HALKAAN KA AKHRSIO WARARKA WARGEYSKA M. TIMES EE MAANTA OO AH AXAD 24-KA ABRIL 2022

0
Sunday April 24, 2022 - 08:39:34 in Wararka by
  • Visits: 487
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRSIO WARARKA WARGEYSKA M. TIMES EE MAANTA OO AH AXAD 24-KA ABRIL 2022

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

FARMAAJO oo war kasoo saaray weerarkii xeebta Liido

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii Habeen hore lagu qaaday hotelka ay ku shirsanaayeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, isagoona ku tilmaamay weerar bahalnimo.

Farmaajo ayaa ugu tacsiyadeeyay dadkii shacabka ee ku dhintay weerarka xeebta Liido, halka kuwii ku dhaawacmay u rajeeyay inuu alle bogsiiyo, wuxuuna laamaha ammaanka iyo ciidamada faray inay muujiyaan feejignaan dheeri ah xiligaan lagu guda jiro tobanka danbe ee bisha Ramadaan.

Hoos ka aqriso qoraalka kasoo baxay Farmaajo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Sooma aliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo si ku lul u cambaareeyey weerarkii argagixiso ee lagu qaad ay masuuliyiin iyo muwaadiniin kale oo ka afurayey Xe ebta Liido, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelka iyo qa raabada dhammaan muwaadiniintii ku geeriyooday weerarkaa arxandarrada ah.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in iyada oo lagu gu da jiro tobankii danbe ee bisha barakaysan ee ramada an ay qaraxan bahalnimada ah ee argagixisadu la bee gsatay muwaadiniin Soomaaliyeed ee aan waxba Shalay san uu muujinayo ficillada gumaadka ah ee ay ku haya an shacabka Soomaaliyeed iyo sida ay u bannaysteen dhiigga dadka muslimiinta ah ee soomman.

"Innaa Lillaali Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan ta csi u dirayaa ehelka iyo qaraabada muwaadiniinta ku geeriyootay qaraxii ay argagixisadu la beegsatay Muw aadiniinta Soomaaliyeed ee ka afurayey xeebta Liido. Waxaan bogaadinayaa Ciidammada geesiyaasha ah ee ka hor tegey in ruuxii naftii halligaha ahaa uu gudaha u galo hotellada ku yaalla xeebta Liido, waxaana farayaa dhammaan Ciidamada Ammaanku in ay muujiyaan fee jignaan dheeri ah, xilligan lagu guda jiro bishan barakay san ee Ramadaan oo ay argagixisadu beegsanayso shacabka muslimiinta ah ee cibaadaysanaya.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Muwaadiniinta ku geeriyooday qaraxa Alle uga baryey inuu hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, waxa uuna caafimaad degdeg ah u rajeeyey muwaadiniinta kale ee dhaawacu ka soo gaaray falkaas arxan darrada ah. DHAMMAAD

RW Rooble oo cambaareeyay weerarkii Habeen hore ee Liido

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble qoraal uu soo saaray ayuu ku cambaareeyay weerarkii Habeen hore ka dhacay Hoteel ku yaala Xeebta Liido ee Muq disho kaas oo uu fuliyay ruux isku soo xiray walxaha qa rxa, iyadoo uu geystay khasaaro dhimasho iyo dhaa wac ah.

"Waxaan cambaareynayaa falkii argagi xisadu ka geysteen Xeebta Liido, halkaas oo ay ku naf waayeen dad rayid ah oo aan waxba Shalaysan kuwo kalena ku dhaawacmeen.” Ayuu ku yiri qoraalkiisa Rooble.

Sidoo kale, wuxuu tacsi u diray ehelada dadkii ku ge eriyooday falkaas fulaynimo. Intii dhimatay Allaha u nax ariisto, isagoo Alle ugu baryay intadhaawaca ah inuu bogsiiyo.

"Falka noocan ahi waxa uu ka markhaati kacayaa si da aan argagixisadu xurmo ugu heyn dhiigga muslimiin ta, gaar ahaan xilligan oo la galay tobankii u dambeey ay ee bisha barakeysan ee Ramadaan.”Ugu dambeyn qoraalka kasoo baxay RW Rooble ayaa sidaa lagu yiri.

Al-Shabaab oo war kasoo saartay weerarkii LIIDO

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uulliyada weerarkii Habeen hore ee lagu qaaday hotelka Pescatore ee ku yaal inta u dhaceysa Beach View iyo Oceian ee xeebta Liido.

Weerarkaasi ahaa mid uu fuliyay qof miineysan oo isku qarxiyay iridka hotelka laga galo, kaasoo qorshahiisa ahaa inuu gudaha u galo hotelka oo ay ku shirsanaaye en taliyaha ciidamada booliska Jen. Xijaar iyo tiro xil dhibaano ah oo kasoo jeeda gobolka Sool.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay weerarkaasi uu fuli yay naftii hure ka tirsan iyaga oo beegsaday saraakiil iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda. Weerarkaan ayaa waxaa ku dhintay dad shacab ah iyo dhaawaca Taliy aha ciidanka birmadka ee booliska Jeneraal Siyaad iyo taliyaha booliska saldhiga Cabdicasiis, Liibaan Shid ane.Warar goor danbe soo baxay ayaa sheegaya inuu weerarkaasi ku dhintay xogheyntii gaarka ee Taliye Xij aar, balse laamaha amniga ma aysan sheegin.

Amaanka Liido ayaa ahaa mid si weyn u adag, oo ay dadka gaadiidka ku socda sida ay kusoo galaan ay adag tahay maadaama wadooyinka laga soo galo ay xe ran yihiin, kuna sugan yihiin ciidamo ka tirsan booliska.

Benjamin Netanyahu oo ay kasoo fakatay sir ay Israel iyo reer galbeedka muddo sanado ah qarinayeen Benj amin Netanyahu oo ay kasoo fakatay sir ay Israel iyo re er galbeedka muddo sanado ah qarinayeen

Sidoo kale, waxaa halkaasi ku taal safaaradda Turk iga ee Muqdisho oo si weyn loo adkeeyay amaankee da.

Doorashada Ceelwaaq oo la soo Af-Jaray

Degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo waxaa Shalay lagu soo gabagabeeyey doorashada 16-kii kur si ee horey looga wareejiyey degmada Garbahaarey, ta as oo muddo ay ka taagneyd xiisad u dhexeysa dow ladda iyo Jubbaland.

Doorashada oo Dorraad soo bilaabatay, isla-marka ana la doortay illaa 11 xildhibaan ayaa Shalay la dham meystiran, iyada oo lasoo doortay 5-tii xildhibaan ee harsaneyd.

Xildhibaanada la doortay ayaa waxaa ka mid ah xu bno ka mid ah Golaha Wasiirada Jubbaland, kuwaas oo haatan ku biiraya baarlamaanka 11-aad ee dalka.

Magacyada xildhibaanada Shalay soo baxay ayaa waxa ay kala yihiin:- 1-Mursal Maxamed Khalif oo ku gu uleeystay kursiga HOP#122.

2-Maxamed Muxumed Maxamed oo ku guuleystay kursiga HOP#110.

3-Marwo Faadumo Faarax Aadan oo ku guuleysatay kursiga HOP#123.

4-Axmed Cismaan Ibraahim oo ku guuleysatay kursiga HOP#131.

5-Cabdirashiid Maxamed Ducaale oo ku guuleystay kursiga HOP#125.

Doorashada ayaa dhalisay muran horleh, maadaa ma doorasha kale ay iyana qaban qaabadeeda ka soc otay magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Ge do, taas oo uga sii dareysa xiisadda taagan.

Arrintan ayaa sidoo kale kusoo aadeysa, iyada oo wa reegto uu saaray madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday lagu sheegay inay sharci darro yihiin doo rashooyinka is barbar socda ee Ceelwaaq iyo Garbaha arey, waxaana sidoo kale arrintaas taageeray guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka dadban oo ka horyimid doorashooyinkaasi.

Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Hambalyo U Diray Xil dhibaanada Lagu Soo Doortay Ceelwaaq

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soom aaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa War kasoo saaray doorashada 16-ka kursi Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Shalay lagu soo gaba-gabeeyay Maga alada Ceelwaaq.

Rooble oo qoraal soo saaray ayaa waxaa uu marka hore hambalyo ugu dir ay Guddiga Doorashooyinka heer Fede raal iyo Guddiga Doorashada Jubaland oo Shalay soo gebogebeeyay doorashadii xildhibaannada Golaha Shacabka ee ku harsanaa Jubbaland.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fede raalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta ayaa u hambalyee yay 16-ka Xildhibaan ee lagu soo doortay Magaalada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, isagoo u rajeeyay in uu Eebbe ku garab galo mas’uuliyadda qaran ee loo igm aday.

"Waxaan u hambaleynayaa Guddiga Doorashoo yinka Heer Federaal, Guddiga Doorashada Jubaland iyo Dowlad-goboleedka Jubaland oo Shalay soo ge bogebeeyay doorashadii xildhibaannada Golaha Shac abka ee deegaan doorashadoodu ahayd gobolka Gedo. Hambalyo ayaan leeyahay xildhibaannada cusub ee la doortay, anigoo u rajeynaya in uu Eebbe ku arab galo mas’uuliyadda qaran ee loo igmaday” ayuu yiri Max amed Xusee n Rooble. Shalay oo sabti ah ayaa waxaa deegaan doorashada labaad Jubbaland ee Magaalada Ceelwaaq ee Gobolka Gego lagu soo gaba-gabeeyay doorashada 16-ka kursi Golaha Shacabka Baarlamaan ka, kuwaasi oo ku harsanaa dowlad Goboleedka Jubba land….

Duqa Muqdisho oo kormeer shaqo ku tagay xarum aha dad-dhigista iyo dhalinyarada ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa maga alada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Shalay korm eer kadis ah ku tagay xarunta Dad-dhigista ee dowlada hoose Xamar iyo xarunta dhalinyarada gobolka Banaadir oo ay ka socd een howla shaqo oo bulshada Caasimadda loogu adeegayay.

Kormeerkan oo qeyb ka ahaa isla xisaabtanka sha qo ee maamulka gobolka Banaadir ayaa Guddoomiye Cumar Filish waxaa uu mid mid warbixina uga dhageys tay bulshada adeegyada kala duwan usoo doontay xar unta dad dhigista kuwaas oo tilmaamay in si hufan loogu qidmeeyay.

Guddiga Xalinta Khilaafaadka Oo Sharci Darro Ku Sheegay Doorashooyinka Ceelwaaq Iyo Garbahaareey

Gudiga xalinta khilaafaadka doorashada dadban ee dalka ayaa ka hadlay doorashooyinka isbar-bar socda ee gobolka Gedo, kuwaasoo lagu kala qabanayo mag aalooyinka Ceelwaaq iyo Garbahaareey.

Qoraal ka soo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in labadaasi doorasho ay hareer marsan yihiin heshiisyadii iyo habraacyada loo dajiyay doorashooyinka, iyagoo sheeg ay in dhamaantood ay yihiin waxba kama jiraan.

"Doorashada ka socota magaalada Garbahaareey waxaa aysan haysan sharciyadda Maamulka Jubaland iyo doorkii Guddiga SEIT oo meesha ka maqan, halka doorashada Ceelwaag ay khilaafsan tahay qodob aas aasi ah oo ku saabsan asteynta deegaan doorashooyin ka sida ku cad Sharciga Jihaynta Doorashooyinka Dad ban ee ay ansixiyeen Labada Aqal” ayaa lagu yiri qora alka.

Guddiga xalinta khilaafaadka waxa ay fariin deg deg ah u direen Madasha Wadatashiga Qaran, iyagoo ka dalbaday iney arrintan soo fara geliyaan oo ay xal kama danbeys ab ka gaaraan, inta aysan meel halisa tagin.

"Guddiga Xallinta Khilaafaadka wuxuu usoo jeedina yaa Madasha Wadatashiga Qaran inay xal waara u he sho doorashooyinka isbarbaryaacsan ee haatan ka soc da magaalooyinka Garbahaareey iyo Ceelwaaq taasoo u baahan wada hadal, isqancin iyo tanaasul siyasade ed” aya lagu yiri qoraalka guddiga.

Lama oga sida loo dhageysan doono soo jeedinta guddiga xalinta khilaafaadka, maadaama isla Dorraadba shahaadooyinkooda la siiyay xildhibaanadii u horeeyay ee lagu soo doortay magaalada Ceelwaaq, kuwaasoo gelinkii danbe ee Jimcihii dib ugu soo laabtay Muq disho.

guddiga xalinta khilaafaadka oo sharci daro ku she egay doorashooyinka ceelwaaq iyo garbahaareey

Rooble oo la kulmay Madaxweynaha Hirshab eelle iyo Guddoonka KMG ah ee Golaha Shacabka

Ra’iisul Wasaaraha XFS Md.Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxwe ynaha do wlad-goboleedka Hirshabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo ay ka wada hadleen dhammeyst irka kuraasta Golaha Shacabka ee weli ku harsan Hirsha beelle iyo qodobbo kale.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Guddoomi yaha KMG ah ee Golaha Shacab ka Md.Cabdisalaan Xaaji Axmed Dhabancad oo ay ka wada hadleen howsha doorashada guddoonka Golaha Shacabka oo heer gebogebo ah mar eysa.

Ugu dambeyntii Rooble ayaa hambalyo u diray Xil dhibaanada cusub ee Shalay lagu doortay degmada Ce elwaaq iyo soo gagababeynta Jubbaland ee doorashoo yinka Golaha Shacabka.

"Waxaan u hambaleynayaa Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal, Guddiga Doorashada Jubaland iyo Dowl ad-goboleedka Jubaland oo Shalay soo gebogebeeyay doorashadii xildhibaannada Golaha Shacabka ee deega an doorashadoodu ahayd gobolka Gedo. Hambalyo aya an leeyahay xildhibaannada cusub ee la doortay, anigoo u rajeynaya in uu Eebbe ku garab galo mas’uuliyadda qa ran ee loo igmaday.”ayuu yiri RW Rooble

Hadal Jeedinta Musharixiinta Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamanka

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa si rasmi ah Shalay uga bilaabatay hadal jeedin ta musharixiinta guddoonka labada Aqal ee Baarlama anka, taas oo haatan ka socota xarunta labada Gole ee Baarlamanka Soomaaliya.

Kulanka Golaha Shacabka oo Shalay furmay ay aa waxaa lagu bilaabay dhaarinta xildhibaano cusub oo dhowaan lasoo doortay, kuwaas oo kala aha:-1-Jaamac Taqal Cabaas oo lagu soo doortay Koonfur Galbeed 2-Maxamed Axmed Maxamuud (Beerey) oo lagu soo do ortay Jowhar, HirShabelle 3-Xasan Budul Cali oo lagu soo doortay Kismaayo, Jubbaland 4-Cismaan Maxa med Maxamuud (Xaadoole) oo lagu soo doortay Jo whar, HirShabelle.

Intaasi kadib xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa guda-galay dhageysiga khudbadaha musharixiinta oo ka hadlaya barnaamijkooda waxqabad iyo taariikh nolo leedkooda.

Xubnaha isku soo taagay xilka guddoomiyaha ayaa gaaray illaa siddee xubnood, waxayna kala yihiin:-

1-Cabdirashiid Maxamed Xidig, 2-Cabdullaahi Aadan Axmed Black, 3-Aadan Maxamed Nuur Saransoor, 4-Xasan Cabdinuur, 5-Maxamed Mursal Sheekh Cabdirax maan, 6-Saadiq Cabdullaahi Cabdi, 7-Shariif Maxamed Cabdalla 8-Aadan Maxamed Nuur Madoobe.

Dhinaca kale xarunta Golaha Aqalka Sare waxaa iya na haatan ka socota hadal jeedinta musharixiinta guddo omiyaha Golahaasi, waxaana isku taagay musharixiinta kala ah:-

1-Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi 2-Senator Saal ax Axmed Jaamac 3-Senator Cismaan Obokor Dubbe.

Musharixiinta ayaa la siiyey fursad ah min 15 daqiiqo oo ay kusoo koobi doonaan khudbadahooda, iyada oo ka dib loo geli doono ku xigeenada labada Aqal.

Qorshaha ayaa ah in doorashada guddoonka baa rlamaanka lagu soo gabagabeeyo 27 bishan, sida ku cad jadwalka kasoo baxay guddiyada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare.

G/yhii hore ee Maaliyada G/ Ba naadir oo wax la la yaabay ku tilm aamay Qudbadii Gudoom iyahii hore Ee Baarlamaanka

Waxaan si dhugleh aan udhageystay qudbadahii ay jeediyeen xildhibaanadda u taagan xilka Gudoom iya ha Baarlamaan 11-aad, xildhibaana da Shalay ka hor qudbeeyay gola ha shacabka Waxaa ka mid ahaa

Gudoomiyahii hore ee Baarlam aanka 10-aad Waxaan is lahaa Gud oomiye Mursal waxuu cafis ka dalban doonaa umadda somaaliyeed dhibaatadii uu u geystay Dalka inta uu hayay xilka gudoomiyaha Baarl amaanka , Fajac & amakaag ayay igu noqotay Mursal inuu la soo galo jog sado Waxaa ahay musharax u taagan qabashadda xilka gudoonka Baarlamaan oo waliba ku qudbeeyo Erayo ay ka mid yahiin

1- Hogaaminteydii Golaha shacabka waxaan ku guuley stay Golahu inuu ka nabad galo ku milmidda Hay adaha kale ee Dowladda

2- waxaan ilaali doonaa cadaalada iyo sinaanta wax aana mudnaanta 1aad siin doonaa isku duubni dda jirita anka Baarlamaan

3- haddii aad kalsoonidiina I siisaan Waxaa ilaali do onaa ku dhaqanka Dastuurka iyo xeer hoosaa dka , jiri taanka awoodda Baarlamaan

Gudoomiye Mursal waxuu ahaa Ninkii jideeyay 2di sa no oo sharci daradda aheyd taas oo dalka galisay Amni daro & qalqal siyaasadeed

Waa wax aad looga xumaado in mursal uu ka xish oon waayo dadka somaaliyeed iyadoo laga wada dha ragsan yahay inuu Baarlamaankii 10-aad uu hoos geeyay Villa somaaliya

Musharax Xasan Cali Kheyre oo ka tacsiyeey Qaraxii Xalay ka dhacay Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho

Waxaan ka tacsiyeynayaa dhamaan shacabkii iyo ma suuliyiinta katirsanaa hey’addaha amniga ee ku ge eriyooday qarixii Xalay fiidkii ka dhacay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho. Waxaan sidoo kale Ilaahay caafi maad deg-deg ah u weydiinayaa dhamaan dadka dhaa waca ama waxyeelooyinka kale ay kasoo gaareen qaraxa.

Waxaa Ilaahay mahadiis ah in falk aas ay argagaxisadu maleegeen ay ka badbaad een xildhibaanadii iyo masuuliyiintii kale ee bartilmaameed ka ahaa. In dhiig qof muslim ah la da adiyo iyada oo lagu jiro tobankii dan be ee bisha barakeysan ee Ramada an, waxa ay muuji neysaa sida kooxaha nabad-diidka ah ay uga fogyihiin diinta xaqqa ah ee Rabi, waxeyna tilm aameysaa arxan-darida kooxahaas ka fog ku dhaqanka diinta iyo gara shada insaanimo.

Hey’ addaha amniga ee dalka, waxaan ugu baaqayaa inay masuuliyad dheeri ah iska saaraan amniga dalka iyo goobaha bar-tilmaameedka noqon kara, xiligan xas aasiga ah ee dalka ay ka socoto doorashadda Madaxtin imo. Waxaana ugu baaqayaa inay ka dheeraadaan ku dhex-milanka siyaasadda maalinlaha ah iyo ololaha doo rashooyinka, ayna xooggooda iyo waqtigooda galiyaan gudashada waajibaadkooda shaqo ee sugitaanka am niga muwaadiniinta soomaaliyeed.

Afar nin oo lagu toogtay Degmada Buurha kaba iyo hadalhayn ka dhalatay

Afar nin oo saddex ka mida ay rayid yihiin ayaa Sala addii Jimcaha ka dib waxaa lagu toogtay Degmada Buu rhakaba ee Gobolka Baay, ka dib qarax ay dad rayid ah ku dhinteen oo habeen hore ka dhacay degmadaasi.

Qaraxan oo ahaa miinada nooca gacanta laga hag go ayaa waxaa ku dhi ntay afar qof oo rayid ah. Hawlgal ay same eyeen laa maha amni ga ayaa na lagu soo qabtay afar taasi nin, oo midkood uu ask ari ahaa.

Sarkaal ka tirsan Taliska Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, ku na sugan Deg mada Buurhakaba ay aa Universaltv u sheegay in dad kaasi la toogtay, iyadoo aanay maxkamadi xukumin.

"4-taan nin waxay isugu jiraan saddex qof oo shac ab ah iyo askari ka tirsan militariga. Waxaa la soo qab tay saacado ka dib, markii qaraxa uu habeenkii Jimc aha soo galeysay uu ka dhacay Kontoroolka Banooda. Mid ka mid ah ayaa qirtay inuu ku lug lahaa qaraxaasi, laakiin saddexdii kale way iska fogeeyeen. Intaas ka dib Gudoomiyaha Degmada iyo Saraakiisha Booliska ayaa go’aamiyay in afartoodaba la toogto.” Ayuu yiri Sark aalkan oo codsaday inaanan magaciisa Warbaahinta loo adeegsan.

Waxa kaloo uu yiri "Buurhakaba waxaa horey uga ji ray dhaqan ah in askarigii dila askari kale in isna la too gto, ka dibna la wada aaso, laakiin waa dhaqan nagu cusub in dad rayid ah la iska toogto, iyadoo aan maxkamad la horkeenin amaba aysan xukumin.”

Tallaabada lagu toogtay afartaasi nin ayaa hadalh ayn badan ka dhex dhalisay bulshada reer Buurhakaba.

Wararkii ugu dambeeyey dagaalyahanada Al-Shabaab oo la wareegay Matabaan

Maleeshiyo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa wax ay la wareegeen degmada Matabaan oo ka tirsan Gob olka Hiiraan balse hoos tagto maamu Goboleedka Gal mudug. Al-Shabaab ayaa si nabad galyo ah kula waree gtay Matabaan markii ay isaga baxeyn ciidamadii Bool iska ee ka tirsanaa Galmudug kuwaas oo magaalada isaga baxay markii ay heleen aqbaar sheegeysa in ciid mada Al-Shabaab gudaha usoo geli rabaan.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo degmada Mataba an ayaa waxaa ay shee gayaan gudaha degmada lagu arkaayo dagaalyahana da Shab aab oo koox koox u socda.

Al-Shabaab ayaa gudaha u gashay xarunta Degm ada iyo Saldhigga halkaas oo la sheegay inay burburin ka wadaan sidii ay dhawaan ku sameeyeen markii ay qabsadeen.

Degmada Matabaan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ay aa waxaa dhowr jeer isku bedbedelay Ciidamada Galm udug iyo Ahlusunna, waxaana bilihii lasoo dhaafay ay wajahday xaalad amni daro. Madaxda Maamulka Gal mudug iyo Saraakiisha Ciid amada qeybta 27-aad ayaan weli ka hadlin la wareegi taanka Ururka Al-Shab aab ee degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Tan iyo markii ciidamada Ahlu Sunna ay isaga bax eyn Matabaan kadib markii ay isku dhaceyn maamulka Galmudug waxay Matabaan hooy u noqotay kooxda Al-Shabaab, waxaana degmada lagu reebay ciidamo yar oo ka tirsan Galmudug kuwaas oo isaga baxayo magaa lada markii ay ogaadaan in kooxda Al-Shabaab ay weerar soo qaadi rabto.

Dagaal culus oo Shalay ka dhacay duleedka Muqdisho

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal Shalay ka dhacay deeg aanka Jaziira ee duleedka magaalada Muqdisho, kaas oo u dhexeeyey ciidan ka ti rsan dowlada & malee shiy aad macawiisley ah.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu sababay muran ka dhashay Qaad laga soo daj iyey xeebta, waxaana is ku da gaalay labada dhinac, sida ay xaqiijiyeen dad go objoogayaal ah.

Dagaalka ayaa si gaar ah u dhex-maray ciidamo isugu jira Milatari iyo Boolis doonayey inay Jaadka soo gudbi yeen rag kale oo Macawiisley ah oo iyagana ku sugan halkaasi.

Wararka ayaa kala duwan ayaa kasoo baxaya khasa araha ka dhashay iska hor imaadka labada dhinac, wa low aan si rasmi ah loo xaqiijin karin waxaana haatan kacsan xaaladda.

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale waxaa saameyn ku yeeshay dagaalka ka qarxay halkaas, kaas oo illaa Dorraad xiisadiisa ay ka taagneyd Ceel Huur iyo illaa wad ada ka timaada Jaziira.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay sar aakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan shaqaaqada asi oo ah mid soo noq-noqatay, isla-markaana geystay khasaare xoogan.

Magaalada Muqdisho iyo deegaanada hoos yimaada ayaa waxaa inta badan ka dhaca iska hor imaadyo kala duwan, waxaana khasaaraha ugu badan uu kasoo gaa raa rayidka.

Faahfaahin Qarax Ay Askar Ku Dhinteen Oo Ka Dhacay Magaalada Jowhar

Ugu yaraan saddex askari ayaa ku dhimatay mid kalana waa uu ku dhaawacmay kadib markii ay miino kula qaraxday barkoontarool oo ku taal galbeedka Mag aalada Jowhar.Qaraxan oo dhacay gelin kii dambe ee Shalay ayaa lala beegsa day askar ka tirsan ciidamada booliska ee magaalada Jowhar kuwaas oo ku sugnaa barta koontarool oo ku taal suuqa xoolaha ee maga alada Jowhar.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ciidamada bool iskamagaalada Jowhar hase yeeshee waxaa uu qara xan ku soo beegmayaa iyadoo magaalada Jowhar ay weli ka socoto ololaha doorashada qaar ka mid ah

kuraasta deegaan doorashadoodu tahay M/ Jowhar.


 

Madaxweynaha Jubbaland oo dhagax dhig ay garoonka diyaaradaha Degmada Ceelwaaq

Madaxweynaha maamulka Jubaland Md. Ax med Maxamed Islaam, ayaa Shalay gaaray Go bolka Gedo halkaas oo ay kasocoto doorashada Xildhibaanada Baarl amaanka ee kasoo baxaya deegaan do orashada labaad ee Jubaland.

Madaxweynaha waxaa garoonka di yaaradaha magaalada Ceelw aaq kusoo dhaweey ay qaar ka mid ah gol aha wasiirada iyo maamul ka Magaal ada. Waxaa Madaxweyna hu uu tagay halka ay ka socoto doorashooyin ka deegaan doo rashada lab aad ee Jubaland ee lagu dooranayo Xildhib aanada loo asteeyay gobolka Gedo inay ku matalaan Baarlamaanka JFS.

Madaxweynahu wuxuu goob joog ka ahaa do orashada hal kursi oo kamid ah kuraasta Shalay lagu doortay Degmada Ceelwaaq isagoo u kuur galayay habsami u socodka doorashooyinka ayuu Madaxweynahu uga mahad celiyay guddiyada doorashooyinka ee kala duwan dadaalka aan kala go’a lahayn ee ay howshan ku bixiyeen.

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa dhagax dhigay dhi smaha garoonka diyaaradaha Degmada Ceelwa aq ee G/Gedo oo si casri ah loo dhisi doono

Nin Soomaali ah oo Maxkamad ku taal dalka Jarmal ka lagu soo oogay dacwad ka dhan ah dil uu geystay

Nin Soomaali ah ayaa Jimcihii la soo taagay Maxkamad, iyadoo loo haysto saddex qof oo lagu dilay dho wr kalena lagu dhaawa cay weerar too reey ah oo ka dha cay Koonfurta Jarmalka bishii Ju ne ee la soo dhaafay.

Ninkaan ayaa dacwad lagu soo oogay si loo go’aam iyo in uu ma skaxda ka xanuunsan yahay iyo in kale, waxaana maxkamad da ay doonaysaa in ay ogaato xaal addiisa caafimaad.

Baarayaasha ayaa rumeysan in ninkan uu ma skaxda ka bukanaa markii uu weerarku ka dhacayay magaalada Wue rzburg, sidaas dart eedna ay maxkamaddu loo ba ahan yahay in ay caddeyso..

Waxaa lagu eedeeyay dil, isku day dil iyo weer ar culus, Qareenka difaacayay, Hans-Jochen Schrepfer, ayaa sheegay in tuhmanuhu uu la ildar an yahay xaalad nafsi ah .

Weerarkaan ayaa ka dhacay goob laga dukaa meysto oo ku taal Barbarossaplatz, oo ku taal bar tamaha magaalada Bavarian, Juun 25, 2021. Dhibanayaasha ayaa ahaa saddex dum ar ah oo da’doodu kala tahay 24, 49 iyo 82.

Afar kale oo haween ah ayaa dhaawacyo halis ah soo gaareen, iyadoo ay la socdaan gabar 11 jir ah oo xilligaasi jirtay iyo wiil 16 jir ah. Saddex qof ayaa qaba dhaawacyo fudud. Eedeysanaha oo ahaa qaxooti ku noolaa Wuerzburg tan iyo 2015-kii, ayaa la xiray ka dib markii laga toogtay bowd ada, sida ay booliisku sheegeen.

Safaaradda Soomaaliya ee Serbia oo soo dhowe ysay arday heshay waxbarasho

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soo maaliya ee Belgrade Serbia waxaa ay si buuxda u soo dhaweysay 16 arday Soomaaliyeed oo ku gu uleysatay deeqda waxbarasho ee Dowladda Ser bia ay siisay Dowladda Federaalka ah ee Sooma aliya. Deeqdan waxbarasho ayaa ku timid kadib, dib u soo celinta xiriirka labadda dal iyo dib u fur idda Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka ah Soomaaliya ee Magaaladda Belgrade 14 Septe mber sanadkii tegey ee 2021.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si xoog leh uga mahad celisay fursada qaaliga ah ee siiyay araday Soomaaliyeed.

Safaaradda Soomaaliya ee Belgrade waxaa ay mar walba u taagan tahay xoojinta xiriirta labada dal iyo fulinta danaha muwaadiniinta Soomaal iyeed.

Tan iyo markii Maxamed Cabdullaahi loo magacaabay sii hayaha safiirka Soomalaiya ee Serbia, waxa uu shaqo wanaagsan ka qabtay xiri irka labada dal iyo sidii uu wax ugu tari lahaa So malida ku nool dalkaas iyo dalalka deriska la ah.

Waxa uu dhowaan gacan ka gaystay in dalka Ukraine oo dagaallo ay ka qarxeen laga soo badbaadiyo dad ka badan 30 qof.

Ciidamada Ruushka Oo Soo Riday Diyaarado Milateri Oo Laga Leeyahay Dalka Ukraine

Ruushka ayaa sheegay inuu soo riday hal diya arad oo ah kuwa dagaalka iyo saddex kale oo ah kuwa qumaatiga u kaca oo laga leeyahay dalka Ukraine.

Wasaaradda gaashaandhigga ayaa sheegtay guulo kala duwan oo ay ka gaareen dagaalka iy adoo ciidamada cirka ee Ruushka ay beegsadeen xarumo badan oo ay ku sugnaayeen militariga Ukraine.

Ruushka Ukraine ayaa Qar amada Midoobay iyo hayadaha kale ee caalamiga ah ka codsa tay Inay badbaadiyaan dad badan oo rayid ah isla markaana ay gargaar gaars iiyaan aagagga ay we eraraan Ruushka, gaar aha an magaalada dek edda leh ee Mariupol.

Xildhibaan ka tirsan xisbga madaxweynaha Ukraine, Vladymyr Zelensky, Vadym Halaychuk, ayaa BBC-da u sheegay in QM ay tahay inay dowr ka qaadato furista waddooyin loo mariyo garga arka biniaadanimo iyo inay ka shaqeyso xallinta dagaalka.


XUSUUSIN: DAMACII MWAI KIBAKI EE JUBAL AND IYO DIIDMADII SHEEKH SHARIIF


Madaxweynihii saddexaad ee dalka Kenya, Mwai Kibaki, ayaa ge eriyooday isagoo 90 jir ahhaa. Kibaki ayaa xilka madaxtinimada Kenya ha yay intii u dhaxeysay 2002 ilaa 2012-kii.

Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in Kenya ay gashay baroordiiq qaran ilaa inta laga aasayo madaxweynahoodii hore Mwai Kibaki oo mudo 44 sano ku guda jiray arrimaha siy aasadda, kuna helay magaca iyo mansabka uu la dhintay.

Haddaba, Kibaki oo saameyn ballaaran ku lahaa arrimaha siyaas adda Somalia, maad aama uu ahaa madaxweynihii juhdiga geliyay ka mira dhalinta in Soomaaliya yeelato dowlad KMG ah oo lagu soo dhisay Mbagathi 2004-kii, taasoo madaxweyne loogu doortay Cabbdullaahi Yuusuf Axmed.Mwai Kibaki ayey Soomaalida ku xasuusan doontaa inuu aabo u ahaa hannaanka federalism-ka ee Mbagathi lagu soo dhisay 2004-kii Itoobiyana ku gacan siisay, nidaa mkaasi oo ilaa hadda ay ku dhaqanto Soomaalida oo awood qeybsi ay ku qeybsadaan xilalka sare dalka.

Waxaa kaloo lagu xusuusan doonaa in gudaha Soomaaliya uu soo geli yay dabayaaqadii 2011-kii, ciidamadiisa isagoo marmar siinyo ka dhigan eyay inay dalkooda ka difaacayaan kooxda Al-Shabaab, howlgalkaasi oo lo ogu magac daray "ilaalinta dalka”. Wuxuu xiligaasi hadalkii uu jeediyay u dii waan gashan inuu yiri "Waxaan caalamka u sheegaynaa inaan duullaan ku ahayn Soomaaliya”.

Hase ahaatee madaxweynihii xiligaasi Shariif Sheekh Axmed ayaa si cad ugu horyimid una sheegay Kibaki iyo xukuumaddiisa inuu diidan yahay soo gelitaanka ciidamada Kenya ee gudaha Somalia.

Sababta uu Shariif xiligaasi u diidanaa in ciidamada Kenya ay soo galaan Soomaaliya ay aheyd inuu ka hortago qorshe ay rabtay Kenya oo ahaa inay gobolada Jubbooyinka ka dhisto maamulka Jubaland oo ay Kenya u aragtay inay danaheeda ku fushado, difaacna uga dhigato dhibaatada iyo qalalaas aha amni ee ka jiray Soomaaliya.Diidmada Shariif iyo shakiga uu qabay wa xaa ku raacay oo ku taageeray ra’iisul wasaarihiisii xiligaasi Cabdiweli Cali Gaas oo sheegay in Kenya iyo Soomaaliya aysan gaarin heshiis ogolaanayo inay ciidamada Kenya gudaha usoo galaan Soomaaliya.

Taariikh madow ayey noqotay 28 Sep-2012-kii markii gudaha Kismaayo soo galeen ciidamada Kenya oo ay horkacayeen maliishiyadii Axmed Mad oobe oo xiligaasi hoggaamin jiray xoogagii maxaakiimta ka go’ay oo la mag ac baxay Raas-Kambooni aakhirkiina Kismaayo lagu aas aasay maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe hoggaamiyo.

Hase ahaatee soo gelitaankii ciidamada Kenya kadib, waxay si buuxda u gu mid noqdeen howlgalka ciidamada AMISOM ee xiligaan isu badalay ATMIS, kuwaasi oo dhibaatooyin kala duwan ka geystay gobolada Jubbooy inka, iyagoo burburiyay hanti Soomaaliyeed, dil, iyo duqeymo sharci daro na xariis darann ka fuliyeen Somalia.

Waxaa kaloo sabab iyo ma hadho ku noqotay inay ilaalin waayeen deris nimo wanaaga iyo madax bannaanida dhuleed ee Soomaaliya, aakhirkiina lu gaha qabsaday Soomaaliya ilaa ay ku sheegtaan baddeenna iyo dhulkeena, si sharci daro ahna qeyb ka mid ah baddeena loogu xukumay, balse So omaaliya ku qanacday go’aanka maxkamadda caddaaladda adduunka ICJ.

Doorashadii madaxweyne Farmaajo kadib, waxay Kenya faragelinteedii xoogeysteen iyadoo ka faa’iideysaneyso maamul gobolee dyada qaar inay si qaawan oo ka baxsan xeerka caalamiga ah arrimaha gudaha Soomaaliya, ta asoo dhalisay in madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku eedeeyo in faragelin aan gambasho laheyn ku heyso Somalia, gaar ahaan maamulka Jubbaland.

Dowladda Madaxweyne Farmaajo oo tallaabad aasi ka jawaabeyso ayaa xiriirkii u jartay Keny, waxayna cuna qabateyn ganacsi saartay Kenya iyadoo joojisay Qaadkii la keeni jiray Somalia. Taas badelkeedna Kenya waxay ku dhaqaaqday tallaabo kasto oo ay ku carqaladeyneyso dowladda curdunka ah ee Somalia iyo madaxbannaanida dhuleed ee dalka, laakiin looga guule ystay dhinac walbo.W/Qoray: Ali Muhiyaddiin Caasimadda Online




Xadiith: N°=28 Dardaaran


Waxaa laga wariyey Abuu-Najiix al-Cirbaad ibn Saariya (Allaha ka raalli noqdee);

”In uu yiri: Waxaa na wacdiyey Rasuulkii Alle( s.c.w.), wacdi qalbiga dhalaaliyey oo indh aha ka ilmeysiiyey, markaas aan ku niri Rasuulkii Allow wacdigaagani wuxuu uu eg-yahay wacdi sagootin ah ee inoo dardaaran.

Markaasuu Rasuulkii Alle (s.c.w.) yiri: waxaan idinkula dardaarmayaa cabsida A llaha ca siiska ah ee weyn iyo maqal iyo adeecid madaxdiinna, xataa haddii uu madaxiinnu yahay nin addoon ah.

Ninkiinna noolaadana wuxuu arki doonaa khilaal fara badan, si aad uga badbaaddaan khi laafkaa waxaan idinkula dardaarmayaa inaad raacdaan jidka Nebigiin iyo jidka Khulafadiisii hanuunsanaa, jidkaa ku dhega oo gowsaha ku qabsada, kana digtoonaada arrimaha soo kordhi doona, maxaa yeelay, wax kasta oo Diinta lagu soo kordhiya waa bidco, bidcaduna waa baadinnimo, qofkii ku socdaana waa ahlu-naar.”[Abuu-Daawuud iyo at-Tirmidi, wuxuu na yiri waa xadiis Xasan ah oo saxiix ah]

Sharaxa:Xadiiska Sideed & Labaatan

Xadiiskani wuxuu caddeynayaa arrimo ka mid ah kuwii Nebigu (s.c.w.) u dardaarmay ummaddiisa, waxaanu ku wacdiyey wacdi qalbigooda dhaqaajiyey, wuxuu kula dardaarmay inayIlaahay ka cabsadaan oo ay ku dadaalaan dhowridda iyo ku-dhaqanka sharciga, wu xuu faray in amarka dawladda, lslaamka dhaqan keedu yahay la adeeco, xataa hadduu yah ay ninka madaxda ah qof addoon ah. Mar haddii aannu wax diinta khilaafsan idin fareyn.

Wuxuu xadiisku ka warramay waxyaalo dhici doona oo ah ninkii noolaada inuu la kulmi do ono khilaaf fara badan. Marka wuxuu yiri Nebigeennii suubbanaa (s.c.w.) haddii waxaasi dhacaan raaca jidka Nebiga iyo Khulafadii hanuunsanayd ku joogeen. Khulafada waxa loola jeedaa Abuubakar As-Sadiiq, Cumar lbni-Khadaab, Cusmaan ibni-Caffaan, Cali tbni-Abii-Da alib (Radiya Allahu Canhum Ajmaciin), jidkaas baa xaq ah ee ha lagu dhego, cidii heysat ana ha lala garab iyo gaashaan noqdo.

Wuxuu uga digay in ay ku kalsoonaadaan waxyaalaha diinta lagu kordhin doono oo aan ka mid aheyn, ama laga naaqusin doono ee ah bidcada, bidcaduna waa baadi dadka naarta u jiideysa, marka bidcada waxaa loola jeedaa inIlaahay lagu caabudo wax aannu jideynin oo aan nebigu farin, sida werdi aannu nebigu sheegin inaan ku werdinno ama salaad aan la gu farin ama goortii lagu faray goor aan aheyn aad tukatid ama si aan laguu farin u tukatid ama aad u jeesato meel aan qiblada aheyn ama aad dawaaftid meel aan Kacbada Ilaahay ahyn iwm.

Bidcaduna waa laba nooc, bidco lagu gaaloobayo sida ku dawaafidda qabuuraha ama baryada awliyada mootan iyo gargaar ugu wacashadooda, Iyo bidco aan lagu gaaloobeyn ha yeeshee dembi sida carrabbaabidda niyada salaadda oo aad tiraahdo usallii faradal salaata….i.w m. Markaad ku kacayso fal cibaado ah, waa inaad ogaatid halka uu falkaas salka ku hayo, maxaa yeelay, cibaado ma aha inaad is ka fashid sidaad jeceshahaye e waa sida lagu faro, haddiise aadIlaahay ku caabuddo wax aannu kuu diran waa tacab khasaar ayIf iyoAakhiraba, marka iska hubso intaad dhowdahay oo camalkaaga la socodsii shar cigaIslaamka runta ah.

FAA’IDADA XADIISKA

1. InIlaahay la dhowro sharcigiisa.

2. In amarka dawladda lslaamka wax ku xukumeysa la adeeco, haddii kale fidnaa dhaceysa.

3. Marka khilaafku bato xagga diinta waa in la raaco jidkii Rasuulka Alle (s.c.w.) iyo khulafadiisa.

4. Dadka ku camal fala bidcada abaalkoodu waa tacab khasaarIfka iyo cadaabAakhiro, maxaa yeelay, wejigaa lagaga soo tuurayaa camalkooda, aakhirana waa lagu ciqaabayaa, sababtoo ah intuu weydaartay jidkii Rasuulka ayuu ku camal falay cibaado aan la farin, inkastoo uu is leeyahay kheyr baad heleysaa, wuxuu la mid yahay qofkaasi sidii asaga oo leh jidka Rasuulka ma fiicna ee anigaa jid ka fiican ooIlaahay kuu dhoweynaya samaynaya, jidkaas baana naarta geeya.

DARUUSTA RAMADAANKA {FADLIGA SOONKA}TOBANKA HABEYN EE DAMBE IYO LEYLATUL QADARKA

Sidaan ka aragno shaxdaas waxaad arkeysaa marka Ramadaanku ku dhammaanayo 30 maalmood in habaynka 21-naad ee Ramadaan uu kow ka yahay tobanka habeyn ee ugu dambeeya. Haddii habaynkaas laga reebo waxaa harsanaanaya 9 habayn. Habaynka 23-naad ee Ramadaan isna waa habaynka seddexaad ee tobanka dambe; haddii aan habaynkaas lagu darin waxaa Ramadaan ka haraya 7 habayn.

Jaantuska 5-naad. Bal aan iyana xusno "tobanka dambe” ee Ramadaan oo ku dhammaanaya 29; aanna ka dhigno habaynka 21-naad, habaynka ugu horreeya ee "cashra awaakhir”.

Magaca maalmaha

Tirsiga Ramadaan

Tirinta Tobanka seddexaad

"Count down”ka 10-ka dambe inta harsan

Isniin

21

1

9

Talaado

22

2

8

Arbaco

23

3

7

Khamiis

24

4

6

Jimce

25

5

5

Sabti

26

6

4

Axad

27

7

3

Isniin

28

8

2

Talaado

29

9

1

Jaantuska 6-aad.Bal aan isku dhejiyo labada jaantus ee sare. Qeybta guduudan/cas waa tirinta habyanka 30-naad iyo tirinta 10-ka habeyn ee u dambeeya. Tan buluuga ahna waa tirinta marka bishu 29 ku dhammaaneyso dabadeedna habaynka 21-naad laga soo bilaabo tirinta 10-ka ugu dambeeya.

Magaca Maalmaha

Tirsiga Ramadaanka

Tirsiga tobanka dambe

10-ka dambe oon "countdown” ku sam aynay.

"Count down”ka "cashara awaakhir”

Tirsiga "cashra awaakhir” haddii 21-ka laga bilaabo

Tirsiga Ramadaanka

Isniin

21

1

10

9

1

21

Talado

22

2

9

8

2

22

Arbaco

23

3

8

7

3

23

Khami

24

4

7

6

4

24

Jimce

25

5

6

5

5

25

Sabti

26

6

5

4

6

26

Axad

27

7

4

3

7

27

Isniin

28

8

3

2

8

28

Talado

29

9

2

1

9

29

Arbaco

30

10

1

Sidaad aragtaan marka bishu ku kala dhammaato 29 iyo 30-ka waxaa khilaaf ku imaanayaa tirinta tobanka habayn ee u dambaysa ilayn midda 29-naad, toban habayn oo dambe ma lahee sidoo kale waxaa is khilaafayaa marka hoos laga soo bilaabo. Tusaale ahaan haddii labo saxaabi ama labo culumo aan sidaan soo sharraxnay ukala tiriyaan Ramadaanka waxaa khilaaf ku imaanayaa markay dhahaan oo kale habaynka toddobo tagtay ama toddobo ka harsantahay Ramaddaan maxaa yeelay marka la joogo habaynka 21-naad ee Ramadaan waa kala duwanyihiin habaynada ka harsan Ramadaan markuu 30 ama 29 ku dhammaanayo.Maaddaama tan 29-naad ay ku dhammaanayso habayn Talaado ah; marka hoos laga soo bilaabo Talaadadaas baa kow noqonaya ama haddii 21 laga soo bilaabo wuxuu noqonayaa 9 halka midda 30-ka ku dhammaataa ay ugu dambayndoonto habayn Arbaco ah; waana isla habaynkaas midka kow qaadanaya haddii tobanka habayn hoos laga soo bilaabo ama toban qaadanaya haddii "count down”-ka laga bilaabo tobanka habayn ee dambe oo laga bilaabay 21-ka Ramaadaan. Bal isha mari labada siyood ee bishan Rama daan u dhammaan karto haddii Ilaah idmo oo isku jaantus la isagu keenay iyagoo magacyada maalmahu ka dhexeeyaan.

Kenya oo Qunsul cusub u soo magacowday Somaliland, bedeshayna safiirkeedii Muqdisho

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa dowladda Somalia iyo Somaliland usoo kala magacaabay Safiir buuxa oo fadhigiisa noqon doona magaalada Muqdisho, iyo Qunsul xaruntiisa noqon doonta magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland.

Safiirka cusub ee Kenya u fadhin doona Somalia Maj Gn (Rtd) Thomas Chepkuto ayaa wuxuu badeli doonaa Lucas Tumbo oo sanadkii 2015-kii Kenya xilkaan usoo magacowday.

Sidoo kale, Uhuru Kenyatta ayaa Benson Mwaliko u magacaabay qu nsulka cusub ee Kenya u fadhin doona magaalada Hargeysa ee maa mulka Somaliland.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya ayaa kal hore Hargey sa u dirtay saraakiil uu hoggaaminayay Benson Mwaliko, isagoona ku maga cawnaa madaxa xafiiska ilaaliya cilaaqaadka labada dhinac

Raychelle Omamo Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya ayaa dhawaan sheegtay in Ken ya ay ula macaamuli doonto Somaliland sida qeyb ka tirsan Federaalka Somalia.

Tan iyo markii xilka madaxweynenimo ee Somalia uu la wareegay Farmaajo, Kenya waxay bilowday dagaalka diblumaasiyadeed iyo inay farageliso arrimaha Somalia, iya doo xiriirkii labada dal uu marna xaalad kala duwan uu soo marayay.

Qaramada Midoobay Oo War Kasoo Saartay Qaraxii Uu Ka Badbaaday Taliye Xijaar

Qaramada Midoobay ayaa War kulul kasoo saartay qaraxii is-miidaaminta ahaa ee Habeen hore ka dhacay afaafka hore ee Maqaayad ku taalla xeebta Liid



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip