Shir u dhaxeeya DFS & Bangiga Adduunka oo ka furmay Nairobi

0
in Wararka by
  • Visits: 236
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shir u dhaxeeya DFS & Bangiga Adduunka oo ka furmay Nairobi

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Drs Fowsiya Abiikar Nuur, ayaa maanta magaalada Nairobi ka furtay shir u dhaxeeya Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka kaas oo socon doona muddo labo todobaad ah.

Ujeedada kulanka ayaa ah sidii looga wada hadli lahaa mashaariicda Caafimaadka ee uu Bankiga Aduunka ka taageerayo Soomaaliya,

Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya waxay gundhigtay dhowr mashruuc oo Bangiga Aduunku taageero kuwaas oo Caafimaadka dalka muhiim ah.

Mashaariicdan ayaa gacanweyn ka geysan doonta xoojinta Nidaamka Caafimaadka iyo bixinta adeegyada caafimaadka oo ay heli doonaan malaayiin qof oo ku nool dalka Soomaaliya.

Shirkan ayaa waxaa ka soo qeyb galay dhammaan Wasaaradaha Caafimaadka Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Agaasinka Caafimaadka Gobolka Benadir (BRA), Qaar kamida Agaasimayaasha Wasaaradda Caafimaadka iyo koox ka socota Bangiga Adduunka.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip