HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPAER EE MAANTA OO AH AXAD 15-KA MAY 2022

0
Sunday May 15, 2022 - 08:07:47 in Wararka by
  • Visits: 407
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPAER EE MAANTA OO AH AXAD 15-KA MAY 2022

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Guddoonka BF oo kulan xasaasi ah la yeeshay ATMIS ka hor doorashada .

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Fede raalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Ma doobe) iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xa ashi Cabdullahi ayaa waxa ay kulan ku saabsan amniga do orashada la yeesheen Gudigga qabanqaabada doorashada Madaxwe ynaha 10aad ee JFS iyo sarkiisha sare ee howlgalka ATMIS.

Shirka waxaa ka soo qeyb galay ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Midowga Africa marwo Fiona Lortan, Taliy aha Guud ee (sector1) Maj. Gen William Shume, Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Soomaa

liyeed Jen. Cabdi Xasan Maxa med Xijaar iyo saraakiil sare oo ka tirsan howlgalka ATMIS iyo Booliska Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Golaha Sha cabka BFS Sheekh Aadan Ma xamed Nuur iyo Guddoomiy aha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdul laahi ayaa saraakiisha faray inay ka wa da shaqeeyaan sidii ay isaga kaashan lahaayeen in doorashada ay ku dhacdo si nabadoon.

Doorashada Madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya a yaa lagu wadaa in ay dhacdo 15-ka May 2022 oo ay innaga xigto wax ka yar 48 saacadood, taas oo ka dhici doonta Teendhada ciidanka Cirka ee Afisyooni.

Taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa shaaca ka qaaday in laga bilaabo 9:00 fiidnimo ee Xalay bandow lagu soo rogay magaalada Muqdisho ee caasimada Soom aaliya, kaas oo ku ekaan doono aroorta hore ee Isniinta.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya, Cabdifitaax Aadan Xa san oo la hadlay warbaahinta ayaa farriin u diray shacabka Soomaaliyeed, wuxuu na ugu baaqay inay deganaan muujiyaan, isla-markaana ay dul qaataan inta ay dhaceyso doorashada madaxweynaha.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku sugan inta badan siyaasiyiinta Soomaalida kuwaas oo doonayo inay qeyb ka noqdaan hoggaamiyaha cusub ee loo dooran doono Soo maaliya.

Waxaa is diiwaan geliyey illaa 39 musharax oo u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya, inkastoo ay jiraan mu sharixiin qaar oo la sheegay inay tanaasuleen.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Madaxda Warbaahinta Madaxa Bannaan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Fed eraalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Mad oobe) ayaa kulan la qaatay madaxda warbaahinta madaxa banaan iyo qaar ka mid ah hoggaanka ururadda saxaafada ee dalka oo horay cabasho ugu gudbiyay guddoomiyaha Baarlamaanka.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa warbaa hin ta kala hadlay ahmiyadda ay leedahay in tabinta door ashada dhici doonto maalinta Axada ah ee nagu soo aad dan yeelato aragti mideysan oo dan u ah qaranka Soom aaliyeed.

Wuxuu intaasi ku daray guddoomiyaha Golaha shacab ka in warbaahinta ay ka saaran tahay mas’uuliyad culus xaalada doorashada, tabinteeda iyo najiitadaba, wuxuuna ku booriyay in ay mas’uuliyaddaas ka soo dhalaalaan.

Madaxda warbaahinta ayaa dhankooda waxay guddoomiy aha u bandhigeen dhibaatooyin ay ka tirsanayeen gudigga maamulka doorashada oo warbaahinta u diiday in ay gudaha u galaan hoolka lagu qabanayo doorashada oo ay qeyb ka noqdaan tabitaanka doorashada.

Guddoomiyaha ayaa u sheegay madaxda warbaahinta in tabashadooda wax laga qaban doono, isagoona uga mahadceliyay warbaahinta dadaalkooda horumarineed oo ay dalka ka wadaan waxaana uu sheegay in muhiim ay tahay in laga wada shaqeeyo midnimada iyo wadajirka uma dda Soomaaliyeed.

Guddiga Doorashada oo soo saaray shuru udaha laga doonayo Xildhibaanada iyo musharaxiinta

Guddiga Doorashada Madaxweynaha ayaa Xalay sha aciyay shuruudaha laga doonayo musharaxiinta u taagan jegada Madaxweynaha Somaliya, Xildhibaanada Baarlam aanka Federaalka iyo dhammaanba ka qaybgalayaasha.

Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu oo ka tirsan Guddiga Doorashada Madaxweynaha ayaa sheegay inuu jiro habraac uu guddigu dejiyay, taasoo ay tahay sida uu yiri in la raaco.

"Waxaa jira habraac la dejiyay oo ay tahay in la raaco, taasoo Guddiga Doora shada Isku-dhafka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya ay diyaariyeen.” Ayuu yiri Maxamed Ibraahim Macalimuu oo ka barbar hadlayay Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Madaxweynaha, Senator Cabdikhani Geelle Maxamed.

Macalimuu ayaa yiri "Waa in loo hoggaansamo awaamiirta ciidamada masuulka ka ah amniga, Ciidamada Sooma liy eed iyo kuwa ATMIS ayaa ka shaqaynaya amniga, awaa miirta ciidamada meel kastoo ay jooggaa na waa in loo hoggaansamaa. Waxaa ma mnuuc ka ah goobta dooras hada hub, ha ba yaraatee wax hub ah oo la ogolanayo in la keeno goobta doorashada ma jirto. Waxaa sidoo kale ma mnuuc ka ah go obta doorashada wax lacag ah in lala yim aado, waxaa ka loo mamnuuc ka ah aaladaha elektarooni kada, sida teleef oon, computer, ipad iyo waxyaabaha muuqaalka & cod kaba lagu duubo in ay dadku la soo galaan goobta, waxa ana loo qorsheeyay in la dhigo meelo uu guddiga u qor sheeyay. Qalabka muuqaal ka iyo cod duubayaasha waxaa loo ogol yahay oo keliya dadka ku shaqada leh, sida War baahinta.”

Maclimuu ayaa intaasi ku daray "Waxaa sidoo kale gu daha Teendhada Afisyooni ka reeban in laga sameeyo ol ole doorasho, marka codeynta doorashada bilaabato, ka dib wax olole doorasho ah oo laga dhex samayn karo, haba yaraatee teendhada gudaheeda ma jiraan, sida guddiga uu go’aamiyay. Waxaa goobta doorashada imaan kara, dadka ay magacyadoodu yaallaan albaabada laga soo galo oo la caddeeyay oo saddex albaab ah, waana inuu qofka aqo onsi sharci ah haystaa, marka magaciisa la yiraahdo, si loo hubiyo, waa inuu qofka aqoonsi haystaa.”

Muqdisho ayaa waxaa Xalay ka bilaabanaya bandow socon doono 9:00pm fiidnimo ee Xalay illaa 6:00am subax nimo ee maalinta Isniinta.

Wasiir Khadiijo”Lacagtu ma codeyso damiir ka iyo diintaa codeeya

Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirka Wasaara dda gargaarka xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxam ed Diiriye ayaa weerar afka ah ku qaaday

Madaxweynaha Muddo xileedkiiso dhamaaday Maxam ed Cabdullaahi Farmaajo oo ku dha waad hal iyo badh ku fadhiya xafiiska si sharci daro ah.

Wasiir Khadiija ayaa sheegtay inay san u codeyn doo nin, maadaama had da uu ku fashilmay hoggaanka dalka, is lamarkaana wali uu xafiiska iska fadh iyo.

Waxa ay sheegtay in aysan codkeeda lacag ku iibsan doonin,islamarkaana musharax kale ay codkeeda siin do onto marka laga reebo Farmaajo.

Khadiijo ayaa xustay in xildhibaanada golaha Shacabka qaarkood lacag lagu iibsanaayo codkooda, islamarkaana aysana aheyn dad xor ah.

"Waligeed ma dhicin inaan madaxweyne doorasho ku jira aan codkeyga lacag uga qaato ama xil u hor fadhiis to,lacagtu ma codeyso damiirka iyo diintaa codeysa sidaas baana ugu codeeyey”ayay tiri Khadiijo.

"Farmaajo si dadban buu wali meesha ku jooga waxaanse leeyahay Dorraad Shalay maaha” ayay tiri Khadiijo.

Musharax labaad oo ka haray tartanka, sheegayna inuu ‘u tanaasulay’ CC Shakuur

Musharaxii labaad oo kasoo jeeda beesha Habar-gidir ayaa ka haray tartanka doorashada madaxweynaha Soo maaliya, isaga oo sheegay inuu "u tanaasulay” musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Dr. Cabdinaasir Cabdille Maxamed ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri "Wadatashi dheer kadib, waxaan go’aa nsannay inaan taageerno musharax madaxweyne Cabdira xmaan Cabdishakuur. Waxaan u mahadcelinayaa dhamm aan taageerayaasha ololaha aan soo wadnay iyo cidkasta oo ka qeyb qaadatay. Soomaaliya waxaan u rajeynaynaa isbedel kheyr qaba iyo nabad waarta.”

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa isna ka mahad-celiyey "tanaasulka” uu u sameeyey Cabdinaasir. "Waxaan u mahadcelinayaa walaalkeey Dr C/naasir C/lle oo Xalay ii tanaasulay. Waxaan kaloo u mahad celi nayaa odayaasha, ganacsatada, siyaasiyiinta, xildhibaana da iyo dhalinyarada ka mira dhaliyey guushan wayn. Waa bog cusub oo siyaasada Soomaaliya, gaar ahaan tan Muqd isho u furmay. Waxaan rajaynayaa in ay guul taariikhii soo hoyn doonto,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Habeen hore ayaa waxaa sidan oo kale tartanka uga haray madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xu seen Guuleed, oo isna sheegay inuu "u tanaasulay” Cabd iraxmaan Cabdishakuur.

Inkasta oo labada musharax ee ka haray tartanka ay sheegeen inay tanaasul sameeyeen, haddana waa erey u muuqda mid aan ku habooneyn tallaabada ay qaadeen, sa babtoo ah ma jiro tartan toos ah oo kala dhaxeeya hal musharax, mana la gaarin xilligi doorashada oo ay tanaasuli karaan.

Ma cadda haddii haritaanka Guuleed iyo Cabdinaasir ay wax badan u tari karto Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo aan ka mid aheyn musharaxiinat ugu cadcad, oo la rumeys an yahay inay kala yihiin Farmaajo, Sheekh Shariif, Xasan Sheekh, Saciid Deni iyo Xasan Kheyre.

Sida ay fahansan tahay Caasimada Online, isbaheys iga Guuleed, Cabdinaasir iyo Cabdiraxmaan ayaan waxaa Inta badan qeyb ka aheyn xildhibaanada beesha Habar gidir, oo badankood ah laf dhabarta ololaha madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh.

Daahir Maxamuud Geelle oo ka haray tartanka doorashada

Musharax madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle ayaa ku dhowaaqay inuu ka haray tartanka doorashada

Madaxweynaha Soomaaliya, ee la filayo inay berri ka dha cdo teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho.

"Waxaan si rasmi ah u shaacinayaa in aan ka haray tartanka doorashada madaxwey naha Jamhuuriyadda Fe deraalka Soomaaliya ee xelli doo rashee dkan, aniga oo sii wadi doona dada allada aan ugu jiro toosinta iyo horum arinta siyaasadda Soomaa liya,” ayuu Daahir Geelle ku yiri qoraal uu soo saaray.

"Waxaan si gaar ah ugu mahadnaqayaa mudanayaasha baarlamaanka ee sida dhaw ii garab istaagay muddadii aan ololaha ku jirnay.” Daahir Geelle ayaa ugu baaqay xildhiba annada baarlamaanka 11-aad in ay dalka u dooraan ho ggaan wanaagsan oo astaan u noqon kara isbaddalka loo baahan yahay.

Waxaa horey sidoo kale tartanka uga haray Cabdikariin Guuleed iyo Cabdinaasir Cabdille Maxamed oo labaduba sheegay inay u tanaasulee Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Daahir Geelle ma shaacin cid uu si gaar ah u taageerayo.

Dr. Cabdinaasir Cabdille Maxamed ayaa qoraal uu soo saa ray ku yiri "Wadatashi dheer kadib, waxaan go’aansannay inaan taageerno musharax madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan taa geerayaasha ololaha aan soo wadnay iyo cidkasta oo ka qeyb qaadatay. Soomaaliya waxaan u rajeynaynaa isbedel kheyr qaba iyo nabad waarta.”

Guuleed ayaa isna yiri "Dalku wuxuu soo maray shantii sano lasoo dhaafay is qab-qabsi iyo kala irdhoobid xoog leh. Wuxuu u baahan yahay isbadal mug leh oo xasiloonidii soo celiya. Waxaa qayb kasii ahaanaya isbadalkaas waxa ana garab taaganahay Walaalkay Murashax Cabdiraxmaan Cabdishakuur.”

Cabdikariim Guuleed ayaa sidoo kale ku booriyay taageerayaashiisa inay ololaha maal maha kooban ku garab istaagaan hoggaamiy aha xisbiga Wadajir Cabdira xmaan Cabdisha kuur Warsame oo ay kasoo wada jeed aan beesha Habar-gidir.

Booliska oo bedalay waqtiga bandowga la gelinayo Muqdisho

Taliska Booliska Soomaaliya ayaa sheeciyay in la kordh iyay waqtiga uu dhaqan-gelayo Bandowga Xalay lagu soo rogayo magaalada Muq disho.

Dadweynaha ayaa loo ogoly ahay in Xalay wixii ka horeeya 1:00 AM ay ade egtaan oo mag a lada me eshii ay doon aan ay mar aan, iyadoo markii hore uu waqtigu ku ekaa 9:00 PM.

Warbaahinta dowladda oo soo xig aneysa Taliyaha booliska Soom aaliya Jeneraal Xijaar ayaa baah isay in Taliyuhu uu sheegay in iyadoo loo damqanayo bulsh ada la kordhiyay saacadaha ka dhiman waqtiga bandowga, si howlahooda muhiimka ah ay dadku u qabsadaan.

Sidoo kale taliyaha wuxuu xusay in aan la celin doonin Xildhibaanada heysta ID-card baarlamaanka Soomaaliya iyo dadka xaaladaha caafimaad ee deg-degga ah u baah an, kadib marka ay hubiyaan ciidamada amniga.

Ugu dambeyn taliyaha ayaa ku boorriyay qeybaha bulsha da in ciidamada amnigu ay ku gacansiiyaan gudashada wajibaadka qaran ee loo igaday. Axadda berri 8:00 AM ayaa lagu xaroonayaa hoolka doorashada ee teendhada Afisyooni, sida ay shaaciyeen guddiga doorashada, wa xayna doorashadu bilaaba doon taa 10:00 AM.


SACIID DENI: Ma wuxuu u tartamayaa xil madax weyne mise Ra’iisal Wasaare?

Saciid Cabdullaahi Deni waa musharaxii labaad ee isa goo ah madaxweynaha maamul goboleedka Puntland u tar tamaya xilka madaxweynaha Soomaaliya kadib Col. Cab dullaahi Yuusuf Axmed, 2004. Siciiid Cabdullaahi Deni waa siyaasi wasiir kasoo noqday dowladda fed eraalka, wuxuuna hore ugu tartamay xilka madaxweynaha Soomaaliya, balse doo rashada 2022 waa musharax ka duwan sidii hore.Wuxuu dagaal aan waxba la iskula harin la galay Farmaajo iyo maamulkiisii, isagoo ho ggaamiye u ahaa mucaaradka dowladda, wuxuu garab iyo gashaan u noqday Axmed Mado oba-ha Jubbaland, ugu danbeyn wuxuu ku guuleystay dagaalkii siyaasadeed ee uu la galay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Musharax Madaxweyne Siciid Deni sida uu ku sheegay khudbadii uu ku shaaciyey musharaxnimadiisa in ujeedkiisa ugu weyn uu yahay inuusan Farmaajo mar kale kusoo laaban Villa Somalia, taasoo ka dhigan dhammeystirka halgankiisa. Inkastoo codad badan uu heysto, soona saartay inta badan xildhibaannada labada Aqal ee kasoo baxay Puntland iyo Jubbaland, Siciid Cabdullaahi Deni ma aha musharax loo sadaalinayo inuu noqdo madaxweynaha Soomaaliya.

Inkastoo uu wareegga labaad ee doorashada Madaxweynaha gaari karo, haddana waxaa la rumeysan yahay in Siciid Deni halka ugu sareysa ee uu gaari karo ama uu raadinayo ay tahay isbaheysi cod iyo xil is-wey daarsi ah oo uu la galo mid ka mida musharixiinta ugu co dadka badan wareegga koowaad, marka laga reebo Farmaajo.

Musharax Siciid Deni waxaa la filayaa inuu raajicinayo xi lka Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, dadaalkiisuna halka as ku suntan yahay, kaasoo aan la damaanad qaadi karin marka la eego loolanka adag ee xilka Madaxweynaha.

Waxaa la saadaaliyey inuu aad ugu dhow yahay isbaheysi uu la galo madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud oo isaguna wajahaya tartan saddex geesle ah oo adag, Farmaajo, Sheekh Shariif iyo Xasan Kheyre.

Dagaalka uu Siciid Deni la galay nidaamkii Farmaajo ee lagu guuleystay, waxaa mar kale xaqiiqo ah inuu guushii labaad qarka u saaran yahay guushiisii labaad ee ah inuu kursiga dhaafsiiyo Farmaajo xitaa haddii aanu isagu ku guuleysan.

Beesha Caalamka Oo Baarlamaanka Som alia Ka Dalbatay Inay Ku Codeeyan Damiirkooda

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa War cusub kasoo sa aray Doorashada Madaxweynaha 10-aad ee dowladda Fe deraalka Soomaaliya oo maalinta berri Aaxd ah ka dha ceysa Magaalada Caasimadda ah ee Mu qdisho gaar ah aan Xarunta Teendhada Afisyoni.

War-saxaafadeed kasoo baxay Bee sha Caalamka ayaa waxaa dhammaan Xildhib aanada labada Aqal ee Baarla maanka Federa alka Soomaaliya loogu baaqay inay waaj ibaa dkooda dastuuriga ah u gutaan si ay ku jirto danta dal ka iyo dadka.

Wakiilada ayaa ku boorriyay Xildhibaanada inay ku cod eeyaan damiirkooda, iyagoo doora naya Musharaxa ay rum eysan yihiin inuu la imanayo siyaasadda iyo tayada hoga amineed ee lagu hormarinayo nabad, xasillooni, barwa aqo, iyo dowladnimo suuban sanadaha soo socda.

"Iyadoo la joogo habeenka ka horreeya doorashada madax weynaha Soomaaliya, ayaa, Saaxiibada Beesha Caalamku waxay ugu baaqayaan dhammaan xubnaha Baarlamaanka inay waajibaadkooda dastuuriga ah u gutaan si ay ku jirto danta dalka” ayaa lagu yiri Warka Beesha Caalamka.

"War-saxaafadeedka kasoo Beesha Caalamka ayaa wa xaa si wadajir ah u soo saaray : Hawlgalka Kalaguurka Mi dowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Canada, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Urur-Gobo leedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Isw isar land, Turkiga, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka iyo Qaramada Mido obay.

QALBI-DHAGAX FAAHFAAHIYEY QAABKII AY U RAALI GELIYEEN ROOBLE IYO XUKUUMADIISA

Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax ayaa mar kale sharaxaad cusub ka bixiyey qaabkii loo soo qabtay, isla markaana loogu dhiibay dowladda Itoobiya, kadib wareysi uu siiyey VOA.

"Hadda waan soo noqday, dadka Soomaaliyeed kala kulmay soo dhaweyn iyo qadarin balaaran, waana ku qanacsanahay joogitaanka Muqdisho,” ayuu yiri Qalbi-dhagax.

Sidoo kale wuxuu ka sheegeeyey sida uu u sharfay, una raali geliyey ra’iisul wasaare Rooble, isagoo eedeymo culus u jeediyey Farmaajo iyo Kheyre oo markii la dhiibay dadka maamulayey. "Nimankii xilka hayey ee cadowga ii dhiibay waxay iga dhigeen qof aan dalka waxaba ku laheyn, Roob le isagoo heysta awoodii Ra’iisul Wasaaraha wadanka ayuu gaboodfalkaas iga raali geliyey, wuxuu I huwiyey calankii aan jiritaankiisa u halgami jiray, wuxuu ii xaal mariyey sidii Soomaalidu isku xaal-mari jirtay,” ayuu yiri Qalbi-dhagax.

Sidoo kale wuxuu sheegay in goobtii lagu go’aamiyey in lagu dhiibo, ONLF-na ay argagixiso tahay ay hadda ku raali geliyeen, Ra’iisul wasaare Rooble, golihiisa wasiirrada iyo xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Qalbi-dhagax ayaa sheegay in waligiis uusan dhibaateyn qof Soomaali ah, oo xitaa dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay uusan waligiis ku lug yeelan, balse uu Shalay ku faraxsan yahay in goobtii lagu dulmiyey lagu raali geliyo.

Xisbiyada mucaaradka Somaliland oo siga ara ugu dabaal dagaya munaasibada 18 May

Xisbiyada mucaaradka Somaliland ee Waddani iyo UC ID, ayaa ku dhawaaqay in ay si gaar ah ugu dabaal dagi do onaan munaasibada 18 May, waxayna sheegeen in anay tagi doonin fagaaraha uu madaxweyne Biixi kaga qayb ga layo munaasibada.

"Waxan aanu ka hadlayno ee aanu ka cabanayno, ee dhalinyaradu usoo baxayso, ee dadku hadal hayaan, ee mucaaradku diidanyihiin waxa weeyaan, madaxweyne 5 tiisii sanno dhamaatay, oo doonaya in uu sii fadhiyo, haduu na ixtiraami waayay oo uu na arki waayay anaguna halkuu joogo ugu tagi mayno, 18 May gaar baanu u qabsan ay naa", waxa sidaa yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Gudddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa isna sheegay in madaxweyne Biixi uu doonayo in uu baabiiyo xisbiyada mucaaradka Somaliland, waxaanu she egay in aanu ogolaanayn in la qabto doorashada ururrada siyaasada.

"In aan aniga iyo Cabdiraxmaan labadayada baabiisid, oo tidhaa waan baabiinayaa ana waan joogayaa kuu suur agali mayso, Ina Koore-na waxaan leeya hay, urrurada aad sheegaysid Hargaysa iyo halkaan joogo ka dhici mayse ...18 May waxaanu u saaraynaa guddi gaar ah" ayuu yidhi Faysal.

Xukuumadihii kala danbeeyay ee Soma liland iyo xisbiyada mucaaradka ayaa marar kala duwan si kala gaar ugu dabaal dagay munaasibada 18 May xurgufo ka dhexeeyay awgood.

Ciidamada Galmudug Oo Dagaal Kula Ware egay Deeg aanka Sangooye Iyo Khasaaraha Ka Dhashay.

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xoo ggan oo Shalay duleedka magaalada Dhuusa-mareeb ku dhexmaray ciidamadda Galmudug oo garab ka helaya ku wa dowladda iyo ciidanka kooxda Ahlu-Suna, iyadoo weer arka Shalay ay qaadeen ciidanka is garabsanayay.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in kooxda Ahlu-Suna laga qabsaday deegaanka Sangooye, halkaasoo ay fariis imo iyo difaacyo ay ka qoteen ciidankii Dorraad laga saaray magaalada Dhuusa-Mareeb, iyadoo dagaalka Shalay uu ahaa mid aad u culus oo la isu adeegsaday hubka noocya diisa kala duwan, waxaana jira khasaare kala gaaray dhinacyada dagaalamay iyo qaar kamid ah dadkii ku saf rayay halka dirirta ay ka dhacday.

Saraakiil u hadashay dhanka Galmudug waxey she egeen iney gacanta ku dhigeen gaari Cabdi Bile ah iyo saanad ciidan oo ay isaga carareen kooxda Ahlu-Suna, iyagoo ku hanjabay iney si toos ah u aadi doonaan dhin aca deegaanka Bohol oo ah halka ugu badan ee laga soo qaado weerarada ka yimaada dhan ka kooxdan bishii October ee sanadkii 2021-kii dagaalka culus loo ga saaray deg mada Guriceel oo ay muddo kooban hay steen.

Si kastaba, Dagaalladan ayaa kusoo aadaya, iyadoo Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa ay labad uba ku suganyihiin magaalada Muqdisho, halkaas oo ay qeyb ka yihiin ololaha doorashada madaxwey naha So omaaliya oo dhici doonta maalinta beri ee ah 15-ka May, iyagoo ka mashquulay shaqadii loo doortay ee eh eyd hoggaaminta maamulka Galmudug.

Dhinaca kalena, waxaa Shalay xaalad deganaan ah laga dareemayaa magaalada Dhuusa-Mareeb, iyadoo Dhaq-dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka uu sidoo kale yah ay mid yar, waxaana magaalada weli laga dareemayaa cabsi la xiriirta in markale ay ku dagaalamaaan labada dhinac

DOORASHADA XILKA MADAXWEYNAHA SOMALIA OO MAANTA DHACEYSA & BANDOW KA DHAQAN GALAY MUQDISHO

Waxaa lagu wadaa in Saacadaha soo socda ee Maanta ah in Xarunta Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho inay ka dhacdo doorashada xilka Mada xweynaha Somaliya oo ay ku tartami doonaan musharrixiin dhowr ah.

Waxaa aad loo adkeeyay Amniga Guud ee Caasimadda, waxaana dhaqan galay Bandow ay kusoo rogeen Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, iyada oo Ciidamada dowladda ay hakiyeen isku socodka dadka iyo Gaadiidka noocyadiisa kala duwan oo ay kujirto Mooto Bajaajta.

Xildhibaannada labada Aqal ayaa Baarlamaanka Soom aaliya ayaa codeyn doona, waxaana sidoo kale Goobjoog ka noqon doona Goobta doorashada korjoogto lagu cas uumay oo isugu jira Soomaali iyo Ajaanib, waxaana Mu sharrixiinta Maanta ku tartami doona xilka Madaxwrynaha Soomaaliya oo gaaraya 35 ay kala yihiin.

1: Xasan Sheekh Maxamuud

2: Xuseen Cabdi Nuunow

3:Jamaal Axmed Ibraahim (Tifoow)

4: Mahad Axmed Diiriye

5: Maxamed Cabdiraxmaan Cali

6: Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

7: Maxamed Amiin Faarax

8: Maxamuud Daahir Aweys

9: Mukhtaar Maxamed Sayid

10: Nucmaan Sheek Cumar Cismaan

11: Cumar Cabduqaadir Axmed Fiqi

12: Cusmaan Xasan Weheliye (Xasan Bariisc)

13: Ridwan Xersi Maxamed

14: Saciid Ciise Maxamuud

15: Saciid Cabdullaahi Maxamed (Deni)

16: Shariif Sheekh Axmed Sheekh Maxamud

17: Taabit Cabdi Maxamed

18: Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi

19: Cabdi Aadam Hoosow

20: Cabdi Cali Xassan

21: Cabdi Maxamed kuusow

22: Cabbdinaasir Cabdulle Maxamed

23: Cabdinuur Sheekh Maxamed Maxamuud

24: Cabdiraxman Cabdishakuur Warsame

25: Cabdiraxman Macalin Axmed Maxamed (Ablaal)

26: Cabdiraxman Maxamed Cabdi Xaashi

27: Cabduqaadir Xuseen Maxamed (Jaahwayn)

28: Abdulkadir Cosoble Cali.

29: Cabduqaadir Sheekh CaIi Ibraahim (Baqdaadi)

30: Cabdullaahi Cali Axmed (Caddoow Cali Gees)

31: Cabdullaahi Cali Xasan

32: Abuukar Aadan Cabdulle

33: Axmed Ducaale Geelle (Xaaf)

34: Bashir Xaaji Cali

35: Xasan Cali Kheyre

Iyo Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadam oo ah Haweeneyda kaliya ee u tartameysa xilka Madaxwe ynaha Soomaaliya.

Waxaa horay isku diiwaangeliyay oo tartanka ka haray musharrixiinta kala ahaa.

Daahir Maxamuud Geelle, Cabdikariin Xuseen Guuleed & Cabdinaasir Cabdulle Maxamed iyo Max amed Siiriin

Al-Shabaab Oo Shalay La Wareegay Dega an Hoostega Degmada Balcad Ee Sh/Dhexe

Wararka aan ka heleyno deegaanka Haan-sheekh oo hoostega degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Hirshabeelle ayaa waxaa ay sheegayaan in Saldhig Ciidanka ATMIS ku lahaayeen deegaankaas ay isaga baxeen gelinkii dambe ee Shalay.

Ciidamo ka tirsan ATMIS gaar ahaan kuwa Burundi ayaa ku su gnaa Saldhiga ay ku lahaayeen deegaanka Haan-sheekh, waxa ana durbadii la wareegay Saldhiga iyo gacan ku heysta de egaankaas dagaalyahano hubeysan ka tirsan Al-shabaab.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta keentay in Ciidamada ATMIS ay faarujiyeen Saldhiga ay lahaayeen, waxaana wa rarka qaarkood ay sheegayaan inay aadeen deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Maamulka Hirshab eelle, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay ATMIS .Al-sh abaab ayaa dhawaan weerar xoogan oo dhaliyey khasaaro farabadan ku qaaday Saldhig Ciidanka ATMIS gaar ahaan kuwa Burundi ay ku leeyihiin deegaanka Ceelbaraf, iyag oona sheegay inay weerarka ku dileen ku dhawaad 200 oo Askari oo ATMIS ah.

Dowladda Burundi oo ka hadashay weerarkii ka dhacay deegaanka Ceelbaraf ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegtay in weerarkaas looga dilay 30 Askari, isla markaana dhaawacyo laga gaarsiiyay tobanaan kale oo Askari.

Shil Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Shalay Ka Dhacay Duleedka Hargeysa

Wararka aan ka heleyno deegan hoostega Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Maamulka Somaliland ayaa wa xaa ay sheegayaan in halkaas Shalay uu ka dhacay shil ga ari oo sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo gaaray dad.

Shilkaan ayaa waxaa uu ka da mbeeyay, kadib markii ay isku dha ceen laba gaari oo kala ahaa gaari Booyad ah iyo mid kale oo nooca Soomaalida u taqaano iska rogaha, kuwaasi oo iskaga hor yimid agagaarka tuulada Burcada-yar ee Bariga Hargeysa.

Inta la xaqiijiyay 5 qof ayaa ku dhintay shilka, halka tirro kale oo dad ah ay dhaawacyo soo gaareen, waxaana dhammaan dadkii ay kamid yihiin dadkii saarnaa gaariga, dhaawacyada ayaa loola cararay Isbitaalka weyn ee Magaalada Hargeysa. Ciidanka ilaalada waddooyinka Somaliland ayaa tegay goobta uu shilka ka dhacay, isla markaana wada baarit aano la xiriira sida uu shilkaas ku dhacay, waxaana goobta laga jiiday labada gaari ee isku dhacay.

Sawirro laga soo qaaday gaariga shilka ayaa muujiyay burbur xoogan oo gaaray gaadiidka, iyadoona mid kamid ah gaadiidka isku dhacay uu dab ka kacay, kadibna uu burburiyay intiisa badan.

Si kastaba deegaano iyo degmooyin ka tirsan Somaliland ayaa waxaa dhowr jeer oo horey sidaan oo kale uga dhacay shilal kala duwan oo khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac geystay

QALBI-DHAGAX OO SHAACIYEY QORSHE LOOGA HOR-ISTAAGAY SAFARKIISA MUQDISHO IYO DHIBKA UU USOO MARAY

Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax ayaa sheegay in Farmaajo iyo kooxdiisa ay isku dayeen inay ka hor istaagaan inuu yimaado magaalada Muqdisho, balse uu ka badbaaday shirqoolkaas.

Wuxuu sheegay in Khamiistii lasoo dhaafay uu doonayey inuu yimaado Muqdisho, bal se uu ka war gelay in diyaara daha loogu hanjabay in tii soo qaada rukhsada ay kala noqa doonto dowladda Soomaliya.

Qalbi-dhagax oo wareysigaan siiyey VOA ayaa sheeg ay in safarkiisii uu u weeciyey magaalada Kismaayo, halka as oo maalmo uu ku sugnaa. Cabdikariin ayaa sidoo kale shaaciyey in kooxda Farmaajo ay diideen in diyaarado aad aan magaalad Kismaayo, isla markaana uu ugu dambeyntii Muqdisho ku yimid dadaal uu sameeyey Ra’iisul Wasaare Rooble. "Farmaajo iyo kooxdiisa markii ay ka war heleen inaan joogo Kismaayo baajiyeen labo diyaaradood oo maalintaas tegi laheyd, kadibna waxay diyaaradihii u kala baxeen gob ollada kale, ugu dambeyntii goor dambe oo Shalay ah ayuu Ra’iisul Wasaare Rooble ku guuleystay in hal diyaarad ay soo qaado dadkii ku xayirnaa garoonka Muqdisho, taas ay aan soo raacay ana,” ayuu yiri Qalbi-dhagax. Dhanka kale waxaa la weydiiyey Qalbi-dhagax, in berri uu khudbad ka jeedi doono hoolka doorashada, inta aysan bilaaban codeyntu.

Wuxuuna ku jawaabay in hadii lagu casuumo uu berri khudbad ka jeedi doono hoolka doorashada, balse ilaa hadda aan la isku raacin taas.

Sidoo kale Qalbi-dhagax wuxuu cadeeyey in hoolka do orashada uu berri tegi doono, "Waxaan ahaa doonaa xubin sharafeed ku sugan goobta doorashada.”

Sidoo kale wuxuu cadeeyey in Xasan Cali Kheyre iyo Maxamed Cabdullahi Farmaajo aysan ilaa hadda uga cu dur daarin gabood falkii ay u geysteen.

Golaha ammaanka ee Q.M oo war kasoo saartay dilka weriyihii Al-Jasiira Sheeriin

Golaha amaanka ee Q,M oo cambaareeyay dilka weriyihii telefishinka Al-Jasiira Sheeriin Abuu Caqli ayaa amray in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo dilkeeda.

Qoraal kasoo baxay golaha amaanka ayaa lagu sheegay inay muhiim tahay in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo sida uu u dhacay dilka weriye Shee riin.

Xubnaha golaha amaanka ayaa isku raacay inay muhiim tahay in la ixtiraamo weriyaasha ka shaqaynaya dhulka Falastiin.

Sheeriin Abuu Caqli oo 51 sanno jir ahayd ayaa la dilay todobaadkii hore ayadoo kasoo waramaysa magaalada Jenin ee dhulka Falastiin xilli ciidamada Yahuudu hawlgal ka wadeen xero barakacayaal deganyihiin

Ruushka oo jaraya korontada uu siiyo Finland

Ruushka ayaa joojin doona korontada uu siiyo Finl and usbuucan dhamaadkiisa, iyadoo ay sii kordheyso xiisadda ka dhalatay dalabka Helsinki ee NATO.

"Waxaan ku qasbannahay inaan joojino korontada laga bilaabo May 14,” ayaa lagu yiri bay aan ka soo baxay Shirkadda RAO Nordic, oo tamarta u qaabi lsan dawl adda Ruushka.

Tillaabadaan uu Ruushka qaaday ayaa ku soo aadeysa Xilli Finland ay dalbatay in ay ku biireyso Ga ashaanbuurta NATO, waxaana arrintaasi aad uga car ootay Xukumadda Moscow.

Ruushka ayaa bishii Febraayo weerar ku qaad ay wadanka Ukraine, waxaana uu cabsi ka qabaa saameyn sii fideysa ee Gaashaanbuurta NATO ku yeelaneyso dalalka Dariska la ah.

ALINA KABAEVA: XAYIRAAD LAGU SOO ROGAY MARWADA QARSOON EE MADAXWEYNE PUTIN?


Lyudmila Ocheretnaya iyo Alina Kabaeva Dowladda UK ayaa cunaqabateyn kusoo rogtay xaaskii hore ee madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo gabadha hadda lagu tuhmayo inay saaxib la tahay Putin kadib duullaanka Ukraine.

Putin ayaa sanadkii 2014-kii guursaday Lyudmila Ocheretnaya, iyo Alina Kabaeva oo loo yaqaan 'Marwada Qarsoon' ee Ruushka kuwaas oo haatan wajahaya xayiraad dhanka socdaalka iyo hantida ee UK.

Tan iyo markii ay kala tageen Putin xaaskii hore Lyudmila Ocheretnaya, waxaa la sheegay inay ka faa'ideysatay xiriir ganacsi oo ay la sameysay hay'adaha dowladda isla markaana ay heysato hanti badan.

Lyudmila Ocheretnaya, ayaa sidoo kale xiriir dhow la leh Putin, waxayna ka heshaa faa'iido dhaqaal, sida laga soo xigtay Xafiiska Arrimaha Dibadda, ee ururka Barwaaqo-sooranka iyo Horumarinta ee UK (FCDO).

UK ayaa haatan in ka badan 1,000 qof ku dartay liiska cunaqabataynta ka dhanka ah Ruushka.

Xoghayaha arrimaha dibadda Liz Truss ayaa sheegtay in Britain ay " adkeynayso xayiraadda ka dhanka ah dadka u dhaw dhaw Putin'

Waxay intaa ku dartay in UK ay sii wadi doonto inay cunaqabatayn saarto dhammaan dadka ka qeyb qaata isla markaana gacan ka geysta gardarrada Putin' kadib duullaanka uu ku qaaday Ukraine.

Ms Truss ayaa sheegtay in cunaqabateynta ka dhanka ah Ruushka la qaadi doono oo kaliya ah marka dhammaan uu ciidamadiisa kala baxo Ukraine.

Horaantii bishan ayaa la sheegay in Midowga Yurub uu qorsheynayo in uu cunaqabateyn ku soo rogayo shaqsiyaad badan oo Ruush ah, oo ay ku jirto Ms Kabaeva.

Tan iyo markii Ruushka uu gudaha u galay Ukraine 24-kii Febraayo, kumannaan rayid ah iyo dagaalyahanno ayaa la dilay ama la dhaawacay, ilaa 14 milyan oo qof ayaa ka qaxay Ukraine iyadoo in ka badan lix milyan ay magangalyo u raadsadeen dalalka dibadda.

WAA TUMA ALINA KABAEVA? Alina waxaay ku guuleystay bilad dahab ah ciyaarihii Olombikada Athens 2004. Wuxuu bilaabay jimicsiga caadiga ah iyadoo 13 jir ah waxayna ku guuleystay horyaa ugu horreeyay ee adduunka sannadkii 1998-dii.Tan iyo markaas waxay ku guuleystay billado dhowr ah waxaana ka mid ahaa koobabkii sannadadii 2001 iyo 2002 ee Horyaalkii Yurub. Waxa ay sidoo kale ku guuleystay dhowr koob oo adduunka ah sannadkii 2003.

Alina waxa ay siyaasadda Ruushka ku soo biirtay sannadkii 2005-tii, xilligaas oo magaceeda lala xidhiidhinayey madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

Sidiisaba Putin yuu hadal ka maqlaa?

MALAGA YAABAA IN PUTIN MAXKAMAD LA SOO TAAGO?

Sida uu Putin dib ugu soo celiyay awoodda milateri ee Ruushka

Putin iyo Alina

Waxaa sidoo kale loo doortay Xisbiga Midnimada Ruushka ee Duma , oo ah aqalka hoose ee baarlamaanka Ruushka. Sannadkii 2014, waxa lagu sharfay inay ka mid noqoto dhawr ciyaartoy oo sitay tooshka Olombikada Olombikada Sochi.

Alina kuma aysan lug yeelan ciyaaraha iyo siyaasadda oo kaliya, balse waxa ay sidoo kale madax ka noqotay warbaahinta qaranka ee dowladda Ruushka. Sida laga soo xigtay Moscow Times, magaceeda ayaa laga saaray mareegaha kadib markii ay caddaatay bishii April in cunaqabatayn reer galbeedka lagu soo rogi karo dagaalka Ukraine awgii.

Sida uu qoray wargeyska Moscow Times, saraakiil ka kala socda Switzerland, Maraykanka iyo Yurub ayaa wargeyska Wall Street Journal u sheegay in Alina ay u safartay Switzerland sannadkii 2015 si ay ugu soo umusho. Sannadkii 2019, Elena waxay gudaha Moscow ku

dhashay mataano. Hase yeeshee Madaxweyne Putin waligiis ma uusan xaqiijin warkan.

XIGASHO:BBC

BAARLAMAANKA 11AAD EE SOOMAALIYA: MUUQAALKA GUUD EE LABADA AQAL

Guddoonka Golaha Shacabka Doorashada labada aqal ee Baarlamaanka 11aad ee Jamhurriyada Federaalka ee Soomaaliya waxay bilaabatay bishi Luulyo 2020 illaa iyo hadda waxaa dhimman hal kursi kaliya oo laga leeyahay deegaan doorashada Hirshabeelle. Doorashadan dadban ayaa ah mid muddo dheer soo jiitamaysay, oo dalka galisay khataro waaweyn iyo buuq siyaasadeed. Jadwaladda ayaa is bedbedellayay waxaana dib u dhac weyn ku yimid filashada bulshada Soomaaliyeed iyo Beesha caalamka.

Waxaa doorashada hareeyay eedaymo fara badan sida wax is daba marin,musuq, habraacyo aan la dhaqangelin iyo goobaha qaar in laisku afgaran waayay oo ay gaartay isku dhacyo hubeysan oo ay soo abaabuleen beelo saluugsan nidaamka doorashada. Tirada guud ee Xildhibaanada soo laabtay waxey ku dhowyihiin 100, waxaa dhinaca kale soo galay Xildhibaano cusub oo kor u dhaafaya 230.Kooxaha Baarlamaanka cusub waxay u aba abulan yihiin deegaamaysi iyo xulufeysi siyaasadeed, waxaana si wayn uga dhexmuuqda xildhibaanada ka soo galay Hay'adaha Amniga, Wasiiro Heer Federaal, iyo Wasiiro iyo Xildhibaano Heer Dowlad Goboleed.

Waxaa jira tiro Xildhibaano ah oo u taagan xilka Madaxweynaha iyo Xildhibaano ka soo kala digo-rogtay labada aqal ee Baarlamaanka.

Hay'adaha amniga/kutlada NISA

Hay'adaha amniga waxaa sanadkan Baarlamaanka ka mid noqday Taliyeyaal ciidan, Jananno, iyo Howladeenno kamid ah Hay'ada Nabadsugida. Taliyeyaasha waxaa ka mid ah Saddex (2) taliye oo NISA soo maray, Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud "Fareey" iyo Cabdullaahi Maxamed Cali "Sanbaloolshe", halka Fahad Yaasiin oo soo noqday taliyaha NISA kursigiisa la laalay. Taliyaha Asluubta Mahad Cabdiraxmaan Aadan, Maxamed Xassan Sheekh "Ciirow" oo ah Taliyaha qeybta 60-aad ee CXDS , iyo xildhibaan Cusmaan Xaadoole oo ahaa korneel ciidamadda xoogga dalka ayaa sidoo kale kamid noqday Xildhibaanada cusub.

Saddex arrimood oo ku saabsan NISA iyo garoonka Aadan Cabdulle

Dhinaca kale tiro ku dhow Soddon (30) oo ka mid ah Shaqaalaha Hay'ada NISA, Booliska iyo Xoogga Dalka ayaa ka mid noqday baarlamaanka federaalka. Xubnahan ciidanka laga soo xulay waxey aqlabiyadoodu ka soo galeen Koonfur Galbeed iyo Galmudug. Janannada Baarlamaanka soo galay waxaa iyaguna ka mid ah Jeneraal Axmed Cabdi Xaashi "Taajir" iyo Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamed "Ameeriko" oo laga soo wada doortay Puntland. Labadooduba waxey ka soo mid noqdeen Taliska Booliska Soomaaliya. Inkastoo habraaca doorashada dadban ee ku lifaaqnaa heshiiskii 17 Sebtembar 2020 uu dhigayay in haddii ay tartamayaan saraakiisha iyo xubnaha ciidamada ay iska casilaan xilkooda Saddex (3) asbuuc ka hor wakhtiga diiwaan gelinta, sidaa ma dhicin oo habraaca waa la baalmaray.

WASIIRO &XUBNO KA TIRSAN XUKUUMADA JFS

Wasiiro iyo xubno ka tirsan Xukuumadda JFS ayaa ku soo guuleystay xilalkaas Xildhibaannimo. Wasiirada iyo Wasiir ku xigeenada waxaa kamid ah: Cabdullaahi Abuukar Xaaji Carab (Waxbarashada), Xassan Xuseen Xaaji (Cadaaladda), Cusmaan Abokor Dubbe (Warfaafinta), Maryan Aweys Jaamac (Dekedaha), Cabdullaahi Bidhaan Warsame (Kaluumeysiga), Khadiija Maxamed Diiriye (Maareynta Musiibooyinka), Xassan Cabdi Nuur (Tamarta), Xamse Saciid Xamse (Dhalinyarada), Maxamed Aadan Macalin (Howlaha Guud), Khaliif Cabdi Cumar (Ganacsiga), Cabdifataax Qaasim (W/Ku-Xigeenka Gaashaandhiga), Cabdicasiis Maxamed Maxamuud "Qambi" (W/Ku-Xigeenka Cadaaladda), Cali Mohamed Sheekh "Bagadi" (W/Ku-Xigeenka Ganacsiga) iyo Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu.

Wasiiro Heer Maamul Goboleed

Wasiiro Heer Maamul Goboleed ayaa sanadkan fursad u helay inay koraan jaranjarada siyaasadda una sii gudbaan heer federal. Koonfur Galbeed ayaa ah maamul goboleedka ay wasiirada ugu badani Xildhibaano noqdeen. Wasiirada Xildhibaanada noqday waxaa kamid ah Axmed Madoobe Nuunoow (Qorsheynta), Maxamed Yuusuf Xassan (Waxbarashada), Maxamed Abuukar Cabdi (Arrimaha Gudaha), Saalax Shariif (Awqaafta), Isaaq Cali Subag (Amniga), Mukhtaar Maxamed Guuleed (Xanaanada Xoolaha), Maxamed Cali Xassan (Howlaha Guud), Aweys Xuseen Macalin (Dekadaha), Axmed Sheekh Maxamed Mashruuc (Ganacsiga), Maxamed Aadan (Wasiir ku-Xigeenka Warfaafinta) iyo Cabdiqaadir Sheekh Cali "Barako" (Wasiir Kuxigeenka Gargaarka). Dr. Cali Saciid Fiqi oo ahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa isna ku biiray Baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya.

Maamul goboleedka Jubaland waxaa ka soo baxay wasiiro ay kamid yihiin Cabaas Cali Ibraahim (Kaluumeysiga), Cabdirashiid Jire Qalinle (Madaxtooyada), Mursal Maxamed Khaliif (Qorsheynta) iyo Cabdinuur Cali Aadan oo ah Wasiirkii hore ee Ganacasiga ahna xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Jubaland. Xirsi Jaamac Gaani oo ah Wasiiru Dowlaha Maaliyadda ee Jubaland ayaa Xildhibaan kasoo helay Puntland. Dhinaca kale, Puntland waxaa ka soo galay Cabdullahi Cali Xirsi "Timacadde" oo noqday G/Ku Xigeenka 2aad ee Aqalka Sare Senator. Wuxuu soo noqday Wasiirka Warfaafinta Puntland. Waxaa wasiirada Puntland ee xildhibaanada noqday sidoo kale kamid ah, Cabdiqafaar Cilmi Xaange (Qorsheynta), Maxamed Cabdi Cismaan "Majiino" (Dekadaha), Fardowsa Cismaan Cigaal (Shaqada iyo Shaqaalaha), Cabdullahi Xassan Rooble (Waxbarashada), Cabdi Ibraahim Warsame "Qowdhan" (Wasiir Ku-xigeenka Maaliyadda) iyo Saynab Ismaaciil Maxamed (Wasiir Ku-xigeenka Deegaanka). Ilaa iyo afar Wasiir ayaa xilka xildhibaanimo kaga soo guuleystay Galmudug. Waxy kala yihiin: Cabdisaabir Nuur Shuuriye (Dekedaha), Farxaan Cali Maxamuud (Maaliyadda), Aadan Cusmaan Xuseen "Qoryooley" (Boostada) iyo Siciid Siyaad Shirwac (Deegaanka).

Xildhibaano U Tartamaya Xilka Madax Weyne

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11aad waxaa qayb wayn ka ah Xildhibaanada raadinaya xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Xildhibaanada la filayo inay sanadkan u tartamaan Madaxweynaha Soomaaliya waxaa kamid ah, Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan, Cabdulqaadir Cosoble Cali, Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed oo sidoo kale sanadkan noqday Xildhibaan, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo isna noqday Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka iyo Madaxweynihi hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo ah Xildhibaan aan dhicin.

Baarlamaanka oo shirsan

Maxaa lagu soo xushay xildhibaanada?

Siyaabaha ugu badan ee lagu xushay xildhibaanada sanadkan waxaa ugu muhiimsan:

•Xigto ama qaarabo inay la yihiin madaxda gobolada ama saaxiibadood;

•Kalsooni iyo aaminaad ay madaxda gobolada ku qabaan shakhsiga;

•In la iibsado kursiga oo madaxda gobolada ay kursiga ku bedeshaan dhaqaale. Dhowr maamul goboleed ayay arrintan ka dhacday;

•Olole iyo abaabul dhaqaale wato oo ay xildhaabanada qaar u sameeyeen Maal-qabeeno iyo Qandaraaslayaal;

•Ka qayb-qaadashada ama taageeridda doorashadi madaxweynaha maamulka (Guditaanka abaal hore);

•Tartan furan. Kuraas tiro yar oo yaalay Hirshabeele, Galmudug iyo Somaliland ayaa si furan loogu tartamay;

•Xubno u dhow madaxda maamulada oo xilalkooda ku helay qaab kala bedelesho kuraas.

Kala-bedellasho labada Aqal

Xildhibaano ka soo kala wareegay labada aqal ayaa sanadkan Baarlamaanka kamid ah. Ma cadda sababtu balse waxaan ka marnayn in qaarkood raadinayaan fursado siyaasaadeed oo dheeraad ah sida xil wasiir iwm. Waxaa Golaha Shacabka ka soo wareegay oo Aqalka Sare ku soo biiray Xildhibaano ay kamid yihiin Cabdixakiim Macalin Axmed (Galmudug) iyo Saalax Axmed Jaamac (Somaliland). Aqalka sare waxaa ka soo wareegay oo soo aaday Golaha Shacabka Xildhibaan Yuusuf Geelle Ugaas "Dhagey" (Galmudug) iyo Xildhibaan Ayuub Ismaaciil Yuusuf (Somaliland).

Tartan furan

Waxaa si daahfuran loogu tartamay kuraas tiro yar oo doorashadoodu ka dhacday Muqdisho, Beledweyne, Jowhar, iyo Gaalkacyo. Waxyaabaha sababay in kuraastan si furan loogu tartamo waxaa ugu weyn cadaadis xagga qabiilka ah, Odayaal dhaqameedka iyo abaabul ciidan.

Kuraasta Somaliland ee doorashadooda lagu qabtay Muqdisho waxaa si daahfuran loogu tartamay Saddex(3) kursi oo kala ah HOP 257 oo ay ku soo baxday Xildhibaan Nadra Saalax Cabdi, HOP 260 oo uu ku soo baxay Xildhibaan Suleymaan Cali Xuseen iyo kursiga HOP 255 oo uu ku guuleystay Xildhibaan Guuleed Biixi Cabdi. Magaalada Gaalkacyo waxaa iyadana ka dhacday doorasho iyo tartan adag. Saddex(3) kursi ayaa si weyn loogu tartamay, kursigii ugu adkaa oo ah HOP 060 waxey doorashadiisu socotay muddo ku dhow 9 saacadood, waxaana ku guuleystay Xildhibaan Qaali Cali Shire. Kuraasta kala ah HOP 095 iyo HOP 038 ayaa sidoo kale lagu tartamay waxaana dhammaan ku soo baxay mudaneyaal cusub. Magaalada Beledweyne waxaa lagu tartamay illaa 7 kursi. Waxaa ugu adkaa kursiga HOP 060 oo ay ku tartameen 9 musharax. Wareegga 3aad ayuu kursigan gaaray waxaana ku soo baxay Xildhibaan Cabdirisaaq Cabdullaahi Ciid. Jowhar waxaa lagu tartamay dhammaan 8-da kursi ee Aqalka Sare iyo illaa 3 kursi oo Golaha shacabka ah.

Maxaa la gudboon baarlamaanka 11aad?

Baarlamaanka 11aad wuxuu ku soo aaday xilli aad u adag, dalkuna ku jiro xaalad hubanti la'aan siyaasadeed, howlo culus oo ay kamid tahay dejinta iyo dhameystirka xeerar muhiim ah ay sugayso iyo dalka oo siyaasiyan kala qaybsan, xaaladda amniguna aad u liito. Shaqada ugu muhiimsan ee Baarlamaanka hor taalo maalmaha fooda inagu soo hayo waa in ay dalka u dooraan hooggaan dalka samatabixin kara oo si howlkarnimo iyo biseyl ay ku jirto ugu raadin karo xal dhibaatooyinka iyo caqabadaha curyaaminaya dowladnimadda Soomaaliya, dalka iyo dadkana xasillooni siyaasadeed ku soo dabaali karo.

Waxaa sidoo kale Baarlamaanka 11aad la gudboon inuu noqdo:

•Hay'ad madax banaan oo aan ku dhex milmin laanta fulinta iyo madaxtooyada;

•Hay'ad aan jidgooyo u dhigan xukuumadda balse wadashaqeyn sharciga waafaqsan la yeelato, kuna gacan siisa laanta fulinta howlaha muhiimka ah ee u yaala;



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip