Sidee Warqaddii sirta ahayd ee ka socotay ra'iisul wasaarihii Soomaaliya lagu gaarsiiyay Jabuuti?

0
Saturday May 07, 2022 - 22:26:30 in Wararka by Mogadishu Times
  • Visits: 601
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sidee Warqaddii sirta ahayd ee ka socotay ra'iisul wasaarihii Soomaaliya lagu gaarsiiyay Jabuuti?

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..


bbc

 
Janaraal Jaamac Maxamed Qaalib Alle ha u naxariistee waxa uu nooga warramayaa sida uu 1968-dii warqad sir ah oo ka socotay Raysulwasaarihii Soomaaliya Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ku gaarsiiyay Xasan Guuleed Abtidoon oo xilligaas madax u ahaa mucaaradkii gobonnimadoonka ee Jabuuti, markii dambena noqday Madaxweynaha Jabuuti.

bbc

August 25, 1966 Madaxweynihii Faransiiska Charles de Gaulle ayaa safar ku tegay dalka Jabuuti oo uu xilligaas Faransiisku gumeysanayay. Dibadbaxyo labo maalin socday ayay Madaxweyne Charles kala hortageen shacabkii Jabuuti oo sito boorar ay uga dalbanayaan xorriyad iyo madaxbannaani. Culeysyo badan ayaa Faransiiska koray, waana la baajiyay khudbad uu jeedin lahaa Madaxweyne Charles. Maalmo kaddibna, Rene Tirant oo ahaa xaakimkii Faransiiska ee Jabuuti ayaa xilkii laga qaaday September 15, 1966, waxaana lagu beddelay Louis Saget. Louis wuxuu ku dhawaaqay in ay qaadayaan afti dadweyne, oo reer Jabuuti lagu waydiinayo in ay rabaan in Faransiisku sii haysto Jabuuti iyo in kale.

Dadka Jabuuti waxay u kala baxeen Soomaali Faransiiska diiddan oo aqlabiyadda aheyd iyo Cafar doonaysay in Faransiisku sii joogo. Waayo Cafartu waxay cabsi weyn ka qabeen in haddii xurnimo la helo ay Jabuuti Soomaaliweyn ku biiri doonto, sidaasna ay Cafartu Soomaaliya ugu dhex lumaan maadaama aysan iyagu Soomaali aheyn.

Aftidii waxay dhacday March 20, 1967. Sida uu Janaraal Jaamac Maxamed Qaalib ku xusay buuggiisa Taariikhda Soomaalida, Faransiisku wuu ka beensheegay natiijadii aftida, oo wuxuu sheegay in dadka Jabuuti ay 60% u codeeyeen in Faransiisku sii haysto. Natiijadaas run ma noqon karin, waayo Soomaalida oo ugu badan dadka Jabuuti waxay ku midaysnaayeed in Faransiiska laga xoroobo. Dhanka kale, Faransiisku wuxuu magacii 'Dhulka Soomaaliyeed ee Faransiiska - French Somaliland(1896-1967)' ku beddelay 'Dhulka Faransiiska ee Cafarta iyo Ciisaha - French Territory of the Afars and Issas (1967-77)', oo wuxuu meesha ka saaray magaca "Soomaaliyeed".

BBC

Dowladdii Soomaaliya waa canbaaraysay kushubashadii aftida, waxayna ka soo horjeesatay go'aankii Faransiisku ku beddelay magacii dalka. Soomaaliya waxay arrintaas horgeysay Qaramada Midoobay, waana ku guulaysatay in aan magaca dalka la baddeli karin, balse Faransiisku wuu diiday in Jabuuti laga beddelo magacii uu ula baxay, ilaa ay xurriyad ka heshay 1977.

February 1968 Raysulwasaarihii Soomaaliya Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo u safrayay Yurub ayaa qorsheeyay in uu soo maro Faransiiska, si uu Madaxweyne Charles de Gaulle ugala hadlo aayaha Jabuuti. Raysulwasaare Cigaal wuxuu warqad u diray Xasan Guuleed Abtidoon, oo madax u ahaa mucaaradkii gobonnimadoonka Jabuuti, si uu mowqifkiisa u ogaado ka hor inta uusan Maarso 1968 kala hadlin Madaxweynihii Faransiiska.

Ma sahlaneyn in warqaddaas la gaarsiiyo Jabuuti, waayo Faransiisku si feejigan u baari jireen dadka Soomaaliyeed oo Jabuuti geleyay. Sidoo kalena, sirdoonka Faransiisku waxay si dhow indhaha ugu hayeen dhaqdhaqaada Xasan Guuleed oo inta badan ku sugnaa magaalada Carta.

Maxamed Ibraahim Cigaal

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Raysulwasaare Cigaal wuxuu warqaddaas u xilsaaray Janaraal Jaamac Maxamed Qaalib oo markaas ahaa Taliyaha Boliiskii ee Woqooyi. Janaraal Jaamac wuxuu iiga warramay, sidoo kalena ku qoray boggagga 227-233 ee buggiisa Taariikhda Soomaalida iyo boggagga 89 -103 ee buggiisa The Cost of Dictatorship sidii uu warqaddaas ku gaarsiiyay Xasan Guuleed. Wuxuu yiri "February 1968 ayaan maalin dhambaal Muqdisho ka yimid ka dhex helay warqad gal ku jirtay oo ku cinwaansan 'Jamhuuriyadda Soomaaliya', kuna socoto Xasan Guuleed Abtidoon. Waxaa ku lifaaqnaa warqad yar oo aniga igu socotay, oo ay ku qran tahay 'Waxaad u xilsaaran tahay in aad warqaddaas gaarsiisid Xasan Guuleed, dhakhsana jawaab uga keentid ka hor inta aan Wasiirka 1aad ee Soomaaliyeed u safrin Yurub.''

Getty Images

XIGASHADA SAWIRKA,BACHRACH

Qoraalka sawirka,

Maxamed Ibraahim Cigaal oo mar soo noqday R/Wasaaraaha Soomaaliya ayaa sawirkan ku galay magaalada New York sanaddii 1968

Waxay igu noqotay xil culus. Warqaddu sid ay ahayd laguma gelin karin Djibouti, oo haddii warqad cinwaankii dowladda Soomaaliyeed leh Xasan Guuleed lagu arko dhibaato ayuu ku mudan lahaa. Waxaan go'aansaday in aan warqadda kab hoosteed geliyo. Yaan ku aammini karay tolidda kabahaas? ayaan is waydiiyay. Kabatole kasta kuma aammini karin oo wax aan ogaa in ay jireen basaasiin Faransiis.

Waxaa jirtay xarun dadka naafada ahaa lagu xanaaneeyo, laguna bari jiray tolidda kabaha, harqaanka, iwm. Waxaa xaruntaan oo ay laheyd hey'adda Save the Children maamule ka ahaa saaxiibkey Ismaacil Xaaji Cubulle oo aan aad u garanayay. Asagii ayaan u sheegay waxii aan rabay, wuxuuna igu yiri "Ii keen qiyaasta, nin aammin ah oo fiican baan u dhiiabayaye."

Kaddib waxaan is waydiiyay yaa warqadda qaadi kara oo aan kabaha u tolayaa? Waxaan raadiyay Ciise Gaboobe oo Jabuutiyaan ahaa, oo joogto ugu safri jiray Jabuuti. Wuuna iga aqbalay in uu warqaddii qaado.

Tolmadii kabihii markii ay ku soo dhammaatay maalin gudahaaheed ayaa Ismaaciil iyo ninkii tolay guriga iigu yimaaddeen goor gabbal dhac ahayd. Si uusan kabatoluhu u shakin, ayaa Ismaaciil ku yiri "Nin Jaamac abtigiis ah ayaa waxaa haya cudur la garan waayay, oo waxa lagu la taliyey in uu ninka xanuunsan u qoro xirsixir (qardhaas) aanu ogayn, oo sidaas ayaa kabta loo gelinayaa. Warqadii baa farsamayaqaankii geliyay meeshii u bannaanayd, hortayda ayuuna ku tolay.

Gurigaygii ayaan Ciise keenay. Kabihii ayaan ku tijaabiyay, si fiican ayayna ula ekaadeen. Nin ganacsade ahaa ayaan baabuur LandRover ahaa ka soo qaatay, oo ma rabin in Ciise baabuur Boliis lagu arko.

Isla aroortii ayaa Ciise safray, aniguna waan dabagalay anigoo weli kabihii sida. Xuduudda Lowyacaddo markii aan ku dhowaannay ayaan dhaafay, waxaana ku sii sugay dabaqa sare ee saldhiggii Boolista ee Lowyacaddo. Markii uu ii yimid ayaan kabihii siiyay. Waxaaan tusay meesha duntu ku tolnayd, oo mindi lagu sari karay marka warqadda looga la soo bixinayo.

Ciise wuxuu igula ballamay in uu saddex beri gudahaaood ku soo noqonayo. Markii saddaxdii beri la dhaafaytay welina uusan imana ayaan aad u welwelay, oo waxaan ka baqay in Ciise iyo warqaddiiba wax ku dhaceen!

Intii aan sugayay soonoqodkii Ciise iyo jawaabtii Xasan Guuleed, waxaan maalintii isku mashquulin jiray in aan soo ugaarsado. Waayo shaki ayay dhalin kartay in masuul anigoo kale ahi shan beri Lowyacaddo is ka fadhiyo. Baabuurtu waxay Jabuuti ka imanayeen galabtii. Aniguna maalin walba goortaas waxaan diyaar ku ahaan jiray guriga saldhiggii Lowyacaddo. Nasiib wanaag, galabtii maalintii shanaad ayaa askari iigu yimid dabaqa sare, wuxuuna igu yiri "Nin Ciise la dhaho ayaa ku raba." Soo daa ayaan ku iri. Ciise oo ku faraxsan hawshi qiimaha laheyd ee uu soo qabtay ayaa markii uu ii yimidba ku dhawaaqay "Waa tan Jawaabtii" wuxuuna billaabay in uu warqaddii ka soo saaro meeshii halkii hore la galiyay.

Xasan Guuleed Abtidoon

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,

Xasan Guuleed Abtidon, wuxuu noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee Jabuuti, ka dib xuriyadda.

Sannad kaddib, iyadoo doorasho baarlamaan ka dhacayso Jabuuti ayaa dawladdii Soomaaliya doontay in lacag loo diro Xasan Guuleed. Habeen annagoo dubnad ku ciyaarayna Naadigii Boliiska ee Hargeysa ayaa isgaarsiintii Taliskii Boliiska Muqdisho la iiga yeeray.

Waxaa la igu yiri "Beri subax diyaarad ayaa Boorama kuugu imanayso ee ku waabariiso'. Sidii ayaan yeelay. Waxaa timid diyaaraddii oo uu la socdo Daahir Xaaji Cusmaan, oo ahaa Agaasimihii Guud ee Wasaaraddii Arrimaha Gudaha. Wuxuu siday boorso lacag ka buuxdo oo loogu talagalay in la gaarsiiyo Xasan Guuleed. Raysulwasaare Cigaal oo aan ogayn sidii aan warqaddiisii ku gaarsiiyay Xasan Guuleed ayaa Daahir ku soo yiri "Jaamac ayaa yaqaanna meesha loo marayo Xasan Guuleed ee lacagtaan ha gaarsiiyo."

Waxaan ku iri "Meel aan warqad marsiiyay shandad lacag ah la ma marin karo" anigoo aan u sheegin sidii aan sameeyey. Lowyacaddo ayaan tagnay annagoo lacagtii wadna oo dhowr beri joognay, lacagtiina waan gelin kari weynay Jabuuti, oo Hargeysa kula soo noqonnay kaddibna Daahir ayaa lacagtii Muqdisho ula soo dhoofay.

Haddii ay goor hore ahaan lahayd, ganacsatada Soomalida ee Jabuuti midkood ayaan lacagta u dhiibi lahayn. Kaddibna inta ku ganacsado ayuu Xasan Guuleed lacagtaas ka siin lahaa Jabuuti. Sidaas oo kale ayaana samaynay mar ay dowladdii Soomaaliya lacag u diraysay Xisbigii Movement Popular. Waxaan u dhiibnay Maxamed Jaamac Carraale oo lo' ku iibsaday, Xisbigiina lacagtii qiimaheeda ku siiyay Jabuuti.

  • Xuseen Sabriye
  • Qoraa madaxbannan

XIGASHO:-BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip