo markii uu dhammaaday muddo xileedkiisa kaddib waxaa u suurageliyey khilaafkii isjiijiidka hab raacyada doorashada ka dhashay. XIGASHO:BBC
SACUUDIGA OO DALKIISA KA MAMNUUCAY MUWAA DIINTA 16 DAL OO AY SOOMAALIYA KU JIRTO
yada oo laga jawaabayo kiisaska sii kordhaya ee COVID-19, ayaa Sacuudi Carabiya waxay dal kooda ka mamnuucday inay usoo safraan muw aadiniinta 16 waddan oo ku yaal Aasiya, Afrika iyo Koonf urta Ameerika.
Sida lagu sheegay warg eyska The Gulf News, wada mada liiska lagu daray ayaa kala ah India, Leba non, Syr ia, Turkey, Iran, Afghanistan, Yemen, Somalia, Ethiopia, the Democratic Republic of the Congo, Libya, Indonesia, Vietnam, Armenia, Bela rus, iyo Venezuela.
Sabtidii, Wasaaradda Caafimaadka Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday 414 kiis oo cusub oo COVID-19 ah, iyadoo tirooyinka toddobaadlaha ah ay noqdeen koror shan laab ah marka loo ee go kiisaska illaa Maarso iyo Abriil.
Ku dhawaad 81 xaaladood ayaa halis ah, iya doo la soo sheegayo dhimasho la xiriirta COVID-19. Muwaadiniinta Sucuudiga waxaa loo ogolyah ay inay safraan oo keliya haddii ay qaateen dham maan saddexda tallaal. Tallaabadan ayaa u muu qata go'aan jahawa reer leh, xilli muslimiin ba dan oo ku nool dunida ay isku diyaarinayaan gudasha da waajibaadka Xajka.
XIL-WAREEJINTA KADIB: SADDEX WAXYAAB OOD OO LA GA FILAYO MADAX WEYNE FARMAAJO
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Dorraad si ras mi ah xilka ugu wareejiyay madaxweynaha cusub ee Xa san Sheekh Maxamuud oo la doortay 15-kii bi shaan May. Kadib xil-wareejinta Dorraad waxay dad badan isweydiinayaan tallaabada xigta ee uu qaadi doono Farmaajo, waxaana muuqata in dhe gta loo taagayo mustaqbalka madaxweynihii hore iyo waxyaabaha hadda la gudboon.
Haddaba waxaa eegayna saddex waxyaabood oo kamid ah waxyaabaha sida gaarka ah looga filayo madaxweynaha xilka ka dagay ee Maxam ed Cabdullaahi Farmaajo.
Dal joog mise dibed joog?
Waxaa la xasuusta in Farmaajo durbadiiba uu aaday qurbaha markii uu toban sano ka hor laga wareejiyay xilkii Ra’iisul Wasaaraha, inta uusan noqonin madaxweyne, waxayna xiligaan taagee rayaashiisa is-weydiinayaan halka uu dagi doono.
Madaxweynihii hore waxa shantii sano ee u dambeysay hoy uu ahaa madaxtooyada Villa Soo maaliya, isagoo hayay xilka ugu sarreeya dowl adda federaalka, balse hadda waxa qasaba in uu meel ka baxsan dago.
Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa xaqiijiyay in Farmaajo uu dagi doono dalka gudihi isa oo uusan dibada u socon, sida kal hore dha cday.
Sida lagu soo waramayo waxa uu kireystay guri ku yaalla waddada u dhaxaysa isgoyska KM4 iyo garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aad an Cabdulle, halkaas oo deegaan u ah madaxdii hore ee dalka iyo kuwa hadda jooga qaarkood, waana goob amnigeeda uu adag yahay.
Mucaarad mise muxaafid?
Tan iyo markii la doortay madaxweyne cusub ee dalka, waxa uu Farmaajo ku cel-celiyay in uu la shaqeyn doono, si loo dhaqaajiyo howlaha mu hiimka ah ee horyaalla dowladda cusub.
Sidoo kale Afhayeenka madaxweynihii hore ay aa sheegay in aysan qorshaha ugu jirin xiligaan Farmaajo in uu mucaarid ku noqdo dowladda cu sub iyo madaxweynaha cusub.
"Qorshaha marna kuma jirto wax mucaarad ah iyo wax arrimahaas ku saabsan, muhiimaddu wax ay tahay in sidii uu markii horeba madaxweynuhu ku baaqay uu barbar istaagayo dowladda cusub iyo madaxweynaha cusub,” ayuu yiri.
Marka laga imaado hadalka Afhayeenka mad axweynihii hore si dhab ah looma xaqiijin karo in Farmaajo uu waqti siin doono madaxweynaha cusub iyo in uu durtaba bilaabi doono mucaar adnimo, waxaana lagu tilmaami karaa qodobka u gu wayn ee sharraxaaddiisa laga sugayo Far maajo.
Ka shaqeysiinta xildhibaanimo
Waxyaabaha laga filan karo madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa ka mid ah in uu kasoo muuqdo hoolka shirarka ee Baarlamaanka, si la mid ah xildhibaannada kale lasoo doortay.
Sida ku xusan dastuurka qabyo qoraalka ah ee Soomaaliya, qof walba oo noqda madaxweyne rasmi ah oo aan ku-meel gaar ahayn waxa uu xaq u yeelanayaa inuu xubin joogto ah ka noqdo baa rlamaanka federaalka, gaar ahaan Golaha Shac abka, taasi oo ah xubin sharafeed.
Farmaajo ayaa noqonaya madaxweynihii laba ad ee xiligaan xubin sharafeed ka noqda baar lamaanka, ayada oo shantii sano ee lasoo dha afay uu Madaxweynaha hadda la doortay ahaa xildhibaanka kaliya ee haystay kursiga joogtada ah ee baarlamaanka.
Si kastaba, haddii uu soo xaadiro Golaha Sha cabka waxay noqon doonta markii u horeysay ee isagoo xildhibaan caadi ah uu halkaas tago, hase yeeshe lama oga goorta uu bilaabi doono inuu xildhibaannimadiisa dhaqan-geliyo.
Wariyayaasha ka howlgala Hargaysa oo camb aar eeyay xadhiga wariyayaasha la xukumay
Qaar kamid ah wariyayaasha ka howlgala Harg aysa oo cambaareeyay xukunka ku dhacay war iyaya asha kala ah Maxamed Cabdi Sh. Ilig, Cabd ijibaar Maxamed Xuseen iyo Cabdimaalik Muuse Coldoon.
Wariyayaasha ayaa shee gay in xukunka ku dhacay saxafiyiintani ay muujinayso, cabudhin iyo caga juglayn ay xukuumada Somaliland ku hor istaagayso shaqa da warbaahinta, isla markaana ay wariyayaasha ku aamusiinayso.
"Arrintani waxay muujinaysa in saxaafada la ca budhinayo, in loo caga juglaynayo, in aan fursad loo siinayn waxa uu Dastuurka Jamuuriyada So maliland qodob kiisa 32aad uu damaanad qaada yo ee ah madaxbannaanida saxaafada, waxaanu u aragnaa car juuq dhaha" sida waxa tidhi Sagal Beeldeeq oo ka tirsaHCTV.
Waxay sheegeen in wariyayaashi Somaliland qaar dibada u baxsadeen, qaarna xukun kooda loo cuskaday xeer aan ehel u ahayn howlaha war baahinta, isla markaana qaar kale ay cabsi ku noo lyihiin.
"Dariiqa loo maray wariyayaasha xadhigoodu mid saxa maaha, taasina mid aanu aqbalayno ama aanu yeelayno maaha, xukuumada waxaan odhan lahaa hadii wariyayaashii qaar dalka ay ka carareen, qaar koodna xeerarka caynkan ah lagu xukumo, qaar kalena baqdin ay magaalada u joogaan arrin wanaagsan in anay ahayn" sida waxa yidhi Badri Koosaar Maxamuud oo ka tirsan Sahan TV.
Xukunka wariyayaasha ku dhacay ayay ku tilmaameen mid sharciga baal marsan oo aan cadaalad ahayn, waxay sheegeen in xukun kooda aan lagu qaadin Xeerka Saxaafada Somaliland.
"Xukunkaasi waxaanu u aragnaa mid aan cad aalad ahayn madama oo aan loo marin sida shar cigu dhigayo ee Xeerka Saxaafada Somali land, uyaala in saxaafada lagu dhaqo ama wariyaya asha, oo khalad hadii ay galaan lagu dhaqo" sida waxa yidhi Saleebaan Ibraahin Xaashi oo ka mid ah bahda MMTV.
Maxkamda Gobolka Maroodijeex ayaa xukun 1 sanno iyo 4 bilood ah mid kiiba ku riday wariyaya asha kala ah Maxamed Cabdi Sh. Ilig iyo Cabdija baar Maxamed Xuseen, sidookale Maxkamada Racfaanka Degmada Hargaysa, ayaa 2 sanno oo xadhig ah iyo 3 milyan oo shilinka Somaliland ah oo ganaxa ku xukuntay Cabdimalik Muse Coldon.
FAA’IIDO MISE KHASAARO: MUXUU DENI KASOO HOOYAY DOORASHADII MADAXWEYNAHA? Saciid Cabdullaahi Deni ayaa kaalinta sadex aad ka galay doorashada madaxweynaha Soomaaliya ee bartamaha bishaan ka dhacday maga alada Muqdisho.
Wuxuu ku jiray dadkii loo saadaalinayey xukunka da lka, laakiin xisaabtii uu ist icmaalay iyo middii Xamar taalay ayaa aad u kala duwanaa.
Deni wuxuu heystay qiyaas marna sax aheyd marna khaldaneyd. Wuxuu fahamsanaa in isaga iyo Farmaajo wareegga koowaad hoggaamin doo naan kadibna labada ku xigta ay tanaasuli doo naan markaas kadibna codadka mucaaradka oo dhan ay isaga usoo wareegi doonaan.
Xisaabta Saciid Deni marka doorashooyikii ho re la waafajiyo waa saxneyd, laakiin wuxuusan akhrin in Midowga Musharixiinta mucaaradka ku heshiiyeen in midkooda ugu codadka bata inay xoojiyaan, isaga kama tirsaneyn Midowga Muca aradka ee fadhigoodu ahaa magaalada Muq disho. Natiijada Saciid Deni waxaa laga fahm ay inuusan wax olole ah ka dhex sameyn maamu lada Galmudug, HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo xubnaha Reer Woqooyiga.
Codadka uu heystay waxay ahaayeen kuwii Puntland iyo Jubbaland oo qaar ay baxsadeen. Deni wuxuu u muuqdaa nin gaaray qaar kamid ah waxyaabihii hadafka u ahaa ololihiisa qaarna gaari waayey.
Saciid Deni wuxuu bixiyey Maxamed Cabdul laahi Farmaajo, horey wuxuu u sheegay inuu garabsan doono cid walba oo rabta in nidaamka Farmaajo la bixiyo.
Saciid Deni inkastoo uu xukunka qaadan wa ayey haddana wuxuu abuuray fursad reerkooda ah oo la xiriirta doorashada 2026. Haddii uu Far maajo xafiiska kusoo noqon lahaa waxaa hoos u dhici laheyd fursadda beesha ay labadooda kasoo wada jeedaan ee doorashada dambe.
Deni hadda wuxuu ka tagay iyadoo ay reerku fursad u heystaan doorashada xigta ee madaxwe ynaha Soomaaliya .
Dhinaca kursiga Ra’iisul Wasaaraha
Tani waa fursad ay weli su’aal saaran tahay. Waxaa la warinayaa in Saciid Deni uu jeclaan lah aa inuu Ra’iisul Wasaare noqdo, waa rabid uusan qofna dafiri karin.
Lama hubo in Xasan Sheekh Maxamuud uu aqbali karo inuu Saciid Deni u dooqdo kursiga Ra’iisul Wasaaraha, laakiin xataa haddii Deni aan la siin kursigaas wuxuu talo xooggan ku yeelan doonaa qofka imaanaya taasoo dhiseysa xuku umad uu shirkad weyn ku yahay.
Inuu ra’iisul wasaare helo waxay kusii heyn ka rtaa fooqa sare iyo inuu damiciisa madaxweynaha Soomaaliya cusbooneysiiyo, laakiin illaa iyo ha dda ma cadda cidda kusoo bixi doonta kursiga ra’iisul waasaraha Soomaaliya.
Saciid Deni waxaa loo arkaa mid kamid ah lab ada qof ee qarashka ugu badan ku bixiyey doora shadii dhammaatay ee Soomaaliya. Inay xukunka u iibin weyso ma ahan culeys yar.
Saciid Deni isagoo guul iyo guuldaraba xamba ar san ayuu ku laabanayaa Puntland haddii uu wa ayo xilka ra’iisul wasaaraha halkaas oo uusan mal aha ka heli karin miisaan u dhigma midkii hore.
Khilaafka isaga iyo Karaash lama yaqaano sida uu ku dhammaan karo, shacabka reer Puntl and aad uguma riyaaqin sida ay wareysiyo kala duwan ku bixiyeen inuu Saciid Deni door xooggan ka qaatay in Farmaajo la dibriyo taasoo hoos usii jiidi karta shacbiyadiisa sida ay falanqeeyaasha qabaan.
XIGASHO:CAASIMADDA.NET
YAA JABIYAY CC SHAKUUR DOORASHADII MADAXWEYNAHA?
Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ahaa xubnihii filashada badan laga qabay do ora shada madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka mid noqday xubnihii ku haray wareegii hore ee do ora shada madaxweynaha.
Waxay kamid aheyd dhacdooyinkii loogu yeeray ‘lama filaankii doorashada ee dhanka hoose.’
Cabdiraxmaan oo ahaa mucaaradka ugu weyn ee Farmaajo kasoo horjeeda ayaa dhinaca kale wuxuu shaqo muuqda ka qabtay dhinacyada da dweynaha, ganacsatada iyo saaxiibada dibadda, laakiin dariiq ay isaga iyo beeshiisa isaga soo dha ceen maalmihii u dambeeyey ee doorashada mad axweynaha oo loo arkayey faa’ido u soo korortay ayaa dhinaca kale loo akhriyey dhibaato soo deg degtay.
Kacdoon dhashay 72 saacadood ka hor door ashada madaxweynaha, kaas oo dabasocday soo jeedin markii hore la sheegay inay ka timid ra’isul wasaare Rooble iyo hoggaamiyaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayey dadka qa ar filayeen inay Cabdiraxmaan ka saacidi doonto natiijo buuran.
kulamo kala duwan oo Rooble iyo Qoor Qoor lala yeeshay doorashada ka hor waxaa ku jirtay kalmad la yiraahdo hal musharax xoogiina isugu geeya.
Ganacsatada beeshaas ayaa sidoo kale soo jeedisay in hal qof la dhiso. Cabdiraxmaan Cab dishakuur oo loo arkayey kan ugu fursadda badan ayaa dhowr musharax oo ay ku jireen Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Dr. Cabdinaasir Cabdulle u tanaasuleen iyadoo markaas kadibna ay gan acsato siisay gacan maaliyadeed.
Hase yeeshee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame wuxuu ku haray wareegii koowaad ee doorashada madaxweynaha isagoo helay 15 cod.
Hadda waxaa aad la isku weydiinayaa cidda jabisay Cabdiraxmaan?
Kooxdiisa ololaha oo aan la hadalnay waxay toos eedaan dusha uga saarayaan hoggaamiyaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Kaliya maahan inay diideen inay Cabdiraxm aan dhisaan, balse waxay toos ula dirireen dham maan kanaaladii uu codadka ka heli karay sida ay kooxdiisa sheegtay.
Qoor Qoor wuxuu dhisayay Farmaajo, wuxu una qorshaha labaad ka dhigtay Shariif Sheekh Axmed, waxaana la sheegay in xildhibaanada ka diida inay Farmaajo codka siiyaan uu ku qalqa alinayey inay Sheekh Shariif siiyaan. Rooble isa gu bannaanka ayuu u taagnaa Xasan Sheekh.
Kooxda ololaha ee Cabdiraxmaan Cabdisha kuur waxaa laga soo weriyey in xilldhibaano go’ aansaday inay codka isaga siiyaan in Qoor Qoor iyo Rooble ay soo dhex galeen oo ay badaleen kuna xireen musharixiin kale, taas oo burburisay halgankii Cabdiraxmaan Cabdishakuur ee soo so cday 5-ta sano, waa sida ay kooxdiisa ku dood eyso. Lama yaqaano waxa ay sidaan u same eyeen, laakiin dadka qaar waxay leeyihiin waxay aaminsan yihiin inuu dili lahaa fursadooda dambe ee siyaasadda, haddii uu soo bixi lahaa Ca bdiraxmaan. Suurtagal maaheyn inuu natiijo fii can keeno musharax ay la dagaalamayaan labadii siyaasi ee ugu sareysay beeshiisa ayey leeyihiin falanqeeyaashu.
Inkastoo aanan Cabdiraxmaan Cabdishakuur si gaar waxba uga weydiinin sababihii jabiyey iyo waxa uu qorsheynayo mustaqbalka dhow, hadana kooxdiisa ololaha waxay noo sheegeen in arr intaan si weyn la isaga wareystay dhowrkii cisho ee lasoo dhaafay oo ay tuhuno badan jiraan.
Xagga dadweynaha arrintani waxay aheyd dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay mid kamid ah hadalheynta ugu weyn ee siyaasadda Soom aaliya
Baarlamaanka Cusub Ee Lubnaan Oo Doon aya Inay Xilka Laga Tuuro Mas’uul 30 Xil Hayay
Baarlamaanka cusub ee Lubnaam ayaa Ax addii bilaabay hawlihii loo igmaday. Tallaabadii u gu horeysay uu qaaday ayaa ahayd inuu doorto guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa.
Xilka guddoomiyaha ayaa waxaa ilaa sanadkii 1992 soo hayey Nabih Berri oo ah Muslim Shiica ah, kaas oo xulufo la ah ururka Xisbullah. Dadka u kuurka gala siyaasadda Lubnaan ayaa shee gaya in dadka isbeddel-doonka ah iyo kuwa kale oo ku cusub baarlamaanka ay Nabih Berri u arkaan inuu qeyb ka yahay dhibaatooyinka dab ada dheeraaday oo musuqmaasuqa iyo raadka ururka ay Iran taageerto ee Xisbullah ay ku leeyih iin siyaasadda Lubnaan.
Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in is-rashaxaadda Nabih Barre ayna kasoo horjeedin oo kaliya dadka isbeddel doonka ah, kuwa mad axa banaan iyo 19-ka mudane ee masiixiyiinta ah ee Xibullah ku kacsay, ee xitaa uu ka soo horj eedo Xisbiga Free Patriotic Movement ee uu hog aamiyo madaxweynaha dalkaas Michel Aoun.
Habib Malik oo ka tirsan Jaamacadda Ame rican University, xarunteeda Lubnaan ayaa shee gay in baarlamaanka cusubi uu doonayo in Nabih Berri oo 30 sano xilka soo hayey lagu beddelo hogaamiye kale oo Shiica ah.
Maraykanka Oo Wacad Ku Maray In Taiwan Ay Difaaci Doonaan Haddii Shiinuhu Weeraro
Madaxweyne Biden waxa uu sheegay in Maraykanku uu faragelin milatari samayn doono si uu u difaaco Taiwan haddii Shiinuhu ku soo duulo jasiiraddaasi, hadalka sidan u cad ee uu arrintan ku sheegay ilaa hadda, waxa uu soo afjar ayaa sannado badan oo madmadow istiraat ijiyadeed uu ka imanayey madaxdii isaga ka hor reysay.
Isagoo ka hadlayay booqashadii uu ku tagay Jap an, Mr Biden wuxuu sheegay in Mareykanka ay ka go’an tahay siyaasadda ku salaysan shine hal ah.
Laakiin waxa uu sheegay in duullaan lagu soo qaado Taiwan uu kala furfuri doono gobolka oo dhan – Maraykanka iyo xulafadiisana ma ogolaan doonaan inay taasi dhacdo isaga oo barbar dhig aya duullaanka noocaas ah waxa ka socda Ukraine.
Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha diba dda Shiinaha ayaa sheegay in Beijing ay aad uga xuntahay hadalladan oo kale, isagoo ku daray in Taiwan ay tahay qayb aan la aqbali karin oo ka tir san dhul weynaha Shiinaha).
Suuriya Oo Ruushka Ku Gacansiinaysa Dagaalka Ukraine
Illaa 50 rag xeeldheerayaal ku ah samaynta iyo isticmaalka bambaanooyinka qasaaraha ba dan gaysta , kuwaas oo u dhashay Suuriya ayaa ku sugan dalka Ruushka, iyaga oo wada shaqayn la sameeyay ciidamada dalkaas oo dagaal kaga jira Ukraine.
Arrintan waxaa tabiyay wargeyska Guardian ee ka soo baxa Ingiriiska, isaga oo soo xiganaya saraakiil reer Yurub ah oo xog ogaal ah.
Xeeldheerayaashan ayaa sameeyay bamb aanooyinkii lagu burburiyay inta badan dalka Suur iya xilligii dagaalkii sokeeye uu dalkaasi ka soc day. Waxaana lagu wadaa in bambaanooyinkan loo adeegsado dagaalka Ukraine.
Maxkamad Xukun Ku Riday Askari Ruush Ah Oo Qof Rayid Ah Ku Dilay Ukriane
Maxkamad ku taalla dalka Ukraine ayaa xabsi daa’in ku xukuntay taliyihii ciidamada Ruushka u qaabilsanaa taangiyada kadib markii lagu helay dambi ah in qof rayid ah uu ku dilay dalkaas.
Waana maxkamadeyntii ugu horreysay ee ku saabsan dambiyada dagaalka ee ka dhacay Ukriane tan iyo duullaankii uu Ruushka ku qaaday halkaas.
Askarigan oo lagu magacaabo Sgt Vadim Shishi marin ayaa lagu helay danbi ah in uu dilay Oleks andr Shelipov, oo 62 jir ahaa xilli uu ku sugnaa tuulada waqooyi bari dhacda ee Chupakhivka 28-dii bishii Febraayo.
Wuxuu qirtay in uu toogtay Shelipov bal se waxa uu sheegay in uu hoggaansamayay amar, waxa uuna cafis weydiistay xaaska uu ka dhintay ninka uu dilay.
Xukuumadda Moscow ayaa beenisay in ciidamadeeda ay beegsadeen dad rayid ah xil liggii uu socday duulaanka halka Ukraine ay sheegtay in laga yaabo in ay dhaceen in ka badan 11,000 oo falal dambiyeed ah.
HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA M. TIMES EE MAANTA OO AH ARBACO 24-KA MAY 2022
..