Guddoomiyaha KMG ee golaha shacabka oo sheegay in lagusoo weeraray hotel lagu dhaarinayay xildhbaannada Ceelwaaq lagusoo doortay

0
Monday April 25, 2022 - 20:57:10 in Wararka by
  • Visits: 185
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha KMG ee golaha shacabka oo sheegay in lagusoo weeraray hotel lagu dhaarinayay xildhbaannada Ceelwaaq lagusoo doortay

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..
 Guddoomiyaha kumeel gaarka ah ee barlamaanka Soomaaliya Cabdisalaan dhabancad ayaa sheegay in lagusoo weeraray hotel lagu dhaarinayay xildhibaannada lagusoo doortay magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.
Guddoomiye Dhabancad waxa uu sheegay in ciidamada dowladda loo adeegsaday sidii looga hortagi lahaa dhaarinta xildhibaannada, wuxuuna sheegay in dhammaan xarumihii dowladda ee lagu dhaarin lahaa xildhibaanada laga hor istaagay


"Waxa dhacaya waxaan ku tilmaami karnaa, yaan waxba dhismin. Waxaan moodayay in la helay waayo aragnimo ku filan in helo dowlad oo dalku dhismo oo ummaddu dhibaatada ka yaraato. Waa kusii badanaysaa, weli dalku ma bisla," ayuu yiri guddoomiyaha KMG ee golaha shacabka.

Dhabancad wuxuu sheegay inay shaqadooda sii wadayaan illaa lagasoo doorto guddoomiyayaasha labada aqal ee barlamaanka Soomaaliya.

Dhinaca kale guddiga doorashada ayaa sheegay in si rasmi ah loo dhaariyay 16 ka xildhibaan ee Ceelwaaq lagusoo doortay, kuwaas oo ay sheegeen inay ka qeyb galayaan howlaha barlamaanka ee soo socda.

thumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnail



thumbnail
thumbnail
thumbnail



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip