Xiriirka kubadda cagta Soomaaliya oo go'aanno cusub kusoo rogay taageerayaasha kubada cagta Soomaaliya

1
Saturday May 07, 2022 - 13:23:41 in Wararka by
  • Visits: 2136
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xiriirka kubadda cagta Soomaaliya oo go'aanno cusub kusoo rogay taageerayaasha kubada cagta Soomaaliya

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..
 Xiriirka kubadda cagta Soomaaliya ayaa sheegay in loo baahan yahay in wax badan laga baddelo nidaamka sanadihii lasoo dhaafay loo maamulayay labada heer ee horyaalka kubadda cagta Soomaaliya.

 
Guddoomiyaha kumeel gaarka ah ee xiriirka kubadda cagta Cali Shiine ayaa sheegay in xiriirku go’aan ku gaaray in taageerayaasha kooxaha heerka koowaad iyo labaad laga qaadidoono lacago ay kaga qeyb galaan daawashada tartamada dalka.


Lama sheegin inta ay le’eg tahay dhaqaalaha laga qaadidoono taageerayaasha kubada cagta Soomaaliya, balse wuxuu guddoomiyuhu sheegay in qorshahaan looga danleeyahay horumarinta cayaaraha Soomaaliya.

"Waxa aan rajeyneynaa in sanadkaan in wax badan laga baddelo, waa in aan kawada hadalnaa hormarinta horyaalka heerka 1aad & 2aad, sanadkaan waxa aan rajeyneyaa in lacag lagu soo geli doono” Sidaasi waxaa yiri (Cali Shiine).

Guddoomiyihii hore ee xiriirka kubada cagta Soomaaliya, Cabdi Qani oo bilo iska casilay xilkiisa kadib khilaaf hareeyay xiriirka, ayaa keentay in masuuliyiinta cusub ee xiriirka ay doonayaan inay wax ka beddelaan hannaankii lagu shaqeyn jiray.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip