
Afar waxyaabood oo aad ku ogaan karto inaad qof jeceshahay iyo in kale
Qof walba weydii jaceylku waa wax aan la fahmi karin, waxaa laga yaabaa inay dadku kugu raacaan taas. Arrintaas waxaa qeyb ka qaata xaqiiqda ah inay caqabad kula soo dersi karto marka qofka aad jeceshahay uusan si kula mid ah kuu dareemin.
Jaceylka ayaa sidoo kale saameyn ballaaran ku yeelan kara noloshaada sababtoo ah wuu wejiyo badan yahay, waxaana laga yaabaa inaadan durba fahmin nooca jaceyl ee aad dareemeyso.
Mala garan karaa nooca jaceyl ee aad dareemeyso?
Jaceylku mar walba isku si maaha, oo siyaabo kala duwan ayuu kugu soo abbaari karaa.
Mararka qaar, wuxuu maraa marxalado kala duwan.
Marka ugu horreysa ee aad qof ka hesho, waxaad aalaaba dareentaa farxad iyo jahwareer is barbar socda.
Haddii jaceylka lagula wadana, waxay khubarradu sheegaan inuu ka mid yahay noocyada ugu fiican jaceylka ee waara.
Waxaa laga yaabaa inaad ka hesho qof aad hadda la kulantay, balse waxaad ogaaneysaa in aragtida aad ka qabtay ay is beddeshay, waxaa sidoo kale is beddelaya dareenkii aad u qaadday oo halkaas ku baaba'aya.
Waxaa sidoo kale laga yaabaa inaad qof jeclaato, balse aadan u qaadin dareen xad dhaaf ah, sida inaad jeclaato qof aad markii horaba saaxiibbo isu dhow ahaydeen, wuu kaaga duwanaanayaa qofka aad isku cusub tihiin.
Ma waxaa jira calaamado aad ku ogaan karto inaad qof jeceshahay?
Haa. Waxaana halkan idinku soo gudbineynaa qodobbadan hoos ku qoran oo aad ku garan karto inaad qof jeceshahay:
Mar walba waad ka fekertaa
Waxaa laga yaabaa inaad mar walba ka fekerto markii ugu dambeysay ee aad is aragteen amaba aad qorsheyso inaad mar kale is aragtaan. Waxaad dooneysaa inaad u sheegto waxa kugu soo kordha maalin walba, farxaddaada, murugadaada iyo howl-maalmeedkaaga caadiga ah.
Haddii qofka aad jeceshahay ay dhibaato la soo deristo, waad ka walwaleysaa waxaadna raadineysaa siyaabo aad u caawin karto.
Marka aad waqti la qaadaneyso qoyskaaga iyo saaxiibbadaada, waxaa laga yaabaa inaad aad uga hadasho adigoo rajeynaya in iyaguna ay sidoo kale kugu raacaan oo jeclaadaan qofkaas aad jeceshahay.
Ammaan ayaad agtooda ku dareemeysaa
Aaminaaddu waa shey aasaas u ah jaceylka. Haddii aad hore qalbi-jab ula kulantay, waxaa laga yaabaa in qodobkan uu muhiimad gaar ah kuu lahaado.
Marka aad aragto, waxaad dareemeysaa nafis, si la mid ah sida aad dareento marka aad gurigaaga soo gasho kaddib maalin dheer oo shaqo ah.
Waa wax caadi ah inaad naftaada ka ilaaliso xanuun. Inaad qof agtiisa ku dareento ammaan amaba aad ku aaminto waxyaabaha aad shakhsi ahaan ku jilicsan tahay ayaa mar walba kordhiya jaceylka.
Noloshu way kuu macaanaaneysaa
Nolosha ayaa laga yaabaa inay kuu qurxanaato, gaar ahaan marka aad ogtahay inaad dhowaan is arkeysaan. Waqtiga ayaa laga yaabaa inuu ordayo marka aad isla joogtaan halka marka ay kaa tagaanna uu kuula muuqanayo waqtiga mid guurguuranaya.
Waxaa xitaa laga yaabaa inay isku aragto tamar saa'id ah adigoo si firfircooni leh u qabanaya shaqooyinkaaga maalinlaha ah. Dhaqr-dhaqidda amaba feereynta? Luga-baxsiga? waxay kula noqonayaan wax xiiso leh (gaar ahaan marka aad isla joogtaan qofkaaga).
Waxaad jeceshahay inaad waqti badan isla qaadataan
Inaad qof jeclaato waxay aalaaba la mid tahay inaad jecleysato inaad waqti badan isla qaadataan, waxaad aad ugu boholyoobeysaa la jirkooda si ka duwan sidii hore.
Marka aad kala tagtaan waxaa laga yaabaa inaad murugooto, sida in waqtigii aad isla qaadateen uusan ahayn mid kugu filan.
Waxaa laga yaabaa inaad dan badan ka gelin waxa aad sameyneysaan markaad isla joogtaan, balse aad keliya xiiseyso wada jooggiinna.
Calaamad kale oo weyn? Xiisaha aad u qabto inaad waqti la qaadato kuma xirna sida ay dareemayaan. Xitaa haddii qofka aad jeceshahay uu murugeysan yahay, amaba uu ciriiri ka dareemayo nolosha, weli waxaad rabtaa inaad is aragtaan oo aad caawinaad u muujiso.
Waxaad ka yara maseyreysaa dadka kale ee noloshooda ku jira
Maseyrku waa dareen la mid ah dareennada kale. Marka si guud loo hadlayo, waxa muhiimka ah ayaa ah sida aad uga falceliso maseyrka. Inaad dareenkaaga ka hadasho marna dhib ma keeneyso.
Marka aad qof jeceshahay, waxaa laga yaabaa inaad ka fekerto dadka kale ee ay waqtiga la qaataan iyo nooca xiriir ee ka dhaxeeya, amaba aad ka walwasho khataraha ay dadkaas ku leeyihiin xiriirkaaga sida qof ay isla shaqeeyaan oo soo jiidasho leh oo ad si joogto ah kaaga sheekeeyaan amaba qof ay hore wax uga dhaxeeyeen oo ay weli isla xiriiraan.
Marka si guud loo hadlana, dareenkan maseyrka ah ayaa baaba'a marka ay is aaminaaddu sii kobocdo.
XIGASHO:-BBC
Afar waxyaabood oo aad ku ogaan karto inaad qof jeceshahay iyo in kale
....