Sheekh Shariif Sh. Axmed oo dalka Jabuuti ka sameeyay dhoolatus siyaasadeedkii ugu weynaa
Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii Dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya ayaa dalka Jabuuti ka dhigay dhoolatus siyaasadeedkii ugu weynaa,
kaddib markii hotelka uu degan yahay ee Kambiski uu ku qaabilay madaxda maamul goboleedyada dalka iyo diblomaasiyiin ka socotay dalalka caalamka.
Ex-Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa kulamo albaabada u xiran waxa uu la qaatay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamuud Siilaanyo, Madaxweynaha Puntland C/Weli Maxamed Cali Gaas iyo madax kale.
Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale kulamo kala duwan la qaatay madaxda dowladaha Afrika, taasi oo si weyn loola yaabay kaddib markii Xasan Sheekh halkii uu ka degenaa Hotelka la waayay cid u galeysa.
Dhoolatuskaan siyaasadeed ayaa u muuqda mid uu ku xoojinayo Sheekh Shariif ololihiisa musharaxnimada madaxweynaha la dooranayo dabayaaqada sanadkaan.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isaguna waxa uu rajo weyn ka qabaa in mar kale dib loogu soo doorto, kaddib markii uu bilaabay ololihiisa musharaxnimada xilka Madaxweynenimada.

0 