HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA M. TIMES DAILY NEWS PAPAER EE MAANTA OO AH SABTI 23-KA ABRIL 2022

0
Saturday April 23, 2022 - 08:30:36 in Wararka by
  • Visits: 554
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA M. TIMES DAILY NEWS PAPAER EE MAANTA OO AH SABTI 23-KA ABRIL 2022

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Farmaajo Oo Sharci Darro Ka Dhigay Doorash ada Golaha Shacabka Ee Ka Dhaceysa Ceelwaaq

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabd ullaahi Farmaajo ayaa lagu sheegay in doorashooyinka isbarbar socda ee Garbahaareey iyo Ceelwaaq ay yihiin kuwa sharci darro ah oo baal marsan Sharciga Jihaynta Doorashooyinka Dadban ee ay ansixiyeen Labada Aqal ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaa liya.

Wareegtadan oo lagu socodsiiyay Madasha Wadatashiga Qaran iyo Gud doomiyaha Kumeel Gaarka ah ee Gol aha Shacabka ayaa lagu faray in la xushmeeyo heshiiskii 17kii Sebteembar 2020 iyo habr aacyadii ku lifaaqnaa ee ay xubnaha Madasha Wadata shiga Qaran kala saxiixeen 1dii Oktoobar 2020 iyo 27kii May 2021.

"Qof lagu soo doortay hannaan khilaafsan heshiisya da doorashooyinka iyo Xeerka Lam. 30 ma yeelan karo xuquuq lamid ah xildhibaannada lagu soo doortay hab waafaqsan heshiiskii 17ka Sebteembar 2020.”

"Sidaas darteed, kama qeyb qaadan karo doorashoo yinka Guddoonka iyo tan Madaxweynaha ayadoo aan la helin heshiis ay wadar-ogol u gaareen Madasha Wad atashiga Qaranka si waafaqsan heshiiskii 17ka Sebte embar ama uusan soo saarin Barlamaanka 11aad shar ci wax ka baddalaya xeerkii Barlamaanka labadaiisa aqal ay hore u ansixiyeen.” Ayaa lagu yiri Wareegtada Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in wax ka baddalka Heshiiskii 17kii Sebteembar iyo habraacyadii ku lifaaqn aa ay u baahan yihiin heshiis siyaasadeed oo ay dib u ga wada xaajoodaan xubnaha Madasha Wadatashiga Qaran, isagoo faray inay degdeg isugu yimaadaan si xal dhammeystiran loogu helo kuraasta 16ka ah ee ku astaysan Garbahaareey.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa adkeeyay in lasii dardargeliyo doorashooyinka loo madl an yahay ee Guddoonka Labada Aqal iyo doorashada Madaxweynaha sida ugu dhakhsiyaha badan

Axmed Madoobe oo tegay Gedo kadib wareegta dii kasoo badxay Farmaajo

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa Shalay gaaray Gobolka Gedo, halkaas oo ay ka socoto doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka ee ka soo baxaya deegaan doorashada labaad ee Jubaland.

Axmed Madoobe ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Ceelwaaq kusoo dhaweeyay qaar kamid ah golaha wasiirada, oo horey u joogay magaalada iyo maamulka magaalada.

Qoraal kasoo baxay madaxtoo yada Jubaland ayaa lagu yiri "Wa xaa Madaxweynahu uu tagay hal ka ay ka socoto doorashooyinka deegaan doorashada labaad ee Jubaland ee lagu door anayo Xildhibaanada loo asteeyay gobolka Gedo inay ku matalaan Baarlamaanka JFS.”

"Madaxweynahu wuxuu goob joog ka ahaa door ashada hal kursi oo kamid ah kuraasta Shalay lagu do ortay Degmada Ceelwaaq isagoo u kuur galayay habs ami u socodka doorashooyinka ayuu Madaxweynahu u ga mahad celiyay guddiyada doorashooyinka ee kala duwan dadaalka aan kala go’a lahayn ee ay howshan ku bixiyeen.”

Safarka Axmed Madoobe ayaa imanaya ayada oo goor sii horeysay oo Shalay ah uu Madaxweynaha Soo maaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sharci-darro ku tilmaamay "doorashooyinka isbarbar socda” ee mag aalooyinka Ceelwaaq iyo Garbahaareey.

Farmajao ayaa dalbaday in la xushmeeyo heshiiskii 17-kii September 2020 iyo habraacyadii ku lifaaqnaa ee ay xubnaha Madasha Wadatashiga Qaran kala saxiixe en 1-dii October 2020 iyo 27-kii May 2021.

"Qof lagu soo doortay hannaan khilaafsan heshiisya da doorashooyinka iyo Xeerka Lam. 30 ma yeelan karo xuquuq lamid ah xildhibaannada lagu soo doortay hab waafaqsan heshiiskii 17-ka September 2020,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

"Sidaas darteed, kama qeyb qaadan karo doorasho oyinka Guddoonka iyo tan Madaxweynaha ayadoo aan la helin heshiis ay wadar-ogol u gaareen Madasha Wa datashiga Qaranka si waafaqsan heshiiskii 17-ka Sebteembar ama uusan soo saarin Barlamaanka 11-aad sharci wax ka baddalaya xeerkii baarlamanka laba daiisa aqal ay hore u ansixiyeen.” Madaxweyne Farm aajo ayaa sheegay in wax ka baddalka Heshiiskii 17-kii September iyo habraacyadii ku lifaaqnaa ay u baahan yihiin heshiis siyaasadeed oo ay dib uga wada xaajood aan xubnaha Madasha Wadatashiga Qaran, isagoo far ay inay degdeg isugu yimaadaan si xal dhammeystiran loogu helo kuraasta 16-ka ah ee ku astaysan Garbah aareey.

Ciidamo uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Jubbaland oo gaaray Ceelwaaq

Magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo oo ah deega an doorashada labaad ee Jubbaland wax aa Shalay ga aray wafdi uu hogaaminayo wasiirka amniga Mudane

Yusuf Xuseen Cismaan dhuumaal.

Sidoo kale waxaa Wasaarada amniga ay halkaas ga ysay Ciidamada Jubaland qeybahooda ka la duwan si ay qeyb uga qaatan sugida amniga Magaalada iyo goobta ay ka dhac ayso doorashada.

Musharaxiinta mucaaradka oo R/wasaare Rooble ugu baaqay inuu dhexdhexaad ka noqdo arrimaha doorashooyinka.

Midowga murashaxiinta ee Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay in ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Roob le uu hormuud u noqdo arimaha doorashada.

War saxaafadeed ay soo saareen ayaa waxa ay ku she egeen in wixii hadda ka dambeeya arimaha doorashada iyo amniga dalka lagula xisaabtami doono ra’iisal wasa araha iyo xukuumaddiisa.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Habeen hore jeediyay khudbad kadib markii mad axweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku ware ejiyay arrimaha doorashada iyo amnigeeda ,wuxuuna ku sheegay hadal jeed intiisa oo koobneed in xukuumadiisu ay sida ugu dhaqsiyaha badan ula imaan doonto qor shooyin la xiriira door ashada iyo amnigeeda. Wuxuu sheegay in ay ka go’an tahay in dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah

"Midowga Musharraxiinta wuxuu soo dhowaynayaa in RW Rooble uu si buuxda ula wareegay maamulka doorashooyinka qaranka iyo amniga dalka. Golohu wuxuu diyaar u yahay inuu si buuxda ugala shaqeeyo RW Rooble qabsoomidda doorasho xor iyo xalaal ah, kuna dhacda waqtiga ugu dhow, wuxuuna Goluhu hoos ta ka xarriiqayaa in wixii ka danbeeya 1/5/2021 mas’uu liyadda doorashooyinka iyo Amniga dalka lagula xisaabt amayo Raysalwasaare Rooble iyo xukuumad diisa”

 

Cabdisaciid Muuse "Ilaalada Waxay Fashiliyeen Isku Daygii Dil Ee Siyaasadaysan.

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse ayaa ka hadlay weerar Habeen hore ka dhacay waqoo yiga magaajada Gaalkacyo oo ay ka arimiso Puntland, iyadoo weerarkaas uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Wasiirka ayaa sheegay in u jeedka loo socday ay eheyd sidii nolosha loo dhaaf in lahaa, isagoo tilmaamay in qorshaha duulaankan laga soo abaabulay dhinaca madaxtooyada Puntland walow ay fashiliyeen ciidamad iisa sida uu hadalka u dhigay.

"Ilaalada waxay fashiliyeen isku daygii dil ee siyaa sadaysan. Nasiib darro, hal askari ayaa si murugo leh loo dilay Allaha u naxariisto, mid kalena waa la dhaaw acay. Nabadoonka ayaa sidoo kale waxaa soo gaaray dhaawac culus oo hadda la dhigay isbitaal. Waxaan u rajaynaynaa soo kabasho degdeg ah. Waxaana kula xisaabtami doonnaa dhammaan kuwa ku lugta leh” ayuu ku yiri wasiirka qoraal uu soo saaray

Dadka weerarka ku dhaawacmay waxaa kamid ah taliye ku xigenkii qeybta booliska Gobalka Mudug dhan ka Puntland Cabdisiciid Xuseen Jamac oo wasiirka la socday xiliga weerarka iyo nabadoon Yaasiin Cabdisa mad oo ahaa qofka kulanka afurka ah u sameynayay wasiirka, iyadoo xiisad arintaasi salka ku heysa ay Shalay ka taagan tahay magaalada Gaalkacyo.

Puntland ayaa iyada ku doodeyso in wasiirka uu go bolka Mudug ka waday qorsheyaal ka dhan ah maamul kooda, iyadoo guddiga amniga gobolka sheegeen inaan la qaban karin shir aiyaasadeed aysan ka warqabin, taa soo loo badinayo iney tahay sababta duulaanka loo qaaday.

G/le MUUMIN oo jawaab kulul ka bixiyey eeddii uu u jeediyey Cabdi Saciid

G/le Muumin Cabdi Shire, oo ah taliyaha qaybta Boo liiska Gobolka Mudug ee dhanka maamul Goboleedka Puntland, ayaa iska fogeeyay eedeyn uu u jeediyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdi Saciid Muuse Cali oo ahayd in uu bi xiyay amar lagu weeraray goob uu ku sugnaa.

Taliyaha qaybta Booliiska Gobolka Mudug ayaa sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda xukuum adda Soomaaliya uu ku degdegay eedeyntaas, maadaa ma loo xil saaray guddi baara si uu usoo ogaado xaqiiq ada dhinaca leh mas’uuliyadda israsaaseynta ka dhac day Waqooyiga Gaalkacyo.

Waxa uu tilmaamay inuu jiro go’aan kasoo baxay gu ddi qaabilsan Amniga oo quseeya in la joojiyo shirarka aan maamulka ka war qabin si dhinacyada qabsanaya ay u gudbiyaan xogtooda lana ogaado sida uu hadalka u dhigay.

"Dabcan marka waxa la baaro ayaa la ogaan karaa, Ciidanka Booliiska iyo Kuwa PSF ee maamul Gobole edka Puntland wax ka dhex dhacay weeye, Wasiirka wuu ku degday waayo marka ay baarista soo baxdo ay aa laga hadli karaa, go’aan kasoo baxay Guddiga Amn iga oo lagu joojiyay shirarka wuu jiray laakiin waxa aan xaqiijineynaa in uusan halkaas shir ka socan,” sidaasi waxaa yiri Taliyaha qaybta Booliiska Gobolka Mudug DG Puntland Gaashaanle Muumin Cabdi Shire.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaali ya Cabdi Siciid Muuse ayaa qoraal uu soo dhigay Bartii sa Twitter-ka waxa uu Taliyaha Qaybta Booliiska G/Mu dug Puntland ku eedeeyay in uu lahaa amarka werarka.

Wasiirka ayaa qoraalka ku sheegay "Waxaan Dorraad gaaray M/Gaalkacyo si aan waqti ula qaato qoyskayga maalmihii ugu dambeeyay ee bisha barakeysan ee Ra madaan. Fiidnimadii Xalay aniga iyo qoyskayga waxa aanu la afureynay Nabadoon Yaasiin Cabdisamad. Wa xa aanu gurigayagii ka soo baxnay annagoo lugayna yna, iyadoo ay ila socdaan afar ilaalo ah iyo laba sarka al oo dhar-cad ah.”

Waxa uu intaas ku daray "Ilaalada waxay fashiliyeen isku daygii dil ee siyaasadaysan. Nasiib darro, hal ask ari ayaa si murugo leh loo dilay Allaha u naxariisto, mid kalena waa la dhaawacay. Nabadoonka ayaa sidoo ka le waxaa soo gaaray dhaawac culus oo hadda la dhig ay isbitaal. Waxaan u rajaynaynaa soo kabasho degd eg ah. Waxaana kula xisaabtami doonnaa dhammaan kuwa ku lugta leh.”

Hal askari ayaa geeriyooday, waxaa dhaawacmay Nabadoon Yaasiin Cabdisamad oo martiqaaday Wasi irka Arrimaha Dibadda Xukuumadda & Taliye ku xigeen ka Booliiska Gobolka Mudug oo labaduba laga daweyn ayo waxyeellada soo gaartay.

Ku simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku xigeenka DG Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa magacaabay guddi badan saraakiil oo baaraya sida uu dhacay weerarka, waxa uu sheegay in aan laga hari doonin ciddii yeelata mas’uuliyadda wixii dhacay.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug oo eedeymo kulul u jeediyay Wasiirka Arrimaha Dibadda

Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee qaybta Puntland, Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) ayaa Wasiirka Arrim aha Dibadda Somaliya, Cabdisaciid Muuse Cali ku eedeeyay inuu ka masuul yahay iska horimaadkii Habeen hore ka dhacay Mag aa lada Gaalk acyo.

Gudoomiyaha G/ Mudug oo sidoo ka le ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlam aanka Federaalka ayaa Wasiirka ku eedeeyay inuu Ga alkacyo u yimid ka ka mira-dhalinta sida uu yiri siyaas ad ma dhaleys ah iyo qalqalgelinta amniga guud ee magaalada.

Gudoomiyaha ayaa warkan ku sheegay qoraal ka soo baxay xafiiskiisa, isagoona uga tacsiyeeyay askar igii ku geeriyooday iska horimaadkaasi.

Qoraalka Gudoomiyaha ayaa u qornaa:-

Waxaan ka xumahay wixii Xalay ka dhacay M/ Gaal kacyo, waxaan Alle naxariistii jano uga baryayaa askar igii ku geeriyooday falkaasi, sidoo kale waxaan caafima ad taama u rajaynayaa iyo in Alle u booga-dhayo Taliye Kuxigeenka Qaybta Booliska G/Mudug, Nabadoon Yaa siin Cabdisamad iyo askartii ku dhaawacantay falkaasi.

Waxaan rabaa inaan u caddeeyo bulshada Soaaliyeed iyo shacabka Puntland falkii dhacay Xalay masuuliyad eeda waxaa iska leh Wasiirka Arrimaha Dibadda DFS, Cabdisaciid Muuse oo Magaalda Gaalkacyo u yimid ka mira dhalinta siyaasad ma dhaleys ah iyo qalqalgelinta amniga guud ee Magaalada Gaalkacyo.

Waxaan farriin halkan uga dirayaa dhammaan Bul shada G/Mudug, dal iyo dibad waxaad haysataan amni iyo nabad Shalay la isku halayn karo in badan oo ka mida Magaalooyinka Somaliya aysan haysan ku fara adayga, kala shaqeeya laamaha amniga Gobolka Mud ug wax kasta oo wax udhimi kara nabadda Gobolka Mudug.

Agaasime Cabdinuur oo beeniyey warar laga faafiyey oo la xiriira Puntland

Agaasime ku-xigeenka madaxtooyada Villa Somalia Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa ka fal celiyay qoraal ay warbaahinta iyo baraha bulshada qaarkood lagu ba ahiyay, kaasoo lagu sheegay in Villa Somalia ay u dab aal degtay tallaabada uu qaaday mada xweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Karaash ee uu xilka kula wareegay.

Agaasime Cabdinuur ayaa qoraalada asi iyo eedeyntaba ku tilmaamay kuwo been abuur ah, islamarkaana loogu adeegayo caddowga shisheeyaha sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna ku eedeeyay "xarun uu leeyahay Far oole oo ay maamusha Sahan inay faafineyso dacaaya do been abuur ah.”

Cabdinuur ayaa sheegay inuu shacabka Soomaaliy eed ugu digayo xarumahaasi baahinaya "wararka been abuurka ah ee shisheeyaha ay gadaal ka riixayaan”sida uu hadalka u dhigay, isagoona ugu baaqay inay ka xishoodaan waxyaabaha ay baahinayaan.

Taageerayaasha Madaxweynaha Puntland Saciid Deni, oo isaga oo aan xilka wareejin Muqdisho ugu sug an ololaha doorashada uu ku doonayo xilka Madaxwe ynenimo ee dalka, ayaa u arka Villa Somalia inay taa geereyso ololaha siyaasadeed ee reer Puntland ku wadaan Saciid Deni.

Villa Somalia ayaa horey loogu eedeeyey khilafyo siy aasadeed oo ka dhacay Puntland, kuwaas oo ka mid aheyd tii xilka looga qaaday afhayeenkii hore ee baarla manka maamulkaas.

Booliiska Soomaaliya oo ka hadlay weerarkii Habeen hore lagu qaaday Hoteel ku yaala Muqdisho

Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa war ka soo saaray weerarkii uu Habeen hore ku qaaday qof walxaha qarxa isku soo xiray hotelka Pescatore ee ku yaal inta u dhaceysa Beach View iyo Oceian ee xeebta Liido, kaas oo uu ka dhashay khasaaro badan oo iskugu jira dhim asho iyo dhaawac.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdif itaax Aadan Xasan ayaa sheegay in qof isku soo xiray walxaha qarxa uu ku qarxay wadada dheer ee xeebta Liido xili ay afur ahayd.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in weerarkaas ay waxye elo kasoo gaartay dad shacab ah oo ku gacansanayay agagaarka wadada Liido, isagoo xusay in 8 ruux ay dha awac yihiin halka ay ku dhinteen 3 qof oo ay ku jiraan askar ka tirsan Ciidanka dowladda. "Waxaan rabaa inaa warbixin gaaban siiyo Bulshada Soomaaliyeed, Xalay fiidkii abaaro labo saac iyo afartan daqiiql (8: 40PM) waxaa shaqsi naftii halige ah oo isku soo xiray walxaha qarxa oo ku qarxay wadada dheer ee Liido xili afur ahayd Bulshada Soomaaliyeedna ay u diyaar garo owbeysay xiliga cashada halkaas waxaa ku waxyeelo obay Bulsho Rayid ah oo ku ganacsaneesay agagaarka wadada Liido illaa iyo waxaa ku dhaawacmay 8 qofood waxaana ku dhintay ilaa saddex qofood oo ay ku jiraan qaar ka mid ah ciidanka ammaanka.” Ayuu yiri Afhayee nka Booliiska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan.

Afhayeenka oo sii hadlayay ayaa sheegay in Bulsha da Soomaaliyeed ay u xaqiijinayaan inay goobtu amma an tahay islamarkaana aysan jirin wax dhib ah oo ka ta agan, isagoo xusay in shaqsi kasta oo naftii halige ahna uu hortaagan yahay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay Afhayeen Cabdifitaax Aadan, in uusan jirin Mas’uul waxyeelo ay kasoo gaar tay weerarkaasi ismiidaaminta ahaa, isagoo sheegay in dhamaan mas’uuliyiinta ay bad qabaan.

Boqorka Netherlands oo warqadihii aqoonsiga ka gudoomay danjiraha Somalia

Boqorka waddanka Netherland William Alexander ay aa qasrigiisa Magaalada De Heeg ku qaabilay Danjira ha Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub & waddama da la isku yiraa Benelux Yoonis Yaasiin Xaashi [Ooga-cadde].

Danjire Yoonis ayaa isaga oo saaran fardo loo gal biyay aqalka boqortooyada, waxaanna afaafka hore ee laga galo aqalkaasi salaan sharaf ku siiyay cutubyo ka tirsan ciidamada bambeyda, halkaas oo lagu garaacay muusikada astaanta u ah Qaranka Soomaaliya.

Munaasabadan oo aheyd mid si qurux badan loo soo agaasimay markii ay soo idlaatay, ayuu safiirku kula hadlay saxaafadda hot eelkii uu daganaa, isaga oo sheegay in si heer sare ah loogu soo dhoweeyey qasriga, ayna muddo 25 daqiiqo ah isla qaateen Boqorka William.

"Soomaaliya Shalay maalin weyn ayeey u aheyd. Danjirihii ay soo dirsatay oo aniga ah waxaan Shalay si rasmi ah ugu gudbiyay warqadihii aqoonsiga safiirnimo boqorka waddanka Netherland William Alexander” Ayuu yiri Danjire Yoonis, wuxuuna intaasi ku daray inuu boq orka gaarsiiyay salaan uu kaga siday Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi [Farmaajo], isna uu ka soo qaaday salaan taas la mid ah oo ku socotay Madaxweyne Farmaajo.

"Wixii Shalay ka dhacay fagaaraha boqortooyada De Heeg waxay marqaati ka tahay jihada toosan ee ay ku socoto dowladnimada Soomaaliya oo haatan soo kabaneysa” Ayuu yiri Danjire Yoonis.

Danjire Yoonis, waxaa kaluu xusay in boqorka Neth erland William Alexander inuu yahay boqor khibrad u leh taariikhda geeska Afrika, kana soo shaqeeyay dalal ay ka mid yihiin Soomaaliya & Kenya markii uu dhalin yarada ahaa.

"Markii aan uga mahadceliyay sida waddankan loogu soo dhoweeyay Soomaalida, arrimaha aan isla soo qa adnay waxaa ka mid ahaa; sida Soomaalidu kaga faa’iideysatay fursadihii ay waddankan ka heleen, arri maha aan isla soo qaadnay waxaa ka mid ahaa Cabdi Nageeye oo ah orodyahan Soomaali ah oo ku guuleys tay tartamo caalami ah iyo kuwa local ah, oo ugu dam beeyay tartankii bishan lagu qabtay Rotterdam” Ayuu yiri Danjire Yoonis, wuxuuna intaasi raaciyay in dad ba dan oo Soomaali Hollandeys ah ay dalkoodii ku laabte en ayna qeyb ka yihiin geedi socodka dib looga dhisayo Dowladnimada Soomaaliya, wuxuuna tusaale u soo qaatay Wasiirka arrimaha dibedda Cabdi Siciid.

W/Q: Cabdishakuur Cilmi Xasan Caasimada Online Netherlands,

Madaxweynihii hore ee dalka KENYA oo geeriyooday

Madaxweynihii hore ee dalka Kenya Mwai Kibaki ay aa geeriyooday Shalay oo jimco ah isagoo ku jira da’da 90-aad. Geerida Mwai Kibaki ayaa waxaa xaqiijiyey ma daxweynaha hadda hayo talada dalkaas Uhuru Ken yatta. "Waa waajib murugo leh in aan ummadda u she ego geerida H.E.E. Emilio Mwai Kibaki, Madaxweynihii Sad dexaad ee Jamhuuriyadda Kenya. Wuxuu ahaa hogga amiye wax badan usoo qabtay, ummaddiisa si weyn ayuu u jeclaa, wuxuuna u gu adeegay rabita ankooda si ha gar la’aan ah si uu u hormariyo nolo sha dadkiisa” ayuu yiri.

Wuxuu hadalkiisa sii raaciyey ” Anagoo ka baroor dii qeeno khas aaraha aan la qiyaasi karin ee gee rida Kib aki, waxaan haddana mar kasta xasuus aneynaa oo aan uga mahad-celineynaa safarkii uu madaxweyne Kibaki u soo maray u adeegidda dalkiisa laga soo bilaabo dag aalkii ay Kenya xornimada ku qaad atay”.

Mwai Kibaki ayaa ahaa madaxweynihii Sadexaad ee soo maray Dalka Kenya, wuxuuna xilka hayey 2003 illaa 2013.

Kenyatta ayaa sheegay inuu dalka geli doono xaal ad baroor diiq qaran ah inta laga aasayo madaxweyn ahii hore ee geeriyooday. Sidoo kale madaxweyne Ken yatta ayaa amray in hoos loo dhigo calanka dalkaas.

Mwai Kibaki ayaa qeyb kasoo qaatay dhismaha dowl addii Soomaaliya ee uu madaxweynaha ka ahaa Allaha u naxariisii Cabdullaahi Yuusuf Axmed taasoo lagu soo dhisay Dalka Kenya sanadkii 2004.

Galmudug Iyo Hirshabelle Oo Isku Heysta Qofka Noqonaya Gudoomiye Xigeenka Aqalka Sare.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu bilowday loolan xooggan oo loogu jiro cida nooqneysa gudoomiye kuxigeenka koowaad aqalka sare ee baarlamaanka Soo maaliya,iyadoo doorashadiisa ay ka harsan tahay oo kaliya 3 cisho.

Cabdi Xakiin Macalin Axmed oo ka soo jeeda Galmudug iyo Cali Shac baan oo ka soo jeeda Hirshabelle ayaa haatan u taagan tartanka kursigan, iyadoo meeshii ugu xumeyd uu gaa ray dagaalka hanashada booskaas loogu jiro oo ay soo fara geliyaan ilaa madaxweynayaasha labada maamul.

Sida wararku sheegayaan, waxaa fashil ku soo dham aaday shir saacado badan socday oo Senatarada laba da maamul ka soo jeeda ay ku yeesheen hoteelka Jaz eera, waxaana dhicisoobay qorshe la doonayay in sene tarada Hirshabelle loogu qanciyo iney tartanka isaga haraan oo booskaasi loo daayo Cabdi Xakiin Macalin Axmed oo hore aqalka hoose uga tirsanaa.

Dhanka Hirshabelle waxaa shirka ku metelayay Sen atarada kala ah Dufle iyo Afcadeey, halka dhinaca Gal mudug ay ka joogeen Senatarada kala ah Dhagdheer ,Zam zam iyo Duniyo, iyadoo arrintan ay xiiso u sii yee leyso xamaasadda tartanka gudoonka aqalka sare.

Magaalada Muqdisho oo habeen kasta ‘lagu dilo’ laba ama saddex askari

Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Cabdi Maxamed Xasan (Xijaar) oo ka hadlayey xaaladda Muq disho ayaa ka dayriyey ammaanka caasimada, wuxuunna sheegay inay kordheen fala lka liddiga ku ah amni guud ee dalka.

Xijaar oo la hadlayey Wariyeyaasha ay aa shaaca ka qaaday in habeen weliba la dilo ugu yaraan 2 askari illaa 3 ask ari, sida uu had alka u dhigay.

Taliyaha Booliska ayaa xusay in dhacdooyinkaasi ay inta badan geystaan kooxaha burcadda ah, haddii la di lana uu sheegay in eed loo jeedinayo Booliska Soom aaliyeed.

”Runta haddaan idin sheego habeen kasta labo ilaa seddax Askari oo Boolis ah ayaa la dilaa, haddaad Tu uga xabad kala horreyso oo aad dishana waxaa la leey ahay Booliska cid buu dilay,” ayuu yiri taliyaha ciida mada Booliska Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Boolisku uu laba jibaaray shaqadiisa, maadaama lagu jiro marxalad doorasho iyo xaalad adag oo kala guur ah, taas oo ka dhalatay doorashada.

Taliye Xijaar ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka Muqdisho inay iskaashi la sameeyaan laamaha am maanka, si looga hortago kooxaha dhibaatada ku ah amniga caasimada.Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo beryihii u dambeeyey ee kordheen dilalka iyo weerar ada ay gey saan kooxaha ciyaal weerarada ee

ku sugan gobolka Banaadir


Guddiyada Doorashada Gudoonka labada Aqal oo ka hadlay arrimaha doorashooyinka guddoonadda labada Gole

Iyadoo maalintii sadaxaad ay socoto howlaha diiwa an gelinta Musharaxiinta dooneysa iney u tartamaan xil ka guddoonka Golaha Shacabka iyo labadiisa ku xige en ayaa guddoomiyaha guddiga doorashada guddoon ka Golaha Shacabka waxuu sheegay in maalinta berito ah ay soo gabagabeyn doonaan diiw aan gelinta Musharaxiinta.

Guddoomiyaha guddiga doorashada guddoonka Golaha Shacabka Cabdiri saaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo labadiisa ku xigeen ay isku diiwaan geliyeen 25 Musharax.

"Waxaa maalintii sadaxaad aan wadna holaha diiwa an gelinta Musharaxiinta dooneysa iney u tartamaan xi lka guddoonka iyo ku xigeenadiisa waxaana diiwan gel inay ilaa hada 25 Musharax oo u taagan u tartamida gu ddoonka Golaha Shacabka iyo labadiisa ku xigeen beri galinka dambe ayaan soo gabagabeyn doona diiwaan gelinta, Sabtigana waa hadal jeedinta Musharaxiinta" ayuu yiri guddoomiye Cabdirisaaq.

Dhinaca kale guddiga doorashada guddoonka Aq alka sare ayaa dhankooda Shalay shaaciyay iney soo gabagabeyeen diiwaan gelinta Musharaxiinta dooneysa iney qabtaan xilka guddoonka Aqalka sare iyo labadiisa ku xigeen.

"Waxaan Shalay oo taariiqda tahay 21-ka bisha Apr iil aan soo gabagabeynay diiwaan gelinta Musharaxiinta guddoonka aqalka sare oo ay isku diiwaan galiyeen ilaa 12 Musharax oo u taagan xilka guddoonka iyo ku xigee nadiisa, Maalinta Sabtiga ahna waxaa la dhageysan do ona khudbahada Musharaxiinta, 26-ka bishaan Apriil-na waxaa inoo qabsoomi doono sida qorshuhu yahay doo rashada guddoonka Aqalka sare iyo labadiisa ku xig een" ayuu yiri guddoomiye Aadan Cabdinaasir Maxa med.

Doorashada guddoonada Golaha Aqalka Hoose iyo Aqalka sare ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay ka dhacdo 26,ka ilaa 27-ka bishaan Apriil sida ay horay u shaaciyeen guddiyada doorashada labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad ee dalka Soomaaliya.

Guddiga Doorashada Hirshabeelle oo shaaciyay jad walka doorashada kursi ka mid ah Golaha Shacabka

Guddiga Hirgelinta doorashada maamulka Hirshabe elle ayaa shaaciyay jadwalka doorashada kursiga HOP 009 oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee ku dhi man maamulka Hirshabeelle.

Guddiga ayaa sheegay in diiwaan gelinta Mushara xiinta kursigaan ay bilaabaneyso 22-ka bishaan oo ku beegan maalinta berito ah, islamarkaana doorash adi isa ay dhici doonto 23 -ka bishaan oo ah Sabtiga Maamulka Hirsha beelle waxaa ku harsan doorashada sadax kursi marka laga reebo doorashada kursigan HOP 009 oo ay shaaci yeen guddiga qabashada doorashadiisa iney dhaceyso Sabtiga soo socda.

Waxaa sidoo kale kuraas ka mid ah Golaha Shacab ka doorashadooda ay ku dhiman tahay maamulka Jub baland kuraas gaareysa 16 kursi, kuwaas oo Habeen hore sha aciyay jadwalka magacyada ergada soo xulaysa 7 ka mid ah 16-ka kursi ee doorashadoodu loo wareejiyay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Hoos ka akhriso jadwalka guddiga uu shaaciyay:-

Akhriso Magacyada Musharaxiinta Guddoonka Aqalka Sare

Guddiga doorashada guddoonka aqalka sare ee Baarlamanka Somalia ayaa soo saaray liiska musharax iinta isku soo taagay doorashada gudoomiyaha golah aas iyo labadiisa ku-xigeen.

Qoraal ka soo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in Guddoonka Golaha Aqalka Sare ay isku soo sharraxe en 12 Muras hax oo mid ka mid ah ay tahay dumar.

Doorashada xubnaha gudoonka aqalka sare ayaa lagu wadaa iney ka dhacdo magaalada Muqdisho 26ka bishan Apriil.

Murashaxiinta Xilka Guddoomiyaha:

1.Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi

2.Senator Saalax Axmed Jaamac

3.Senator Cismaan Obokor Dubbe

Murashaxiinta Guddoomiye ku xigeenka 1-aad

1.Senator Cabdixakiin Macalin Axmed

2.Senator Cali Shacbaan Ibraahin.

Murashaxiinta Guddoomiye ku xigeenka 2-aad

1.Senator Ilyaas Badel Gaboose,

2.Senator Cabdullaahi Shiikh Ismaaciil (Fartaag)

3.Senator Cabdullaahi cali Xersi

4.Senator Sareedo Maxamed xasan

5.Senator Xasan Xuseen xaaji

6.Senator Cabdiwali Maxamed Ibraahim (Xaabsade)

7.Senator Cabdi Cismaan Xareed.

Xeer ilaaliyaha qaranka oo u yeeray wasiirka betroolka iyo macdanta

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, Mudane Suleym aan Maxamed Maxamuud ayaa Shalay soo saaray am ar ku socda wasiirka wasaaradda Betroolka iyo Macd anta Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed.

Xeer ilaaliyaha ayaa u yeeray wasiir Cabdirashiid in maalinta Isniinta ah oo ay taariikhdu tahay 25/04/2022, uu yimaado xafiis ki isa, sida lagu cadeeyey qoraalka, Dr Su lemaan.

Wasiirka ayaa waxaa la faray inuu waq iga imaanshaha ilaaliyo, kaas oo ah 11:00 AM ee barqanimo, sida ku cad qo raalka kasoo baxay xafiiska Mudane Suleymaan Maxamed.

Sidoo kale xeer ilaaliyaha ayaa shaaca ka qaaday in wasiirka Batrolka wax laga weydiin doono Heshiiska shidaalka ee uu saxiixay, kaas oo dhex-maray wasaar adda Batrolka iyo Macdanta ee xukuuma dda Soomaa liya iyo Shirkadda Coastline Exploration Limited.

Wasiirka Batrolk ayaa dhowaan soo bandhigay he shiis shidaal baris ah oo ay wasaaraddu la saxiixatay shirkadda Coastline Exploration Limited ("Coastline”) oo laga leeyahay dalka Mareykanka, kaas oo dood dhaliy ey, isla-markaana ay ka hor yimaadeen madaxda dalka.

Wasiir Cabdirashiid ayaa sidoo kale xilligaas sheeg ay in Madaxweyne Farmaajo uu la ogaa heshiiska oo la gu qaatay lacag dhan illaa 7 Milyan oo Dollarka Marey kanka ah.

Agaasime Cabdinuur oo beeniyey warar laga faafiy ey oo la xiriira Puntland - Caasimada Online

ood badan iyo shaki weyn ayaa ka dhashay heshiisk aas oo shaacintiisa lagu soo aadiyey xilli xasaasi ah, Is la-markaana lagu jiro xaalad kala guur ah iyo marxalad doorasho. Si kastaba, tallaabada uu haatan qaaday xeer ilaaliy aha guud ee Qaranka ayaa ku soo aadeysa, xilli Shir kadda Coastline Exploration ay ku gacansayrtay go’aan kii ay madaxda sare ee dowladda uga horyimaadeen he shiiskii uu Wasiirka shidaalka dowladda kula saxiixday magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, waxaana shirka dda ay ku dooday in uu sax ahaa nidaamkii ay heshiis ka kula saxiixdeen wasiirka batroolka iyo macdanta Soomaaliya.

Yaa kusoo baxay doorashada 8 kursi ee Shalay ka dhacday Ceelwaaq?

Guddiga hirgelinta doorashooyinka Heer dowlad Go boleed ee Maamulka Jubaland ayaa Shalay degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ku qabtay doorashada qa ar ka mid ah kuraastii ugu horree yay ee Golaha Shac abka. Kursiga HOP#119, oo ahaa kii ugu horre eyey ee doorashadiisa la qabto, ayaa waxaa ku guuleystay Wasiirka Wasaaradda Waxbarash ada Dowladda Soomaaliya Cabdull aahi Abukar Xaaji oo kursigaan ho ray ugu fadhiyay kadib markii uu tan aasulay musharixii kale ee la tartami lahaa kaas oo lagu Magacaabo Cabdicasiis Cabdullaahi Ibraahim.

Wasiir Cabdullaahi ayaa wuxuu saaxiib dhow la yahay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaal iya Maxamed Xuseen Rooble.

Mudane Faarax Macalin Bishaar iyo mudane Xass an Aadan Xassan ayaa ku tartamay kursiga tirsigiisu yahay #HOP216, waxaa ku guulaystay kursigan mud ane Xildhibaan Faarax Macalin Bishaar

Kursiga tirsigiisu yahay #HOP116 oo kamida kuraas ta Shalay doorashadooda ay ka dhacday Degmada Ce elwaaq ee deegaan doorashada 2-Aad ee Jubbaland ayaa waxaa ku tartamay musharixiinta kala ah Duniyo Cismaan Yuusuf iyo Xaawo Khaliif Dubad.

Sida ay guddiga SEIT Jubbaland shaaciyeen kursig an waxaa kusoo baxday Xild. Duniyo Cismaan Yuusuf.

Guddiga hirgalinta doorashooyinka dadban ee heer D/Goboleed ee Jubbaland oo natiijada kama dambays ta ah ku dhawaaqay ayaa sheegay in kursigan ay ku gu ulaysatay Xildhibaan Aamino Xuseen Cali.

Kursiga tirsigiisu yahay #HOP102 oo kamid ahaa ku raastii taalay deegaan doorashada 2-Aad ee Jubbaland ayaa waxaa ku tartamay labada musharax ee kala ah Md. Cismaan Libaax Ibraahim & Mustaf Maanow Geedi ayaa waxaa ku guulaystay sida Guddiga ay shaaciyeen mudane Xildhibaan Cismaan Libaax Ibraahim.

Maxamed Aadan Macalin & Xassan Cabdi Axmed ay aa ku tartamay kursiga tirsigiisu yahay #HOP090 waxaa na natiijada guddiga SEIT ay shaaciyeen ku guulaystay mudane Maxamed Aadan Macalin.

Musharax Xildhibaan Aadan Ibraahim Isaaq iyo Mu sharax Xildhibaan Jibriil Cabdirashiid Xaaji oo ku tarta mayay kursiga tirsigiisu yahay #HOP065, waxaana ku gu laystay Xildhibaan Jibriil Cabdirashiid Xaaji kadib markii uu u tanaasulay musharixii la tartamayay.

Md. Cabdiqaadir Xuseen Cabdi iyo Md. Cali Guurre Ma xamed ayaa ku tartamay kursiga sumadiisu tahay #HOP091 oo tartankiisa la qabtay waxaana kursigan ku guulaystay sida natiijadii kama dambaysta ahayd ay ku sheegeen Guddiga Doorashooyinka Jubbaland SEIT mudane Xildhibaan Cabdiqaadir Xuseen Cabdi.

Janaraal Odawaa oo kormeeray xerada tabab arka ciidanka ee TurkSom

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen, Odawaa Yuusuf Raage ayaa Habeen hore Kormeer ku ta gay Kulliyadda Tababarka Ciidanka XDS ee Turksom.

Taliye Odawaa ayaa la afuray Saraak iisha Dugsiga Turksom iyo Leyli Saraa kiil, isagoo u kuur galay Tabarrada ay qaataan cii danka kuna dhiirageli yay in ay mee shooda ka sii wadaan dedaalkooda.

Soomaaliya iyo Midowga Afrika oo ka wada hadlay Ammaanka Garoonka Muqdisho

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda XFS Md Duran Axmed Faarax ayaa Shalay Xafiiskiisa ku qaabi lay Danjire kuxigeenka Ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya Ms. Fiona Lortan.

Kulanka ayaa looga hadlay Amniga Garoonka Aden Cabdulle ee Muqdi sho iyo xayndaabkiisa, Waxaan ergay ga Midowga Afrika ay sheegtay in si dhow ula shaqaynayaa D/Somaliya.

Wasiirka Duran ayaa sheegay in dhankiisa uu soo dhawaynayo Wada shaqaynta Saraakisha sare ee ATMIS iyo Midowga Afrika, waxanaa intaas uu ku daray in talooyin wax ku ool u ah Amniga Garoonka iyo Nawaaxigiisa la is dhaafsaday


Sareeda oo ku guuleysatay doorashadii ku celiska aheyd ee HOP154

M/Baydhabo K/Galbeed ayaa waxaa Shalay lagu qabtay doorashada kursiga HOP#154 ee G/Shacabka, kaas oo uu horey u celiyey guddiga FEIT oo shaaciyey in aan loo marin habraac sax ah. Kursigan ayaa waxaa isku soo taagay Sareeda Maxamed Cabdalla oo horey ugu soo baxday iyo mu sharrax Nasteexo Maxamed Yuusuf oo tan aasushay, ka hor tartanka.

Xildhibaan Sareeda ayaa loo qaaday cod gacan taag ah, waxaana ay heshay dhammaan codadka ergada, si da uu shaaciyey guddiga SEIT ee dowlad goboleedka K/ Galbeed. Sababihii dib loogu celiyey kursigaasi wa xaa ka mid ahaa in guddiga doorashooyinka heer fede raal uu ku dhawaaqay in kursigaan ay waxba kama jira an tahay natiijada kasoo baxday, kadib markii uu gudd iga sheegay in gabadha la tartantay Sareeda aysan soo buuxin shuruudihii murashaxnimada qodobkiisa 3aad ee heshiiskii 1 Oktoobar 2020-kii.

Doorashaa Shalay ka dhigan in Sareeda Maxamed C/lla ay ka gudubtay doodii horey u hareysay kursigee da, maadaama dib loogu noqday, kadibna ay markale kusoo baxday. K/Galbeed ayaa horey u dhammeystirat doorashada xubnaha GShS oo lagu qabtay magaalooyi nka Baydhabo iyo Baraawe ee maamulkaasi.

Si kastaba, muranka ka dhashay kursigan ayaa khi laaf ka dhex-dhaliyey K/Galbed, FEIT & R/wasaare Roo ble, walow mar dambe arrintan xal waara laga gaaray.

Nin Dilaa ah oo si lama filaan ah loogu qabtay

Laammaha amniga ee Jubbaland ayaa Garoonka Diy aaradaha Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ee M/ Kis maayo ku qabtay nin dilaa oo baxsad ahaa, oo sida la sheegay u soo baxsaday dhinaca Somaliya, isla-mark aana doonayay inuu u sii dhoofo dalka dibadiisa.

A fhayeenka W/Amniga Jubbaland, Jaamac Axmed Cali (Joofane) ayaa sheegay in ninkaasi uu ku eedeysan yahay inuu dilay dad uu aabihii ka mid yahay. "Ninkan Dorraad baa laga qabtay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kisma ayo, wuxuuna diyaarad maxali ah ka soo raacay M/Dh oobley, isagoo ku socday M/Muqdisho. Baaritaan aan sameynayna waxaan ku ogaanay inuu rabay inuu u sii baxo dhanka dalka Turkiga.” Ayuu yiri Afhayeenka.

Afhayeenka ayaa yiri "Ciidanka Nabad Sugidda Jubb aland, gaar ahaan ciidanka qarsoon ee dharcadka ayaa Garoonka Diyaaradaha ku qabtay, xilli saacadda ku beegneyd 2-dii duhurnimo.”

Jaamac Joofane oo BBC la hadlay ayaa sheegay in ay xogta ninkaasi hayeen, maadaama Kenya ay in mu ddo ahba ku daba joogtay, ka dib markii uu dilal ka gay stay sida uu sheegay xadka labada dal.

"Si guud xogtiisa waan haynay, maadaama ninku nin deegaanada caan ka ahaa oo dhibaato badan dadka u gaystay uu ahaa. Marka xogtiisa waa la haayay, laakiin Dorraad inuu diyaaradda saaran yahay ama uu garoonka jooggo cidina kuma baraarugsanayn. Feejignaanta Cii danka Nabad Sugidda Jubbaland iyo sidoo kale baarit aanada ay ku sameeyaan cid kasta oo ka soo degto gar oonka ayay ugu suurtagashay inay ninkaasi kaga shak iyaan marka hore, markii baaritaanka ku sameeyeena waxaa soo baxday ninkaa inuu ahaa nin caan ah oo Ke nya ay muddo raadineysay, oo xadka Kenya iyo Soma liya dhibaato sanado badan ka soo gaystay inuu yahay, sidaasi ayayna Jubbaland ugu caddaatay ninkaasi inuu ninkii dembiilaha ee la raadinayay uu yahay, waa la xir ay, baaritaano ayaana ku socdo oo hadda Jubbaland buu u xiran yahay.” Ayuu yiri Jaamac Joofane.

"Ninkan wuxuu ku eedeysan yahay inuu dilay dad ku dhow 30 qof, oo dadkii socotada ahaa ee xadka mara yay ah.” Ayuu yiri Joofane oo intaasi ku daray "Xitaa da dka uu dilay sida hadda hay’adaha amniga noo sheege en waxaa ka mid ah aabihiis, oo la sheegay inuu ku dil ay arrimo la xiriira inuu shuftada ka baxo iyo wax lamid ah, uuna ka diiday.”Joofane ayaa intaasi raaciyay "Nin kan naaneys caan ah buu leeyahay oo la yiraahdo ‘aabi hiis dile’ oo dadka deegaanka ay u garanayaan. Dorraad magac been ah ayuu ku dhoofaayay oo ah ‘Cabaas Ca bdi Cali’. Ninkan kiiskiisu waa kiis weyn oo baaritaan u baahan, dad badan buuna ku eedeysan yahay inuu di lay, qaarna uu dhacay.”

Inkastoo ninkani uu ku eedeysan in dadka uu dilay ay reer Jubbaland u badan yihiin, haddana Joofane ay aa sheegay inay suurtagal tahay in Kenya ku wareejiy aan, haddii 2da dhinac ay isu afgartaan, maadaama uu dhibaatadaasi ka gaystay gudaha dalkaasi

.James Swan oo la kulmay guddiga loo saaray ilaalinta qoondada haweenka

Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM Soomaaliya James Swan ayaa Shalay la kulmay Danj irayaasha Qoondada haweenka ee 30% ee baarlama anka Soomaaliya iyo madaxda kale ee haweenka So omaaliyeed. Swan ayaa kala had lay muhiimadda ay leedahay in haw eenku ay ka mid noqdaan kuraasta baa rlamaanka ee weli la dooranayo. Advertisement -

Sidoo kale in la taageero sidii ay si buuxda uga qayb qa adan lahaayeen hababka go’aan qaadashada Soomaa liya, oo ay ku jiraan baarlamaanka iyo xukuumadda.

Maxaa loo fasiran karaa tallaabadii yaabka leh ee uu qaaday Axmed Karaash?

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ahna ku simaha madaxweynah maamulkaas, Axmed Cilmi Cismaan (Ax med Karaash) oo Habeen hore saqdii dhexe soo saaray war qo raal ah ayaa sheegay in mas’uuliyadda maamulkaasi uu la wareegay, maaddaama uu madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ka maqan yahay Puntland.

Arrintaan ayuu Karaash u dalii sha day qodobo Dastuuri ah isaga oo sheegay in aanu dhici karin fira aq Dastuuri ah,maaddama xilli adag oo dhibaatooyin is biirsaday ay jira an lagu jiro.

Maxaa loo fasiran karaa hadalka madaxweyne ku xigeenka?

Siyaasiga Cali Xaaji Warsame oo dhowr jeer wasiir ka soo noqday maamulka Puntland oo la hadlay BBC ayaa sheegay in madaxweyne ku xigeenka uusan ka hadlin wax aan dastuuri ahayn, ee uu soo xigtay qodob ka 81 oo sida uu sheegay caddeynaya in madaxweyne ku xigeenku uu xilka dowladda wadayo haddii madaxw eynaha uu xilkiisa si ku meel gaar ah u gudan waayo.

"Aniga waxay iila muuqataa inay tahay wax uu xaq u la haa awalba inuu wado shaqada dowladda Puntland, ma addaama uu madaxweyne Deni hadda isku sharraxay xilka dowladda federaalka Soomaaliya, uuna ka mashq uulay shaqadii caadiga ahayd in uusan wadin, Puntland waa dhul ballaaran duru ufo aad u badan ayayna leedahay, mad axweynaha kama wadi karo halkaas,” ayuu yiri.

Sidoo kale Cali Xaaji Warsame ayaa sheegay inuus an xaalku ahayn sida ay dadka qaar u fa sireen ee ah in inqilaab uu ka dhacay Puntland oo xilka uu la wareegay madaxweyne ku xigeenka Puntalnd. Wuxuu intaas ku daray in aan la ogeyn waxa haatan ku soo beegay had alka madaxweyne ku xigeenka, maad daama horeba ay u dhici jirtay in Deni uu ka maqnaado Puntland, sidaa sna uu xilka u sii hayo madaxweyne ku xigeenka.

Arrintan oo kale ayuu sheegay inay hore u dhacday xilligii uu madaxweynaha ahaa Allaha u naxariistee Cab dullaahi Yuusuf Axmed, markii uu isu soo sharraxa yay xilka madaxtinnimada Soomaaliya, waxaana xilliga as madxaweyne ku xigeen ahaa Allaha u naxariistee Maxamed Cabdi Xaashi.

"Howsha dowladda isaga ayaa waday, ilaa xad was iirrada qaarkood uu shaqada ka qaaday, oo qaar kale uu ku beddelay qaar kalena uu meel kale geeyay oo dal ka shaqadiisu si toos ah ayay u socotay.” Ayuu yiri siyaasi Cali Xaaji Warsame.

Si kastaba, madaxweynaha dowlad goboleedka Pun tland Siciid Cabdullaahi Deni illaa haatan kama hadal tallaabada uu qaaday madaxweyne ku xigeenkiisa.

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka careysiisay India

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka ayaa Khamiistii booqasho ku tagtey Gob olka K ashmir, qaybta ay maamusho Pakistan, waxayna Ilhaan Cumar sheegtay inay booqashadani uga dan lee yahay in indhaha Mareykanka ku soo jeediso gobolk aasi, taas oo India ay ka carootay.

Gobolka ay Muslimiinta ku badan yihiin ee Kashmir ayaa u kala qay bsan qayb ay maamusho Pakistan iyo qayb kaloo ay India maamusho, waana gobolka ay xiisadiisu u nug ushay in dagaal uu ka dhex qarxo dalalkaasi haysta hubka wax gumaada Nuclear-ka.

Ilhaan Cumar oo booqatay khadka militariga maamulo, isla-markaana ah xadka kala qaybiya labadaasi dal ayaa sheegtay inaanan arrinta Kashmir, sidii la rabay looga hadlin Aqalka Congress-ka iyo xitaa Aqalka Cad Mareykanka.

"Ma rumeysni in arrinta Kashmir looga hadlo, sidii loo baahnaa Congress-ka dhexdiisa iyo xitaa Dowladda Mareykanka dhexdeeda.” Ayay tiri Ilhaan Cumar.

Ilhaan Cumar oo Warbaahinta la hadleysay ayaa tiri "Arrinta ku saabsan Kashmir, waxaan hore ugaga hadal nay kulan ay yeesheen Guddiga Arrimaha Dibadda Co ngress-ka, si aan u eegno xaaladda xadgudubyada xuq uuqda aadanaha ee halkaas ka jira.”

Xukuumadda Delhi ayaa si adag u cambaareysay socdaalka aan la sii shaacin ee Ilhaan Cumar ku tagtey gobolkaasi, iyadoona India sheegtay inay dib ka oga atay booqashada Ilhaan ee Kashmir.

Arindam Bagchi, Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda India ayaa Ilhaan Cumar ku eedeeyay inay booqatay qayb ka mid ah dhulka Midowga India, balse ay si sharco darro ahi ku haysato sida uu yiri Pakistan.

"Waxaan ogaanay inay Ilhaan booqatay qayb ka mid ah dhulka Midowga India, oo ay xilligan si sharci darro ah ku haysato Pakistan.” Ayuu yiri Arindam Bagchi.

Hay’adaha xuquuqul insaanka iyo caalamka ayaa si xoog leh India ugu eedeeya tacadiyada joogtada ah ee dadka Muslimiinta ugu gaysato gobolkaasi, tiiyoo India ay si indho la’aan ah u beeniso.

Wasiiradda arimaha dibada Biljimka oo xilkeeda isaga tagtay si ay u dareyeesho nine-day.

Wasiirka arimaha dibada Biljimka Sophie Willems ayaa xilkeedii si kumeel gaar ah isaga tagtay si ay u daryeesho ninkeeda oo la ildaran xanuunka kansarka.

illems oo sidoo kale ah ra’iisul wasaare ku xigeenka wa danka ayaa qaadatay fasax ilaa iyo dhamaadka xagaag a soo socda oo ay qoyskeedu fiirin doonaan sida uu xaalku noqdo.

Waxay sheegtay in ay xilka isaga tagtay kadib mar kii uu ra’iisul wasaaruhu si buuxda ula tashaday xisb igiisa. Ra’iisul wasaaraha Biljimka Alex andre de Croo ayaa yiri: "go’aanka ay qa adatay wasiir Willems waa midkii loogu xushmada badnaa”.

De Croo aya aintaas ku daray in wasi iradu aysan si rasmi ah isaga casline ynin xilka dawlada, balse awoodahaheeda si kumeel gaar loogu wareejindoono wasaarado kale.

Gabadhan ayaa hore u soo qabatay jagada ra’iisul wa saaraha intii u dhaxaysay 2019 iyo 2020waxayna guur satay ninkeeda Chris Stone oo u dhashay dalka Austr alia sanadkii 2009 kii.

Putin oo guul ka sheegtay Mariupol, soona saaray amar

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa Kha miista Shalay ah bogaadiyey wax uu ugu yeeray "xore ynta” magaalada Mariupol kadib markii wasiirka gaasha andhigga Sergei Shoigu uu u sheegay in Moscow ay ga canta ku dhigtay magaaladan dekedda leh, marka laga reebo warshadda biraha sameysa ee Azovstal.

Si buuxda ula wareegidda Mariupol oo ku taalla badda Azov ayaa guul-weyn oo muh iim ah u noqon doonta Russia, ayada oo u sahleysa inay isku xirto gobolka ay horey ugu darsatay ee Crimea iyo dhulka gooni u goosatada ay taageerto ee bariga Ukraine.

"Mariupol waa la xoreeyey,” ayuu Shoigu u sheegay Putin intii uu socday kulan laga baahiyey taleefishinka. "Inta ka hartay ciidanka Ukraine waxay gabbaad ka dhi gteen aagga warshadda Azovstal.”

Shoigu ayaa sheegay in qiyaastii 2,000 oo difaacayaal reer Ukraine ah ay ku jiraan warshadda, halkaasi oo iska caabintii ugu dambeysay ee Ukraine ay gabaad ka dhiganayaan.

Putin ayaa sheegay in "xoreynta” Mariupol ay "guul” u tahay ciidamada Ruushka, hase yeeshee wuxuu ku amray Shoigu inuu baajiyo qorshe ay ku geli lahaayeen aagga warshadda Azovstal, isaga oo ugu yeeray "mid aan lagama maarmaan aheyn.”

"Waxaan u arkaa ku xoomidda lasoo jeediyey ee aagga warshadaha mid aan lagama maarmaan aheyn,” ayuu Putin u sheegay wasiirkiisa difaaca Sergei Shoigu. "Waxaan ku amrayaa inaad baajiso.”

"Looma baahnaa inaad ku booddaan aaggan warsha daha, xanniba dhammaan hareeraheeda si xitaa aanu tixsi uga baxsan,” ayuu yiri.

Kumanaan qof oo shacab ah ayaa la rumeysan yahay inay ku dhinteen magaalada oo ay go’doon ku hayeen ciidamada Ruushka muddo bil ka badan, ayaga oo aan heli karin cunno, biyo iyo koronto.

Dhinaca kale, Mikhailo Podolyak oo ah wada-xaajoo daha Ukraine, ayaa Habeen hore soo jeediyey wada-hadallo la bada dhinac ku dhex mara gudaha magaalada Mariup ol, oo ku saabsan aayaha difaacayaasha Ukraine ee weli ku sugan.

"Anaga oo aan wax shuruud ah ku xirin, waxaan diy aar u nahay inaan wareeg cusub oo wada-hadallo gaar ah ku qabano Mariupol,’ ayuu kusoo qoray twitter.

Magaalada oo ay horey ugu noolaayeen 400,000 oo qof, ayaa waxaa ku socday duqeymo ayada oo go’doon ku jirtay tan iyo markii uu dagaalka billowday, waxaana laga soo weriyey khasaarihii ugu xumaa dagaalka iyo musiibo bani’aadaminimo.

Ukraine ayaa sheegtay in kumanaan qof oo shacab ah ay ku dhinteen Mariupol.AFP, REUTERS

Diyaaradaha dagaalka Israel oo duqeeyay Marinka Gaza

Iyada oo ay wali taagan tahay xiisadda u dhaxaysa Isreal iyo Falastiin ayay diyaaradaha dagaalka ee Isreal duqeymo ka gaysteen meelo ka mid ah Marinka Qaza ee dhulka reer fala stiin.

Sida ay baahisay Warbaahinta Istaa’iil duqeymaha ayaa lala beegsaday Xarun Ururka Xamaas uu ku leeyahay Marinka Qaza, waxaana jira khasaaro kala duwan oo ka dhashay duq eyntaas.

Goor sii horeeysay ayaa waxaa jirtay in Madaafiic la ga soo tuuray dhinaca Marinka Qaza inay ku dhaceen dhinaca Israa’iil taas oo ka careeysiisay Ciidamada Isr

aa’iiliyiinta ayna keentay inay diyaarado adeegsadaan



ARACIIN Xadiith: N°26 Xilka Saaran Xubnaha Qofka

Waxaa laga weriyey Abuu-Hureyra (Allaha ka raalli noqdee),


”Inuu yiri: Rasuulkii Allah (s.c.w.) wuxuu yiri: Xubin kasta oo aadamiga ku taal, waxaa korkeeda ah sadaqo, maalin kasta. Marka haddaad laba qof oo dirirsan he shiisiiso sadaqo ayey kuu tahay, haddii aad qof dhibaateysan sida ruux curyaan ah ku gargaartid gaadiid fuulidda oo ku taageertid inuu fuulo ama qalab dhulka ka yaal aad u soo qabato waxay kuu tahay sadaqo, hadalka wanaagsan waa sadaqo, tallaabo kasta oo aad salaad u qaaddid waa sadaqo, haddii aad jidka waxa dadka dhibaya aad ka leexisid waa sadaqo.”[Bukhaari iyo Muslim].

Sharaxa:Xadiiska Lix & Labaatan

Xadiis kani, wuxuu si faahfaahsan inoogu warramayaa xilka ka saaran qofka muslimiinta walaalihiisa ah ee bulshada kula nool. wuxuu llaahay ku waajibiyey xubin kasta oo ka mid ah xubnaha qofka sadaqa joogto ah, waxaana lagu bixin karaa sadaqadaas shaqada xubnaha bulshada ee baahan loo qabanayo, wuxuu xadiisku tilmaamay dhowr fal, tusaale ahaan…

Kuwaas oo ah:

1. In dadka kala boodsan la heshiisiiyo.

2. In qofka tamarta daran ee curyaanka ah ama indhaha la’ lagu caawiyo fuulidda gaadiidka,

3. In hadal wanaagsan oo aan turxaan lahayn lagula hadlo dadka aad la kulmeysid,

4. Inaad Masaajidka qalbigaaga ku xirto, lugtaadana ku badiso oo aad ka qayb qaadato salaadaha faradka ee jamac ahaan loo wada tukanayo iyo duruusta iyo muxaadarooyinka ka jira,

5.Inaad jidka dadka iyo xooluhu marayaan ka nadiifisid waxa dhibaya dadka sida dhagaxa, oodda iwm.

Waxaa la mid ah arrimahaas wax kasta oo wax tar u leh dadka, oo dhib ka badbaadinaya ama dheef u soo jiidaya.

Marka wax-u-qabadka dadka kuu baahan ayaa kaa bixin kara waajibka xubnahaaga saaran, haddii awooddaIlaahay ku siiyay aad ka hagratid walaalahaaga u baa han ogow inaad mudan doonto ciqaabtaIlaahay, sababtoo ah qofka curyaanka ah ama waxtarkaaga u baahanIlaahay uma waayin in uu siiyo awooddaada oo kale ama tu ka weynba, laakiinse, ogaan buu sidaa uga yeelay, si laguu imtixaano adiga iyo dadka kula midka ah, in ay wax ka qabtaan arrimahaas oo kale.

FAA’IIDADA XADIISKA

1.Dhexdhexaadint a Dad kadirirsan waa ku waajib dadka awoodda u leh;

2.Gargaarka qofka aan fuuli karayn baabuurka ama waxa la midka ahba, ha noqdo qof curyaan ah, mid indha là waa waxyaalaha waajibka ku ah xubnaha bulshada muslimka ah;

3.Qofkii aan wax kale hayn waa inuu ku soo dhoweeyo dadka erayo wanaagsan oo qofku ku farxo, isagoo daacad ahoo aan waxba ka sagabanayn.

4.Jidka dadku marayo waa in laga fogeeyo wixii dadka dhibaya, sida dhagaxa, qoryaha, iwm.

5.Socodka loo soconayo masjidka, tallaabo kasta ajar buu ku leeyaha qofku;

6.Sida maalki sekada ugu waaiibtay ayey jirkana ugu waajibtay seko, laakiin, sekada jirku waa inaad xoogga, caqliga iyo laxaadkaaga kale muslimiinta wax ugu tartid;

7.Inuu qofku xooggiisa isaga uun isku koobin ee waa in uu u gudbiyo dadka kale ee walaalahiis ah una baahan waxtarkiisa.

ARBACIIN Xadiith: N°27Shakiga Sidaad Ugu Bixi Lahayd

Waxaa laga weriyey an-Nawaas ibn Samcaan (Allah haka raalli noqdee):

”In uu yiri Nebiga (scw): Samaantu waa dabeecadda wanaagsan, xumaantuna waa wax naftaada shaki geliya ee aad ka hato in dadku kugu arko.”[Muslim]

Waa bisa ibn Macbadna waxaa laga weriyey, (Allah haka raalli noqdee): In uu yiri:Waxaan u imid Rasuulkii Allah (scw), markaasuu i yirri: Ma waxaad u timid inaad warsato saShalay? Markaasaan iri: Haa.

Markaasuu yiri: qalbigaaga warso samaantu waa waxay naftaadu ku kalsoonaato, Qalbiguna ku negaado, xumaantuna waa waxa nafta shaki geliya, qalbiguna ka walaaco, xataa haddii dadku kuu iftiimiyaan oo ay kuu qiraan in uu wanaagsan yahay. Waa xadiis Xasan ah ee ku yaal Musnadka Axmed ibn Xanbal iyo Ad-Daarami.

Sharaxa:Xadiiska Todoba & Labaatan

Xadiiskan waa miisaan lagu kala sooco wanaagga iyo xuShalay, miisaankuna waa galbiga qofka Muslimka ah, marka arrinku kaa hor yimaado haddii aad ka sha kido inuu waxaas xalaal yahay iyo in kale, marka wixii aad ka shakidid ka dheerow xataa haddii dadku ku yiraahdo waxaanu waa xalaal waa inaadanku kalsoonaanin, waa inaad ku camal-fashid waxa aad ku kal soon tahay ee aad ku laabfayow dahay daliil xoog lehna aad sharciga uga heysato.

FAA’IDDADA XADIISKA

1. Haddaad doonto inaad ku dhaqaaqdid shaqo ama fal aad-ka shakisan tahay naftaada la tasho, iyo culumadaIslaamka;

2. Qofka Musilmka dhabta ah, wuxuu qalbigiisa ku negi yahay waa wax san;

3. Qofka Muslimka ah, wixii uu ka shakiyo in ay xun yihiin iyo in kale waa in uu ka dheeraado.

4. Wixii aad neceb tahay in ay dadka sharafta leh kugu arkaan ogow in uu yahay waxa an sharciga ku fiicnayn.

DARUUSTA RAMADAANKA {FADLIGA SOONKA}TOBANKA HABEYN EE DAMBE IYO LEYLATUL QADDARKA

Tobanka ugu Dambeeya ee Ramadaan ma 21-ka Ramadaan baa laga Bilaab aa Iyadoon loo Eegin Cadadka ay Bishu ku Dhammaanayso?

Axad

Isniin

Talaado

Arbaco

Khamiis

Jimce

Sabti

 

 

1

2

3

4

5

 

 

 

 

 

 

 

6

7

8

9

10

11

12

13

14

15

16

17

18

19

20

21

22

23

24

25

26

27

28

29

30



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip