HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPAER EE MAANTA OO AH ARBACO 18-KA MAY 2022

0
Wednesday May 18, 2022 - 08:55:14 in Wararka by
  • Visits: 499
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPAER EE MAANTA OO AH ARBACO 18-KA MAY 2022

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Xasan Sheekh oo Villa Somalia kulan kula yeeshay Farmaajo

Madaxweynaha cusub ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo markii ugu horreysay Shalay tegay xarunta Villa Sooma aliya, tan markii la doortay Axadii lasoo dhaafay ayaa kulan gaar ah la qaatay madaxweynihii hore ee dalka Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).

Kulankan oo ahaa oo dhacay barqanimadii Shalay ay aa ayaa ujeedkiisa waxa uu ahaa is xog wareysi iyo soo dhoweyn, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xog-ogaal ah.

Sidoo kale waxaa kulanka lagu soo qaaday arrimo ku aadan munaasabadda xil wareejinta oo lagu wado in la qabto todobaadka soo socda, si uu xafiiska ula wa reego madaxweynaha.

Kulankan waxaa sidoo kale goobjoog ahaa xubno ka tirsan Villa Soomaaliya iyo kuwa kale oo la socday Mad axweynaha mar labaad la doortay ee Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Farmaajo oo horey u aqbalay natiijadiii kasoo ba xday doorashadii looga adkaaday ayaa u hambalyey Mad axweyne Xasan oo loo doortay Madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya.

Dhinaca kale waxaa la filayaa in Madaxweynaha cusub uu saacadaha soo socda kulan wadajir ah la qa atay madaxda maamul goboleedyada dalka ee ku su gan caasimadda, si uu ugula hadlo xaaladaha taagan iyo sidii ay dowladdiisa cusub ula shaqeyn lahaayeen.

Tan markii la doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Max amuud, wuxuu kulamo wadatashi ah ka waday Muqd isho, isaga oo Dorraad qaabilay taliyeyaasha ciidamada qalabka sida.

Guusha Madaxweynaha cusub ayaa si aad ah loo ga faceliyey, iyada dowladaha taageera Soomaaliya ay boggaadiyeen qaabkii ay u dhacday doorashadii uu ku soo baxay.

Madaxweynaha cusub oo ka qeyb galay Shir ku saa bsan dib u habeynta maaliyadda

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Max amuud, ayaa Shalay aalladda fogaan aragga kaga qey bgalay shir ku saabsan dib-u-habeynta dhaqaalaha dalka kaasoo ay yeesheen Wasaar adda Maaliyadda iyo Bangiga Dhexe. Sida ay sheegeen xubno ku dhow is-araggan, Xasan Sheekh ay aa carabka ku adkeeyay "sida ay uga go’an tahay in lasii wado dib u habeynta dhaqaala ha iyo qorshaha deyn cafinta qaranka”.

Kulankaan waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Maali yadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxm aan Ducaale Beyle.

Dowladda cusub ee dalka ka dhalatay ayaa lagu wa ddaa in ay sii waddo qorshaha deyn cafinta.

Madaxweyne Xasan oo jawaab deg deg ah kasoo saaray go’aankii Biden ee Soomaaliya

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan She ekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyey go’aanka madax weynaha Maraykanka Joe Biden ku go’aamiyey inuu dib ugu celiyo Soomaaliya dhowr boqol oo ka tirsan ciidamada khaaska ah ee tababarka iyo taageerada siiya ciidanka Soomaaliya.

Fariin lagu qoray barta twitterka madaxtooyada ayaa lagu sheegay in dawladda Soomaaliya ay Maraykanka u aragto waddan iskaashi la isku hallayn karo la leh Soo maaliya, marka ay noqoto baadi-goobka Soomaaliya ugu jirto xasillooni iyo dhinaca la-dagaalanka argagixis ada. Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Dorraad saxiixay amar boqolaal askari oo Mareykan ah dib loogu soo celinayo Soomaaliya, si ay uga hortagaan kooxda Al-Shabaab oo khatar weyn ku ah dowlad nimada Soomaaliya.

Saraakiisha militariga Mareykanka ayaa horay u she egay in la-dagaalankii Al-Shabaab uu wiiqay go’aankii madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump uu ciidamada Mareykanka uga soo saaray Soomaaliya.

Ciidamada Mareykanka ayaa laga soo qaadi do onaa qeybo kale oo ka mid ah Afrika si ay tababaro iyo taageero u siiyaan ciidamada Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al-Shabaab, oo loo arko ururka ugu weyn u guna hodansan ee xiriirka la leh Al-Qacida.

Go’aankan ayaa looga dan leeyahay "in lagu kordhiyo badqabka iyo wax ku oolnimada ciidamadeena, loona suurta-geliyo inay taageero wax ku ool ah siiyaan sa axibadeena,” waxaa sidaas tiri afhayeenka Golaha Amniga Qaranka Mareykanka Adrienne Watson oo ku dhowaaqday go’aankan.

Tirada guud ee ciidamada Mereykanka ee Sooma aliya ayaa noqon doonta "ku dhowaad 500” loomana dir ayo inay ka qeyb-galaan dagaal toos ah, sida uu shee gay sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Biden oo cods aday inaan la magacaabin.

Taa beddelkeeda, ciidamada waxay la shaqeyn do onaan ciidamada Soomaaliya si ay u sugaan amniga shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykan ka iyo hay’adda USAID ee Soomaaliya, sida uu shee gay sarkaalkaas.

Prof. JAWAARI oo si cajiib ah uga hadlay dib u doorashada Xasan Sheekh

Guddoomiyihii hore ee baarlamaanadii 9-aad iyo 10-aad ee dalka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa si qota dheer uga hadlay guusha iyo dib u doorashada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Jawaari ayaa sheegay in Xasan Sheekh uu fursad aan dib u doorashada ah ku helay nabadoonimadiisa, isagoo ka sheekeeyey waayihii ay soo wada shaqeey een, kuna amaanay aqoonta, adkeysiga iyo aqoontiisa dowlad-dhiska.

Sidoo kale guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in hey’adihii dowladda ee la dhisay sanadihii 2014 & 2015 -kii oo ah xiliyadii ay aad u dhisantay dowladdii Madax weyne Xasan Sheekh kadib aan waxaba lagu kordhin dhismaha dowladnimada.

"Aniga iyo Xasan Sheekh mudo dheer ayaan soo wa dashaqeynay, dhismaha hey’adaha dowladda waxaa la gu guuleystay 2014 ilaa 2015-kii, laakiin shan sano ka dib meeshii uu uga tegay ayey shaqadu joogtaa, sidaas darteed dib u doorashada Xasan Sheekh, waa guul u soo hoyatay dhismaha hey’adaha dowladda Soomaal iya,” ayuu yiri Guddoomiye Jawaari.

Sidoo kale wuxuu sheegay in doorashadaan lagu ark ay arrimo aan horay loo arki jirin oo ugub ah, sida in xu bin ka tirsan guddoonka baarlamaanka loo doorto gabar iyo in dib loo soo doorto Madaxweyne horay u soo ma amulay dalka.

Prof. Jawaari ayaa aad u amaanay Ra’iisul wasaare Rooble iyo labada Xoghaye ee labada Aqal ee baarla maanka Soomaaliya oo u soo dhabar adeygay in how lihii dhameystirka doorashada.Wuxuu soo jeediyey in la abaal mariyo oo ugu yaraan shahaado sharad la gud doonsiiyo, Rooble, labada xoghaye ee BFS, shaqaal aha kale ee baarlamaanka iyo guddigii doorashada Mad axweynaha.

Jubaland oo ku dhowaaqday qorshe ay dib ugu qabsaneyso gobolka Gedo

Wasiirka warfaafinta ee dowlad goboleedka Jubaland Saleebaan Maxamed Maxamuud oo ka mid ah siy aasiyiinta ka soo jeeda gobolka Gedo ayaa sheegay in uu socdo qorshe ay Jubbaland dib ugu soo ceshaneyso gobolka Gedo.

Wasiirka oo la haday Idaacadda VOA ayaa sheegay in qaabka dib u heshi isiin ah ay doonayaan inay ku soo cee shadaan gobolka Gedo, isla markaana ay doonayaan in dadka gobolkaas loo sameeyo dib u heshiisiin. Sidoo kale wasiirka warfaafinta Jubbaland wuxuu sheegay in waxgaradka gobolka Gedo ay ku soo wargeliyeen in maamulkoodii ay diyaar u yihiin in dib loogu soo celiyo.

"Maadaama ay dowlad cusub noo dhalatay, waxaan ku rajo weynahay in sharciyadii dib loogu laabto, hada na waxaa muuqata ififaaladeeda oo waxaa gobolkii dib ugu laabtay masuuliyiintii hore oo lagu soo dhaweeyey Garbahaarey, waxaana socda abaabul xoog leh oo ma amulkii sharciga ahaa lagu soo celinayo,” ayuu yiri Sale ebaan Maxamed wasiirka warfaafinta Jubbaland. Wu xuu sheegay in gobolkaas sharci la’aan lagu maamul ayey sanadihii lasoo dhaafay oo laga faro maroojiyey Jubbaland, balse dadka deegaanka ay hadda fahmeen in ka mid ahaanshaha Jubaland ay ayaga dan ugu jirto.

Gobolka Gedo ayaa muddo waxaa ka jiray xiisad si yaasadeed, ayadoo gacan ku hayntiisa ay isku hayeen dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan xafiiska Farmaajo iyo maamul goboleedka Jubaland, xiisadaas oo sababtay in Jubaland awood ciidan iyo mid farsamo looga saaro gacan ku heynta gobolkaas.

Xasan Sheikh Oo La Kulmay Madaxweynihii Hore Ee Somalia Shariif Sh. Axmed

Madaxweynaha dhawaan la doortay ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa tan iyo markii la doortay waxaa uu Muqdisho ka wadaa kulamo aan kala joogsi lahayn, oo uu la leeyahay siyaasiyiinta iyo mas’uuliyiinta kala duwan ee Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada.

Xasan Sheikh ayaa la kulmay Madaxweynihii horee Somaalliya Shariif Sh. Axmed, waxaana kula nku uu ahaa mid Ham balyo ah.

Kulanka kadib Mad axweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed ayaa soo saaray Qor aal uu kaga hadlayo kulanka iyo wax yaabihii ay ka wa da hadleen.

"Waxaan Xalay la kulmay Madaxweynaha la door tay ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaan ugu hambalyeeyay guusha uu gaaray oo ah guul u soo hoyatay dhammaan ummadda Soomaaliyeed, dhameystirna u aheyd deda alkii aan u wada galnay in doorasho xor iyo xalaal ah da lka ka qabsoonto. Waxaan Eebbe uga baryayaa in uu la garab galo mas’uuliyadda culus, waxaan hoosta ka xar riiqayaa in aan garab istaagayo walaalkey Mad axwe yne Xasan, ummadda Soomaaliyeed waxaan ugu baa qayaa in si buuxda loo garab istaago Madaxwey naha cusub” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Soom aaliya Shariif Sheikh Axmed.

Xasan Sheekh Oo Kulan Deg Deg Ah La Qaatay Mad axda Maamul Goboleedyada.

Madaxweynaha la doortay ee Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud ayaa duhurnimadii Shalay kulan gaar ah la yeeshay madaxweynayaasha maamul goboleedyada, iy adoo kulanka uu ka dhacay hoyga Xasan Sheekh.

Kulanka waxaa ka qeyb galay madaxweynaha Pun tland Siciid Deni, madaxweynaha Jubaland Axmed Mad oobe, madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor qoor, ma daxweynaha Koofur Galbeed C/Casiis Lafta Gareen iyo madaxweynaha Hirshabelle.

Sida wararku sheegayaan, kulanka oo u badnaa is xogwareysi ayaa sidoo kale diirada lagu saaray sidii loo xaajin lahaa cilaaqaadka dowladda iyo maamul gobole edyada oo sanadihii la soo dhaafay qaarkood aan wan aagsaneyn.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya xili Xasan Sheekh Maxamuud uu Shalay tegay Villa Soomaaliya, halk aasoo uu kula soo kulmay madaxweynaha xukunka ka sii degaya ee Farmaajo, iyagoo ka wada hadlay diy aarinta xil wareejinta.


Akhriso; Wareysi Dheer Oo Uu Arrimo Badan Uga Hadlay Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi gaar ah siiyay Wakaaladda war arka Turkiga ee Anadolu ayaa uga hadlay arrimo kala du wan oo ay ka mid yihiin xiriirka Soomaaliya iyo Turk iga,Dib u heshiisiinta dalk a,Ammaanka iyo arri mo kale.

Xasan Sheekh Maxam uud Madaxweyna ha dal ka Soo maaliya oo ma ka le xilkan loo doortay ayaa ku tilma amay shacabka Turkiga iyo Dowladiisaba in ay saa meyn badan ku leey ihiin Soomaaliya.

"Sida aan sheegay shacabka Turkiga iyo dowladda Turkiga waxay saameyn weyn ku leeyihiin shacabka So omaaliyeed, taageerada Turkiga waxay taabteen qu lu ubta iyo maskaxda shacabka Soomaaliyeed, taage er adaasi waxay ahayd mid muuqata oo la taaban karo, waxayna badbaadisay nafaf badan oo Soomaaliyeed . ” ayuu yiri madaxweynaha cusub oo la hadlay wakaala dda Anadolu ee caasimadda Muqdisho.

Waxa uu sheegay in Turkiga uu taageero bini’aadant inimo uu siiyo Soomaaliya isla markaana tababaro heer sare ah siiyo ciidamada ammaanka ee Soomaaliya.

"Turkiga waxa uu bixiyaa tababaro uu siiyo saraakiil si tayo sare leh oo dhanka amaanka ah,iyado tababaro aan ku ekeyn Turkiga oo kaliya balse halkan Soomaal iya iyo qalabeynta,siinayana dhammaan agabka laga ma maarmaanka u ah in ay ku fuliyaan waxa ay ku bar teen Turkiga,”ayuu yiri.

Waxa uu intaa ku daray in Turkiga uu leeyahay mow qif gaar ah oo ku wajahan quluubta Soomaaliya.

"Arrinta ugu adag uguna dhibka badan ee ee Sooma aliya ka taagan waa ammaanka”ayuu sii raaciyay Mad axweyne Xasan.

Waxaa uu sheegay in ay sii socon doonaan dagaa lka ka dhanka ah Al Shabaab oo ah kooxihii la soo bax ay bur burkii Maxkamadihii Islaamka ee la aas aasay da gaaladii sokeeye kadib.

Madaxweynaha cusub ee 66-jirka ah ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay dib u heshiisiin siya asadeed.

"Doorasho kasta waxaa ku jira kuwo laga adkaaday iyo kuwo guulaysta, waxa muhiimka ah ee doorashada ka dib waa in aan samayno hab lagu daweynayo oo ku wa laga guuleystay iyo kuwa guulaysta ay wada fadhi istaan, lagana tashado, lana wadaago mustaqbalka” ayuu yiri.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ballan-qaaday inuu dhageysan doono dhammaan qay baha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, isagoo sheegay inay doonayo inuu furo masraxa siyaasadda oo sannadihii u dambeeyay ahaa mid ciriiri ah oo xir naa.

"Waa in mar kale horay loo sii wado dib u heshiisii nta, ma ahan dib-u-heshiisiinta bulshada ee waa dib-u-heshiisiinta, in la meel dhigo arrimaha la isku hayo, dad kana laga codsado inay si xor iyo xalaal ah uga wada hadlaan.”ayuu yiri Xasan Sheekh.

Waxa uu hoosta ka xariiqay in arrimaha ugu muhii msan ee ka dambeeya amniga ay yihiin xasillooni siya asadeed iyo dhisidda dowlad dimoqraadi ah.

"Xasilooni siyaasadeed waxa ay ka dhigan tahay dhisidda aasaaska dowlad dimuqraadi ah, dhameystirka dastuurka, dejinta shuruuc doorasho, nidaamka xisb iyada siyaasadda,sharciyada, iyo nidaamka maamulka deegaanka.”

"Dhammaan kuwan waa inay ahaadaan ajande si heshiis ah loogu heshiiyey dadka Soomaaliyeed,” ayuu raaciyay.

Mar uu soo hadal qaaday qorshaha ka bixitaanka Cii damada Midowga Afrika ee Soomaaliya oo muddo sa nado ah ka howlgalayay gudaha dalka, ayna joogaan ku dhawaad ​​20,000 oo askari oo Afrikaan ah, ayuu she egay in ciidamada Midowga Afrika ay qorsheynayeen in ay dalka ka baxaan muddo dheer ka hor, balse aysan ku guuleysan.

Waxa uu xusay in ciidamada Midowga Afrika ay wax badan u soo qabteen Soomaaliya, isla markaana ay soo gaareen khasaare baaxad leh, ayna tahay in tal laabo-tallaabo loo qaado hannaanka amniga dalka ay suuragal tahay in muddo kooban lagu wareejiyo am maanka.

Dhinaca kale, War qoraal ah oo ka soo baxay Wasa aradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa lagu sheegay in wax lagu farxo ay tahay in si habsami leh ay ku soo dha maadeen doorashadii Madaxtinimada Soomaaliya ee Axadii ka dhacday Muqdisho.

"Waxaan u hambalyeyneynaa Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana u rajeyneynaa guul inta uu xilka hayo,” ayay tiri Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga.

"Waxaan muhiimad gaar ah siineynaa nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya oo uu ka dhaxeeyo xiriir taa riikhi ah oo qoto dheer, waxaana rajeyneynaa in nati ijada doorashada ay noqoto mid u horseeda shacabka Soomaaliyeed ee saaxiibada iyo walaalaha ah” ayaa lagu daray.

"Turkigu wuxuu sii wadi doonaa garab istaagga sha cabka Soomaaliyeed iyo garab istaagga dowladda Fede raalka Soomaaliya si dalka looga hirgeliyo amni, xasil looni iyo barwaaqo xilligaan cusub. Xigasho;Anadolu

Guddoomiyaha golaha shacabka oo kulan la yeesha y safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka JFS Md.Sh.Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Shalay kulan la qaatay safiirka dalka

Imaaraadka Carabta Amb. Mohamed Ahmed Othman Al Hammadi. Danjiraha ayaa u yimid salaan iyo hamb alyo uu ka siday Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Imaaraadka carabta (UEA) mudane Saqr Ghobasha.

Danjiraha Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Amb. Mohamed Ahmed Othman Al Hammadi ayaa bogaad iyay hoggaamintii uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee qabashada doorasho xur iyo xalaal ah oo aan keenin buuq siyaasadeed.

Guddoomiyaha Golaha shacabka BJFS Md.Sh. Aadan Madoobe ayaa ka mahad celiyey hambaly ada uu danjiraha soo gaarsiiyay, wuxuuna sheegay in la xo ojin doono xirirka iskaashi ee labada dal.

Qatar & Imaaraadka Carabta oo ka hadlay doorasha dii uu kusoo baxay Xasan Sheekh Maxamuud

Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamim bin Hamad Al-Thani ayaa hambalyo ku aadan doorashada Madaxwey naha Jamhuuriyadda Soomaaliya u diray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Axaddii lagu doortay M/ Muq disho, isagoo u rajeeyay guul & in la xoojiyo xiriirka labada dal ka dhaxeeya iuo hour mar ka. Ku xigeenka Amiirka dalka Qatar Sheekh Abdul lah bin Hamad Al-Thani ayaa dhankiisa hambalyo u di ray Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud oo doorashadiisa dhawaan ka dhacday Tee ndhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale Ku simaha Madaxweynaha ahna R/l Wasaaraha Dalka Imaaraadka Carabta Sheekh Moha med Bin Rashid Al Maktoum ayaa dhambaal hambalyo ah u soo diray Madaxweynaha Cuusb ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, sida ay daabacday Waka aladda Wararka Imaaraatka Carabta ee WAM.

R/Wasaaraha Imaaraadka Carabta ayaa Alle u rajee yay in uu ku guuleeuo mas’uuliyadda culus ee ka saa ran dalkiisa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxanuud oo 15-kii Bishaan ay Xildhibaannada labada Aqal u doort een in uu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Xasan Sh.Maxamuud ayaa waxaa horyaalla Shaqooyin adag, waxaana la filayaa in todobaadka soo socda uu xilka ka la wareego Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxa med Cabdullaahi Farmaajo.

QM oo Madaxweynaha cusub ee Soomaal iya ugu baaqday inuu si degdeg ah ugu dhaqaaqo soo dhisida gole wasiirro oo loo dhan yahay

Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweysay doorashadii madaxtinimo ee Sooma aliya la qabtay habeenimadii axada, taas oo uu ku guulaystay Xasan Sh .Maxamuud.

War qoraal ah oo uu Afhayeenka Xo ghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Gut erres ka soo saaray magaalada New York, ayuu ku mu ujiyay rajada uu ka qabo in Madaxweynaha cusub uu si degdeg ah ugu dhaqaaqo soo dhisida Gole Wasiiro oo loo dhan yahay.

António Guterres ayaa sidoo kale ku booriyay in Dow ladda cusub iyo dowladaha xubnaha ka ah dowladda fed eraalka ay si dhow uga wada shaqeyn doonaan wax ka qabashada caqabadaha Soomaaliya ay wajaheyso.

Wuxuu ku celceliyay taageerada joogtada ah ee Qaramada Midoobay ay siiso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna rajeyeeyay inay sii wadaan inay si dhow ula shaqeyaan dowladda cusub si loo hormariyo ajendaha dowlad-dhisidda iyo wax ka qabas hada xaaladaha bini’aadantinimo ee daran ee dalka ka jira.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku guuleystay wareegii saddexaad ee codeynta baarlam aanka, kadib labo iyo toban saac oo codeyn ah iyo tir inta codadka lagu jiray.

Xukuumada Somaliland iyo xisbiyada mucaaradka oo gaadhay heshiis hor dhac ah

Xukuumada Somaliland iyo xisbiyada mucaaradka ah ee Waddani iyo UCID, ayaa heshiis rasmi ah ka gaa dhay khilaafka xuska 18 May, isla markaana wadaha dalo ku saabsan khilaafka doorashooyinka, ayaa loo bal amay in ay bilaabmaan 18 May kadib.

Kulan kan uu gogoshiisa fidiyay Madaxweynaha Somali land Muuse Biixi Cabdi, ayaa layskula afgartay in xuska 18 May cidii caasimada joogtaana wada dabaal dagto, cidii gobolada u baxaysaana gobolka ay doonto ku dab aal degto, habeenimada qolo waliba meesha ay doonto ku dabaal degto.

"Kulan fiican ayaa dhacay si wanaagsan ayaa lays kula gartay in 18 May oo maalintii qaranka ah hadii la wada joogana inta wada joogtaa wada qabato, hadii la kala maqanyahayna meelaha lagu kala maqanyahay la gu kala qabto, waxaanu leenahay bulshada Somaliland nabad ku dabaaldaga" sida waxa yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali X. Xasan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in dhinacyadu ay ku bala meen in wadahadalo lagaga arrin sanayo khilaafka do ora shooyinka layskugu yimaado xuska 18 May ka dib.

"Xalay si niyad wanaaga ayaa layskugu yimid waxa layska afgartay in waxyaabaha laysku khilaafsanyahay in xiliga ay dhamaato 18 May, in mar kaa layskaga yimaado, si qoto dheerna markaa looga wadahadlo, inta ka horaysana qolo waliba dhankeeda kasoo diyaar gar owdo" ayuu yidhi wasiir Kaahin.

Kulanka oo ka dhacay Madaxtooyada Somaliland, ayaa waxaa ka qayb galay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, Guddoomiyayaasha xisbiyada mucaaradka Xirsi Cali Xa aji Xasan iyo Faysal Cali Waraabe, wasiiro iyo saraakiil kale.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo qaabilay safiir ka Masar ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sh. Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo Shalay hoygiisa ku qaabilay safiirka dalka Masar Amb. Mohamed El Baz oo u yimid salaan iyo ham balyo uu ka siday Guddo omiyaha Baarla maanka dalka Masar mudane Dr. Ali Abdel-Aal.

Wuxuu safiirku bogaadiyay dad aaladii Guddoo miyaha Golaha Shacab ka ee ku aaddanaa dhamay stirka doorashada ee ahayd mid xur iyo xalaal ah.

Guddoomiyaha Golaha shacabka BJFS mudane Sh. Aadan Madoobe ayaa ka guddoomay hambal yada uu danjiraha soo gaarsiiyay waxaana uu sheegay in labada dowladood ay kawada shaqeyn doonaan horumarada kala duwan ee labada dal


Faahfaahino kasoo baxaya madaafiic lagu garaacay deegaanka Ceelbaraf ee G/Sh/dhexe

Wararka ka imaanaya deegaanka Ceelbaraf ee gob olka Sh/dhexe ayaa sheegaya in ciidamada Burundi ee qeybta ka ah howlgalka ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS in Shalay aroornimadii hore tiro madaafiic ah ay ku garaa ceen deegaanka Ceelbaraf.

Madaafiicda ayaa ciidanka ATMIS ay ku garaaceen deegaanka ayaa la sheegay iney ku dhaceen guryo ay daganayeen dad shacab ah, haye eshee aanan la xaqiijin karin khasaaraha ka dhashay madaafiicda inta uu gaarsiisan yahay.

Inta badan dadkii daganaa deegaanka Ceelbaraf ay aa bila wgii bishaan isaga barakacay aqaladii ay ku laha yeen halkaasi, kadib markii dagaalamayaasha Al-sha baab ay 3-dii bishaan weerar xoogan oo khasaare ba dan geystay ay kula wareegaan gacan ku heynta deega anka Ceelbaraf, islamarkaana ay ku dileen askar badan oo ka tirsaneyd ciidanka Burundi.

Wararka waxay intaasi ku darayaan in diyaaradaha dagaalka ay Shalay dulheehaabayaan deegaanada Miir taqwa iyo Ceelbaraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe, ku waas oo wada dhaq dhaqaaqyo militari oo ka dhan ah dagaalyahanada Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa maalmahii dambe si aad ah u ko rdhiyay weerarada ay ku qaadayaan xarumaha ay gob olka Sh/dhexe kaga sugan yihiin ciidamada Burundi ee qeybta ka ah howlgalka ciidanka ATMIS.

Hal ruux oo ku geeriyooday Shil Gaari degaannada Somaliland

Inta la xaqiijiyay hal Ruux ayaa geeriyooday kadib markii Shil Gaari uu Shalay ka dhacay isgoyska Sabax areed ee Degmadda Maxamuud Haybe ee Magaalada Hargeysa degaannada Soomaaliland.

Shilka ayaa waxaabuu yimid kadib markii uu farriin goostay Gaari nooca xamuulka qaado ah oo kayikid dhi naca Garoonka diyaaradaha Cigaal, kaas oo dardaray (jiiray) qofka geeriyooday.

Sidoo kale waxaa burbur xoogan uu gaaray Gaariga shilka galay, iyada oo goobta ay tageen Ciidamada ilaal ada waddooyinka ee taraafikada, kuwaas oo xiray Daar awalka Gaariga sidoo kalena Goobta ka qaaday meyd ka qofka dhintay.

Bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa degaannada Som aliland iyo Puntland ku batay Shilalka Gaari, waxaana dhowrkii bilood ee la soo dhaafay shil gaar ku ge eriyooday degaannada Puntland iuo Somaliland in ka badan 20 Ruux.

Madaxweyne Erdogan: Laba arrin ayey muhi im noogu tahay doorashada Soomaaliya

Dowladda Turkiga oo saaxiib dhow la ah Soomaa liya ayaa ka soo saartay doorashada Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in Soomaaliya, ay u tahay labo tusaale oo waaweyn, kuwaas oo ka kala ah, 1 – muhiimadda ay Turkiga u leeda hay horumarinta dhaqaalaha qaaradda Afrika 2 – Iyo ilaalinta nabadda bulshada iyo xasilloonida siyaasadeed.

"Waxaan rajeynayaa in natiijada doorashada Soom aaliya ay noqoto mid faa’iido u leh dhammaan shacab ka Soomaaliyeed. Dowladda Turkiga waxa ay si weyn uga qayb qaadatay in ay Soomaaliya kasoo kabato markii ay burburka qarka u saarneyd sanadkii 2011-ka,” ayaa yiri Madaxweyne Erdogan.

Madaxweynaha Turkiga oo u hambalyeeyey Mada xweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Max amuud ayaa shacabka Soomaaliyeed u rajeeyey in doo rashadaan ay ku dareemaan xasilooni.

"Waxaan ku faraxsannahay sida wanaagsan ee ay ugu soo dhamaatay doorashadii madaxtinimo ee ka dha cday Soomaaliya 15-kii May 2022. Waxaan u raja ynaynaa in doorashadu ay u noqoto walaalaheena So omaaliyeed iyo shacabka bariga Afrika oo wadajira, wax aana u hambalyaynaynaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud,” ayuu yiri Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistaan oo she egay in loo qorsheeyey isku daydil

Ammaanka ra’iisal wasaarihii hore ee Pakistan Imr an Khan ayaa aad loo adkeeyey, ka dib markii uu shee gay in la qorsheeyey, isku day dil, oo la doonayey in isaga lagu khaarajiyo. Xafiiska ra’iisal wasaaraha Paki stan ayaa sheegay in uu faray laamaha kala duwan ee dawladda, inay sugaan ammaanka ra’iisal wasaaraha hore, xilliyada uu ku sugan yahay isu-soo baxyada kala duwan iyo shirarka waaweyn.

Xis biga ra’iisal wasaarihii hore ee Pakist an ayaa abaabulay isu soo baxyo balla adhan oo looga soo horjeedo dawladda dalkaas ka arrimisa, tan iyo wixii ka dam beeyey markii uu baarlamaanka dalkaasi xilka ka qaaday Imran Khan iyo xukuumaddiisa, waxa ana lagu bedelay ra’iisal wasaare Shehbaz Sharif.

"Gudaha Pakistan iyo weliba meelo debedda ah, ay aa la iigu maleegay shirqool khaarajin ah” sidaas waxaa sheegay ra’iisal wasaarihii hore ee Pakistan oo ka soo muuqday isu soo bax ka dhacay magaalada Faisal abad.

"Waxaan hayaa fariin muuqaal ah oo aan duubay, waxaanna ku hayaa meel ammaan ah. Haddii ay wax igu dhacaan, Ilaahay innaguma keenee, waxaa la sii ba ahin doonaa muuqaalkan duuban, halkaas oo aan ku faahfaahinayo dhammaan dhinacyada ku lugta lahaa isku dayga la doonayey in la igu khaarajiyo” ayuu sii raa ciyey Imran Khan, isaga oo aan faahfaahin dheeri ah bixinin.

Ra’iisal wasaaraha hore ee Pakistan ayaa ku adkay sanaya in lagu ciqaabay, inuu qaatay siyaasad dhex dhexaad ah oo ka madax banaan wadamada reer galb eedka gaar ahaan Maraykanka, taas oo ay ka cadho odeen safarkii uu ku tegey dalka Ruushka, hase aha atee Maraykanka ayaa iska fogeeyey eedahaas.

Weerar lagu qaaday Saldhig ay ku sugan yihiin Ciidamada Puntland

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo ba xayaan weerar madaafiic ahaa oo Xubno katirsan Ur urka Al-Shabaab ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Pu ntland ee degaanka Galgala oo katirsan Gobolka Bari.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in tiro madaafiic ah ay ku dhaceen Xerada Cii damada Puntland iyo de gaanka Galgala iyo agag aarkeeda, waxaana inta la xaqiijiyay ku dhaawacmay hal Askari.

Sidoo kale goobjoogayaal ayaa sheegay in dhanko oda Ciidamada Daraawiishta Puntland ay madaafiic uga jawaabeen weerarka kaga yimid dhinaca Al-Shabaab, balse aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay weerarka.

Saraakiisha Ciidamada Ammaanka Puntland ee Go bolka Bari ayaan weli ka hadlin weerarkaas, hayeeshee ay xusid mudan tahay in dhowr jeer ay Al-Shabaab we erar madaafiic ah ku qaadeen degaanka Galgala ee Go bolka Bari.

Maraykanka iyo Ururka Iskaashiga Islaamka oo soo dhaweyay doorashadii Xasan Sheekh

Dowladda Maraykanka ayaa soo dhaweysay doora shadii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Max amuud, waxaana wasaaradda arrimaha dibada Mar aykanku ay sheegtay inay raj eyneyso in ay si dhow ula shaqeyn doonto madaxwe yna ha iyo dowlad da uu dhisi doono

"Soomaaliya waxay hadda haysataa fursad ay diira dda ku saari karto dib u habeynta siyaasadda, dhaqaal aha, iyo amniga ee lagama maarmaanka u ah horumar inta danaha dadka Soomaaliyeed.

Waxaan ku dhiirigelinaynaa Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dhammaan madaxda Soomaaliya inay mud naanta siiyaan xoojinta dowladnimada iyo hay’adaha dimuqraadiga ah; horumarinta ciidamada ammaanka si ay uga hortagaan ugana hortagaan argagixisanimada iyo inay si buuxda mas’uuliyad amni ugala wareegaan howlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee So omaaliya; samaynta dib-u-habayn dhaqaale si loo dha maystiro waddada Soomaaliya ee deyn cafinta iyo xoo jinta dhaqaalaha; iyo fududaynta gaarsiinta gargaarka bini’aadantinimo ee malaayiinta Soomaalida ah ee la ild aran abaarta ba’an. Dib-u-heshiisiinta, isu-tanaasulka, iyo wada-hadallada la xoojiyey ee ka dhexeeya dhamm aan heerarka dawladda iyo dhammaan bulshooyinka ayaa muhiim u ah guusha dadaalladaas” ayaa lagu yiri warsaxafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dib ada Mareykanka.

Dhinaca kale, xoghayaha guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka Hussien Brahim Taha ayaa soo dhaweeyay doorashada madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna ku celiyay in ururka OIC uu Soomaaliya ka taageeri doono ‘marxaladdan muhiimka ah’ iyo dadaalladeeda ku aa dan amniga, iyo xasillonida.

Qaar kamid ah wadamada Caalamka ee daneeya Arrim aha Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay doorashadii ka dhacday Magaalada muqdisho oo uu kusoo baxay Mad axweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Garoonka diyaaradaha ee Sanca oo dib loo furay

Waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Sanca ee dalka Yemen ka duushay diyaaraddii ugu horraysay ee ganacsi ee garoonkaas isticmaasha muddo lix sann adood ah, waxaana duulimaadkaasi uu u jihaysnaa ca asimadda dalka Urdun ee Cammaan. Wararka ayaa sheegaya in rakaabka diyaaraddan saaran ay ku jireen dad bukaan ah oo caafimaad u raadsanaya dalalka deb edda. Kormeerayaasha dusha kala socda xaaladda dalka Yemen ayaa sheegay in dib u furista garoonka Sa nca inay tahay tallaabo weyn oo hore loogu qaaday, si dii looga midha dhalin lahaa geeddi socodka nabadeed ee socda, ee la doonayo in lagu soo afjaro colaadda dal kaas ka socotay muddada toddobada sano ah.

Dib u soo celinta duulimaadyada garoonka diyaara daha ee Sanca oo ay gacanta ku hayaan mucaaradka Xuutiyiintu ayaa qeyb ka ah, xabad joojin ay gadhw adeen ka ahayd Qaramada Midoobay oo muddo laba bi lood ah soconayey, taasoo dhaqan gashay horraantii bi shii April. Garoonka ayaa la xidhay bishii August ee sannadkii 2016.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in colaadda ka socota dalka Yemen ee ay ku lugta leeyihiin xukuum adda Yemen ee taageerada ka hesha isbahaysiga Sucu udigu hoggaamiyo iyo mucaaradka Xuutiyiinta ah ee taa geerada ka helaya dalka Iran, inuu sababay masiibo bin i’aadinimo oo aad u daran. In ka badan 23 milyan oo Ya maniyiin ah oo ku nool dalkaas ayaa haatan u baahan gargaar bini’aadanimo.

QODOBADA LOOGA BAAHAN YAHAY XASAN SHEEKH INUU WAX KA BEDELO SIYAASADII FARMAAJO

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa habeen kahor loo doo rtay xilka madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo wareegii 3aad uu ka guuleystay madaxweyne Maxamed C/llaahi Far maajo oo xafiiska fadhiyay Shantii sano ee la soo dhaafay.

Xasan Sheekh oo isu diyaarinaya inuu xilka la wareego ayaa Shalay tegay madaxtooyada Soomaaliya oo ay ka socoto qaban qaabada munaasabada xil wareejinta, iyadoo uu kulan mudo kooban ahaa la qaatay madaxweynaha xuk unka ka sii dagaya ee Farmaajo

Hadaba, maxaa looga baahan yahay Madaxweyne Xa san Sheekh inuu ka beddelo siyaasaddii Madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo?

Dib u yagleelidda dowladda Soomaaliya ee ka soo billaa batay Carta sannadkii 2000, waxaa aas aas u ahaa: Dib u heshiisiin, Federaaleyn, dimoqraadiyeyn iyo dunida oo heshiis lala noqdo.

Shantii sano ee Farmaajo, waxaa lagu tuntay mabaabi’ daa salka u ahaa dhismaha dowladda.

Waxaa awoodda dowladnimada gacanta ku dhigay koox aaminsan:

1- in Federaalka la baabi’iyo, si dalka uu gacanta ugu ga lo dowlad dhexe awood leh dadka oo dhan wada hoos tag aan. Waana dhaqankii sababay burburka dowladnimada Soomaaliya.

2- In la baabi’iyo nidaamka dimoqraadiga ee dastuurkee nna kmg ah uu ku dhisan yahay. Dastuurka waxuu qorayaa xuquuqda muwaadinka, xorriyadda shakhsiga ah, madaxb annaanida ra’yiga, xorriyadda kulamada, xisbiyada siyaas adeed, doorashooyinka iwm.

3- Ciidamaynta siyaasadda iyo siyaasadeynta ciidanka, waxay ahayd astaan kale oo shantii sano ee la soo dhaafay sii kordhaysay. Duullaankii Gedo, doorashooyinkii Baydh abo iyo Galmudug, afduubkii Baarlamaanka, waa calaam ado tusinaya sida ciidanka loogu adeegsaday siyaasadda.

4- Xiriirka Arrimaha Dibadda waxaa gaaray dhaawac weyn, gaar ahaan waddamo muhiim u ahaa Soomaaliya si da Kenya, Sacuudiga, Masar, Imaaraadka iyo Jabuuti.

Haddaba, waxaa laga sugayaa Madaxweynaha cusub inuu si degdeg ah wax uga qabto arrimahaas.

. Waxaa qoray Abdiaziz Golf Yare.



FAHAM LA’AANTA KA JIRTA QAAB DHISMEEDKA WASAARADAHA DOWLADDA SOOMAALIYA

Ugu horrayn , bismallahi raxmani raxiim, alla mahad leh, rasuulkiisaana sharaf leh.

Qoraalkani waa mid dhaxal reeb u ah, ruux kasta oo uilaaheey u sahlo inuu hoggaanka dalka qabto. Waa qoraal ku saabsan muhiimadaha koowaad ee laga doonaayo in ay ka mi ro dhaliso xukuumadda cususb ee soo socota. Dunidan waxaa horumar baahsan gaara da lka kulansada labo arrimood, dad aqoon badan leh, iyo dhaqaale baahsan. Soomaalidu waa suurto gal, laakiin tiro badan oo kaafin karta baahiyeheenna muhiimka ah lama heli ka ro, sidaa awgeed waxaa lagu qasaban yahay aqool tayeysan iyo tabihii looga faaiideysan lahaa inta aan heli karno.

QAAB DHISMEEDKA WASAARADAHA DOWLADDA

Qaab dhismneedka wasaaradaha ee hadda jira waa mid duugoobay oo laga kaaftoom ay (redundant) ee aan la jaan qaadi karin baahiyaha waqtiga la joogo, iyo mustaqbalka. Waxaa is dhex daadsan wasaaradaha soo socda. Wasaradaha laga kaaftoomay ee macno la’aan u jira, halkaaso dhaqaale badan lagu qasaariyo, oo wax faa’iido ah laga helin. Tus aale, wasaarada hawlaha guud iyo guryenta iyo dib u dhiska. Hawlaha guud waa maxay, waa biyaha, korntada, jidadka, buundooyinka, dhismaha dekedaha iyo garoomada diyaar adaha iyo IWM. Waa wasaarada loogu talo galay xilligii shuuciyadda ama hanti wadaagga la dhisay. Xilligaas private sector ma jirin. Shalay waxaan leenahay private sector ama hay ado gaar loo leeyahay oo hawlahaas qaban kara.

Manta dalku waa federal, maamul gobo leedyadu iyagaa ku filan iney hawlahaas qabs adaan. Kaliya qandaraas tartan daah furan loo qabto, cidii ku guuleystana laa siiyo. Wasa aradan waxaa laga dhigi karaa Directorate ama agaasin leh 50 qof oo khubaro sare ah ka tala bixiya siyaadaha iyo guud ee hufnaan ee lagu maareynaayo hawlaha aan kor ku soo sheegay. Uma baahna wasaarad ay u shaqeeyaan 500 shaqaale oo mushaar ma cno la’a an qaata.

Wasaraada xoolaha. Sidoo kale xoolaha dadka iska leh ayaa dhaqda, Berigii hore xoola ha waa dhoofin jirtay dowladda, hadda waxaa dhoofsada dadka iska leh xoolaha. Marka wasaaraddu maxay qabaneysaa??? kaliya waxaa loo baahan yahay khubaro ku xeel dheer caafimaadka xoolaha oo cilmi baaris ku badqabka iyo tayeynta xoolaha Soomaaliya. Sidoo kale wasaarada weynaatay oo ay u shaweeyaan shaqaale tiro badan uma baahna.

Wasaaradda kaluunka waa sidoo kale

Wasaarada beeraha waa sidoo kale.

Gunaanad. Seddexda wasaaradood waxaa laga dhigi karaa hal wasaarad oo loogu ma gic daray wasaaradda dhaqaalaha. Ogoow xoolaha, kalluunka, iyo beeruhu waa lafdhabar ata dhaqaalaha soomaalia. Marka waxey noqon karaa seddex agaasin oo kal ah agaasinka beeraha, agaasinka xoolaha, agaasinka kalluunka.

Waarada biyaha iyo tamartu maxat qabataa? Koronto iyo biyo comapniyaahs private ay aa bixiya, sidoo kale looma baahna shaqale badan oo mushaar la siiyo. Waxay u baahan tahay khubaro kooban oo hoggaamisa istraatiijiyda fog ee siyaasada lagu maaeyrnaayo ta marta iyo biyaha soomaaliya. Waxaa laga dhigi karaa agaasin ama wakaalad leh khubaro kooban.

Wasaaradda warfaafinta waa wasaarad loogu talo gay iney dicaayadaha dowadda faafsio oo loogu talo galay in shacabka lagu jaho wareeriyo war beenaadka lagu amaanyo hogga anka dalka. Dalku wuxuu leeyahay idaacado gaar loo leeyahay. Kaliya waxaa loo baahan yahay wakaalad kormeerta idaacadaha gaarka loo leeyahay hufnaanta wararkooda iyo ma cluumaadka ay shabaka u gudbinayaan. Looma baahna wasaarad leh dhaqanka oryate eshimaddii kacaanka oo ummadda ku jaho wareerisa heeso lagu amaanayo hoggaAnka dalka haya.

Horumarinta Dowladnimada

Dastuur qabyo ah

Datuurku waa heshiis bulsho iyo tiirka ugu muhiimsan dowladnimada. Haddii datuurke ennu qabyo yahay, waligeen waxaan ahaaneynaa bulsho aan heshiis ahayn, waxaana dha ceysa inaan sharciga loo hogaansamin oo madaxweyne walba sidii doono sharciga ka ye elo sidii inuu sharciga ka sarreeyo oo dowladnimadu noqoto hayd koox gaar ahi ku sghqe ysto. Tusaale waxaa noogu filan shanti sano ee lasoo dhaafay. Sidaan awgeed waa in la si degdeg ah loo qabyo tiraa

Maxkamadda dastuuriga ah iyo garsoor madax banaan. Wali lama hayo. Haddaan shar ciga lagu kala baxayn, sow ma muuqato in shargica qof walba siduu doono u fasiran mayo, oo ganmaha la isula tagi mayo. Waa tii dhacday markuu madaxeyne Farmaajo labo sano oo jeebkiisa ku darsaday. Maxaa ka dhashay?

Gobolka Banaadir – xagge lagu arkay Seddex million oo aan matalaad ay soo doorteen aan lahay? Madaxweynihii villa Soomaaliya qabta ayaa siduu doono ka yeela. Canshuurtoo dana waxba loogu qaban. Jidadkii laga xiray oo isu sodka shacabka deggen iyo hantidoodu ba ku baa’ba’aan. Waa maxay caddaalad darrada ka weyn ee bini’aadam samayn karo? Maxaa waxaa la sugayaa in shacabka banaadir deggen hubkood qaatan dabdedna aan la mahadin?

Maxaa loo la’ yahay in la qabto doorasho qof iyo cod ah si looga gudbo xildhibaanno iyo snetaro kooban doortaan madaxweyna. Sow ma in carabta cigaallayeda, yam yam iyo qad aad weyn adeegsadaan usoo dhiibaan wiilal calool buuran oo sidii abeeso lugaaleydii u soc da kuna iibsadaan qaranimada Soomaaliya. Ma nin la leeyahay oo camiil u ah dowado shi sheeye ayaa lagu aamini karaa aayaha geeddi socdoka umadda Soomaaliya.

Xaggee lagu arkay qaran aan lahayn siyaadad hagta cilaaqaadka arrimaha dibadda ee dowladaha aan danaha wadaagno. Sow noqon meyso in madaxweynihii yimaada danahi isa shaqsiyaydeed u burburin mayo danaha qaranka ee sooyaalka ah. Side dal aan dagaal taariikhi ah naga dhaxeeyey, intaan shah iyo kafee isla cabno madaxdooda u oran karnaa saaxiibo ayaan nahay dhulkeenna iyo baddeena siinno. Sow ma muuqato madax caqli car ruureed leh galin meyso halis weyn qarinimada Soomaaliya.

Xaggee lagu arkay wiil ama hooyaddi wali irmaan tahay oo general ah?

Xaggee lagu arkay dadweyne ama xildhibaano badan oo safaf ugu jira airpt dhexdiisa in ey soo dhoweeyan madaxda dalka. Soomaaliya kaliya ayey ka jirta. Sow dhaqan xumo ga amurtay oo in wax laga qabto u baahan. Sow maaha mid ka mid dhaqan xumada dhalisa kali talisnimada.

Waxaan filyaa intaa iyo in ka badan oo qaldan in si degdeg ah wax looga qabto si dol wanimada Soomaaliya karaamo iyo sharaf yeelto.

Mahadsanidin

Abdullahi Roble aaroble@hotmail.com

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan,


SAYNISYAHANKII 'SIRTI UGU WEYNEYD DUNIDA' SUULI TAREEN KU ILLAAWAY Sawirkan waxaa la qaaday 1954-kii


Subaxnimadii Janaayo 7, 1953, Saynisyahanka nukliyeerka John Archibald ayaa soo istaagay albaabka hore ee suuliga tareenka oo uu nin ku gudanayey xaajada sida caadiga ah looga guto goobahaasi oo kale.

Magaca iyo Sumcadda aadka u sarreyso uu ku leeyahay Jaamacad da Priceton iyo Bulshada Cilmiga Sayniska Mareykanka marka la ee go haddii lagu arki lahaa isaga oo gu daha u eegaya Suuli uu qof xaa jadiisu ku gudanayo waxaa hubaal ah iney fadeexaad su mcaddiisa burburiso halkaasi ka soo gaari lahayd.Laakiin Wheeler, markan ma ogeen wa xa dhici karo haddii la qabto isaga oo muqsusha sii eegaya oo waxa ugu darnaa waxa uu raadinayo muhiimadda ay leeyihiin. Ujeedkiisuna ma ahayn in qofka suuliga ku jiro uu eego balse suuliga uu ninka kaga dambeeyey ayuu ku tuhmayey inuu bashkhadda sirta aadka u weyn xambaarsan uu uga soo tagay.

Ninka dunida ka badbaadiyay "halista" dagaal culus

Waxayna Saynisyahanadu illaaween xafiiski looga talo galay daqiiqado ka hor iney baqshadda gaarsiiyaan.

MAXAA DHACAY?

Wheeler oo ay saaxibbadi ugu naaneysaan "Johnny" ayaa mas'uul ka ahaa ma shruuca Manhattan, oo ah mashruuca hirgeliyey bamki atoomika ee ugu hor reeyey xilligi dagaalka ilaa iyo 1938-kina wuxuu agaasime ka ahaa mashruuca Mt.Horn B, isaga oo maaddada Physics ka dhigayey Jaamacadda Princeton.

Waxa uu tareenkii habeennimo u raacay Washington DC si uu ula kulmo wakiillada shaybaadhka cilmi-baadhista badda ee Maraykanka si uu ugala hadlo mashruuca iyo halka uu marayo. Si kastaba ha ahaatee, maadaama uu hadda ku sugan yahay caasimadda, wuxuu go'aansaday inuu shakhsi ahaan la wadaago aragtidiisa ku saabsan bamkahy dro gen-ka guddiga wadajirka ah ee tamarta Atomiga (Guddiga tamarta Atomiga).

Warshaddii ugu horreysay ee Nukliyeerka uu dal Carabeed yeesho

Dukumanti 6 bog ka kooban oo ay ku dhantahay xogta ku saabsan sida loo diyaariyoo Hydrogen bomb ayaa bashkhadda lagu riday loona dhiibay agaasimaha mashruuca. Xil ligaasina bamkan halista badan oo ah kii ugu horreeyey oo la sameeyo waxaa haystay oo keli ah Mareykanka.

Habeenki dokumantigi ayey soo saareen macluumaad ayeyna ka qorteen. Subaxi marka uu waaga u baryay halka uu dkumantiga u xafiiska iuu uga tagi lahaa syu sii qaatay wuxuu la aaday dhanka Suuliga, kaddibna halki bashkhadda saaray ayuu kaga soo tagay.

 

 

Waxyar kaddib wuxuu xusuustay inuu bashkhaddi muhiimka ahayd inuu suuliga uga soo ta gay iyada oo xilligaa suuliga saynisyahanka uu ka soo baxay uu qof kale kaga dambeeyey oo uu isticmaalayey.

Marki uu arkay inuu ninki suuliga ku jiray uu soo baxay ayuu si degdeg ah suuligi u galay wuxuu gacanta ku soo dhigay bashkhaddi uu meesha kaga tagay. Wuxuuna aad ugu far xay inuu bakhashaddi muhiimka ahay uu jirta sirta muhiimka ah inuu soo helay, wuxuuna ku soo laabtay qolkiisa oo wuxuu galay alaabtiisa inuu xirxirto.

Muddo kaddib marki bashkhaddi la furay waxaa bashkhadda ku jiray dokumantigi ay ku ogaayeen mid aan eheen oo waraaqihi sirta ee ku jrtay lagala baxay.

Kaddibna waxaa billowday baadigoobka waraaqihi muhimka ahaa ee la waayey., waxaana laga baaray goob walba ay islahaayeen waad ka heli kartaan. Xataa Xaruunta tareenka wa shington ku yaalla ee ay Saynisyahannadu isticmaaleen rakaabki saarnaa oo dhan waa la baaray balse baaritaanka laguma guuleysan.

Dal aan beeraley iyo dhulbeereed lahayan haddana beeraha horumar ka gaaray

Wheeler waxaa walaac iyo walbahaar xooggan ku abuuray dokumantiga la waayey inuu gacanta u galo sirdoonka Midowgii Soofiyet.

Markan fursadda keli ee u bannaan waxay ahayd inuu Guddiga Wadajirka ee Atoomikada (JCAE), uu ku wargeliyo dokumantigi muhiimki ahaa inaan fara lagu hayn. Shan toddobaad kaddib Charles Lyons oo sirdoonka Mareyknaka ka tirsanaa wuxuu baaritaan uu ku billaabay shan qof oo Wheeler tareenka la saarneyd tuhunna uu soo galay Waa maxay waxa ku jiray warqad bamka hydrogen-ka?

Waxyaabaha uu war qadda bashkhadda ku jirtay uu habeenkaas uu Wheeler ka akhriyey weli waaqarsoodi. Maadaamaa aan wax xog ah laga helin wareysiga Wheeler ay FBI-da la yeelatay.

Hase yeeshee wuxuu ahaa mid xaqiijinayey Mareykanka inuu diyaar u yahay tijaabo lagu guuleysta oo hubka Niyuukilarka ah.

Waxaa xilligaasi Mareykanka diyaar u ahaa dhowr nooc o ka mid ah hub ka Niyuukilarka oo diyaar u ahaa in la isticmaalo.

Wheeler baarayaasha wuxuu u sheegay xogta sirta ee bashkhadda ku jirta iney ka mid ahayd xog farsamo oo faahfaahsan o ku saabsan sida loo same yn karo bam casri oo ka duwan Bamka Atomika ee la tijaabiyey.

Cabsi iyo Waalli

Dokumantiga Bamka Atomika ku saabsan ma lumin ama lama waayin mid ka mid ah xilliyadi ugu adkaa uu socday dagaalki qaboobaa.

Waxaana xilligaasi laba sano iyo bar socda dagaalki Korea oo ay markaa ka muuqan wax astaan ah oo muuujineyso inuu soo gabgaboobayo.

Xayawaankii mar sababi gaaray in nuclear la isticmaalo

Baraaha sare ee kiiska Joe McCarthy ayaa si weyn uga walaacay iney xogtaasi gacan ta u gasho waddamada shuuciga ee ku yaalla qaaradda Aasiya.

Dhinaca kale waxaa xilligaa xukun dil ah lagu riday sirdoonnada arrimaha Niyukilarka ee kala ah Julies iyo Ethel Rosenberg.

 

Qoraalka sawirka,

Carada Eisenbower

Dukumeentiga sirta ee bamka hydrogen-ka ayaa laga yaabaa inuu Wheeler habeenima dii Talaadada uu si un u ilduufay ayna dhici karto in lagu waayey dhismaha tareenka, shan dadaha ama sariirta uu habeenkaa seexday.Laakiin markii madaxweynaha la doortay ee Eisenhower arrinta loo xilsaaray bil ka dib inuu ku dhawaaqo luminta dukumeentiga Golih iisa Amniga Qaranka, badankood waxay rumaysnaayeen inay sirdoonka midowgii Soofiy eed gacanta u galeen.

Waddankee isu diyaarinaya inuu weeraro xarumaha nuclear-ka Iiraan?

Madaxweyne ku xigeen oo ahaa Richard Nixon wuxuu FBI-da uu ku amray iney baarit aan qoto dheer ku sameyso xubin kasta oo ka mid ah Guddiga Wadajirka ee Bamka Ato omika (JCAE).Eisenhower wuxuu ka codsaday kaaliyihiisa inuu la xidhiidho Ag aasimaha FBI-da ee xilligaa Jay Edgar Hoover wax ku saabsan "ilaalinta ba dbaadada" ee dhammaan faylasha guddiga, si ay dukumeentiyo kale haddana u lumin.

Aaway Dokumantigii?

Saraakiisha FBI-da ee ka soo jeeda bariga Maraykanka ayaa waraystay boqollaal qof waxayna dokumantiga istaanka tareennada iyaga magaalooyinka Washington dhan walba uga baxay.Baadhitaanku wuu dhammaaday, Eisenhower wuxuu billaabay inuu u jeesto arr imo kale oo muhiim ah, oo ay ugu muhiimsanayd isku daygii lagu doonayay in lagu soo afj aro dagaalka Kuuriya.Daraasiin dukumeentiyo bamka hydrogen-ka ah ayaa laga yaabaa in maalin laga helo kaydadka Kremlin.Waxaa hubaal ah in toddoba bilood uun ka dib, Ogosto 1953, Midowgii Soofiyeeti waqooyi bari Kazakhstan uu ku tijaabiyey bamkiisa nooca Haydaroojin-ka.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip